Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madax weynaha Jubalaand oo kacdoon ka dhan ka...

$
0
0

Madax weynaha Jubalaand oo kacdoon ka dhan ka bilaawday Gedo
May 9, 2018 -
waxaa inasoo gaaraya warar lagu kalsoonan karo ee sheegaya in kacdoon looga soo horjeedo ka bilaawday magalada Gedo waxayna sii hurineysaa xaalada maamul gobaleedyada jubalaand ee hogaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe
baryahii ugu danabeeye waxaa jiray isfaham la'aan dhaxtiilay madaxweyne ku xigeenka jubaalaan iyo Axmed madoobe kaas oo salka ku haayo qaabka uu ula dhaqmo dadka dago deegaanada gedo iyo garbahareey asigooo wali gaarsiin wax horumar iyo talaabo maamul wanaagsan
hadabe waxaa dhawaan magalada moqdishu lagu aas aasey maamul ka dhan Axmed Madoowe kaas oo hogaaminaayo Mudane Abdullahi Ceel mooge waxayna sare u qaadeysaa dhibaatada ku wajagan maamulka jubalaand ee aan cagaha badan ku taagneyn
sikastaba hanoqote waxaa muuqata wali in dowlada federaalka ah ee soomaaliya ka aamusin dhibka iyo caqabadaha ka taagan maamulka jubalaand kaas oo salka ku haayo dadka dega deeganada jubalaand in ay u sineyn maamulkaas
English News
storvideo: 


Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka helay...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka helay Koofur Afrika oo gaaray Wadankaasi...
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiiru Dowlaha Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada XFS oo shir uga qeyb galay Wadanka Morocco "Sawirro"

storvideo: 

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 420-aad

$
0
0

Dhagaystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, oo uu soo jeedinayo Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Qeybtanna waa qeybtii 420-aad.

Embed share
Embed share
No media source currently available
0:00 0:09:25 0:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Wasiirka Batroolka oo kulan la qaatay Danjiraha...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta ee Xukumadda Soomaaliya mudane Cabdirishiid Maxamed Axmed ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Mr. Vebjorn Heines, kaasi oo diiradda lagu saaray sida looga faa'iideysan karo Kheyraadka dalka, isla markaana loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal. Kulanka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Norway ay [...]
storvideo: 

Ugu yaraan lix ruux oo ku dhimatay dagaallo ka...

$
0
0

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay,inka badan toban kalena waa ku dhaawacantay dagaallo xooggan oo maanta ka qarxay degaanno hoosyimaada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah waxgaradka gobolkaasi.
Dagaalladan oo u dhexeeya beelo halkaasi wada-dega ayaa lagu soo warramayaa in ay ku salaysan yihiin aanooyin hore oo ka dhashay colaad in mudda ah ka dhex aloosan beelahaasi oo markii hore ka kacday dhul-daaqsin iyo ceelal lagu muransanyahay.
Degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sidoo kale la soo sheegaya in beelahan ay maanta ku dagaallameen,balse weli si rasmi ah looma hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay,sida ay sheegayan mas'uuliyiinta maamulka Somaliland.
Colaaddan oo marar badan soo noq-noqotay ayaa dhowaan heshiis laga gaaray,laakiin heshiiskaas ayaa burburay maalmo ka hor,kadib markii dad kale lagu laayey meelihii horay loogu dagaallamay..Wixii ka soo kordha kala soco: PUNTLAND POST
The post Ugu yaraan lix ruux oo ku dhimatay dagaallo ka dhacay gobolka Sanaag. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ra’iisal Wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta dhexe ee...

$
0
0

Muqdisho , May 09, 2018- Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka Hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Wasaiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra'iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay [...]
storvideo: 

Faahfaahin ku saabsan Dad badan oo ku dhintay Qarax...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Wanla Weyne (Caasimadda Online) - Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadda Wanla-weyn ee gobolka shabeelaha hoose, sida Idaacadda kulmiye u sheegeen masuuliyiinta gobolka.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj, wuxuuna ka dhacay meel u dhow Aargadda degmadda.
Qaar ka mid ah dad aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in qarxaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux halka ilaa 6 Ruux ay ku dhaawacmeen.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda balse markii uu gudbay uu qaraxa dhacay.
Dadka geeriyooday ayaa waxaa la soo sheegayaa in badankood ay yihiin dadkii Goobta qaraxa uu ka dhacay ku Ganacsanayay,waxana sidoo kale jirtay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasaas fureyn taas oo khasaaha sii kordhisay.
Dad ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalka degmadda , si rasmi ah looma xaqiijin tiradda dhaawaca.- OnlineXafiiska Muqdisho- @live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Qarax ismiidaamin ah oo 14 qof ku dilay Sh/Hoose

$
0
0

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.


Qarax ismiidaamin ah oo 14 qof ku dilay Sh/Hoose

$
0
0

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qof ismiidaamiyey uu 14 qof ku dilay, islamarkaana 15 kale ku dhaawacay suuq ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.
Cabdifataax ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
"Ismiidamiye ka tirsan Al-Shabaab ayaa suuqa qaadka isku qarxiyey, wuxuuna galaaftay noloshiisa iyo 14 qof oo kale, isaga oo dhaawacay in ka badan 15 kale" ayuu Cabdifataax u sheegay VOA.
Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ku yaalla saldhigga milatari ee Belidoogle oo ay ku sugan yihiin ciidmada gaarka u tababaran ee Soomaaliya, iyo tababerayaal Mareykan ah.
storvideo: 

Maamulada Jubalaand iyo Puntuland oo dowlada ku...

$
0
0

Maamulada Jubalaand iyo Puntuland oo dowlada ku bilaaby dagaal cusub
May 9, 2018 -
Waxaa soo shaacbaxay saansaan muujineysa inuu dib u soo noolaadaykhilaafkii Maamul Goboleedyada iyo dowladda FederaalkaSoomaaliya oo toddobaadkan ay mar kale qarxiyeenmadaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo marar badan kudooda inaysan wax shido ah u dhaxeyn maamulkiisa iyodowladda Federaalk ayaa muddo 72 sacadood ah kuqabtay saddex shir jaraa'id iyo khubad jeedin isugu jira oouu si toos ah ugu weerarray dowladda Soomaaliya ee uuhoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland AxmedMaxamed Islaam oo lagu tilmaami jiray inuu u dhowyahay dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay sitoos ah u weerarray hab dhaqanka madaxda dowladdaSoomaaliya, isagoo waliba ay kasoo yeereen ereyadii ugukululaa ee uu ku halgaado dowladda Nabad iyo Nolol.C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay wadaaagaanarrimaha soo socda:
1) Labada madaxweyne ee C/weli Gaas iyo AxmedMadoobe waxay wadaagaan inay wada tageen dalkaImaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhaxeeya dowladdaSoomaaliya uu si weyn u xumaaday, iyagoo dhinaca kaleka horjeeda kaalinta dowladda Qatar ku leedahay dowladaFederaalka Soomaaliya.
2) Gaas iyo Madoobe waxay dowladda Federaalka kuheystaan inaysan dhaqaale fiican ka helin maamuladooda,iyadoo C/weli Gaas uu si cad u sheegay in mashaariicdiidowladda Qatar ku deeqday oo dhamaa 200 MilyanDoolar, lagu koobay Afgooye iyo Jowhar. AxmedMadoobe isagu wuxuu ku celceliyay inaysan dowladda kahelin wax dhaqaale ah oo dhaafsiiyay mushaar ciidamada,culeyskuna ku dhacayo maamuladooda.
3) Maamullada Puntland iyo Jubbaland waa labadamaamul ee gacanta ku haya hanti Qaran, isla markaana kahela dhaqaale aan cidna kula xisaabtamin, waa dekadahaBoosaaso iyo Kismaayo oo aan soo dhaafinmaamulladaasi.
Gabagabadii waxaa muuqata xiriirka MaamulGoboleedyada iyo dowladda federaalka inuu mar kalemadaxa la gelayo khilaaf siyaasadeed oo markan aan laogeyn halka uu ku dhammaan doono, iyadoo ay saameynku leeyihiin dalalka Imaaraadka iyo Qatar.
English News
storvideo: 

Meydka Nin la Gowracay oo in mudo ah yaal deegaanka...

$
0
0

Waxaa barqadii Xaafada Radio Muqdisho Gaar ahaan agagaarka ceelka siyaad dhiti 00 katirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin la gowracay sidoo kale indhaha laga soo bixiyay .
Dadka deegaanka ayaa arkay meydka ninkan oo yaala meel cidlo ah ooo ku raftay markii uu nafbaxayey hareerihiisa uu yaal dhiig badan oo ka baxay ka dib markii la gowracay oo qoorta aan laga jarin balse sidii xoolo loo qalay sidoo kale indhaha laga bixiyay, waxaana si weyn u argagaxay dadkii arkay meydkaasi oo ahaa mid aan deegaanka laga garaneynin.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka lagu arkay meydka ninkan la gowracay oo da'diisa lagu qiyaasay 40-sano jir, lamana oga ilaa hada in goobtaasi lagu gowracay ninkaasi iyo in meydkiisa un la geeyay goobtaasi.
"Meydka ayaan ku aragnay isaga oo meel cidlo ah dhax yaala, waan ka argagaxnay waana garan weynay ninkaasi, waxa uu xirnaa Jaakada Calanka Soomaaliya iyo buumo kaliya, lugtanaa dhaawac hore ayaa uga yiilay hada meydka waa la qaaday ciidamaa u yimid" Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Maamulka Degmada Dayniile iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin meydka ruuxa la gowracay ee lagu arkay xaafadan katirsan Dayniile, laman aga ilaa hada wax uu ahaa ninkaasi la dilay iyo waliba cida dilkiisa ka dambeysay.
Magaalada Muqdisho mudooyinkan laguma arag qof la gowracay oo meel cidlo ah la dhigay, waxaana kaliya magaalada looga bartay in ay ka dhacaan dilal qorsheesan oo loo geesto dad bartilmaameed ah.
Share this:
Related
storvideo: 

Xafladda Caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee golaha...

$
0
0

Muqdiho (SONNA), Xafladda oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ,waxaa dadka lagu marti qaaday ka mid ahaa wafdi ka socday Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Safiirka dawladda Eithiopia ee Soomaaliya Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo Safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaariisow oo marti sharafta xaflada ka qeyb gashay kusoo dhoweeyay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa u sheegay Baarlamaanka Dalka in Shacabka waxqabad dhab ah ay ka sugayaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf , ayaa u jeediyay Baarlamaanka dalka in ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaasha golayaasha wakiilada ee Dowlad goboleedyada Jubaland koonfur galbeed ,galmudug iyo Hirshabeele, ayaa ugu baaqay labada aqal ee Baarlamaanka dalka in wax qalba ay ka horumariyaan danta guud, islamarkaana laga shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod loo gaarsiin lahaa Dalka
Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha SOomaaliya, safiiro iyo diplomaasiyiinta dalalka deriska ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay Xaflada caleemasaarka Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

storvideo: 

Guddoomiyaha cusub Ee Golaha Shacabka Oo la Caleema saaray

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xafladda oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ,waxaa dadka lagu marti qaaday ka mid ahaa wafdi ka socday Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Safiirka dawladda Eithiopia ee Soomaaliya Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo Safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar,  ayaa sidoo kale  hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaariisow oo marti sharafta xaflada ka qeyb gashay kusoo dhoweeyay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa u sheegay Baarlamaanka Dalka in Shacabka waxqabad dhab ah ay ka sugayaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf , ayaa u jeediyay Baarlamaanka dalka in ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaasha golayaasha wakiilada ee Dowlad goboleedyada Jubaland koonfur galbeed, galmudug iyo Hirshabeele,  ayaa ugu baaqay labada aqal ee Baarlamaanka dalka in wax qalba ay ka horumariyaan danta guud,  islamarkaana laga shaqeeyo sidii  doorasho qof iyo cod loo gaarsiin lahaa Dalka
Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha SOomaaliya, safiiro iyo diplomaasiyiinta dalalka deriska ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka  ayaa ka qeyb galay Xaflada caleemasaarka Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
The post Guddoomiyaha cusub Ee Golaha Shacabka Oo la Caleema saaray appeared first on Shabelle.

Guddoomiyaha cusub Ee Golaha Shacabka Oo la Caleema...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xafladda oo aheyd Caleema saarka Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ,waxaa dadka lagu marti qaaday ka mid ahaa wafdi ka socday Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Safiirka dawladda Eithiopia ee Soomaaliya Danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo Safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaariisow oo marti sharafta xaflada ka qeyb gashay kusoo dhoweeyay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa u sheegay Baarlamaanka Dalka in Shacabka waxqabad dhab ah ay ka sugayaan.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf , ayaa u jeediyay Baarlamaanka dalka in ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaasha golayaasha wakiilada ee Dowlad goboleedyada Jubaland koonfur galbeed, galmudug iyo Hirshabeele, ayaa ugu baaqay labada aqal ee Baarlamaanka dalka in wax qalba ay ka horumariyaan danta guud, islamarkaana laga shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod loo gaarsiin lahaa Dalka
Ergayga midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha SOomaaliya, safiiro iyo diplomaasiyiinta dalalka deriska ah iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay Xaflada caleemasaarka Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
storvideo: 

Wararkii ugu dambeeyey Sarkaal iyo 9 ka mid ah...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Wanla Weyn (Caasimadda Online) - Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa maanta lagu qarxiyay deegaan magaalada Muqdisho kaga beegan 80 Km sidoo kale qiyaastii 10 Km oo dhinaca Muqdisho ah kaga beegan degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha amaanka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Gaariga ay saarneeyeen 13 Askari iyo Taliyahooda,waxaana ku dhintay 9 Askari iyo Sarkaalkii la socday.
Guddoomiye ku xigeenka amniga Degmada Wanllaweyn ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Gaari Ciidanka dowaldda ay wateen ay miino kula kacday inta u dhaxeysa Balli-doogle iyo Wallanweyn, halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay.
Ciidamada ayuu sheegay in ay ka soo baxeen Balli Doogle kuna jeedeen Muqdisho,waxaa uu sheegay in Dadka dhintay uu ka midyahay Taliye Urur oo ka mid ah guutada 6aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Taliyaha geeriyooday ayuu magaciisa ku sheegay Mukhtaar Maxamed Caddoow oo ahaa ninka watay Ciidanka uu Gaarigooda Qaraxa haleelay.
Ciidamada dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayuu sheegay in ay geeyeen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli Doogle,waxaa uu intaas ku daray in hal qof oo la tuhmayo loo qabtay weerarkaas.
Degmada Walla-weyn ayaa shalay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 14 qof.
Qaraxaan ayaa ka dhigan in 24 Saac Gudahood ay degmada Walla-weyn ku dhinteen 24 qof oo isugu jira Ciidan iyo Shacab.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo Baarlamaanka ka codsaday inay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalbaday wadashaqeyn dhex marta Madaxtoyada, xukuumadda iyo Baarlamaanka.Isagoo khudbad ka jeediyay munaasabad dib u dhacday o maanta lagu caleemasaaray guddoomiyaha cuusb ee Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheeh C/raxmaan ayuu sheegay in Xildhibaannada looga baahan yahay in ay la xisaabtamaan Xukuumadda ayna la shaqeeyaan.
Wuxuu intaas ku daray in xiriirka ka dhaxeeya Madaxtooyada iyo Xukuumadda uu yahay mid aad u wanaagsan sidaas oo kalena ay muhiim tahay in xiriirka Xukuumadda iyo Golaha shacabka uu noqdo mid joogto ah oo wadashaqeyn buuxda u dhisan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Golaha shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Kkeyre si loo gaaro howlaha horyaalla dowladda Federaalka ah oo ay ugu weyn tahay dhameystirka Dastuurka KMG ah,gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah,dhameystirka Hindise sharciyeedyada dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hanaanka doorasho ee uu qaadanay.- Online
Xafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema...

$
0
0

Muqdisho, 10ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda [...]
storvideo: 

Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabadda caleema...

$
0
0

Muqdisho, 10ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.
Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri "waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn."
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.
storvideo: 

Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan...

$
0
0

Colaad sukeeye ayaa la yidhii maxaad dhashaa waxay tidhi waxaan dhalaa:-1. Guurti aan seexan2. Garasho oyda3. Iyo gocasho danbe ayaan dhalaaHaddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-1. Oday goblama2. Agoon badata3. Iyo uur kutaalo hadha ayaan dhalaaHaddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-1. Durdurkood ka fogaato2. Daaqood aamini weydo3. Iyo dibood u qoomamayso ayaan dhalaaRuntii waa ta maanta taagan waa ta Ceel afweyn ka oohisey waa ta hilbihii is wada dhalay isu bahala gelisey waa taa aynu kawada tiiraanyey sanahay waa taa inagu noqotay kugu dhimay oo kaa dhimay aan dhamaanayn.
Runtii waxaan aad uga werwer sanahay haddii aan xalinta colaadan run iyo Alle ka cabsi lagu salayn waxa ka dhalan kara "consequences".
Colaadda ceel afweyn waxay xujo ku tahay inta damiirka islaamnimadu ku wayn yahay, waxay si gaar ah xujo ugu tahay xukuumada, xildhibaanada guurtida iyo wakiilada kuwaas oo awood sharci (legitimate power) u haysta baajinta dhiiga daadanaya, xukuumada cusubi waxay samaysay dadaal laakiin nasiib daro wali nabadii way dhutinaysaa oo may xidhmin, dawladdu arrinta Ceel afweyn si mug iyo miisaan leh haw u gasho Illaahayna ha u talo saarato.
Ugu danbayn waxaan xasuusin lahaa cid kasta darajaduu doono hayeeshee oo si dadban ugu jirta hurinta colaada Ceel afweyn, Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel iyo maal ku bixisa ama niyada ka taageerta in ay lamid yihiin kuwa xabada ridaya ee naftooda cadaabta ku tuuraya.
Wuxuu yidhi Abwaan Faarax Nuur Alle Haw Naxariistee"Midh yaroo la maarayn karaaMaadhiyey iidooreMasiibadu mar waa tii dhacdee".Maanta kala hoyda
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)governance002@gmail.com 063-4488215 ama 063-3412339
storvideo: 

Akhri-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee wadani...

$
0
0

(Toggaherer)-Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee wadani Ayaa Xukuumda ku Dhaliilay Wax ka qabashada Colaada Ka Soo cusboonaatay ceel afweyn.
Masiilyiinta saresare Ee xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa ayaa baaq nabadeed udiray jufooyin walaalo ah oo ay diriri ku dhexmarta deegaanka ceel afweyn.
C/raxmaan Maxamed c/laahi (cirro) oo ah Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo arrintaasi ceel afweyn ka soo cusboonaatay ka hadlaayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan:
(marka kowaad waaan halkani tacsi uga dirayaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeryoday shalay shaqaaqooyinkii ka dhacay ceel afweyn aad ayey ayaan darou tahay in muddo 3sanno kabadan in uu inagu soo noqnoqdo dagaalkaasi ehliga ah xukuumadu arrintaasi way ku dhe jirtay intaasi dadka shacbiga ah salaadiinta dhaqanka intaasi way ku dhex jireen ,waxaana cadaadaty in ay xukuumadu halkaasi ku fashilantay o ay nabadaasi xidhi kari wayday ,waxaana la yaab leh in madaxweynihii somaliland uu isna yidhi baaq ayaan diray ,waxaana la rabay in uu amar diro,madaweyne kale odalkaukuma kuma ogin ee ma siilaanyaa dalka xukuma wali ,waxaanay hadda tusaysaa shacbiga tag yaraanta xukuumada ee hadda jirta, waana in la joojiyaa durbaanka colaada ,dadkuna waxay garan waayaan ayey farta ku fiiqayaan dee waxaasi meesha halaga saaro,waxay nabadu u idhmi laadahay waa in ay xukuumadu baadhaa).
Geesta kalena Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah Ee isbiga wadani C/qaadir jirde ayaa ydhi:Gobolkaasi sanaag waa gobol fog waana gobolka hadhay horumarkii ,waa gobolka hadhay mashaariicihii kala duwanaa ee dowlada ,una baahnaain la badhi taro saena loo aado ,waxaana muuqata in ay boqnaha isgoynayaan ,waxaana weeyaan dadkaasi walaalaha ah in xukuumadu talo adag ka soo saarto o dib loogu noqdo ninkii nin dila in dariqii sharciga ahaa la mariyo ooshareecadalagu xukumo waxana loo baahan yahay in xukuumadu halkaasi tagto oo ay dagto aaanu u sheegaynaa madax dhaqmeedka iyo culimo u diinka deegaanka sanaag in ay iyagu hormuud noqdaan xukuumaduna gacan bir ah ku qabato ,xukuumada baaq loogama fadhiyo iyo madaxweynahaba waxa lagaaga fadhiyaa in aad adigu dirto wasiirkaaga arrimaha gudaha iyo wasiiradaada oo aad dagto ooaad tidhaahdo halkaasi ha ka imanina idinkoo aan nitiijo ka gaadhin,ka xisbi ahaanna aad iyo aad ayaanu iga xun nahay ,waana dhiig inaga wado daadanaaya).
Dhankiisana Xirsi Cali Xaaji xasan oo ah hogaamiyaha xisbigaasi wadani oo goobtaasi ka hadlaayey ayaa sheegay:(Waxaanu aad uga murugaysan nahay dadka dhibaatadu ka soo gaadhay ee dhowr iyo tobnka qof ku geeryodeen oo dad badani dhaawac soogadhay sida la sheegay waxaanu ka xisbi ahaan tacsi u diraynaa dadka wixii dhintay iyo wixii dhaawacmayba oo aanu leenahay Alleh ha shaafiyo ,waxaanan ugu baaqaynaa dadka halkaasi jooga iyo inta wax ka qaban kartaba in iyagu dhibta iska daayaan inta wax ka qaban kartana in la gurmado waxaana masuuliyiinta qaranka Somaliland masuuliyiin looga dhigaa in ay dadka ummada hogaamiyaan ooay ilaaliyaan oo ay ka ilaliyaan dhibta ay isku gaysanayaan ,waxaanan leeyahay madaxweynaha oo baaq jedinaayey in aydu baaq jeedisaan la idiima diran ee waxaa laidiin dirtay oo awooda qaranka waxaa laidiinku dhiibay in aad u isticmaashaan oo aad joojisaan colaadaasi).
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live