Ururka hubeysan ee Alsabaab ayaa warar hoose oo aan heleyno waxa ey u sheegeen hoggaaamiyaha Xisbul Islaam "ama shabaab ama shariif" iyagoo aad moodo iney go'aansadeen iney baabiyaan awooda Xisbul Islaam ee haatan isugu soo ururtay magaalada Afgooye.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa la sheegay iney xalay shirar is daba joog ahi uga socday ceelasha biyaha iyadoo aan dhab ahaan la ogeyn waxa ey ka hadleen walow loo maleynayo iney dejinayeen khariiradii looga hortagi lahaa weerarka ku soo fool leh Afgooye oo haatan noqotay saldhiga ugu weyn ee XIsbigu gacanta ku hayo.
Shalay ayey ahayd markii Sh. Xassan Daahir Aways oo la hadlayey saraakiisha xisbul islaam uu sheegay iney ama Afgooye difaacayaan ama ku dhimanayaan dagaalka iyadoo taas loo arkay in sabarkii ka dhammaaday Sheikha.
Ururka Alshabaab ayaa si xoog ah uga la wareegay meelo badan oo ka tirsan dalka ururka Xisbul islaam iyadoo ey ugu dambeysay magaalada Buur Hakaba, Bali doogle iyo Toora boora.
Si kastaba, waxaa la ogeyn halka uu ku dhammaan doono dagaalada haatan ka soo dhex cusboonaaday ururka XIsbul islaam iyo Alshabaab iyadoo arrintu mareyso ama shariif ama shabaab.