Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

-Hees Macaan Oo Bilaa Musik Ah-Dibad Aade Maynoo...

$
0
0

(Toggaherer)-Hees Macaan Oo Bilaa Musik Ah-Dibad Aade Maynoo ileen Doono Maynee -Muxiyodiin Gagaale.
Daawo-Muxiyodiin gaagaale Oo Inoo matalaaya codkii fanaankii cumar dhuule Eebbe ha u naxariistee.
[embedded content]
storvideo: 


(Daawo)Wasiirada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka...

$
0
0

Hodan Cabdi Shire Wasiirada wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Newyourk Ee Dalka Maraykanka kaga Qayb Gashay Shir Weyne looga hadlayay Dhibaatooyinka Haysta Haweenka Ku Nool Dalalka ay ka Dhacaan dagaaladu.
Shirka oo qaar ka Mida Haween Weynaha Aduunku ka qayb galeen ayaa waxaa Sidoo kale Soomaaliya Uga qayb Gashay Wasiirada Haweenka Ee Dowlada FDka Soomaaliya Deeqa Yaasin Waxaana Inta uu Socdo Shirkaan Looga Hadli Doona Doorka haweenka Iyo Qaabka wax looga Qaban karo Haweenka ku Nool Wadamada Ay ka jiraan Colaaduhu oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Shirkaan oo Sanadkiiba Mar la qabto ayna Soo Qaban Qaabiso CWS Ayaa Ah mid inta Badan ay Haweenka Kulan Nasiibka u yeeshaa ku soo bandhigaan Dhiibaatooyinka Ay wajahaan Dumarku.Gaar Ahaan Xuquuqda haweenka,Waana Markii Ugu Horeysay Ee Wasiirad Ka Socota Galmudug Shirkaani ka Qayb Gasho.Waxaana La Filayaa in ay tani fursad u Noqoto haweenka Reer Galmudug Iyo Soomaaliya.HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHIRKA.SHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COM NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252167150440
storvideo: 

Somalia:-27 sano kadib hay,adda socdaalka iyo...

$
0
0

Waxaa 27 sano ka dib si rasmiya shaqadeeda ula wareegtay Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo ka mid ah afar qodob oo dastuurku awood u siinayo dowladda dhexe, Iyadoona magaalada Garoowe lagu daahfurey nidaam soo bandhigaya wixii hadda ka dambeeya in hal qorshe, siyaasad, iyo mid maamul-ba ku shaqeyn doonaan xafiisyadda hay,addu ku leedahay Gobolladda dalka.
Hay,adda ayaa dhisme weyn oo laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda 15-kii sano ee u dambeeyay uga shaqeyn jirey guri kiro ah oo ku yaala - Puntland ee Garowe.
Cabdulaahi Maxamed Axmed (Dhaga-dheere) oo ah Agaasime kuxigeenka Jinsiga ee laanta Puntland ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan laamihii dalka iyo guud ahaan nidaamkii shaqada hay,adda islamarkaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii xarumo looga samayn lahaa Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen in maamulladda dalka ka jira ku wareejiyaan qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya..
Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa warbixinta hoose ka diyaariyay dhaqaajinta hawlaha shaqo mid ka mid ah hay,addaha dastuuriga ee dalka Soomaaliya.Daawo.
Abshir DhiiranePUNTLND POST
The post Somalia:-27 sano kadib hay,adda socdaalka iyo jinsiyadda oo la wareegtay shaqadeeda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: ” Waxaanu ka seexan kari waynay oo aanu la...

$
0
0

Daawo:" Waxaanu ka seexan kari waynay oo aanu la yaabsanayn nin Wasiir ah oo Hablihii Isaaq ayey aniga noola mid yihiin aniga waa habaryarahay ii yihiin in uu Aflagaadeeyo Habalaha Cidagalena xaal ayaanu siinay wasiirkana waanu u yeedhaynaa Madaxweynahana waanu u gudbinaynaa in uu la qabo iyo in kale" Xil Nacnac
[embedded content]
storvideo: 

Qalabkii Daamurka iyo Jayga lagu saari laha jidka ...

$
0
0

15th March 2018 admin Category :
Qalabkii Daamurka iyo Jayga lagu saari laha jidka barakaysan ee CeelDaahir Ceergaabo ayaa qeybtisii kowaad maanta soo gaartay Boosaaso.
Hal ku dhigii Madaxweyne Gaas ee Puntland ha isku tashato oo uu ka mid ahaa jidkii uu dhagaxa dhigay ee Ceel daahir iyo Ceerigaab, ayaa maanta qayb ka mid ah qalabkii Daamurka iyo jayga dhigi lahaa oo ay soo gadeen Bulshada reer Puntland qeybtisii kowaad maanta soo gaartay magalada Boosaaso.
Qalankan ayaa ah qalab Casri ah oo markii ugu horaysay loo isticmaalay jid ku yaal Soomaaliya/
Sidoo kale waxa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan Guddigii W jidka bARAKAYSAN ee Ceel Daahir Ceerigaabo oo kulamo la leh Madaxda Sare ee Qaranka Soomaaliyeed Madaxwayne Farmaajo , Raisul Wasaare khayre iyo Wasiir Amb Jamaal .

Jidka Ceel- Daahir oo qalab casri ah loo soo gaday

[embedded content]
storvideo: 

Dilka Askeri iyo Dhaawaca Laba qof oo Shacab ah oo...

$
0
0

15th March 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Waxaa maanta salaadii duhur kaddib lagu dilay magaalada Boosaaso sarkaal ka tirsan Ciidanka Dawladda hoose Boosaaso halka laba qof oo shacab ahna uu dhaawac soo gaaray.
Dilka ayaa ka dhacay wadada loo yaqaano Xalwo Banaadir oo ah wado aad u mashquul badan.
Dilka askeriga iyo dhaawaca labada qof oo kale ayaa sida la sheegay waxa geystay koox ku hubeysnayd bastoolado,iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Kaarshe Hogan-diid kaasoo ahaa sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee degmada Boosaaso,wuxuuna mar soo noqday Taliye kuxigeenka Kantoroolka Boosaaos.
Goobjoogo ku sugnaa goobta dilka uu ka dhacay ayaa u sheegay Sahan Online in labada qof ee dhaawaca ah ay yihiin dad shacab ah halka mid kalena uu ahaa askeri.
Waxa uu sheegay goobjooguhu in askeriga uu geeriyooday balse labada qof oo kale ay qabaan dhaawacyo halis ah loona qaaday Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso.
Ciidanka amniga magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta dilka iyo dhaawacu ka dhacay,waxayna wadaan baaritaan iyo baadi goob ay ku hayaan kooxdii weerarka geysatay.
Boosaaso ayaa ah magaalo madaxda ganacsiga Puntland ,waana magaalo lagu tilmaamo kuwa ugu amniga fiican Soomaaliya
Post navigation
- Ma golihii guurtida isaaq baa mise waa Aqalka sare ee Soomaaliya? Imaaraadka Carabta oo tababari doona Ciidamada SNM -
storvideo: 

Imaaraadka Carabta oo tababari doona Ciidamada SNM

$
0
0

15th March 2018 admin Category :
Imaaraadka ayaa xoog ku ilaalin doona Ceelka Shidaalka ee Hol hol marka la qodayo iyo marka shidaalka laga soo saarayo. Ina Cali Koore ayaa beesha Dhulbahante u saxiixaya heshiiskan sida la sheegay, Cali Khaliifna magac Amir ayuu xafladaas uga qayb gelayaa
Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay tababari doono Ciidamada SNM, kaasoo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera.
Gacan ku dhiigle Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu Wakaalada wararka ee Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskan lagu soo gabagabeyn doono labo bilood
Imaaraadka Carabta ayaa wax jawaab ah oo cad ka bixin hadalka Muuse Biixi, hase ahaatee waxaa ay Imaaraadka Carabta ku adkeysanayaan inay boqolaal milyan oo doolar ku maalgelinayaan sanadaha soo aaddan si ay isku fidiso khad xeebeedka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed.
storvideo: 

Daawo Video:-Qodobada Ka Soo Baxay Shirka Golaha...

$
0
0

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoona qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalkeena Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir looga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro haraadigooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabkaah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasin ay tahay mas'uuliyad saaran dawladda.
Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas'uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed.

storvideo: 


Tobonka Dal ee aduunka Dadkoodu ugu farxadda badan...

$
0
0

16th March 2018 admin Category :
1. Finland (5)
2. Norway (1)
3. Denmark (2)
4. Iceland (3)
5. Switzerland (4)
6. Netherlands (6)
7. Canada (7)
8. New Zealand (8)
9. Sweden (10)
10. Australia (9)
147. Malawi (136)
148. Haiti (145)
149. Liberia (148)
150. Syria (152)
151. Rwanda (151)
152. Yemen (146)
153. Tanzania (153)
154. South Sudan (147)
155. Central African Republic (155)
156. Burundi (154)
1. Mauritius2. Libya3. Algeria4. Morocco5. Nigeria6. Somalia7. Cameroon8. Gabon9. South Africa10. Ivory Coast
[embedded content]
storvideo: 

Israa'iil oo hakisay qorshihii lagu masaafurinayay muhaajiriinta Afrika

$
0
0

Maxkamadda ugu sarraysa Israa'iil ayaa laashay qorshe muran badan dhaliyay oo ay dawladdu ku doonaysay in ay ku musaafuriso Afrikaanka soo galootiga ah ee sida sharcidarrada ah ku soo galay.

Afar ruux oo ku dhimatay buundo ku duntay Maraykanka

$
0
0

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay 10 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay buundo ku duntay meel u dhaw jaamacadda Florida International University ee magaalada Miami, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.
Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub.
Madaxweyne Waare ayaa wafdiga warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka Boiiska Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub,waxa uuna ka dalbaday in ay dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka la ballaariyo.
Markii uu soo dhamaaday kulankaas ayaa waxaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick waxa ay dhagax dhigeen dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Hir-shabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo uu yeesho Maamulka Hir-shabelle.
Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo MadaxdaHirshabelle,isaga oo sheegay in uu siweyn uga qeyb qaadan doono dhismaha iyo tayenta ciidamada dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Share this:
Related
storvideo: 

Israa'iil oo hakisay qorshihii lagu...

$
0
0

Maxkamadda ugu sarraysa Israa'iil ayaa laashay qorshe muran badan dhaliyay oo ay dawladdu ku doonaysay in ay ku musaafuriso Afrikaanka soo galootiga ah ee sida sharcidarrada ah ku soo galay.
Maxkamaddu waxay dawladda ka dalbatay in ay u soo gudbiso macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qorshaheeda tan iyo 26 bisha Maarso.
Bishii Janaayo ayaa dad muhaajiriin ah oo u badan Eritrean iyo Suudaaniis loo soo bandhigay qorshe lagaga bixinayo tikit laguna siinayo $3,500 oo doolar haddii ay ogolaadaan in ay si istikhiyaarkood ah u tagaan dhammaadka bisha Maarso.
Haddii kalana ay wajihi doonaan xarig iyo in qasab looga saaro dalka. Qorshahaas waxaa dhaliilay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Maxkammadda Israa'iil ayaa go'aankan gaartay Khamiistii ka dib markii ay dhagaysatay dacwad ay gudbiyeen koox muhaajiriin ah oo u kala dhashay Eritrea iyo Suudaan.
Hadda dawladdu ma masaafurin karto muhaajiriinta Afrika tan iyo inta ay maxkamaddu ka helayso macluumaad dheeri ah.
Xukuumadda Israa'iil waxay sheegtay in ay dalkooda ku sugan yihiin 40,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dadkaas badankoodu waxay ka soo tallaabeen xadka Masar dhawr sano ka hor, intii aan darbiga laga dhisin xadka saxaraha ah. Arrintaas ayaana aad u yaraysay dadkii sharcidarrada ku gali jiray.
Hal wiil oo da'yar ah oo kali ah ayuu sameeyay qorshaha ay Israa'iil wadatay.
Qorshahaasi wuxuusan saamaynaynin carruurta, dumarka, waaliidka carruurta iyo dadka la adoon saday ama ay dhibaatadu ka soo gaartay dadka wax tahriibiya.
storvideo: 

Afar ruux oo ku dhimatay buundo ku duntay Maraykanka

$
0
0

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay 10 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay buundo ku duntay meel u dhaw jaamacadda Florida International University ee magaalada Miami, sida ay saraakiishu sheegeen.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa habeennimadii Khamiista wali baadigoobayay dad nool oo ku hoos xanniban burburka buundada lugta loogu talogalay.
Burburka buundada ayaa ku habsaday ugu yaraan siddeed gaari, sida ay booliisku sheegeen.
Ilaa iyo hadda ma cadda inta ruux ee buundada hoos maraysay marka uu shilkaasi dhacay.
Dave Downey oo ah madax dabdamiska ee deegaanka Miami-Dade ayaa habeenimadii Khamiista xaqiijiyay in ugu yaraan afar ruux ay halkaas ku dhimatay.

  • Duufaanta Irma oo ku dhufatay jasiiradaha Florida
  • Ninka dadka ku laayay iskuulka Florida wuxuu ahaa agoon is ciilay

Ugu yaraan 10 ruux oo dhaawac ah ayaa lagu daweeyay xarunta caafimaadka ee Kendall Regional Medical Center, labo ka mid ah dadkaas ayayna xaaladdoodu "aad u liidataa" sida uu sheegay Mark McKenney oo ah madaxa qaliinnada.
storvideo: 

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed...

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga dalka tababar mudo Hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.
Gaada ka cayaar iyo dhoolatuska Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay ku goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, waxaana Tababarkaas bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaaca dalka.
Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar xaladihii ay soo mareen mudadii Tababrka u socday.
"Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen, waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen, waxay ahaayeen 200, inta badan dibishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay, waxaan u rajeynayaa ciidanka Danab iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,'' Ayuu yiri General Maxamed Maxamuud Saneey.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka hadlay Munaasabada ayaa ku ammaanay macallimiinta Tababrkaasi bixinayay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaas oo ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee Danab iney yihiin cutubkii shanaad, wuxuuna ku ammaanay Ciidamada Danab sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen degaano badan oo dalka.
Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan Danab iney u diyaar-garoobaan Difaaca Dalka.
"Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto bulshada Soomaaliyeed, waxaad ka mid noqoteen ciidamada Danab oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha" Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
Share this:
Related
storvideo: 


Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha...

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng: Yarisow) iyo Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxey kulan gaar ah la qaaten Safiirka Sadaarada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya waxeyna ka wada hadleen sidii ay Dowlada Shiinaha ay maal gashi iyo dib u dhis ugu sameen laheyd [...]
storvideo: 

Daawo: Gudoomiye Jawhari Oo Sheegay in Aanuu ka...

$
0
0

Daawo: Gudoomiye Jawhari Oo Sheegay in Aanuu ka dambaynin Dhibaatada ka socota Baarlamaanka Somaliya Sidoo kale Shir jaraaid ka qabtay arimo badan
[embedded content]
storvideo: 

Ciidan Gaar ah oo caawa la wareegay ilaalinta...

$
0
0

16th March 2018 admin Category :
Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa caawa la wareegay ciidan gaar ah oo aan ahayn kuwi hore u ilaalin jiray xarunta.
Ciidanka ayaa ah kuwo ka tirtsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ilaalada madaxtooyada waxaana meesha laga saaray ciidanki hore ugu sugnaa oo ahaa kuwo Boolis ah.
Jawaari Oo la Hadlay Hada Warbaahinta waxaa usheegay in Raysal wasaare khayre bixiyay amarka ah in lala wareego xarunta barlamaanka somalia islamarkaana mooshinka ay wado xukumadaa khayre.
sikastaba arintan ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Golaha shacabka kadib mooshinka gudoomiye Jawaari.
[embedded content]
storvideo: 

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Xasarada...

$
0
0

War kasoo baxay Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriika iyo Mareykanka ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Soomaaliya.
Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.
Si gaar ah waxa ay ugu baaqeen Hay'adaha Fulinta iyo Sharci Dajinta in aysan u horseedin is qab-qabsigooda Foodo iyo kala dambeyn la'aan dalka uu galo.
Beesha Caalamka ayaa ku baadqay in Xal siyaasadeed in lakala dhex dhigo labadaan Hay'adood ee fulinta iyo Xeer dajinta oo kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Dowladda.
Waxaana warka kasoo baxay lagu sheegay in ay maqlayeen kulamada iska soo horjeeda ay yeelanayeen Xubnaha Mooshinka wada iyo kuwa kasoo horjeeda, wax walibana lagu xaliyo Sharciga oo loo hogaansanaado.
Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Cid waliba oo u istaagta daminta Xiisadaha Siyaasadeed, una saldhigta Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Walaaca Beesha Caalamka ayaa imaanaya Xilli Guuxa Magaalada uu yahay Mooshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari, Ciidamada Hay'adda Fulinta ay geysay Xarunta Baarlamaanka iyo isbadalka Daqiiqad waliba dhici kara.Puntland Post
The post Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay Xasarada Siyaasadeed ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo Video:-Gud Jawaari oo caawa si kulul Oga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
War Goor Dhow Na Soo Gaaray Ayaa Sheegaya In Ciidamo Isugu Jira Kuwa Xasilinta Iyo Koofi Gaduud Ayaa La Wareegay Xarunta Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Federaalka, Iyadoo Uu Cirka Isku Shareeray Khilaafka Ka Dhex Qarxay Baarlamaanka.
Ciidamadan Ayaa Galabta La Geeyay Xarunta, Kuwaasoo Ammaanka Xarunta Kala Wareegay Ciidamo Boolis Ahaa Oo Qaabilsanaa Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.
Wararka Ayaa Sheegaya In Ciidamadan Lagu Amray In Aan Xarunta Gudaha Loo Geli Karin, Waxaana Saacadihii La Soo Dhaafay Soo Baxayay Warar Sheegaya In Xildhibaanada Ay Kulan Berri Ku Leeyihiin, Lagana Cabsi Qabo In Buuq Iyo Fowdo Ka Dhaco.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidamo La Wareegay Xarunta Golah Shacabka Ee Baarlamaanka....

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live