Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maqaal "HURTA UMMADDA IYO SIYAASINTEEDU MA IS KU BAAHI BAA??"

$
0
0

"Baahi"   waa dareen adamigu ka wada siman yahay ; ahna kan ku kalifa
in uu sameeyo dadaal iyo howgel si uu u  helo xal iyo jid uu u maro
gaarista baahida uu qabo.  Dareenkaas oo leh wajiyo aad u kala duwan
lehna ahdaaf iyo ujjeedooyin fog iyo kuwa dhow oo aan dhaafsiisneyn
dhadhan waqti kooban ; baa ah kan xaqiijiya nolol iyo wadan uu ku gutto
kuna ilaaliyo baahidiisa  joogtada ah inta uu ka sareeyo dulka.   Wadan
waa baahida ogu weyne ee adami uusan marna ka maarmi karin ahna tan
xaqiijisa jiritaankiisa noole iyo astaan.   Dad aan laheyn wadan kama
duwana geed aan laheyn xidid. Wadan waa  dul xaddidan oo wadaag ah.  
Mas'uuliyadda xanaano ee wadan baa ah baahi  jeel ka jeelna u adeeg isu
adeeg mujtamac aasaas ahaan isleh.  Si kasta iyo xaalad kasta midna ma
bedesho illaalinta wadan oo ah lama huraan aan laheyn qiimo lagu
bedesho.  Abooriste Illaahey ee jiritaan iyo lahaansho wadan waa labo
isku xirin oo aan marna kala harin.   Mujtamac  kama soorowdu umana
soorowdu in uu gaaro isku filaansho nolol keenta in uu ka maarmo baahi
qab wadan  si kasta oo u gaaro buuxin dhaqaale iyo hanti muqaal. 
Dhigaal dhaqaale  qadar kasta ha gaaree kama dhigu qof mid buuxiyey
jiritaankiisa adaminimo ; qoxooti wadan kalana uma noqdo badeel wadankii
hooyo.  Musiibadu waa haddii bahida asal iyo jiritaan leh meerto jeel
ka jeel lagu bedesho dhadhan waqti kooban.
                              

                      Garashada
dareen baahi qiimu ma sameeyo haddii u ku wareego baahi shaksinimo ;
mana waaro hadaan loo sameyn loona dejin aqoon iyo isku duubni si loo
helo dallad la hoos harsado laguna fuliyo dhamaan barnaamijyada
gudashada baahideena.   Dallad la hoos harsadu maanta hadaan Somali
nahay ma eynu heyno.   Inta yar ee lagu sheeko Puntland ama Somaliland
labaduba dhadhan iyo buunbuuninta lagu dhisey baan aheyn mid ummad
Somaliyeed laga dhex arki karo waana nasiib darro ; walow ey yihiin
tahayna mahad Illaahey in la helo meelo ummad Somaaliyeed ku badbaadaan
waana guul iyo jiritaan ; waa la heley ee lama hanan. 
                                        
Qixii noo ahaa joogtada waxaa noo billowdey in maanta Somaali laga
qixiyo Puntland laguna sheeko in eyan u dhalan Puntland.   Ma ahaa
doonista dareenka shacab ee waa mid ku xiran billow siyaasad la rabo in
lagu fuliyo lagana dhaqan galiyo Puntland ayadoo loo marey nabad
la'aanta Puntland.  Waa cajiib in ummad dhan la xaaqo laguna eedeeya
amaan la'aan ayagoo ka soo cararey amaan la'aan ku kaliftey imaanshaha
Puntland.   Ma kii geystey iyo kuwa geystey baa leh eedda nabad la'aanta
marka ey ku caddaato mise inta itaalka yar oo aan laheyn cid  kale ayaa
leh loona arkey in ey ka gadisan yihiin reer Puntland. 
                                        
Akhriste 11 sano ama labo maamul ka bacdi in  maamulka Puntland calan
sameystu maxaa daleel loo hayaa maxaase lagu muujin?   Waxaa billowdey
hirgelinta iyo udub u aaska maamul goboleed leh astaan qaran waxaana
reexiya oo abaal ku qaba waa Ethopia iyo siyaasi Somaali ah oo rajo
ku/ka qaba maamul.   Waxaa aad loo meel marin deegaan sheegasho iyo u
dhisid maamul inta isku deegaanka ah.  Waa cajiib deegaan muxuu kaga
duwan yahay xaafad dad somaali ah wada degaan  marka loo feeriyo
xaqiiqda ku dhalasho deegan ka mid ah deegamada Somaaliyeed? 
Muxuu/maxay ku kala duwan yihiin ku dhalash iyo degenaansho meel dul ka
mid ah wadan weynaha Somalia?  Akhriste xaafad Xamar ku taal maxay kaga
duwan tahay mid ku taal Boosaaso ama Hargeysa ama Jigjiga????   Iga
raali noqo akhriste maxaa ii geeyey Jigjig meeshii aan ku taagnaa
baanan  cagaha  ku heyn kuna heyn waayey!!!!!!  Erayga deegan soo ma
ahaa muujin degenaansho meel waa haddii aan la siyaaseeyn erayga. 
Maxaase
macne ahaan ey ku kala duwan yihiin deegan iyo xaafad haddan la
leexineyn?? Deeganka ama xaafadda  xamarjajab iyo deegaan ka mid ah
deeganada Puntland maxay ku kala duwanaan karaan marka loo feeriyo ku
magacaabid meel ama qeyb-duleed oo ka mid ah dulka Somalia?   Haddii si
hoos ahaaneed loo feeriyo habka lagu wado Somalia in ey ku danbeyso
waxaad ka arki kartaa siyaasiinteeda oo kala leexsadey kalana qeybiyey
wadankii Somalia wadan ahaan kalana saarey ummaddii Somaaliyeed shacab
ahaan. 
Waxaa cajiib ah in jeelka  annigu iyo inta la mid ahi lagu
a'baabin jirey uu maanta yahay mid laga faano oo ahaa Somaalinimo iyo
wadan  loo wada siman yahay.  Waxaa cajiib ah in cadow haddii la
tilmaami jirey ey ummadda Somaliyeed gees ka gees taqaaney kan loola
jeeday; maanta cadowgu la sheego uu yahay kan aan kula qabiil aheyn iyo
deegan.  Waxaa cajiib ah in ummadnimadii shaley la nalagu a'abaabiyey oo
dugsiyada iyo sugaanta Somaliyeed lagu yiqiin taarikhdiida in maanta
lagu sheeko jaahilnimo iyo fikrad khaldan oo gabowdey.  Waxaa cajiib ah
in la doorbidey loona hurey karaamo in ansaxin iyo oggolaansho laga
doona Ethopia laguna loona mahad naqo.   Waxaa cajiib ah baahi hadey
jirtey/jirto la nagu a'baabiyey in ey tahay ilaalinta iyo u adeega
wadanka iyo ummadda Somaliyeed taasna lagu  gaaro  dhamaan baahi la qabo
iyo sharaf karaameysan ee adduunka iyo aakhiro.  Wallaahi wax badan baa
la noo sheegi jirey lana bari jirey su'aasho wixii xagii bey ka
baxeen??   Waa la yaabey lamana nasan loomana maqnaa ; waxaa xaqiiq ah
haddii waqtigu sidaa ku socdu dhibkuna dheeraadu ummadduna qaxdu in la
is weydiin doono meesha ummaddii iyo jamhuuriyadii Somalia ku
dhanbeysey.
                                                
Akhriste feeri gaar ahaaneed 2006-dii abaabulkii dowlad u smaeyntii
Somalia ee wadanka Kenya walow run ahantii wax aan Ethopia saxiixin
aqbalin uusan ka hirgeli karin Geeska Africa. Waxaa la dhisey Dowlad
Federal ah maxay kula tahay in areyga  "Federal"  loola jeedey yaase
wattey?  Xasuus intii aan la qaadan xuriyadda waa la soo hadal qaadey
nidaam federal ah laakin waa la arkey lana fahmey ku fulintiisa Somalia.
Baahida
Ethopia ka dowlad iyo jiritaan ba ah  ku gabasho nidaam federal ah
waana tan ey ku gaartey xuduud iyo dul eyan laheyn.  Dowlad iyo xuriyad
maqaar saar ah ayaa Somalidii Ethopia lagu qanciyey.  Madaxweyne dad iyo
dal leh oo hoose taga R/wasaare Ethopian ah sida kan Puntland ,
Somaliland iyo kan sheegta Somalia oo Dhan.  Nidaamkaas oo Ethopia ka ah
Federal waxay ku fuliyeen Somalia isagoo ah maamul goboleysi.    Waxaa
cajiib ah sida loo buunbiniyo wada shaqeynta dowladda Ethopia , deris
wanaaga , walaaltanimada labada dal iyo dad , muhiimadda ganacsiga iyo
inkalo baden.  Waxay taasi keentey in jabhadihii ONL , OSF ,WSLF ......
ey waayaan gabbaad iyo garab balse lagu xirey Somalia loona doofiyey
Ethopia in ey maanta Ethopia saf ogu jiraan sidii ey u aqbali laheyd
loona sameyn lahaa astur lagu magacaabo heshiis dhex maray Ethopia iyo
jabhadihii ka soo hurjeedey.............. 
Yaa kalifey soortana
geliyey in baahidaas qiimaha weyn leh u hirgasho Ethopia?   SSC oo
maanta laga maqlo Puntland waa wajigii kowaad ee lagu qeybin lahaa
Somaliland laguna dejin lahaa colaada qabiil ee Puntland iyo
Somaliland.  Ogow hurey ayey u jirtey SSC ogow sidii hurey loo caburiyey
maantana la caburiyo lana ceyriyo siyaasinta ka soo jeeda Ssc ee jooga
Puntland iyo sida labada cabburin u kala duwan yihiin.  Ethopia ayaa
buurka ka jafeysa una ololeyn doonta markii waqtigu oggolaadu si maamul
goboleed ka madax bannaan Puntland iyo Somaliland loo dhiso ee ah
Sscland.
Akhriste wali waxbaa dhiman mana sorowbeyso in Puntland iyo
Somaliland ey u jiraan si wadan lagu tilmaami karo isbedel qoomiyadeedna
keeni kara mustaqbalka waana muhiim in labada la yareeyo tayo dul iyo
tiro dad.    Sscland ama Seylacland hadaad maqashid ha nixin hana nixin
haddaad maqashid bardacadland.  Shaley waxaan maqley Waax iyo Waadland
walina ma baarin mana aanan fahmin.
Ahlusunna waljamaaca ayaduna feeri sida loo kala qeybiyey maxaad ka felin godolada hoos taga.
Ethopia
arrinteedu waa maanta maxaad qeybin oo aad qaban karta berina aad kaga
hurtigi kartaa waana in samir iyo waqti la adeegsadaa watta ciyaarta
Ethopia. U samir kuna dheere waqtiga colaada iyo dagaal joog sugna
Alshabaad iyo wixii la mid ah.......................  Akhriste ogow
marka aad qiyaasi weydid xadidi weydid baahida ku heysaa qiimaha ey kugu
fariisan waxaad dhaxaasho musiibo ka weyn baahidii ku heysey ee aad u
raadineysey xalka.
 
                                           
Markii qof waliba u cararey hurtiis  doonis baahi na heysey/heysa waa
tan nagu khasabtey in eynu qoxooti ugu/ku noqonnu gudaha wadanka iyo
meelo baden oo kala duwan kalana fog . Ka carararka wadanka kuma eka
badbaadin naf  maxaa wacey ogaansho la'aanta khatarta iyo u bareerka
xaalad qax iyo qaxootinimo ayaa ah ayaduna mid wadatta halaag iyo
geeri.  Qaadashada go'aan ah in la qaxo kuma koobna baahi qab
qaxootinimo laakin waa mib la isku khasbey xeendaabkuna yahay helitaan
nabed iyo gabaad nasiimo.  Maanta haddan Somali nahay kuwa jooga
wadankii qax kama baxaan kuwa bannaank ku noolna dayac nafsaane ah oo
leh faaruq  qalbi  oo eyan aqoon buuxinteed kama baxaan  iyo dayac ilmo
iyo..............   Fulinta iyo garashada in qax baahi loo qabo la garey
lana fuleh ; laakinse waxaa cajiib ah in ummaddu fahmi weydey kana
midoobi weydey baahida ka hurtagga musiibada iyo burburka iyo baahida in
nabed lagu joogu wadanka. Ka sii darane in is aaminta una hurta
naftooda ummad  la waa.............                                                          
                                             
Musiibadu waa markii ey baahidu ka itaal roonato adamiga ama qofka 
noqotana aragti gaaban oo  hagta garashadiisa caqli  ee fahan nolol  iyo
dareen hawo aduun oo ku kooban  shakhsi ahaantiisa.   Wadanka gudihiisa
ogu hureyn  xaqqiqdu waa in xaaladdu isu rogtey  balwo nafeed  ama
qancin naf oo aan laheyn xad xira.   Waqtiga dheer ee halaaga lagu jirey
iyo niyad jabka joogta ah baa ka dhigey ummad mid aan kalsooni ku qabin
mustaqbil  wadan waana musiibada ogu culus ee ummadi ka dhaxasho dagaal
sukeeye iyo hogaan xumada siyaasinta oo joogta  ah.
Haddii shacabku
qax aaminey kan/kuwa siyaasi isku sheega Somaaliya ma ahaa kuwa ku xiran
hadaf dheer iyo aragtida musiibada ummade ee waa mid ku kooban naftiisa
u meel helid iyo dhaqaale doon.  Heliste dhaqaale laga helo camal
siyaasad waa camalka kali ah ee si joogta ah u hirgeley haddii kan
hantey uu leeyahay cudud qabiil ama ciidan u dhifaaca.  Camalka labaad
ee hirgeley waa  NGO-yada  kii/kuwa  wax ka heley una hirgeshey ha
noqdaan dugsiyo iyo wixii la mid ah ; waa markii la feeriyo danta guud
wax u qabashadeed.     
                                                   
Siyaasiga Somaliyeed baahidiis iyo baahida ummadda uu sheegto  in uu
mas'uul ka yahay aad bey u kala fog yihiin; maxaa wacay ma hanan karo u
adeeg ummadeed madaama uusan ka soo dhex bixin ummadda dhibaateysan ee
uu laakin yahay kan/kuwa abuurey dhibaatada iyo halaaga.  Runtu waxay
tahay in siyaasiga Somalia maanta uu aad u og-yahay una aaminsan yahay
in uusan u adeegi karin ummadda una huri karin ka hurmarinta tiisa  ;
sababto ah kuma qabo kalsooni in uu ka heli karo ummadda  tageero iyo
garab istaag.   Hurta si u soo baxaa siyaasi dhowrsi ma ku leeyihiin
shacab weynaha Somaliyeed?  Akhriste ila jalleec hab dhiska
siyaasinteena iyo sida ey ku soo baxeen una hanteen hoggaanka siyaasadda
; ila arag ka hur xaaladda ey ku jireen iyo in ey ahaayeen kuwa u
adeegi jirey : taa haddi la waayo ma yihiin kuwa ka fog kana dheer
akhlaaq ahaan ku wareega iyo dhifaaca mansab iyo kooxeysi ku dhisan in
isku dan ah iskuna nool. Siyaasintii hure ee qurba-joog iyo wadanka ha
tirsan ; inta aad ku aragtid agagaarka siyaasinta cusub ee hana qaadey
1992 waa kuwa la mid ah kuwa ey hoos harsadaan. Maanta ma lahaa ummaddu
siayaasiin hoos harsada ummadda ey mathalaan.
Akhriste habka lagu
noqdu siyaasi Somalia laguna hantu hogaan la mood leh awood cudud  waa
la'haanshaha koox hubeysan.  Kuliyadda ama jamacadda uu ka soo baxo
siyaasi ama hoggaamiye maanta Somalia waa lahaansho koox hubeysan iyo
awood diidmo arrin ama baaq isla markaasna uu leh awood dagaal iyo diig
daata.  Political platform-ka ayaa ah ma ridi kartaa xabad  waxna ma
diidi kartaa?
Waxaad aragtaa in laga maarmey in ummadda laga doono
dhismo dowladeed; waxaad aragtaa in dhaqaalaha lagu dhisu laguna howl
geliyo dowlad laga helo bannaanka, dhamaan mushaar , hub iyo shidaal. 
Waxaad aragta in jiritaan maamul uu yahay mid ku xirin rabitaanka 
bannaanka siiba Ethopia ,  iyo Un-ka  oo lagu sharciyeestu maamulista
Somalia iyo dowlad u dhisideeda.  Waxaad aragta xanuunka iyo dooda ugu
adag siyaasinteena ey tahay mushaar la'aanta dhowr billood siiba
baarlamaanka.    Beenta iyo ballan qaadka aan dhamaan oo ah mid ku xiran
dagaal gal iyo xureyn magalaada xamar  oo joogta ah ; yaase laga xureyn
yaase loo xureyn?   Isu tanaasul  la'aanta walow ey maanta inta
sheegatta dowladnimada iyo inta ku ridda xabadu ey ahaayeen walaal
islahaa siyaasiyan iyo mabda'a ku dhiqadda ummadda shareecada Islaamka. 
Waa cajiib in baahidu tahay dareen laakin  baahi qabahu  uu yahay kan
xakameeya hagana baahidiisa. Waxaa cajiib ah in isbedelku ka yimaadu
qofka ee uusan ka imaan dareenka baahidisa runta ah oo ah qarannimo iyo
badbaadinta ummadda iyo dalka Somalia;  maxaa wacey waxaad u baahan
tahay waad taqaan waana taqaan waxa fiican waxaa xun waxay ey kala
yihiin.
Waxaa aad u xanuun baden oo aan lala seexan karin fursadda la siiyey Ethopia loona siiyey in ey Somalia gacanteeda gasho.
                                          
Markaan feeriyey hammiga iyo u hallac taaga siyaasinteena doonista
mansab aan laheyn mudnaan iyo howl fulin sida loogu qamaamo : kii maanta
ahaa mucaarid uu yahay muxaafad heley mansab isla markaasna ah tageere
fuliya siyaasad iyo afkaar uu shaley ku ahaa mucaard.   Waxaan dareemey
in dowladnimo iyo sharaf qaran lagu bedeley rabitaan gaaris dhadhan
gaaban kana aan gadisneyn marqaan jaad.  Waxaad mudaa in la wada
marqaasan yahay oo aan laga feersan hadal shaley la yiri iyo mowqif la
muujiyey laguna dagaalamey sidii loo fulin lahaa.  Waxaa cajiib ah
hilmaanka shaley iyo u indha cadeynta mowqifka maanta.  Waxaa ka sii
daran in shacabkii shaley laga gadey mowqif karameysan aan la kala
jecleyn lana hubo in shacab wax bedeli kara uusan jirin xasuusna eyan
qiimo sameyn.  Fulinta xararadd siyaseedka siyaasiga  musiibadiisu kama
duwana balwada qaad cunaha.  Akhriste ha ila yaabin ee maanta musiibaada
balwadu nagu heysu waxaad ka aragta qaadku  xaaladda u na gaarsiiyey
iyo baaba'inta  dhamaan asaaska mujtamac taaso u gudubtey baaba'a
ummadnimo.  Waxaan shaki ku jirin in balwada qaadku nagu kaliftey in
eynu iib geyno ilmahiina mustaqbalkooda ee cafimaad kurimo iyo mustaqbal
waxbarasho oo aan loo hurin madaama helista qaadku ey tahay mid ku
xiran dhaqaale loo huro ; ka waran helista mansab siyaasi maanta soo
laguma iibsan lumin dhamaan sharafta ummadda iyo mustaqbalkooda dhamaan
waxbarasho , caafimaad iyo.............? 
Dhaqaale helista ayaa ah
ayaduna mid wadatta musiibo mar haddii eysan jirin  hab iyo nidaam lagu
ilaaliyo laguna tabco maaliyad ama dhaqaale.   La'aanta nidaam waa
kan/tan  ku kaliftey kan hayaa dhaqaale iyo kan doonista ogu jira in ey
wada mareen/maraan xaalad kasta iyo dulinimo dulmi  si loo hanto
dhaqaale lagu fuliyo baahi qadar iyo qimo ahaan aad u hooseysa ee waqti
kooban oo aan dhaafsiisneyn xaaladda marka uu ku jiro ; ka waran
siyaasiga maanta su  ku helo mansab wuxuu u maraa meel aan doofarku
marin? 
 Ka hadalka balwada qaadku aad bey muhiim u tahay marka aad
fiirisid sida mujtamaca loogu kala furfuro logana jeediyo halaaga ey ku
jiraan  laguna arooriyo in aan wax tar laheyn laakin geysta dhib walina
ah ciidamo fuliyo xabad joogta ah iyo cudud lagu sheegto mas'uuliyad. 
Sido kale ayaa siyaasiinteena iyo inta isku mab'da ah logu kala furfuraa
mansab laguna arooriya in yar oo an wax tar laheyn si aan loo helin wax
isheysta oo leh hadaf mideysan    Kala furfurka mujtamaca waa ka qattu
dheeryahay wadanka gudihiisa ee waa mid fulinta  laga abaabulo labada
wadan ee ku qabo faa'ido dhaqaale iyo mid siyaasadeed.  Waa hubal in
Somalia ka hirgeshey baahi caameysey oo la noqdey mujtamac aad u liita;
kuna mashqoolsan helista in yar; isla markaasna siyaasin ku sheeguna ka
fa'ideystaan.  Waxa  la abuurey baahi joogta ah iyo doonis dhaqaale oo
aan loo heyn camal la qabto   Howl la qabtu  iyo camal baa lagu hanan
karaa baahi. 
                                                    
Macno ma lahaa mar haddii nolol doonisteed ey noqotu maalin dereg mana
noqottu mid buuxisa baahidiisa kan dooney maalin dereg ; sidoo kale
qooxti ku noqo wadan kale ama agagaarka gurigaaga ama wadanka gudihiisa
mana xallisu musiibada laga wada cararey.  Taasi waxay furtaa/furtey in
mujtamac dhan  oo buuxa garasho iyo muqaal  ey u xirmaan in yar oo aan
laheyn rajo badba'din leh ama garasho musiibada lagu jiro. Waxaa cajiib
ah haddaan nahay somali eynu nahay ummad meel u fiyoobi eyan jirin maxaa
wacay baahi xumade na heysaa waxaa noo racaa xishoodkii oo eynu ka
tagney.  Waxaan rajeynayaa Akhriste in aadan ila yaabin ee ila feeri
hoos ahaan sida eynu nahay iyo sida eynaan isugu turin kuna faraxno
halaag haleeley qeyb inaga mid ah iyo ku faanka inta la deley oo leh
carruur iyo waayeel lana sheegtey in janno lagu heley dilkooda iyo
qaxooda.  Xishoodku waa asturka adami kana qaalisan dharka la xirto ee 
la isku asturo.  Xishoodku waa asturka runta ah waana  akhlaaq ;
akhlaaqi waa xishood ; xishood kii hela helyey dhamaan baahi aduun iyo
mid akhiro.  Xishoodku waa buuxin nidaam isu dheeli-tirsan oo leh
qadarin iyo maamuus ha noqottu xaalad dagaal ama mid nabadeed.  Mar
haddii xishood la waayo waa bubaal aan shaki laheyn in is dhaxyaac iyo
fowdu caameysa ey tahay bedelka la fi'sho loona magan galo.
                                                     
Ogu dhambeyn Illaahey wuxuu aadamiga ugu manna sheegtaa labada waqti ee
ah maalinta iyo habeenka.  Maxa wacay waa waqti kan laga fa'ideystu
laguna caabadu Illaahey ; waa waqti kan huromar laga sameeyo laguna
sameeyo ; waa waqti ka ah wareega cumri ee aadami tirsadu intey u
gaartaba ; waana waqti kan Illaahey noo qabtey isla markaasna uu nagu
xisaabin doono sida aan ka yeelney  una dhaqan gelineyn itaal  iyo aqoon
cilmi  iyo waayo aragnimo la kasbadey.  Waxaan shaki ku jirin in eynu
soo marney waqti dheer oo cadaab ah laakinse eynaan ka fa'ideysan kana
weecan jidkii iyo nidaamkii na dhaxal siiyey halaaga iyo baaba'a. Waxaan
shaki laheyn in qof walba oo somaali ah ka buuxa ka hadalka iyo
tillmaamin musiibada na heysa isla markaasna uu u leeyahay awood sheegid
xal u helid. Waxaa aad u adag u istaaqa iyo hergelinta soo saas ma ahaa
akhriste? Ka hur imaanshaha kuwa wada kana danbeeya musiibada ayaa lagu
arkaa indho iyo fahan kala gedisan walow isku si dabku u gaarey
dhamaan.
Allow sahal nin aan saxiib nahay baa qorey " Dadku wax walba
wey ogyihiin dhamaantood ha joogan wadan ama baanaanka, dibane ha
ahaadu ama usan aheyn, faqiir ama curyaan indho la', wuxuu rabo ha
ahaadu aqoonyahan ama jaahil dhamaanteyn diyaar uma nihin in wax
isdelelaan sababto ah meel baan u kala xaglineynaa isku ujjeedu manahin
walow eynu isku xanuun nahay.

Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore


xalaasha xaaraanta Q.1aad

Ahlu sunah oo dagaal guulo ka sheegtay siina wada dagaalka bisha ramadan

$
0
0

Sarkaal u hadlay ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee gobolka Banaadir Shiikh Maxamuud  Axmed Shuuriye oo dhinaca khadadka Idaacadaha Shir  Jaraa’id ugu qabtay ayaa ka hadlay ayaa sheegay iney ka dambeeyeen dagaal shalay ka dhacay degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho.

Sheikh Maxamuud ayaa sheegey in dagaalaaasi ay ka gaareen Guulo Milatery isla markana dhinacyadii ka soo hor jeedey ee Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam ay ka hor tageen weeraro ay ku soo qaadeen fariisimadooda.

Xoghayaha Maamulka ee ahlu sunna ee gobolka Banaadir ayaa sheegey in illaa Sedax Ciidamadiika soo hor jeeday ay dagaalkaas ku dileen isla markaana ay ak dhaawaceen waa siduu hadalka u yiriye illaa Shan ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday.

Shiikha  ayaa sheegey in dhankooda uu dagaalkaas kaga dhintay hal ruux wax dhaawac ah oo ka soo gaarayna uusan jirin.

Sheikh Maxamuud ayaa intaa ku daray ka gadaal markii ay ka war heleen dagaalo abaabulan oo ay soo wadaan dhinaycada ka soo hor jeeda inay ka hor tageen isla markaana dhirbaaxo culus ay ku dhufteen kooxihiii ka soo hor jeedeey waa siduu hadlka u dhigaye.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamada Ahlu Sunna Wal Jamaaca meel walboo ay Dalka ka joogaan ay u diyaar garoobeen Bisha Barakaysan ee ramadaan in ay qaadaan Dagaal uu ugu Yeeray Jihaad kaasoo uu sheegey inay ku qaadayaan XCoogagga Xisbul Islaam iyo XCarakada Shabaabul Mujaahiddiin.

Xoghayaha ayaa ugu yeerey shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan Dagaalka ay ku qaadayaan waxa uu ugu yeeray Cadowga ku soo duulay Dalka, Diinta iyo dadka Soomaaliyeed isagoona hoosta ka xarriiqay in dagaalkan ay rajaynayaan inuu noqdo kii guusha waa siduu hadalka u yiriye.

In kastoo culumaa’uddiinka ahlu sunna dagaaladii shalay ay guulo ka sheegteen haddana waxaan arrintaa ka hadal dhinacyadii kale ee dagaalka ku jirey waa xarakada shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam oo uu maamulku sheegey in labadooduba ay soo qaadeen duulaano.

Dagaalkii shalay ayaa sida la sheegey waxaa ku dhintay illaa afar qof oo rayid ah halkaa illaa siddeed kalena ay ku dhaawacmeen Rasaastii ay Is weeydaarsanyeen dhinacyada dagaaliu u dhaxeeyey.

Si kastaba waxaa deggan saaka goobihii shalay illaa xalay dagaalada iyo duqeymaha ay ka dhacayeen iyadoo dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiguna uu yahay mid gaabis ah maadaama ay manta tahay maalinimo jice ah oo dadka intiisa ka badan guryahooda ay ku negei yihiin

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ciidamada Kenya xabsiga u taxaabeen

$
0
0

Muwadiniin somaliyeed oo sida la sheegay ka cararayey dagaalka ka holcaya meelo kamid ah dalka Somalia ayaa ciidamada Kenya ee Xaduuda jooga qabteen isla markaasna xireen sida ey sheegeen dadka degaanka xaduuda ka agdhow.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan Soomaalidaa ay doonayeen in ay gaaraan gudaha wadankaasi Kenya waxaana dadkaan ay tiradoodu gaaraysaa ilaa iyo tomaneeyo ruux.

Ciidamada dowlada Kenya ayaa ayagu waxa ay si aad ah u adkaynayaan xuduuda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, waxaana arintaan ay ka danbaysay ka dib markii dhowaan qaraxyo xoogan ay ka dhaceen magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda qaraxyadaasi oo ay sheegeteen in ay ka danbeeyeen xarakada Al-Shabaab.

Dadkaan ay qabteen ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhamaantood xabsiga loo taxaabay.

Ma,ahan mid cusub in ciidamada amaanka ee wadanka Kenya ay qab qabtaan dad soomaali ah iyagoo iskau dayaya iney galaan dalka kenya.
 

Ciidamada Galmudug oo soo qabtay raggii dhacay xawaalada Qaran

$
0
0

Ciidanka
amaanka maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in ay
gacanta ku soo dhigeen ragii dableyda ahaa ee dhaca iyo boobka u geystay
Xawilaada Qaran ee magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha amaanka koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in ay sameeyeen
hawlgal amaanka ku aadan oo ay ka dhex fuliyeen xaafada Wadajir ee
koonfurta Gaalkacyo, halkaasi oo ay uga suurta gashay in ay gacanta ku
soo dhigaan qaar ka mid ah dableydii weerarka ku qaadey bishan gudaheeda
Xawilaada Qaran ee magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka weeraray Xawilaada Qaran ayaa dhacay lacag aad u
farabadan oo taalay keydka xawilaada, iyaga oo dilay hal ruux,
waardiyihii xawilaada ilaalinayeyna dhaawac u geystay.

Saraakiisha amaanka koonfurta Gaalkacyo waxay sheegeen in ay sharciga
hor keeni doonaan maleeshiyaadka weeraray xawilaada Qaran, kuwaasi oo
weerarkooda kadib ku dhuumaaleystay oo u baxsadey dhinaca xaafada
Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Hawlgalka ciidanka amaanka koonfurta Gaalkacyo ay sameeyeen isla
markaana ay ku soo qabteen raggii dhacay xawilaada ayaa ku soo beegmaya
xilli Madaxweynaha maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug uu beeniyey
in raggii weerarka xawilaada ku qaadey aysan iman koonfurta isla
markaana aysan ka mid ahayn shacabka degan koonfurta Gaalkacyo

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda oo laga dareemayo meelo kamid ah gobollka Gedo

$
0
0

Ciidamada Dawladda Ku Meel Gaarka Soomaaliya iyo Culumaa’uddiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee  ku   sugan Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka wadeen daafaha iyo gudaha magaaladaas dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku soo ban dhigayaan awoodooda Ciidanimo.

 Ciidamada dawladda oo ah kuwii lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn soo ban dhigay maalmihii la soo dhaafay iyagoona ku soo dhawaaday Xuduudda magaalada Doolow ay la wadaagto Magaalada Belad Xaawo.

Dhinaca kale Ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahiddiin eek u sugan Degaanka Beled Xaawo ayaa markii ay arrintaa maqleen iyaguna dhankooda ka bilaabay dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn kuwaasoo isu soo baxyo dhoola tusad ah ka sameeyey Degmada Beled Xaawo iyo Degaanada Ku xeeran si aisu muujiyaan in ay diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan dagaal walba oo kala soo gudboonaada dhinaca ciidamada is bahaystay eek u sugan ama fariisinkoodu yahay magaalda Dooloow ee Gobolka Gedo.

 Dadka ku dhasqan Magaalooyinka Dooloow iyo Beled Xaawo ayaa cabsi xooggan ka muujinaya dhaq dhaqqayadan ay sameynayaan Ciidamada labada dhinac.

 Warka ayaa intaa ku daray in dadka ku dhaqan magaalda Beled Xaawo qaarkood ay bilaabeen in ay halkaa isaga bara kacaan isla markaana u guuraan degaanada ka fog degmada BeledXaawo iyagoona ka cabsi qaba dhibaato ka soo gaarta dagaalo halkaa ku qabsada.

 Dadkan ayaa sida ay ku warameen ka cabsaday dhaq dhaqaaqyada ay sameynayaan dhincyada taasoon shaki ka gelinin in goor ay noqotaba ay halkaa dagaalo ka dhici doonaan sidaa darteedna ay goor horeba ay sii bilaabeen in ay ka baxaan magaalda Beled Xaawo.

 Horey ayay ahayd markii dhinacyada ciidamada dawladda iyo Culumada Ahlu Suuna ay walcad ugu mareen in ay qaadi doonaan dagaalo culus isla markaana ay ka saari doonaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kooxaha ku sugan.

 Xarkada shabaabul Mujaahiddiin iyo Ururka Xisbul Islaam oo iyaguna qaybo gobolka kaga sugan ayaa dhankooda iyaguna horey dhaar ugu maray in haddii Ciidamada Dawladda iyo kuwa ahlu sunna ayan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ay ugu tegi doonaan magaalada Dooloow kana saari doonaan Dalka oo dhan.

 Si kasta ha ahaatee hadaladaa horey la isu weeydaarsaday iyo dhaq dhaqaaqa iminka soconaya ayaa xaaladda u yeeley sawir Cabsi iyo wel wel ku dhaliyay Dadkii shacabka ahaa ee degaanadaa ku dhaqnaa taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkaas ay iminka ka bara baxaan degaanadooda.

Ra'iisal wasaare Sharma'arke" Waxaan halkan u imid dedejinta ciidamada la keenayo magaalada Muqdisho"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa gaaray magaaalada Nayroobi wuxuuna durbaba bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu ku dedejinayo ciidamada Afrikaan ee loo yaboohay Dowladda Soomaaliya in ay ka caawiyaan dhinaca amaan soo celinta.

Sharma'arke oo saxaafada Nayroobi kula hadlay aÿaa sheegay in uu halkaas u tegay sidii ciidamada AMISOM loo soo kordhin lahaa si buu yiri loo xoojiyo awooda Dowladda dagaalka kula jirta xoogag mayal adag oo inta badan gacanta ku haya Gobolada Koonfureed, Muqdishana ku sii xoog badan.

Kal hore kulankii hogaamiyayaasha Afrika ee ka dhacay magaalada Kampala ayaa looga dhawaaqay Qorshe ciidamo dheeraad ah loogu dirayo Muqdisho maadaama uu Madaxsweyne Shariif dunida gaar ahaan Afrikaaanka ka codsaday ciidamo la caabiya cadawga dowladiisa.

halgankanet@gmIl.com

Madaxweyne Faroole oo maanta sheegay in Shiikh Atam iyo Maamulka Puntland dagaal ay ku kala baxayaan

$
0
0

Salaadii Jimcaha ee maanta ka dib ayuu Madaxweyne Faroole Jameecadii la tukatay u sheegay in Shiikh Atam ay buuraleyda Galgala xoog uga saarayaan.

Faroole oo aad u xamaasadeysnaa ayaa maanta shacabka Reer Puntland gaar ahaan dadka ku dhaqan deegaanada uu ka soo jeedo islamarkaana ciidamada ku heysto Shiikh Atam ku wargeliyay in dagaal wax aan aheyn aan lagu xalin karin xiisada ka dhex aloosan Maamulkiisa iyo Hogaamiye  dagaal/diimeedka Shiikh Atam.

"Nimankaas waxay doonayeen in ay Boosaaso qabsadaan ka dibna deegaanada kale ee Puntland qaraxyo ka fuliyaan laakiin waanu ka dhiidhinayay hadana waxaa nloo balan ah dagaal" Sidaas waxaa Jameecadii la tukatay Salaadii Jimcaha ee maanta u sheegay Madaxweynaha maamulka Puntland.

Shiikh Atam iyo dagaalyahaniinta uu hogaamiyo ayaa dhankooda ku doodaya in ay u dagaalayaan hirgelinta Shareecada Islaamka balse aysan wax xiriir dhow ah la laheyn xoogaga ka dagaala Koonfurta Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

 


Hay'adda QM ee OCHA oo Warbixin ka soo saartay Somalia

$
0
0

Heyadda xidhiidhinta arrimaha gargaarka iyo banii'aadminnimada ee Somalia, OCHA, ayaa warbixinteedii ugu dambaysey ku soo qaadday tarxiilinta barakacayaasha, dabka iyo dabaylaha xagaaga, iyo dagaallada koonfurta.

Warbixintu waxay tusaale u soo qaadatay Puntland, gaar ahaanna
magaalaa Bosasso, oo laga tarxiiliyey dad kun qof ku dhawdhaw oo
badankoodu u dhashay koonfurta Somalia, ahaana dadkii ka soo qaxay ee
dagaallada koonfurtu soo bara kiciyeen. Dadkaasina waxa dib loogu
celiyey degaannada koonfureed ee Galkacyo.

Puntland waxay sheegatay inay tallaabooyinkani u
qaadayso sababo la xidhiidha xagga sugidda nabadgelyada gudaha, ka dib
markii la ogaaday in dhibaatooyin badan iyo dilal kaga imanaaa kooxaha
xag jira ee ka dagaallamaya koonfurta Somalia, in loogu soo dhex dhuunto
dadkan soo barakacay.

Laakiin he'adda UNHCR ee qaramada Midoobey u
qaabilsan qaxootiga ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dhibaatooyinka soo
gaadhi kara barakacayaashaasi dib loogu celinayo degaannadii ay ka soo
qaxeen ee dagaallada iyo deganaansho la'aanta, waxayna UNHCR ay ugu
baaqday maamulka Puntland inay joojiyaan tarxiilka noocan ah

Dabka dabaylaha xagaaga

dabka xerooyinka qaxootiga

dabka xerooyinka qaxootiga

Dhinaca kale, warbixinta OCHA waxa kale oo ay so
qaadday xaaladda la soo gudbonaatay barakacayaal dhawr kun ah oo
xerooyinkii ay ku jireen ay basbeeleen, ka dib marki dab uu qabsaday
xerooyinkaasi, dabkaasi oo aad u hura, una faafa xilligani ay jiraan
dabaylaha xagaagu

Xerooyin ku yaalla agagaarka magaalada Bosasso
ayaa wabixintu ay sheegtay in toddobaadkii aynnu soo dhaafnay ay ku
guryo beeleen ilaa kun qoys oo qaxooti ahaa, dababkaasi kacay awgood.
Koonfurta Galkacyo ayaa waxa iyana ku gubtey ilaa 35 guri-qoys.

OCHA waxa sheegtay in UNHCR ay u qaybisay
barkacayaashaasi Bosasso ee dabku baabiiyey, taakulayn iskugu jirta baco
iyo gogol, iyo biyo-dhaamis, lana gaadhsiiyy ilaa 1450 qoys (8000 oo
qof)

Dagaallada Muqdishu iyo Bakool

dhaawaca rayidka

dhaawaca rayidka

Warbixinta OCHA waxa kale oo ay ka hadashay
dagaallada koonfurta iyo barakaca, gaar ahaanna duqaymihii ka dhacay
magaalaa Muqdishu toddobaadyadii dhawaa oo ay ku dhinteen ilaa 40 qof oo
rayid ah, in badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixintu waxay sheegtay in laga soo bilaabo
bishii July ee sanadkani, in dad ka badan 26 kun qof ay ku barakaceen oo
ay ka qaxeen magaalada Muqdishu.

Dhinaca kale, dagaallo kale oo la sheegay inay
ka dhaceen bishan afarteedii, degaanno ka tirsan gobolka Bakool, ayaa
waxa ka yimid khasaare xagga dadweynaha ah oo lahaa dhimasho iyo barakac
intaba. Dagaalladaasi oo la sheegay inay u dhaxeeyeen ururka al_Shabaa
iyo ciidamo taageersan dawlada ku-meel-gaadhka ah iyo itoobkiyaan
caawinaya, waxa la sheegay inay ka dhaceen degaanka Yeed oo ka tirsan
degmada Rabdhuurre.

Waxqabad iyo qorshe gargaar

Warbixinta OCHA waxay intaasi ku dartay in
bishii hore dhamaadkeedii, hey'adaha gargaarku ay dhamaystireen qorshaha
garagaarka banii'aadminnimad ee Somalia, kalana qoondeeyeen gargaar
dhan ilaa 20 milyan oo dollar, kuwaasi oo la kala gelinayo mashaariic
iskugu jirta xaga nafaqada, caafimaadka, beeraha iyo xolaha, iyo
adegyada kale ee asaasiga ah.

Waxa kale oo warbixintu ay sheegtay in
kulannadii wadatashiga Hey'adaha iyo dhinaca kale Somalida, in bishan
gudaheeda lagu kala qaban doono magaalooyinka Hargeysa, Garowe, iyo
Nairobi.

Dagaallo iyo duqeymo daba socday oo Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

 

Dagaaladan oo intooda badan ahaa kuwa goos goos ah ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa ururka xisbul islaam, waxana labada dhinac ay isku adeegsanayeen qaybaha kala duwan ee hubka fudud iyo kan culus intaba.

Dagaalkan oo aan ilaa iminka la hubin khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay ayaa dhanka kale waxaa guulo ka kala sheegtay labada dhinac ee uu u dhaxeeyay .

Shir jaraa'id oo uu qadka taleefanka fiidnimadii xalay saxaafada ugu qabtay af hayeenka dhinaca howl galada ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus ayuu ku sheegay in dagaaladii dhacay ay guulo ka soo hooyeen isla markaan ay ciidamada dowlada uga qabsadeen fariisimo cusub.

Dhinaca kale Afrax Cali Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayay dagaalkii shalay galinkii danbe ka dhacay xaafado ka tirsan dagmada hodan ayaa beeniyay guulaha ay ururka xisbul islaam sheegteen, waxana shir jaraa'id oo uu qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho u qabtay ugu horayn uga warbixiyay inta uu ka ogyahay khasaaraha uu dagaalkaasi sababay .

Xaafadaha ka tirsan dagmada Hodan ee ay shalay dagaaladu ka dhaceen oo ah kuwo dadkii daganaa ay ka qaxeen ayaa waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay isku hor fadhiyay qaybo ka mid ah ciidamada dowlada kmg ah iyo xoogagga ururka xisbul islaam, iyagoo mararka qaarna ay labada dhinac halkaasi ku dhex maraan dagaallo iyo duqaymo xiriir ah iyo kuwa goos goos ah intaba.

 

 

Dagaaladan oo intooda badan ahaa kuwa goos goos ah ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada dowlada kmg ah iyo kuwa ururka xisbul islaam, waxana labada dhinac ay isku adeegsanayeen qaybaha kala duwan ee hubka fudud iyo kan culus intaba.

Dagaalkan oo aan ilaa iminka la hubin khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ka dhashay ayaa dhanka kale waxaa guulo ka kala sheegtay labada dhinac ee uu u dhaxeeyay .

Shir jaraa'id oo uu qadka taleefanka fiidnimadii xalay saxaafada ugu qabtay af hayeenka dhinaca howl galada ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus ayuu ku sheegay in dagaaladii dhacay ay guulo ka soo hooyeen isla markaan ay ciidamada dowlada uga qabsadeen fariisimo cusub.

Dhinaca kale Afrax Cali Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayay dagaalkii shalay galinkii danbe ka dhacay xaafado ka tirsan dagmada hodan ayaa beeniyay guulaha ay ururka xisbul islaam sheegteen, waxana shir jaraa'id oo uu qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho u qabtay ugu horayn uga warbixiyay inta uu ka ogyahay khasaaraha uu dagaalkaasi sababay .

Xaafadaha ka tirsan dagmada Hodan ee ay shalay dagaaladu ka dhaceen oo ah kuwo dadkii daganaa ay ka qaxeen ayaa waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay isku hor fadhiyay qaybo ka mid ah ciidamada dowlada kmg ah iyo xoogagga ururka xisbul islaam, iyagoo mararka qaarna ay labada dhinac halkaasi ku dhex maraan dagaallo iyo duqaymo xiriir ah iyo kuwa goos goos ah intaba.

 

Ambassador Yamamoto iyo somalida Maraykanka

$
0
0

Ku xigeen Kaaliya Xoghaya Arimaha dibada ee Maraykanka Uqaabilsa Arimaha qaarada Afinca Donal Yamamoto, ayaa shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen jaaliyada Somalidau ku qabatay Magaalada Seattle ee dalka mareykaanka iyadoo la sameeyey la tashi somalida ku dhaqan dalka mareykanka oo beryahan focusku saaran yahay.

Somalida Mareykanka oo ey soo waajahday cabsi iyo kala shaki kadib markii qaar lagu eedeeyey iney Alshabaab la shaqeeyaan

$
0
0

Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano FBI-da ayaa sirdoon Somali ah ku yaaciyey magaalooyinka somalidu u badan yihiin iyadoo somalidu haatan kala shakisan tahay kadib markii ALshabaabku sheegteen qaraxyo ka dhacay dalka Uganda.

FBI-da ayaa dabagal iyo baaritaanno xoogan waxa ay kuhayaan maalmahani dambe Soomaalida kunool wadanka Mareykanka kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay yihiin kuwa Alshabaab kusoo taageera dhinaca dhaqaalaha.

14-ruux ayay gacanta kudhigeen Sirdoonka Mareykanka waxaana 2kamid ah ay yihiin haween Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu soo wada eedeeyay in ay taageero maaliyadeed u fidiyaan Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Gudaha Soomaaliya.

Labadan haween oo lagu kala magacaabo Aamino Faarax Cali oo 33-jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 63-jir ah ayaa FBI-du ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, isla markaana ay lacagaha ay soo uruuriyaan u diraan.
Hayeeshee haweenkani ayaa ku cabanaya in lacagaha ay u diraan Soomaaliya uu yahay lacago ay u aruuriyaan dadka barakaceyaasha ah ee kudhibateysan gudaha dalka Soomaaliya oo aysan waxba siinin kooxaha Alqaacida xiriirka laleh sida Alshabaab.

Baaritaanno xoogan ayaa haweenkani lagu hayaa iminka, waxaana lagu soo waramayaa in todobaadka soo socda Maxkamad lagu soo taagi doono mareykanka, waxaana haddii ay ku cadaato arrinta lagu soo eedeeyay ay noqon doonaan kuwa Maxkamadda arrintooda ay go’aan rasmi ah ka gaari doonto.

Fadlan Caawi Dhismaha wadada Cusbitaalka Laascaanood(codsi loo jeedinayo somalida)

$
0
0

pic21Ku: Dhamaan ummada jecel inay qabtaan wax-qabadka daryeelka dalkeenii hooyo.

Ka: Guddiga Abaabulka Barnaamijka Dhismaha Wadada (Las-Anod Hospital)

Walalayaal marka hore waxan idinku salamayna salaanta islaamka ee Alaalam Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

Bacda salaam, walaalayal waxaan mudo kujirnay,meelo
badana aanu fundraise ama mucaawimo uga samaynay abaabulka dhismaha
wadada amase Jidka wayn ee  Hospitalka magaalada Laascaanood, ee Gobolka
Sool. Kaasoo aanu jecelahay inaad naga caawisaan wixii karaankiina ah
amase aad noo awoodi kartaan. Hospitalkaas oo ay hadda socoto hawshiisii
, haddii allah iidmona aanu jecelahay inaanu ku guulaysano wax
qabadkaas isaga ah.       Insha Allahu Waxaanu idinka rajaynaynaa inaad
nagu taageeri doontaan arintaas.

Wabilaahi Towfiiq

 

Wixii faahfaahin dheerad ah lasoo xirira

Faysal Abdi (317)640-9325

Mursal bidhiye ( 612) 245-8520

Abdi-gani 614-5566709

Zakariye hashi 404-433-7709

pic29pic9pic99

Salaadiinta Togdheer iyo Buuhoodle oo shiray

$
0
0

Salaadiin ka kala socotay gobolka Togdheer iyo Buuhoodle oo shir dhowr maalmood socday ugu dhammaaday degaanka xadh-xadhka ee u dhexeeya Coodinle iyo Buuhoodle ayaa go'aano soo saaray.

 

Salaadiinta ka qayb gashay shirkaas waxaa ka mid ah Suldan Said Osman
Ali oo ka mi ah isimada ka socday Buuhoodle Khadka telefoonka ayuu
suldaanku ugu warramay Abdinur S Moh'd oo waydiiyey ujeedadii shirka ay u
qabteen iyo wixii go'aanno ay gaareen ?

Dhinca kale Salaadiinta dhinaca Burco ka
socotay, waxaa ka mid ah Suldaan mohamoud Xaaji xuseen oo markii ay
Burco dib ugu noqdeen u waramay wariyaha BBCda X JJ Xgar oo marka hore
waydiiyey shirka xadhadhka ee ay cuqasha intaas le'eg ka qayb galeen
sababta looga dhigay shir qarsoodi ah?

 

Xarakada hubeysan ee Alshabaab oo amar dul dhigay Ganacsatada gobolada Bay iyo Bakool

$
0
0

Ururka Alshabaab ee ka arimiya inta badan Koonfurta Soomaaliya ayaa amar dul dhigay ganacsatada ku gacansatada gobolada Bay iyo Bakool.

Shiikh Cabdiraxmaan Mire Mataan, taliyaha ciidamada Alshabaab ee Bay iyo Bakool oo warfidyeenada la hadlay ayaa sheegay in ay mamnuuceen ka ganacsiga iyo isticmaalida waxyaabaha qarxa ee Baaruuda loo yaqaan, carruurtuna ay ku ciyaaraan xiliyada Farxada.

Baaruuda iyo bug-bacda Carruurtu ku ciyaarto ganacsataduna lacagaha badan ka sameeyaan ayuu Shiikhu sheegay in ay ka mamnuuceen Bay iyo Bakool maadaama sida uu sheegay ay qaraxyadani ka argagixiyaan dadka.

Amarkan cidii ulin weysa ayuu Taliyuhu ugu hanjabay in talaabo laga qaadi doono, carruurtana wuxuu sidoo kale kula taliyay in ay ka fogaadaan adeegsiga waxyaabahan naxdin ku abuura dadka.

halgankanet@gmail.com

 


Shiikh Xasan Daahir oo ganacsatada Soomaaliyeed eedeyn kulul dusha uga tuuray: Muxuu ku eedeeyay?

$
0
0

Hogaamiyaha Xisbul Islaam, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa weerar afka ah ku qaaday ganacsatada Soomaaliyeed ee Alle maalka aduun u dhiibay.

Shiikha oo kulan deegaanka Ceelasha Biyaha kula qaaday qaar ka mid ah Maal-qabeenada ayaa si cad oo aan leexleexad laheyn ganacsatada ugu eedeeyay in ay ka baaqsadeen ka qeybqaadashada Jihaadka ka dhanka ah Dowlada iyo AMISOM ee ay xoogagiisu ku jiraan.

"Waxaad ka baaqsateen in aad maalkiina ku taageertaan Jihaadka idinkoo ka baqaya in Gaaladu ay idinku daraan waxyaabaha ay ugu yeeraan Liiska Argagixisada" Sidaas waxaa koox ganacsato ah u sheegay Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Inkastoo ganacsatadii kulanka soo xaadirtay ay ka meermeereen ka gilgilashada eeda uu Shiikhu dusha uga tuuray ayaa hadana sida uu sheegayo mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay kulankaas waxay ganacsatadu ka gaws-adeegeen wax balan qaad ah in ay sameeyaan waloow aysan si toos ah uga soo horjeesan hamiga shiikha.

Shiikh Xasan ayaa shaqsiyan ka soo horjeeda Siyaasada aan Soomaalida u hiilineyn sida dad badani qabaan ee Reer Galbeedka iyo weliba dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Shiikh Shariifka ay beri jaalaha ahaayeen, taasina waxay kaliftay in liiska waxyaabaha ay u yaqaan reer Galbeedku Argagixisada ay ku biiriyaan magaciisa.

halgankanet@gmail.com

 

Dowladda Soomaaliya oo todobaadkii la soo dhaafay Maamulka Puntland si qarsoodi ah Hub fara badan ugu dirtay

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sida la soo werinayo waxay qaab Qarsoodi ah u geysay magaalada Garowe, xarunta maamulka Puntland Hub aad u fara badan.

Shabakada warbaahinta Shabelle barta ay internetka ku leedahay ayaa waxaa la soo dhigay war sir ah oo sida la sheegay Saraakiisha laga soo xigtay aan magacooda la shaacin dalab saraakiishaas ka yimid dartiis.

Warkan la soo dhigay Barta Internetka ayaa sheegaya in Dowladda Soomaalidu Muqdisho diyaarad kaga rartay Hub aad u fara badan, waxaana hubkaas laga dejiyay magaalada Garowe ee Puntland.

Hubkan ayeey Dowladdu ugu deeqday Maamulka Puntland si uu ula dagaalo ciidamada dagaalka kula jira ee uu hogaamiyo Shiikh Atom:ka lagu xanto in uu xiriir la leeyahay Alshabaabka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku xoogga badan.

Dowladda iyo maamulka Puntland midna si rasmi ah ugama hadlin jirtaanka warkan, sidaas si la mid ahna Shiikh Atom kama hadlin hubkan la damacsan yahay sida la sheegayo in lagula dagaalo ciidamadiisa.

halgankanet@gmail.com

Hogaanka Alshabaab oo hadda lagu muransan yahay. Maxaadse kala socotaa ragga ku muransan?

$
0
0

Hogaanka sare ee Xarakada Alshabaab ayaa iminka ah sida wararka lagu helayo mid lagu muransan yahay.

Shiikh Cabdirixiin Ciise Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha ayaa sheegay in uu hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khilaaf ba'an oo soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta Alshabaab.

"Toban Qofood oo sideed Ajnabi ka tahay ayaa isku heysta xukunka sare ee Alshabaab, Axmed Godane iyo Ibraahim Afghan oo ilma-adeer ah ayaa Soomali ka ah inta kale waa Ajaaniib waxaana ugu cadcad Abuu Mansuur Al-Amriiki" Shiikh Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha.

Alshabaab wuxuu Shiikh Cadoow ku sifeeyay "Takfiir" aan muslim u aqoon cid aan iyaga aheyn wuxuuna sidoo kale Shiikh Cali Dheere iyo Muqtaar Roobow la meeldhigay qalab ama aalad la adeegsado oo ku hadla waxyaabaha ay ka xishoodaan dadka damiirta leh.

Hadalkan ka soo yeeray Shiikh Cabdirixiin Ciise Cadoow, Afhayeenkii hore ee Midowgii Maxkamadaha ayaa ka mid ah hadalada iska soo horjeeda ee ay hawada isu mariyaan Dhinacyadan beri meel u wada jeeday balse dana gaar ah hadda isku khilaafay.

halgankanet@gmail.com  

War deg deg ah: Dagaal aad u xoog badan oo hadda ka socda Buuraleyda Gal-gala, Puntland

$
0
0

War deg deg ah: Dagaal aad u culus oo saakay barqadii ka qarxay deegaanka Buuraleyda ah ee Gal-gala ayaa hadda sii xoogeeystay waxaana labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyo soo kala gaaray gurmad.

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Shiikh Atom ayeey dadka deegaanku ku tilmaameen mid aan waxba la isu reeban oo ay dhinacyadu isu adeegsanayaan Hub wixii ay heli kareen.

Qasaaraha dagaalka ayaa ah mid aan weli la ogeyn baaxadiisa, xaalada oo kacsan iyo rasaasta oo xoog u socota dartood waxaase dhanka Puntland laga soo sheegayaa dhaawacyo la dhigay cusbitaalka Boosaaso.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco wararkeena dambe haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com  

 

Warbixin kooban oo ku saabsan Kulankii Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Helsinki, Xarunta Finland

$
0
0

Kulan afar maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa Khamiistii ku aadaneyn Shanta Bishan Agoosto lagu soo gunaanaday Xarunta Sofia ee Dhaqanka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Soomaali isugu jirtay, Nabad-jirayaal, Samadoono, Siyaasiyiin hore, Aqoonyahanno, Waxgarad, Indheer-garad, Dibad-joog, Bulshada Rayidka iyo weliba Xoogaga Islaamiyiinta wakiilo ka socday ayaa waxaa habsami u socodkiisa daadihinayay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland Pekka Haavisto.

Sida dad badani qabaan natiijada ka soo baxday kulankan ayaa waxaa ugu mudan in la helay tub ama dariiq loo mari karo baadigoobka nabadda Soomaalida ee mudo dheer laga raadinayay meel aysan jirin.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo wakiilo ka socday ay kulanka goob-joog ka ahaayeen ayaa dhankooda ku dheeraaday ka hadlida waxyaabihii ay ka qabteen Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo nabada waloow Soomaalidii halkaas ka hadashay qaarkood ay aad u dhaliileen waxqabadka Qaramada Midoobay.

FG: Waxaan ku hawlanahay diyaarinta warbixin dhameystiran oo shirkaas ku saabsan, dhowaanna waan idiin soo gudbin doonaa ee ha moogaanin.

Linkigan hoose waxaad ka daalacan kartaan Shirkii Jaraa'id ee gunaanadkii kulankaas la qabtay.

http://yle.fi/uutiset/news/2010/08/helsinki_talks_seek_somali_solutions_1884164.html

  

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live