Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Aroos uu qarax ka dhacay, warqad iyo qof aan la...

$
0
0

Kaddib baaritaan ballaaran, booliska Hindiya ayaa macallim wax ka dhiga koleej dalkaasi ku yaalla waxa ay uu soo xireen "qarax ka dhacay guri ay lamaane isku arooseen" oo uu ku dhintay nin markaas un guursaday xaaskiisiina ay ku dhaawacantay. Soutik Biswas ayaa ka soo warramaya sida uu isbadelka aanan la filayn ugu yimid baaritaanka lagu hayay dilkii ay ka amakaageen dadka Hindiya.
Warqadda oo ku jirtay bashqad la soo tiimbareeyay ayaa waxa ay bilowgii Abriil soo gaartay guriga xilli barqo kulul ah.
Qofka soo diray ayaa dusha kaga qoray "Warqad muhiim ah" oo ku socota taliyaha booliska ee Balangir, halkaas oo ah degmo ku taal baadiyaha gobolka Orissa.
Waxa ay aheyd warqad aanan la garanayn cidda soo dirtay si adagna loo soo qoray, kana koobneyd 130 eray oo Ingiriisi ah. Waxa ayna warqadda ka hadlaysay hadiyad bambaano ah oo dishay caruus magaalada ku aqalgalay.
Soumya Sekhar Sahu, oo ahaa 26 injineer dhanka barnaamijyada kumbuyuutarrada ah ayaa dhintay, xaaskiisa Reema oo 22 jir aheyd-na waxaa soo gaaray dhaawac culus, kaddib markii u furay kartoon ku socday, shan maalmood kaddib markii uu guursaday bishii Febaraayo.
Sidoo kale Sahu ayeeyadii oo 85-jir aheyd ayaa iyana qaraxaasi ku dhimatay.
Booliska ayaa sheegay in kartoonka qof isku magacaabay SK Sharma uu ka soo diray deegaanka Raipur ee gobolka dariska ah ee Chhattisgrah, halkaas oo 230km u jirta goobta uu qaraxa ka dhacay. Magaca iyo adareeska laga helay warqadda ayaa been abuur ahaa sida uu boolisku sheegay.
Warqadda ay sheegeen in loo soo diray taliyaha booliska Balangir ayaa waxa ay ku bilaabanaysay diidma ah in "fariin qaade gaar ah" uu qoraaga u soo dhiibay warqadda si u u gaarsiiyo halka loo rabay. Si degdeg ah ayeyna halkii ku gaartay.
Waxaa warqadda lagu sheegay in kartoonka uu bamka ku jiray uu soo diray qof isku magacaabay SK Sinha, ee ma aheyn RK Sharma. Waxay kaloo warqaddu tiri saddex nin ayaa "ka qeyb qaatay mashruuca" weliba "haatan waa ay fogaadeen oo ma joogaan meel boolisku uu ka soo qaban karo". Sababta qaraxa ayuu ku sheegay qofka warqadda soo qoray inay aheyd "khiyaamo" uu ku kacay caruuska iyo lacag. Sababta koobaad ayaa u muuqatay jaceyl uu madmadow soo dhexgalay, halka midda labaadna ay u muuqatay muran hanti.
"Xitaa dilka qoyska oo dhan inooma noqonayo magdhaw aan kaga kaaftoonno khasaaraha ina soo gaaray," soo diraha ayaa qoray.
Dhammaadka warqadda ayaa lagu qoray cod xooggan, oo qoraaga ayaa yiri boolisku waa inuu "iska aamusnaadaa" oo "uusan waxyeelayn dadka aan waxba galabsan, ka shakiyin amaba uusan su'aalo aan loo baahnayn waydiin."
Yaa soo diray hadiyadda bambka aheyd ee uu ku dhintay caruuska?
Muddo ka badan bil ayaa dhowr iyo labaatan baarayaal waxa ay su'aalo waydiiyeen in ka badan 100 qof oo ku kala sugnaa afar magaalo oo lala xiriiriyay dilka - kuwaas oo saaxiibo iyo qaraabo la ahaa lamaanaha uu weerrarku qabsaday. Waxa ay dib u eegeen kumannaan cod oo ah wicitaannada mobile-ka, sidoo kale waxa ay baareen laabtoobyada iyo taleefannadii ay lahaayeen lamaanaha.
Dambi baarayaasha ayaa eegay codka qof u goodinayay ninka dhintay kaas oo la duubay sanadkii la soo dhaafay kaddib markii uu inanta doonay, waxa ayna ogaadeen in uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo yaqaanay inanta uu guursan rabay ninka, taas oo uu ku eedeeyay "inay khiyaantay oo ay ka raacday nin qani ah". Iyagoo middaas ka duulaya ayey ninkii soo qabteen kaddibna su'aalo waydiiyeen. Markii dambase waa ay sii daayeen markii ay ogaadeen inuu yarka boolaxooftayn un uu waday.
Baarayaasha ayaa sidoo kale waxa ay qoreen liiska magacyada dad ka badan toban kuwaas laga shakisan yahay, hasayeeshee ma aysan helin wax dadkaasi lagu dabageli karo. Kiiska waa uu sii daciifayay, hasayeeshee maadaama dadweynaha iyo warbaahintuba ay cadaadis wadeen ayaa dowladda waxa ay kiiska ku wareejisay waaxda baarta dambiyada waa weyn.
In ka badan 300km meel ka fog caasimadda gobolka Bhubaneshwar ayaa madaxa waaxda baarta dambiyada Arun Bothra waxaa warqad la soo sawiray loogu soo diray barta ay bulshada ku wada xiriirto ee WhatsApp. Mr Bothra waa 50-jir weriye ahaa oo noqday boolis, waxa uuna la wareegay baaritaanka.
"Habeenkii iyo maalintii oo dhan waxaan akhrin jiray warqadda, waa hubaal inaan boqol jeer akhriyay. Wax badan ayaan ka fahmay," ayuu ii sheegay.
"Waa ay iska caddeyd in qofka warqadda soo diray uu ka ogaa qaraxa wax ka badan inta aan ka ogeyn, oo marka uu soo qoray waxaa soo diray fariin qaade, waxa uu doonayay inuu inoo sheego in dambigu uusan gaysan qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxa uu doonayay inuu inoo sheego in falkan ay saddex qof fuliyeen. Si dhab ah in warkiisa loo qaatana wuu rabay, marka waaba isagoo rabay inuu meesha ka saaro magaca beenta ah ee uu adeegsaday oo waxa uu caddeeyay in boolisku ay khalad sameeyeen," ayuu yiri Mr Bothra.
Mr Bothra ayaa baaray faylashii kiiska, waxa uuna soo helay in boolisku uusan si sax ah u eegin rasiidka kartoonka..
"Haddii aad si dhaw u eegtid qoraalka, magaca waxa uu aad ugu dhaw yahay SK Sinha ama SK Singh - bal fiiri xariiqa ugu dambeeya. Booliska, warbaahinta, iyo dadkii ka badbaaday qaraxa waxa ay ku celcelinayeen qofka kartoonka soo diray waxa uu ahaa SK Sharma. Maadaama aannu ogeyn inuu magac been ah isticmaalayna, maynan isku mashquulinba."
"Waxaan aad u dareemay in dilaaga laf ahaantiisa uu soo diray warqadda. Siduu ku ogaaday in SK Sinha uu soo diray kartoonka? Khalad weyn ayuu sameeyay. Warqadda ayaaba noqotay halkii laga tix raaci lahaa baaritaanka."
Baaritaan weyn oo ay sameeyeen saynisyahannada ayaa lagu helay astaanta faro aan meelno loo raaci karin oo laga helay warqadda. Waxa ay isku dayeen inay qofka warqadda soo diray ku raadiyaan candhuufta uu mariyay bashqadda si uu isugu dhajiyo, hasayeeshee cidna lama helin.
Dambi baarayaasha ayaa nuqulka warqadda waxa ay u direen waliidiinta wiilka dhintay. Waxaa la waydiiyay inay ku arkeen wax un ka shakiyeen. Hooyada dhashay wiilka la dilay, oo macallimad ka ah koleej halkaas ku yaal, ayaa aad ugu laalaabatay warqadda.
"Hooyada ayaa markii dambe sheegtay in ay suuragal tahay inuu warqadda soo qoray qof ay wada shaqeeyaan kaas oo maadada Ingiriisiga ka dhiga koleejka. Waxa ay sheegtay in warqadda ay u qoran tahay qaabka uu ninkaasi wax u qoro iyo weliba erayada uu isticmaalo. Kaddibna waxa ay tiri arrin la yaab leh, oo aheyd in macallimka uu badanaa adeegsado jumlada 'dhameystiridda mashruuca,' ayuu yiri Mr Bothra.
Xafiiltanka goobta shaqada
Punji Lal Meher, oo 49-jir ah, ayaa todobaad kaddib markii uu qaraxa dhacay waxaa la waydiiyay su'aalo. Hooyada dhashay wiilka ku dhintay qaraxa ayaa booliska u sheegtay in ninkan uu dhibay markii ay sanadkii hore kala wareegtay xilka maamulaha koleejka. Waxaa la sheegayaa in labadaasi qof ay si xun isula dhaqmi jireen, hasayeeshee ugu dambeyntii Mr Meher ayaa isdajiyay.
"Dhab ahaantii ma aynaan helin wax aan ku baarno Mr Meher, waxyar oo shaki ah xitaa ma uusan jirin. Waxaannu u malaynay inay arrintu aheyd un xafiiltanka dhanka shaqada oo kaliya," mid ka mid ah baarayaasha ayaa yiri.
Koontooyinka uu Meher ku leeyahay baraha bulshada ay ku wada xiriirto ayaa waxaa ugu qoran in uu koleejka ku biiray 1996, maareeyana uu ka noqday 2014.
Waxaa la gaaray xilligii dib looga fikari lahaa kiiska oo waxaa loo yeeray Mr Meher si su'aalo loo waydiiyo, Mr Bothra ayaa u sheegay baarayaasha. Marka sidii ayey sameeyeen.
Mr Meher ayaa waxaa la sheegay inuu booliska u sheegay inuu galabkaas u baxay inuu soo lugeeyo, markii uu nin joojiyay, warqadna uu u dhiibay kaddibna uu ku cabsi geliyay inuu dhibaato u gaysan doono haddii uusan u safrin magaalada Blangir warqaddana uusan gayn.
"Waxa ay aheyd sheekadii ugu yaabka badneyd ee uu inoo sheego qof laga shakisan yahay," ayuu yiri Mr Bothra.
Sida uu boolisku sheegay, Mr Meher ayaa sheegay in bishii Oktoobar uu bilaabay inuu gato baaruud, xilligaas oo Hindiya ay u dagaaldegaysay munaasabadda Diwali. Waxaa la sheegay inuu waxyaabo hubka laga sameeyo gatay taas oo uu qaraxa ka sameeyay. Bilo gudahood qaraxa diyaar ayuu ahaa, booliska ayaa sidaasi sheegay. Waxa uu boolisku rumaysan yahay in walxihii qarxayay uu kartoon dhexgaliyay kaddibna uu ku xirxiray waxyaabo muujinaya inay tahay hadiyad.
Baarayaasha aya sheegay in arooryo diiran oo bishii Febraayo ah uu ninkaasi diyaar u ahaa inuu bambaanada u diro goobtii ay ku socotay.
Subaxii ayuu ka qeybgalay shir uu koleejku lahaa, cashar ayuu bixiyay, gurigii ayuu ku laabtay, haddiyaddii ayuu kartoon galiyay kaddibna baaskiilkiisa ayuu u qaatay khadka tareenka ee ugu dhaw. Waxaa lagu eedeeyay inuu taleefankiisa guriga uga tegay oo boolisku waxa uu rumaysan yahay inuu doonayay in loo maleeyo inuusan gurigaba ka bixin. Kaddibna safar laba saac iyo bar ah ayuu u galay Raipur isagoon goosan wax tigidh ah si uu isaga ilaaliyo inay soo qabtaan kaamarooyinka lagala socdo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ammaankaba ee ku rakiban meesha laga jarto tigidhada, booliska ayaa sheegay.
Booliska ayaa u dhigaya sheekada, in Raipur markuu tegay uu baaskiil qaatay kaddibna uu uga sii wareegay bajaaj oo uu booqday laba shirkadood oo kuwa xamuulka qaada ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in haweeney joogtay dukaankii koobaad ee uu tegay ay waydiisay waxa ku jiray kartoonka. Mr Meher ayaa la sheegay inuu qalqalay, kaddibna uu kartoonkiisii qaatay.
Markii uu dhiibayay kartoonka ayuu ku qoray inay tahay hadiyad iyo waxyaabo macmacaan ah, booliska ayaa sheegay in Mr Meher uu u sheegay inuu soo raacay tareenkii habeenka soo baxayay saqdii dhexena uu joogay gurigiisa. Wax ka yar todobaad ayuu kartoonkii safray 650km oo waxaa lagu kala wareejiyay saddex bas iyadoo afar gacmoodna ay isku badbadaleen ka hor inta aanay 20-kii bihsii Febraayo gaarin Patnagarh. Saddex maalmood kaddibna bamkii waxa uu ku qarxay guriga Sahu. Mr Meher ayaa ka qeybgalay xafladdii arooska iyo middii aaska ee loo sameeyay caruuska.
"Aad baan uga carooday arrinta, waanan u qaadan waayay bahdilka la ii gaystay," ayaa la sheegay in Mr Meher uu u todobaadkii tegay u sheegay booliska.
Mr Meher ayaa haatan waxaa gacanta ku haya booliska, halka weli uu soconayo baaritaanka, ilaa haddana ma uu jiro wax qiraal ah oo la hayo.
storvideo: 


Sawirro:-Guddiga joogtada Aqalka sare oo ka hadlay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Amniga iyo taakuleynta dadka ay saameynta ku yeesheen Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shir Guddoominayay Kullanka,waxaana mudada uu socday diirada lagu saaray diyaarinta agendaha kullanka Guud ee Golaha oo uu beri yeelanyo,kaasi oo Xildhibaanada Aqalka sare lagu horgeyn doono go'aanada maanta ka soo baxay.
Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar "Nadiir" ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kullanka maanta ee Guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ay isugu yimaadeen.
" Kullanka maanta ee Guddiga joogtada ah Golaha Aqalka sare waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha Amniga,taakuleyntii Gobolka Hiiraan Masiibadii ka dhacday,waxaa sidoo kale looga hadlay kullanka xeer hoosaadka Golaha,waxaana rajeynaa agendayaashaasi in beri la horgeyn doono Xildhibanaada Golaha Aqalka sare,waana la isku afgartay qorshaha beri looga doodi doono kullanka guud ee Golaha Aqalka sare," ayuu yiri Senator Nadiir.
Wuxuu sheegay Senator Nadiir in dhowaan Golaha Aqalka sare Guddiga u saaray arrinta Fatahaada wabiga Shabeelle iyo taakuleynta dadka waxyeelada soo gaartay,waxayna guddiga warbixin ay soo uruuriyeen u gudbiyeen Guddiga joogtada ah si beri loogu daro agendaha kullanka Guud.
Arrimaha Amniga Guddiga joogtada ah waxay diirada saareen Amniga Guud ee dalka iyo midka Golaha Aqalka sare oo isku afgarteen in sare loo qaado.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dar dar gelinaya fududeynta howlaha muhiimka ah ee horyaala Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
storvideo: 

Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland.
Madaxweyne Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay.
"Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado",ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato"Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo",ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Gaas"Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland...

$
0
0

(Toggaherer)-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Ayaa Meesha ka Saaray Warar Sheegaya...
Daawo:wasiirka wasaarada gaashaandhiga somaliland Ciise Axmed yuusuf ayaa meesha warar aanay waxba ka jirin...
[embedded content]Was
storvideo: 

Kooxo weerar ka geystay degmada Wadajir Oo Gacanta lagu dhigay

$
0
0

Muqdisho  ( Sh. M. Network )-Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta sheegay in Laamaha Ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Rag la sheegay in Xalay Bam Gacmeed ay ku weerareen Saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in Ciidamada ammaanka degmadaasi ay gacanta ku soo dhigeen illaa 2 dhalinyaro ah oo la sheegay in Bam Gacmeed ay ku tuureen Saldhigaasi.
Waxaana uu tilmaamay in sharciga lala tiigan doono shaqsiyaadkaasi oo haatan gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.
Maalmihii dambe ayaa waxaa gudaha M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan iyo weeraro intaba.
The post Kooxo weerar ka geystay degmada Wadajir Oo Gacanta lagu dhigay appeared first on Shabelle.

Kooxo weerar ka geystay degmada Wadajir Oo Gacanta...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta sheegay in Laamaha Ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Rag la sheegay in Xalay Bam Gacmeed ay ku weerareen Saldhigga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in Ciidamada ammaanka degmadaasi ay gacanta ku soo dhigeen illaa 2 dhalinyaro ah oo la sheegay in Bam Gacmeed ay ku tuureen Saldhigaasi.
Waxaana uu tilmaamay in sharciga lala tiigan doono shaqsiyaadkaasi oo haatan gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.
Maalmihii dambe ayaa waxaa gudaha M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida dilal qorsheysan iyo weeraro intaba.
storvideo: 

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Somaliland Oo Soo...

$
0
0

Hargeysa-05.05.2018-(ToggaHerer)-Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa soo xidhay shir muddo saddex maalmood ah u socday waaxaha kala duwan ee madaxtooyada Somaliland kaas oo lagu lafo-guray qorshe-sanadeedka 2018-ka ee ay yeelan doonaan waaxahaasi.
Kulankan oo muddo saddex maalmood ah socday, ayaa si qoto dheer loogu faaqiday qosheyaasha kala duwan ee ay ku hawlgeli doonaan waaxaha kala duwan ee madaxtooyada, iyada oo waax waliba ay halkaas kusoo bandhigay qorshaha ay ku hawlgeli doonto, taas oo lagula xisaabtami doono, laguna qiimayn doono.
Gebogebadiina, ujeeddooyinkii kulankaas iyo sababaha looga gol leeyahay ajandeyaasha sanadlaha ee halkaas lagu soo soo bandhigay, waxa si faahfaahsan uga warbixiyey agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Cali Bile, kaas oo sharraxay hadafka laga leeyahay qorsheyaasha kulanka kasoo baxay, waxaana hadalladiisii kamid ahaa, "Shirkaas waxa inooga soo baxay qorshe-hawleed tifaf-tiran oo waax kasta oo madaxtooyada katirsan ay samaysatay, kaas oo hagi doona hawlaha ay waaxaha kala duwan ee madaxtooyadu fulin doonaan inta sanadka ka hadhay, taasina waxa ay faa'iido leedahay in qof kasta oo madaxtooyada ka shaqeeyaa uu yeeshaa qorshe iyo masuuliyad gaar u ah, si aynu isu qiimayno marka uu sanadku dhammaado oo aynu nidhaahno wixii aynu qorshaysannay maxaa inoo hirgalay, maxaase caqabad inaga hor timi oo aynu xalkeeda u baahannahay."
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu agaasimuhu hoosta ka xarriiqay in qorsheyaasha sanadlaha ah ee loo ballaysimay waaxaha kala duwan ee madaxtooyadu ay fududayn doonaan iska war-haynta madaxtooyada iyo bulshadii soo dooratay, taas oo uu ku tilmaamay ujeedooyinka ay waaxahani u taagan yihiin,"Waxa kale oo ii farxad ah in madaxtooyadu ay imika yeelatay dhawr waaxood oo kuwii hore u jirey iyo kuwo cusub oo la casriyeeyey ah, waxaana kamid ah waaxda warbaahinta, waaxda xidhiidhka bulshada iyo waaxda cusub ee wacyigelinta, waxaas oo dhanna waxa looga jeedaa in la hagaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya madaxtooyada iyo bulshada. Bulshadu waxa ay igmatay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, inay u fuliyeen qorshihii ay ololaha ku galeen, annaguna anagoo ah waaxaha kala duwan ee madaxtooyada ee kaalinaya shaqada madaxweynaha waa inaanu isku xidhno madaxtooyada iyo bulshada, si bulshadu ula socoto wax kasta oo uu madaxweynuhu qabanayo, waxa kale oo aanu qaban doonnaa inaanu madaxweynaha la socodsiinno waxa bulshadu tabanayso, si madaxweynaha iyo bulshadii soo dooratay isugu xidhnaato," ayuu yidhi agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile.
Tallaabada qosheyaasha cadcad loogu sameeyey waaxaha kala duwan ee madaxtooyada, ayaa ah mid lagu dardar gelinayo hawlaha xarunta madaxtooyada, laguna fududaynayo xidhiidh toos ah oo dhexmara madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo bulshadii soo dooratay, waxaana ay safka hore kaga jiraan hiigsiga iyo himilooyinka agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.https://youtu.be/EIjhanojVzg
storvideo: 

Maamul goboleedyada oo 5 xubin u saaray sidii DF ah...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskii November 5, 2017 ee dhex maray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hirgelinta qodobada 44aad iyo 54aad ee dastuurka KMG ah oo ku saabsanaa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka wada hadlaan doorashada 2020-ka, awood iyo kheyraad qeysiga ayey dowlad goboleedyada soo magacaabeen ilaa 5 xubin.
Xubnahan waxaa ay mas'uul ka noqon-doonaan sidii dowladda federaalka ah ugala hadli lahaayeen arrimahan iyo kuwa kale ee soo kordha iyo inay horay u dhaqaajiyaan dhameystiran howlaha dastuurka.
Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah:
Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda
Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin
Cali Ibrahim Cali, Xubin
Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin
Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Wasaaradda Waxbaradda Soomaaliya oo dib u dhigtay...

$
0
0

Wasaaradda Waxbaradda, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxaa ay sheegtay in dib loogu dhigay Ardayda Imtixaanka Shahaariga ee Dugsiga Sare kasoo gali laheyd Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii Magaaladda Saameyn ku yeeshay Wabigga Shabeelle oo ku fatahay Magaalada. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda C/raxmaan Daahir Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka Wareysi siiyey ayaa tilmaamay in 1,400 [...]
storvideo: 

Xulka Qaranka Mini Football-ka Oo Maanta Ka Dhoofay...

$
0
0

Xirirka kubada cagta ee mini Football ayaa saakay u safray ka qayb galka koobka qaramada qarada afrika ee Mini football-ka oo Soomaaliya ay qayb ka tahay. Wafdiga ka baxay muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayaha xirirka Kubad-Cag yaraha Soomaaliya Xaaji Aadan Abdulle iyo Macalinka Xulka Qaranka Kubad Cag-yaraha Soomaaliya Macalin Iskoot. Ciyaartoyda Sanadkaan mataleysa Mini Football-ka [...]
storvideo: 

Daawo Video:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Faah...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo Maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii shir uu uga qeyb galay dalka Biljamka ayaa waxa uu ka hadlay shirkii uu ka qeyb galay iyo kulamo uu la qaatay masuuliyiin uu la kulmay iyo heshiisyadii dhexmaray.
Ra'iisul Wasaare Kheyre oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Biljamka oo ay ka wada hadleen Iskaashi dhanka arrimaha Amniga,sidoo kale Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub iyo Madaxda Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Horumarka.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Safiirada Midowga Yurub uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya sigaar ah xaalada Soomaaliya iyo sidii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga dalka.
Waxa uu sheegay in Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ku hesiiyeen qodobadaan Soo socda
1:- In mashruuca dib-udhiska qorshihii leysla ansixiyey ee kala guurka dowladda Soomaaliya loogu deeqo 80 Milyan oo Euro oo u dhigantay Boqol Milyan oo Dollar.
2:- In dowladda kala Shaqeeyaan arrimaha horumarka sida Kheyraadka kaluumeysiga sidii Ummada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan uga faa'iideysan lahaayeen.
3:-Sidoo kale sidii looga hortegi lahaa jarida dhirta iyo nabadguurka iyo dhoof
inta Dhuxusha Sharcidarrada ah.
4:- Sidoo kale in shirka Sanadkiiba mar la qabto ee looga hadlo arrimaha Soomaaliya ee lagu qabto Midowga Yurub ee dhici doona 26 June ee Sanadkaan kaas oo ay ka wada qeybgeli doonaan Madax ka tirsan dowaldda,isla markaana lagu falanqeyn doono in Soomaaliya lagu caawiyo dhaqaale
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDhageyso:-Ammaanka Xarunta Aqalka Sare Oo Laga Deyriyey+Sawirro

storvideo: 

Dawladda Soomaaliya oo $500,000 oo dheeraad ah ku...

$
0
0

Muqdisho, May 05, 2018-- Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddigu oo looga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan, sida loo sii dardar gelin karo iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.
Ugu horeyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa waxa ay kawar bixiyeen xaaladda deegaanka ka jirta iyo gargaarka la gaarsiiyay.
Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaarsiiyay Beledweyne laguna wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys.
Waxaa kale oo warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland.
Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka.
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in horay Milyan Doolar horay dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.
"Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha", ayuu yiri Ra'iisul wasaare ku-xigeenku.
Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.
storvideo: 

Wasiirka Amniga” goobaha ugu horeeya ee Ciidamada...

$
0
0

Wasiirka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale islow oo ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee looga hadlayey Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM ee joga [...]
storvideo: 

AKHRISO: Dowladda oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanka...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay Jadwalka Imtixaanka dugsiyad Sare oo bilaabanaya 19 Bishaan.
storvideo: 

 Gudoomiye Yariisow oo Walaac ka muujiyay Xaaladda...

$
0
0


Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la gaarsiiyey deeqo kala duwan.
Duqa Muqdisho oo walaac ka muujiyeen xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda waqtigan lagu jiro xili roobaadka.
Guddoomiyuhu ayaa xaqiijiyey sida ay uga go'antahay maamulkiisa wax ka qabashada nolosha barakacayaasha, iyadoo xoogga la saari doono sidii ay ku heli lahaayeen gurmad ballaaran, maadaama dhowaan ay bilaabanayso bisha barakaysan ee Ramadan.
"Waxaa halkan ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad ka ballaaran midka aan maanta gaarsiinay si wax looga qabto xaaladooda, Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse maanta waxaan indhaheena ku aragnaa in weli gacan qabasho u baahan yihiin dadka nugul".Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.
Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenkiisa dhinaca Arrimaha bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka.
storvideo: 


Hogaamiyaha mucaardka ee Ruushka Alexei Navalny oo xabsi loo taxaabay

$
0
0

Hogaamiyaha mucaardka ee Ruushka Alexei Navalny ayaa la xiray xilli uu hadal ka jeedinayey bananabax ka dhacay Moscow kaas oo loogasoo hor jeeday caleema saarka madaxweyne Putin ee isniinta loo caleema saryo markii afaraad.

Hogaamiyaha mucaardka ee Ruushka Alexei Navalny oo...

$
0
0

Hogaamiyaha mucaardka ee Ruushka Alexei Navalny ayaa la xiray xilli uu hadal ka jeedinayey bananabax ka dhacay Moscow kaas oo loogasoo hor jeeday caleema saarka madaxweyne Putin ee isniinta loo caleema saryo markii afaraad.
Weriyaaha yaa sheegay boolisku in ay qabteen tiro taageerayasha Mr Navalny ah oo lagu eedeeyay in ay rabshado ka kiciyeen guud ahana Ruushka.
Mr Putin aya aku guuleeystay guushiisi ugu weeyneeyd ee doorashada madaxweynah bishii March.
Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa si rasmi ah looga hor istaagay in uu u tartamo doorashadii madaxweynenimada ee ka dhacday dalkaasi.
Guddiga dhexe ee doorashooyinka ayaa sheegay in Mr Navalny uusan doorashada ka qaybqaadan karin sababtuna ay tahay xukunkii musuqmaasuqa ee lagu fuliyay, kaas oo uu ku tilmaamay mid siyaasadaysan.
Navalny waxaa lagu yaqaanaa ol'olihiisa ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo mudaaharaadyada Putin ka dhanka ah, sannnadkan horraantiisiina waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah oo aan isla markiiba dhaqan galin, waxaana lagu dacweeyay wax isdabomarin.
storvideo: 

Ruuxaani: Trump haduu ka baxo heshiiska "qoomamo...

$
0
0

Maxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay haddii uu Mareykanku ka baxo hishiiska nukliyeerka in uu wajihi doono qoomamo taariikhi ah.
Mr Ruuhaani ayaa hadalkaan ka jeediyey telefishinka qaranka Iiraan xilli uu xoghayaha dowladda Britain Borris Johnson, uu u socdaalay Washington si uu Madaxweyne Donald Trump ugu qanciyo in aan Mareykankanku ka bixin hishiiskii lala galay Iiraan.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu u sheegay hogaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka in hishiiskii nukliyeerka ee Iiraan uu yahay mid aad u liito.
Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa maanta u socdaalaya Washington, ujeedadiisuna waxay tahay inuu isku dayo in uu ku qanciyo maamulka Trump in aanu ka bixin heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay.
Muddadii Maraykanku u qabtay in uu go'aan cad arrintaa ka soo saari doono ayaa waxa ka hadhsan todobaad keliya, Johnson ayaa la filayaa in uu Washington kula kulmo saraakiil sarsare oo Maraykan ah.
Madaxweyne Trump oo Sabtidii telefoonka kula hadlay ra'isal wasaaraha Ingriiska ayaa arintan kala hadlay Theresa May, waxaanu Af-hayeen Aqalka Cad u hadlay sheegay in madaxweynuhu ku nuuxnuuxsaday in ay ka go'antahay in aan Iran hub nukliyeer ah hantiyin.
Xoghayaha arrimahada dibadda ee Britain, Boris Johnson, waxaa uu tegayaa Washington si uu Maraykanka ugu boorriyo inaysan baabi'in heshiiskii caalamiga ahaa ee loogu talagalay in Iran lagaga joojiyo inay samaysato hub nukliyeer ah.
Dalka UK iyo xulafadiisa reer Yurub waxay haystaan ilaa 12-ka bishan May inay madaxweyne Donald Trump uga dhaadhiciyaan inuu heshiiskaas sidiisii ahaado, iyadoo Mr Trump uu hore aad ugu dhaleeceeyay oo uu ku sheegay mid aan caafimaad qabin.
Telefoon uu shalay kula soo hadlay Ra'iisal Wasaaraha Britain, Theresa May, madaxweynuhu waxaa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go'an tahay inuu xaqiijiyo in Iran aanay weligeed hub nukliyeer ah yeelan.
Heshiiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxiixdeen US, Shiinaha, Ruushka, Germalka, Faransiiska, iyo UK oo isku dhinac ah iyo waddanka Iran oo dhanac ah ayyaa Iran waxay aqbashay inay xaddiddo hawlaheeda nukliyeerka si taas beddelkeeda looga khafiifiyo cunaqabatayno xagga dhaqaalaha.
Xulafada reer Yurub ee Faransiiska, UK iyo Germalka waxay isku wada raacsan yihiin in heshiiska hadda jira uu yahay qaabka ugu wanaagsan ee looga joojin karo Iran inay samaysato hub nukliyeer ah, Qaramada Midoobayna waxay sidoo kale Mr Trump uga digtay inuusan heshiiskaas ka bixin.
Laakiin Mr Trump waxaa uu ku hanjabay inuu heshiiska ka baxayo haddii saxiixayaashii aanay oggolaan in wax laga qabto cilladaha aadka u ba'an ee uu leeyahay.
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, waxaa uu sheegay in Maraykanku u wajihi doono shalayto taariikhi ah haddii uu heshiiska ka baxo.
Hadalkiisa oo toos looga sii daayay television-ka, waxaa uu ku sheegay in Iran uu meel u yaal qorshe ay uga hortagto wixii go'aan ah ee uu qaato Trump, ayna iska celin doonaan.
Mr Johnson waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence, la-taliyaha ammaanka qaranka, John Bolton iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda dibadda ee aqalka Congress-ka.
Boris Johnson waxaa uu sheegay in UK iyo US ay aad isugu dhow yihiin arrimo badan oo caalami ah sida jawaabtii ay ka bixiyeen hubkii kiimikada ee lagu isticmaalay dalka Suuriya iyo dadkii lagu sumeeyay dalka Britain.
Waxaa kaloo uu sheegay in UK, US iyo xulafadooda reer Yurub ay sidoo kale ka mideysan yihiin wax ka qabadka dabeecadda Iran ee gobolka bariga dhexe ka dhigaysa meel aan nabad ahayn- weerarradeeda Internet-ka, taageeradeeda kooxaha Xisbullah oo kale ah, iyo barnaamijkeeda sawaariikhda halista ah ee ay ku hubaynayso Xuutiyiinta dalka Yemen.
Wada hadallada UK-US waxay imanayaan kaddib markii Israil ay daboolka ka qaadday faylal nukliyeer qarsoodi ah oo Iran ku eedeynaya inay leedahay barnaamij nukliyeer qarsoodi ah, oo la sheegay inay kaydsatay 15 sano kahor.
Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Mike Pompeo, waxaa uu sheegay in dokumentigaasi uu dhab yahay, uuna muujinayo in heshiiskii 2015 Iran lala galay uu been ku dhisnaa.
Iran, iyadu, waxay ku eedeysay Mr Netanyahu inuu been sheegay. Wasiirka arrimaha dibadda Javad Zarif waxaa uu sheegay in dokumentiga ay Israel soo saartay uu yahay eedeymihii hore loo sheegi jiray oo ay wax ka qabatay hay'adda Qaramada Midoobay ee caalamka u qaabilsan hubka atoomikada ah.
storvideo: 

Daawo-Xoghayaha Guud Ee Golaha Guurtida Somaliland...

$
0
0

(Toggaherer)-Daawo-Xogahaya Guud Ee Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi Ayaa shaaciyey Xeerka Aas Aasida..
Daawo:
[embedded content]
storvideo: 

Daawo-Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland Aayaa...

$
0
0

(Toggaherer)-Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland Aayaa waxay cod Gacan Taag Ah Ku Ansixiyeen Xeerka Qararaasyada Qaranka Iyo Mooshin Ka Dhan Ah...
fadhigii maanta Ee Golaha wakiilada Somaliland Oo Uu Shirgudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad Ee golahaasi Axmed Yaasiin sheekh cali Aayanleayaa mudanayaasha golahaasi waxay meelmariyeen xeerka qandaraasyada qaranka somaliland ,ka dib markii cod loo qaaday ayaa waxaa ogolaaday 40 mudane,waxaana diiday hal mudane,waxaana ka aabusay 2 xildhibaan ,gudoomiyuhuna ma codeyn.
Geesta kalena Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha wakiilada somaliland Axmed yaasiin sheekh cali ayaanle waxa uumudanayaasha hortooda ka akhriyeymagacyada xildhibaano keenay golahaasi mooshin xeerka kalluumaysiga..
Daawo:Gudoomiye ku xigeenka kowaad Ee Golaha wakiilada Somaliland Oo ku dhaqaaya natiijada ay kunasixiyeen xeerkaasi iyo magacyada xildhibanada mooshinkaasi keenay oo uu Golaha ka hor akhrinayo..
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live