Bil ka hor July 3, 2010 ayaan ka safray Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya anigoo ku wajahanaa dalkeena Soomaaliya waxaana raacay Diyaaradda ay leedahay Shirkadda Juba airways ee sanadkii 1998 la aas aasay, saacad iyo Bar Duulimaad ah waxaan muddo 45 Daqiiqo ah ku hakanay ama transit ku aheyn Garoonka Aden-Adde International Airport oo shaqo sidaas u sii badan aysan ka socon xilligaas.
Waxaan fursad u helay in Diyaaradda ka soo dago aniga oo Garoonka oo ay iiga muuqdeen Gawaaridda Ciidanka AMISOM aan isha mariyay dabcana Qalbiga ayaan ka ilmeenayay waxaana niyada ka tiri “Taloow goormaad ka bixi doontaan Guuldarada idinku dhacday”. Caasimad Airport-geeda ay joogaan ciidan Ajaanib ah, dad aanan aqoon waxa ay isku dagaalayaan. Nasiib daro.
Xaafadda Buula Xuubeey oo Garoonka Aden-Adde International Airport
aan sidaas ooga sii fogeyn garoonka oo ay waalidkeey, walalo iyo asxaaba
daganyihiin waan jecla in aan soo maro balse waqtiga transit-ka ee aan
heesanay iyo amaandarada jirta darted ayaa kaliftay in aan ku hakado
Garoonka.
Gabar da’ yar oo aan u gartay in ay qurbaha ka timid ayaa markii aan
Garoonka Muqdisho soo caga dhiganay oo diyaaradii aan banaanka ooga soo
dhaadhacnay iska ilmeeysay, dabcana waxaan dareemayay in dalkeedii uu
dhibaatada ku habsatay ay tahay wax laga xumaado.
Mid ka mid ah dadkii diyaaradda aan wada saarneen oo ku sheekeesanay Garoonka Muqdisho kana yimid dalka Sweden ayaa igu yiri “Muqdisho
waxaa iigu danbesay 1989, xilligaas oo aan u arkayay In dalka
xaaladiisa aysan fiicneen, balse hadda garoonka waxaa iiga muuqda
dhibaato, dhulkii Qurxoonaa ee Caasimada Soomaaliyana waa lagu
ciyaaray”…. “Aad baan ooga xumahay waxa nagu dhacay”. Qof walba
oo Soomaali ah waxa nagu dhacay ayuu la murugoonayaa balse ilaa goorma
ayay dhibaatadan sii socon doontaa.
Intii aan joogay Garonka Aden-Adde International Airport
waxaan ku arkay dad aan badnen oo aan waji garanayo balse wax dhibaato
kale ah kuma aanan arag oo aan ka aheyn in Ciidan Ajaanib ah ay inoo
waardiyaan Garoonka anaga markaan garan waynay in aan danaha guud si
wada jir ah u ilaalino.
Magaaladda Berbera.
Saacad Duulimaad ah kadib waxaan soo caga dhiganay Garoonka
Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera iyadoo xilligaasi Jawiga uu ahaa in
ka badan 45°C waxaana socotay dabeel kulul balse
markaan wareestay dadka Deegaanka waxa ay ii sheekeen in hadda xaaladda
ay dagantahay balse marka aysan dabeeshan kulul jirin uu jawiga yahay
mid huur ah oo aan loo adkeesan Karin.
Magaaladda Berbera oo ah magaalo Qadiimi ah dabcan waa magaalo
xeebeed ganacsiga iyo dhaqaalaha, waana goobta dhaqaalaha ugu badan ka
soo galo Maamulka ka magac baxay Somali-(land).
Berbera iyo shaqooyinka ka socda?
Magaaladda Berbera oo ah magaalo dabcan Qadiimi ah taarikh dheerna ku
leh guud ahaan dalka Soomaaliya waa Magaalo Istiraatiiji ah waxana ku
taal Degad Caalami ah shaqooyinka Degadan ka socdana waxa ka mid ah.
1.Dowladda Ethiopia waxaa ooga soo daga Badeecado badan
iyadoo Maamul-ka Somali-(Land) iyo Dowladda Ethiopia uu ka dhaxeeyo
heshiis dhanka Dhaqaalaha iyo amaanka ah, waxaana Maamulka Somali-(Land)
heshiiskan ka soo gala dhaqaalo fiican.
2.Dekadda Berbera waxa laga dhoofiya Xoolaha Nool oo sidoo
kalle Dhaqaalo badan guud ahaan Soomaalida uu ka soo galo dhoofinta
Xoolaha nool.
Markii aan Berbera ka soo dagnay waxaan sii marnay Laanta Socdaalka
ee Maamulka Somali-(land) waxaana la iska qaadaa lacago sharci ah anigoo
ku socdaalayay passport-ka cusub ee E-Passport ee Dowladdii C/laahi
Yusuf laga dhaxlay inkastoo aanan laga aqoonsaneen Maamul-ka
Somali-(Land) haddane waa lagu socdaalaa, waxaan dhiibay lacag $35 ah.
Kadib waxa la I waydiiyay su’aalo kooban ugu horeyntiba waxa la igu
yiri ma Xamarawi ayaa tahay? Oo loola jeedo ma Muqdisho ayad ka timid,
Su’aalaha kalle ee Laanta Socdaal-ka ay ku waydiineeyso waxaa ka mid ah
sida Halkee ka timid?, Ujeedka aad Somali-(land)u timid maxay tahay?,
yaad ka garaneysaa Magaaladda?.
Su’aalo iyo xogwareesi kadib waxaa la ii soo celiyay passport-kii
waxaana la ii sheegay in aan Magaaladda Hargeysa gali karo, balse dadka
Muqdisho ka yimaada ee Xamaraawiga ah meeshan lagama jecla gaar ahaan
Dhalinyaradda ayuu igu yiri ninkii Migration-ka fadhiyay oo ah nin da’a
ah balse markii danbe aan maqlay in uu ka shaqeyn jiray laantii
Socdaalka ee Dowladdii Soomaalia ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Allaha u
naxariistee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre.
Kadib waxan soo wajahnay Magaaladda Hargeysa ee xarunta Maamulka Somali-(Land) oo dabcan aan ku faraxsanaa in aan arko.
Magaaladda Hargeysa iyo waxyaabihii aan kala Kulmay?
Magaaladda Hargeysa oo ah Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya
balse haatan ah Caasimada Maamul-ka Somali-(Land) waa Magaalo Magac
weyn ku leh guud ahaan Soomaaliya wax badana waan ku haminayay in aan
booqdo ugu danbeyntiina waxaa ii suura Gashay Alle Mahadii in aan aniga
oo caafimaad qabo aan booqdo si wanaagsana waxaana halkaas igu soo
dhaweeyay asxaab qiimo badan leh.
Magaaladda Hargeysa
Hargeysa waa Magaalo Mustaqbal Ifeeysa leh dadka ku noola waa dad ay
ka go’antahay in ay horumar gaaraan, waxaa magaaladda ka socda
Dhismayaal qurux badan, waxaad arkeeydaa goobo ganacsi dadkana waa dad
diyaar u ah in ay heer sare ka gaaraan Nolasha.
Guud ahaan Magaaladda waxaan soo mariyay cagta, waxaan booqday Goobo
taariikhi ah oo aan jeclaa in aan arko, xarumaha Maamul-ka
Somali-(Land), Meelo taarikhi, Hotel-ladda Magaaladda ugu cansaan ee
Ambassor iyo Mansoor oo aan in badan maqlay iyo astaamo badan oo aan
sawir ahaan u arki jiray.
7 Maalmood oo aan joogay Hargeysa waxaan dareemayay
farxad iyo in aan ku dhax noolahay Soomaali iyo dad aan is fahmeeyno,
waxaan dareemayay in dadka Deegaankaas ku nool ay ka go’antahay in ay
Nabadda ka shaqeeyaan, waxaan dareemayay in Nabad haddii ay jirto wax
walba ay suuragalyihiin dabcan Maamul-ka Somali-(Land) si wanaagsan ayay
ooga shaqeeyeen Nabada guud ahaan. Waxaana u rajeenaya nolal guulo
intaas ka badan in ay gaaraan.
Markii aad gasho Maqaayadaha waxan dareemeeysaa in lagu dareemayo oo waxaa lagu oranayaa “Huuno ma Xamaraawi ayad tahay”
Hargeysa intii aan joogay wax dhibaato ah kalama kulmin, iyadoo
Amaanka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee aad dareemeeyso balse jidad
la’aan ayaa ah dhibaatada ugu badan ee heesata.
Dalka Djibouti iyo Ma Xamaraawi ayad tahay?
Dalka Djibouti waa dal aad u yar dadkiisuna aanan tiro ahaan gaarin
Hal Malyan oo qofood sidoo kalle waa dal ay xarumo Ciidan ku leeyihiin
dalalka Faransiisa iyo Mareekanka.
Dalka Djibouti waa dal amaan ah, Dowladda iyo dadwaynaha waxa ay ka wada
shaqeeyaan sidii amaanka loo xoojin lahaa isla markaana dalka horumar
loo gaarsiin lahaa inkastoo shaqo la’aan baahsan ay ka jirto guud ahaan
dalka Djibouti iyadoo dadka ay dowladda farta ku fiiqayyaan iyo in ay
jiraan wax is daba marin “corruption”.
Djibouti marka aad timaado waxa la garanayaa in aad Soomaaliya ka
timid inkastoo dadka luuqada ay ku wada hadlaan ay tahay Af Somali,
Franch iyo Luuqada Carabiga oo dad badan ay ku hadlaan, luuqada
Soomaaliga wa lagu wada hadlayaa balse lahjada ayaa lagu kala dawanyahay
midaas ayaa cadeeneeysaa in aad tahay qof meesha ku cusub mana jirto
cid ku dhaheeysaa maxaad halkaan u jeedaa ama ka qabaneeysaa.
Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay?
Berbera, Hargeysa iyo dalka Djibouti
marka aad ku hadasho af Soomaali iska caadi ah… waxaan ula jeedaa aysan
ka muuqan lahjad ama gobal gaar ah…. waxaa lagu fahmayaa meesha aad
timid in ay tahay Koonfurta Soomalia, waxaa lagu fahmayaa in aad tahay
qof meesha ku cususub sababtuna waa dadka deegaadan ku nool waa dad isku
Lahjad ama isku qaab u hadla intooda badan, waxaa jiro erayo badan oo
ay wadaagaan oo haddi aadan aqoon ay dhib noqon doonto in aad is
fahamtaan.
Markaan Garoonka Berbera ka soo dagay waxa la igu yiri “Oo ma Xamaraawi
ayad tahay” sidoo kale marka aan imid magaaladda Hargeysa marka ad tagto
goobaha wax lagu iibiyo waxaa lagu leeyahay “Xamaraawi”, balse Djibouti
waxa lagu leeyahay reer Soomaaliya.
Dalka Djibouti oo aan dhanka Dhulka ka soo galay oo aan marayo
xarunta ugu danbeysa ee ciidanka Maamul-ka Somali-(Land) ay joogaan ee
la yiraahdo Lowya Cadde waxaa su’aal I waydiiyay nin ka tirsan ciidanka
xadka jooga ee ka tirsan Maamulka Somali-(Land) wuxuuna igu yiri
“Qabiilkee tahay” markaas ayan ku tiri waxaan ahay Somali kadib inta uu
iga aamusay buu igu yiri “Xamaraawi ayaad tahay soo mahan” si hoose ayaan u dhahay in aad tahay Xamaraawi ma danbiyaaa.. Ilaahey Amarkiis…
Sidoo kalle intii aan Djibouti joogay dad aan badneyn aya ku oranaya ma
Xamaraawi ayad tahay sababtuna waa marka aad I fahmi waysaan balse
sida meelaa qaar aan ku soo arkay way ka wanaagsaneyd Djibouti.
Erayada aan la yaabay waxaa ka mid ah.
Laxoox= oo loo yaqaan Canjeeladda la cuno.
Fooq= waxaa loo garanayaa Daqa ama dhismaha isi saarka.
Kaniif= waxaa loo garanayaa Musqusha mararka qaarna Suuliga waa loo garanayaa.
Biyo la laaqay= waa biyo la qasay sida Canaas, canje orange ama wixii la mid ah.
Xab-xab= waxaa loo garanayaa Qaraha la cuno.
Waxaa jiro erayo badan oo intan ka badan balse erayadan waa kuwii
iigu badnaa ee aan soo arko meel walba oo Soomaaliya ka tirsana waxaa
dabcan ka jira Dhaqan iyo Lahjad ay dadka isku fahmaan.
Gunaanad.
Dhibaatadda ka jirta Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda
Muqadisho waxa ay keentay in dad badan ay u arkaan xal in ay yiraahydaan
magaaladda Muqadisho ma aynaan iman ama Koonfurta Soomaaliya uma
dhalan.
Haddii dhibaatadda sidan ay ku sii socoto waxaa ii muuqaneeysaa in
Soomaalida intooda badan ay is nacaan oo Dadka ay u kala qeyb samaan
deegaan deegaan ama Qabiil Qabiil.
Intii aan safarka ku jiray wax dhibaato ah lama kulmin meel walba oo aan tagana waxaa igu soo dhaweenayay asxaab wanaagsan.
Mahadcelin.
Waxaan u Mahadcelinayaa.. Ibraahim Abdi “Geele”, Mohamed All-man, Shiekh Osman iyo Abiib
oo si wanagsan iigu soo dhaweeyeen dalka Djibouti… sidoo kalle waxaan u
mahadcelinayaa Musse Cadde, Fu’aad iyo asxaabta kalle ee si wada
wanagsan iigu soo dhaweesay Magaaladda Hargeysa.
Salamat.
Ibraahim Da’ud Abdalle
sayfudiin@gmail.com
Kuala Lampur, Malaysia.