Af hayeenka u qaabilsan xarakada Alshabaab dhinaca dagaalada Shiikh Cabdilcasiis abuu Muscab ayaa ka war bixiyay dagaaladii ugu danbeeyey ee ay la galeen ciidamada dawladda ku meel gaarka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Af hayeenka ayaa sheegey in dagaaladaasi ay qaadeen cutubyo ka tirsan xarakada shabaabul mujaahiddiin kuwaasoo uu sheegey inay weerar ku ekeeyeen fariisimo ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ay ku lahaayeen degmada Hodan xaafadajeeda isla markaana ay si weyn u naafeeeyeen difaacyadii ciidamada dawladda iyo kuwa amisom ee ku sugan fariisimadaa.
Abuu Muscab ayaa sheegey in tiro ciidamada AMISOM ah in ay halkaa ku dileen tiro kalena ay dhaawaceen isagoona sheegey wararka ay ka helayaan ilaha caafimaadka ee AMISOM in tiriada dhimashada ciidamada AMISOM ay gaareyso illa toban askeri waa siduu hadalka u dhigaye kuwaasoo uu sheegey in qaarkood ay ku dhinteen Isbitaalka AMISOM ee Xartuntii xalane.
Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay la wareegeen fariisimo istiraatiiji ah oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo waliba saanad millatery oo aad u fara badan.
Sheikh Cabdilcasiis ayaa u duceeyey ciidamada Xarakada shabaab isagoona ku booriyay in ay sii wadaan dagaalka inta cadowga soo duuley ay ka sifgeynayaan dalka waa siduu hadalka u yiriye.
Ma aha markii u horeeyey ee dhinacyada isaga soo hor jeeda siyaasadda dalka SOmalia ay guulo ka kala sheegtaan dagaalaa ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho iyadoo dhowaana afhayeen u hadlay AMISOM na uu sheegay iney guulo ka gaareen dagaal kan ka horreeyey oo ey ku qaadeen kuwa Alshabaab
In kastoo dhinaycadaasu ay guulo milatery sheeganayaan ayaan haddana waxaan jirin cid wax iska weeydiisa khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaraya dadka shacabka ah oo aan iyagu dagaalada wax shaqa ah ku lahayn.
halaganknet@gmail.com
↧
Xarakada Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaaladii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
↧