Inta badan hogaamiye kooxeedyadii dagaal oogayaasha soomaaliya ayaa bilaabay kullamo xariir ah oo ay ku yeeshaan Caasimada Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhex muuqday kullamadaasi hogaamiyayaal can ah.
Hogaamiye kooxeedyadan oo intooda badna ku biiray dowladda KMG ee soomaaliya, intooda badana ka tirsan Baarlamanka KMG ee soomaaliya ayaa bilaabay shir iyo isu imaansho muddooyinkan danbe aan looga baran.
Ilo ku sugan Muqdisho isla markaana xog ogaal u ah kullamada hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho yeelanayaan ayaa xaqiijiyey qaarkood in ay samaysanayaan gaadiid dagaal iyo dib u soo noleynta ciidamo maleeshiyo beeleedyadii ka amar qaadan jiray bari kooxahaasi oo Muqdisho kala googooyay una diiday in ay yeelato hal nidaam.
Lama oga kullamada ay qaadanayaan hogaamiye kooxedyadii hore inay ka danbeyso markii maalin ka hor xildhibaan Furux ciidamo uu watay xireen dekadda Muqdisho, iyo in hogaamiye kooxeedyadan doonayaan mar kale dagaalo qaab beeleed ah ka bilaabaan degmooyinka Magaalada Muqdisho dibna u soo nooleeyaan Ciidamo ku dhisnaa beelo hogaamiye kooxeedyadaasi ka soo kala jeedaan. Ugu danbeyntii kullan si guud u yeeshaan Hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya waxaa ugu danbeysay waqtigii dagaalada kula jireen Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed, kullankana waxa uu noqonayaa kii labaad oo ay yeeshaan tan iyo fashilkoodii.
xigasho soomalinews.com