Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Calanku soo maaha kii SNM

$
0
0

9th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Amim Camir waa farshaxaniiste ama Saxafi dhax dhaxaad waxba kama jiraan.
Guud ahaan Umadda Soomaliyeed dal iyo dibadba waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin j heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay wada galeen Dp World, beesha Isaaq iyo Itoobiya.
Heshiiskan ayaa wuxuu halis ku yahay Qaranimada iyo jiritaanka dal Soomaaliyeed oo caalamka laga aqoonsan yahay. Waana sababta keentay in Bulshada Soomaaliyeed ay wada canbaareeyaan aan ka ahayn qaar ka mid ah Beesha Isaaq oo doonaya inay Soomaali inteeda kale ka go'aan iyo Amin Caamir oo caloosha loo buuxiyey.
Sawirka hoose ee Amin Caamir sameeyey ee marin habaabinta ah wuxuu lid ku yahay Qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu buun buuninayaa Calanka beesha SNM astaanta u ah. Waana midka ay qofka Dumarka ahi huwan tahay. Wuxuu la hadlayaa maaha Soomaalida midnimada jecel iyo kuwa diidan heshiiska xaaraanta ah ee waa beesha Isaaq qaarkood . Luqadda uu Amiin Caamir kula hadlay SNM. waa luqadda qura oo ay wada yaqaaniin Muqayiliinta hargaysa ee Qaadka
[embedded content]

Post navigation
- Khudbaddii gacan ku dhiiglaha SOOMAALIYA WAA TIYAATAR -
storvideo: 


SOOMAALIYA WAA TIYAATAR

$
0
0

9th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

ALLSANAAG, Waa sii saadaaliyey in Soomaaliya ay tahay Tiyaatar aan aan iridiisa la ilaalineyn
{Allsanaag} Soomaaliya waa tiyaatar aan iridiisa la ilaalineyn oo dal kastii riwaayaduu rabo ku dhex jilo, waa maqaaxi adduunka u furan oo khamaar diblamaasiyeed ay ku cayaaraan ciday rabaan, waa dhul aan cidi ilaashan oo ciidan kastii galo oo meeshuu rabo ka tago iyagoo, hadday rabaan, Soomaalida sida xoolaha u laynaya, waa suuq aan nidaam lahayn oo fawdo ah oo duul kasta oo raba iney cid dhiig miirtaan, si ay lacag uga sameeyaan, u soo shaqa tagaan.
Cid kasta oo sheegata iney shayaadiinta (Shabaab) la dagaalameyso dalka ha soo galeen oo siday doonaan ha ka yeeleen. Sidaa hadal la macne ah waxa qoraalka hoose ku sheegay Diplomaasi Jamaal, oo ka mida shaqaalaha Soomaalida u jooga Qaramada Midoobay. Wuxu yidhi cid kasta oo tiraahda shabaab baan la dagaalameynaa dalka Soomaaliya waa soo geli karaan, siday doonaana waa ka yeeli karaan, haddii aaney xitaa sharciga caalamiga iyo kan dalka ilaalineyn.EJ Hogendoorn, oo ka tirsan International Crisis Group, wuxu ku sheegay qoraalkan in tirada ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya ku jira aan la aqoon laakiin ay KUMANAAN gaadhayaan[hoos arag]
Dawlada Soomaaliya ee cusub caqabado AAD IYO AAD U WAAWEYN baa horyaala, oo sidaa Jamaal u hadlay si ka duwan waa ku adkaan doontaa in ay u hadlaan. Haddana waa og yihiin in aan weligeed dawlad SOOMAALIYEED dhalan doonin inta Itoobiya iyo Kiiniya ay arrimaha Soomaaliyeed faraha kula jiraan. Waa ogyihiin iney 20 sano IGAD, shirar beena iyo woorloodha isticmaalayeen oo maantana shayaadiin iyo tabo kale adeegsanayaan, iyagoo AMISOM ku hoos dhuumanaya.
Xilligan xaalada cakiran ee Soomaaliya ku jirto qofka eegaa markuu arko sida labadaa dal ay Soomaaliya uga dhigteen xero geel aay ciyaartay rabaan ka hor tuntaan, wuxu qiyaasi karaa in Soomaaliya nabad dhab ahi ka dheertahay.
AMISOM lama dafiri karo doorka ay ka ciyaartay in Xamar laga saaro Shayaadiinta waxa ku shaqeysta aan la garaneyn oo gardaradii Itoobiya dalka ku soo gashay ka dhex sameysmay. Laakiin maxay kuugu taalaa, Shabaab haddii laga saaray Xamar, dilalka shiishyahanada tababar iyo qaraxyada casriyeysan oo magaala madaxda lagu sameynayo waa sii badanayaa. Waa taa madaxda iyo shacabka Soomaalidu, iska daa xafiisyada iyo meelaha dawladee inay tageene, masaajideeda laga waaliyey. Yaa waxa wada!!!!!
AMISOM ilaa iyo hadda waxa la odhan karaa kama madaxbanaana siyaasadii Soomaali duminta ee Itoobiya iyo Kiiniya, oo IGAD adeegsanaysa, fulin jireen. AMISOM ilaa iyo hadda waxay shaabahdaa IGAD oo direys militari xidhatay. Waa taa ITOOBIYA u ogaalatay oo sahashay iney Soomaaliya siday doonto ka yeesho, halka ay gardaradii KIINIYA ciidankeedu dalka ku soo galeen ku abaal marisay iney AMISOM ku biiraan.
AMISOM(AKA IGADSOM) haddii aanay dalka joogteen, Soomaalidu xadgudubka iyo gardarada ciidanka ITOOBIYA ciidooda ku joogaan waa ka dagaalami lahaayeen, sidii caadada u ahaan jirtay. SOOMAALIYA oo woorloodha qasayaan ITOOBIYA IYO KIINIYA siday hadda ka sameynayaan kama sameyn jirin. AMISOM ayaa SOOMAALI itoobiya u kaday. THANKS TO AMISOM!!!
IGAD iyo UNtu dawlada ay sameeyaan waxay ku dedaali doonaan iney ahaato jiir qafis ugu jira laba bisadood oo Itoobiya iyo Kiiniya metela. Labadaa bisadood, sida hadda AMISOM wado, jiirkaa dawlada Soomaaliyeed la midka ahi, qafiska Soomaaliya ahna la geliyey, ayey hadba dhinac ka soo galayaan oo jarjarayaan. Aakhirka goolkoodu waa iney waslad waslad u wada cunaan. Cunidaasi tabo iyo xeelado siyaasadeed baa lagu fulin doonaa oo ku saleysan doqoni ma garatay, dublamaasiyad munaaqadeysan iyo madax salaax lugooya ah.
storvideo: 

WARQAD FURAN : Jawaab ku socota Siciid Cilmi Roobe (...

$
0
0

WARQAD FURAN : Jawaab ku socota Siciid Cilmi Roobe ( Salla-Calee )
Waxa Daabacay staff-reporter on Mar 9th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
FARRIIN NAGA SOO GAADHAY MUWAADDIN KA MID AH MACAAMIISHA AWDALPRESS.COM, OO WAA SIDA UU NOO SHEEGAYE KA BIYO DIIDAY DHAWAQ KA SOO YEEDHAY XILDHIBAAN SHARCIGII DALKA KUFSI KU HAYA. QABYAALADINA AY KA CARARTAY.
Mudayaal marka hore salaan iga guddooma.
Xildhibaannada beesha dhexe ee uu ka midka yahay ninka lagu naanayso Salla-Calee, waxan moodi jirray in ay intan caqli dhaamaan, waayo Siciid oo kale isaga oo jooga golihii sharciga ayuu ku hadlayaa, hadalkii qaad-wala-yaasha iyo suuq joogga.
Bal hadda u fiirso hadalladiisa uu ku tiraabiyo, ' Madaxweyne Isaaq ka guur oo Harti u badi dawladda'. Xataa miyuu hadalkiisa dheelli tiro oo uu yidhaahdo beelaha darifyada, malaha taasi ayaaba ka yara reer magaalsan.
Laakiin siiyaasiyiinta uu ka mid yahay waxa reer Borama ka soo saari doonaan go'aanno cad cad iyo war-baahinta oo lagu soo nashrin doono farahooda iyo waxa ay yihiin.
Siciidna waxan leehay, xildhibaan ka noqo hadalla qabyaaladda ah ee aan golaha iyo xilka aad hayso midna looga baahnayn. Gadabuursi, Ciise, Ma-dhibaan, Isaaq, Hartina iyo beelaha kale ee Somaliland degaaba waxa ay u baahan yihiin caddaalad ee caddaaladda ka hadal, sharciga ka hadal.
Immigana aan wada daawanno waxa uu xidhibaankaasi ku hadlayo
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 40 times.
storvideo: 

31 Bilyaneer ee dunida Carabta

$
0
0

NameNet WorthSourceCountry of Citizenship
Nassef Sawiris
$6.6 billion
construction, chemicals
Egypt
Abdulla Bin Ahmad Al Ghurair
$5.9 billion
diversified
UAE
Majid Al Futtaim
$4.6 billion
real estate, retail
UAE
Hussain Sajwani
$4.1 billion
real estate
UAE
Issad Rebrab
$4 billion
food
Algeria
Naguib Sawiris
$4 billion
telecom
Egypt
Suhail Bahwan
$3.9 billion
diversified
Oman
Abdulla Al Futtaim
$3.3 billion
auto dealers, investments
UAE
Taha Mikati
$2.8 billion
telecom
Lebanon
Mohamed Mansour
$2.7 billion
diversified
Egypt
Najib Mikati
$2.7 billion
telecom
Lebanon
Saeed Bin Butti Al Qebaisi
$2.7 billion
hospitals, investments
UAE
Aziz Akhannouch
$2.2 billion
petroleum, diversified
Morocco
Bahaa Hariri
$2.1 billion
real estate, investments, logistics
Lebanon
Yasseen Mansour
$1.9 billion
diversified
Egypt
Saif Al Ghurair
$1.9 billion
diversified
UAE
Mohamed Al Fayed
$1.6 billion
retail, investments
Egypt
Robert Mouawad
$1.6 billion
fine jewelry
Lebanon
Othman Benjelloun
$1.6 billion
banking, insurance
Morocco
Saad Hariri
$1.5 billion
construction, investments
Lebanon
Faisal Bin Qassim Al Thani
$1.6 billion
hotels, diversified
Qatar
P.N.C. Menon
$1.5 billion
real estate
Oman
Khalifa Bin Butti Al Muhairi
$1.5 billion
hospitals, investments
UAE
Youssef Mansour
$1.4 billion
diversified
Egypt
Bassam Alghanim
$1.4 billion
diversified
Kuwait
Kutayba Alghanim
$1.4 billion
diversified
Kuwait
Ayman Hariri
$1.3 billion
construction, investments
Lebanon
Fahd Hariri
$1.3 billion
construction, investments
Lebanon
Fawzi Al-Kharafi
$1.2 billion
diversified
Kuwait
Mohannad Al-Kharafi
$1.2 billion
diversified
Kuwait
Hamad bin Jassim bin Jaber Al Thani
$1.2 billion
investments
Qatar
storvideo: 

Maraykanka oo Cunaqabatayn Saaray 2 Mintid

$
0
0

Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay laba ka tirsan hoggaamiyayaasha mintidiinta ururka Al-Shabab ee ka hawlgala gudaha Kenya.

Maraykanka oo Cunaqabatayn Saaray 2 Mintid

$
0
0

Dawladda Maraykanka ayaa liiska aragixisada ku dartay laba xubnood oo kale oo ka tirsan taliyayaasha maleeshiyada urrurka Al-Shabab.
Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.
Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee ururka Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.
Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya. Waxa kale oo loo doonayaa inuu ku lug lahaa weerraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014-ka ee lagu qaaday Mpeketoni, Kenya weeraradaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof.
storvideo: 

Trump iyo Kim oo fool-ka-fool u kulmaya markii koowaad

$
0
0

Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.

Trump iyo Kim oo fool-ka-fool u kulmaya markii koowaad

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, taas oo ah wax aanan la filanaynin.
Waxaa arrintan shaaciyay sargaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafti dhawaan kasoo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Nuyuukleerka iyo tijaabada gantaalada.
Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.
Trump ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin horumar weyn oo soo kordhay, balse waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto.
Kuuriyada Waqooyi wali wax war ah kama aysan soo saarin.
Dalkan ayaa muddo aad u dheer go'doon ka ahaa adduunka intiisa kale sababtuna tahay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo caddeymo badan laga hayo iyo horumarinta barnaamijka hubka nuyuukleerka.
Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.
Lama oga meel ay ku kulmayaan, balse waxaa loo malaynayaa in kulanka uu ka dhici karo aagga militariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya, ama Shiinaha.
storvideo: 


Militariga Maraykanka oo qirtay isticmaalka shabakada Google

$
0
0

Waxay kula noqonaysaa in shabakada Google ay tahay mid ku kooban isticmaalka rayidka oo kaliya, balse haddii aad sidaasi u malaynayso waad qaldantahay?

Militariga Maraykanka oo qirtay isticmaalka...

$
0
0

Waxay kula noqonaysaa in shabakada Google ay tahay mid ku kooban isticmaalka rayidka oo kaliya, balse haddii aad sidaasi u malaynayso waad qaldantahay?
Google waxa ay markii ugu horeysay qiratay in wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka in ay isticmaasho adeegyada Google, gaar ahaan aaladaha lagu aqoonsado sawirrada.
Bogga wararka ee Gizmodo ayaa dhawaan baahiyay in Pentagon uu si joogto ah u isticmaalo adeegyada Google, islamarkaasna shaqaalaha shirkadana ay mardhow uun ogaadeen xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.
Waxaa inta badan ay Pantegonka isticmaalaan sawirrada iyo muuqaalada ay soo qaadaan diyaaradaha duuliye la'aanta ah, kuwaas oo aaladana shabakada lagu sii akhriyo.
Diyaaradaha ayaa duqeymo ka geysta meelo adduunka ka mid ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kuwa kalena kormeer ayay sameeyaan, iyaga oo soo qaada sawirro kala duwan.
Agaasimihii hore ee Google Erick Schmidt ayaa xitaa la taliye ka noqday Aqalka Pantegon-ka.
Barnaamijka ay samaysay Google ayaa waxa uu suurtogalinayaa in diyaaradaha ay dusha sare ka gartaan waxa dhulka socda.
storvideo: 

Xildhibaan Dalxa oo sheegay in Maxaabiis fara badan ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xabsiyada Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M.Network):-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa  oo k tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xabsiyada gudaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa xusay in dadka la isaga xirto sida xilli dowladdii dhexe oo qof kasta qofkii xurguf kala dhexeyso uu ku tilmaami jiray Kacaan diid.
Sidaas daraadeed ayuu ugu  baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo fara geliyaan kiisaska Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Gudaha oo Maxkamad la’aan si sharci darro ah isaga xiran qaarkood.
Dowladda Soomaaliya ayaa indhawaanahaan waday sii deynta Maxaabiista ku xirnaa dalka dibaddiisa ,iyadoona haatan ay soo ifbaxeyso qeylo dhaan xoogan oo ku aadan Maxaabiista gudaha ehelladooda.
The post Xildhibaan Dalxa oo sheegay in Maxaabiis fara badan ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xabsiyada Muqdisho. appeared first on Shabelle.

Hay’adda Isgaarsiinta oo lagu wareejiyay  Internetka 

$
0
0


Muqdisho-RisaalaFM- Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay'ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka
Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy'ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka.
Agaasimihii hore ee SONIC, Mudane C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas'uuliyaddana ku wareejiyey Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas'uuliyaddaas ku soo celiyo Dawladda.
Maareeyaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.
Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska qeyb iyo goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Mudane Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay, markaas oo la saxiixay is-afgarad hordhac ah oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada.
"Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay" ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur oo sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo mas'uuliyiin kale oo aan munaasabadda joogin oo hawshan gacan weyn ka geystay. Wuxuu kale bogaadiyay shaqaalihii iyo maamulkii hore ee SONIC oo uu ugu horreeyo Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.
Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa'iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.
storvideo: 

Militariga Maraykanka oo qirtay in ay isticmaalaan...

$
0
0

Waxay kula noqonaysaa in shabakada Google ay tahay mid ku kooban isticmaalka rayidka oo kaliya, balse haddii aad sidaasi u malaynayso waad qaldantahay?
Google waxa ay markii ugu horeysay qiratay in wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka in ay isticmaasho adeegyada Google, gaar ahaan aaladaha lagu aqoonsado sawirrada.
Bogga wararka ee Gizmodo ayaa dhawaan baahiyay in Pentagon uu si joogto ah u isticmaalo adeegyada Google, islamarkaasna shaqaalaha shirkadana ay mardhow uun ogaadeen xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.
Waxaa inta badan ay Pantegonka isticmaalaan sawirrada iyo muuqaalada ay soo qaadaan diyaaradaha duuliye la'aanta ah, kuwaas oo aaladana shabakada lagu sii akhriyo.

Diyaaradaha ayaa duqeymo ka geysta meelo adduunka ka mid ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kuwa kalena kormeer ayay sameeyaan, iyaga oo soo qaada sawirro kala duwan.
Agaasimihii hore ee Google Erick Schmidt ayaa xitaa la taliye ka noqday Aqalka Pantegon-ka.
Barnaamijka ay samaysay Google ayaa waxa uu suurtogalinayaa in diyaaradaha ay dusha sare ka gartaan waxa dhulka socda.
storvideo: 

Xildhibaan Dalxa oo sheegay in Maxaabiis fara badan...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M.Network):-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo k tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed ay si sharci darro ah ugu xiran yihiin Xabsiyada gudaha dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa xusay in dadka la isaga xirto sida xilli dowladdii dhexe oo qof kasta qofkii xurguf kala dhexeyso uu ku tilmaami jiray Kacaan diid.
Sidaas daraadeed ayuu ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo fara geliyaan kiisaska Maxaabiista ku xiran Xabsiyada Gudaha oo Maxkamad la'aan si sharci darro ah isaga xiran qaarkood.
Dowladda Soomaaliya ayaa indhawaanahaan waday sii deynta Maxaabiista ku xirnaa dalka dibaddiisa ,iyadoona haatan ay soo ifbaxeyso qeylo dhaan xoogan oo ku aadan Maxaabiista gudaha ehelladooda.
storvideo: 

Ammaanka deegaanada Hirshabelle oo la sheegay in uu faraha ka sii baxayo.

$
0
0

Jowhar ( Sh.M.Network):-Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Sayid Xasan Cali oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ammaanka Hirshabelle uu faraha ka sii baxayo.
Mr Sayid Xasan Cali ayaa shaaca ka qaaday in arrintaan ay timid kadib markii hoggaanka Maamulka Hirshabelle uu Musuqmaasuqay Miisaaniyaddii loogu tala galay sugida Nabad Gelyada Hirshabelle.
Indhawaanahaan waxaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday deegaanno ka tirsan Hirshabelle dhaq dhaqaaqa Al Shabaab
Waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulkaas Dr Maxamed Cabdi Waare in uu Masuul ka yahay amni darrada deegaanada Maamulkaas maadaama la sheegay in uu Musuqmaasuqay lacag 1 Million oo dollar ah oo loogu dhiibay ammaanka deegaanada Hirshabelle.
The post Ammaanka deegaanada Hirshabelle oo la sheegay in uu faraha ka sii baxayo. appeared first on Shabelle.


Wasiir Xoosh “Inaga iyo Ururrada Bulshada Rayidka...

$
0
0

Muqdisho-(SONNA)-Kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee kala ah SOSCENSA iyo PUNSAA ayaa muqdisho ka dhacay, kulanka ayaa ku saabsanaa warbixin ay Bulshada Rayidka ka dhageeysanayeen Wasaaradda oo ku aadaneeyd wadashaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal.
Ururada Bulshada Rayidka ayaa ugu horeeyn waxa ay la soo kulmeen Guddiga Labada Aqal iyaga oo ka soo dhageeystay warbixin, kadibna waxa ay kulan la qaateen Wasaaradda si arinta taagan ay Bulshada Rayidka door wanaagsan uga qaataan.
Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa aad u soo dhaweeyay sida ay Bulshada Rayidka ay isku xilqaameen isaga oo sheegay in ay tahay astaan muujineysa sida dalka Soomaaliya u leeyahay mustaqbal wanaagsan.
"Inaga iyo Bulshada Rayidka sanad ka hor waxa aan ku midoownay ka shaqeeynta danta dalka iyo dadka, runtii marqaati ayaad ka tihiin sida ay marwalba nooga go'antahay in aan wadashqeeynta ilaalinno; waa bilow wanaagsan in Bulshada Rayidka ay isku xilqaamaan xalinta arin walba oo taagan waana ififaalo waanaagsan oo muujineysa mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya ay leedahay" ayuu yiri Wasiirka.
Dhankooda Gudoomiyaha SOSCENSA Diini Maxamed Diini iyo Gudoomiyaha PUNSAA Feysal Axmed Warsame ayaa waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen sidii wanaagsaneyd ee Wasaaradda sanadkii la soo dhaafay ula shaqeeysay Bulshada Rayidka, waxa ayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay tahay Wasaaradda ugu wanaagsan hay'adaha dawladda ee wadashaqeeyn aad u wanaagsan la leh Ururada Bulshada Rayidka. Labada Gudoomiye waxa ay sheegeen in arinta ka dhex taagan Wasaaradda iyo Gudigga Baarlamaanka ay door wanaagsan ka ciyaari doonaan sidii loo xalin lahaa.
Ugu dambayn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa soo dhaweeyay wax walba oo xal ah si wadashaqeynta iyo iskuduubnida loo xoojiyo oo hawsha Qaran loogu qabto si hufnaan leh oo waqtiyeysan.
---DHAMAAD---
storvideo: 

Dhaqtarkii qaliinka si qaldan madaxa uga sameeyay...

$
0
0

Illaa afar shaqaale caafimaad oo uu ka mid yahay dhaqtarkii qaliin madaxa kaga sameeyay qof aanan u baahnayd qaliinkaas bishii hore ayaa ku laabtay shaqadoodii Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Isbitaalka Kenyatta ayaa shaqadii ka fariisiiyay dhaqtar tabobar ku jiray oo qaliinka sameeyay, labo kalkaaliso iyo qofkii dawada suuxinta ku durey bukaanka. Dadkan ayaa qaliin madaxa kaga sameeyay qof aan ahayn kii u baahnaa qaliinaka 19-kii bishii April ee sanadkan.
Isbitaalka waxa uu sheegay in baaritaanka arrinta ay ku wareejinayaan Ururka xirfadlayaasha caafimaadka Kenya ee KMPDB, kuwaas oo soo sheegi doona waxa laga yeelayo shaqaalahan caafimaad.
"Go'aanka waxaa la qaatay kadib markii guddiga bundhigeyaasha ay shir la galeen wasiirka caafimaadka Sicilly Kariuki iyo ururka xirfadlayaasha caafimaadka" ayaa lagu yiri war lagu qoray wargeyska Daily Nation.
Dad siyaasiyiin ah ayaa ka carrooday shaqaalaha caafimaadka ee shaqada laga joojiyay, waxaana jira xildhibaano saxiixay mooshin ay ku dalbanayaan in wasiirka caafimaadka ay baarlamaanka hor timaado, waxayna doonayaan in ay xilka ka xayuubiyaan.
storvideo: 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi ah ula soo...

$
0
0

Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay'ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka
Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo ahy'ad ahaan ay si buuxda ay ula wareegtay Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka.
Agaasimihii hore ee SONIC, C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas'uuliyaddana ku wareejiyey Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas'uuliyaddaas ku soo celiyo Dawladda.
Maareeyaha Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka ee dhinaca isgaarsiinta iyo internetka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda, isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.
Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska qeyb iyo goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Mudane Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay, markaas oo la saxiixay is-afgarad hordhac ah oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada.
"Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan illaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay" ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur oo sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo mas'uuliyiin kale oo aan munaasabadda joogin oo hawshan gacan weyn ka geystay. Wuxuu kale bogaadiyay shaqaalihii iyo maamulkii hore ee SONIC oo uu ugu horreeyo Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.
Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa'iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.
Share this:
Related
storvideo: 

Daawo: Wafti Wasiiro Ah oo Booqday Togg-wajaale Si...

$
0
0

Daawo: Wafti Wasiiro Ah oo Booqday Togg-wajaale Si ay u soo eegaan Hawshii Town planku sida ay u socoto
storvideo: 

Mogadishu mayor praises Police for swift response to shooting incident

$
0
0

The mayor of Mogadishu and the Governor of Benadir Region, Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow has commended Somali Police force for a swift response to a shooting incident in Hamarweyne district.
The mayor said the Police managed to arrest suspects for the killing of a local businessman identified as Aweys Macko in Hamarweyne’s Koodka area last night following a manhunt in the crime scene.
Unknown gunmen have shot dead the businessman and escaped the area before the arrival of the Somali security forces. It’s not yet clear the motive behind the murder, but, Police say an investigation was still underway.
Mogadishu has witnessed rising assassinations in the past few months, as new Police and Intelligence chiefs took office last month after the cabinet endorsed them to replace former bosses who were sacked last October.
Al Shabaab has stepped up its attacks in the capital since the appointment of the new Police and NISA commanders and carried out twin car bomb attack targeting Villa Somalia, the country’s Presidential Palace last month.
The attack has left at least 45 people, including soldiers dead, while scores were wounded.
The post Mogadishu mayor praises Police for swift response to shooting incident appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live