Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Moscow oo Sheegtay in La Ihaaneeyey Putin iyo...

$
0
0

Danjiraha Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa masuuliyada wixii ka yimaada Weerarka Lagu Qaaday Suuriya ay qaadayaan Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska.
Safiirka ayaa sheegay in weerarradu ay keeneen cabsida ugu daran waxayna qaadayaan cawaaqibkeeda, isaga oo intaa ku daray in wixii dhacay ay ahayd horudhac qorshaysan.
"Waa wax aan la aqbali karin in lagu Ihaaneeyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin," ayuu yidhi Antonov.
Waxa uu sheegay in Washington "aysan lahayn sabab macquul ku fadhiya oo ay u duqeeyaan xukuumadda Suuriya.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo Soo...

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa soo dhaweysay Weerarka Saddexda dal ee Maraykanka, Faransiis iyo Ingiriisku ay ka geysteen Suuriya waxayna sheegeen in ay tahay jawaab ku habboonay weerarkii kiimikada ahaa ee Douma ee bariga Gouta laga geystay.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Ruushka oo Cadeeyey In Weerarrada la Qaaday Ayna ku...

$
0
0

Wasaarada Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in Weerarka Maraykanka Faransiiska iyo Britain ay ku qaadeen Suuriya aan lagu bartilmaameedsan Goobo u dhaw saldhigyada diyaaradaha iyo sirdoonka Ruushka ay ku leeyihiin Suuriya.
"Mid ka mid ah Gantaalada Maraykanka iyo xulafadiisu may soo gelin Xuduudka mandiqada Saldhigyada Tartous iyo Himmaayim," ayay wasaaraddu ku sheegtay hadal ay soo saartay ayna faafisay Wakaalada wararka Ruushka ee RIA Novosti.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Dowlada Mareykanka iyo xulafadiisa oo weeraray Dalka...

$
0
0


Qarax aad u weyn ayaa laga maqlay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa duqeymo ay kaga jawaabayaan sunta la sheegay in dowladda Suuriya ay adeegsatay ka fuliyay gudaha wadanka Suuriya.
Raysal wasaaraha Britain, Theresa May oo iyaduna ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in weerarada ay ka fuliyeen gudaha dalka Suuriya ay ahayeen kuwa qorsheysnaa oo loogu talo galay in aysan sii hurinin xiisadda gobolka, waxaana ay intaa ku dartay inay iska ilaaliyeen waxwalbo waxyeleyn kara dadka rayidka.
Sidoo kale weerarka waxaa ka hadlay madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron oo sheegay in weerarda ay ahaayeen kuwa looga hortagayo in dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad aysan adeegsanin hubka kiimikada
Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay weerarka ayaa sheegay in ay qaadeen howlgal ka dhan ah ciidamada Suuriya.
Trump waxaa kale oo uu eedeeyay dowladda Ruushka oo uu sheegay inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo ballankii ay qaaday sannadkii 2013-ka, kaasi oo ahaa inay burburiso hubka kiimikada ee Suuriya.
storvideo: 

Gudoomiyaha Gobolka banadir oo Xaflad u sameeyey...

$
0
0


Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.
Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.
"Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go'antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka."
Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu caawa casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.
"Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran."
Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.
storvideo: 

Wardegdeg ah : Shirkii Ay Qolayaha Garxajis u...

$
0
0

Shirwaynihii Beelaha Habaryoonis iyo Ciidagale ay ku balansanaayeen in maalinta Bari ah uu ka qabsoomo Buurta Gacan libaax ee Gobolka Saaxil ayaa Dib u dhac ku yimid.
Sida aanu wararka ku helayno Waxa uu shirkani dib ugu dhacay ilaa iyo 23.April. oo ku beegan Maalinta Isniinta soo socota ee ay inaga xigto laba wiig.
Dib u dhacan ayaa sida la sheegay yimid kadib markii Gudida Qaban Qaabadu sheegeen in aanu xiligan qabsoomi karin soona jeediyey in dib loo dhigo.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco ToggaHerer
storvideo: 

Shiribkii suluxi soortu qaadayow suqaar mareylan...

$
0
0

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q15AAD
Haddaan halkeedii kasii amba qaadno qormadeynii "Xeerka iyo Xigmadda Shiribka" ee taxanaha noo aheyd. Sidaan horeba u carrabaawnay qeybtaan waxaan kusoo qaadaneynaa, Abshir Nuur Faarax Weheliye Gacal, Abshir Bacadle, (A.U.N) Haddaan dulmar kooban ku sameyno Taariikhdiisa, Laashinku wuxuu ku dhashay Mustaxiil oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya, xoogga ku haysato, taariikhdu markii ay aheyd 1946kii. Laashin Abshir Eebbe ha u raxmade wuxuu kusoo koray agoonnimo kaddib markii aabbihiis la dilay sida uu asigu yiri: gabaygana uu ku sheegay, mar la wareeysanayay intii uu ifka joogay, wuxuuna ku gabyay asoo ka waramaya yaraantiisi, wuxuu yiri:
"Anoo dherebta jiifaa la yiri dhimay adoogaaye."Inkastoo amarka Eebbe aan qof celi kartaa jirin laashinku wuxuu ahaa Abwaan laga yaqaan guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. ma guurtooyin Suugaaneedna ku reebay maskaxda Ummadda Soomaaliyeed laashinku wuxuu geeriyooday 10kii Oktoobar 2010kii Eebbe ha u raxmadee: Laashin Abshir Bacadle Shiribkiisa iyo Suugaantiisaba lama kala gaaro waxaanse kasoo qaadaneynaa dhowr Shirib oo ka mid ah Kuwa ugu saameynta badan.' Haddaan ku bilaabo Shiribkisa dhumucda leh. ee uu kula hadlayo dadkeenna Soomaaliyeed una sheegayo inaaney jirin wax dowlad nima uga wanaagsan iyo wada jirka. Wuxuu ku shirbay:Inaan qabiil qaran aheynKu quusta shanta qaaradood
Waa Shirib cad oo kuu sheegaya in qolo, qolo, qabiil, qabiil, iyo Jufa jufaba wax lagu noqon waayay, haddii ay wax noo tareysana rubac qarni ayaan kusoo jirnay oo taas maanta waan wada qirsannahay waana middaas midda laashinku dadkiisa u sheegayo Abwaaniintu waa afayeennadii Bulshada, iyaga ayaana xil isa saara iyada oo aanay jirin cid ku maalgalisa ama wax ku siisa meesha laga haayana farta ugu fiiqda, waa halkii mah-maahdu ka aheyd: Waxaa jira "Dhega laab u duleela iyo Dhego leyr u duuleela" waana tan dambo midda aan ku sifoownay!

  • Dadkaanu dowlad waa rabaan

Waxase diiddan duul qarsoon
Waa shirib xaqiiq ka hadal ah dadkuna waa hubaal inay dowlad u adeegta, una khidmeysa rabaan laakin waxaa laga kari la'ayahay ama hortaagan waa in gaaban oo bulshada ka mid ah kana awood iyo sameyn badan bulshada inteeda kale waana taas midda abwaanku farta ku fiiqayo si loo yiraa: dhinac noo dhaafa, laakin aan taa caksigeeda qaadannay.Amba dalab ambiiska diidDantaadu dowladeey jirtaa
Mar kale wuxuu leeyahay laashinku. haddii aad ogolaato, ee aad raadiso hannaanka dowladnimada, iyo haddii aad diiddo, macnaha ka jeesato, wada jirka guud iyo wax wada qabsiga, qofta ugu horreysa ee ay dhibeyso ama dhaawaceyso waa adiga. Dhab ahaantiina waan soo aragnay oo maanta naloonma sheegayo xaqiiqdeeda. Laashin Abshir Bacadlena(A.U.N.) wax badan ayuu sii saadaaliyay wuxuuna ahaa hal-abuur aragti fog leh, aqoon gaarana u lahaa bulshada Soomaaliyeed Eebbe ha u raxmadee:Haddey dib noogasoo duxdeeAbuurkaan duugannaa dubnaay
Waa shirib cad oo aan faahfaahin u baahneyn oo laashinku si aan mad-madow iyo mugdi ugu jirin bulshada Soomaaliyeed ugu sheegayo, wuxuu leeyahay hadda ayaan ogaanay ceyrintii la ceyriyay Dowladdii kacaanka, iyadoo aan la dhihin maxaa noogu xigi doona. waxaana jirta mah-maah caan ah oo baxday markii la riday rajiimkii Jaalle Siyaad Barre(A.U.N.) ayaa ummadda waxaa loo sheegay in Madaxweyne la dooranayo, dadkii qaar ka mid ah ayaa waxay yiraahdeen:"Haddaan madaxweyne u baahannahay maxaan kii hore u ceyrinnay?"Waana taas midda laashinku leeyahay Abuur la dubay ayaan duugannay, macnaha abuurannay, ee abuur inta la dubay la duugay miyow soo dhalanayaa? waa maya.!Heshiiska wow hammuun qabneeHubiya hiisha hoos ka nool
Waa shirib toosan oo tilmaamaya in ummadda Soomaaliyeed inay heshiiso dantoodu ku jirto, sidaa aawgeed wuxuu leeyahay naga hubiya kuwa aan daacadda ka aheyn inaan si caddaalad ah u heshiinno, wuxuuna ku tilmaamay kuwaas hiil hoos ka nool, hiil waxaa la yiraa digada xoolaha oo mararka qaar debka lagu shido ama qorya ahaan loo isticmaalo, si wax loogu karsado, ama debku uu waqti dheer koogu noolaado, maxaa yeelay digadu waa ka waari ogtahay qoryaha iyadoo aan qeybta kore debku soo gaarin ayeey hoosta ka hulaaqdaa, ka nooshahay, waana sidaas tusaalaha laashin Bacadle Eebbe ha u naxariistee: ku hal qabsanayo!'
Abwaan Abshir Bacadle(A.U.N) gabay iyo Shirib iyo maansaba kuma sinneyn ee wuxuu lahaa dhowr mah-maahyo oo la adeegsado, illaa maanta aynu joogno. haddaan hal mah-maah kasoo qaadanno, maadaama aan qormadu noo saamaxeyn inaan wax kasta ee uu yiri: Laashinku intii uu noolaa aan hal qormo iyo wax la mida aan kusoo koobno. balse ay tahay in laga qoro buugaag. Wuxuu yiri:"Inaad magac beddelataa cadaab looga bixi maayo"Waa wacdi iyo wax sheeg maxaa yeelay dembi kasta ee aad gasho Eebbe waa ku ogyahay haddii aad magaca iska bedesho iyo haddii kaleba. laakin marka aad aadane dembi ka gasho ee aad ka haajirto halkii aad ku gashay dembiga, una haajirto dhul kale, waa dhacdaa inaad magaca beddelato kuna badbaaddo ayaamo, laakin xagga Eebbe marna cadaab ku gefi meysid haddii aad dembi gasho, in Eebbe ku cafiyo mooyee:Suluxi soorti gaaddayoowSuqaar mareykanaan sidnaa
Eebbe ha u naxariistee laashin Abshir Bacadle Shiribkaan wuxuu bixiyay dagaalki "Unisom" lagula jiray ama loogasoo horjeeday, mashruucii ahaa reja soo celinta soomaalia oo ay mareykanku hor boodayeen. intiisa badanna dana shisheeye ka dambeeyen laakin ay damacaasi meesha ka saareen ururkii Generaal Maxammad Faarax Caydiid hoggaaminayay Eebbe ha u raxmade: waxaana shiribkaas uga jawaabay Laashin M.M.Jay wuxuuna yiri:Adaa si xun u soorsadeeSuqaar mareykan sow u yaal?
Waa laba shirib oo lagu kaftamay, waana caada ay leeyihiin abwaanadu, marka ay is maaganyihiin inay si maldahan isu weeraraan, ama u kaftamaan, siyaasaduna kama marneyn maadaama aan waligeedba lagu heshiin, laguna kala aragti duwanaa. Suuqaar mareykan qof heysaana majirtee waa tusaale lagu guubaabinayo garabka kale si ay u xaqiiqdasaan waxa loola dagaalayo inay yihiin cawaaqib xumada ka dambeysa.' Shiribka laashin Bacadle(A.U.N.) xilligaa bixiyana aad ayuu u badnaa, waxaana ka mid ahaa kan:Hugunka yeeray hiiradaanWaxa is haaya haawya waaw
Haaw wuxuu ula jeedaa jeneraalkii hoggaaminayay "UNISOM" ee ahaa Jeneral How, waawna wuxuu ula jeedaa garabka kale ee kasoo horjeeday ee Jeneraal caaydiid hoggaaminayay markasta ee wax dhacaan, sida dagaal ama nabad. Waxaa loo saariyaa ama loogu magac diraa qofka hoggaamiya ama hagaha u ah, macnaha imaan duulaha, Jeneraal Caydiid ayuuna Waaw ugu yeerayaa Eebbe ha u wada naxariistee:
Waxaa jira Shirib kale oo caan ah oo xilligaa dhex mari jiray Laashin Bacadle iyo laashin kale oo la yiraa: M.M.J wuxuuna kusoo bixi jiray inta badan joornaaladdii magaalada muqdisho kasoo bixi jiray, waxayna ahaayeen laba laashin oo aad u kaftami jiray laakin aragtida ku kala duwanaa, haddane saaxibbo is jecel ahaa oo isla qaxweya. wuxuuna ku saabsanyahay shiribkaan ay is dhaafsanayaan Dagaalkii "UNISOM" looga soo horjeeday, waxayna kala metelayeen mucaarad iyo muxaafid, wuxuuna u dhacay qeyb ka mid ah sida tan:Hoobiyaan ku naqaa hoggaanWixi laga helaan hubsaa,M.M.JNin walba hoobiyoow hufaaHeybtana waa hoggaamiyaaBacadleNin soo hoydaa nin hooy rabee Wixi laga helaan hubsaa,M.M.JMaheey ka hoogtay waa halkaasAnmaase hooy ku heybsahaa,BacadleHabartaan hoos cambeed dejaaWixi laga helaan hubsaa,M.M.JHabartu wayska halgameeAllena haw u hiilli maa,BacadleNin haadsan nin la heyb ahooAan la hadleynin waa hubsaa,M.M.JNin haadsanaad u heeysatiinMana hubtiine weys huddeen!Bacadle
Waxaa jira shirib kale oo aad u dheeraa laakin aan kasoo qaadanayo Seddax shirib oo kaliya, wuxuuna ku taageerayay mooryaan gerreydii ama maxkamadihii Islaamka ee 2006 hawada soomaalia lagu arkay iyaga oo meel kasta heysta, markii ay qoladii kale ee ashahaadda la dirirka ay u bixiyeen laakin mar dambe la ogaaday inaaney labada kooxba hal is dhaamin, haddaaneyba darreyn wadaaddadii waallida weday. Wuxuuna ku shirbay Laashinku:"Isbaaro aydisey aheydWaxa aruurshay ahlu kheyr,Ama isbaaraleey ahaawAma islaaxa ogolaaw,Intaan ammaanka ogoleynIsbaaradaa ilmuu jiraan
Waa Shirib uu ku taageerayay maxkamadihii Islaamka "wadaaddadii waalida weday"uganasoo horjeeday qab-qablayaashii dagaalka ee muqdisho midba xaafad heystay ee isbaarada dhigtay, wuxuu ahaa shirib aad u dheer oo uu kasoo bilaabay ilaa dowladdii kacaanka oo hal isbaaro ama kontarool oo kaliya u aalli jiray dhulka Hawiye, marka laga reebo dhowr kontarool oo irdaha Muqdisho lagasoo galo aalli jiray, ilaa ay gaareen markii dbo in laba kiilow mitirba dhowr isbaaro la dhigto,Laashin Abshir Nuur Faarax Gacal(A.U.N.) wuxuu ahaa laashin sooyaal qiima badan iyo murti ma guurto ah uga tegay ummadda Soomaaliyeed intii uu noolaa gabayadiisa, guurowyadiisa, maansooyinkiisa iyo Shiribkiisaba lama kala gaaro, oo kumannaan ayeey gaarayaan, waxaanse kasoo qaadanayaa hal gabay oo aad u qiima badan tusmo, talo iyo tilmaanna noogu filan. wuxuuna ku nikaxaya dhowr lug oo shirib ah sidaas ayaana ugu doortay inaan qoraalkaan kooban ee aan uga hadlayo Shiribka laashin Abshir Bacadle(A.U.N.) kusoo geba-gebeeyo, wuxuuna ku gabyay:Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa lehQorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa lehQoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa lehQalbi qooqan qooraan waxtarin qaadow adigaa lehQardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa lehJirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa lehQalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa lehMacdan qubta howshoon laqaban qaadow adigaa lehHurda qarow ah soojeed qam-qama qaadow adigaa lehIska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa lehQayil oo cun reerkiina qadeen qaadow adigaa lehQashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa lehQatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa lehQalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa lehQaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa lehQayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa lehIska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa lehQabri ka hor qandhaan laga biskoon qaadow adigaa lehIsqandiiri kana qoomameey qaadow adigaa lehIbliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa lehAfku wuxuusan ii qaba karayn qaadow adigaa lehQosol iyo qamuunyiisku xiga qaadow adigaa lehQasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa lehQur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa lehCimri kuu qorraa qeyb ka lumi qaadow adigaa lehQandi fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa lehQureesh gabara waxa loo qawaday qaadow adigaa lehDad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa lehShaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa lehQabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa lehDhaliyara afkooda uun u qoran qaadow adigaa lehWax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa lehSalaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa lehXubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa lehQabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa lehDubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa lehBisad quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa lehQarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa lehQanaaskiyo waswaaskaa qarsoon qaadow adigaa lehQandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa lehQarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa lehAfqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa lehAf qallala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa lehQasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa lehQaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa lehRagoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa lehFaqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa lehIndha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa lehQubays laga wahsadiyo dhidid qurmuun qaadow adigaa lehQamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa lehQoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa lehWaa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa lehQaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa lehInoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa lehQabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa lehQurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa lehDeg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa lehQiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa lehQofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa lehWaxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa lehKu qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa lehMagnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa lehHanti qaran qanaafiir ugeey qaadow adigaa lehQaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa lehIntuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa lehLixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa lehQaatala kallaahuye adaa qaranka aafeeyay!"NIKAX"Qaraya moosaa qaad ka roonKa qaal yaroo ka quud macaan"Kuwa afkooda qaaciyooQuryaha rooga xey qabaan"?"Qoray qaniine qaac ka keenQandhey u roontahey qabaan"
Waa murti iyo miid uu kusoo koobay wax kasta ee ummad lagu waani karay waana waana anfaceysa qofkasta ee hab fikirkeedu noolyahay, wuxuuna uga qisooday "Qaadka, Jaadka" iyo sigaarka oo uu shiribka kusoo qaatay, wuxuuna yiri:Kuwa afkooda qaaciyooQuryaha ruuga xey qabaan?
Waa su'aal u baahan in ay is weydiiyaan dadka sigaarka caba ama dhuuqa maadaama owsan meelna kasoo geleyn quutul daruuriga, sida raashinka iyo cabitaanka laakin uu iska yahay macna la'aan dadku caadeystay oo sibiq qofta ku gala kadibna ay ku adkaato sida ay isaga reebto, goyso, laashin Bacadle Eebbe ha u naxariistee isla shiribkaan kale ayuuna isugu jawaabaya su'aasha uu iska weydiiyay kuwa sigaarka caba wuxuuna isugu hal celiyay:Qoray qaniini qaac ka keenQandhey u roon tahey qabaan
Inta xaansha yar oo tubaaka lagu dhex shubay dhuuqaan ayeey afkooda qaac ka sii daayaan qandha intaasu daawa u tahay ayeeyna qabaan ayuu leehay laashinku. Waa meeshii laashkii kale ka lahaa:Qoraga jiide qaaca tuurQandhey u roontahaad qabtiinAnna waxaan qaloon aheynHaddaan ku qaadho waa qandhaa
Waa shiribya aad isugu dhaw isku hal macnana tilmaamaya inkastoo laashinka dambo leeyahay anigu wax raashin ka baxsan ama ka saa'id ah sida sigaarka iyo Qaadka, Jaadka. haddaan cuno waaba ku jirranaa!Qoraalkaan kooban ee aan kusoo qaatay Laashin Abshir Bacadle(A.U.N.) iyo Shiribyadiisi caanka ahaay, intaas ayaan kusoo af-xirayaa. Ee la soco qeybaha xiga oo aad u xiisa badan haddii Eebbe idmo.!W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)
storvideo: 

Trump: weerarkii saaka lagu qaaday suuriya waxa uu ahaa mid wax ku ool ah

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qorayay " Howgalku si caqliyaysan ayaa loo fulayay", ka dib markii ay saaka aroornimadii hore Mareykanka, Britiain iyo Faransiiska duqeeyeen goobaha malateriga ee dalka Suuriya.


Trump: weerarkii saaka lagu qaaday suuriya waxa uu...

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qorayay " Howgalku si caqliyaysan ayaa loo fulayay", ka dib markii ay saaka aroornimadii hore Mareykanka, Britiain iyo Faransiiska duqeeyeen goobaha malateriga ee dalka Suuriya.
waxay beegsadeen saddex goobood oo ku yaala dimishiq iyo xomus.
Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarrada ay ahaayeen kuwa wax ku ool ah.
Pentagon-ka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qorshaha hubka kiimikada uu dib u dhac badan ku keenay suuriya, iyagoo sidoo kalana sheegay in howlgalka uu ahaa mid kooban oo wax ku ool ah.
Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlaya xilliga weerarku bilowdey ayaa sheegay in la bartilmaansadey goobaha gaarka ah ee ay yaalaan hubka wata kiimikada iyada oo lagaga jawaabayo weerarkii loo isticmaalay hubka sunta watey ee lagu qaadey magaada Duuma toddobaadkii aynu soo dhaafney.
Dhanka kale madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa si kulul uga jawaabay weerarka, isagoo sheegay laga bilaabo haatan uu il gaar ah ku eegi doono cadawgiisa uuna iska celin doono. Waxaa uu intaasi ku daray in ree galbeedku sharaftooda dhimatay.
storvideo: 

Wafdi ballaaran oo heer Federaal ah iyo Isimo oo...

$
0
0

Boosaaso Somalia
Boosaaso waxaa kasoo degay wafdi isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan sidoo kale Isimo iyo Siyaasiyiin, waxay ka qeybgelayaan Caleemasaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo beri ka dhacaya Carmo.Ahmed Shimaali
Slaet op af Dabaraani Media Inc i 14. april 2018
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Boqortooyada Sucuudi...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shir-Madaxeedka 29-aad ee Jaamacadda Carabta oo lagu lafa gurayo qaddiyadaha ugu dambeeyay ee ka taagan Gobolka iyo guud ahaan dalalka ku bahoobay ururkan
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed Ayaa ka warbixiyay Shirka uu madaxweynuhu ka qeeybgalayo.Hoos ka Daawo Muuqaalka
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Booqasho-Madaxweynaha.mp4Xasan Maxamed Samatar CowkePuntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Boqortooyada Sucuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hay’adda u xil-saaran dib-u-eegida dastuurka Dalka...

$
0
0

Kismaayo (PP) - Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo ay wehliyaan Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland.
Kulankan wadatashiga ah ayaa ahaa mid Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS iyo Guddiyada ay shaqo wadaagayihiin ay Xildhibaanada Jubbaland ugu soo bandhigayeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn ka hadlay muhiimadda kulanka isaga oo codsaday in la adkeeyo xiriirka wadashaqeeynta.
"Muhiimad wayn ayuu kulankan u leeyahay sedexda hay'ad ee ku hawlan dib-u-eegista Dastuurka maadaama Xildhibaanada Jubbaland ay waxbadan ka ogyihiin arrimaha shuruucda, waxaan idinka codsanayaa in aan xoojinno wadashaqeynta inaga dhaxeysa si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarnno Geedi-socodkan" ayuu yiri Wasiirka.
Dhankooda, Xubnaha katirsan labada Guddi ee shaqada ku leh dib-u-eegista Dastuurka oo iyagana hadleen ayaa waxay xaqiijiyeen inay ku mideysanyihiin hawsha socota, waxayna Xildhibaanada Jubbaland ka codsadeen in ay ku garabistaagan ka guul gaarista Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Jubbaland ayaa waxay talooyin ka bixiyeen Tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo ay soo bandhigeen sedexda hay'ad ee ku shaqada leh dhameeystirka Dastuurka.PUNTLAND POST
The post Hay'adda u xil-saaran dib-u-eegida dastuurka Dalka oo la kulmay Xildhibaanada Jubaland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

RW ku-xigeenka DF oo shir-gudoomiyay kulan Guddiga...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Isku- Duwida arrimaha Badaha oo ay ka soo qayb galeen xubnaha gudiga ee kala ah Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Gaashaandhiga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Dekadaha, Kaluumaysiga, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo wakiilada xubnaha dawlad goboleedyada uuna shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa looga hadlay sharciga la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka.
Kulankan waxaa looga dooday sharciyada heer federaal ee la dagaalanka burcadka badaha iyadoo uu sharaxaad ka bixiyay sharciga burcad badeedka Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxuuna ka hadlay xeerarka qabyo qoraalka ah ee khuseeya arrimaha badaha, isagoona sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadadamada shisheeye ay u baahan yihiin in loo sameeyo sharciyadii lagu dhaqi lahaa.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay wasaarada Amniga oo ka warbixisay howlgalada wasaarada ee Qorshaha qaran ee Ciidamada Amniga xeebaha, iyadoo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhiga mudane Xagaa isna uu sheegay in sharciga qabyo qoraalka ah la ansixiyo si ay wasaaradaha u wada howl galaan ayna si wada jir ah uga shaqeeyaan amniga badaha. Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badaha ayaa laga dhagaystay sharciyada maraakiibta Ganacsiga ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya ee been abuurka ah iyo xubinimda IMO.
Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa sidoo kale ka warbixisay socdaalkii Wasiirka Kaluumaysiga xukuumada federaalka iyo Qorshaha qaran ee hawlaha wasaarada ee khuseeya Qorshaha qaran ee qaybsiga khayraadka kaluunka. Dhanka kale wasaarada Arimaha Dibada ayaa laga dhagaystay warbixino la xiriiro heshiisyada caalimga iyo badaheena.
Kulankan ayaa warbixino looga dhgaystay wakiilada iyo wasiirada dowlad goboleedyada sida Puntland, koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Gal-Mudug dhamaantoodna waxay ka warbixiyeen baahiyaha ay u qabaan sida loo sugi lahaa amaanka badeena iyo sidii loo samayn lahaa sharciyada heer caalami ee badaha iyo in door shariif ah ay xukuumaddu ka qaadato arrimahan xasaasiga ah.
Ugu dambeyn, Ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Khadar oo soo gaba-gabeeyay shirka ayaa ka mahad celiyay ka soo qayb galka dawlad goboleedyada iyo war bixinadii ay ka bixiyeen arrimaha la dagaalanka burcad badeedka iyo afduubka, isagoo bogaadiyay sidii ay ugu dhabar adeegeen waqtigii adkaa ee la soo maray. Sidoo kalena waxuu sheegay in dawladdu ay dar-dar galin doonto howlaha badaha,lana qaban doono doodo fara badan oo looga hadlayo Arimaha Amniga badaha.PUNTLAND POST
The post RW ku-xigeenka DF oo shir-gudoomiyay kulan Guddiga isku-duwidda Arrimaha Badaha appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Masar oo lagu laayay qaar ka mid ah ciidamda dowaladda

$
0
0

Ciidamada dalka Masar ayaa sheegaya in sideed askari la dilay shan iyo toban kalana lagu dhaawacay weerar ka dhacay baratamagha magaalada Sinai.

Masar oo lagu laayay qaar ka mid ah ciidamda dowaladda

$
0
0

Ciidamada dalka Masar ayaa sheegaya in sideed askari la dilay shan iyo toban kalana lagu dhaawacay weerar ka dhacay baratamagha magaalada Sinai.
Afhayeenka ciidaada Colonel Tamer al-Rifaie ayaa sheegay in maleeshiyada weeraka soo qaadday ay xirnaayeen sumaanka laisku qarxiyo si ay u jabiyaan xareda ciidamada.
Waxa uu sheegay in dhamaan weeraryannahada dagaalka soo qaday la dilay.
Askar lagu dilay dalka Masar
Masar oo seddax maalmood barooraneysa
Wax ka ogow dariiqada Suufiyada Masar
Masar ayaa la daalaa dheceysay dagaalka ay kula jirto kooxaha mucaaradka ee ku sugan magalada Sinai tan iyo markii madaxweynihii hore ee masar Maxamed Musri shan sano ka hor xilka laga qaaday.
Ciidamada Masar ayaa bishii Febaraayo fuliyay howgal milatari oo looga gol lahaa in lagu cirib tiro kooxaha la dagaalamo dowladda.
storvideo: 


Naciima Qorane oo 3 Sano oo Xabsi ah Lagu Xukumay

$
0
0

Abwaan Naciimo Qorane ayaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.

Soomaaliland Oo xukun ku riday Naciimo Qorane

$
0
0

Hargeysa ( Sh. M. Network )-Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee S/land ayaa maanta xukun ku riday Naciimo Axmed Qorane oo dhawaan ay xireen Ciidamada maamulkaasi.
Naciimo Qorane ayaa lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ee Internet-ka ku baahisay hadallo lid ku ah jiritaanka Soomaaliland.
Waxaana Maxkamaddu Abwaanad Naciimo Axmed Qorane ay ku riday xukun 3 Sano oo xabsi ah.
Xukunkan ayaa imaanaya, xilli horay Ururada u Dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Bulshada Rayidka ah, ay si aad u cambaareeyeen xariga lagula kacay Gabadhaasi.
Mana’ah markii ugu horreysay oo Soomaaliland ay xirto shaqsiyaad, xarumo Warbaahineed iyo Wariyeyaal ay ku eedeyneyso dacayad ka dhan ah maamulkaasi.
The post Soomaaliland Oo xukun ku riday Naciimo Qorane appeared first on Shabelle.

Soomaaliland Oo xukun ku riday Naciimo Qorane

$
0
0

Hargeysa ( Sh. M. Network )-Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee S/land ayaa maanta xukun ku riday Naciimo Axmed Qorane oo dhawaan ay xireen Ciidamada maamulkaasi.
Naciimo Qorane ayaa lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ee Internet-ka ku baahisay hadallo lid ku ah jiritaanka Soomaaliland.
Waxaana Maxkamaddu Abwaanad Naciimo Axmed Qorane ay ku riday xukun 3 Sano oo xabsi ah.
Xukunkan ayaa imaanaya, xilli horay Ururada u Dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Bulshada Rayidka ah, ay si aad u cambaareeyeen xariga lagula kacay Gabadhaasi.
Mana'ah markii ugu horreysay oo Soomaaliland ay xirto shaqsiyaad, xarumo Warbaahineed iyo Wariyeyaal ay ku eedeyneyso dacayad ka dhan ah maamulkaasi.
storvideo: 

Olole looga gol leeyahay in marlabaad ay codeyaan shacbka ree UK oo maanta bilaabanaya

$
0
0

Xildhibaannada taabacsan ku sii jiraantaka Yurub, dadka caan ah iyo guddiga ganacsatada ayaa isku dayaya in ay shacabka ku qanciyaan in marlabaad la codeeyo ka hor inta aysan Britain ka bixin Midowga Yurub.

Olole looga gol leeyahay in marlabaad ay codeyaan...

$
0
0

Xildhibaannada taabacsan ku sii jiraantaka Yurub, dadka caan ah iyo guddiga ganacsatada ayaa isku dayaya in ay shacabka ku qanciyaan in marlabaad la codeeyo ka hor inta aysan Britain ka bixin Midowga Yurub.
Atoore Patrick Stewart oo taageerayay ololaha ayaa sheegay in haddii codbixyeyaasha ay diidaan heshiiska, UK ay ka mid ahaan doonto Midowga Yurub.
Xisbiyada Conservatives-ka iyo Labour-ka ayaa labaduba meesha ka saaray in marlabaad la codeeyo.
Britain ayaa 2016-kii u codeysay in ay ka baxdo Midowga Yurub iyadoo 51.9% ay codeeyeen in ay ka baxaan Yurub halka 48.1% ay codeeyeen in Britain ay ku sii jirto Midowga Yurub.
Bisha Maarso ee 2019 ayaa lagu wadaa in UK ay baxdo Yurub, labada dhinacna waxa ay rajeynayaan in ay garaan heshiis kama dambeys ah bisha Octobar ee sanadkan.
Ololahaan ayaa looga gol leeyahay in lagu mideeyo dadka diidan in UK ay ka baxdo Yurub si ay u gaaraan hadafkooda.
Waxaa lagu doodayaa in shacabka ay gaaraan go,aanka kama dambeyska ah oo aan arrintan baarlamaanka lagu xallin waxaana la rajeynayaa in ololehaan shacabka lagu qanciyo sidii ay marlabaad ay u codeyn lahaayeen.
Ololaha ayaa maanta galinka dambe ka bilaaban doono waqooyiga magaalada London.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live