Maxkamad ku taala dalka Ugandha ayaa xabsiga ka sii daysay muwaadiniin Somaliah oo ey xabsi hayeen muddo dheer kadib qaraxii dadka lagu laayey ee ka dhacay magaalada Kambala.
Ganacsade somali ah oo lagu magacaabo Cabdi Casiis waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dib u helida xoriyadiisa, kadib markii Ciidamada Booliska ku waayeen dambigii loo qabtay markii ay ka soo wareegatay sadex Cesho qaraxii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.
"Masaajid ayaan ka soo baxay kadibna waxaa i qabtay Ciidamada Booliska 5 bilood ayaana kujiray Xabsi oo wax dambi ah la igu waayay" ayuu yiri Ninkaasi Ganacsada ah ee Soomaaliga Canadian-ka ah.
Baaris dheer kadib maxkamada sare Dalka Ugandha waxay shaacisay Ninkan lagu magacaabo Cabdi Casiis inuusan lahayn wax dambi ah maxkamadana xoriyadiisa dib ugu celisay, kuna noolaan karo magaalooyinka Dalka Ugandha.
Ugu danbeyntii Maxkamada sare dalka Ugandha waxay horay u sii daysay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xariirinayo qaraxii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha kaasi oo mas’uuliyad ahan xarakada Alshabaab sheegatay.