Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Goolhaye Cabdi-xaaq oo VOA Wareysi Siiyey

$
0
0

Goolhayihii Gobolka Jubbada Hoose, Cabdi Maxamed Axmed (Cabdi-xaaq) oo hadda ku nool Australia ayaa tababar siiya caruur Soomaaliyeed oo heer wacan ka gaaray kubadda cagta.

Wareysi uu VOAda siiyey ayuu kaga waramay heerka ay gaareen caruurtan Soomaalida ah ee uu leyliyo.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.


Maalintii Calanka Somalia

$
0
0

12ka bisha October 1954, waa maalintii la sameeyey calanka Soomaaliyeed ee buluugga khafiifka ee xiddigta 5ta gees dhexda kaga taallo.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa xisbigii SYL, horeyna Somalia uga noqday Ra'iisal Wasaare ayaa sharxaya sida sameynta calanku ku timid.

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Deutsche Bank oo ka digaya qatar

$
0
0

Mid ka mid ah bangiyada ugu wayn Yurub Deutsche Bank ayaa dhaleeceeyay qorshaha lagu xalinayo dhabaatooyinka daymaha Yurub

Deutsche Bank oo ka digaya qatar

$
0
0

Mid ka mid ah bangiyada ugu wayn Yurub Deutsche Bank ayaa dhaleeceeyay qorshaha lagu xalinayo dhabaatooyinka daymaha Yurub

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo maanta ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose iyo Dowladda oo ka hadashay

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka dhaceen duleedka degmada Af Madow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaalada soo qaaday ciidamo hubeysan oo taabacsan Xoogaga Shabaab.
Dagaalada ayaa waxay maanta ka dhaceen deegaanta Taabto ee duleedka degmada Madow ee Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna uu u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda oo garab ka hellaaya Ciidamadda Raaskambooni iyo Shabaab oo dhinaca ah, dagaalada ayaa yimid, kadib markii ay weeraro qorsheysan soo qaadeen ciidamo taabacsan Xarakada Al Shabaab.
Labada dhinac ayaa waxay maanta isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo si weyn u gil gillay qeybaha kala duwan ee deegaanka Taabto ee duleedka degmada Af Madow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalada ayaa waxay geysteen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxaa jira guryo ku burburay dagaalada maanta ka dhacay deegaanka Taabto.
Dhanka kale Cornel C/Naasir Seeraar oo ka tirsan Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka, oo goor dhaw la-hadlay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay maanta u geysteen khasaarooyin xoogan.
Wuxuu sheegay inay ka dilleen in ka badan 40 askari, ayna gacanta ku dhigeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in iminka ay iyagu gacanta ku hayaan deegaanka Taabto ee Gobolka Jubbada Hoose.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab, laakiin wixii ku soo kordha kala soco wararkayna dambe.

Dagaal Culus oo Maanta ka Dhacay Deegaanka Taabto ee Jubbada Hoose

$
0
0

Nairobi (RBC) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo saacado badan qaatay uu maanta ku dhexmaray ciidamada Raskambooni oo kaashanaya kuwa DKMG iyo ciidamada Al-Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka bilawday afaafka hore ee deegaanka Taabto oo qiyaas ahaan 60-km u jirta Dhoobley, una dhexeysa magaalooyinka Dhoobley iyo Afmadow.
Dagaalka ayaa ku bilawday weerar ay soo qaadeen xoogaga Al-Shabaab oo ku sugan meel u dhow Taabto, waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in ciidamada Al-Shabaab dib loo riixay.
Khasaaraha dagaalkan uu geystay ayaa aad u badan waxayna la soo sheegayaa in 40 in ku dhow ay ku dhinteen dhaawacuna 30-meeyo uu gaarayo.
Xaalada deegaanka Dhooblay oo 60-km u jirta meesha dagaalku ka dhacay ayaa maanta degan inkastoo dhaqdhaqaaqyo ciidan uu ka jiray gudaha magaalada.
RBC Radio

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Jerry John Rawlings oo Muqdisho soo gaaray.

$
0
0

Waxaa maantay caasimada magaalada Muqdisho soo gaaray Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Mr.Jerry John Rawlings oo ah madaxweynihii hore ee dalkaGhana, iyadoo lagu wado in uu kulamo la yeesho saraakiisha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ayaa tibaaxaya in Jerry Rawlings uu tagayo xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dowladda KMG, sida madaxweyne Sheekh Shariif, Ra’iisul wasaare C/weli Gaas, iyo iyo guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo qarsoodi ah la yeehso Saraakiisha AMISOM oo howlgalada ka wada magaalada Muqdisho.
Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta sidoo kale booqanaya xeryaha dadka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho sida warku sheegayo.

Wefdi Ka Socda Dowlada KMG Ah Soomaaliya oo Soo Garey Maanta Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(RBC): Wefdi ka socda Dawladda KMG ah Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdigan oo u horkacaayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Qaranka , Cabdi Xakiin Ciye la taliyaha Ra’iisul wasaraha ee dhinaca Warbaahinta, Injineer Yarioosow iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Injineer Yariisow oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay wafdiga in ay seddax maalin joogi doonaan magaalooyinka Puntland waxa kaloo uu sheegay wafdiga in ay siddoo kale tagi doono xarunta Puntland ee Garoowe. Waxa uu sheegay lataliyaha xagga war faafinta ra’iisal wasaaraha Soomaalia in wafdigan ay dhameestiri doonaan heshiisyo dhawaan ay kala gaareen Puntland iyo Dowlada KMG ah Soomaaliya. Waxa siddoo kale wafdigan qayb ka yihiin wafuuda dowlada uga qayb galeysa shirka labaad ee wada tashiga oo wajigiisa kowaad uu ku dhacay horaantii bishii hore Magaalada Muqdisho.


Talyaaniga iyo Midowga Yurub oo dib u furanaya Safaaradoodii Muqdisho

Swap Deal Boosts Hamas Clout Over Fatah

$
0
0

A prisoner swap deal between Hamas and Israel to release hundreds of Palestinian prisoners for a captured Israeli soldier has given the Islamist group more leverage over its rival Fatah, analysts believe

Mas’uul ka tirsanaa Dowladii Hose ee Kacaanka oo sheegay in Duqa M/Muqdisho aanu awood u laheyn in Gudoomiye degmo magacaabo

$
0
0

Mas’uul horay uga tirsanaa Dowladii Hoose ayaa ku dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, awoodaha xad-dhaafka ah ee uu adeegsanayo xilkiisa, isagoo arrin aan sharci aheyn ku tilmaamay magacaabis uu dhowaan sameeyay. Mukhtaar Cali Maxamuud (Anjalo) ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan uusan awood u laheyn inuu magacaabo ama uu eryo Gudoomiye [...]

Dhageyso Warka Duhurnimo

An Open Letter to President Abdirahman Mohamed (Farole)

$
0
0

By Puntland Students Network
(PSN)
Malaysia
October 13, 2011
 
Dear President Abdirahman,
 
We are here by congratulating and declaring our gratitude to you Mr. President for your bold step ahead of forming Electoral Commission. Which is transformational Governmental system into well reformed level of governance as it’s the only option for our state to survive and exist safely apprehend from the other prolonged organized criminal activities that handicapped the wider Somali country over all with unified hands. This is the only option that creates a chance of unifying Punt land population with clear fundamental of political correctness. .
As we know your Excellency lacking of an Electoral Commission had suffered the state at many costs, but Punt land People did not lose their hope for the government as it only remained at the heads of the Populations that there will be systematic governmental transformation process since the state’s autonomy declaration back in 1998.
 
 Lacking that regulatory body for the state had caused the following political conflicts which nearly caused statehood collapse destruction and political chaos, so that we’ve earned the following bitter unforgettable incidents;
1.     The 2001 Constitutional crises resulted severe Internal Political civil war
2.     vagueness constitution
3.     Lack of governmental constitutional ruling
4.     The government to lose credibility among its  population
5.     Authority abuse
6.     Lacking of proper management for the Public Property
Therefore the constitutional preparation and ratification process should have to necessarily meet the requirements of attaining people’s assent thus, will be magnificent chance of renewed pursuit of good governance and revival of people’s ambition for the government.
So that your Excellency for the step you’ve taken recently was crucial and honorably you deserve gratitude for that decision as we are well gratified.
On the other hand you’ve nominated generally highly admired individuals for that post of implementation structuring managing the institution that is about to change the current political structure due to their wide knowledge, expertise, responsibility and capabilities, so far their nomination have been welcomed.
Consequently we wish for the Punt land Electoral Commission (PEC) that may Allah assist them in fulfilling their duties in the right path of their assigned responsibilities that weigh on their shoulders to succeed in the process of transitioning the current stage to the long awaited stage, where by our voice will be heard and our vote will be for whom we thought the most suitable.
We hope that we do not depend on tribal based interests but to be united for any party that we may see potentially viable for our united common interest, thus be able to have legal grounds that constitutes us to participate any political competitions at all levels to gain what each and every of us deserve on a vote bases it can be reached if price is paid.!
We remind Punt land population a big opportunity that could result dramatic change is ahead of you. The only way to benefit from it is how gentle you work with (PEC) what ever and how ever they may need your support and how neat and neutrally they work for you.
 
ADMONITION
Our admonition is directed to the different aspects expressed in this writing, as we are disappointed to perceive circulated rumors disregarding the Election Commission as un-trust worthy but only established for to ease and find legitimate grounds to extend the current government’s mandate and establish solid Party in favor of Mr. Abdirahman Mohamed head of the current Punt land Administration.
According to the International system of Election Management Body (EMB) are classified into five models, Independent modelBranch Level-modelMixed modelexecutive model,Judicial model.
Therefore our Punt land Election Commission (PEC) will have to be similar one of these five of international system of elections.
Therefore Punt land Election Commission formation and the nomination of it’s nine members have both been passed and authorized both by the Parliament and the president, that will make the commission as an electoral branch that operates constitutionally recognized separate branch of the government, thus there’s no reason for them to favor in particular terms while they are only needed to remain as a neutral.
The current administration is needed to be en route of arranging Elections of Parliament, Presidents and Vice president’s precisely on the same way that it became in to power which is an Election is held on every 08-January on every four years, the PEC has no any legal effect of this election if it’s task is incomplete at the time of 08-January.
Hence if Punt land Election Commission (PEC) participates the election process while it’s task is not finished, it will truthify the circulated rumors that indicate its establishment as of strategic favor for the current administration which have no moral, ethical, and legal means to extend the mandate of the administration but deliberately could result turning back the former severe conflict that could result blood shed among Punt land population again. If that is only a matter of doubt that certain politicians believe the government should clearly declare that it intends to hold the elections at exact time of every four years and PEC will continue its job of constitutional installation and multi parties legislating process.
Infect the INTERPEACE will have to play crucial role to ensure observe the smoothness of the commission’s work in order to make sure that the International community’s contributions to the state should not be misused in an extravagant way with prolonged corruption manner, lack of proper regulation and observations will result similar events of the ousted Arab regimes bloodshed and INTERPEACE will be accountable at their role for that in proper observations.  
Finally prevention of the above expressively stated matters will only be done if every member of the stake holders shall fulfill his/her duties on honest bases, the common goal of prosperity development and harmony will be reached together.
 
Sincerely,
Puntland Students Network (PSN), Malaysia

Sheekh Fu’aad Shongolle oo maanta hanjabaado culus u jeediyay Dowladda Soomaaliya

$
0
0

Sheekh Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu maanta uu shaaca ka qaaday in uu ka qeyb qaadan doono dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho, isagoo sheegay in uu dagaalada uu ku Shahiidi doono.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, oo maanta ka hadlay Masaajidka Nuureyn ee deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa wuxuu maanta uu hanjabaado uu ugu jeediyay Dowladda.
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle”, ayaa wuxuu sheegay in magaaladda Muqdisho ay iminka soo gaareen ciidamo xoogan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, wuxuuna waxba kama jiraan uu ku tilmaamay in magaaladda Muqdisho xoog looga saaray Al Shabaab.
Fu’aad Shongolle ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay maal-maha soo socda qaadeyso dagaalo xoogan, dagaaladaasoo uu sheegay in uu ku dhiman doono amaba uu kaga adkaan doono Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom.
Wuxuu sheegay in dagaalada ay ku jiraan faa’iidooyin badan oo Janada lagu tagaayo, isla-markaana wuxuu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay dagaalada ka qeyb qaataan.
Si kastaba ha-ahaatee Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu rajo balaaran uu ka muujiyay in magaaladda Muqdisho ay ka saari doonaan Dowladda iyo Amisom.

Hayland oo Magcaabistiisii lagu Guulaystay

$
0
0

Madaxwaynaha Ismaamul Goboleedka PL  C/raxmaan Faroole ayaa Magcaabay Gobolkii ay Mataanaha ahaayeen Sanaag ee Hayland waxana loo Magcaabay Laba Masuul oo Aqoon iyo Khibrad dheeraad ah u leh Hanaanka Maamul Wanaaga, Gobolka Hayland  ayaa Mudo laga caga Jiidayay Magcaabistiisa hase ahaatee Wasiir ku Xigeenka Amniga Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa Geed dheer u Mid Gaaban u Fuulay sidii Gobolkaasi loo Meel marin lahaa.
Gudoomiyaha Hayland ayaa loo Magcaabay Maxamed Faarax Ciise [Jeentaro] Halka ku Xigeen loo Magcaabay Muuse Cali Muuse.
Shabakada GalGalanews ayaa Lix Bilood ka Hor shaacisay in Jeentaro Loo wado Gudoomiyaha Gobolka Hayland ka dib markii ay xidhiidh la soo sameeyeen Wasiirada Reer Sanaag ee arrintaasi xusul duubka xoogan ugu Jiray.
Gudoomiyaha Cusub ee Jeentaro ayaa ka mid ahaa Taliyaashii Weerarka xoogan kala hor timi Kooxdii Mucaaradka ahayd ee Buuraha GalGala kuwaasi oo Maamulka PL Markii danbe ka Takhalusay.
Jeentaro oo Noqonaya Gudoomiyaha Hayland. March 1, 2011 |  waa warkii ay GalGalanews Bishii Sadexaad Daabacday taasi oo ku Tusinaysa sida GalGalanews ugu dhuun daloosho Arrimaha Siyaasada Gobolada Puntland.
 
Bahda GalGalanews
Bosaaso


Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa TFG-da oo galay deegaanka Taabto

$
0
0

Ciidamada wada socda ee Raaskambooni iyo kuwa TFG-da ayaa galabta casir liiqii gudaha u galay deegaanka Taabto, kadib dagala lagu hoobtay oo maanta halkaas ku dhex maray iyaga iyo Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay qeyb ka ahaayeen howl galkaas, iyadoo duqeynta aheyd mid aad u cusleyd oo qasaarooyin kala duwan ay [...]

FADLAN KA QEYB QAADO DHISMAHA ISBITAALKA DEGMADA SALAXLEY

OWN: Halkan Ka Dhegaysta Waraysi Aanu Khadka Telfoonka Kaga Qaadnay Abwaan Gaariye Kana Hadlay Xaaladdiisa Caafimaad

$
0
0

Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysi aanu khadka telfoonka kaga qaadnay Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo dawayn u jooga dalka Norway, isaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad hadda wanaagsan tahay, isla  isla markaana waxa uu u mahadceliyey dhammaan dadkii u duceeyey iyo intii uu ka damqatay xaruunkiisaba. Waxaana Abwaanka waraysiga khadka telfoonka kaga qaaday Cabdishakuur Heersare oo ku sugan xafiiska Oodweynenews.com ee magaalada Hargeysa.
 
 

Oodweynenews.com, Hargeysa Office
 

Diyaarado duqeyn u geystay meelo ka tirsan jubooyinka

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Taabto oo 60-km u jirta magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in galabta diyaarado joog hoose ku duulay ay duqeymo ka geysteen fariisimo ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.
Dad deegaanka ayaa sheegay inay arkeen diyaarado isugu jira kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopters-ka iyo kuwa miiga oo joog hoose ku duulaya kuwaasoo mararka qaar ku soo dhowaanayey degmada Dhooblay oo 60- km ujirta Taabto.
Duqeymaha ayaa ku dhacay degmada Taabto lafteeda iyo dhulka ku dhow halkaasoo maanta ay ku dagaalameen ciidamada DKMG oo gacan ka helaya xoogaga Raskambooni iyo kuwa Al-Shabaab oo ka soo horjeeda.
Weli ma cadda khasaaraha ay geysatay duqeyntan oo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in illaa galabta la maqlayo.
Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan cida iska leh diyaaradahan, iyadoo dadka deegaanka ee aan la hadalnay ay sheegeen in diyaaradahan ay yihiin kuwa dawlada Kenya halka dad kalana ay sheegayaan in Mareykanka uu qeyb ku leeyahay diyaaradaha.
Dadka deegaanka oo u badan xoolo dhaqato ayaa galabta bilaabay inay isaga barakacaan deegaanka si ay naftooda ugala cararaan duqeymahan culus ee lagu beegsanayo ururka Al-Shabaab.
Dagaal culus oo saaka deegaanka ka dhacay ayaa sababay dhimshada in ka badan 40 ruux iyo dhaawac aad u fara badan sida ay ku soo waramayaan wariyaasha Raxanreeb ee koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha DKMG iyo kuwa Raskambooni ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Taabto.

Diyaarado duqeyn u geystay meelo ka tirsan jubooyinka

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Taabto oo 60-km u jirta magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in galabta diyaarado joog hoose ku duulay ay duqeymo ka geysteen fariisimo ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.
Dad deegaanka ayaa sheegay inay arkeen diyaarado isugu jira kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopters-ka iyo kuwa miiga oo joog hoose ku duulaya kuwaasoo mararka qaar ku soo dhowaanayey degmada Dhooblay oo 60- km ujirta Taabto.
Duqeymaha ayaa ku dhacay degmada Taabto lafteeda iyo dhulka ku dhow halkaasoo maanta ay ku dagaalameen ciidamada DKMG oo gacan ka helaya xoogaga Raskambooni iyo kuwa Al-Shabaab oo ka soo horjeeda.
Weli ma cadda khasaaraha ay geysatay duqeyntan oo dadka deegaanka ay soo sheegayaan in illaa galabta la maqlayo.
Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan cida iska leh diyaaradahan, iyadoo dadka deegaanka ee aan la hadalnay ay sheegeen in diyaaradahan ay yihiin kuwa dawlada Kenya halka dad kalana ay sheegayaan in Mareykanka uu qeyb ku leeyahay diyaaradaha.
Dadka deegaanka oo u badan xoolo dhaqato ayaa galabta bilaabay inay isaga barakacaan deegaanka si ay naftooda ugala cararaan duqeymahan culus ee lagu beegsanayo ururka Al-Shabaab.
Dagaal culus oo saaka deegaanka ka dhacay ayaa sababay dhimshada in ka badan 40 ruux iyo dhaawac aad u fara badan sida ay ku soo waramayaan wariyaasha Raxanreeb ee koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha DKMG iyo kuwa Raskambooni ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Taabto.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live