Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shabaab: "Dayaarado Kenyan ah ayaa na soo weerarray"

$
0
0

Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in galabta ay dayaarado duqeeyeen dhowr meelood oo ah Kismaayo oo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin al-Shabaab.


Faalada Halganka: Alshabaab oo soo noolaaday kadib markii ey dhinteen!!!

$
0
0

Ururka Alshabaab ayeey naftii ku soo noqotay kadib markii ay dhinteen taas oo ka dambeysay soo gelitaanka ciidamada dowladda Kenya oo weerar ku soo qaaday gobolo ey Alshabaabku ka talin jireen laakiin kamid ah dhulka Somalia ee muqadaska ah.

Ururka Alshabaab ayaa dhintay sanad ka hor kadib markii ey qarxiyeen ardaydii Hotel Shamow iyagoo halkaasi ku laaayey dhalinyaro dhakhaatiir ku noqotey dalka Somalia, saraakiil iyo madax wax ku ool u ahaa dalka Somalia oo uu ka mid ahaa Professor Caddow iyo kuwo kale. Markaas ka hor ayeey qarxiyeen salaadiin, dhalinyaro iyo madax uu hormuud ka ahaa Col. Cumar Xaashi oo la ogaa sida uu ula dagaalay ugana qeyb qaatay ka xureynta dalka ciidamdii Xabashida ee weerarka ku soo qaaday. Col. Cumar Xaashi ayaa lagu xusuustaaa inuu uga soo tegay madaxweynaha haataan dalka ka taliya iyo madaxda kale dalka Eriteriya iyagoo hoteelo jiifa isagoo sheegay inuusan hotel deganaan doonin inta ciidamo Xabashi ahi wadanka heystaan isagoo ku guuleeystay inuu qeyb wen ka qaato xoreyntii iyo dib u soo celintii dalka Somalia.

Ururka Alshabaab ayuu sakaraad xun u soo hoyday waxayna galeen kooma kadib markii baabuur qalaabi ah oo ay ka soo buuxiyeen bambooyin iyo musmaaro ay la beegsadeen dhalinyaro isugu jirtay bulsha weynta somalia isla markaasna dilay inta badan 100 arday, ardaydaas oo doonayay in dalkooda ay wax usoo bartaan, kadibna al shabaab waxay ku faaneen iney laayeen gaalo.

Galabtaas ayaa Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo ogaaday in Alshabaabku dhinteen lana aasay subaxdii xigtay maalinta qaraxa xasuuqa.

Laakiin meeshii laga filayey in la aaso ayaa waxaa soo baxay in dowladda Itoobiya dalka soo gelisay kun askieri walow markii dambe ay ka baxeen kadib  qeylo dhaan websiyada soomalidu ka sameeyeen arintaas kadib.

Isla markii waxaa soo baxday in ciidamda Sawaaxiliga kenya ay wadanka soo galaan iyadoo aan la ogeyn mandate ey ku soo galeen wadanka iyagoo waliba aan is qarineyn ee ku faanaya iney Alshabaab kula dagaalayaan gudaha wadankeena iyagoo aan cidna weydiisan iney soo galaan wadanka.

Marka wadan fargelinayo wadan kale waa inuu ka heystaa maandate urur caalami ah sida UNka iyo ururada kale ee la mid ah laakiin Kenya illaa iyo hadda lama oga cidda u ogalaatay iney wadankeena soo galaan iyo goorta ey ka baxayaan midna.

Waxaa la ogyahay in Kenya waligeed sheegan jirtay gobolada jubooyinka ee dalka Somalia iyadoo hadda ka hor ey ku yiraahdeen Siyaad Barre haddii aad NFD sheegato anaguna Kismaayo iyo Raas Kaambooni illaa iyo Bu'aale ayaan leenahay iyagoo sheegay in dadka asal ahaan halkaasi deggan ey ka soo jeedaan Kenya taas oo ah wax lagu qoslo.

Marka laga soo tago sheegada Kenya ee gobolada Jubooyinka ayaa haddana waxaaba intaasi ka daran in Alshabaabkii baabi'iyey shacabka ey hadda si caadi ah u soo noolaaday iyagoo waliba jiifkii xanuunka ka kacay ee hadda is taagay kadib markii Kenya dalka qeyb dhan ka qabsatay iyagoo ku mar marsiyoon doona iney dalka ka xoreyn doonaan ciidamada Sawaaxiliga Kenya.

Beelaha Soomaaliyeed ee dega goboladaa Jubooyinka ayaa haatan bilaabay iney is abaabulaan iyagoo dhaar ku maray iney dalkooda ka difaaci doonaan ciidamada Sawaaxilaga ee soo weeraray dhulka Soomalia iyadoo aan la ogeyn maantdate ey ku socdaan marka laga reebo iney sheegeen inay la dagaali doonaan Alshabaabka.

Tolow imissa sano ayeey qaadan doontaa iney cirib tiraan Alshabaab ciidamda Kenya oo aan waligood la dagaalin Somalida.

Si kastaba, waxaa la hubaa in hadii Kenya ay sii wado dagaalka ay ka waddo dalka Somalia ay mari doonto meeshii ay mareen ciidamadii Xabashida ee dalka xoogga ku soo galay.

Waxaa la gula talin lahaa dowladdda Somalia in dhulka haddii eyba ciidamo shisheeye geynayaan ay geeyaan kuwa Uganda iyo Burundi ama haddii uu jiraan ciidamo wadamo kale oo aan dalka xudduud la laheyn. Haddii ay sidaasi dhici weydo waxaan shaki ku jirin in Alshabaab  ay si caadi ah u soo noolaan doonaan Kenyana aan lagu fiirsan doonin dalka Somalia ee muqadaska ah.

halgankanet@gmail.com

14 ku dhawacantay Bam Gacmeed Lagu weeraray Club Nairobi ku yaal

$
0
0

Nairobi:- bam gacmeed ayaa lagu weeraray club ku yaala nairobi subaxnimadii hore ee maanta oo isniin ah , waxaana falkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 14qof sida ay sheegeen warbaahinta dalkan laga leeyahay
weerarka oo dhacay salaadii subax ka hor ayaa lasheegay inuu ka dhacay Mfangano Street oo ku yaala down townka nairobi , qof ayaa lasheegay in uu bam gacmeed ku tuuray clubka isla markaasina cararay sida ay ku waremeen goob joogayaal
ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo dhinaca dowlada kasoo baxay iyadoo lasugayo waagu markuu beryo in arintaasi war laga oran doono isla markaasina faahi faahinta la heli doono
weerarkan ayaa imanaya xili dowlada kenya ciidamadeedu gudaha u galeen somalia si ay ula dagaalmaaan al shabaab , waxaana sidoo kale jirtay hanjabaado alshabaab warbaahinta ka shegeen oo ka dhan dowlada kenya
xigasho 
Reuters and Capital FM 
Galgalanews 
 

Mas’uuliyiin ka hadley warar sheegaaya in ay qaar kamid ah Dhawacyadii lakeeney Turkiga ay bilaabeen in ay usoo gudbaan Gariiga

$
0
0

Ilyas Cali Xasan iyo Ra'iisal Wasaare C/Wali Gaas oo wada taagan
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Turkiga ay deeq waxbarasho u fidisay Boqolaal Arday Soomaali ah waxaa soo baxayay hadalheynta ku saabsan sida ardadaasi ay uga faaídeysan karaan deeqaha Waxbarasho iyadoo latuhunsanaa in qaarbadan oo ardada kamid ah ay beeldareyn doonaan fursadahaasi waxbarasho islamarkaana ay ay soo Tahriibayaan.
Dhowaan waxaa soo baxaayey in qaar kamid ah dadkii dhawacyadooda loo keeney dalka dalka Turkiga lagu arkay iyo qaar kamid ah ardadii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga in ay bilaabeen iney kasoo gudbaan taasi oo niyad jab ku noqonaysa dadaalka dowlada turkiga ay ugujirto in dhankasta ay kasaacido shacabka Soomaaliyeed qaasatan dhanka waxbarashada.
Ilyas Cali Xasan oo ah Xubin katirsan Dowlada Hoose Caasimada dalka Gariiga Athens, horeyna u ahaa Guddomihii Jaaliyada Soomaalidadalka Gariiga ayaa xaqiijiyay inay jiraan warar sheegaaya in dhalinyaro ka tirsanaa ardadii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga inay soo gaareen dalka Gariiga kuwaasi oo doonaya inay ugasii gudbaan wadamada kale ee Yurub.
Ilyaas Cali xasan ayaa arintaan kumicneeyay inay tahay mid sharaf dhac u ah magaca Shacabka Soomaalieed iyo kan dowladuba maadaama lafilayay in ay soobaxaan dhalinyaro Mustaqbalka aqoon iyo hormumar kusookordhinlaheyd dalka.
Mar uu lahadlayay saxaafada ayaa Ilyaas waxa uu kaga hadlay afar qodob kuwaasi oo ay kamid ahaayeen dhibaatada adag ee shacabkaSoomaaliyeed ku heysta wadamada ay Tahriibta kusoo maraan sida Gaariiga & Serbiya, Italy, iyo Malta .
1-Dalka Gariiga waxaa kusugan Soomaali farabadan oo marxalado adag ku heysta halkaasi hadii ay ahaanlaheyd nolosha oo ciriiri ah, iyo weliba xiligan oo sii adkaatay ka bixitaanka dalkaasi iyadoo Soomaalibadan ay halkaasi ku go’donsan yihin mana jirto cid gargaar ama bini’’aadanimo wax ugu qabata iyadoo ay usii dheertahay xabsiyada dalkaasi oo Soomaalibadan ay ka buuxaan,sidaasi darteed uu kula talinaayo in Soomaalida ay joojiyaan usoo Tahriibida dalka Gariiga.
2- Dalka Seribia waxaa kusugan Soomaali Kor udhaafaysa 500 oo ruux kuwaasi oo markii ay ka bixi waayeen dalka Gariga maciinbaday inay halkaasi qabtaan waxaana haatan Soomaalidaasi ku heysata dalka Serbiya mid kasii adag Noloshii ay uga carareen dalka Gariiga, dalka Serbiya waxaa ku yaala kaamam Qaxooti aansidaa usii badneyn oo ay maamusho Hayada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada midoobay waxaana haatan lasoo sheegayaa in kamamkaasi ay buuxsameen oo soomaaliban ay laýihiin meel ay seexdaan ama ka cunteeyaan, halkii habeen dadka kaamamka jiifka ka heysan waxay ku seexdaan (3 Euro) oo u dhiganta lacag ku dhow (5 $) mareykanka ah iyadoo aan cunto la socon taasi oo qofka tahriibka aanan awoodin iyadoo ay jiraan Roobab iyo dabeyloo baraf wata oo xiligan kabilowday dalkaasi Serbiya.
3- Waxa uu baaq u jeediyay Ardada Soomaaliyeed ee deeqaha Waxbarasho ka helay dalka Turkiga inaykaa faa,ideystaan fursadaha qaaliga ah ee ay heleen aanay ku qaldamin fikrada qaldan ee laga dhaadhiciyay oo ah inay soo Tahriibaan maadaama Soomaali badan oo iyaga kahor lasoo qalday ay maanta ku dhibaataysanyihiin dalal badan oo katirsan Konfurta Yurub kuwaasi oo hadafkoodi ahaa inay soo gaaraan wadamada horumaray ee Yurub balse lakulmay wixii ay filayeen wax kaduwan taasoo ah xaqiiqda meesha taala.
4- Waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibataada dalka Somaaliya ka taagan khaasatan Qaraxyadii ugu dambeeyay ee lagu laayay dadka rayidka ah iyo Ardada Soomaaliyeed isagoo baaqyo ujeedayay kooxaha dhibaatada wada inay u aabayeelaan maatada aanwaxba galabsan iyo Mustaqbalka dalka.
Ugu dambeyntii isagoo ku amaaney dedaalka ay durba bilaawdey Safarada Somalida dalkaasi kuleedahay oo buraarujineysa dadkii loo soo qaadey dalka Turkiga iyo sidii ardada uga faaideysan lahaayeen iyadoo dhanka kalena uu dowladda KMG ah iyo Safarada Somaliya ee Turkiga ugu baaqay inay sii laba laabaan wax ka qabashada dhibaatada dhalinyada Soomaalida ah ee naftooda ku soo haliga Tahriibta, si aanay looga caajisin wax u qabadka dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay jiraan Arday ka go;an inay kasalgaaraan hadafkooda waxbarasho balse kooxo ardadaasi ah ay xumeynkaraan xiriirka Labada dowladood Turki iyo Somalia.
Wabillahi Towfiiq
Waxaa qoraalkaan nasoo gaarsiiyey
Somali Community in Greece
scomgr@gmail.com

AMISOM Commanders Meet With Somali President Over Ongoing Deynile Operations

$
0
0

The commanders of the Ugandan and Burundian contingents of the African Union Mission in Somalia today met with the President of the Transitional Federal Government of Somalia to discuss the ongoing operations being carried out in Mogadishu’s outlying Deynile district. On Thursday, AMISOM in support of the Somali National Army, launched an operation aimed at [...]

Diyaarado Duqeeyay Kismayo

$
0
0

Shalay ayaa dayuurado waxeey duqeeyeen u geeysteen Magaalada Xarunta u ah gobolka Jubadda hoose ee Kismayo, iyagoo beegsaday dhowr saldhig oo ay leeyihiin Al-shabab
Laba qarax ayaa laga maqlay meel qiyaastii 1km u jirta dekadda Kismaayo.
Weli lama oga qasaaraha ka dhashay duqeeyntaasi oo ay kooxda al-shabab ku eedeeysay dowladda Kenya.
Hadaba duqeeyntaasi ayaa waxaa VOAda ugu Waramay Col: Warfaa Sheikh Aden Dheere oo ka tirsan saraakiisha hogaamineeysa ciidamada Dowladda KMG ah ee ay wada socdaan kuwa Dowladda Kenya.
Wareeysiga halkan hoose ka dhageeyso

Faransiiska oo ku soo biiray Howl galka Kenya ka wado Koofurta Soomaaliya

$
0
0

Dowladda Faransiiska ayaa markii u horeysay ku soo biirtay howl galka Kenya ka wado Koofurta Soomaaliya ee ku baacsaneyso Kooxda Al-Shabaab, iyadoo Diyaarado ay leeyihiin Faransiiska iyo Maraakiib dagaal ay duqeeyeen Saldhigyo Shabaab. Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in Markab dagaal uu leeyahay Faransiiska uu duqeeyay deegaanka lagu magacaabo Kudhaa oo [...]

Qarax Bambaano oo xalay lagu weeraray Goob lagu caweeyo oo ku taal Magaalada Nairobi

$
0
0

Qarax bambaano ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taal Magaalada Nairobi eedalka Kenya, iyadoo qaraxaas ay ka dhasheen qasaare dhaawacyo ah. Abaarihii 1:30 ayaa nin aan heybtiisa la garan waxaa uu meel banaanka ka ah Club ku yaala Bartamaha Magaalada Nairobi kaga tuuray Bam gacmeed, iyadoo ilaa 14-ruux oo dhamaantood [...]


Kenya Says Western Nations Join Fight in Somalia, as U.S. Denies Role

$
0
0

A Kenyan military spokesman, Maj. Emmanuel Chirchir, said that “one of the partners,” possibly the United States or France, had been behind airstrikes in the past few days, killing a number of Shabab militants. The French Navy has also shelled rebel positions from the sea, the Kenyan military said in a statement. Two senior American [...]

Nairobi nightclub grenade attack injures 14

$
0
0

A grenade attack on a nightclub in the centre of the Kenyan capital, Nairobi, has injured 14 people. The grenade was thrown in the club early on Monday morning – the motive was not immediately clear. The attack comes a week after Kenya sent troops into Somalia to track down members of the militant group [...]

Raila Odinga; "Annaga ayaa duqeynayay Kismaayo, waxaana weeraraka la beegsanay goob ay ku sugnaayeen saraakiil ajaaniib ah"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo saxaafadda la hadlay ayaa ku faanay in ciidamadooda cirku ay weerar ku qaadeen magaalada Kismaayo oo ka mid ah meelaha ay al Shabaabku gacanta ku hayaan.

Odinga waxaa uu sheegay weerarkaas dhinaca cirka ah ay fulintiisa gacan ka siiyaan wadamo raar Galbeed ah oo uu saaxiib ku sheegay, wuxuuna sidoo kale ku celceliyay in dagaalka ka dhanka ah al Shabaab ay sii wadayaan.

Dowladda Kenya ayaa dhanka kale sheegtay in diyaaradahoodu ay duqeeyeen goob ay magaalada Kismaayo uga sugnaayeen saraakiil Ajaaniib ah oo al Shabaab ka tirsan, inkastoo saraakiishaas magacyadooda iyo waxa gaaray aysan sheegin.

Kenya ayaa haatan si bareer ah u soo gashay dhulka Soomaaliya waxayna ugu marmarsiyootay dagaalka la caalamiyeeyay ee al Shabaab ka dhan ah, laakiin waxay dad badani qabaan in Kenya ay wadato qorshe kale oo ka duwan kan ay hadda shaacisay.

halgankanet@gmail.com

 

Ciidamada AMISOM oo xalay duqeyn culus u geystay degmada Dayniile iyo dhimasho duqeyntaas ka dhalatay

$
0
0

Degmada Dayniile waxaa saakay ka cararaya dadkii yaraa ee halkaas ku sugnaa kadiba madaafiic xalay ay ciidamada AMISOM ku garaceen deegaankaas.

Warbaahinta oo la hadashay qaar ka tirsan saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Dayniile ayaa soo xigatay warar sheegaya shacab ku dhintay duqeyntii xalay oo sida la soo weriyay aad u cusleyd.

Tan iyo Khamiistii la soo dhaafay waxaa degmada Dayniile ka socday dagaalo galaaftay nolosha dad badan, islamarkaasna barakiciyay dadkii horay halkaas barakaca ugu noolaa.

Degmada Dayniile ayaa waxaa hadda saaran shiishka AMISOM, waxayna ciidamadaas isticmaalayaan awood xad dhaaf ah.

halgankanet@gmail.com

 

Dagaalo maanta ka soconaaya degmada Dayniile iyo duqeymo xoogan oo xalay Dayniile lagu garaacay

$
0
0

Dagaalo goos goos ah ayaa waxay maanta ka soconayaan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana xalay degmada Dayniile lagu garaacay madaafiic aad u xoogan.
Ciidamadda Amisom ayaa waxay xalay madaafiic xoogan ku garaaceen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna madaafiicdu qeyb ka ahaayeen qorshaha la-doonaayo in Xarakada Al Shabaab looga saaraayo degmada Dayniile.
Duqeymaha xalay lagu duqeeyay degmada Dayniile, ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u xoogan, isla-markaana waxaa laga wada maqlaayay deegaanada loo-barakacay iyo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Marka laga soo taggo duqeymaha xalay lagu garaacay degmada Dayniile, ayaa waxaa maanta ka soconeyso dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garbsanaaya Ciidamadda Amisom iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay iyadu sheegtay inay difaacan doonto gacan ku heynta degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxay kaloo sheegtay inay dalka oo dhan xoog uga saari doonto Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay shalay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan dagaalo culus ee ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Itoobiya oo sheegtay in ay ka fiirsanayso in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya.

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaaladaAddis Ababaee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay shaaca ka qaaday mar kale inay ka fiirsaneyso inay ciidamo u dirto mar kale gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ahna Ra’isul wasaare ku xigeenka Itoobiya Hayle Maryan  ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ciidamo ay u diraan Soomaaliya, inkastoo uu sheegay inay qorsheynayaan sidii ay ugu biiri lahayeen howlgalka Kenya ay kula dagaalameyso Xarakada  Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay Al-shabaab ka saarayaan dalka Soomaaliya oo dhan sida uu yiri.
“Al-shabaab dhibaato ayey ku hayaan guud ahaan gobolka gaar ahaan wadamada deriska la ah Soomaaliya, sidaas dareteed waan taageersanahay howlgalkaKenyaee Soomaaliya, waxaana ku dedaali doonaa inaan gacan ka geysano, inkastoo aan ka fiirsan doono inaan ciidamo u dirno Soomaaliya” ayuu yiri Hayle Maryam oo warfidiyeenada kula hadlay magaaladaAddis Ababaee xarunta dalka Itoobiya.
Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in dalalka ku midoobay IGAD marka laga reebo sida uu yiri Eretrae ay ku heshiiyeen inay ciidamo u diraan Soomaaliya si buu yiri ay uga qeybqaataan dagaalka lagala soo horjeedo Xarakada Al-shabaab.
Mr. Hayle Maryan ayaa howlgalkaKenyaay ka wado Soomaaliya waxa uu ku tilmamay mid dhabaha u xaari karta xasilooni ka dhalata Soomaaliya, wuxuuna intaasi raaciyey in beesha caalamka ku taageerto qorsha ay ciidamada ku geynayaan dalalka IGAD gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa gudaha dalka Soomaaliya hore waxay ugu soo daabushay ciidamadeeda, kuwaas oo gacan sinayey dowladdii uu hogaaminayey Col. C/laahi Yuusuf ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004-tii, hase ahaatee waxay dagaalo qaraar isaga horyimadeen xoggagii kasoo horjeeday soo gelitaanka cidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya sida xoogga ah ku soo galay.


Waberi district wins the ‘support the peace’ soccer tourney in Somalia

$
0
0

24 Oct 2011.The ten-day long Futsal tournament which was intended to encourage peace and youth integration in Somalia has successfully concluded at the Raghe Ugas school field in Mogadishu on Saturday with boys from Waberi district winning the trophy after defeating their Wadajir distcirt rivals by 2-1 in the hotly-contested final match.
The final match attracted the attention of many including officials from Somali Football federation, Somali Athletics federation and delegates Somali Diaspora community in UK.
Along side the tournament there were also other athletics competitions held for young women including 100meters running and relay race. The young women who were also members of the SYL 2 students were representing their districts in the capital during the competition.
Somali Athletics Federation vice president for international relations Abduillahi Mohamed Saneey and Abdirahman Mire who was talking on behalf of the Somali sports community in UK praised the youth group for its efforts in peace building through sport.
“I actually see some major developments here, it is unimaginable and here in front of you I confirm that the SYL 2 group has achieved more than can be done by such youth group—I say you continue from here” Somali Athletics federation vice president for international relations Abduillahi Mohamed Saneey told the media at the end of the monthly competition.
For his part Abdirahman Mire, one of the driving forces of the Leicester stars sports club said that the old SYL was the group of young people who scored Somalia’s independence in 1960 and that the SYL 2nd was flowing behind the foot steps of our fathers of independence.
“Somalia is currently experiencing a difficulty era, it its you [SYL2} who are wanted to take a great role in putting the country out of the long-running problems—I am sure that the positive job you are doing will help more in peace building and guiding the Somali youths to the right direction” Mire told the media during a colorful ceremony in which young girls were presented medals for their victory in the relay and 100 meters running competitions.
The Waberi district boys will receive their trophy by the end of the month during the group’s monthly workshop.
Farah Hajji Ali a senior SYL official said that his youth association is intended to educate more than 1000 Somali youths in sport, mechanics, tailoring and computer by the end of the year. “We want them to be professionals in these different fields so that they may be able to serve for the country and people in the near future” Farah noted.
He added that SYL’s programs are prioritizing two sectors which are to fight against youth unemployment and protecting young people from being monopolized by war-mongers and terrorists in the country.




_________________________________________________________
By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Waberi district wins the ‘support the peace’ soccer tourney in Somalia

$
0
0

24 Oct 2011.The ten-day long Futsal tournament which was intended to encourage peace and youth integration in Somalia has successfully concluded at the Raghe Ugas school field in Mogadishu on Saturday with boys from Waberi district winning the trophy after defeating their Wadajir distcirt rivals by 2-1 in the hotly-contested final match.
The final match attracted the attention of many including officials from Somali Football federation, Somali Athletics federation and delegates Somali Diaspora community in UK.
Along side the tournament there were also other athletics competitions held for young women including 100meters running and relay race. The young women who were also members of the SYL 2 students were representing their districts in the capital during the competition.
Somali Athletics Federation vice president for international relations Abduillahi Mohamed Saneey and Abdirahman Mire who was talking on behalf of the Somali sports community in UK praised the youth group for its efforts in peace building through sport.
“I actually see some major developments here, it is unimaginable and here in front of you I confirm that the SYL 2 group has achieved more than can be done by such youth group—I say you continue from here” Somali Athletics federation vice president for international relations Abduillahi Mohamed Saneey told the media at the end of the monthly competition.
For his part Abdirahman Mire, one of the driving forces of the Leicester stars sports club said that the old SYL was the group of young people who scored Somalia’s independence in 1960 and that the SYL 2nd was flowing behind the foot steps of our fathers of independence.
“Somalia is currently experiencing a difficulty era, it its you [SYL2} who are wanted to take a great role in putting the country out of the long-running problems—I am sure that the positive job you are doing will help more in peace building and guiding the Somali youths to the right direction” Mire told the media during a colorful ceremony in which young girls were presented medals for their victory in the relay and 100 meters running competitions.
The Waberi district boys will receive their trophy by the end of the month during the group’s monthly workshop.
Farah Hajji Ali a senior SYL official said that his youth association is intended to educate more than 1000 Somali youths in sport, mechanics, tailoring and computer by the end of the year. “We want them to be professionals in these different fields so that they may be able to serve for the country and people in the near future” Farah noted.
He added that SYL’s programs are prioritizing two sectors which are to fight against youth unemployment and protecting young people from being monopolized by war-mongers and terrorists in the country.




_________________________________________________________
By Shafi’i Mohyaddin Abokar

Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya oo sheegay in shalay ay Kenya duqeysay magaaladda Kismaayo

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay iyadu ka dambeysay duqeymo shalay loo-geystay magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegtay inay ku baacsaneysay Al Shabaab.
Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya Rayla Odinga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay iyadu shalay fullisay weerarada loo-geystay magaaladda Kismaayo, taasoo uu sheegay inay ku baacsanayeen dagaal-yahanada Al Shabaab.
“Weerarada shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo anaga ayaa fullinay, waxaana gacan nagu siisay mid ka mid ah Dowladda Reer Galbeedka” ayuu yiri Raa’isal Wasaaraha Dowladda kenya Rayla Odinga.
Wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso inay sii wado la-dagaalanka Xarakada Al Shabaab, wuxuuna sheegay in Al Shabaab ay tahay koox dhibaato badan abuureysa, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay cagta marin doonaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay ka nabad hesho khatar uu sheegay inay uga imaaneyso dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo uu ku sifeeyay kuwo xiriir la-leh kooxda tunka weyn ee Al Qaacida.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay xalay sheegtay in duqemahaasi ay fulliyeen diyuuradaha dagaalka ee Dowladda Kenya, waxayna ku hanjabtay inay ka aar-gudan doonaan Dowladda Kenya.

Dowladda Faransa oo sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso dagaalada lagu burburinaayo Xarakada Al Shabaab

$
0
0

Dowladda Faransa ayaa waxay maanta shaaca ka qaaday inay ku biireyso la-dagaalanka Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegtay inay dhibaatooyin baaxad leh ka wado gudaha dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba.
Dowladda Faransa ayaa waxay daboolka ka qaaday inay qorsheyneyso in Xarakada Al Shabaab ay burburiso, waxay kaloo sheegtay inay gacan balaaran ka geysaneyso qorshayaasha lagu ciribtiraayo Al Shabaab.
Diblomaasi u hadlay Dowladda Faransa oo ku sugan magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Faransa ay isku diyaarisay in Xarakada Al Shabaab ay la-gasho dagaalo xoogan.
Wuxuu sheegay in xeebaha Soomaaliya ay u direen markab dagaal, kaasoo uu sheegay in uu gacan ka geysan doono duqeymaha dhinaca cirka ah ee la-damacsan yahay in laga fulliyo deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab.
Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa waxay soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Dowladda Faransa, waxayna Dowladda Kenya sheegtay inay haboon tahay in loo-midoobo dagaalada lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horeysay oo ay Dowlad Yurbeed sheegato inay duqeymo ka geysaneyso gudaha dalka Soomaaliya, duqeymahaasoo ay sheegtay inay ku baacsan doonto Al Shabaab.

Dowladda Yugandha oo shaacisay in ay ka warheysay soo gelitaankii ciidamada Kenya ee soomaaliya.

$
0
0

Dowladda Yugandha ayaa waxay sheegtay inay ka warhayeen soo galitaanka ciidamada Milatariga dowladdaKenyaee gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo hadda howlgalo balaaran ka wada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Afhayeenka ciidamada Yugandha Col. Felix Kulayigye ayaa sheegay in go’aankii ay dowladda Kenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya ay cadeyn u tahay sida uu yiri  in dhibaatada dalka Soomaaliya ay tahay mid khuseysa gobolka geeska Afrika iyo dhamaan qaraadda Afrika, balse aysan quseyn oo keliya Yugandha iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Mr. Felix ayaa sidoo kale sheegay inay ka warhayeen inKenyaay ciidamadeeda soo galayaan gudaha Soomaaliya oo ay ku soo biirayaan howlgalka Midowga Afrika ee nabadda loogu raadinayo sida uu yiri dalka soomaaliya.
“Ka hor inta aysan dunida ogaan go’aanka ay dowladda Kenya ku soo gashay Soomaaliya waxaa jiray xariiro dhowr ah oo aan wada yeelanay Kenya, kuwaas oo ku saabsan soogelitaanka militerigeeda ay soo galeen dalka Soomaaliya, hadda si dhow baan ula soconaa talaabo kasta oo ay qaadayaan ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Yugandha Felix Kulayigye oo la hadlay Saxaafadda.
Afhayeenka ciidamada Yugandha Felix Kulayigye ayaa ugu dambenytii sheegay in dalka Yugandha iyo kuwa kala ee geeska Afrika ay u soo jeesteen sida uu ku dooday wax ka qabashada xaaladda amni darro ee ka taagan dalka Soomaaliya, taas oo saameyn ku yeelatay geeska Afrika.
Dowladda Yugandha ayaa waxay ka mid tahay dalalka ku lugta leh howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaano AMISOM ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii, iyadoo ciidamo gaaraya ilaa 9,000 oo askari oo ka kala socda wadamada Yugandha iyo Burundi ay ka garab dagaalamayaan ciidamada dowladda KMG oo dagaal kula jirta ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye iyo jiritaanka dwladda KMG.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live