Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muslimiinta Britain ku Nool oo Loo Hanjabay

$
0
0

Muslimiinta dalka Britain ayaa si weyn uga carooday warqad cinwaan looga dhigay ‘Maalinta Muslimka la Ciqaabo ‘ oo qoysas badan oo Muslimiin ah loogu diray guryahooda.


Xiisadda Ruushka iyo Britain oo Korortay

$
0
0

Dowladda Britian ayaa sheegtay inay dalkeeda ka eryeyso 23 diblomaasi oo u dhashay Ruushka, ka dib markii xukumadda Moscow ay diidday inay sharraxaad ka bixiso sida gaaska sunta ah ee 'Nerve Gas' ee uu Ruushku sameeyay loogu adeegsaday nin horey uga tirsanaa basaasiinta Ruushka oo ku nool Britian iyo gabadhiisa.

Shirka Madasha Wasaaradda Dastuurka oo Maanta ka...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Dawlad-goboleedyada iyo xubno ka socda Maaamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyagoo isugu yimid ka qayb-galka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo seddexdii bilba mar qabsooma.
Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka.
Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay.
"Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna" ayuu yiri Wasiirka.
Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay.
Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed.PUNTLAND POST
The post Shirka Madasha Wasaaradda Dastuurka oo Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Mamnuucey DP World

$
0
0

Aqalka  Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World.

Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Mamnuucey DP World

$
0
0

Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World.
28 ka mid ah 36 mudane oo kulanka ku sugnaa ayaa ogolaatay go'aankan, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 mudane ay ka aamuseen.
Xubnaha Aqalka Sare ayaa si buuxda u taageeray sharcigan oo ka mamnuucaya shrikadda DP World gebi ahaanba dalka Soomaaliya.
Sharcigan ayaa waxaa horey u meel mariyay Aqalka Hoose ee baarlamanka 12kii bishan. Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:01 0:00
Direct link
Pop-out player
Dhinaca kale, dibad baxyo looga soo horjeedo go'aanakaasi baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay qaar ka id ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Dibad baxayaasha ayaa taageerayay go'aankii ay xukumadda Somaliland ka qaatay arrintan. Wariyaha VOA, Sagal Mustafe Xassan, ayaa warbixintan inoo soo dirtay.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:47 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Xiisadda Ruushka iyo Britain oo Korortay

$
0
0

Dowladda Britian ayaa sheegtay inay dalkeeda ka eryeyso 23 diblomaasi oo u dhashay Ruushka, ka dib markii xukumadda Moscow ay diidday inay sharraxaad ka bixiso sida gaaska sunta ah ee 'Nerve Gas' ee uu Ruushku sameeyay loogu adeegsaday nin horey uga tirsanaa basaasiinta Ruushka oo ku nool Britian iyo gabadhiisa.
Ra'isul Wasaaraha Britian, Theresa May, ayaa sheegtay in Diblomaasiyiintan ay heystaan muddo toddobaad ah inay waddankaasi uga baxaan. Nuur Xasan Nuur ayaa warbixintan kooban nooga diyaariyay.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:02:36 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Muslimiinta Britain ku Nool oo Loo Hanjabay

$
0
0

Muslimiinta dalka Britain ayaa si weyn uga carooday warqad cinwaan looga dhigay 'Maalinta Muslimka la Ciqaabo ' oo qoysas badan oo Muslimiin ah loogu diray guryahooda.
Wali ma cadda cidda ka dambeysa fariimahaasi oo dadweynaha Britain looga codsanayo in ay weeraro la beegsadaan dadka Muslimiinta ah 3 April ee sanadkan.
Booliska ka hortaga argagixisada, ayaa sheegay inay wali wadaan baaritaano la xiriira dhacdadan.
Haddaba, wariyaha VOA ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, oo la la kulmay mid kamid ah dadka warqaddaasi ka dhex helay gurigooda ayaa warbixintan soo diray.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:03:05 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Finland oo noqotay dalka ugu farxad badan adduunka

$
0
0

Dalka Finland ayaa noqday meesha ugu farxadda badan adduunka, sida lagu sheegay warbixin sannadle ah oo ay daabacday Qaramada Midoobay.


Ciidamo kumaandoos ah oo caawa tabar loo soo xiray

$
0
0

Ciidamo kumaandoos ah oo caawa tabar loo soo xiray
Mar 15, 2018 -
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta tababar mudo sanad ah u socday usoo xiray ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya.
Ciidamadan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa tababar socday mudo sanad ah waxa ay ku qaateen Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidan tababarka siinayay macalimiin Soomaaliyeed .
Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa Wasiirka uga warbixiyay marxaladihii ay soo mareen ciidankan katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee maanta tababarka loo soo xiray.
Waxa uu sheegay Generaal Saney in ciidankan tababarka loo soo xiray markii hore ay ahaayeen tiro badan balse markii dambe qaarkood tababarka looga saaray arimo la xariira dhinaca dishabiliinka .
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankan tababarka loo soo xiray ay yihiin dufcadii 5-aad , waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Ugu Dambeyn Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ciidankan tababarka usoo xiray ayaa kula dar daarmay in ay noqdaan kuwa daacad ah diyaarna u ah difaacada dalkooda.
"Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa hada heesata ciidamo badan oo tababar fiican dalka gudihiisa lagu siiyay, waxaana ciidanka dowlada wali ku adag in Al Shabaab ka saaraan deegaanada iyo degmooyinka ay dalka ka maamulaan.
English News
storvideo: 

Cabdiramaan Cabdishakuur oo caawa laga joojiyey...

$
0
0

Cabdiramaan Cabdishakuur oo caawa laga joojiyey kulan uu Muqdisho ku qaban lahaa
Mar 15, 2018 -
Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.
Maamulka Hoteelka oo hay'adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.
Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra'yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka.
English News
storvideo: 

Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar u soo xiray...

$
0
0


Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga dalka tababar mudo Hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.
Gaadi ciyaar iyo dhoolatuska Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay ku goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, waxaana Tababarkaas bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaaca dalka.
Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar xaladihii ay soo mareen mudadii Tababrka u socday.
"Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen, waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen, waxay ahaayeen 200, inta badan dibishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay, waxaan u rajeynayaa ciidanka Danab iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,'' Ayuu yiri General Maxamed Maxamuud Saneey.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka hadlay Munaasabada ayaa ku ammaanay macallimiinta Tababrkaasi bixinayay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaas oo ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee Danab iney yihiin cutubkii shanaad, wuxuuna ku ammaanay Ciidamada Danab sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen degaano badan oo dalka.
Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan Danab iney u diyaar-garoobaan Difaaca Dalka.
"Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto bulshada Soomaaliyeed, waxaad ka mid noqoteen ciidamada Danab oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha" Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
storvideo: 

Saddex qof oo lagu toogtay Boosaaso

$
0
0


Kooxo ku hubaysan Bastoolado ayaa salaadii duhur kadib ee maanta waxa ay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ku toogteen Saddex qof, sida ay sheegeen Hay'adaha ammaanka.
Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay Nawaaxiga Shirkaddii hore ee Netko oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Saraakiisha Hay'adaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen Saddexda qof ee la toogtay mid ka mid ah in uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu magacaabi jiray Kaarshe Hogan-diid, waxaana uu mar soo noqday Taliye ku xigeenkii Kontaroolka magaalada Boosaaso.
Labada qof ee kale ayaa qaba dhaawac halis ah, halka Askarigu uu goobta ku dhintay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka oo goobta ka qaaday dadka shacabka ah ee dhaawacmay iyo meydka Askariga la dilay.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen in ay bartamaha magaalada Boosaaso ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose, kadibna ay si nabadgelyo ah u baxsadeen raggii dilka geystay.
Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan u muuqda mid faraha ka sii baxaya, maadaama dhawaanahan ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo ay geysanayeen xoogaga ururka Al-shabaab.
storvideo: 

Sawirro: Ciidamo cusub ka tirsan Danab oo tababar ...

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababar mudo hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.
Gaadi ciyaar iyo dhoolatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay Goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka.
Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday.
"Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen,waxay ahaayeen 200,inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay,waxaan u rajeynayaa ciidanka DANAB iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,'' Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud saneey.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al- Shabab.
Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB iney yihiin cutubkii shanaad,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen deegaano badan oo dalka.
Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan DANAB iney u diyaar-garowbaan Difaac Dalka.
"Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.
Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho.
storvideo: 

Xildhibaanoow xaal qaado! ‘’Maxaa la iiga farxaa!...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan.
Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa "Xildhibaanow xaal qaado" anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheyd "ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin".
Dadka Somaaliyeed ee u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaaren DP World, heshiiskii dawladda Federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan.
Su'aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda?
1-Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta.
2-Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda.
3-Baqdin Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada.
4-Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada.
Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan:
Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar.
Hadaba waxaa Madaxweynaha, Ra'isul wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin "Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto".
W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Hay’adda NISA oo Caawa joojisay Madal Siyaasadeed uu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Hay'adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa joojisay Muxaadaro siyaasadeedoo uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasoo ay soo qabanqaabisay ay Madasha Wadatashi .
Madashan oo ka dhici lahayd Hotelka Saxaf ee magaalada Muqdisho kadib maqribka Caawa ayaa waxaa la sheegay in NISA ay maamulka Hotelka amar ku siisay inaan la qaban karin madashaasi oo ahayd mid uu muxaadaro ka jeedin lahaa C/raxmaan c/shakuur, loogana hadli lahaa xaaladda ay wajaheyso siyaasadda Soomaaliya.
Mid kamid ah Mas'uuliyiinta Hotel Sahafi oo diiday in magaciisa la xuso ayaa caasimadda Online u sheegay inay lasoo xiriireen Nabad Sugidda isla markaasna lagu wargeliyey inuusan kulankaas ka dhici karin Hotelka.
Sidoo kale waxaa Arrintan goor dhoweyd shaaciyey C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay sida soo socota:
Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas.Maamulka Hoteelka oo hay'adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas.Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra'yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Si Habsami Ah...

$
0
0

Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa si habsami ah 4-tii maalmood ee u dambeeyey uga wada Deegaanadda kala duwan ee shaqaalaha dawladdu ka hawlgalaan hawlgalkoodii ay dalka ka wadeen ee madaxtaabashadda iyo diwaangelinta shaqaalaha dawladda lagu sugaayo.
Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal kooban oo uu kaga warbixiyey halka ay marayso diwaangelinta shaqaalaha Dawladda Somaliland oo todobaadkan u dambeeyey si habsami ah uga socda Deegaanadda Gobolka Saaxil oo ay ka bilaabeen, waxa uu sheegay inay hawlgalkoodu si habsami iyo xawli ah uga wadaan Magaalo madaxda Berbera iyo Deegaano kale oo hoos yimaada isla markaana shaqaalaha Somaliland gaar ahaan kuwa dawladdu ay ku diirsadeen waaga cusub ee mashruucan dawladdu ku tayeynayso.
md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraalka uu kaga xog waramay hawlgalka Tirinta shaqaalaha Dawladda Somaliland lagu sugaayo ee ay dalka ka wadaan iyo gobolka Saaxil oo ay hada ku jiraan waxa uu ku yidhi qoraalkiisa.
- Shaqaalaha ku suggan Deegamada Sheekh iyo Abdaal ayaa maanta iyo shalay si wanaagsan loo diiwangeliyey waxaana loo sii durkayaa deegaamada kale ee shaqaalaha dawladdu ku suggan yihiin.
- Sidoo kale waxay ay si habsami ah Saddexdii casho ee la soo dhaafay uga socotay - gobolka Saaxil ee Berbera.
- Shaqaalaha dawladdu waxa ay si wanaagsan u dareemeen in hogol u curatay oo caawintooda loo socdo balse aan caydhintooda loo socon waxaanay bixinayaana xog waafi ah iyo xaal warran dhamaystiran.
- Waxa ay quus u ahaatay ma-joogihii jiif oo jaq ku tallo-jiray waxaanay rejo u diyaar tahay diyaarsanaha dalka in uu u shaqeeyo u dabran.

storvideo: 

Baydhabo: Wasiiro Ka Doodaya Dastuurka Dalka

$
0
0

Kulan looga hadlayo dastuurka  ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay maasuuliyiin ka kala socda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Baydhabo: Wasiiro Ka Doodaya Dastuurka Dalka

$
0
0

Kulan looga hadlayo dastuurka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay maasuuliyiin ka kala socda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Wariyaha VOA-da Muqtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray Baydhabo

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:04:20 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Daawo:  Senetor Muno Cumar oo ka ilmeysay go’aanka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Senetor Muno Cumar Xasan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanaka Somalia, ayaa aad u dhaliishay talaabada ay Xildhiabaanada baarlamaanka ku caburinayaan shirkada DP World iyo Somaliland.
Xildhibaan Muno Cumar Xasan oo u muuqatay mid taageersan Heshiiska Berbera ayaa aad uga soo horjeesatay in laga dodo Heshiiska Berbera.
Waxa ay Xildhibaanadu ololo wakhti qaatay ku bixisay sida loo dib dhigi lahaa dooda, hase ahaatee waxa ay carro kala duldhacday Xildhibaanada kale ee meelmarinaayay go'aanka DP World looga eryay guud ahaan Somalia.
Muno Cumar Xasan, waxa ay sheegtay in kursiga ay ku fadhiso ay ku mataleyso Somaliland, isla markaana dooneyso in leysku soo dhawaado, hase ahaatee waxaa haddalka iyo qeyla dhaanta Muno aan dhag jalaq usiin Xildhibaanada kale oo aad uga careysnaa falka ay ku kaceen Somaliland iyo DP World.
Senetor Muno Cumar Xasan, waxa ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku tilmaantay inay yihiin kuwo aad u caadifeysan isla markana u taagan in mar waliba lagu degdego go'aanada horyaal.
Waxa ay Muno Cumar Xasan dood u muuqata mid ka ilmeysiisay ka keentay sababta dowlada Ethiopia looga reebay doodaha laga qabo Heshiiska DP World, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in go'aanka uu Aqalka Sare ku taageeray baarlamaanka Somalia ay tahay mid mugdi badan ku jira.
Muno Cumar Xasan, oo u muuqata mid il meyneysa ayaa aad u dhaliishay go'aanka ay Xildhibaanada Aqalka Sare ku taageereen laalida Heshiiska Dekadda Berbera, waxa ayna dalbatay in la cadeeyo sababta doodaha ka dhashay Heshiiska looga saaray dowlada Ethiopia.
28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.
Mar haddii xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka, xilligaasi wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona fulinta in dalka laga eryo DP World.
[embedded content]SAWIRRO SENATOR MUNO CUMAR
storvideo: 

Finland Oo Noqotay dalka UGu Farxad Badan Adduunka.

$
0
0

Hargeysa(Toggaherer)-Finland Oo Noqotay dalka UGu Farxad Badan Adduunka.
Dalka Finland ayaa noqday meesha ugu farxadda badan adduunka, sida lagu sheegay warbixin sannadle ah oo ay daabacday Qaramada Midoobay.
Waxay kaalintan kala wareegtay dalka Norway oo kaalinta koobaad ee farxadda ku jiray.
Warbixinta farxadda adduunka waxaa lagu jaan gooyaa sida dadka faraxsan ay dareemayaan iyo sababta ay u faraxsan yihiin.
Dalal ku yaala Waqooyiga Yurub ayaa shanta kaalmood ee hore si joogto ah u gala, halka dalalka ay colaaduhu ka jiraan iyo kuwa Saxaraha Afrika ka hooseeya ay shanta ugu hoosaysa ka noqdaan.
Burundi ayaa noqotay dalka ugu farxadda yar adduunka isaga oo kaalintaas kala wareegay Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.
Dalkaas ayaa qalalaaso galay markii madaxweyne Pierre Nkurunziza uu markii saddexaad isa soo sharaxay sannadkii 2015kii, arrintaas oo dhalisay dibad baxyo ay dhigeen taageerayaasha mucaaradka oo arrintaas sharci darro ku tilmaamay.
Warbixinta farxadda sannadkan ee Qarammada Midoobay waxaa sidoo kale lagu xusay farxadda dadka dalalkooda ka tagay.
Muhaajiriinta dalka Finland ku nool ayaa ah kuwa ugu farxadda badan.
Shaxdan hoose ka fiiri dalalka ugu farxadda badan iyo kuwa ugu farxad liita.
Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta 98 galay, Kenya 124, Itoobiyana waxay gashay kaalinta 127.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live