Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Canshuurtii iibka ee Wasaarada Maaliyadu ay soo...

$
0
0


Muqdisho (PP) -
Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Somalia ayaa sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, taasoo dhalisay khilaaf keenay inuu hakado ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo dhaq-dhaqaaqii Dekedda weyn ee Muqdisho.
Shir ay guddiyada joogtada baarlamaanka ku yeesheen Muqdisho ayaa u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ka hadalkan arrintan muranka dhalisay, kuwaasoo kulan la qaatay ganacsatada Banaadir, kana dhageystay cabashadooda.
Qoraal uu saaray guddigan oo ka koobnaa shan Qodob ayaa lagu sheegay in sharci-darro ay tahay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaarada Maaliyada ee canshuurta iibka ee 5%, isla markaana la dhaqan-gelin karin.
Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasaaradda ka dalbaday inay horkeento baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30-ka bisha Abriil ee soo socota, waxaa kaloo labada guddi ku wargeliyeen wasaaradda maaliyadda in canshuur aanay soo marin baarlamaanka Somalia aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.Haddaba Halkan ka akhriso Qoraalka ay Guddiyadu soo saareen;PUNTLAND POST
The post Canshuurtii iibka ee Wasaarada Maaliyadu ay soo rogtay oo lagu Tilmaamay Sharci-darro appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Daawo: Duqeyn ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacday Suuriya

$
0
0

Tirada dhimashada ee duqaynta Suuriya ee magaalada Ghouta ayaa la sheegayaa inay gaartay 250 qof maalmihii u dambeeyey, Qaramada Midoobay ayaana ku tilmaantay masiibo. Ololeeyayaa

Guddiyada maaliyadda & miisaaniyadda & ganacsiga iyo...

$
0
0

Guddiyada maaliyadda & miisaaniyadda & ganacsiga iyo Dhaqaalaha way dadaaleen hase yeeshee mid muhiim ah ayey ilaaween
Feb 21, 2018 -
Labada guddi ee baarlamaanka u qaabishan maaliyadda iyo miisaaniyadda iyo ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa waxa ay maanta soo saareen qoraal ay ku xaaraantinimeynayaan amarka ay wasaaradda maamliyaddu bixisay ee ah in canshuurta gadista ee 5% ah lagu qaado dekadda si loo fududeeyo canshuur aruurinta maadaama xilligaan aysan suuragal aheyn in si hufan canshuurta loogu qaado goobaha ganacsiga.
Sida ka muuqata qoraalka labada guddi ay sida wada jirka ah usoo saareen, in canshuurta la qaado mamnuuc maaha hase yeeshee waxa ay diidanyihiin in dekadda lagu qaado iyaga oo aan fiirin duruufaha adag ee ku xeeran dowladda iyo shaqada adag ee u taalla.
Gudiyadu waxa ay halmaameen qaabkii lagu soo doortay iyada oo la xeerinayo duruufa jira oo aan laga gudbi Karin.Xubin kasta oo kamid ah mudanayaasheena baarlamaanka waxaa soo doortay 51 qofood oo ehelkiisa ah oo qaarkood ay ganactooda kusoo xusheen iyada oo waliba xildhibaanada qaar lagu doortay deegaanno ka baxsan halkii laga soo dooran lahaa taas oo hadii leeska indha tirayo duruufaha jiray ee la xeeriyay meesha ka saari laheyd in ay maanta xildhibaanno ahaadaan.
Waxa aan ku talinayaa in xildhibaanadeenu ay go'aanada u gaaraan si waaqici ah iyaga oo ka fakaraya danaha dalka, dadka iyo diinta si looga gudbo duruufaha jira Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

US says airstrike in Somalia kills 3 al-Shabab militants

$
0
0

The United States military says it has carried out an airstrike against al-Shabab extremists in Somalia, killing three “terrorists.”
The U.S. Africa Command statement says the airstrike occurred Monday near Jilib town in Middle Juba region. “We assess no civilians were killed in this strike.”
The U.S. has carried out a growing number of drone strikes in the Horn of Africa nation in coordination with Somalia’s government. Most are against al-Shabab but a small number have targeted Islamic State group-affiliated fighters in the Puntland region in the north.
The U.S. carried out more than 30 drone strikes last year in Somalia after President Donald Trump approved expanded military efforts against al-Shabab.
The extremist group is blamed for the October truck bombing in the capital, Mogadishu, that killed 512 people.
The post US says airstrike in Somalia kills 3 al-Shabab militants appeared first on Shabelle.

Hay’adda HRW oo sheegtay in Caruurta lagu Xiro...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay maanta ku sheegtay inay la kulmaan tacadiyo kala duwan carruurta lagu xiro Soomaaliya.
Warixinta Hay'adda HRW ayaa lagu sheegay in Maamullada ka jira Somalia si sharci darra ah u xiraan, mararka qaarna maxkamado milateri horgeeya carruur lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabab, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta shaacisay.
Warbixinta oo ka kooban 85-bog, cinwaanna looga dhigay "Waa Sida Inaan Marwalba Ku Jirno Xabsi" Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Wiilasha Lagu Eedeeyay Dembiyada Ammaanka Qaran ee Soomaaliya," ayaa faahfaahinaysa xadgudubyada ka dhanka ah hanaanka suuban ee sharciga iyo tacaddiyada kale ee tan iyo 2015 ay la kulmayeen wiilasha u xiran dowladda ee loo haysto dembiyo la xiriira Al-Shabab. Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ballanqaaday inay si degdeg ah carruurta ay qabatay ugu wareejinyso hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka (UNICEF) si dhaqan-celin loogu sameeyo. Haseyeeshee jawaabta dowladda iyo maamul goboleedyada ee ku aaddan ballanqaadkaasi ayaa ahayd mid is khilaafsan, mararka qaarna meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. 18-kii Janaayo 2018, dowladda Soomaaliya ayaa 36 carruur ah ka qabatay Al-Shabab, waxaana ay qaadatay muddo todobaad ah iyo faragelinta Qaramada Midoobay iyo kooxaha u doodad xuquuqda carruurta si loo dejiyo hannaan lagula tacaalayo carruurtaasi.
"Carruurta ay dhibaatada kasoo gaartay Al-Shabab ayaa wajaha khatarta ah in si xun loola dhaqmo iyo xaaladdo kale oo adag inta ay ku jiraan gacanta dowladda," ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika, isla markaana qortay warbixintan. Waxa ay intaa ku dartay, "Qaabka aan nidaamsaneyn, mararka qaarna ah xadgudubka ee ay u dhaqanto dowladda ayaa dhibaato ku ah carruurta, waxaana uu sii badinayaa cabsida iyo aaminaad la'aanta laga qabo laamaha ammaanka."
Human Rights Watch ayaa waraysatay 80 canug oo ka tirsanaan jiray Al-Shabab, wiilal lagu xiray xarumaha booliska iyo sirdoonka, qareenno, dadka u doodda xuquuqda carruurta iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana ay daraasad ku samaysay hannaanka dacwad qaadidda maxkamadaha milateri, waxayna booqatay laba xabsi.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, tan iyo sanadkii 2015 maamullada ka jira guud ahaan Soomaaliya ayaa xiray boqolaal wiil oo looga shakiyay inay si sharci darro ah ugu biireen Al-Shabab. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Soomaaliya waxa uu waajib ka saaran yahay inay garawsato xaaladda gaarka ah ee carruurta, oo lagu tilmaamo qof kasta oo ka yar 18 jir, kuwaasoo loo qortay ama loo adeegsaday colaadaha hubaysan, ayna ka midka yihiin falalka la xiriira argagixisanimada, isla markaana ay gacan ka geysto dib u soo kabashadooda iyo sidii ay markale uga mid noqon lahaayeen bulshada. Carruurta ka qeyb qaatay dagaallada ururada hubaysan waxaa lagu maxkamadeyn karaa dembiyada waaweyn ee ay galeen, balse hannaanka sharci waa inuu la jaanqaadaa heerarka garsoorka carruurta, waana in la tixgeliyaa qaabab kale oo aan garsoorka ahayn.
Maamullada Soomaaliya ayaan si nidaamsan ula tacaalin kiisaska ammaanka ee ay carruurta ku lug leeyihiin, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Inkastoo ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda horay u qireen inay xiraan wiilasha loo arko inay "khatar weyn ku yihiin ammaanka," ayaa haddana Human Rights Watch waxa ay ogaatay in arimo ay ka mid yihiin maqaamka bulsho-dhaqaale, beesha uu kasoo jeedo iyo caddaasi dibedda ah ay saameyn ku yeelato go'aan ka gaarista kiiska wiilka la xiray.
Wiilasha lagu soo qabtay hawlgallada ammaanka ayaa inta badan waxaa gacanta ku haya laamaha sirdoonka, gaar ahaan Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida (NISA) ee Muqdisho iyo Hay'adda Sirdoonka Puntland (PIS) ee Bosaaso. Hay'adahaasi ayaa go'aansada qaabka ay u kala qeybinayaan carruurta, mudada ay xirnaanayaan iyo haddii ama goorta ay ku wareejinayaan UNICEF. Waxaa aad u kooban dusha kala socoshada madaxa bannaan ee hannaanka baaritaanka iyo goobaha ay carruurta ku xiran yihiin.
Saraakiisha iyo waardiyayaasha xabsiyada ayaa carruurta u geysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin inay qasbaan, su'aallo weydiiyaan, isla markaana u diiddaan inay la kulmaan ehelkooda ama qareennadooda. Carruurta ayaa loo hanjabaa, mararka qaarna loo geystaa garaac iyo jirdil si loogu qasbo inay dembi qirtaan, ama loo ciqaabo cabashadooda ama rabsho ka dhacday xabsiga gudihiisa awgeed. Wiil 16 jir ah oo sanadkii 2016 bilooyin ku xirnaa xarun ay leedahay NISA ayaa yiri: "Habeenkii waxay iga saari jireen qolkeyga, waxayna igu cadaadin jireen inaan dembiga qirto. Mid ka mid ah habeennadaasi waxay igu garaaceen wax u eg ul bir ah. Laba todobaad ayuu dhiig iga socday, balse ma jirin cid i daweysay."
Carruurta ayaa sidoo kale sheegay in lala xiray dad waaweyn, ayna xaalad adag ku sugnaayeen maalmo, ayagoo aan arag ehelkooda. Wiil 15 jir ah oo lagu qabtay hawlgal ballaaran oo dhacay 2017, muddo todobaadya ahna u xirnaa NISA ayaa yiri: "Habeenkii ma seexan karin, maadaama uu qolku ciriiri ahaa. Waxaa i hayay madax xanuun daran, balse ma helin wax daawa ah."
Inkastoo dacwadaha dembi ee lagu qaado carruurta aanay sidaa ugu badneyn Soomaaliya, ayaa maamullada jira waxay adeegsadaan sharci waa hore ah si ay carruurta ugu xukumaan maxkamadaha milateri, ayagoo laga dhigayo inay yihiin dad waaweyn, waxaana dembiyada ammaanka ee lagu eedeeyo ka mid ah in carruurta ay ka tirsan yihiin Al-Shabab, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Tan iyo 2016, tobanaancarruur ah ayaa maxkamad milateri lagu soo taagay Puntland oo keliya. Carruurta ayaa wajaha maxkamadeyn ka hooseysa heerarka asaasiga ah ee garsoorka carruurta, ayadoo ay kooban tahay awoodda ay u leeyihiin inay helaan qareenno difaaca, caddeyn ahaana loo adeegsaday qirasho qasab looga keenay carruurtaasi.
Wiilal uu markii hore adeegsaday ururka Al-Shabab, ka dibna ay qabteen ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa sheegay inay dareemayaan in laba jeer la xannibay, lana dhibaateeyay. "Waxaan dareemayaa cabsi iyo niyad jab," ayuu yiri will 15 jir ah oo u afduubnaa Al-Shabab, ka dibna loo diray inuu ka dagaallamo Puntland bishii Maarso 2016, halkaasoo lagu qabtay laguna xukumay 10 sano oo xabsi ah. "Al-Shabab waxay igu qasbeen arinkan, ka dibna dowladda ayaa igu xukuntay muddo dheer.''
Inkastoo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay tan iyo sanadkii 2015 ku wareejiyeen hay'adda UNICEF carruur tiradoodu dhan tahay 250 canug si dhaqan-celin loogu sameeyo, ayaa waxa ay taasi ku timid ololeyn joogta ah iyo ka dib markii ay carruurta muddo ku jireen xabsiyada.
Waa in maamullada Soomaaliya ay joojiyaan xariga aan loo meeldeyin ee ka dhanka ah carruurta, ayna ogolaadaan hannaan madax bannaan oo lagula socon karo carruurta xiran, oo ay ka warqabi karaan ehelkooda iyo qareennadooda. Haddii carruurta lagu qaadayo dembiyada waaweyn, waa in la horgeeyaa maxkamaha madaniga ah si waafaqsan heerarka garsoorka carruurta, ciqaab kasta oo la mariyana la tixgeliyo qaab bedel u noqon kara xabsiga iyo in mudnaanta la siiyaa sidii ay carruurta dib ugu biiri lahaayeen bulshada.
Human Rights Watch ayaa ku talisay in hawlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa hay'ado rayid ah oo dusha kala socda kiisaska carruurta, ayna kormeerayaal madax bannaan tegi karaan dhammaan xabsiyada, iyo inay ku baaqaan in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta, gaar ahaan kuwa ay geystaan saraakiisha sirdoonka.
"Waa in dowladda Soomaaliya ay carruurta ula dhaqantaa inay dhibbanayaal u yihiin colaadda, ayna xaqiijisaa in carruurta, oo aan loo eegeyn dembiyada loo haysto, ay helaan difaaci asaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin carruurta oo dhan, ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay, "Maamullada ka jira guud ahaan Soomaaliya waa in ay wanaajiyaan dusha kala socoshada carruurta xiran, ayna mudnaanta siiyaan dhaqan-celinta carruurtaasi. Hawlwadaagayaasha caalamiga ahna waa inay gacan ka geystaan dardargelinta dadaallada lagu samaynayo garsoor gaar u ah carruurta."PUNTLAND POST
The post Hay'adda HRW oo sheegtay in Caruurta lagu Xiro Soomaaliya ay la kulmaan Tacaddiyo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Jabuuti: Doorashada Baarlamaanka oo Jimaca Dhaceysa

$
0
0

Dalka Jabuuti waxaa caawa saqda dhexe la soo gaba-gabeynayaa ololaha doorashada baarlaanka ee dalkaasi, iyadoo wixii ka dambeeyana markasina loo diyaar garoobi doono cod-bixinta oo dhaceysa 23ka bishan oo ku beegan Jimcaha.

HRW: Soomaaliya, Caruur Ayaa Maxkamado Militeri La Saaraa

$
0
0

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay jiraan caruur si sharci darra ah loogu xir-xiro isla markaana lagu saaro maxkamado military gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin al-Shabab.

Jabuuti: Doorashada Baarlamaanka oo Jimaca Dhaceysa

$
0
0

Dalka Jabuuti waxaa caawa saqda dhexe la soo gaba-gabeynayaa ololaha doorashada baarlaanka ee dalkaasi, iyadoo wixii ka dambeeyana markasina loo diyaar garoobi doono cod-bixinta oo dhaceysa 23ka bishan oo ku beegan Jimcaha. Ramadan Muuse ayaa warbixintan Jabuuti ka soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:32 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Guddoomiye Yarisow “Haweenka la’aantood dawladda ma...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho, 21 Feb, 2018-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay ururada Haweenka Gobolka, isagoo ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin hor-u-socodka Caasimadda.
Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Haweenka Soomaaliyeed iyo maamulka ay furo u tahay soo celinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan gobolka Benaadir.
"Haweenka la'aantood, dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada, kaalintiinuna waa mid muhiim ah maadaama aad sidoo kale door weyn ka ciyaari kartaan horumarka iyo dhismaha dalka. Idinkoo adeegsanaya fursadahaas waa in aad ka shaqeysaan sidii loo heli lahaa ummad midaysan oo ka fekeraysa mustaqbalka dalka iyo dadkooda".Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.
Qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha sida ay uga go'an tahay in door muhiim ah ay ka ciyaaraan maamulka siyaasadda dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarinta bulshada ku nool Caasimadda.
Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Benaadir in ay ka wada qeyb qaataan Todobaadka Nadaafadda oo ku beegan bil walba dhammaadkeeda, kaas oo dhaqan soo jireen u ah daadallada bilicda iyo nadaafadda ee ay sida wada jirka ah uga wada shaqeeyaan bulshada iyo Maamulka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiye Yarisow oo la dar-daarmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

storvideo: 

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha...

$
0
0

Shir muddo saddex beri ah uga socdey magaalada Garoowe Hay'adaha Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Federaalka, Dawlad goboleedka Jubbaland iyo dawladda Puntland ayaa ayaa maanta kusoo xirmay Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay Hay'adaha shaqaalaha rayidka ah ee dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ahi u yeelan samaysan lahaa wadashaqayn rasmi ah iyo xiriir joogto iyo sidii loo samayn lahaa shuruuc ay kuwada shaqeeyaan hay'adahaasi si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.
Waftiga dawladda dhexe shirka uga qayb geleyey ayaa waxa hoggaaminayey guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Qaranka, Waftiga Jubbaland waxaa hogaaminayey guddoomiyaha hay'adda shaqaalah rayidka ah ee JL ah dhinaca Puntland ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha rayidka ah ee PL iyo guddoomiye ku xigeenka.
Waxaana lagu soo bandhigay shirka muuq baahiye lagu muujinayey qaabka ay u dhisan yihiin hay'adahaasi iyo shuruucda ay ku shaqeeyaan, sidoo kale goobta waxa laysku weydaarsadey aqoon kala duwan oo la xiriirta sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan loona gaari lahaa guulo hor leh.
Ugu dambayn Hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa lagu ammaanay qaabka ay u shaqayso iyo guulaha ay ka gaartey dhinacyada shuruucda iyo shaqaalaysiinta isla markaana waxaa laysla qaatay in ay noqoto Hormuudka Hay'adaha shaqaalaha Rayidka ah Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.
The post Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah oo Garoowe shir ugu soo xirmay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

VIDEO Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galay...

$
0
0

[embedded content]
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu weynaynayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto.Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee "AGA" iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Soomaaliyeed.
Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee "AGA" Maxamed Daahir Afrax, guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Abwaano, Fannaaniin iyo qaar kamid ah qaybaha kale ee bulshada.
Guddoomoyiha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee "AGA" Abwaan Maxamed Daahir Afrax, ayaa ka sheekeeyay taarikhda ku duugan xuska maalintan, sida ay dunidu u qiimaynayso iyo sidii ay ku dhalatay, cidii jideysay iyo sababta maalintan loo doortay, isagoona cadeeyay ahmiyada ay maanta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna soo jeediyay in la is waydaarsado habkii la iskaga kaashan lahaa horumarinta iyo soo noolaynta dhanqanka iyo Af-Soomaaliga oo raacay burburkii dawladnimo.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay maamulka Akadeemiyad-Goboleedka Af-Soomaaliga iyo Akadeemiyada cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo si wayn u harumariyay xarunta Akadeemiyada iyo Afka. Waxuuna balan qaaday in xukuumadiisu ay muhiimad wayn siinayso soo noolaynta Afka iyo dhaqanka.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aas aaska iyo jiritaanka dadkeena uu yahay Af-ka, maadaama ay isku fahmaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Sidoo kalena uu yahay Af ka gudbay xaduudda Soomaaliya oo saameyn ku yeeshay dawladdaha aan dariska nahay.
"Af-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya. waana in loo adeegsadaa shaqooyinka xafiisyadda dawladda si loo hagaajiyo maqaamka afkeena hooyo. Dhamaan shaqaalaha dawladda ayaan farnay in ay dhiirigaliyaan isticmaalka luuqadeena." Ayuu yiri R/W Khayre.
Guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in Af-ka Soomaaliyeed lagu soo qaaday weerar si loo dabo jaro balse ay dadka Soomaaliyeed ay naftooda u hurayn sidii ay u difaaci lahaayeen afkooda hooy. Waxuuna sheegay in kooxda Akadeemi-Gobaoleedka Af-Soomaaliga ay rubac qarni soo wadayn qaylo-dhaan ay ku baraarujineyaan Soomaalida damiirka leh, si loo badbaadiyo afkeena.-DHAMMAAD-
Share this:
Related
storvideo: 

Deg Deg : Ex Wasiirkii Maaliyada somaliland Samsam...

$
0
0

Deg Deg : Ex Wasiir Samsam Cabdi Aadan Oo Ka Dagtay Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalkeeda . Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka degtay magaalada Moqdisho ee - dalka Somaliya. War..
Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka degtay magaalada Moqdisho ee - dalka Somaliya.
Warar xog ogaal ah oo aanu helnay ayaa sheegaya in Ex Wasiir Samsam uu safarka ku wehelinayo walalkeed Xaaji .
Ujeedka Ay Marwo Samsam Cabdi Aadan u tagtay magalada Muqdisho ayaa ah sida ay xoguhu sheegayaan arimo khaas u ah Wasiir Samsam, taas oo la xidhiidha lacag malaayiin Doller ah oo ay ka dhaceen rag South African ah iyo sidoo kale rag ganacsato ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliya .
Ragan Ganacsatada ah ayaa waxaa ay ehel dhaw yahiin madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) kaas oo ay Ex Wasiir Samsam ugu tagtay Ergo ahaan, isla markaana dhex dhexaadin doona ragaas lacagta ka dhacay Ex Wasiir Marwo Samsam Cabdi Aadan .
Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa lagu soo waramaya in ay degtay guri ku yaal magaalada Moqdisho .
Share this:
Related
storvideo: 

Daawo :Agaasimaha Guud Ee Kalluumeysiga Wasaaradda...

$
0
0

Agaasimaha Guud Ee Kalluumeysiga Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumeysiga Fuaad Abdisalam Oo Ka Warbixiyey Ahmiyadda Kalluunka Iyo Waxqabadka Wasaaraddaas .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Canshuur Kordhinta Cusub. Fahankeyga ku aaddan...

$
0
0

Canshuur Kordhinta Cusub.Fahankeyga ku aaddan hadalkii u dambeeyay ee wasiirka maaliyadda uu ku sharxaayay habka canshuur kordhinta waa sidan soo socota: qof kasto oo badeeco soo dagsado waliba wixii aan ahayn daruuriyaadka sida cuntada waxaa laga rabaa inuu canshuur boqolkiiba shan ah (5%) inuu ka bixiyo boqolkiiba labaatan (20%) ka mid ah badeecada uu wato intii ay doonto hala ekaatee. Tusaale ahaan hadii uu muwaadinku lasoo dago badeeco u dhiganta qiimo ahaan $800,000 waxaa laga doonayaa 20% ka mid ah sideeda boqol oo kun oo dollar taasoo u dhiganta $160,000 inuu ka dhiibo 5% oo qiimo ahaan u dhiganto $8,000 halkii ay ahayd inuu muwaadinku bixiyo $40,000 hadii laga qaadi lahaa boqolkiiba shan kamida qiimaha guud. Dhanka kale ganacsatadu waxeey doonaayaan in laga qaado canshuur jacbur taasoo qiyaastii ah $10 illaa $20 dollar halkii bokisba iyadoo laga eegaayo inta uu bokiskaas la egyahay ee aan la fiirineyn qiimaha badeecada ku jirta bokiska.
Afeef: Taageerada dowladdeenna waa waajib saran qofwalbo oo muwaadin Somaliyeed ah ujeedada qormadaanna ma ahan mid ka baxsan taageerada dowladda laakin waa mid wax tusaaleyneysa. Ma ahi xisaabyahayn ama qof khibrad gaar ah u leh hab cashuureed ka aduunka ka jiro iyo midda waddankeenna laakin waxaan leeyahay aragtida oo ay tahay inaan wax ka tusaaleeyo intii aan ka awoodo. Waxaan sidoo kale aamin sanahay in muwaadin kasto oo soomaaliyeed uu jecelyahay dalkiisa oo dhismo iyo inuu canshuurta bixiyo laakin waxa la isku haayo ay tahay farsamada arinkaan loo maraayo.
Horudhacqormadaan gaaban waxeey eegeysaa dhinacyada kala duwan ee ay ahayd ineey kaabaan wasaaradda maaliyadda iyo hanaankii ay ahayd in loo maro nidaamka cashuurta ee dowladda iyo ganacsatada soomaaliyeed ee gobalka banaadir ay isku hayaan. Waxeey iila muuqataa ineey jirto wada shaqeyn la'aan baahsan taasoo ka taagan gudaha qeybaha dowladda iyo sidoo kale dhanka ganacsata iyo shacabka soomaaliyeed oo laftoodu ay canshuurtu saameyn doonto.
Dhinacyada Kala Duwan ee Eey Ahayd Ineey Kaabaan Wasaaradda Maaliyadda.Dhinacyada kala duwan ee ay ahayd ineey kaabaan wasaaradda maaliyadda si loo taabba galiyo canshuur bixinta kuwaasoo aan kasoo dhalaalin doorkooda waxaa ka mida Wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda warfaafinta, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed. Waxaa hubaal ah hadii intaaan oo qeybood ee xusan ay si wada jir ah uga wada shaqeynlahaayeen qorshaha meel marinta nidaamka cashuurta ee cusub in lagaari lahaa guul aan u wada riyaaqno.Su'aalaha badan ee madaxeyga ka guuxaayo kuwooda ugu muhiimsan ee qormadaan igu dhaliyay ma ahan sababta gacasatada soomaaliyeed ay canshuurta u diidanyihiin, ogaalka ay u leeyihiin in dalkoodu dib u dhis u baahanyahay iyo inkale laakin su'aalaha iigu muhiimsan waxaa kamida ah kuwa soo socda.
Su'aalaha Is Waydiinta Mudan.1. Wasaaradda maaliyaddu si wanaagsan ma u qorsheeysay hanaanka meel marinta canshuurta?2. Howshaan ma mid u taallo wasiir-ka iyo wasaaradda maaliyadda kaliyaa?3. Waamaxay kaalinta ay ahayd ineey kasoo dhalaalaan dhinacyada kale ee kor ku xusan sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warfaafinta,Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed si uu u guuleysto qorshaha canshuurta ee wasaaradda maaliyaddu la timid?Jawaabaha.Labada su'aalood ee 1aad iyo 2aad ma ahan kuwa aan doonaayo ineey dhabaha ka leexiyaan dulucda iyo ujeedada qormadeydaan haseyeeshee waxeey mudanyihiin in si kooban looga jawaabo taasoo aan kusoo koobi karno in maxsuulka meelmarinta qorshaha canshuur kordhinta yahay mid muujinaayo inaan si wanaagsan looga baaraandagin. Sidoo kale waxaa hubaal ah in hadii si wanagsan loo qorsheynlahaa in lasii odorisilahaa caqabadaha imaankara sida diidmada qayaxan ee wasaaradda maaliyaddu ay kala kulmeyso ganacsata iyo saameynta shacabka ay ku yeelatay isla markaana la turxaanbixin karay howsha daadajinta canshuurta. Sidoo kale waxaa laga baaqsan karay in dowladdeenna cardunka ah oo tan iyo sanadkii hore la kulmeysay jillaafooyin siyaasadeed oo cadowgu dhigaayay Eebbe-se naga badbaadiyay aaneey markale bixin fursad la iskaga horkeeni karo iyada iyo dadkeeda iyadoo la istimaalaayo qiilka raqiiska ah ee canshuur kordhinta.
Su'aasha 2aad jawaabteeda waa mid iska cad. Hanaanka iyo ujeedada laga leeyahay haayadaha kala duwan ee dowladdu waxbo masoo kordhinayo hadii ay u shaqeeyaan si habqan ah balse wada shaqeynlaan haayadaha kala duwan ee dowladda oo mid walbo ay dhankeeda u shaqeyso waa mid barakada ka qaadeyso wakhtiga cayiman ee ay haysatto dowlad kasto oo soomaaliyeed midda hadda joogto iyo mid soo soocotaba. Sidaa daraadeed, akhriste adiga iyo anigaba waajib ayay nagu tahay inaan farno ama gaarsiinno dowladdeenna ineey abuurto hanaan isku xiraayo dadaalada kala duwan ee qeybaha daladdu wadaan maalin iyo habeyn.
Su'aasha 3aad waa midda ugu ahmiyadda badan qormadaan aan kula wadaagay inaan isku hawlo sababta u ahayd akhriste. Anakoo ka duuleeyno jawaabta su'aasha labaad ee tilmaameyso sida wada shaqeyntu muhiim ugu tahay dowladnimadeenna dulucda iyo ujeedadu waxeey tahay inaan fahanno, kana jawaabno su'aasha dhaheyso; Waamaxay kaalinta ay ahayd ineey kasoo dhalaalaan dhinacyada kale sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warfaafinta, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed si uu u guuleysto qorshaha canshuurta ee wasaaradda maaliyaddu la timid?Doorka Dhinacyada Kala Duwan ee Aan Soo Xusnay.Liiska haayadaha kala duwan ee ay ahayd ineey kaashato wasaaradda maaliyaddu intaaneey ku dhaqaaqin meel marinta qorsha canshuurta cusub waa mid furan balse aragtideyda waxaa habooneeyd in wasaaradda maaliyadu ay qaadi kartay qorshe baaxad wayn oo cilmiyeysan hadii ay kaashanlahayd ama ay hadaba kaashato haayadaha ay khuseeyso.Shaxda hoose waxeey muujineeysaa haayad walbo iyo qeybta ay ahayd ineey ka qaadato meelmarinta canshuur kordhinta.
HAAYADDAKAALINTA KU AADDAN HAAYADDAWasaaradda MaaliyaddaJaangoynta qorshaha kordhinta canshuurtaWasaaradda QorsheyntaCilmi baaris (formal research) lagu sameeyo waxa laga filankaray ganacsatada iyo sida ugu haboon ee loo waajihi karay.Waxaa la adeegsan karaa mar walbo aqoonyahanka soomaaliyeed ee u heellan gacansiinta dib u dhiska dalka iyo waliba ardayda waxbarata iyo dhalinyada marka la sameynaayo cilmi baaris aan qarash badan ku bixin.Wasaaradda GanacsigaDiyaarinta xeerar kala ilaaliyo iskuna ilaaliyo xuquuqda ganacsadaha soomaaliyeed iyo macaamishiisa wax ka iibsaneyso iyadoo la abuuraayo xeer ganacsadahana faraayo inuu raadiyo faaido macquul ah oo dhac aan ku ahayn macaamiisha isla markaana la fahansiiyo in laga wada qaadaayo ganacsadaha canshuurtii isaga laga rabay iyo middii macamiisha laga rabay isla markaana loo sameeyo hanaan uu kusoo ceshan karo canshuurtii uu macaamiisha kasii bixiyay iyadoo la maraayo hanaan xisaab celis ah.Rugta GanacsigaRugta Ganacsiga soomaaliyeed oo ku adeegeyso aqoon iyo xeel dheeri lana casriyeeyay waxaa ku aadanaa talo bixin dhan ka dowladda iyo ganacsatadaba ah. Iyo ineey ganacsata ku hagaan wadada hagaagsan dowladdana kala taliyaan wixii xad gudub ku ah ganacsatada. Sidoo kale rugto waa ineey noqotaa mid awood u leh maareynta ascaarta dollar ka iyo badeecooyinka si loo xakameeyo sicir barar ka ay ganacsatada horseedaan marar badan.Wasaaradda WarfaafintaWasaaradda warfaafinta oo adeegsaneysa noocyada kala duwan ee isgaarsiinta waxeey u muuqataa mid shaqadeeda ay ku idlaatay wararka dowladda iyo madadaalo aan macno badan u lahayn dib u dhiska dalkeena. Tusaale ahaan: waxaan aragnaa sabti walbo barnaamij ka Masraxa Furan kaasoo habeyn walbo oo Sabti ah wakhti badan ku bixiya maaweelo. Hadaba Warfaafinta dowladda soo ma habooneyn in ugu yaraan 90 cisho wacyi galin ah ka sameyso qorshaha canshuurta si loo abuuro wacyi la jaanqaadaayo baahida aan u qabno in ganacsatadeenna iyo dadkaba bixiyaan canshuurta. Sidoo kale waxaa la maqlilahaa codka iyo aragtida dadka inta aan la farin bixinta.Shacabka SoomaaliyeedWasaaradda Maaliyadda iyo Warfaafinta oo is kaashanaayo ayay ahayd ineey qorshaha canshuurta ka gadaan shacabka soomaaliyeed si shacabku u muujiyo taageero iyo cadaadis ay ganacsatada dhankooda ka saaraan. Canshuur la'aan waxeey ka dhigantahay dowladla'an.
Fiiro Gaar Ah.* Ganacsata soomaaliyeed canshuur mabixin ku dhawaad 28 sano taasoo dhaxalsiisay ineey layaabaan dowlad canshuur waydiineyso. Waana arin u baahan turxaanbixin ee aan la isaga boodi Karin.* Ganacsatada faaidada ay badeecada saartaan waa in la daraaseeyaa. Waxaa suuragal ah sheeyga laga soo bixiyay $1 dollar marka uu China yaallo in muqdisho lagu iibiyo $10-$20 dollar gaar ahaan waxyaabaha aan daruuriyaad ka ahayn taasoo hadii la isla fahmo ka dhigan in dowladdu canshuur fiican hesho si ay ugu adeegto umaddeeda.* Waxaa jiro kala shaki laga dhaxlay burburkii dalka kaasoo ganacsatadu ay adeegsaneyso sida muuqato. "Hal magaalo ama gobol side canshuur looga qaadayaa" waa hadal heynta ugu badan oo ganacsatada qaar iyo dad dano gaar ah leh ay adeegsanayaan si ay u helaan shacbiyad taageersan. Arinka noocaan ah wa in dawladdu kala hadashaa dadka kana shaafisaa una sheegtaa shacabka soomaaliyeed in gobol walbo laga qaadi doono canshuurta, goorta lagu wado iyo wadada loo maraayo. Waxaa xusid mudan in shacabka soomaaliyeed uu diyaar u yahay wax walbo oo dalku ku dhismaayo halka ganacsadaha uu shilinka basa fiirinaayo.
30 sano oo canshuur la'aan ah ilaaheey ganacsatada haku anfaco wadankana aan dhisanno ayaan ku soo koobayaa, insha allah.
Bloger: Kafi LibanFacebook: kafi.liibanEmail: kaafiliban@gmail.com
Source: Dayniile
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo u hambaleeyay...

$
0
0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hambalyo u diray Taliska Ciidanka Asluubta oo barri u dabaal degaya Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii. "Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan [...]
storvideo: 


1500 maxbuus oo xabsiga Jigjiga laga sii daayay

$
0
0

Kn: Maxaabiis gaaraysa 1500 ayaa maanta laga sii daayay xabsiga dhexe ee caasimadda deegaanka Soomaalida ee Jigjiga. Maxaabiistan ayaa oodda laga qaaday kadib markii madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar uu cafis u fidiyay.
Maxaabiistan oo isugu jiray kuwo arimo siyaasadeed u xirnaa iyo kuwo ku eedaysnaa danbiyo kala gadisan ayaa sii dayntooda waxaa lala xiriirinayaa inay daba socotay kulama wadaxaajood oo todobaadkii hore ku dhex maray caasimadda dalka Kenya dawladda Itoobiya iyo ururka ONLF.
Arintan ayaa lagu macneeyay inay gogol xaar u tahay heshiiska kama danbaysta ah ee labada daraf naawilayaan inay ka gaaraan colaadda gaamurtay waxaana sidoo kale la sheegayaa in maxaabiista kale ee xabsiyada dawladda dhexe ku xiran lagu hawlan yahay sidii loo sii dayn lahaa, kuwaasi oo uu ku jiro Qalbidhagax oo dhawr bilood ka hor laga soo dhiibay Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in maxaabiista la sii daayay maanta ay ku jiraan 2 maxbuus oo sanado hore laga dhiibay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud.
storvideo: 

Axmed Madoobe oo qaabilay danjiraha midowga Yurub

$
0
0

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ku qaabilay kuxigeenka danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Fulgencio Garrido.
Madaxweyne Axmed iyo danjire Fulgencio ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Jubbaland, waxayna isla qaadaa dhigeen sida ugu haboon ee midowga Yurub u kordhin karaan deeqaha dhinac kasta leh ee Midowga Yurub siiyo Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya. Danjiraha ayaa madaxweynaha u balanqaaday inuu Midowga Yurub qayb muhiim ah ka qaadan doono qalabaynta iyo tababarista ciidamada, dib u xoraynta deegaamada ay wali gacanta ku hayaan Alshabaab iyo kordhinta deeqaaha bini'aadamnimo.
Kulanka kadib ayaa danjiruhu wuxuu ka qayb galay munaasabad xarigga looga jarayay mashruuc malaayiin lacagta isutagga Yurub ay ku baxayso oo loogu talo galay in lagu horumariyo barakacayaasha reer Jubbaland.
storvideo: 

Daawo: Wafti uu hogaaminaayo Wasiir kuxigeenka...

$
0
0

Daawo: Wafti uu hogaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada oo Booqday mashaariic ka socda Banka Aroori
[embedded content]
storvideo: 

War deg deg ah Gabar Soomaliyeed oo shil gaari ku...

$
0
0

War deg deg ah Gabar Soomaliyeed oo shil gaari ku dhimatay dalka Mareykanka oo reer keeda la baafinya (daawo sawirka)
Feb 21, 2018 -
Gabar Soomali ah oo daganeed dalka Mareykanka magaalada Ohio ayaa shil gaari ku gashay dalka Mareykanka iyadoona goobta ku dhimatay
Gabadhaan Soonaliga ah oo gaari raaxada ah wadatay ayaa gaari Tareela ah dar daray iyadoona meedkeeda uu yaalo isbitaalka magaaladaasi
Wali lama helin cid aqoonsato iyadoo boliiska uu bilaabay in uu baafiyo gabdhaa Soomaliga oo wax yar ka hor shilka ku geeriyootay
Hadaba ciidii aqoonsata ayaa loogu baaqayaa in boliiska la soo xariiraan Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Gaas oo Kormeeray Qaar kamida Xarumaha Dawladda...

$
0
0

22nd February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 21 Feb 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala - Garoowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Dawladda Hoose, xarunta denbi-baadhista iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato dawladda hoose, halkaasi oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay duqa dagmada Garoowe iyo xoghayaha Dawladda Hoose, kadibna xog waraysi kala yeeshay sida ay ugu shaqeeyan bulshada iyo dadka kayimada Goblada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo magalada Garoowe u yimaada si ay u sameestaan Baasaboorada iyo dhalashada Soomaaliya.
Xilgii madaxweynaha Dawlladda Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Dawladda Hoose ee Garoowe, halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, kuwaasi oo salaan guud iyo is xog waraysi kadib uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha Dawaladda hoose ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka, isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la'aan ah.
Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarumaha denbi baadhista (CID) iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla marhaantaa waxaa uu madaxweynhu ka xog wareesata sida ay shaqdu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.
Sidoo kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada Waqooyi Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, kuwaas oo Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin.
Ugu danbeen Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku tagay safaarada Ethopia waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Qunsulka safaarada Ethiopia Ambasador Esmalash, iyada oo booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dawllada Ethiopia ufadhiya Puntland.-DHAMMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Madaxweyanaha Dowladda Puntland oo kormeer Shaqo ku tegay qaar ka mid Xarumaha Dowladda ee kuyaala -.
Opslaet af Warbaahinta Dawladda Puntland pa 21. februar 2018

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live