Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Journalist shod dead in Galkayo

$
0
0

GALKAYO : 04 FEB 2012—–Former Puntlandi media  journalist was shot dead in Northern Galkayo’  Puntland administered side on Sunday evening , Puntlandi learns.
The witness said that Ali Ahmed  Abdi , around 20s  who was working in Galkayo for the past several years has been  shot dead by unknown gun man outside his home in Galkayo.
Ali Ahmed was Puntlandi’s Galkayo correspondent , for the past one year, but he stopped working on it after he told Puntlandi Administration he was going to Uganda for higher education.
It is second death of Somali journalist in less than a week. A former Radio director was killed on Tuesday in the Somali capital Mogadishu..
According to a friend Ali Ahmed Abdi was a member of Radio Galkayo staff for the past three years . Radio Galkayo, a community radio operating since 1993  has been attacked several times by unknown culprits .
Puntlandi.com


Faallada Halganka: 8da Maarso, Maalinta Haweenka ee Caalamiga ah, haweenka Soomaaliyeedse waa sidee xaaladoodu?

$
0
0

Sanad walba maanta oo kale laga soo bilaabo sanadkii 1909 waxaa dunidan aan ku noolnahay siyaabo kala duduwan looga xusayay maalinta Haweenka ee caalamiga ah, maalintaas waxay Haweenkakoonka ku nool u tahay astaan u gaar ah oo ay ku il-doogsadaan.
Dunidan dusheeda, qarnigan aynu ku jirno waxaa wadamada qaar lagu arkaa Haween horboodaya hogaanka iyo horumarka deegaanadooda ama dalalkooda, sidoo kale waxaa la arkaa haween si xun loola dhaqmo ama u liidan oo aan xitaa hooyonimo loo xushmadeyn.
Haweenka qaarkood waa la faquuqaa, qaarkood waa hagardaameeyaa, qaarkood kale oo badanna waxaa loo layacaa siyaabo badan oo aan qormo qofi aoray lagu soo koobi karin.
Dhankeeda haddii aan u soo dhaadhacno Haweenka Soomaaliyeed, hooyooyinka Soomaaliyeed waxay abid ahaayeen kuwa huga iyo garashadaba ka qani ah oo aan cad la quura laheyn, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa xiliyadii uu dalku ku jiray gumeysigii tooska ahaa.
Ragga iyo haweenku waa midig iyo bidix diinteena Islaamkuna waxay haweenka siisay xuquuqda waafi ah oo aan saluug laheyn, xuquuqdaas oo runtii ka sareysa tan ay hadda heystaan ama la sheego in la siiyay haweenka ku nool dunida horumartay, haweenkaas oo qaarkood ay xitaa yihiin madaxda ugu sareysa dalalkooda.
Soomaaliya dowladdii kacaanka aheyd oo ka tis-qaadeysa Hanti-Wadaaga beri dunida kula xafiiltami jiray Hanti-goosadka ayaa waxay mar qura ku dhawaaqday in Haweenka iyo Ragga dhnka kasta ka siman yihiin, hadalkaas ama go'aankaas oo runtii doodo diimeed iyo ismaan-dhaafyo badan dhaliyay balse aan arrintaas u daayo meeshii looga soo haray iyo wixii laga dhaxlay.
Labataankii sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa la ogaaday xaqiiqda dhabta ah ee Hooyo ama Haween ku aasay, waxaa la ogaaday in Haween la'aantood aan hambada Soomaali ka hartay nolol looga tashadeen kadib markii ragii ay u kala qeybsameen, gacan ku dhiigle, uur-ku dhiigle, jeebka ku dhiigle, af ku dhiigle iyo meel walba ku dhiigle.
Miyi iyo magaalaba waxaa marag ma doonto ah in hooyooyinka Soomaaliyeed ay u hubqaateen islamarkaasna naftooda u hibeeyeen badbaadinta inta ka hartay maatida Soomaaliyeed ee dhinacyo badan midida looga afeysanayo.
Waxaad arkeysaa runtii hooyo Soomaaliyeed oo diifta, habaaska iyo hujuumka u babac-dhigeysa si ay u quudiso dhallaankeeda, u bixiso waxbarashadooda iyo caafimaadkooda balse nafteeda ilowday oo aan xitaa dib u eegin lafaheeda.
Hadal badan haan ma buuxshee Soomaaliyeey qiyaas maanta meesha aan joogno iyo meesha aan joogi laheyn haddii sida Raga Soomaaliyeed ay u dhaqmeen welina u dhaqmayaan ay haweenkeenuna u dhaqmi lahaayeen!.
Mahad Alle ayaa iska leh, Allahaas oo Rixim hooyo nagu beeray kadibna, nagu koriyay dhabteeda iyo dheecaankeeda.
Haween waa hooyo, Hooyana waa Haween.
halgankanet@gmail.com 

OWN: Wareysi Ku Saabsan Munaasibada Xuska Maalinta Haweenka Aduunka Ee 8MARS oo Aanu La Yeellanay Ifraax Cali Kirix oo Ah Mudane Ka Tirsan Gollaha Deegaanka Magaalada Jönköpind ee Dalka Sweden

$
0
0

SWEDEN(OWN)- Dhageystayaasha & akhristayaasha qiimaha badan waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Wareysi aanu la yeellanay IFRAAX CALI KIRIX oo ah mudane ka tirsan gollaha deegaanka ee magaalada Jönköping ee dalka Sweden, Wareysigan oo ku saabsan xuska maalinta aduunka ayaanu ka wareysanay Ifraax Cali kullamo & xus maanta lagu sameeyey magaalada ay mas,uulka ka tahay ee Jönköping, Ifraax oo ah gabadh aad ugu firfircoon shaqadeeda ayaanu sidoo kalle wax ka weydiinay guud ahaan xuquuqda dumarka aduunka omaanta loo dabaal degey,
Waresiga waxaa la yeeshay Ms: Ifrah Wariye Barkhad Cabdillaahi Maxamed oo ku sugan Studia shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews ee dalka Sweden, Hadaba wareysigaa oo dhan Dhageysi Haboon;-

Ifrah Ali Kirix

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

Baxsan “Hees Haameed”‏, Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”

$
0
0

Bismillaahi Raxmaani Raxiim; Asalaamu calaykum waraxmatullhaai wabarakaatuhu
Salaanta islaamka kadib waxaan halkaan ka salaamayaa shaqaalaha shabakada Oodweynenews.com iyo dhamaan
bahwaynta soomaaliyeed meelkastoo ay joogaanba. Intaas kadib waxaan caawa jeclaystay inaan kusoo gudbiyo
“Hees haameed” aan magacdaray baxsan oo jawaab u ah mid hore oo la oran jiray “Baxnaano” oo ay tirisay
Faadumo Macallin Cali oo website yada kusoo daabacday taasoo ay usoo bandhigtay bahwaynta soomaaliyeed
gaar ahaana aysu,aalo kusoo waydiisay bahda Abwaanada soomaaliyeed kuwaasoo aan isku dayay inaan
aragtidayda kaga jawaabo intii illaahay iga garansiiyay.
1: Baxsaneey walaashayda baaqeeda heestaada !
2: Baxnaanaa isoo gaadhay biligteeda aan dheehday
3: Bogu waa i boodbooday beerkayna ii dhaaftay
4: Baal-haadintaadiina Barniyeey kusoo leexday
5: Bulshadeena bayhooftay baahidu dhamaynayso
6: Bushigooda guumoobay balaayada hareeraysay
7: Bahalkaas cantuugaayoo baradooda ku cunaaya
8: Burundiga xasuuqaaya bilcaanteena boobaaya
9: Beebahaa amxaar keenay oo lagu baduugaayo
10:Baroontiisa keenyaanka bililiqada dumarkeena
11:Biidhiqaatahaas dhoohan oo baaq u diranaaya
12:Biddahana inoo keenay baladkeena ku xereeyay
13: Bal intaanan baabkooda Baxsaneey ka faaloonin
14:Barqadiyo bankaad sheegtay biyahaa dareeraaya !
15: Beeshaad tilmaamayso abaartaa budhlaynaysa
16: Doogaa balliga jiifoo boorkuna ka haadaayo
17: Caanahaas la beegaayo ciirtaas butaacaysa
18:Xoolana bidhaantooda basarkaagu qaban waayay
19:Baxsaneey sarbeebtaada badnhigeeda faah-faahin
20:Bal aan sheego malahayga bisinkana u kaalmaysto
21:Badaheena ceegaaga baadkuna ka wada buuxo!
22:Baladkeena khayraadka Baarigu ku maansheeyay
23:Barbaarteenu garan wayday bakhtigana ka ruugayso
24:Birmad aan u fidin waynay cid lasoo baxdana waayey
25:Balaayaduna boobaysoo bilaash gaalku ku cunaayo
26:Burcaduna kusoo yaacday biilkana ka dhiganayso
27: Bulshadii ka dhimanaysoo baahidu ka laynayso
28:Bi,i waaye laga oomay bannaanadana laga joogo
29:Baan mooday baayeey’e bal ma helay jawaabteeda??
30:Ma bayaanshay xaalkeeda mise buur kalaan fuulay?
31: Bidhaantii ma heli waayay baradii ma waydaartay?
32:Barrigeena quruxdiisa bilicdiyo leh khayraakda!
33:Baadkiyo cagaarkiisa Baarigu nimcada siiyay
34:Bidhaanteeda qoraxdeena barigaa kasoo nuurta
35:Baraf li,i kulaylkeeda badankuba ku raaxaysto
36:Beeshii aduunkoo dhan baafinayso helideeda
37:Beeyadiyo fooxeena buuraha ka wada buuxa
38: Batroolkaas butaacaaya oo jiifa baladkeena
39:Bulshadii ka dhimanaysoo baahidu ka laynayso
40:Bi,i waaye laga oomay bannaanadana laga joogo
41:Baan mooday baayeey’e bal ma helay jawaabteeda??
42:Ma bayaanshay xaalkeeda mise buur kalaan fuulay?
43:Bidhaantii ma heli waayay baradii ma waydaartay?
44:Baaruuda aad sheegtay billaawahakan dhiigaysayn!
45: Baabi,inta doorkeena masjidyada bannayntooda
46: Culimada birayntooda dumarkeena basanbaasay
47:Boojimo ka dhigadkooda bilisteena layntooda
48: Barakicinta cidaheena beebaha ku qixintooda
49: Banaankana u saarkeena baydkooda gubideena
50: Baroontaa warjeefaysa baabi,isay shacabkeena
51: Biimada tahriibkeena badda laysku tuuraayo
52: Bacadkaa lugayntiisa saxaaraha baqoolkeena
53:Boqolaalka dhimanaaya bahalkuna cantuugaayo
54:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay!
55:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
56: Baha baha’ha weyaane Baxsaneey bal iga hooya
57: Beel-beesha weeyaane Barniyeey ogsoonaada
58:Bushigii qabiil weeyee Baari hayna waydaarsho
59:Bugtadii is quur-quursi iyo baawar isugu faanka
60: Baa dhalisay boogtaase birmadkeeda iga hooya
61: Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin
62: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
63: Buktadaasi nagu daynin baha baho illowgeena
64: Beelaysi diidkeena bulshadeena midowgeeda
65: Baariga u noqodkeena diintana ku bayrkeeda
66: Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno (NNKh))
67:Badi towbad aan keenoo boobnana kitaabkeena!
68:Baadilkana la wada diido beentana ka dheeraano
69:Beerka xumaha laga saaroo buufinaa is eedaynta
70: Baryihii lasoo dhaafay buugeena laga suulsho
71:Baarigeen haloo laabtoo aakhiro bal aan eegno
72: Banka laysku bixinaayo bacadkiyo kulaylkiisa
73: Baaqii Illaah sheegay yaynaan ka noqon baadi
74: Berri iyo xisaabteeda aynu beerka ka ogaano
75:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
76:Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
77:Bulshadiise fulin maysoo belaan aragnay baayeey’e
78: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
79: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
80:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
81: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali
82:Hooyada baroorteeda boqongooyay wiilkeedu!
83: Baydkeeda laga saaray banaanada wareegaysa
84:Bilcaanteena ooyaysa badankeeda loo dhaafay
85:Boobkiyo farayntooda bawdyahooda qaa-qaawan
86:Baastarkiyo xumaanlowgu banaanada ku faganaayo
87: Baquuqdooda yeeraysa barqadii la wada daawan
88: Bakaarahana gudihiisa Burundigu ku fuulaayo
89: Bacaawiga amxaarkiina barbarkiisa ka cunaayo
90: Baacii sankaa waynku beebaha ku meegaaray
91:Biddahaas kusoo yaacay bilililqada shacabkayga
92:Baroontana ku baacbaasan baladkooda gudihiisa
93:Bahdilkiyo xumaantooda bulshadayda lagu haayo
94:Bukaansocodka odaygeena aabaheena booyaaya!
95:Biixiyaha ka naafoobay bawdada ka kala haaday
96: Boohintiisa wiiqdeeda buuruhu ka daba qaylin
97:Buuqiisa dhiilaysan barrigoo dhan wada gaaray
98: Beerkeena awalaada barqin gaalku uu qaatay
99:Boobkiisa ubadkeena banaanka iska yaal’yaala
100:Baydkiisa uu gaystay baybalkana ku korinaayo
101:Baladiyo Cross qaatay ka boqoolay diinteena
102:Biirka boobayoo laacin sigaarkana buftaa haaya
103:Balwaduna halaagaysoo buundada ka tuurayso
104:Biriijyada ka duulaaya ba,ay oo cidlada taagan
105:Buubay oo hawada aaday haad baale aad moodo
106:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay!
107:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
108:Baha baha’ha weyaane Baxsaneey bal iga hooya
109: Beel-beesha weeyaane Barniyeey ogsoonaada
110:Bushigii qabiil weeyee Baari hayna waydaarsho
111:Bugtadii is quur-quursi iyo baawar isugu faanka
112:Baa dhalisay boogtaase birmadkeeda iga hooya
113: Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin
114: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
115: Buktadaasi nagu daynin baha baho illowgeena
116: Beelaysi diidkeena bulshadeena midowgeeda
117: Baariga u noqodkeena diintana ku bayrkeeda
118:Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno>(NNKH)
119:Badi towbad aan keenoo boobnana kitaabkeena!
120:Baadilkoo la wada diidoo beentana ka dheeraano
121:Beerka xumaha laga saaroo buufinaa is eedaynta
122: Baryihii lasoo dhaafay buugeena laga suulsho
123:Baarigeena loo laabtoo aakhiro bal aan eegno
124:Banka laysku bixinaayo bacadkiyo kulaylkiisa
125: Baaqii Illaah sheegay aynaan ka noqon baadi
126: Berri iyo xisaabteeda aynu beerka ka ogaano
127:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
128: Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
129:Bulshadiise fulin maysoo belaan aragnay baayeey’e
130: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
131: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
132:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
133: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali
134:Belaayada u yeerkeena hadba bowd u orodkeena!
135:Baryadeena cadowgeena baabi,iyay shacabkeena
136: Baaqaan u diranayno kuwii buulka naga saaray
137:Balanbaliyay ubadkeena baaskaana noo keenay
138:Boogteena tusidooda baxnaanada ka dalabkeena
139: Badinteena keenyaati baladkeena ku hogaamin
140:Bacawgii amxaar baafin booweheen ku sheegeena
141: Bahaladaan is diidaaya boqnajaraya soomaali
142: Badbaadada u diidaaya midba bawd u rooraayo
143:Bidhaanteeda nabadiina marba buuq ku kicinaaya
144: Buurdheer ka tuuraaya bixintiisa shacabkeena
145:Baxsadkeeda nabadeena baadideed lasoo waayay!
146:Bari goortii loo doonay dhanka bugux kuwii geeyay
147:Bidhaantiina naga leexshay bulshadana ka qarinaayay
148: Biligtiyo iftiinkeeda raggii doonayoo baafshay
149:Kuwii boorka kaga awday bahalkiyo cidlada siiyay
150: Baylihiyay shacabkeena boogahana noo yeelay
151: Billaahidiyo dhaartooda beentiyo is qarintooda
152: Balaayo u adeegooda daacadnimo ka bayrkooda
153: Bulshadiyo midowgeeda isu soo bax diidkooda
154: Bushi galinta nabadeena shirarkeena boogaynta
155: Boohintiisa calankeena xornimada birayntooda
156: Ba,aydiisa magaceena buska saaran sharafteena
157: Baabi,inta qarankeena barraadli,ida madaxdeena
158:Balaayooyinkaaso dhan birmadkooda iga hooya!
159:Baxnaanaynta nabarkeena bal aan sheego baayey’e
160: Burcadaa na naafaysay boqnajaraya ehelkeena
161:Wuxuu baranin shacabkeenu buugoodu uu laabmin
162: Baabkooda laga guurin beentooda laga raysan
163:Bukhaariga markaan raacno baranaa kitaabkeena
164:Baarigana la kaalmaysto Baxsaneey ku toosnaano
165: Baha baha’hana aan diidnoo beelaysi laga guuro
166: Bulshaduna walaalowdo beegsadaana tawxiidka
167: Barinaa Illaaheenoo u bandhigano xaalkeena
168:Bal aan raacno nabigeena baaqiisiyoon yeelno>(NNKH)
169:Bugtadaan ka sheekeeyay iyo qaar kasii baahsan!
170:Baaxadoodu waynaatay buuga aanan ku cadaynin
171:Barta maanta aan joogno waxa beesha gaarsiiyay
172:Balaayooyinkaasoo dhan waxa beerayoo keenay
173:Waxa soo ballaysiiyay bood boodshayoo qaaday
174: Biidhiqaate raga baasoo baladkooda iib geeyay
175:Baacnimada Soomaali barraadli,ida shacabkeena
176: Buufiskiyo is baacbaasiga beelaha is nicidooda
177: Biil ku cunista dhiigeena baayicida ehelkeena
178:Boosraadin madaxwayne baarlamaan jacaylkeena
179:Beeshayda maba dhaafto bixinmaayo xukunkayga!
180:Baridaan kursiga saaray banayn maayo abidkayga
181:Berigaan anaa xoog leh bulshadana u talinaaya
182:Baydkayga aan buuxsho beesadana aan kaydsho
183:Barbaarkayga aan dhoofsho baariisna aan geeyo
184: Bilcaantayda baabuuro bal aan guriga ugu keeno
185:Bal’aan xaaska dubay geeyo hasoo booqatee heedhe
186: Boosas aan usoo iibshoo bogcad aan u weeqaaro
187: Beeshayda idilkeeda baljim aan u diro boowe
188: Biyo kulule aan geeyo beryo aan dalxiis aadno
189:Badbaaduna waxa weeye oo lagu baxnaanaynin!
190: Baladaasi nagu dhaafin buulkeena kaga guurin
191: Buktadaasi nagu daynin boogteena lagu caafin
192:Bulshadoo is wada raacda biidhiqaate tuuryaysa
193:Baacsada ragaan sheegay baladkooda ka xoreeya
194:Bawdkeena laga saaro kuwa boobay shacabkeena
195: Baladkeena loo diido kuwa beesha gadanaaya
196: Boorsadooda loo tuuro burinaa dhamaantooda
197: Baydkeena laga oodo raga biilka nagu raadsan
198: Bi,inaaya sharafteena keenyaana u baaqaaya
199:Bacaawiga tigree keenay baradeena soomaali
200:Burundina usoo yeertay bawdkeena soo taagay
201:Biddahana la saaxiibay baladkeena ku xereeyay
02:Baxsaneey qiyaastayda bartaasaan kusoo koobay
203: Baxnaanaynta qoyskeena birmadkeedu waakaase
204:Bulshadiise fulin mayso belaan aragnay baayeey’e
205: Bal Illaah ha garansiiyoo Baarigu hasoo jeedsho
206: Baxnaanada hanoo keeno asagaan baryaynaaye
207:Bal aamiinta igu biirsha birmadkeeda ducadayda
208: Bal inuu Rabbigu yeelo oo bixiyo Soomaali
Qore: Safiyo Aw Axmed Xaaji “Dhalkheyr”
Email: dhalkheyr@hotmail.com

Gaari Dad Shacab Ah kula rogmaday tuuladda Geelgub iyo Dadkii oo Wali Baaburki ku Jiifo.

$
0
0

Muqdisho:(GMN) Dhowr qof ayaa geeriyootay halka qaar kalene  ay dhaawecmeen kaddib markii uu rogmaday gaari TM  ah ku sii jeeday magaalda Muqdisho.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira ragg iyo dumar, kuwaas oo ka soo safaray gobolka galgaduud gaar ahaan Ceeldheer, waxa uuna ku sii jeeday magaalada Muqdisho,
Gaariga TM-ka ah ayaa ku qalibmay ama ku rogmaday Geel gub oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe.
Gaariga TM-ka ah ayaa ilaa iminka ku jiifa rakaabkiisaraana, waxaana la sheegayaa in dadka qaar ay dabanayaan caiwinaad si looga dulqaado gaariga oo si diran urarnaa.
Dadka ilaa hadda dhimadooda la soo gubiyay ayaa waxaa laga aqoonsaday Shamso Daahir Maxamed Afrax oo ka mid hayd ganacsatada sida weyn looga yaqaano gobolka galgaduud, gaar ahaan Ceel dheer.
Maxamed Muxuyadiin Xuurey iyo cabaas Maxamuud Shiikh Axmed Caraay oo ku kala sugan magaalaooyinka Nairobi iyo Ceel Dheer ayaa usheegay wariye Maxamed Shidane Dabaan in gaari TM ah uu ilaaa hadda ku duljiifo dad rayid ah oo ubadan Rag iyo Dumar ayna ka warheleen, kaddib markii soo wacay kirishboygii gaariga, waxa ayna shilka ku tilmaameen mida sababay khasaaro aad u weyn dhimashada dhowr qof.
Kirishboygii gaariga oo shilkan ka badbaaday ayaa u waramay Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo khadka telifoona kula xariiray , waxa uuna u sheegay in uu aad uga naxasan yahay qeylada ka yeeraysa rakaabka uu gaarigu ku duljiigfo.
Waxa uuna hadalkiisa ku daray in uu maqlayay dadka rakaabka ah oo ashahaadanaya, islamarkaana dalbanaya caawin iyo sidii dadka gaariga looga dulqaadi lahaa, waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay kirishboygu in aysan haysan qalab ay uga dul qadaan gaariga rakaabka ku hoosjiraan.
Shilkan oo ah mid si xun ku dhacay ayaa illa hada aan si toos ah aan loo shaacin karin qasaaraha dhabta ah ee u sababay maadaaama uu dhacay xilli habee ah  iyadoo goobtaasinaa aaan laga helin isgaarsiinta casriga ah.
Shilkan ayaa ku soo aadaya iyada oo maanta guud ahaan caalamka laga xusayay maalinata Haweenka aduunka, waxaana shilka ku dhimatay SShamso Dahir Maxamed Afrax oo gacanacsto caan ah ka ahayd gobolka galgaduud.
By: Mohamed Ali Abdi Royter
Gedoonlinenews@gmail.com

WAAH-WAAH:- Fanaaniintu Kalla Cod Tolmoone. Waa Fanaankii Qarniga Mukhtar Cisman & Hees Cusub oo Lagu Magacaabo DHOOF

$
0
0

Dhageystayaasha sharafta leh waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees aad u macaan oo uu qaadayo fanaanka Codka Layaabka ah leh waa Al-Fanaan Mukhtaar Cisman, Heestan oo ah hees aad u macaan fanaanka Mukhtarna uu codkiisa ku farro yareystay waxaa Ereyadeeda Sameeyey Abwaan Maxamed Cabdiqadir Colhaye & laxankii Cabdinasir macalin Caydiid, Muusiga waxaa u tumay Cabdi Abiib, Waa Codkii Fanaaka Mukhtaar Cisman Aadan Ee Nagulla Raaxeysta

Al-Fanaan Mukhtar

Tacsi Tiiraanyo Leh oo kusocota Eng.Karar Shugri dhoomey.

$
0
0

Kenya:(GMN) Tacsi Tiiraanyo Leh oo Loo Dirayo Qoyska Reer Maxamud Macalin.
Xaliimo sheekh Adan.
Karar Shukri Dhoomey
Nasro Maxamud Macalin
Axmed maxamud Macalin
Sadam maxamud macalin
Faysal Cabdi Cabdile
Shukri Cabdi Cabdile.
Faiso Xasan Xaash
Dhamaan Walaalahaeen, Edadeen,  eheladii iyo Qarabadii  uu ka geeriyooday Marxuun Maxamuud macalin. oo ku geeriyooday Xerada qaxootiga ee Xagar dheer. 08.03.2012 waxaay leeyihiin ilaahay janaddii Fardowsa ahayd haka waraabsho Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo Iimaan Allaha kasiiyo.
Sidoo kalena Bahda Gedoonline Waxaay Si Gaar ah Uga Tacsiyaynaysaa Eng. Karar Shugri Dhoomeey oo marxuumku Adeer u Ahaa.
Gedoonlinenews@gmail.com

Wararkii Ugu Danbeeyey Markabkii Budhcad Badeedu Haysatay& Budhcad Badeeda Somalida oo Shuruud uga Dhigtay Soo Deynta Markabka Mv Layla in la Soo Daayo Saaxiibadooda ku Xidhan Somaliland.

$
0
0

Berbera(OWN)-Markabkii ay dhawaan afduubeen budhcadu kaas oo siday Gaadiid tiro badan oo gadhaya ilaa 150gaadhi oo ay leeyihhin dad reer Somaliland ahi, oo mudooyinkii u danbeeyay Budhcad badeeda Soomalida wada xaajood ku saabsan soo dayntaa markabkaa lala waday ayay shuruudii ay markaa  hore ku xidheen soo dayntiisa bedeleen taas oo ayad in la bixiyo kharashkii ka galay soo qabashadan markabkan, taas oo sida wararku sheegayaan uu maalgaliyey ganacsade eer Puntland ahi, talaabadan cusub ee ay qadeen Budhcad badeedu ayaa ah mid sii murginaysa xaalada uu markabkani ku sugunyahay.

 Budhcad badeeda Soomaalida ee heysta Markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah ayaa siideynta markabkaasi ku xidhay in maamulka Somaliland uu uga bedesho maxaabiis ay fal-dembiyeedyo Budhcad badeednimo ah ku xidheen maamulka Somaliland.
Siday faafisay wakaalada wararka ee Reuters nin magaciisa ku sheegay Yuusuf Cali oo ka mid ah budhcadda heysata markabkaas oo lagu magacaabo MV Leila oo ka diiwaangashan dalka Panama una socday magaalada Berbera ayaa sheegay inay rajeynayaan helitaanka lacag Madax-furasho oo kooban oo markabkaas laga siiyo, balse ay doonayaan in mas’uuliyiinta Somaliland marka hore ay siidaayaan saaxiibadooda xukuman ee xabsiyada maamulka Somaliland ku jira, kuwaas oo loo xirdhy falal la xidhiidha
Burcadbadeednimo.
“Ma sii deyn doono Markabka inta laga sii deynayo saaxiibadeena ku jira xabsiyada Somaliland, Somaliland way na hadidaa, waxayna nagu xukuntaa 20-sanadood oo xabsi ah, halka aanu Yamen ku qaadano 7-sano oo keliya” ayuu yidhi ninkaasi kooxaha budhcad badeeda Soomaalida u hadlay.
 shirkada iyadu wakiilka ka ah markabkan oo la yidhaahdo Cigaal Shiping Agency ayaa dhawaan ugu baaqday dadkii ay wax u saarnaayeen markabkan in ay yimaadaan Xafiiska Shirkada ee magaalada Berbera.
Dhinaca kale waxay maamulka hirkadu ugu baaqeen Ganacsatada Soomaalida ee degan Somaliya iyo Puntland in ay ka hawl galaan soo daynta markabkan hadii kale uu carqalad ku keeni karo Ganacsigii ka dhexeeyay Dadkaas.
Si kastaba ha ahaatee markabkan ganacsi ee u rarnaa maamulka Somaliland ayaa waxay kooxaha budhcad badeedu afduubteen bishii hore ee Febaraayo gudaheeda, ayeysan maamulka Somaliland ilaa iyo hadda ka hadlin shuruudda ay ay ku xidheen budhcad badeedu sii deynta markabkaasi.
 
Khadar Jamac Xaashi
Oodweynenews,Berbera


Ardayda wax ka barata Addis Ababa Medical College Miyaanay Ahayn muwaadiniin meeyey xaqii ay ku lahaayeey Qaranka Somaliland, By. Mohammed Hussein Farjar

$
0
0

Waxay ahayd abaara 7 fiidnimo 26/October/2009  markii aan anigoo soconaya galay albaabka Addis Ababa Medical College Hargeisa-Branch oo ku taal fooqa sagal jet dushiisa, markii aan dhawr jaranjaro kor u fuulay waxaan gaadhay dabaqa sare waxaana kula kulmay Nin isugu kay sheegay inuu Yahay Maamulaha Jaamacada Magiciisuna yahay Mustafe, Is barasho dabadeed waxaan ka waraystay jaamacada Addis ababa tayadeeda iyo level keedaba waxa uu ii sheegay  inay tahay jaamacad tayo sare leh 7 Compus oo kalena ku leh gudaha Dalka Ethoipia, wuxuu intaa iigu daray inay Bixiso departements farabadan oo ay ka mid yihiin Public Health.Clinical Nursing iyo qaar kale, level keeduna yahay Degree Programm,  aniga xiisahayga ugu weyn wuxuu ahaa barashada Public health ga ( Caafimaadka Guud),  dabadeed waan ku qancay sida uu wax iigu sheegay iyo documents ka uu i tusayba, intaa ka dib wuxuu i faray inaan is register gareeyo berito, shuruudaha la iga rabaana yihiin shahaadada dugsiga sare, 4 sawir oo kur ah iyo $20 oo registration Fee ah, subixii ayaan imid anigoo shuruudihii soo buuxiyey ka dib waan is diwaan geliyey, ka dibna waxa uu i faray maamulku inaan 28/October/2009 u soo diyaar garoobo imtixaan, imtixaankiina waan galay waxaana ka mid noqday ardayda ku guulaysatay, intaa ka dib waxaan class kii waxbarasho bilaabay 1/Nov/2009. waxbarashaduna si dardar leh ayey noogu bilaaban tay aniga iyo ardaydii aan isku fasalka ahayn, hanaanka controll ee markaa jirayna aad ayuu u adkaa xataa waxaa adkayd inaad hesho waqti firaaqa ah oo aad nusasaacayso, waxaan wadnoba waxaa gebegeboobay semester kii koowaad oo 4 bilood ka koobnaa intaa wixii ka danbaysay waxaa isa soo tarayey gabaabsi xoog leh oo ku yimi waxbarashadii jaamacada, laakiin waxaan kaga baxnay oo sahay noo ahaa dedaalkayaga, waxba yaan hadal kugu daaline waxaa isa soo riixay maalmo badan bilo badan iyo sanadoba waxaaana  ku dhex calaamadsanay maalmo gaar ah oo xasuus nagu leh, xasuustu wax kale maaha ee waxay ahayd mid murugo waxaan xasuustaa maalin aan ka dalbanay maamulka inaanu joojino waxbarashada gebiahaanteedba waayo maanu haysan macalimiin tayo leh oo na hagta lacagta nalaga qaadayayna waxay ahayd lacag aad u badan gaadhaysana $240, waxaa kaloo xasuus igu ah in macalimiinta qaar noola dhaqmi jireen si aan wanaagsanayn oo aanay waajibaadkoodaba gudan jirin, maalmo kale oo aanan qoraal ku soo koobi karayn ayaan la soo tacaalnay intaa ka dib, waxaa si lama filaan ah xilkii looga tuuray maamulkii Markaa jaamacada Hagardaameeyey, ayaamo ka dib waxaan dareenay yididiilo cusub waxayna rajadayadu u muuqatay inaan soo kabanay, laakiin waxa taa mar labaad burburiyey markii arday jaamacada ka mid ahi heleen nuqul docement oo sheegaya in jaamacadu tahay Diploma level ee aanay degree ahayn taas ayaana welwel badan na gelisay, waxaana nala haboonaatay inaan gudida jaamacada gacanta ka saarno nuquladii ardaydu heshay oo aanu niri u tebiya maamulka bal waxa cadayn uga yaal inay meeshu degree level tahay, maamulkii way inkireen document gii waxay buuqbuuqaan ba waxaa kulan isugu yimid arday metalay jaamacada waaxeheeda kala duwan iyo Maamulkii jaamacada oo ka kooban dhawr xubnood oo uu ugu tun weynaa nin naloogu sheegay inuu Yahay ninka leh Jaamacadaha Addis ababooyinka oo dhan oo ku kala yaal meelo badan oo ethopia ka mid ah iyo tan hargeisaba, kulankooda waxay ku sheegeen in meeshu tahay diplome, laakiin iminka ay u kuur gelayaan sidii ay uga dhigi lahaayeen degree taas ayaa sii kicisay dareenka ardayda gaar ahaan arday hore u qalin jebisay oo aan wax shahaadooyin ah la siin iyo arday iminka qalin jebinay oo ay u hadhay 14 maalmood oo keliya iyo qolo sadexaad oo  aan anigu ka mid ahay 8 bilood u hadhsan yihiin, hadal iyo dhamaad waxaa tebinta maqaalkan igu kelifay hadal badan oo ku biiray maankayga iyo wacyigelin aan u dirayo dhamaan ardayda dalka, intaa marka laga yimaado waxaan maqaalkan gunaanad uga dhigayaa yaa ka masuula inay ilaaliyaan tayada iyo aqoonta ardayda dalka wax ka baranaysa? yaa loo aanayn karaa inay shaqadoodii dayaceen? hadii ay jiraan arday badan oo dhibaatadan la il daran yaa masuul ka ah dayaca haysta? Ardayda jaamacadaha Private-ka ah wax ka bartaa ma dalka ayey arday u yihiin mise waa ajnabi? suaalahan jawaabtooda akhriste adiga ayaan kuu dhaafayaa.
 
By.
Mohammed Hussein Farjar
Public health senior
Addis Ababa Medical College
Mohamedfarjar@hotmail.com
www.Facebook.com/farjar
+252-2-4488461
—————————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Khilaafka Warshada Sibidhka ee Berbera,Xalkeeda Xukuumada ha loo Daayo, Qalinkii, Adan Yusuf Cilmi

$
0
0

Khilaafkii ka aloosnaa warshadda sibidhka ee Berbera ayaa maalmihii ugu dambeeyey meel xasaasi gaadhay, waxaanna loo baahanyahay in xukuumadda ay arrintan si toosa u soo afjarto , isla markaana ay gacanta ku hayso arimaha ku saabsan khayraadka umadda ka dhaxeeya , iyadoo ku hagaysa shuruucda loogu talo-galay in lagu maamulo hantida Qaranka.
 Waxaanad moodaa in arrintu ka bilaabantay koox reer Somaliland ah oo xukuumaddii hore ee Rayaale siisay iyo koox kale oo taageersan in ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxaana lagu muransan yahay sidii dib loogu kicin lahaa wershadii Sibidhka Berbera ama mid kale oo cusub looga yagleeli lahaa.
   Waxaana aan ognahay in khilaafka warshada sibidhka ee ka taagani uu ahaa arrin muddo dheer soo jiitamaayey, guud ahaana haddaynu nahay qaran wax kasta oo ku soo kordha  Somaliland dawlad ay leedahay, iyadaana laga rabaa inay keento nidaam ama xeerkii lagu kala hago khayraadka dabiiciga ah, khilaafkaasi waa mid halis gelin kara ammaanka.
 Waxaana aynu la soconaa in ay  xukuumaddu  u dirtay wefti uu hogaaminayo  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale ( Duur), ayna weheliyaan  Xildhibaanada Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan).
Weftigani ka socda xukuumada ayaa markiiba kulamo kula yeeshay Xarunta guriga martida ee Berbera dhinacyada isku haya dhulka la doonayo in laga dhiso Wershada Sibidhka.
Mar haddaynu Qaran nahay waxa xukuumadda looga baahanyahay inay sharciga ay arinta ku soo dabaasho, waxkastana laga hormariyo degenaanshaha iyo xasiloonida ,cidlastaana kula shaqayso xukuumada, wixii khilaafaad horseedi karana laga digtoonaado.
   Waxaana laga maarmaana in waxii  ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah ,aan loo baahnayn in cid gaar ahi maamusho, isla markaana waa in laga fogeeyaa inay maamulaan, shakhsiyaad iyo shirkaddo iwm,  khayraadka dabiiciga ah dadka oo dhanba wada leh, waa inaanay cid gaar ah manafacaadsan, dadkuna waxay ka midaysanyihiin in waxan la wada leeyahay, markaa waxaan leeyahay xukuumaddu iyada ka masuulee waa inay samaysaa maalgelin la wadaago.
  Waxaana loo baahanyahay in xukuumadu xal ka gaadho wershada sibidhka Berbera oo hadalhaynteedu badatay, iyadoo ay imika muddo todobaad ku dhow magaaladda Berbera la Ruxmaysay khilaafka arrintaasi oo ka dhex aloosan labo kooxood midna ku doodaysa xukuumaddii hore ee Rayaale ayaa na siisay iyo kooxda kale oo iyaduna tageeraysa Shirkadaha doonaya inay maalgeliyaan wershada Sibidhka.
 
Qalinkii, Adan Yusuf Cilmi
adanyusuf@hotmail.com
—————————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Waxaad ceebta utaqaan ragbay caadadiisa tahay, Waa qormo dheer oo sharaxaysa faraqa udhaxeeya Madaxweynayaashii soo maray Somaliland,Waa, Qalinkii: Mohamed Isma,il Omar(M-biid)‏

$
0
0

 
Tan iyo mudadii ay xilka haysey xukumada madaxwayne Axmed siilaanyo waxaa iska soo daba baxayay
Dhaliilo iyo ee daymo kala duwan oo salka ku haya nidaamka hogaamineed ee xukuumadanWaxaana dhaliilahan iyo ee daymahanba lagu sheegayaa nidaam horleh iyo habdhaqan fool xun ooKa muuqata  nidaamka hogaamineed ee madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa habdhaqankan Guracan oo ah mid ku cusub  guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada somaliland iyo
Xukuumadihii hore ee somaliland  kasoo jirayba ayaa u muuqda mid lagu waxyeelaynayo sharafta iyo karaamada  madaxwayne  dadkiisu udoortay inuu sinaan iyo cadaalad ku hogaamiyo isla
Markaana ka shilaal qaado rabitaanka dadkiisa shacbiga somaliland wuxuu horumarka muuqda ku gaadhay isku duubnaan iyo iskaashi calool samaan iyo midnimo marka aynu dib ujaleecno sooyaalkii taariikheed ee maamuladii iyo xukuumadihii kala danbeeyay  iyo habdhaqanadoodii waxaynu ka
Markhaati kici doonaa midkastaaba raadka uu ka tagey iyo wixii ay shacbiga somaliland ka dhaxleen
Waxaa kaloo aynu ka markhaati kici doonaa  kaalintii ay kagaleen nabad ku wada noolaanshaha bulshada samaha jecel ee somaliland
1 marxuum maxamed x.ibraahim cigaal rabi isaga iyo muslimiintii iyo mujaahidiintii snm naxariistiisii jano haka waraabiyee wuxuu ahaa macalin gaara oo rabi swt usoo diray qadiyada madaxbanaanida jsl
Waxaanu ahaa ama noqday ninkii seeska udhigay dawladnimada ama madaxbanaannida jsl isagoo umadiisa u daacad ah isla markaana wax walba ka hormarin jirtay midnimadooda iyo iskuduubnaanta
Shacbiga iyo nabad ku wada nooolaanshahooda
Marxuum maxamed x.ibraahim cigaal wuxuu meel hoose oo la ogaa kabilaabay (o)dhismaha dowlad madax banaan oo somaliland la yidhaahdo waxaana muran kujirin in markii lagu doortay 1993/5/5 kii
Shirwaynihii boorame ee xilka madaxwayne nimo loo dhaariyay halkii uu kabilaabay la ogaa islamarkaana kaabayaashii dakhligii kasoo xeroodo ee dalka kuwa ugu mudan ee berbera iyo kalabaydh uu ka bilaabay inuu qarameeyo kana wareejiyo dadkii iyo ciidamadii gacanta ku hayay  ee beel ahaan kasoo jeeday  beesha uu marxuum cigaal ka dhashay oo ahayd (habar awal)waxaa xusid mudan maal qabeenadii beesha habar awal iyo tijaartii habar awal uu khasab kaga dhigay inay ka qayb qaataan dhismaha qaranimada  j/s/l/ isla markaana qayb libaax ka qaateen lacagtii cusbayd ee somaliland kharashkeeda bixiya mid hanti badan ku bixiya sidii ay maraakiibta waa wayni  ugu soo xidhan lahaayeen dakada berbera  mid hantidiisa ku bixiya ciidamada wadooyinka  iyo kaabayaashii dhaqaale haystay siloo qarameeyo iyo kuwo hanti lacageed oo buuran amaah ahaan usiiya dhismihii xukuumadii cusbeyd howshaasoo markii ay ganacsatadii iyo tijaartii habar awal ku  dhaqaaqeen ayku dhiiradeen guud ahaanba tijaartii somaliland ee kale waxaa xusid gaar ah mudan illaahay ha unaxariistee kaalintii uu ku lahaa ganacsade marxuum x. abdi awad ali (indho deero ) oo kamid noqday dadka sida gaarka ah looga xurmayn jiray qasriga madaxtooyada jamhuuriyada somaliland ee waqtigan uu fadhiyo mudane siilaanyo marka aynueegno habdhaqanka madaxwayne cigaal ee ku dhaqanta  sharciyada qabyaalada waxaa cidwaliba ka markhaati kacaysaa inaan marxuumku intii uu xilka madaxwaynenimo ee somalilland hayay lagu arag ku  dhaqanka nidaamka qabyaaladeed isla markaana markii ay hano qaaday ama tisqaaday himiladiisii ahayd in lahelo qaranimo lugaheeda isu taagtay iyadoon gacmo shisheeye wax kaalmo ah ka gaysan balse ay halkaa ku gaadhay iskaashiga dadka iyo xukuumadooda ayuu albaabada ka xidhay ragii ay isku beesha ahaayeen ee shalay wax ladhisay waxaanu halkoodii ku bedeshay tujaarta siyaasiyiinta wax garadka beelaha kale ee somalliland bari iyo galbeedba waxaana ladafiri karin sida uu ugu talax tegay saami qaybsigii golayaasha qaranka dhismahoodii isagoo beesha uu ka soo jeeday duudsi ku sameeyay xaqii ayku lahaayeen inay  helaan tirada beelaha kale kaheleen isagoo uga danlahaa ama ujeedadiisu ahayd beeshoodu waxa ay beeshaadu waxay doonto haku cabato balse beelaha kale ee somalilland aanay kuu arkin madaxwayne beeleed iyo nin beeshiisa sad bursi siinaya waxaynu odhan karnaa taasi wax badan ayay u wanaajisay sumcad iyo karaamo wuu ku helay isla markaa muhiimada meesha ku jirtaa waxay ahayd inuu noqdo mid ku dayasho mudan oo madaxda ka danbaysaa ay kaga daydaan dhinaca kale marxuum cigaal wuxuu noqday nin aan sinaba loogu  xaman ku dhaqanka foosha xun ee qabyaalada xusuusnow akhriste xusuus qorka pro maxamed siciid gees uu kaga hadlayo in lagu magcaabo welli daauud  cigaal oo ka tirsan hawl wadeenada wasaarada maaliyada ku yidhi shaqaale caadiya ahaa inuu mudane gees oo w/maaliyada ah kuyidhi ka eri wasaarada yaanu magacaygaku shaqaysan mamaqli karo waxaa kaloo kucad xusuus qorada somalilland inay odayaal ay isku raas ahaayeen ugu tageen ninka lagu magcaabo cabdi musbaar kana codsadeen inuu kashaqaaleeyo kastamada dalka jawaabtii uu odayaasha u celiyay waxay ahayd (iska dhaaf shaqo aan siiyo oo aan umada xil ugu dhiibo e intaan noolahay iska dhaaf cabdi musbaare nin ciise muuse nimo aan xil ugu dhiibo lama arkayo mawaxaad doonaysaan in beri ka maalin markaan kursiga baneeyo aan qodob uga tago ciise muuse oo sidii mareexaanka tuke baal cad kanoqdaan beelaha somalillaand dhexdooda )) ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee uu sharaf iyo cisi  uu kaga tegay xilkiisiii
2 dhimashadii  marxum cigaal waxaa xilkii lawareegay madaxwane ku xigeenkiisiimudane daahir rayaale kaahin isaga laftigiisu wuxuu raaciyay dariiqii uu jeexay marxuum cigaal manay jirin cid ku shaqaysan jirtay magaca m/ rayaale   marka laga tegi waayo laba sedex oo lagu xaman jiray inay marwada koowaad is xigaan oo iyadu ay sabab utahay magacaabistooda balse may jirin xubno ay isku beelyihiin oo siyaasiyiin iyo ganacsato ah oo ka ag dhawaa qasriga madaxtooyada ee uu fadhiyo madaxwayne rayaale manay jirin intaas oo wasiir  ganacsade ay is xigaan rayaale ayaa magcaabay manay jirin warshado waxsoosaar umada reer somalliland u simantahay oo uu reernimo ugu wareejiyay  maal qabeeno iyo tijaar ay isu beel yihiin waxaa taa dheer golayaashiisa xukuumadiisa uu dhowrka jeer kala belelay mar naba laguma arki jirin rag cunsiriyada qabyaaladeed lagu xaman jiray ama umada somaliland ku taqaanay ku dhaqanka iyo adeegsiga qabyaaladeed iyo cidkasta oo umadu utaqaanay nin qabyaaladu biyo dhigtay kuna caan baxay cunsuriyad iyo wax kasta oo lag jab ku ah qaranimada iyo madax banaaninada  somaliland
3 xafladii xilka uukula wareegay m/wayne axmed maxamed maxamud siilaanyo wixii ka danbeeyay waxaa dhacay m/siilanyo dhismihiisii golihii xukuumadiisa talada haysa waxaa cadaaday in odayga si ay ka noqotayba taladii iyo hogaamintii dalkaba lalaleeyahay 70%waxaa ka taliya rag ay ka muuqato cunsuriyad qabyaaladeed iyo khibrad waayo aragnimo la aan siyaasadeed taas oo dhaxal siisay in siwayn looga soo horjeesado hogaamintii iyo siyaasada arimaha gudaha ee dadka iyo dalkiisa lagu hayay isla markaana ay meesha ka baxday xaqsoor la aantii iyo sinaantii ay qaybaha kala duwan ee bulshadu somaliland uga fadhidey m/siilaanyo ku dhawaad laba sano in kayar xilka qaranka hogaaminayay waxaan la dafiri karin in muuqaalkii ugu horeeyay ee dhismihii xukuumadiisa ee bulshada somaliland ka dheehatay mooqaal foolxun (ugama jeedo waxmatarayaal )balse waxaan uga jeedaa in laba ama sedex marka laga tago ay ahaayeen rag xayn dumar isu keenay oo la dhalay ama uu inan qabay taa macnaheeduna tahay kalsooni daro uuka qabo muwaadininiinta kale ee aan labadaaa  arimood midna soo galayn marka aynu si kale udhigno nidaamka maamuleed ee m/ wayne siilaanyo waxay isu milmeen qaybo ka tirsan ganacsato ay isu beel kasoo jeedaan waxaana la odhan karaa waa wax ku cusub nidaamka dowladnimo ee j/s/land waana nasiib daro inteeda leeg in halkii ay bulshada somaliland ee codkooga hagar laaanta ugu doortay inuu daacadnimo iyo sinaan ugu adeegi doono  ay mudo sanad iyo badh ah indhahooda ku arkeen in madaxwaynihii ay doorteen isu bedelay nidaam ku lid ah milgihii iyo sharaftii loo doortay oo ahaa inuu sinaan iyo cadaalad ku maamulo balse uu noqday m/wayne waxbadan ka qaldan yihiin isla markaan umuuqda m/daxwayne ilaaway dadkii doortay akuna bedeshay oo uu qaatay codkii uu helay mid ay sabab unoqdeen ganacsadata ay isu beesha yihiin sida dahabshiil waxaana marag inoogu filan ficilada guracan ee qabyaaladu ka dhadhamayso ee m/wayne siilaanyo ku siiyay dhismaha warshada shamiitada ee berbera ficilkan oo umada Somaliland gudo iyo dabadba si isu mid ah uga biyo diideen ayaa waxa ay sababeen in wax garadkii m/dhaqameedyadii ganacsatadii iyo guud ahaanba dadkii reer berbera ka gadoodaan kuna dumiyeen dayr dhowr kmitir ah oo la sheegay inuu dahabshiil ku xidhay ama ka dhisay guud ahaanba buurtii sibidhka  ahaydee warshada shameetada ee berbera lahayd arintan oo la ogyahay inay mark hore soo baxday balse kacdoonkan oo kale ka aloosmay bulshada deegaanka berbera lana hakiyay ayaa waqtigan markale uu m/wayne siilaanyo digreeto kusoo saaray  isla markaana dahabshiil ku bilaabay dhismahan waxaa xusid mudan inay jiraan rag ganacsato ah kana kooban degaanka berbera oo mudo sedexsano kahor kahowl galay sidii ay u kicin lahaayeen warshadii shamiitada ee hore waxaana labadii sano ee udanbeeyay ku hawlanaayeen sidii ay u qiimayn lahaaayeen agabka ka maqan iyo baahida hortaala ee wax ka qabashada  ubaahan ilaa hadan ay ku gudo jiraan waxayna ahayd in dahabshiil ganacsatadaa ku hawlanayd mudada hadii uurabo inuu shamiito dhisto uu la xaajoodo waxna layeesho  balse wuxuu u muuqdaa nin ka kalsooni badan ku qaba wareegtada m/tooyada somalilland lagaga soo siiyay kuma koobna dahabshiil oo keliya ganacsatada ku dhex milmay nidaamka dowladnimo ee umadii dooratay dayacay balse waxaa kale oo jira rag katirsanaa ganacsatada ay madaxwayne siilaanyo isu beesha yihiin oo iyaga laftigooda lasheegayo inay ku milmeen wax badana waqtigooda ku qaataan qasriga madaxtooyada isla markaana ku howlan sidii ay madaxwayne siilaan yo uga wareejin lahaayeen haamaha keydka shidaalka ee berbera oo ay mudaba ku howlanaayeen  howshan hamaha shidaalka ayaa waxa hore loo hadal hayay inay shirkada al harbi marka horeba sabab u ahayd ina madaxwayne siilaanyo  shirkadii total ruqsadeedii laalo si uu al harbi ugu wareejiyo balse kacdoonkii arintaa ka dhashay sababo in lahakiyo wareejintiisii si loo eegto waqti ku munaasib ah waxaa kaloo ay xukuumadu ay wasaarada ganacsigu baahisay dhawaan in haamaha kaydka shidaalka ee berbera shirkadii lagu wareejin lahaa tartan loo gali doono taasoo laga dayrinayo heerka daacad nimo iyo cadaaladeed ee dhinaca xukuumada somalilland ay ugu xaqsoori karto shirkadaha tartanka loo qabanayo hadiiba ay dhacdo iyadoo dadka intiisa badani sheegayaan in cida helaysaa tahay shirkada al  xarbi qaladaadka iy o gafafka dhinaca sharciyada iyo heykalka dowladnimo laga galay kuma koobna inta aynu soo sheegnay laakiin waxaynu ognahay halka ay xukuumada ka gaadhay tacadiga iy o cago juglaynta cabudhinta saxaafada madaxa banana ee Somaliland lana odhan karo waxay ahayd hiilkii kali ahaa ee waqtiyadii adkaa ee uu soo maray xisbigii kulmiye xaq iyo xaqdaro ugu hiilin jirtay balse manta saxafiga isu daya inuu dhaliil ka hadlo xaalkiisu waa xabsiga liinta haku cabo dhinaca kale ma jirto xukumada talada dalka haysa mid uga nugul wax sheega saxaafada waxaana marag inoogu filan inta saxafi ee dhaliil sheegay dacwad u furay wasiirka duulista iyo xirsiga m/tooyada oo labaduba baal madow sooyaalka tarikhta Somaliland kaga jiray kahor tintaanay noqon wasiirada ugu firfircoon golaha xukuumada ee m/siilaanyo labadan xubnood oo sida la ogyahay bulshada somalliland ku sheegto inay sabab u yihiin hab dhaqanada beelaysan ee xukuumadani ka dhaqaaqdo laguna yaqaano cunsuriyada iyo qabyaalada ayaa waxay umuuqdaan rag ay isaga qaldan tahay qabiilka xilka qaranimo ee dusha loo saaray waana sababta bulsha somalliland gudo iyo dabadba u hadal hayso iyadoo la ogyahay in inta badan noocan ugu dhaqmayaan sidii ay mudada ay xilka hayaan u hanan lahaayeen dano dhaqaale iyo iyagoo uga dannle inay dadka isu tusaan rag intii ay xilka hayeen beesha u faa iideeyay si kastaba ha ahaadee iyadoo dhaliilahaa dhinaca  maamul ee xukuumada talada dalka haysa aan qalin iyo qoraal laggu koobi Karin ayaynu isu dayi doonaa dhacdooyinka kala duwan ee maalin laha ah aynu kusoo bandhigno qormo taxane ah lasoco
 
 
m/wayne    dahir rayaale
lagamayaabo in hanoqaadka dimuqraadiyadeed
een seeska udhigay iyo dhismaha qaranka
ee tacabka badani ku baxay ay waxyeelo kasoo gaadho
damacayga ama kelmad aan si qaldan u idhahdo
oo ay ku dunto
 
 
marxuum cigaal
lagama yaabo inaan beeshayda godob uga tago
markaan kursiga baneeyo oo sidii mareexaanka tuke
baal cad aad noqotaan yarka ina daauud cigaal
ka eri wasaarada yaanu magacayga ku shaqaysan  mamaqli karo




Waa qalinkii Mohamed Isma,il Omar(M-biid)
soofadhiiste@hotmail.com
Hargeysa Somaliland,
—————————————————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Dhoofinta Dhuxusha iyo xaalufka ay keento

$
0
0

Qaramada Midoobay oo mamnuucday dhoofinta dhuxusha Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa dhawaan waxa u meel mariyay sharci mamnuucaya dhoofinta iyo in laga ganacsado dhuxusha dhulkaa Soomaalida laga gubo.

Terrified Syrians Run for Their Lives

$
0
0

Shrouded in dark night, terrified Syrian women and children in Syria's third largest city Homs trod through the woods and routes towards Lebanese borders to escape with their lives from a bloody security crackdown on their homes

Mudanayaasha Golaha Guurtida oo si Adag Dood uga Yeeshay Arrimaha Bulshada

$
0
0

 

Hargeysa (Togdhnews)- Golaha Guurtida, ayaa fadhigoodii maanta dood kaga yeeshay arrimaha bulshada, iyaga oo fallanqayn dheer mudanayaashu ka soo jeediyey mawduucyo fara badan oo taabanaya arrimaha bulshada, gaar ahaan ganacsatada ku barakacday hawlgalka jidka dawladdu ku bannaynaysay, caafimaadka iyo raashinka lagu eedeeyey in masuuliyiin xukuumadda ka tirsan musuqmaasuqeen.
Fadhigan maanta oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, ayaa mudanayaashii dooda ka qaybqaatay waxay si weyn ugu dheeraadeen dhibaatooyinka arrimaha bulshada ka jira, iyaga oo mid walba soo jeediyey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.
Xildhibaan  Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)  oo isagu ka mid ah mudanayaasha dooda ka dhiibtay, ayaa sheegay in muhiim tahay in laga hadlo cabashooyinka bulshada ee ka dhanka ah dawladda, isla markaana lagala taliyo waxyaabahay shacabku xumaynayaan.
“Waa la hagaagsan yahay marka la yidhaa waddada ha la hagaajiyo oo waa nidaamka caasimadda iyo magaalooyinka quruxdooda in jidadku bannaanadan, taa cidina ma diidana, laakiin dadku waa shacab, waxaanay u baahan yihiin habayn, haddii tobankii ugu horrayey markay waddada dhigteen la yidhaa waddadu waa mabnuuc, shacabku wuu kala hagaagi lahaa, waxaynu ognahay in waxa waddada ku soo farabadiyey ay nidaam xumo tahay, waxaana la yidhi lacag keen ninkii kaaryoona meesha dhigay oo markii la arkay in kaaryoonaha laga taajiray way soo wada dhigteen.
Haddaba, wax waliba nidaambay doonayaan, maayirka iyo Wasiirka Daakhiligi bacadlaha way shiriyeen, waxaanay yidhaahdeen waar bal isa soo nidaamiya, markii diiwaangelinti dhammaatay ayey cagaftii bilaabantay, iminka maayirkii iyo Waasiirkii Daakhiliga waannu is aragnay telefoona waannu kula hadalnay, waxaannu isla garanay inaannu doono meeshii dadkani degi lahaa oo ay ogol yihiin inay dan yartii kharashka badhkooda bixiyaan.”
Xildhibaan Dheeg, waxa uu sidoo kale ka hadlay in dhibaato dalka ku hayso birihii iskaraabka ahaa oo la guranaayo, isla markaana loo dhoofiyo dalal kale, waxaannu xildhibaanku ka dayriyey in dadka biraha urursadaan ardaydii u direen markay birihii kale madhiyeen kuwa aqalada yaalay.
Mudane Dheeg, waxa uu arrintaa ku dhaliilay in dawladdu u saamaxday in dadkaasi urursadaan biraha, waxaannu soo jeediyey in arrintaa dawladdu hoos u eegto oo tallaabada ugu dhakhsaha badan ka qaado.
Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa soo jeediyey in Golaha Guurtidu ka hawlgalo wacyigelinta nabadda, madaama doorashadii golaha degaanku soo dhawdahay, ururradda tartamayaana aad u tiro bateen.
Xildhibaan Indho-indho, waxa kale oo uu ka hadlay ardeyda reer Somaliland ee mucaawimadda waxbarasho ka heshay Turkiga ee Xamar ku sugan, waxaannu yidhi;“Turkigu waa dawlad islaam ah, waxaana laga yaaba inay toddobaadkan inoo yimadaan, waxaan soo jeedin lahaa oo aan u soo jeedin lahaa Wasaaradda Waxbarashada iyo xukuumadaba inaan carruur dambe oo mucaawimo waxbarasho la siiyey inaga tegin Xamar, waana arrin fool-xumo ku ah Somaliland in ardaydii waxbarashada la siiyey inta Muqdisho la geeyo, waliba la boobo, waxaanan u arkaa arrin aad iyo aad u foolxun, hadday mar dhacdayna inaanay dib-u-dhicin, waan soo jeedin lahaa.”
Mudane Indho-indho waxa uu doodiisa ku taabtay mucaawimooyinka raashinka ah ee sida khaldan loo lunsaday ee dadka shacabka ah ka bakhtiyayaan, isaga oo tilmaamay in waxyaabaha dhacaya aanay dhaqan u lahaan jirin Somaliland, waxaannu soo jeediyey in si wanaagsan loo maamulo si aan dadka deeqda bixinayaa Somaliland ugu arag meel xun.
“Goboladda bari tallooyin baynu ku leenahay inaynu xukuumadda u gudbino, arrinta Sool iyo Sanaag bari Somaliland iyada gudaheeda oo dhammaystiran inay Soomaali la hadasho way fiican tahay, waxaanad moodaa inay waayil nimadii ka maqan tahay meesha, halkaana inaynu ka maqanahay ayaad moodaa, dhawr jeerna waxbaa khalkhaldamay, waxaana la inaga sugaya maanta inaga oo dhammaystiran oo la hadalna Soomaaliya, waxaan soo jeedinaya inaynu xukuumadda arrintaa talo ka siino,’ ayuu yidhi Cabdiqaadir Indho-indho oo ka hadlaayey nabadgelyada guud ee dalka, waxaannu intaa ku daray in dawladda iyo shacabka dan yarta ah ee jidadka lagaga raray islaax laga dhex dhaliyo.
Xildhibaan Faadumo Jaamac oo ah haweenayda kaliya ee Golaha Guurtida ku jirta, ayaa golaha u soo jeedisay inay taageeraan kootada haweenka loogu xidhay ka qaybqaadashada siyaasadda, iyada oo tilmaantay in golahoodu ka soo horjeedo kootadaas, waxa kale oo ay ka hadashay in dabagal lagu sameeyo tayada dhakhaatiirta dalka ka hawlgala ee dibadda ka yimaada.
Marwo Faadumo waxa kale oo ay soo jeedisay in goobaha waxbarashada kormeer lagu sameeyo si aanay nabadgelyo darro uga dhallan.
“Waxa inagu soo aadan xeerkii kootada aad baana caddaalada loogu baahan yahay, waxaana wararku igu soo gadhaya oo la isla dhex maraya in la leeyahay golahan wuu ka soo horjeeda oo runtii waxay u fahmeen in laga qaadayo kuraasaday ku fadhiyaa amma ay leeyihiin Faadumaba waa nagu dheeraad, marka xaqiiqdii waxa aad u wanaagsan in taa laftarkeeda iyo eedaba la iska ilaaliyo, waxaan filaya markaynu odayaal tilmaamaynu cid walba waa la leeyahay, waxaa aniga iga soo dhex saarayna waa mucjiso, golahana waxa lagaga cabanaya inay si goonniya wax u arkaan.
Golow waxaan idin leeyahay, waxba kursina la idinka qaadi maayo, dumarkana dhibaato ha u arkina, inaanay iman bay u dhaw yihiin, taana waan ka gudbay.”
Dhammaan xildhibaannadii kale ee halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday in arrimaha bulshada wax laga qabto, iyaga oo aad awoodda u saaray dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo dhammaan dhibaatooyinka waqtigan la soo darisay shacabka Somaliland.
 Ibraahim Khadar Siciid (ibraahim2012@live.com)
Togdheernews/Hargeisa

SOMALIA: TFG re-assures its support to Khatumo state, letter says

$
0
0

Mogadishu (RBC) The deputy prime minister of Somalia transitional government as well the minister of agriculture Mohamed Mahamud Haji Ibrahin re-assured today that the government will continue to support and recognize the new born state of Khatumo in the north of Somalia.
The deputy prime minister of Somalia transitional government declared his decision in an official letter from his office which dated on 10th March 2012.
“The office of Somalia president, the office of the prime minister and the government sections agreed that Khatumo state is an official arm of Somalia federal states.” The letter which has the official stamp of the office of the deputy prime minister said.
“Honorable Mr. President, the cabinet, the parliament members and the entire government institutions I regret a former letter which was not intentionally from my office.” The letter added.
The letter came days after when a decree from the same office of the deputy prime minister of Somalia transitional government stated that the government banned its support to new born state of Khatumo.
In the past weeks there had been contradictions letters and comments circulating among the government offices on Khatumo issues as members of the parliament on their side denounced the anti Khatumo move.

 
 
 
 
RBC Radio


Dowalda Soomaaliya &south africa oo ay xiligaan Arimo Xiiseyn ah kadhaceyso

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xassan iyo wahdi heer sare ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika isagoo casuumaad heer qaran ah ka helay dhigiisa dowlada South Africa si halkaasi wado hadalo taariikhi ah ay ku dhex maraan madax ka tirsan dowlada South Africa.
Wasiirka ayaa si aad usoo dhaweeyay jaaliyada Soomaalida K/Africa iyo madax ka tirsan dowlada South Africa kolkaasi oo loo galbiyay hotel caalami ah oo ku yaala magaalada Pretoria.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya taliyaha nabad sugida Soomaaliya Axmed Macali Fiqi waxana la sheegay in wasiirka manta gelinka danbe uu khudbad ka jeedin doono jaamacada Johannesburg taasi oo uu diirada ku saari doono Taariikhda Soomaaliya iyo sida ay Koonfur Africa u caawisay xiligii midab takoorka dalkani ka jiray.
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida South Africa Mudane Ismaaciil Cabdalla Soomane oo qadka taleefoonka kula xariirnay ayaa sheegay in labada dowladood ay ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood iyo in la is dhaafsado safiiro labada dhinac ah taasi oo uu gudoomiyaha jaaliyada uu ka muujiyay rajo wanaagsan.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in safarka wasiirka uu ku wehliyo safiirka South Africa u fadhiya dalka Kenya kaasi oo la shegay in uu ka soo raacay magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeysay ay ku qulqulayeen diblumaasiyadiin ka socda Caalamka.

Deeq Darajo
Cape Town, S/Africa

Amisom oo Baaq naxariis leh udirtay Dhalinyarada Shabaab katirsan

$
0
0

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska taliska ciidamada AMISOM ayaa loogu baaqay dagaalyahanada Alshabab in ay hubka is ka dhigaan kadibna si nabada ay iskugu soo dhiibaan dowlada Somaliya iyo ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Taliyaha ciidamada AMISOM major general Fred Mugisha oo war saxaafadeedkani ku xusan ayaa sheegay in xiligan ay fursad weyn u banana tahay dagaalyahanada Al-shababka ee ku sugan duleedka magalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, taliyuhu waxaa uu sheegay in dagaaladii dhowaan dhexmaray alshabab iyo ciidamadooda ay jab weyn ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Alshabaabka isagoo tilmaamay in waqtigan aysan u muuqan sabab ay ku sii dagaalamaan.
Dhanka kale Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada Uganda ee katirsan howlgallka AMISOM colnel Beter Omola ayaa isagana sheegay in dagaaladii ugu dambeyay ee ka dhacay wadada duleedka Muqdisho ay ku soo qabteen askari ka tirsan alshabab oo dhaawac ah , sarkaalkan ayaa sheegay in askariga alshababka ay arkeen goor dambe oo gabal dhicii ah isagoo sheegay in ay u gargaareen.
“dagaalyahankan waxaa uu dhawac ka qabay lugta, waxaan helnay goor dambe oo gabal dhiciiya balse waxaa noo cadaatay in dhaawaca soo gaaray xili subaxnimadiia h balse ciidamadenu ma aysan arkin, hada waxaan geynay cisbitaal oo lagu daweynayo, ayuu yiri taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada Uganda ee katirsan howlgalka AMISOM Colnel Beter Omola.
Al-Shabab ayaa iyada hore dagaalo looga saaray Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo wadankan Somaliya kamid ah.

For Somalia, lessons from stable breakaway north

$
0
0

HARGEISA, Somalia- (Dillapress.com)- Banknotes in piles the size of desks lie on a dusty street guarded by dozing civilians -- money exchange offices in Somaliland, the northern breakaway state of war-torn Somalia.
While war rages in southern Somalia -- where regional armies and government troops battle Shebab fighters allied to Al-Qaeda -- the relative stability achieved in Somaliland offers a sliver of hope for the rest of the anarchic land.
"We are a peaceful and democratic country," said Ahmed Mohamed Silanyo, president of the self-declared country which broke away from Somalia in 1991, the year the Horn of Africa nation erupted into all-out civil war.
"People have said we are an oasis of peace in the Horn of Africa," added Silanyo, who took the helm of this nation the size of England in peaceful 2010 polls.
Like Somalia's capital Mogadishu today, Somaliland's capital Hargeisa was left in ruins by bombing raids in the bloody civil war.
But while the wreckage of destroyed fighter jets still lies on Hargeisa's bumpy airstrip, the scars of the conflict are rapidly fading, as bullet-riddled ruins are replaced by a spurt of new buildings.
Traders sell plump melons and bananas from farms outside the city on bustling street corners, while women offer milk from the camels that are key to Somaliland's mainly rural and pastoral economy.
"It is not always easy, but every year there are improvements in the economy," said businesswoman Amina Farah Arshe, who runs a fleet of fishing boats and supports women entrepreneurs.
As international diplomatic, military and relief efforts focus on ending the conflict in southern Somalia, Somaliland's experience offers lessons in how to build peace, Silanyo said.
"It was not imposed by any political group, but by an agreement of all people, clans and leaders, to come together to make reconciliation and restore peace," Silanyo told AFP in his modest presidential compound.
But while Somaliland is bound together by a unifying ambition for formal independence and international recognition, southern Somalia is riven by brutal land and power struggles fueled by clan divides and religious beliefs.
"Somaliland demonstrates it is possible to build peace and stability in Somalia" if there is a "clear objective" -- in this case independence -- said Georges-Marc Andre, EU ambassador to Somalia, the largest donor here.
"In south and central Somalia however, for the time being, the interests are too diverse," Andre added.
Somaliland is certainly not without problems, but does appear to be trying to tackle them.
"The problems of sexual violence are many," said Aswan Mahmud, one of four female police prosecutors here, who focuses on violent crimes against women and children, a problem in a traditional society struggling to rebuild after war.
"In the beginning, it was tough and there was hostility from the public to my work, but things have improved ... I'll keep going because I am committed to provide better access to justice for women," Mahmud added.
But Somaliland also suffers from the spillover violence from its violent neighbours, beset by Islamist fighters as well by pirates who threaten shipping far across the Indian Ocean.
Tensions remain high with the neighbouring autonomous Somali region of Puntland over contested border regions potentially rich in oil.
Officers inside Hargesia's newly-refurbished prison are preparing cells for the transfer of 19 pirates Somaliland has agreed to host -- with more expected to follow -- captured by international navies and convicted in the Seychelles.
It is a sensitive matter for fiercely independent Somaliland, keen to win favour with the international community by showing its commitment to fight piracy, but also wary since the convicts are from Somalia.
"Their coming ... is an issue for political leaders, but we will host them here," said commander Omar Said Ali Ali diplomatically, as prisoners stared out from behind bars.
Some Western countries argue Somaliland deserves to become a fully-fledged country and thus gain access to more aid, but the African Union is wary of setting a precedent that may spur secessions across the continent.
"Even if we do not yet have the recognition of the international community we engage with the world, and we hope and expect recognition will come to So

Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Xeer-ilaalinta u gudbisay Dacwad ku lid ah Dawladda hoose ee Hargeysa

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud u gudbiyeen dacwad ku lid ah dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland Maxmed Faarax Xirsi ayaa maanta Warbaahinta u sheegay inay Xafiiska Xeer-ilaalinta u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dawladda hoose ee Hargeysa, taasoo xidhiidh la leh 38 Geed ah oo qoyan oo ay dawladda Hoose sifo sharci-darro ah uga jartay gudaha magaalada Hargeysa, ka dib markii ay si u kas ah Cagaf u gelisay.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Xeer ilaalinta ka dalbeen in loo furo gal-dacwadeen ka dhan ah dawlaha hoose isla markaasin ay dalbadeen ganaac ku saabsan dhirtaasi qoyanad ee ay dawladd hoose Gumaaday. Arimahaasina waxa uu Md. Maxamed Faarax Xirsi kaga hadlayey mar uu shalay xafiiskiisa ugu waramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka isagoo arrimaha ka hadlayan waxa uu yidhi “Waxaanu Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka gaadhsiinay warqad aanu kaga dalbanayno in ay dacwad noo furo, arintaasi si ay dadka kalena ugu cimro qaataan, waxanaaanu dalbanayn in Xeerka Deegaanka ee dalka u yaala la waa fajiyo cidii dhibta dhirtaasi ka gudaaday gaysatay.”ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda degaanka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi
Agaasimuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey; “Hadda waxaanu dalbanaynaa maaha magdhow ee waa ganaax laga qaado cidii dambigaasi gashay, waxa taasi cadnayey xeerka deegaanka, waxan aanu rabtaa in dawlada hoose ee Hargeysa lagu fuliyo ganaaxaasi iyo xadhig wixii xeerku dhigayo. Ta aanu xeer ilaalinta Guud ka dalbanayen waa taas.”
Dhacdadani ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee laba hay’adood oo Qaranka Somaliland ka tirsani ay Maxkamadd isla tiigsaddaan.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.
 

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

$
0
0

War Habeen 13-March-2012
 
 
 
 
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live