Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wada Hadal u Bilowday Soomaaliya Iyo Imaaraadka

$
0
0

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.


Mareykanka oo Digniin Kulul u Diray Xukumadda Syria

$
0
0

Nikki Haley, Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado hubka kiimikada ah.
Haley oo hadalkan ka sheegtay mar ay u warameysay Telefishinka Fox News, ayaa tiri
"Haddii Asad aysan gaarin fariintii ay xambaarsanaayeen 105tii gataal ee Sabtidii ay Mareykanka, Britian iyo Faransiisku ku dhufteen sadex xarumood oo kuwo hubka Kiimakada ah, waxaa xigaya mid xanuujsa, kuwo kale ayaa xigga, mana ogolaan doono xitaa isticmaalka cadadka ugu yar ee Hubka Kiimikada ah."
Waxey sheegtay in sida Asad uu u dhaqmo ay ku xirantahay in duqeyntooda ay noqoto jawaab mar qura ay bixiyeen iyo inay sii wadaan.
storvideo: 

Wada Hadal u Bilowday Soomaaliya Iyo Imaaraadka

$
0
0

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Wasiirka oo ka mid ahaa Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ayaa sheegay Madaxda labada dhinac ay wada hadlayaan.
Falastiin Axmed iimaan ayuu u waramay.
storvideo: 

UAE: Waan Joojinay Tababarkii Ciidamada Somalia

$
0
0

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya.
Qoraalkan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu talaabadaasi kaga jawaabayo, lacag ay dowladda Somaliya dhawaan ku qabatay Muqdisho oo uu imaaraadka lahaa.
Hadaba Maxay u dhimeysaa talaabadaa dhismaha ciidanka Somalia?, Maxeyse uga dhigantahay xiriirka labada wadan ee mudooyinkanba sii xumaanayay? Su'aalahaa iyo kuwo kale ayaan hordhigay, Proffesor: Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah Jaamacadda Minnesotta ee dalkan Mareykanka.
storvideo: 

Bashar al-Assad : Waxaan u baahanahay 400 bilyan...

$
0
0

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa sheegay in dalkiisa uu u baahan yahay 10 ilaa 15 sano si uu u soo nooleeyo dhaqaalihiisa.
"Dib u Dhiska Dalku wuxuu ku kici doonaa ugu yaraan $ 400 bilyan, waxaana loo baahan yahay 10 illaa 15 sano," ayuu yidhi xildhibaan Dmitry Sablin oo la hadlay madaxweyne Asad isagoo hadalkaa ka sheegay mar uu la kulmay Wafti ka socday baarlamaanka Ruushka.
Madaxweynaha Suuriya ayaa la kulmay koox ka kooban xildhibaanno Ruush ah, oo uu ku jiro xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Duma, Sergei Glezniak.
"Kulanka xildhibaannada Ruushka la yeeshay Madaxweyne Assad wuxuu ahaa mid muhiim ah oo muhiim u ah labada dhinac," ayuu yidhi Glezynyak.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

DHAGEYSO: Wadahadal u socdo.Soomaaliya iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Isagoo la hadlayay Idaacadda VOA Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayuu sheegay in wada hadal uu u socdo Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo waayihii dambe xiriirkooda wanaagsaneen.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Madaxda labada Dal oo Sacuudiga ku sugan ee ka wada qeyb galayn shirkii 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta ay toos ugu wada hadlayaan Xurgufta ka dhaxeysa waxaana la filayaa in ay meel isla dhigaan xiisadooda siyaasadeed.
Wasiirka ayaa Meesha ka saaray Wada Xaajood laga dhex wado labada labada dal, balse waxa uu sheegay in uu u socdo wada hadal uusan sheegin xiliga uu ku eg yahay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mar la weydiiyay Go'aankii Imaaraadka ay ku joojisay Kaalmadii ay sii neysay iyo Tababarkii Ciidamada Dowladda ayaa waxa uu sheegay in aanan wali warkaasi gaarin oo aanan ka war heyn.
Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa ka dhax taagan xiisad siyaasadeed oo aad u culus taas oo saameyn balaaran ku yeelatay xiriirka Labada Dowladood, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Imaaraadka uu joojiyay Kaalmadii Soomaaliya iyo Tababarkii Ciidamada Dowladda.
Wadahadal u socdo.Soomaaliya iyo Imaaraadka
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDil ka dhacay deyniile iyo Ciidamada amniga Baaritaano ka sameeyay degmadaasi.
Next articleDHAGEYSO:-Guddoomiyihii gobalka Hiiraan oo sharuud ku xiray wareejinta xilka maamulka gobalka.

storvideo: 

University lecturer shot dead in Mogadishu

$
0
0

Unknown gunmen, believed to be Al Shabaab assassins have shot and killed a Somali University lecturer in Mogadishu, witnesses and Police said on Monday.
The professor, Ismail Hajji Addow was gunned down outside his residence in Mogadishu's northern Deynile district on Sunday evening at around 8:00 pm, according to a witness.
Late Addow was a teaching Sharia law at Somalia University in Mogadishu, and the motive behind his assassinations is yet unclear, but, Police said an investigation is underway.
In the aftermath of the killing, Somali government security forces sealed off the crime scene and launched a manhunt, however, no arrest has been reported.
Mogadishu has witnessed an increase in attacks, including car bombings and killings in the past few months amid tight security and heavy presence of army on main junctions.
storvideo: 

Manchester City oo hanatay horyaalka EPL

$
0
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hanatay horyaalka Premier League ee Ingiriiska kadib markii shalay laga adkaaday kooxdii ugu soo dhaweyd ee Manchester United.

Manchester United ayaa waxaa 1-0 garoonkeeda Old Trafford kaga adkaaday naadiga ugu hooseeya horyaalka ee West Bromwich Albion, taasi oo horyaalka u gacan gelisay kooxda macallin Pep Guardiola.

Manchester City ayaa haysata 87 dhibcood, waxayna 16 dhibcood ka sareysaa United oo leh 71 dhibcood, ayada oo horyaalka ay...


Manchester City oo hanatay horyaalka EPL

$
0
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa hanatay horyaalka Premier League ee Ingiriiska kadib markii shalay laga adkaaday kooxdii ugu soo dhaweyd ee Manchester United.
Manchester United ayaa waxaa 1-0 garoonkeeda Old Trafford kaga adkaaday naadiga ugu hooseeya horyaalka ee West Bromwich Albion, taasi oo horyaalka u gacan gelisay kooxda macallin Pep Guardiola.
Manchester City ayaa haysata 87 dhibcood, waxayna 16 dhibcood ka sareysaa United oo leh 71 dhibcood, ayada oo horyaalka ay hareen kaliya 5 kulan.
Horyaalkan ayaa ah kii shanaad ee kooxda Manchester City ay ku guuleysto taariikhdeeda, waxayse aad uga dambeysa kooxda ugu horyaalka badan ee Manchester United oo hanatay 20 horyaal.
Manchester ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee horyaalka ku qaada 100 dhibcood, haddii ay badiso kulamada u harsan.
storvideo: 

C/weli Gaas “Puntland ma jirto cid u buuxin karta...

$
0
0

C/weli Gaas "Puntland ma jirto cid u buuxin karta kaalinta Imaaraadka"
Apr 16, 2018 -

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa shir jaraa'id oo ku qabtay xarunta ciidamada badda Puntland wuxuu sheegay in aanu waxba iska beddelin xiriirkii u dhexeeyey Puntland & Dowladda Imaaraadka, taas oo ka dambeysay markii todobaadkii hore ay soo shaac baxeen warar sheegaya in Puntland ay eriday saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka."Imaaraadku waxeey Puntland ka wadaan mashaariic malaayiin dollar ay ku kaceyso, mana jirto cid Puntland ay ku baddalaneyso" Ayuu yiri C/weli Gaas, isaga oo intaasi raaciyey in Imaaraadka ay ka wadahadleen in ay sii 2 jibaaraan xiriirka kala dhexeeya.
Hadalka Gaas ayaa u muuqanaya inuu yahay mid doc-faruur ku sameynaya go'aamada dowladda dhexe ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda, waxaanna suurtagal ah in kala hadalka Dowladda dhexe & maamul goboleedyada fursad siiyo faragelinta ay dalalka shisheeye ku hayaan Soomaaliya.
Dhinaca kale, aragtiyo kala duwan ayaa ka soo baxaya hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, waxaanna dadka qaar ay muujinayaan in Puntland mar walba ay doc-faruur ku sameyso Dowladda dhexe.
"C/weli Gaas ha ku dhawaaqo inuu Soomaaliya ka madax-bannaan yahay sida Somaliland oo kale, haddii kale ha u hogaansamo awaamiirta dowladda dhexe, mar na wuxuu inoo sheegaa inuu ka shaqeynayo midnimada dalka, marna wuxuu dhaawacayaa midnimadii" Ayuu yiri C/qaadir Cali oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliya, oo aragtidiisa ka dhiibanayey hadalka ka soo yeeray Gaas.
English News
storvideo: 

Theresa May oo xildhibaanno hortagi doonta si su'aal looga waydiiyo weerarkii Suuriya

$
0
0

Theresa May ayaa wajihi doonta xildhibaanno si ay uga jawaabto su'aalo ku saabsan duqaymihii dhanka cirka ahaa ee ay amartay in lagu qaado dawladda Suuriya.

Theresa May oo xildhibaanno hortagi doonta si su&...

$
0
0

Theresa May ayaa wajihi doonta xildhibaannada si ay uga jawaabto su'aalo ku saabsan duqaymihii dhanka cirka ahaa ee ay amartay in lagu qaado dawladda Suuriya.
Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in ay ahayd in xildhibaannada lala tashado ka hor inta aysan UK ku biirin duqaynta Maraykanka iyo Faransiisku ay ku bartilmaameedsanayeen saddexda goobood ee Suuriya ku yaalla, arrintaas oo jawaab u ah weerarkii kiimikada looga shakiyay ee ka dhacay magaalada Duuma.
Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku baaqay in la badalo shuruucda ka qaybqaadashada arrimaha noocaas oo kale ah ee mustaqbalka iman doona.
Xoghayaha arrimaha dibadda Boris Johnson ayaa xildhibaannada u ballanqaaday in wakhti ku filan la siin doono si ay aragtidooda u dhiibtaan.
Goobo u dhaw magaalooyinka Dimishiq iyo Xoms ayaa la duqeeyay Sabtidii, arrintaas oo jawaab u ahayd weerarkii kiimikada lagu sheegay ee ka dhacay Duuma toddobadii Abriil.

  • Theresa May oo cambaareysay FIFA
  • Theresa May oo Ruushka ku eedaysay in uu faragaliyay doorashada

Suuriya iyo Ruushka oo dhanka milatariga ka taageeraba way diideen in kiimiko la adeegsaday, si caro leh ayayna uga jawaabeen.
Sharciyan Ra'iisulwasaaraha UK uma baahna in ay xildhibaannada la tashato marka ay fal milatari qaadayso, inkastoo sidaa la samaynayay tan iyo qabsashadii Ciraaq ee 2003-dii.
Waxaa la filayaa in ay afhayeenka baarlamaanka waydiisato ogolaansho, si loo qabto kulan degdeg ah oo baarlamaanku uu uga doodo xaaladda Suuriya.
storvideo: 

Duqaynta Suuriya: Weerarka reer Galbeedku ma xakamayn karaa Assad

$
0
0

Duqayntani waxay ahayd mid ka culus tii la qaaday sannad ka hor, waxaana lala beegsaday saddex goobood.

Duqaynta Suuriya: Weerarka reer Galbeedku ma...

$
0
0

Duqayntani waxay ahayd mid ka culus tii la qaaday sannad ka hor, waxaana lala beegsaday saddex goobood.
Berigaa Maraykanka oo keliya ayaa talaabada qaaday, hadda se waxa kala qayb qaatay xulufadiisa Faransiika iyo Ingiriiska.
Gantaalaha Suuriya lala dhacay haatan waa laban laabka tirada kuwii sanadkaa hore lagu duqeeyey, wadartooda guudna waa 120 gantaal iyo dheeraad.
Hase yeeshee su'aal muhiima baa jirta oo taagan. Taas oo ah dhacdadani ma suurto gelin doonntaa in Maraykanku gaadhaan waxay ay ku sheegeen ujeedadooda oo ah in Madaxweyne Bashar Al-Asad laga xakameeyo adeegsiga hubka kiimikada ah?
Guusha Assad ee geed ka go'anka ah
Tan iyo April sanadkii hore dhibaatada Suuriya ka taagan wax weyni iskama bedelin. Laakiin laba is bedel oo waawayn ayaa dhacay.
Waa ta koobaad e, xukuumadda Assad waxay guul muuqata ka gaadhay dagaalka, waxa kale oo argagax gelinta shacabku door wayn ka ciyaartay istiraatijiyadeeda.
Madaxweyne Assad, waa suurto gal in aanu dhulka Suuriya oo dhan gacanta ku hayn , laakiin mar hadii ay taageerayaan Ruushka iyo Iran ma jirto cid u babac dhigi kartaa. Caqabada keliya ee haysataa waa ciidan iyo saanad yari, waana waxa kala teeday isaga iyo qabsashada Suuriya oo dhan.
Ta labaad, xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Moscow iyo guud ahaan ba Ruushka iyo reer Galbeedka, ayaa aad u xumaaday ilaa xad ay saraakiil sarsare oo caalami ahi hadal hayaan in dagaal qabow oo cusubi bilaabmay.
Waana duruuftaa jirta ta Madaxweyne Trump ku goostay in uu dhambaal ciqaab ah u diro maamulka Assad, waana taas sida maamulkaasi tallaabadaa Trump qaadanayaan.
Ma gaabsan doonaa Maamulka Assad mise keni adayg buu ka qaadi? Cadhada shacabku ma sheeli doontaa arrin jirta oo ah in Assad damacsanyahay in uu arinta dhan kale kaga hagaago? Ruushku, siday doonaan ha u hadlaan af-hayeennadiisuye, ma dhici kartaa in uu si adag ula hadlo hogaamiyaha Suuriya? Hadii ay taasi dhacdana, wax saamayn ah ma yeelan doontaa?
Raad gadashada Trump
Marka la eego xiisadda ka jirta Maraykanka, waxa soo baxay in ay laba dhan leedahay oo xiise iyo walaacba ah.
Waxaa la moodaa in maamulka Trump aanay waxba u kala caddayn oo aanu dhugna lahayn. Midh lala yaabo se ma aha, malaha madaxweynaha qudhiisa oo ay haystaan dhibaatooyin dalka gudihiisa ah iyo doodaha ka taagan duruufihiisii nololeed ee hore iyo hab dhaqanno aan haboonayn oo haatan isagii dib ugu soo noqday ayaa jira.
Diyaaradaha Israa'iil oo "duqeeyay Suuriya"
Mararka qaar ayay uba ekaanaysaa in duqaynta lala maaganaaba garsoorka Maraykanka ee Madaxweyne Assad lagu raad gadanayey. Todobaadkii hore intii dunida inteeda kale ka walaacsanayd waxa Trump ka yeeli doono Suuriya, warbaahinta Maraykanku waxay ku foognayd oo si xiiso leh uga waramaysay dhibaatooyinka Trump haysta oo aad moodaysayba in ay wararkii kale ku ilowday.
Hadal tirada Madaxweyne Trump ayaa laga ogaaday weerarka milatari ee maamulka Assad ku soo maqnaa. Hadii se hadaba ay caddaato in waxa dhacay aanay sidaa ahayn, waxa isweydiin mudan waxa ay Moscow iyo Dimishiq ku macnaynsan karaan?
Bartilmaameedyo gaar ah
Pentagon-ku waxa cad in uu iska ilaaliyey in uu wax yeelo rayidka iyo "shisheeyaha" dalkaas jooga, oo ah dee "Ruushka".
Sadddexda goobood ee duqaynta lala beegsaday laba arrimood awgood oo muhiimadda ay u leeyihiin hubka kiimikada ah iyo sidoo kale in suurto galnimada khasaare aan lagu talo galini ku dhici karo.
Taliyaha taliska guud ee ciidanka Maraykana ayaa warbixin uu duqayntaa ka dib bixiyey ku sheegay in Maraykanku beegsanayey meelo kale oo u cayinnaa laakiin uu go'aansaday in aanu kuwaa duqayn. Farriinta cad ee duqayntani direysay waxa weeyaan, in hadii maamulka Assad mar labaad adeegsado hub kiimiko ah in uu fisho duqaymo kale.
Laakiin ilaa bishii Abriil ee kal hore waxa Suuriya ka dhacay dhawr weerar oo la sheegay in loo adeegsaday hub kiimiko ah, weliba neefta suntan ah ee Chlorine. Hase yeeshee duqayntan maalinta dhawayd ka hor wax tallaabo ah Maraykanku muu qaadin. Hadaba, maxay tahay fariinta tallaabadani diraysaa?
Israa'iil oo "qaabileysa agoonta Suuriya"
Marinada gargaarka Suuriya oo la furayo
Waxa muuqda in aanay jirin istiraatijiyad cad oo lagu doonayo in dagaalka lagu dhameeyo. Run ahaantii doodaha ka socda Maraykanka midkood ayaa leh Maraykanku ciidamadiisa ha ku daayo Suuriya si ay u xoojiyaan Kurdiyiinta ay xulufada yihiin, maadaama ujeedadu ahayd in maamulka Assad iyo Iran oo taageertaba la wiiqo.
In la xakameeyo saamaynta Iran ee Suuriya waa waxa keliya ee mideeya maamulka Trump laakiin sidaas oo ay tahay ayaan hadana looga dhigin istiraatijiyad is haysata. Warbixin uu qudhiisu sheegay markii weerarrada la qaaday ka dib ayaa Madaxweynuhu mar labaad ku sheegay in aan Maraykanku doonayn in uu Suuriya sii joogo muddo aan cayinayn.
Dagaal qabow oo cusub
Run ahaantii waxa bilaabmaya dagaal qabow oo cusub. Waxaanu keeni karaa halis ah in la isku dabar jaro nukliyeer, sababta oo ah dhinacyada badan ee dagaalkaa wada ayaan la saadaalin karin hab dhaqankooda. Waxaana muuqata in Moscow ay qaadanayso go'aamo halis dhalin kara oo aanay hore u qaadan jirin.
Ruushku ma aha quwad weyn oo heer caalami ah sidii Midowgii Soofiyeeti ee hore. Ma jirto aragti aydhiyoolajiyadeed oo uu taageero kaga helayo dhaqdhaqayo xorriyad doon ah oo dunida ka jira. Ruushku haatan waa quwad heer dhexe ah oo goboleed oo saanad badan oo nukliyeer ahna leh, dhaqaalihiisuna marka si loo eego uu diciif yahay.
Maraykanka oo weeraray Suuriya
Laakiin sidaas oo ay tahay, ayaa hadana waxa uu ogyahay saamaynta uu leeyahay inta ay leegtahay iyo sida uu u fidiyo xogta dagaalka. Putin waxa ka go'an in uu difaaco danaha Ruushka intii tamartii ah.
Danahaa badankoodu waa kuwo ku teedsan dalalka ku dhaw Ruushka sida Georgia iyo Ukraine. Suuriya se waa dal aan sidaa uga fogayn oo sidoo kalena Ruushka u suurto gelinaya in uu helo meel uu ka galo gobolkaas oo uu saamayntiisa ku abuuro. Dayaxa Ruushku waa mid hadda uun soo baxaya halka ka Maraykanku yahay mid marka dhinacyo badan laga eego sii galbanaya.
Hadaba waxa sii kordhaya xasilooni darrada gobolka. Khasaarihii ka dhashay go'aamadii hore ee maamulka Maraykanka ee ahaa in uu Saddam Xusayn talada Ciraaq ka tuuro ayaa weli gobolka iyaguna ku sii fidaya. Iran ayaa ah dalka sida wayn uga faa'iiday go'aankaas, waxaanay noqotay awood lagu xisaabtami karo oo arimaha gobolka saamayn ku leh.
Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab
Saamaynta sii kordhaysa ee ay ku leedahay Suuriya ayaa keeni karta isku dhac laxaad leh oo dhex mara Israel. Waxa la rumaysanyahay in Israel ay dhawaan duqaysay saldhig ay Suuriya leedahay oo ay Iran xarun ka dhigatay.
Xiisaddu way sii kordhaysaa, meelaha faraha lagaga guban karo ee gobolku yeeshayna way sii badanayaan. Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku weerarkii ay habeenimada ku qaadeen Suuriya na wuxu noqday dhagax lagu dhuftay biyo fadhiya oo dhaqaajiyey.
Maraykanka oo weeraray Suuriya
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay dadaalka lagu...

$
0
0

Intii uu socday Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalaa Dahraan ee dalka Sacuudiga,waxaa dhinac socday dadaalo lagu dhex dhexaadinayay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa mugdiga soo kala dhex galay labada dowladood. Diblomaasiyiin ka socday labada dowladood iyo Jaamacadda Carabta ayaa dhowr mar kulmay waxa ayna isla falanqeeyeen [...]
storvideo: 


DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Warbixin: Banaadir Oo Badin Weyday 7-Kulan

$
0
0

Kulankii ugu adkaaTodobaaadkan horyaalka Soomaliya ayaa dhex maray galabta kooxaha Banaadir iyo Dekada oo isku haystay hogaanka kala horeynta Horyaalka Soomaaliya, Labada kooxod ee Banaadir iyo Dekadda ayaa u dhexeeyay sadex dhibcood oo quraa waxaana kooxda Banaadir hami weyn ka soo galay hanashada horyaalka Soomaaliya oo hadii ay ka adkaato kooxda Dekada wadajir ay ku [...]
storvideo: 

Puntland says UAE did not suspend support to its troops

$
0
0

Puntland President Abdiweli Mohamed Ali Gaas said Monday that UAE will continue its support to Puntland Maritime Police Force (PMPF).
Speaking at press conference in Bosaso on Monday, Puntland Gaas said UAE will continue training and giving wages to PMPF forces.
Puntland President has denied that UAE suspended support for PMPF. He thanked UAE for its support to the forces.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Da7j3fEW0AIfe8i-1-21... 214w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Da7j3fEW0AIfe8i-1-76... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Da7j3fEW0AIfe8i-1-73... 730w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Da7j3fEW0AIfe8i-1-69... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Da7j3fEW0AIfe8i-1-29... 299w" sizes="(max-width: 770px) 100vw, 770px" />
 
The post Puntland says UAE did not suspend support to its troops appeared first on Shabelle.

Somalis in Canada fear ‘lives in danger’ as RBC cuts ties with money transfer companies

$
0
0

Somali Edmontonians are scrambling to help their loved ones abroad after two money-transfer businesses that specialize in getting cash to remote areas and refugee camps were told their accounts will be shut down.
The Royal Bank of Canada has told Amal Express and Iftin that it will close their accounts on April 17 and May 15, respectively.
Human-rights advocate Mahamad Accord, who sends money to his wife and three kids in Somalia, called the closures a violation of human rights and a discriminatory targeting of the Somali community.
“You are starving millions of people who rely on these services,” Accord said. “This is the quickest and most efficient way to send money. This is how the country survived when the civil war happened.”
Jibril Ibrahim, president of the Somali Canadian Cultural Society Of Edmonton, explained that Somalis have relied on such businesses since their country’s government collapsed in 1991, leaving them without a fully functioning banking system. The transfers are especially important for people living in small communities and refugee camps, where they don’t have access to Western Union or other North American-owned institutions.
“Closing these institutions is going to put a lot of lives in danger,” Ibrahim said. “It’s not about individual businesses. It’s about refugee people who need our help…. Their lifeline is now in the process of being disconnected.”
About 20,000 Somalians live in Edmonton. Accord said Amal Express and Iftin serve about 1,500 customers each in the city, sending a combined total of more than $1 million every month to East Africa. In their absence, Edmontonians will have no choice but to try one of several smaller money-transfer services catering to African Canadians.
The owners of both businesses say the notices came as a surprise.
“We don’t know what happened,” said Abdi Khalif, who has owned Amal Express for more than a decade. “They just sent us a letter saying, ‘We lost confidence in you.’ And they didn’t tell us why.”
StarMetro obtained RBC’s termination letter, which reads in part: “Unfortunately, due to the operation of your accounts, we feel that we cannot achieve the requisite level of comfort with you.” The letter does not offer specific reasons, and RBC declined to comment when reached by StarMetro.
Chris Mathers, a Toronto-based crime, security and terrorism expert, said money-service businesses get shut down all the time — especially those serving countries like Somalia that suffer greatly from terrorism and organized crime.
Those businesses carry a high risk and no reward for banks, which need to ensure they are not being viewed as complicit in illicit activity, in case any money ends up in the hands of terrorists or money launderers.
“It’s too risky,” Mathers said.
Ahmed Abdulkadir, executive director of the Ogaden Somali Community of Alberta Residents, sends funds to orphans and refugees in Africa. He said the money-transfer businesses were crucial to Mogadishu’s recovery last fall. Edmontonians sent close to $100,000 after a bomb attack in the city killed more than 500 people.
Abdulkadir said Somali-Canadian community leaders have been raising the issue with various levels of government for years. Somali money-transfer businesses have been rapidly closing across the U.K. and the U.S. over the last decade.
The owners of both Amal Express and Iftin told StarMetro they are fully compliant with Financial Transactions and Reports Analysis Centre of Canada (FINTRAC) rules and passed recent audits.
They stressed they are willing to meet any requirements the bank wants and say they have approached other major financial institutions, but RBC was the only bank that would accept them.
Iftin owner Abdul Farah said the Somali community would be left with few money-transfer options if his business were to shut down.
But Mathers said there is “no way” the businesses could change their practices to make sense for banks. The threat to families is frankly not the bank’s problem, he said.
“The bank has to worry about the bank, and the Somali community has got to worry about the Somali community,” he said.
“It’s tough, man. That’s just the way it is.”
The post Somalis in Canada fear ‘lives in danger’ as RBC cuts ties with money transfer companies appeared first on Shabelle.

Faqidaada Ciyaaraha: Horyaalka Soomaaliya Iyo Xulka...

$
0
0

Todobadkaan Barnamijka Faqidaada waxaan ku soo qaadanay Kulamadii la Ciyaaray Horyaalka Soomaaliya iyo Kulankii xulka qaranka Soomaaliya uu la Ciyaaray Itoobiya ayadoo kulankaasi Itoobiya laga qaaday dhibcihii kadib markii ay lagu helay in ay soo xuleen Ciyaartoy Da,doodu ay sareyso 17-sano LINKIGA HOOSE KA DAAWO BARNAMIJKA FAQIDAADA CIYAARAHA. https://www.youtube.com/watch?v=Zl6yXaaufwk&feature=youtu.be
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>