Afhayeenka Ciidamada sheegta in ay Soomaaliya nabad ilaalin u jeegta ee AMISOM Bhuko ayaa saxaafada Muqdisho ka hawlgasha uga warbixiyay dagaaladii u dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay.
"Dagaaladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay waxay dadka ku dhintay u badan yihiin Soomaali marka laga soo tago askarta caadiga ahna waxay ciidamadeenu ku dileen dagaalladaas sarkaal ka tirsan Xarakatu Shabaab laakiin ma doonayo in aan hadda magaciisa sheego waxaana sidoo kale ku dhintay dhallinyaro badan,” Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Afhayeenka ciidamada AMISOM.
Mar uu dhanka kale afhayeenku ka hadlay qasaaraha soo gaaray ciidamadoodu ayuu sheegay in laba askeri ay ka dhaawacantay hase ahaateen dhaawacyada ay qabaan halistooda wax intaas dhaafsiiisan kama sheegin.
Madaafiicdii shalay qasaaraha ba'an ka geysatay Suuqa weyn ee Bakaaraha ayuu afhayeenka dafiray in ciidamadoodu rideen isagoo ku celceliyay in hawlaha ay u joogaan Soomaaliya aysan ku jirin duqeynta shacabka iyo goobaha ay isugu yimaadaan.
Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka ee uu ku sheegay in ciidamadoodu aysan duqeyn Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo aadaya xili shalay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo weliba qaar ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen in AMISOM madaafiic dhankooda ka soo dhacday ay dhibaatooyin waa weyn u geysteen Suuqa Bakaaraha iyo deegaanka ku xeeran dadka ku dhaqan.