Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hardanka ay dalalka gacanku ugu jiraan Soomaaliya

$
0
0

Hardanka loogu jiro sidii deked loo heli lahaa ayaa ka socda mid ka mid ah meelaha aysan u badnayn inuu ka dhaco ee dunida, waana Soomaaliya.
Iminka wuxuu abuuray halgan dhinaca gobolka ah oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Iimaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar oo Turkiga taageero ka helaysa oo dhinaca kale ah.
Arrinta xuddunta u ah ma aha oo qura biyaha saxmadda badan ee Soomaaliya, laakinse waa degenaanshaha mustaqbalka waddanka qudhiisa.
Tobanaan sano ayey dagaallo ka socdeen Soomaaliya, ilaa iyo dhowrkii sano ee u dambeeyey, markaasoo ay halgan u gashay inay soo jiidato maalgashi shisheeye.
Laakinse xafiiltanka ka socda gana biyoodka carabta ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay Soomaaliya.
Dekedaha
Sannad ka hor, shirkad ay leedahay xukuumadda Iimaaraadka Carabta ayaa heshiis ku kacaya PS336 malyan oo doollar saxiixday, kaasoo lagu balaarinayo dekedda Boosaaso.
Muddo sannad ka yar xilligaas, ayaa shirkad iyadana laga leeyahay Iimaaraadka waxay la wareegtay gacan ku haynta dekedda Berbera, waxayna ku yaboohday $440 malyan oo doollar oo lagu horumarinayo. Bishii Maarso, Itoobiya ayaa qayb laga siiyey dekedda.
Imaaraatka iyo Baxreyn oo isu gaashaan buureystay Soomaaliya
Isla wakhtigaas, Turkiga oo gacan saar la leh Qatar oo ay is hayaan Iimaaraadka ayaa Soomaaliya ka waday maalgashiyo balaayiin doollar ku kacaya. Shirkad Turki ah ayaa maamulaysay dekedda Muqdisho tan iyo 2014, ayadoo shirkado kale oo Turki ah ay dhiseen jidad, iskuullo iyo isbitaallo.
Xafiiltanku wuxuu aad u sii xoogaystay wixii ka dambeeyey Juun, markaasoo dalalka carbeed ee awoodda leh oo Sacuudigu uu hor kacayo ay badankood xiriirkii diblomaasiyadeed u jareen Qatar, ayagoo ku eedeeyey inay taageerto Iiraan iyo mintidiin islaamiyiin ah.
Cadaawadaas waxay sare u sii qaadday damaca ah gacan ku haynta geeska Afrika iyo biyihiisa, sida ay sheegayaan diblomaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo saraakiil Soomaali ah.
Soomaaliya waxay aad ugu dhow dahay marinnada muhiimka u ah saliidda, dekedaheedana waxay adeeg siin karaan Itoobiya oo aan deked lahayn, ayna ku nool yihiin ilaa 100 malyan oo qof.
Dalalka khaliijka waxay muddo qarniyaal ah xiriir ganacsi iyo mid diimeed la lahaayeen Soomaaliya, laakin xiriirradaas waa kuwo sammada ku laalan bacdamaa ay xafiilatnno cusub soo baxeen.
"Soomaaliya waxay dhexda u gashay dadaal la doonayo in lagu balaariyo samaaynta ganacsi iyo tan milateri ee xeebta" sidaa waxaa yiri Rob Malley, guddoomiyaha hay'adda caalamiga ah ee xasaradaha.
Waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo
Sacuudiga iyo Iimaaraadka waxay si isa soo taraysa u eegayaan xeebta Soomaaliya - Jabuuti iyo Eritrea oo ka xiga waqooyina - waxay u arkayaan "amaanka geestooda galbeed" sida laga soo xigtay diblomaasi reer galbeed ah oo ka hawl gala geeska Afrika.
Qatar iyo Turkiga oo maalgashigooda uu yaallo meel kasta oo Muqdisho ah, waxay diiradda ku hayaan taageeridda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Isaga iyo agaasimihiisa madaxtooyada waxaa Soomaaliya gudaheeda iyo diblomaasiyiinta reer galbeedkuba ay aad ugu arkaan inay daacad u yihiin Qatar, ka dib markii ay dhaqaale ka heleen ololahoodii doorashada ee 2017.
Sarkaal reer Qatar ah ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Dooxa ay $385 Malyan oo Doollar ku bixisay kaabayaasha, waxbarashada, iyo gargaarka bani aadminimo ee dawladda dhexe.
Sarkaalku wuxuu sheegay in heshiis toos loola galo dawlad goboleedyada Soomaaliya, sida Iimaaraadkuba uu sameeyey, ay tahay mid wiiqaysa dawladda dhexe.
Wasiirka Maaliyadda ee soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa taas ku raacsan. "Gobolka khaliijka lacag badan ayaa taalla, hadday doonayaan inay maalgashadaanna gacmo furan ayaan ku soo dhoweynaynaa" ayuu yiri "laakin waa su'aal ah in laga soo galo irridda saxda ah".
Xukuumadda Federaalka ee Muqdisho waxay in badan is fahami la'aayeen Puntland iyo Somaliland. Somaliland waxayba u dhaqantaa sidii dal madax banaan, waxayna muddo sanooyin ah baadigoobaysay inay ka go'do Soomaaliya, laakinse kuma guulaysan aqoonsi caalami ah.
Saamaynta Dhaawaca leh
Muddo laga joogo in ka yar 10 sano, ma jirin wax dan ganacsi ah oo laga lahaa Soomaaliya.
Taas waxay billowday inay is beddesho sannadkii 2011, markaasoo Al Qaacida oo taageeraysa Al Shabaab ay dib uga gurteen Muqdisho. Bilooyin ka dib turkiga ayaa wuxuu bilaabay gargaar wax looga qabanayo gaajada, taasina waxay irdaha u furtay mashaariic ka dhigay Turkiga inuu noqdo maalgaliyaha shisheeye ee ugu weyn Soomaaliya.
Xukuumaddu waxay rajeynaysaa malgashi cusub, gaar ahaan dhinaca kaabeyaasha, kuwaasoo gacan ka siin kara waddanka dhinaca dib u dhiska.
Hanaan canshuur qaadid oo hufan wuxuu sare u qaadi u qaadi karaa dakhliga xukuumadda, laakinse taasi waxay dabooli kartaa oo kaliya mushaaraadka shaqaalaha dawladda. Dhaqaale aad u badan ayaa loo baahan yahay marka alaga hadlayo waddooyin, iskuullo iyo waxyaabaha kale ee daruuriyaadka ah. Dalalka bariga dhexe iyo hay'adaha khayriyaadka qaar lacagtaas ka mid ah way bixin karaan.
Sidaasoo ay tahay, lacagtu waa mid khalkhal galin karta dalka, siina fogeyn karta dareenka u dhaxeeta xukuumadda dhexe oo la dhinac ah Turkiga iyo Qatar, iyo Puntland iyo Somaliland oo labadaba dhaqaale ka hela Iimaaraadka.
"Maalgashiyadaas waxay saamayn dhaawac leh ku leeyihiin deganaanshaha siyaasadeed, waxayna sii murjinayaan xiriirka u dhaxeeya xukuumaddeena federaalka iyo gobollada" sidaa waxaa yiri Xuseen Sheekh Cali oo ahaa la taliyii hore ee amaanka qaranka.
"Tani waa mid keeni karta mushaakil dastuuri ah oo Al Shabaab oo kaliya ay ka faa'iidi doonaan" ayuu sii raaciyey.
Xasaradda ka aloosan khaliijka waxay sii fogaysay xiisadda ka jirta Soomaaliya. Xukuumadda dhexe waxay qaadatay mowqif dhexdhexaadnimo, taasina waxay ka caraysiisay Iimaaraadka iyo Sacuudiga oo taageera Puntland iyo Somaliland.
"In laga baxo qaskan waa mid aad u adag" ayuu yiri Xuseen Sheekh, "haddii aan midnimo la helin kama bixi karno ayuu sii raaciyey".
Dalalka galbeedku waxay ka cabsi qabaan in is qabqabsiga Waddamada khaliijka ee ay isku haystaan Soomaaliya ay gees u riixi karto dadaalkii balaayiinta Doollar ay ku baxday ee qaramada midoobay ay hogaaminaysay, kaasoo dib loogu dhisayo ciidan milateri, ka hor inta aysan sannadka 2020 dalka ka bixin ciidanka nabad ilaalinta ee midowga Afrika.
Mushaakilka siyaasadeed ee ka dhex oogan Muqdisho iyo maamullada gobollada ayaa ah mid wiiqaya dadaalka ay xukuumaddu ku doonayso inay ku xoojiso hanaankeeda dhaqaalaha iyo taabba gelinta hawlaha horyaalla.
Mushkilad
Xiisadda ka jirta khaliijka waxaa laga dareemay gudaha Soomaaliya.
Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqolaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.
Tani waxay timid ka dib markii ciidanka amaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.
Todobaadkii hore, saraakiil ka socotay Puntland ayaa safar ku tegey Dubai si ay ula kulmaan dhigooda Iimaaraadka carabta iyo shirkadda P&O oo ah shirkadda horumarinaysa dekedooda.
"In lagu maalgashado malaayiin Doollar Soomaaliya wakhtigan xasaasiga ah waa mid muhiim noo ah" ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Sidoo kale, saraakiil ka socotay Somaliland ayaa waxaa todobaadkii hore martiqaaday diblomaasiyiin Iimaaraadka carabta ka tirsan, si ay uga wada hadlaan "sare u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah".
"Soomaalida qudheeda cayaartaan sidii jar-ka-booddada ah ee Soomaaliya ay noqotay garoon uu ka socdo dagaalka khaliijka ayaa ah akhbaar xun" sidaa waxaa yiri Harry Verhoeven oo brofessor ka ah jaamacadda Georgetown ee Qatar.
storvideo: 


Yuusuf Garaad ” Gaas waxaa waajib ku ah inuu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban oo uu uga hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas u sheegay in looga baahan yahay inuu fasiraad lagu qanci karo ka bixiyo hadalkii uu dhawaan sheegay ee ahaxa "Muqdisho ma ahan Soomaaliya".
Yuusuf Garaad oo Bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa marka hore yiri:
"Ra'iisal Wasaaraheennii hore, Madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiweli Gaas, waa runtii Soomaaliya ma ahan Muqdisho [ oo keliya]".
Wuxuu intaas kusii daray
" Laakiin fasiraad lagu qanci karo ayaa ku waajibtay in uu ka bixiyo waxa uu ula jeedo Muqdisho ma ahan Soomaaliya."
" Haddii ay sidu hafyo ahayd, Dr. Gaas waxaa la gudboon in uu taa sheego, oo shacabka Soomaaliyeed uu raalli gelin ka siiyo weedhaas, Ma ila qabtaa ra'yigaas?"
Cabdiweli Gaas oo dhawaan khudbad ka jeedinayey dalka Imaaraadka carabta ayaa sheegay inaysan Muqdisho matalin dalka oo dhan isla markaasna ay Puntland dowladaha shisheeyey la geli karto heshiis kasta.

- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Daawo: ” Suldaan Salaadiintii kale Geedo fuul-kay...

$
0
0

Daawo:" Suldaan Salaadiintii kale Geedo fuul-kay Barteen Suldaan arintaas ayaan kaaga digaynaa " Suldaanka Beesha Abokor Ciise Oo Ay beeshiisu soo dhawaysay
[embedded content]
storvideo: 

Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration

$
0
0

Brussels, May, 04, 2018 ----Somalia Security High Level Meeting Joint Declaration by the Co-Chairs Brussels, 2 May 2018 Following the Mogadishu Security Conference of 4 December 2017, H.E. Hassan Ali Khaire and EEAS Deputy Secretary General Pedro Serrano co-chaired the Somalia High-Level Security Meeting on 2 May in Brussels. The participants met to present and [...]
storvideo: 

Wasaaradda Arrimaha Debbada Shiinaha oo qaabishay...

$
0
0

davBeijin(SONNA)-Weriyeyaal ka kala socda Warbaahita Dawladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada Soomaaliya, Cabdiraxman Yuusuf Sheekh 'Cadaala' ayaa maanta oo Jimco ah booqday Wasaaradda Arrimaha Debbadda Dawlada Shiinaha caasimadda dalkan ee Beijin.
Mas'uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debbadda Shiinaha Waaxdeeda Arrimaha Africa ayaa si diiran uga soo dhoweeyey Saxafiyiinta iyo Agaasimaha Xarunta Wasaarada, waxaana ay yeeshay kullan ku saabsanaa kaalinta Shiinaha ee Africa, si gaar ah Saaxiibtinimada soo jiraanka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, Amniga iyo taageerada Shiinaha ee dhanka Mashaariicyada iyo Beni'aadinimo.
Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debbadda Waaxdeeda Africa, Hu Zhang Lian ayaa sheegay in xiriirka iyo Iskaashiga taariikhiga ee ay la leeyihiin Soomaaliya ay xoojinayaan, waxaana uu sheegay in Xiriirka Diplomasi ee labada dal uu bilowday 1960-kii, welina waxba iska bedelin.
"Waan ku faraxsanahay la kulankaaga Agaasime, adiga iyo Wafdigaaga Weriyayaasha ah ee ka socda Soomaaliya, Waa dal saaxiibtinimo fog naga dhaxaysa oo ixtiraam weyn u hayno, mashaariicyo badan oo muhiim ah baan beri samaadkii ka fulinay, waxaana ka mid ah Cusbitaal, waddooyin,Warshad Sokor, Xarunta Murtida iyo Madadaalada iyo iyo Garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho", Liang ayaa sidaa yiri.
Mr. Liang ayaa xusay in hadda ay Soomaaliya ka saacidaan dhinaca Amniga oo ay taageeraan Hawl-galka Midowga Africa, Dhinacyada Beni'aadanimada, Waxbarashada, ayna safaarad ku leeyihiin Soomaaliya.
" Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Hotel Jazeera oo noo ahaan jiray Safaarad, waxaan ku wayn mid kamida ilaalada Safaaradeena halka afar kale ay ku dhaawacmeen, nama aysan baqdin gelin bal inaan safaaradba ku yeelanay mooyee oo xoojinaynaysa xiriirka Soomaaliya aan la leenahay", ayuu raaciyey.
Agaasime C/raxmaaan ayaan dhankiisa uga mahadceliyey dawladda Shiinaha doorkeeda Soomaaliya, si gaar ah sida diiran ee isaga iyo wafdigiisa looga soo dhaweeyey xarunta Wasaarada Arrimaha Debbada Shiinaha ee Caasimadda Shiina Beijin.
" Aad baan uga farax-sanahay kullankan, waad ku mahadsan-tihiin sida sharafta leh ee nooga soo dhaweysay, waxaana si gaar ah ii soo jiidatay sida aad xog-ogaal ka uga tahay arrimaha Soomaaliya maanta iyo Shalayba, Waxa aad sidoo kale ku aaman-tihiin wixii wanaagsanaa ee taariikhda galay ee aad u gasheen Soomaaliya, waana khirsanahay, Waxaa idin sheegayaa in weli ay jirta fursado badan ee soo dhawaada", Cadaala ayaa sidaa yiri.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Shiinaha uu dalalka kale qaarkood uu uga duwan yahay in aanu fara-gelin ku samaynin arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Agaasimaha iyo Wafdigiisa ayaa sidoo kale kulan la yeeshay ku xigeenka agaasimaha Guud ee Waaxda Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Shiinaha.
Weriyeyaashan ayaa ka kale socda Warbaahinta Dawladda, TV-ga CGTN-ka oo laga leeyahay Shiinaha, Radio Goobjoog, Hiiraan Online iyo Universal TV, waxaana ay caasimadda Shiinaha soo gaareen Seddexdii Bishan May(May 3, 2018) iyagoo Muqdisho ka soo baxay maalinta Arbacada oo ku taariikhda ku astaysnayd 2-dii bishan.
Waxana ay joogayaan asbuuca nasoo aadan oo waayo aragnimo shaqo ku soo qaadayaan magaaladan Beijin iyo magaalada kale ee Chonqtin ee dalkan Shiinaha.Maxamed Cisman Cabdi "Black Cobra"Beijin-China
storvideo: 

Daawo: Cabdirashiid Qambi Wasiirka Halaha Guud iyo...

$
0
0

Daawo: Cabdirashiid Qambi Wasiirka Halaha Guud iyo Guriyeynta Oo Sheegay in Laascaanood Ay u samaynayaan Town Plan Cusub Goorma se ayuu u cayimay
[embedded content]
storvideo: 

Taliyaha ciidanka Booliska oo lagu soo dhaweeyay...

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col Cabdullaahi Cabdi Faarax, Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D Sareeyo Guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil [...]
storvideo: 

Iran dhaqaale ahaan maka faa’iidaysatay heshiiskii...

$
0
0

Heshiiskii Nuyuukleerka ee la saxiixay sanadkii 2015-kii , ayna wada galeen dowladda Iran iyo 6 dal oo kala ah Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Britain, France iyo Germany ayaa horseeday in la qaado cunaqabatayntii dhaqaale ee saarnay Iran.
Iran waxa ay heshiiska ku badalatay in ay xakamayso horumarinta barnaamijkeeda Nuyuukleerka.
Balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si joogto ah ugu hanjabaya in uu ka laaban doono heshiiskaas, islamarkaasna go'aan ka gaari doono 12-ka bishan May in uu dib usoo celiyo cunaqabatayntii dhaqaalaha ee saarnayd Iran.
Iyada oo taariikhdaas ay aad usoo dhawaanayso ayaa barnaamijka Xaqiiqo Raadin ee BBC-da waxa uu u kuurgalauaa waxyaabaha ay Iran ka faa'iiday heshiiskan.
Dhoofka Shidaalka iyo sida uu u kobciyay dhaqaalaha Iran
Dhaqaalaha Iran waxa uu galay qalalaase ka hor heshiiska Nuyuukleerka, balse sanduuqa lacagta adduunka waxa uu sheegay in dhaqaalaha Iran uu kordhay boqolkiiba 12.5% sanad kadib heshiiska.
IMF waxa ay qiyaasaysaa in sanad kasta dhaqaalaha Iran uu kordhayo 4% boqolkiiba.
Kororkii sanadkii hore ee aadka ahaa waxaa lagu micneeyay in ay ugu wacnayd qiimaha shidaalka oo kordhay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Cunaqabatayntii saarnayd ayaa waxa ay Iran ku qasabtay in ay kala bar dhinto dhoofkii shidaalka ka hor intii aanan heshiiska la galin.
Tusaale sanadkii 2013-kii Iran waxa ay dhoofin jirtay 1.1 milyan barmiil maalinkii, maantana waxa ay dhoofisaa 2.5 milyan barmiil maalin kasta.
Wax soo saarka kale ee Iran Dhoofiso
Shidaalka ka sokoow Iran waxa ay dhoofisaa badeeco kale sida nooc looska ka mid ah oo lagu magacaabo Pistachio, wuxuuna dhoofkaas soo xareeyay lacag gaaraysa $5 bilyan doolar.
Sida ay sheegtay wasaarada maaliyadda Iran, looska oo kaliya waxa uu sanadkii dhoofkiisa gaaray $1.1 bilyan oo doolar, taasna waxa ay aad uga badantahay sanadkii hore intii uu dhoofka gaarayay.
Dhibka kaliya ee wax soo saarkan gaaray ayaa ah abaarta, ee ma ahan cunaqabataynta.
Ganacsiga ka dhaxeeya Iran iyo Yurub aad ayuu u kordhay tan iyo intii cunaqabataynta la qaaday, balse Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed iyo Turkiga ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee dhoofsada badeecada Iran.
Lacagta Iran
Sanadkii 2012-kii lacagta Riyaalka ee Iran ayaa lumiyay sadex meelood labo meel oo ka mid ah qiimaheedii, sababtuna waxa ay ahayd cunaqabataynta iyo maamul xumo gudaha ah ee xaga suuqa lacagaha.
Cuqanataynta waxa ay xakamaysay galaangalka ay Iran u lahayd nidaamka bunuukta adduunka.
Madaxweynaha Iran ayaa heshiiskii Nuyuukleeka kadib balanqaaday in aanan dib loo arki doonin sicirka sarifka oo sare u kaca saacad kasta.
Balse markii madaxweynaha Maraykanka Trump uu diiday in uu heshiiska ogolaado ayay lacagta markale hoos u dhac biloowday.
Kala bar ayuu qiimaha lacagta hoos u dhacay sanadkii hore, taas oo dadka dalkaas ku qasabtay in ay iibsadaan lacag adag oo shisheeye iyaga oo ka baqaya in lacagta Iran ay hoos usii dhacdo.
Waxaa kale oo dhacday in dad badan ay hantidooda kala baxeen Iran, waxaana la qiyaasay in illaa iyo $30 bilyan oo doolar laga saaray dalkaas.
Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Iran ayaa talaabo ka qaaday dukaamada sarifka lacagaha qalaad, waxaana la mamnuucay in ay iibiyaan lacaga qalaad, waxaana lasoo rogay sharci ah in qofka uusan haysan karin lacag ka badan $12 kun oo lacagta doolarka Maraykanka ah.
storvideo: 


Sawirro: Muxuu ku saabsanaa shirka muhiimka ahaa ee...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Shirkaan uu soo xiray Ra'isul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.
Ra'isul wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Shirkaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu kaga mahadcelinaayo dadaalladda ay muujisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.
Kheyre waxaa uu Ganacsatadda dalka Turkiga uu ka codsaday in ay Soomaaliya maalgashi ay ku sameeyaan.
Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Xayir Maareeye.
Ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan Hay'adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.
Xiritaanka shirka kadib Ra'iisul wasaaruhu wuxuu wakhti la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalkan Turkey isagoo markii dambe usoo amba-baxay Soomaaliya.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Kenya: 4 people killed in Mandera Al Shabaab attack

$
0
0

NAIROBI, Kenya - At least four people were killed on Thursday night, in Mandera, in what authorities blamed on Al Shabaab.
The four were attacked in Shimbir Fatuma area, a remote location in Mandera town bordering Somalia, according to police and local authorities.
"They were killed at the quarry during the attack and we are pursuing the attackers," Mohamud Saleh, North Eastern Regional Commander said.
National Police Spokesman Charles Owino too confirmed the killings, and placed the toll at 4.
"The four who were killed were businessmen who were located at the quarry and when the locals got wind of an imminent attack, they opted to remain in the area," he said.
A senior police officer on the ground who spoke on condition of anonymity said all those at the quarry were non locals.
"The attack was targeting non locals and all those who died are not from here," he said, "it is a similar attack those in the past when quarry workers were targeted."
He said police there had been reports of the attacks for the past week, "There was word around about an impending attack but no one knew exactly where. Security was beefed up but it is unfortunate they still managed to penetrate."
He said 33 others were rescued following the incident.
A major security operation comprising the Kenya Defence Forces, Regular Police and police reservists were Friday morning deployed there to search for the attackes, believed to have escaped to Somalia.
Source: - CAPITALNEWS
storvideo: 

From refugee camp to medical school: U of U grad...

$
0
0

Thursday is graduation day at the University of Utah, and one of the student commencement speakers has quite the story: just five years ago she was in a refugee camp in Ethiopia.
Hodan Abdi says her family arrived at the camp in 2008 after fleeing their home country of Somalia. In the refugee camp, she would wake up at 2 a.m. to study by candlelight, since she spent the day cooking and cleaning and helping take care of her family.
"Day to day, you worry about where you are going to get water. When we first woke up, we had to travel (a) very long distance to get water from the reservoir. Getting water every day takes up a lot of time. Also getting charcoal, because we used charcoal to cook food. There was no stove," said Abdi.
"I have (the) motivation to work hard because I have a lot of friends who do not have a chance to go to school or do what they want to," said Abdi.
They were relocated to Utah in 2013. Abdi says it was overwhelming as they learned how to navigate the roads and so many other things. She enrolled in Salt Lake Community College before transferring to the U. But she did a lot of that alone.
"When we first came here, my family moved to Minnesota after six months, so I was alone here. I was really lost," she said, becoming emotional. "But now I know. I learned a lot, and got a lot of experience."
Abdi says she loved her chemistry and biology classes at the University of Utah and is grateful for the professors who helped her along the way. She has been accepted to medical school in Minnesota in the fall. She says she wants to work as a doctor in a refugee camp, and help others like her sister, whose baby died because of the poor medical care there.
"My biggest inspiration comes from living in a refugee camp, where there was only one doctor for 10,000 people," Abdi said. "There were so many people who would get sick and die from preventable diseases. I want to do something to help those people. I have all the opportunities I need here, so, why not?"
The University of Utah asked her to be one of the commencement speakers after hearing her story. But Abdi says she is not the only one with challenges.
"Here in the U.S. even, life is hard. I have my friends who struggle with school, and they have their own struggles. I feel like we have our own struggles, wherever we are."
Abdi says there were also challenges with being a woman seeking education, saying nearly 80 percent of her high school classmates were male, as most women her age got married and had children instead of pursuing school.
"My mother always encouraged me to go to school and study because she didn't have the opportunity to go," Abdi said. "She always said education was my way out -- my future. So, I'm not just doing this for myself. I'm doing it for people like my mother, my community and friends who didn't get the chance to go to school. I want to do better for all of them."
"My life is so different than it was in the refugee camp," she said. "There, you are trying to survive. Here, you get the opportunity to make your life better. Having access to education is like being rich."
Source: - KSL
storvideo: 

Cirro ‘’Yaan been leysku sheegin wey muuqataa in...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Wadani ee maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland ay xiligaani marti galin doonto khatar kaga imaaneysa dhanka Saldhiga Berbera.
Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay inay suuragal tahay in Somaliland ay sababsato dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga Berbera, waxa uuna qiray in Saldhiga uu halis muuqda ku yahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland laga doonaayo inay is weydiiyaan tan u roon dhaqaale Imaaraad iyo shacabkeeda, waxa uuna tusaale usoo qaatay go'aankii dhawaan uu Anwar Qarqaash isaga fogeeyay Somaliland.
''Maamulka hadda haya talada waxaa laga doonayaa inaanu fiirin dhaqaale oo ay fiiriyaan dhibta kusoo fool leh Somaliland, anigu waxaa ii muuqaneysa Somaliland oo lagu sii hogaaminaayo boholo mugdi ah, imaaraadkuna waxa uu eegan doonaa maslaxadiisa''
Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu tilmaamay in adduunka oo idil laga hadal hayo Saldhiga Berbera, sidaa aawgeed ay wanaagsanaan laheyd in gabi ahaan meesha laga saaro arrinta Saldhiga.
''Saldhiga Berbera murankiisa ayaa nagu batay waxaan filayaa inuu noqon doono Xabsiga ugu cadaabta xun dunida, waayo intiisa badan waxaa laga dhigayaa Xabsiyo''
Sidoo kale, Cirro, waxa uu ku baaqay in maamulka Muuse Bixi uu ka fiirsado ficilada kaga imaan doona Heshiiska Saldhiga Berbera.
Haddalka Cirro, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Imaaraadka ay dhawaan inkirtay inay xiriir la leedahay maamulka Somaliland.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

RW Ethiopia & Axmed Madoobe oo kawada hadlay arrimo...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Ra'isul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno ka tirsan maamulkiisa.
Abiy Ahmed iyo Axmed Madoobe oo kulankooda uu qaatay muddo kabadan Saacad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Dastuurka Aadan Aw Xirsi.
Ra'isul wasaare Abiy Ahmed iyo Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriir hoosaadka Ethiopia kala dhexeeya Jubbaland, Qoondada ay Ethiopia ku leedahay Heshiiska Dekkada Berbera, Khilaafka Somalia iyo Imaaraadka,Dib u habeen lagu sameynaayo Dastuurka Jubbaland iyo Tababaro la sheegay in Ethiopia ay siineyso ciidamada Jubbaland.
Abiy Ahmed, ayaa Axmed Madoobe su'aalo badan ka weydiiyay dhammaan qodobada kor ku xusan, waxa uuna tilmaamay in Ethiopia ay xoojin doonto xiriirka kala dhexeeya Jubbaland.
Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe u ballanqaaday inay is garabtaagayaan, isla markaana ay kordhin doonaan Heshiisyada dhacay.
Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe usoo bandhigay ka qeybqaadashada xal u raadinta khilaafka ka dhashay Heshiiska Dekadda Barbera ee u dhexeeya Imaaraadka, Ethiopia iyo Somaliland, isla markaana kasoo horjeedo dowlada Somalia.
Abiy Ahmed, waxa uu Madoobe u cadeeyay inay siin doonaan mudnaan gaara haddii uu ku baxo xalinta qodobka ay ka shakisan tahay dowlada Somalia ee khuseeya Dekadda Berbera, maadaama uu arrinku yahay mid ay wax ka qaban la'yihiin dowladaha carbeed.
Axmed Madoobe, ayaa soo dhaweeyay dalabaadka kaga imaaday Abiy Ahmed, waxa uuna ballanqaaday inuu bixin doono juhdi ku saleysan sida ay dowlada Somalia ku hakin laheyd is hortaaga Heshiiska Dekadda Berbera.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboled oo la kulma Ra'isul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed, waxaana sidoo kale la sugayaa in C/weli Gaas uu gaaro Addis Ababa.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah Heshiiska Berbera ee la hakiyay ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sida ay dowlada Federaalka Somalia uga horgeyn laheyd Maamul Goboleedyada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

HIRDANKA XAQA IYO BAADILKA- SHALAY IYO MAANTA ...

$
0
0

HIRDANKA XAQA IYO BAADILKA- SHALAY IYO MAANTA (QAYBTA 1AAD)Buugga: "Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka)Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)HORDHACWalxaha kawnkani ka samaysan yahay oo ka kooban kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karinba, waxa uu Alle u dejiyey sunne kawni ah oo ay ku shaqeeyaan, walxahaasi qaarkood way is dhammaystiraan oo ma kala maarmaan, halka kuwo kalena ay kala rooraan oo aanay sinaba isu qaadan karin.Dhaqanka noocaas ah oo kale ayay nooluhuna dabci ahaan leeyihiin, dad baa jira sheedda iyo maqalka fog isku jeclaada oo isla jaan qaada, halka kuwo kalena ay sida bisadda iyo jiirka u kala firdhadaan.Qaab dhismeedkaa noloshu u dhisan tahay ee is caabinta ah, ayay xaqa iyo baaddilkuna u qaabeysan yihiin.Sida cufjiidka iyo kala roorku (Gravity and anti-gravity), lagama maarmaan ugu yihiin kownkan, isla markaana la'aanta falkaa, cufjiidka ama isriixiddooda uu kawnkani u burburayo oo kale, ayay xaqa iyo baaddilkuna loollan joogto ah ugu jiraan.Xataa xaaladaha aanay sida tooska ah isu waajihin, waxa jirta xad sheed-ka-arag ah ama xuduud go'an oo aanay isu soo dhaafi karin.Taa macnaheedu waxa weeye, sida aanay labada madax ee magnet-ka ah ee kala roorku ka dhexeeyaa isu qaban karin ee ay u kala boodayaan kolka la isu soo dhoweeyo, ayaan xaqa iyo baaddilka la isu oggolaysiin karin, isla jeerkaasna aan la isku toli karin, loona walaalayn karin.Sidaas oo kale ayaanay maangal u ahayn in xaqa iyo baaddilka ujeeddooyinkooda iyo qorshayaashooda la mideeyaa, isla markaana labadooda hoggaamiye iskudan is garabsada laga dhigaa.Haa, khayrka iyo samo taliska waxa ku isman oo ku suntan mu'minka Alle yaqaanka ah, sharkana waxa ku calaamadsan oo u heellan hirgelintiisa iyo hagidkiis Ibliis iyo awliyadiisa Aadmiga iyo Jinkaba leh.Asalka xidhiidhka gaalka iyo Muslimku, waa xidhiidhka sharka iyo khayrka, xaqa iyo baaddilka.Asalku waa muqaalaba, waa legdan iyo is muquunin.Way dhacdaa in uu mid guuleysto oo ka kale magantiisa ku macaasho, kuna hoos jiro, in ay se si siman isu garabsadaan oo isu barbar socdaan, waa mid aan qaab dhismeedka nololeed ee dunidan ka suuraggal ahayn.Sida walxaha magnadka ah ee kala duwani u kala rooraan abuur ahaan, ayay xaqa iyo baaddilkuna is riixriix joogto ah ugu jiraan.Is caabintaa ka dhexeysa runta iyo beenta, xaqa iyo baaddilku waxa ay soo martay heerar kala geddisan, waxa la isu adeegsaday habab iyo agabyo kala duwan, isla markaana waxa laga dhaxlay natiijooyin go'an, kuwaasoo ay ku suntan yihiin gayllamayaasha labada dhinac kala metelayaa.Waxa la arkaa dad marka hore u muuqda in ay safka xaqa ku wada jiraan, in ay u kala baxaan kuwo xaqaas ku adkaysta oo Allah fadligiisa ku sugnaada dariiqa saxda ah iyo fahamkiisa toosan iyo kuwo shubuhaadku saamayn ku yeeshaan oo xaqa ka simbiriirixda, safka cadowgana ku ciira, caqiido iyo camalna la wadaaga.Halka dhinaca kalena la arko kuwo safka gurracan ka soo goosta oo jidka hanuunka soo haleela.Faqradaha soo socda ee cutubkan ayaynnu ku soo bandhigi doonaa xogo la yaab leh iyo dhacdooyin taariikheed oo ka tarjumaya iscaabinta aan joogsiga lahayn iyo waayaheeda hore iyo weliba muuqaallada joogtaysan ama timaaddadeeda danbe.
La soco -
Buugga: "Halbeeg, Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka"Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)
storvideo: 

Maxamuud Cabbaas oo raaligalin siiyay dadka Yuhuudda

$
0
0

Ma ahan markii koowaad oo uu muran dhaliyo, sanadkii 1980-kii daraasad jaamacadeed oo uu qoray ayuu Maxamuud Cabbaas ku sheegay in xiriir qarsoodi ah uu ka dhaxeeyay Naasiyiintii Jarmalka iyo Sahyuuniyiinta Yuhuudda.


Maxamuud Cabbaas oo raaligalin siiyay dadka Yuhuudda

$
0
0

Hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa raaligalin ka bixiyay hadal laga soo xigtay todobaadkii hore, kaas oo caro balaaran ka dhaliyay dalka Israa'iil.
Xafiiska Cabbaas ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu sheegayo in hoggaamiyaha uu raaligalin ka bixinayo haddii laga xumaaday hadal uu sheegay todobaad ka hor.
Maxamuud ayaa laga soo xigtay in uu yiri in Yuhuudii lagu laayay Yurub xiligii xasuuqa ay sababtu ahayd dhaqdhaqaaqooda ganacsi, balse aanan loo laynin nacayb loo qabo iyaga.
Hadda Maxamuud waxa uu war saxaafadeedkiisa ku yiri "Xasuuqii Yuhuudda waa kii ugu xumaa ee ebed soo mara adduunka dambi dhaca".
Israa'iil oo nin Carab ah ku maamuustay abaalmarinta ugu sarraysa
Yuhuudda Jarmalka oo loogu baaqay in aysan xiran astaantooda
Yuhuudda Itoobiya oo dalbatay in Israa'iil la geeyo
Balse wasiirka difaaca Israa'iil Avigdor Lieberman ayaa diiday in uu aqbalo raaligalinta Cabbaas, isaga oo ku tilmaamo nin inkira xasuuqii dhacay.
Hadalkan ayuu Cabbaas ka sheegay magaalada Ramala halkaas oo uu la hadlayay golaha dhexe ee ururka PLO, wuxuuna sheegay in uu kasoo xigtay buugaag ay qoreen dad Yuhuud ah.
Qaramada Midoobay iyo Midoowga Yurub ayaa dhankooda walwal ka muujiyay hadalka kasoo yeeray Maxamuud Cabbaas.
Ma ahan markii koowaad oo uu muran dhaliyo, sanadkii 1980-kii daraasad jaamacadeed oo uu qoray ayuu Maxamuud Cabbaas ku sheegay in xiriir qarsoodi ah uu ka dhaxeeyay Naasiyiintii Jarmalka iyo Sahyuuniyiinta Yuhuudda, wuxuuna su'aal galiyay tirakoobka la sheego ee ah in la dilay 6 milyan oo Yuhuud ah.
storvideo: 

C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa...

$
0
0

Hargeysa (PP) - Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa sheegay in saldhigga ay Dowladdda Imaaraadku ka furanayso magaalada Berbera oo dhali karo cawaaqib aa u fool xun.
C/raxmaan Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaas uu u keeni karo Somaliland khatar weyn, isagoo intaas ku daray inuu noqon karo xabsiyada ugu xun caalamka.
Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku dhuftay in taas ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Somaliland, maadaama ay horay warbixin ka dhan saldhiggaan u soo saartay kooxda Xuuthiyiinta ee waddanka Yemen ka dagaalanta.
Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu tilmaamay in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Berbear ay caqabad weyn ku noqoty shaqaalaha ka hawl-gala dekeddaas, isla markaana ay ciriiri gelisay lacagaha xilligaan ku shaqeeyaan.
Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay maamulka Dekeddaas.
Ugu dambeyn heshiiskan oo ahaa saddex geesood ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP WORLD, Somaliland iyo Dowladda Itoobiy, waxayna DP WORLD maal-gashiga Dekedda Berbera ku leedahay saami dhan 51%.PUNTLAND POST
The post C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ra’isal Wasaare Khayre oo khudbad Afka Ingisiika uu...

$
0
0

Ra'isal Wasaare Khayre oo khudbad Afka Ingisiika uu ku jeediyey maalin shalay kaga hadlay arrimo badan. ( Halkan kaga bogo )
Waxa Daabacay staff-reporter on May 5th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Mudane Khayre oo ah ra'isal Wasaaraha Somalia ayaa shirkii Brussels ku soo af-meeray khudbad taariikhi ah oo uu si fiican uga hor jeediyey golihii shirkaasi. Waxanu ku nuux nuuxsaday waxa ay qabatay dawladdiisu iyo waxa ka dhiman.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 50 times.
storvideo: 

Sawirro:-Guddiga joogtada Aqalka sare oo ka hadlay arrimo muhiim ah

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Amniga iyo taakuleynta dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir Guddoominayay Kullanka,waxaana mudada uu socday diirada lagu saaray diyaarinta agendaha kullanka Guud ee Golaha oo uu beri yeelanyo,kaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare lagu horgeyn doono go’aanada maanta ka soo baxay.
Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir” ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kullanka maanta ee Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ay isugu yimaadeen.
“ Kullanka maanta ee Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha Amniga,taakuleyntii Gobolka Hiiraan Masiibadii ka dhacday,waxaa sidoo kale looga hadlay kullanka xeer hoosaadka Golaha,waxaana rajeynaa agendayaashaasi in beri la horgeyn doono Xildhibanaada Golaha Aqalka sare,waana la isku afgartay qorshaha beri looga doodi doono kullanka guud ee Golaha Aqalka sare,” ayuu yiri Senator Nadiir.
Wuxuu sheegay Senator Nadiir in dhowaan Golaha Aqalka sare Guddiga u saaray arrinta Fatahaada wabiga Shabeelle iyo taakuleynta dadka waxyeelada soo gaartay,waxayna guddiga warbixin ay soo uruuriyeen u gudbiyeen Guddiga joogtada ah si beri loogu daro agendaha kullanka Guud.
Arrimaha Amniga Guddiga joogtada ah waxay diirada saareen Amniga Guud ee dalka iyo midka Golaha Aqalka sare oo isku afgarteen in sare loo qaado.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dar dar gelinaya fududeynta howlaha muhiimka ah ee horyaala Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0020-... 630w" sizes="(max-width: 609px) 100vw, 609px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0001-... 630w" sizes="(max-width: 607px) 100vw, 607px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0002-... 630w" sizes="(max-width: 605px) 100vw, 605px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0005-... 630w" sizes="(max-width: 603px) 100vw, 603px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0009-... 630w" sizes="(max-width: 601px) 100vw, 601px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0011-... 630w" sizes="(max-width: 600px) 100vw, 600px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG-20180505-WA0019-... 630w" sizes="(max-width: 597px) 100vw, 597px" />
The post Sawirro:-Guddiga joogtada Aqalka sare oo ka hadlay arrimo muhiim ah appeared first on Shabelle.

Tababaraha Man United oo dhaleeceyay qaar ka mid ah cayaartoydiisa

$
0
0

Tababarah kooxda Manchester United ayaa dhaleeceyay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa qadka dhexe uga dheela kooxda ka dib markii 1-0 ay ku garaacday Brighton.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live