Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shirka Istanbul Iyo Aragtida Wasiirka Dastuurka DKMG

$
0
0

Wasiirka Dastuurka DKMG Somalia oo dhowaan warsaxaafadeed ku dhaleelay meelo ka mid ah shirka Istanbul ayaa hadda si buuxda u taageeray.

Wasiirka oo ka hadlaya waxyaabaha warsaxaafadeedkiisa ku qornaa ayaa sheegay in ay ugu weynayd sida loo xulay qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, iyada oo laga tagey qaar muddo dheer kusoo jiray hawlaha gargaarka iyo bani'aadaminimada ee Somalia.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.


Charles Taylor oo 50 Sano oo Xarig ah lagu Xukumay

$
0
0

Madaxweynihii hore ee LIbrary ayaa xabsigan ku muteystay gargaarkii uu siin jiray kooxo falaago ah oo ka dagaalami jiray Searra Leone.

Xukunka maxkamadda ayaa ka dhacay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Wareysi arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

3 Askari oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Gaalkacyo

$
0
0

Qarax ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ayaa dilay 3 askarta booliiska Puntland, isla markaana dhaawacay ugu yaraan 15 kale. Dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhacay kadib markii ciidanka booliisku uu isku dayey inuu miinadan dhulka ka saaro, iyada oo intii ay hawsha ku jireen ay ku qaraxday.

Maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in miinada, laga yaabo inay ahayd, kuwa meesha fog laga hago.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhagesyo.

War deg deg ah: Faroole iyo Caalin oo sheegay iney ka qeyb geliyaan shirka Istanbuul

$
0
0

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shaaca ka qaaday
inay ka qeyb galayaan shirka Istanbul ka dhacaya horaanta bishan, kadib
markii Axadii la soo dhaafay ay si wada jir u qaadaceen ka qeyb galka
shirkaas.
Madaxweynaha
Puntland C/raxmaan Faroole ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee
BBC-da inay la xaliyay waxyaabihii ay tabanayeen, haatana ay isku
diyaarinayaan inay u kicitimaan dalka Turkiga.
“waa tii shirka ka qeyb galkiisa ka soo saarnay war murtiyeed in aan ka
qeyb geli karin, waxaan shaki ka qabnay kuwa qeybaha bulshada ee
Muqdisho laga keenay, kuwaasoo dadka yaga ka maqan yihiin, qaabka loo
maamulayay, sida aan dareensanahay in masiirka mustaqbalka soomaaliyed,
oo aan loo dhamaaneyn qeybtaas  baan cabasho ka qabnay, arrintaas waa ka
wada hadlay toos ayaa uga wada hadlan wixii aan ka qabanay, iyo sida
wax u maamuleen waa isla meel dhignay go’aana ku gaarnay inaan shirkaas
ka qeyb galno”ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay la
kulmeen Mas’uuliyiinta Safaarada Turkiga iyo saraakiil ka socotay
Wasaarada Arrimaha Dibada, isla markaana ay wax walba ku kala qanceen,
markii wixii ay tabanayeen la xaliyay.
“Anaga iyo Wasaarada Arrimaha Dibada si toos uga wada hadalnay wixii aan
tabaneynay, Istanbul ayaana toos u tageynaa, anaga Turkiga inaan si
toos uga wada hadalno nabadeynta Soomaaliya door ayaan ku leenahay anaga
iyo reer Galmudug waa u wada soconaa”ayuu yiri.
Laakiin waxaa uu sheegay howsha socota ee Road Map-ka in aan wax laga
bedeli karin, isla markaana aan la keeni karin howl cusub oo siyaasad
ahaan karin, isagoo xusay inay ku koobnaato kaliya ra’yi, waxaana uu ka
dalbaday Turkiga in sidooda loo ixtiraamo Heshiisyadii Garowe, Galkacyo
iyo kii Addis Ababa.
Mr Faroole ayaa sheegay in labo diyaaradood ay joogaan Galkacyo,
Boosaaso iyo Garowe, halkaasoo uu sheegay inay ka soo qaadayaan Ururada
Bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka, waxaana uu intaa ku daray in
galabta isugu tagayaan Jabuuti, halkaasoo uu tilmaamay in caawa diyaarad
Turkiga soo dirtay ka wada qaadi doonto.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa
sheegay in isaga iyo C/raxmaan faroole ay isla wada joogaan, isla
markaana si guud ahaan uga qeyb galayaan.
“waa isla joognaa waa wada fadhina, si guud ahaan warka u soo jeedinay
sidii oo kale waaye, wax gaar ah aan wadanay ma jiraan, waxaa ka wada
cabaneyno qaabka wax loo sameeyay iyo la tashi la’aanta, hadana sidaas
noogu dhamaatay markaa wada tashanay”ayuu yiri Col. Caalin
Col. Caalin ayaa sheegay in hal diyaarad ay isla raacayaan, balse ay labo maamul kala yihiin, sida uu yiri.
Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii war saxaafadeed ay si wada jir
uga soo saareen Magaalada Addis Ababa ay ku qaadaceen inay ka qeyb
galaan shirka Istanbul, iyagoo qoonsaday qaabka odayaasha dhaqanka iyo
qeybaha bulshada uga qeyb galayaan shirka iyo tuhuno ay ka qaadeen in
Barnaamijka Road Map-ka ee danta u ah in la hareer marayo

Dowladda Itoobiya oo ku fashilantay fadqalihii ey gelisay shirka Istaabuul uga furmaya somalida

$
0
0

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay fashilinta
shirkii lagu balansanaa in dhinacyada Soomaaliyeed loogu qabto dalka
Turkiga kadib markii uu cadaadis ka soo foodsaaray xafiiska siyaasada ee
qaramadda midoobay iyo dowladda Turkiga oo ey ka go'an tahay iney caawiyaan dadka soomaalyeed.


Maamulka Meles Zenawi ayaa ka dhaadhiciyey Faroole iyo Caalin inay
qaadacaan ka qeybgalka shirkaasi si halkaasi uu ugu burburo shirkii lagu
balansanaa, waxaase culeys aanu filaneyn saaray xafiiska siyaasadda
qaramadda midoobay ee UNPOS iyo weliba dowladda Turkiga oo ah dal ku
jira isbaheysiga NATO.


Dhinaca kale warar goordhow aan ka helnay xarunta maamul goboleedka
Puntland ee Garoowe waxa ay sheegayaan in ay socoto qabanqaabada wafdiga
ka qeybgalaya shirka Istambul, waxaana wafdiga Puntland la filayaa inay
sii maraan Adis ababa halkaa oo uu uga biiri doono madaxweynahooda
Cabdiraxmaan Faroole, waxaana tani ay muujineysaa in Meles Zenawi uu ku
guuldareystay faragelintii uu ku hayey ka qeybgalka shirka Istambul.

Deg Deg: Dagaal Ka Qarxay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in degmadaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Xoogag Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Ciidamada Ethopia.
Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Xoogaga Al-shabaab ay dagaal ku qaadeen  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan duleedka Degmada xudur ee gobolka Bakool.
Dagaalkani ayaa  ah mid xoogan oo la isku adeeg saday hubka noocyadiisa kala duwan, isagoo dagaalkani ay dhinac socdaan duqaymo xoogan oo la isku adeegsanayo Madaafiicda waa weyn.
Dad weynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxaa soo wajah day cabsi aad u weyn, iyadoona laga baqsan yahay in dagaalku uu sii xoogaysto.
Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkani gaystay, inkastoo dhawaga rasaasta noocyaheeda kala duwan laga maqlayo deegaano badan oo ay kamid tahay Degmada Xudur.

Turkey Pushes For United Somalia During Conference

$
0
0

Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoğlu ( AA photo)
During the opening day of Istanbul II conference on Somalia, Turkey has called a unified Somalia after a day Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan said the African nation was “a strategic ally”. This is the speech of Professor Ahmet Davutoğlu, the Foreign Minister of Turkey, during the second Istanbul conference.
United Somalia a must: Davutoğlu
In the international arena, there are some problems that you can solve on your own or with a minimal number of partners. There are some others that you cannot easily find a solution for, because they have already become so stiffened by being there for a long time. More importantly they have become the problems of our consciences. The plight of Somalia, which is among the least developed countries, represents a disgrace for the international community in the 21st century.
The long-standing tragedy in Somalia is a big question the whole world has been ignoring for decades. Unfortunately as the international community we have been silently watching the people of this war-torn country suffering, being driven away from their homes and even becoming victims of terror. We should openly admit that we all have a responsibility in this. Today is the time to give back to the Somali people what has been taken from them. Today is the day international actors and friends of Somalia will come together with a unified resolve and in a determined way, with cooperation as well as coordination, to help these people.
With this aim, Turkey has taken a concrete step to help her Somali brothers and sisters get rid of the life-threatening challenges they have been facing for a long time. The visit of the Turkish prime minister together with his family and members of the Council of Ministers to Mogadishu in late August 2011 became a remarkable starting point on this path. Following this historic visit, Turkey launched a comprehensive campaign to meet the needs of the people and the government of that beautiful country. It coincided with a severe drought that hit the Horn of Africa, and our efforts also concentrated on combating this natural disaster.
Shortly after this visit, our embassy was reopened after nearly two decades, with a resident ambassador, as Turkish NGOs, representatives of different aid organizations and public departments arrived in the country to carry out their work. Our intention was also to draw the attention of world public opinion to this tragedy. Turkey took the initiative to inform her international partners in every possible forum about the needs of Somalia and the urgency of meeting them.
Today, we gladly observe that the reaction of the international arena on this issue is visible. With the UN to be the first, some international actors are now considering establishing ties with Somalia. However, these are not enough to revitalize this long-suffering country and put it on its feet again. More aid, more work, more support are needed from all of us.
The aim of the Second Istanbul Conference on Somalia, to be held in Istanbul on May 31 and June 1, 2012, is to discuss what can be done at this crucial time for Somalia. The transition period is going to end on August 20, 2012, and new administrative and security mechanisms to get the country functioning efficiently should be constructed. My country is pleased to be the venue for the very important discussions about the shaping of the post-transition period, especially in terms of state building.
There are five issues at stake when planning the future of Somalia. The first is the construction of national unity, as this is the precondition for reaching stability and state building. The second element is the establishment of a new political system wherein the new state, government and institutions should be composed of all the parties in Somalia. The third point is that a new comprehensive economic reconstruction strategy should be assembled in order to successfully plan, manage and coordinate the work and to facilitate the exploitation of the rich natural resources of the Somalis by the Somalis and for the Somalis. Another point is rebuilding the Somali national security forces, without which economic activity would not be possible. And last but not least is lifting the isolation of Somalia. Concrete steps should be taken in Istanbul to this end. Istanbul will provide a chance to further the resolutions and decisions adopted up to now, the implementation of which should not be delayed any longer.
We also organized a five-day meeting in Istanbul in advance of the Conference, bringing together about 300 representatives of Somali civil society, that will constitute a strong testimony of Somali ownership of the ongoing and future political processes. During the meeting the participants will exchange different views about the realities of their own country and a statement indicating their common views will be issued.
We sincerely hope that all these efforts will thoroughly work to help Somali people change their unfortunate destiny. We are very confident that as long as we are determined to stand by them, this will be achieved.
It is time for the international community to help Somali mothers and children, who have been suffering for so long, wipe away their tears by providing a stable and secure living environment. This will be a remarkable step towards establishing lasting peace, stability and welfare in the Horn of Africa.
The Somalia question will remain a test for the conscience of all humanity.
Hurriyet Daily News
June 1, 2012

Afhayeenka ALshabaab”Nato iyo Africa ayaa nagu soo duushay”

$
0
0

Cali Maxamuud raage Cali dheere oo ah afhayeenka alshabaab oo lahadlayay idaacada afkooda ku hadasha ayaa kahadlay deegaanada dhawaanahan sida is daba joogaa gacantooda uga baxayay.
degmooyinka aan kabaxnay waxaan awood uyeelan weynay in aan sii heeysano oo waxaa nagu soo duulay wadamo badan oo gacan siinayay DKGM Soomaaliya ayuu yiro cali dheeree.
Waxaa nagu soo duulay wadamada
Africa, Mareykanka, Yuhuud iyo xitaa Nato, marka 5% iskama celin karno xitaa hadii ay dagaal galaan shacabka soomaaliyeed, waana waxa aan dagaal la,aanta uga baxnay deegaanada an sanadaha soo maamuleynay ayuu intaa hadalkiisa ku daray isaga oo wareeysi siinayay idaacada afkooda ku hadasha alshabaab.
“waxaan og nahay in lana kaqabsaday deegaano kuyaala sh/hoohe iyo jubada hoose hadana ma suura gali doonto in ay goboladaa is kugu gudbaan waxaan qalqal galineynaa isku socodka” ayaa ka mid ahaa hadalkiisa .
dhanka kale afhayeenka kooxda alshabaab ayaa baaq udiray shacabka soomaaliyeed oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay kaqeyb qaataan dagaalada looga soo horjeedo DKMG Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Africa ee wada holwgalada kadhankaa alshabaab.
“Dalka wuxuu gacanta u galayaa cadowga soomaaliya sida,itoobiya,kenya,Burundi,Ugandha jabuuti waxa ay doonayaan in ay gumeystaan dadka iyo dalka qofkasta oo da’yara waxaa waajib ku ah in uu qoriga qaato oo cadowgaa ka difaaco wadankiisa ayuu yiri cali dheere oo hadalkiisa laga dheehan karay in xiligaan aysan awoodin in ay ladagaalam ciidamada soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ayna ubaahan yihiin in lagacansiiyo.
alshabaab waxaa hada si aada usii laciifeysa awoodii ay ku lahaayeen dalka soomaaliya waxaana maalinba maalinta kadanbeysa lagala wareegaa goobo ay aad ugu xooganayeen taasina waxaa si aada u soo dhaweynaya guud ahaan shacabka soomaaliyeed oo ay dhibaato badan kuqabay kooxda alshabaab sida,Dil,xarig,Hanjabaad iyo in ay askar kadhigtaan da yartooda soomaaliyeed.


Isgaaarsiinta Afmadow oo la jaray Iyo Ganacsigii Magaalada Oo Dib u Furmay

$
0
0

Waxaa maanta gabi ahaanba hawada ka maqan Isgaarsiintii Magaalada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose halkaasoo shalay ay la wareegeen xooggag is garabsanaya
Ciidamada isgarbsanaya ayaa shalay casar gaabadkii waxaa ay shirkadaha isgaarsiinta magaalada ay ku amreen inay hawada ka saaraan oo ay damiyaan taleefoonada magaalada. Saraakiisha Ciidamada oo aan wax ka waydiinay waxa keenay inay isgaarsiinta damiyaan ayaa waxaa ay noo sheegeen inay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka guud ee magaalada, hadii ay isgaarsiintu shidanyihiina ay ku soo dhex gaban karaan Kooxdii magaalada laga saaray ee Shabaabka. Dhanka kale waxaa magaalada dib ugu soo laabanaya ganacsigii iyo adeegyadii guud ee magaalada kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay saameeyeen dagaalada ka dhacaayay duleedka magaalada Afmadow. Qaar ka tirsan dadka ku dhaqan Afmadow ayaa Keydmedia u sheegay in hadda ay xaaladu caadi ku soo noqotay, howlihii bulshadana ay caadi yihiin.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Somalia oo ka hadlay Afmadow.

$
0
0

Taliska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada Xoogga dalka qaabka xeeladeysan ee ay Al-Qaacidda uga saareen degmada Afmadow, isagoo shacabka Soomaaliyeed ay kula dardaarmay in ay ku Kalsoonaadaan ciidammadooda si ay uga Difaacaan kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guud C/qaadir Sheekh Diini oo Radio Muqdisho lahadlay ayaa sheegay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen awoodda ay u leeyihiin in haraadiga Al-Shabaab ay la ciribtiraan gobollada ay sida dhuumaalleysiga ugu sugan yihiin.
Sidoo kale ciidammada Xoogga dalka ayuu ugu hambalyeey taliyaha sida ay u dhowreen khasaaro soo gaara shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaad ku hayeen kooxda horarka ah ee Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidammada hadafkoodu uu yahay in guud ahaan Soomaaliya ay ka Difaacaan cadowga araktimada madow ee Al-Qaacidda.
“qabsashada ciidammada dowladda ee degmada Afdow waxa ay muhiimad u leedahay nabadda deegaannada kale ee gobolka Jubbada Hoose, Al-Qaacidda Military ahaan ciidammada Xoogga ayaa bu burriyay, howlgalkuna ma ahan mid joogsan doono” waxaa yiri taliyaha ciidamada Military-ga Soomaaliya.
Sarreeye Guud C/qaadi Sheekh Cali Diini ayaa shacabka ku nool degmada Afmadow ee gumaadka laga dul qaaday ku boorriyay in ciidammada Xoogga ay ka gacan siiyaan Difaaca dalka, isla markaana ay ku Kalsoonaadaan, si ay u hellaan adeegyadii ay dowladda Soomaaliyeed ugu talagalshay shacabkaasi.

Hague: Xilliga KMG waa inuu dhammaado August

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibedda ee waddankan Britain, William Hague, ayaa sheegay in shirka Istanbul ee looga hadlayo mustqablka Soomaaliya uu sii xoojin doono dadaalkii ay horey u wadeen ee xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.

ASMAA BINTU ABII-BAKAR Waxay ka dhalatay qoys wada saxaabo ah “Qiso Cajiib Badan”

$
0
0

image: 

Waxay ka dhalatay qoys wada saxaabo ah:
Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda qaadanayno waa gabadhii loo dhammaystiray sharafta iyo wanaagga. Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa saxaabi, walaasheed iyaduna waa saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi, wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu filan. Aabaheed waa saxaabi, waana saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw), dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib.
Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad, waxaana magaceeda la yiraahdaa Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw). Wiilka ay dhashayna waa saxaabi, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si kooban haddaan u iraahdo gabadhaas aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka dhalatay ay dhammaantood ahaayeen muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin ahayn.

Mar hore ayeey islaamtay, Nebigana (scw) wuu u duceeyay:

smaa Bintu Abii-bakar waxay ka mid ahayd asxaabtii goor hore soo islaamay, waxaa iyada horteed soo islaamay oo keliya 17 qofood oo isugu jira rag & dumar. Asmaa Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-nidaaqayn” taasoo loola jeedo tii labada suunka lahayd ama tii labada maralayda ahayd, sababta loogu magac darayna waxay ahayd, iyadoo u samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay u haajirayeen magaallada Madiina. Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli wayday wax ay ku xirto ayaa waxay jeexday suunkeeda (wax ay dumarka dhexda ku adkeysan jirayn) iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka ah labadii maro ee ay jeexday ku xirtay kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay, tii kalena waxay ku xirtay sibraarta.
Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada dhexdeeda. Sidaa darteed wixii maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/ maralayda ahayd.

Waxay ninkeeda u ahayd tusaale wanaagsan:

Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa guursaday Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan hanti lahayn. Ma lahayn adeege u shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas wanaagsan, way u adeegi jirtay, faraskiisana way u daryeeli jirtay, laf-timireedka ayeey faraska u tumi jirtay, dabadeedna u calfin jirtay, jeer maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda ugu hantida badan.

Waxay dhashay saxaabigii ugu horeeyay ee dhasha sannadka hijriga kadib:

Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u suurto gashay inay u haajirto/guurto magaallada Madiina iyadoo diinteeda la cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan dheer kama uusan reebin inay gudato dacwada diinta Islaamka. Markii ay Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha magaallada Madiina isagoo muhaajir ah,
waxaa jiray dacaayado ka imaanayay munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla dhex marayay inay muhaajiriintii ay dabar go’een, marka sidaas darteed ayeey u farxeen oo u takbiirsadeen markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd xilligaas billowgii sannadka hijriyada. Asmaa Bintu Abii-bakar waxay Cabdullaahi u gaysay Rasuulka (scw), iyadoo saartayna dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi binu Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay (waxa ugu horeeya ee cunugga afkiisa gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka.

Asmaa waxaa looga tusaalo qaataa deeqsinimada:

Asmaa Bintu Abii-bakar waxay kulansatay astaamaha kheyrka iyo gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer, taasoo ay dadka ku yar tahay inay la yimaadaan astaamahaas. Dhinaca deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu yiri: ”ma aanan arag labo haween oo ka deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha iyo hooyaday Asmaa, hase ahaatee qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu waxayba ahayd tii shayga u gaysa shayga kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib ayaa maalkii waxay u qaybin jirtay masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin maalinta kale”.
Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed iyadoo ay caqli badnayd, waxayna wanaajin jirtay go’aamada mararka ay xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu-bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil, waxayna gaaraysay 6000 oo dirham, ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri, wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib markii uu musiibo geliyay naftiisa.
Asmaa ayaa waxay ku tiri, awoowe, aabe wuxuu nooga tegay hanti fara badan, dabadeedna waxay qaadday dhagaxyo quruurac ah oo ay ku ridday meel daaqad oo kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay maro. Waxay qabatay awoowgeed (wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal kaaley arag inta uu aabe maal nooga tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii geliyay ayaa wuxuu yiri, wax dhib ah maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga tagay aabihiin wuu wanaajiyay. Waxay Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin iyo inaynan maalka Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale, waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas noqdo awoowgeed.

Marnaba taariikhdu ma illoobi karto mawaaqiftii geesinimo ee Asmaa..:

Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd, go’aankeedii adkaa iyo weliba iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina waxay ahayd markii wiilkeeda Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna isaga u hoggaansantay dhammaan dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam.
Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu kama suulin inay diyaariyaan ciidan lixaad leh oo la dagaallama ciidanka Cabdullaahi, ciidankaasoo uu hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee, ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu gurtaan, wuxuuna markii danbe ku cararay Kacbada, isagoo isaga iyo intii la socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd.

Dardaarankii Asmaa ee wiilkeeda Cabdullaahi:

Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay hooyadiis Asmaa – waxay ahayd habar waayeel ah oo weliba indhoole ah- wuxuuna ku yiri: ”Assalaamu caleyki waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo”. Waxay ku tiri: ”Wacaleyka-Salaam Cabdullaahi…., maxaa saacaddan ku keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka Makka gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u imid inaan kula tashado. Asmaa waxay tiri, waad ila tashanaysaa!!…, maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu yiri, dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj, rajeynayana waxa agtiisa yaala, xittaa caruurtayda iyo ehelkayga way iga tageen, dad aad u yar oo ka mid ah raggayga ayaa isugu soo haray, kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan saacad ama labo saacadood. Ergadii reer Banii Ummayya waxay igala hadlayaan inay i siiyaan wixii aan doonayo oo adduunyo ah, waana kaddib markii aan is dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas ka leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri:
”Arrintan adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad raadinayso adduunyo ogow inaad tahay addoon kan ugu xun: naftaada ayaad halaagtay, ciidankaagana waad halaagtay”.

Dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad is dhiibtid:

Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri: ”Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan dhimanayo maanta”. Asmaa waxay tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya. Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan wax uu qofku ka cabsado, laxda la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka. Waxaa farax darteed iftiintay wejiga Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman saacaddan hadda ah illaa inaan kaa maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar daroonin oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo, waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd, haddii la i dilo ha iga walbahaarin amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay tiri, waxaan walbahaari lahaa markii aad si xaq-darro ah aad ku dhimmatid.
Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba waxaad ku kalsoonaataa in wiilkaaga uusan weligiis u qasdin la imaansho shay munkar ah, waxaad kaloo ku kalsoonaataa inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah, sidoo kalena mana uusan ku jowr falin xukunka Alle, mana khiyaanin wax lagu amaanaystay mana u kasin dulmi qof muslim ah, mana jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw). Uma lihi sidaas inaan naftayda ammaano, Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow si aan u ursado udgoonkaaga una taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in kulankan uu noqdo kulankii ugu danbeeyay ee aan ku arko.
Cabdullaahi ayaa ku soo foorarsaday hooyadiis isagoo dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa waxay u dhoweysay madaxiisa iyo wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa, ka dibna si dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa maxay waxa aad gashan tahay Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri, waa cambuur bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri, wiilkaygiyoow waxa aad gashatay ma ahan wax uu qaato qof doonayo shahaado/shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu yiri, waxaan u gashtay inaan qalbigaaga dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga bootintana ku xoog badan, dhinaca socodkana ku fudud, sidaa darteed waxaad booskeeda gashataa saraawiil dhaadheer, si markii lagu dilo aynan cawradaada u feedmin.

Ducadii Asmaa ee wiilkeeda:

Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay saraawiishii uu qabay, isagoo ku dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh: ”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh: Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii isagoo dhex jooga kuleylka daran ee magaallada Makka & Madiina isagoo weliba sooman…
Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka ku sheegay in abaalmarkoodu yahay xisaab la’aan). Qoraxda maalintaas ma ayan dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi markay ka soo wareegtay dhowr iyo toban maalmood ayaa waxaa haddana geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar, waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana uu tamaam yahay.

Hague: Xilliga KMG waa inuu dhammaado

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibedda ee waddankan Britain, William Hague, ayaa sheegay in shirka Istanbul ee looga hadlayo mustqablka Soomaaliya uu sii xoojin doono dadaalkii ay horey u wadeen ee xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.

Shirka Istanbul ee Arrimaha Soomaaliya

$
0
0

Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ee ka socda magaalada Istanbul ayaa maalintii labaad socday, iyadoo la filayo in maanta la soo afjaro.

Kulanta maanta oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya iyo sida looga bixi karo xilliga kala guurka waxaa khudbado ka jeediyay, xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ban Ki-moon, isagoo bulshada caalamka ku boorinaya in ay gacan ka geystaan kor u qaadista ammaanka Soomaaliya.

Ban Ki-moon waxa uu wakiiladii shirkaas ka soo qeyb galey oo ka kala socdey 54 waddan u sheegey in wakhtigan ay Soomaaliya ku furan yihiin argagixiso, burcad-badeed iyo abaaro uu waddanku u baahanyahey in isku duubni ay bulshada caalmka ka yeelato taageerista Soomaaliya.

Mr Ban Ki-Moon waxa uu intaas raaciyey, in guul laga gaadho dhismaha hay'addaha ammaanka, sharciga iyo kala-dambeynta sugta, ay u baahantahey in gabi ahaan Soomaalida iyo Bulshada Caalamku ka wada qeyb-galaan.

Faaqidaadda: Doorka Turkey ee Somalia

$
0
0

Barnaamijkan wuxuu ka hadlayaa doorka Turkey iyo waddamada Islaamka ee xal u helida muskhlidda Soomaaliya.

Dalka Turkey ayaa maanta lagu soo afjaray shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.


Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha toddobaadkan waxan idinku haynaa sheekooyin macaan oo ay soo gudbinayaan dadka salaamaha diraya.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Foolal cusub iyo Faro caddaana:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa
kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana
guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma
badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku
haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is
qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan
xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.
Wadanka waxaa muddo rubuc qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil
dabada la gasha, marna quwado shisheeye, marka kalana qarash iyo
laaluush. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo
quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi
dheerba u fuushay inay guudka sare dalka ka joogto, dadkana ku gaamuriyo
colaad iyo gaajo.
Talo ahaan waxaan dhihi lahaa, Xildhibaannada ha soo xulaan Odayaasha
dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida
saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa
kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal.
Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo
argagixiso, sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee
hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.
haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen
maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi
waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda
maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo
marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in
raggaa laga ilaalshaa.
Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, ani ahaan waxay ila tahay in
sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga
billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas,
Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM.
Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo
xulayaa Nabaddoonnadooda.
Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in
beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas,
illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi
karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada
dhaqanka iyo dhuuxa Hiddaha, magacyada deegaanba si looga adeegsado,
balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba.
Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee
ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa,
halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali
ay gacantooda ku jirto “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan
beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka
dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.
Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda
xildhibaannada, mid muhiim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xil noo
qaban, qofkii wata tilmaamahan midkood, dastuurkana naloogu daro, sidii
loogu daray inuusan madax noqon karin qofkii wata dhalasho shisheeye,
sidaa si la mid ah, ayaan u dalbanaynaa, qodobbada Dastuurka in lagu
daraa ay tahay waxay kala yihiin sidan:
1. In ciidamada shisheeye, ee wadanka ku sugan waqti go'an loo qabto, si
ay wadanka uga baxaan, illeen waxaa jira dareen xooggan oo laga qabo
ciidamadaane.
2. Qof walba oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye, ciidan iyo rayid kuu
doono ha ahaadee, dadka qaarse la ah inay yihiin Mujaahidiin ama xaq u
dirir, waan filaa inaysan u baahnayn inaan anigu  magacaabo, inta
hormartay ee geeriyootay naga daayee, inta nool naga jira.
3. Qabqablayaasha wadanku  u afduubnaa, ee u diiday jid iyo jiho,
dadkana ka hoojiyey hoyaad iyo harsiimo, dadka qaarse la ah mudanayaal
ama Malaa'ig aan dambiba galin .
4. Xaaraan ku naaxyada ku magacaaban Ganacsato, ee aan ganacsane,
dhiigmiiratadda ah, marna afka u dhigto deeqda dunidu ugu yaboohdu dadka
dhibaataysan, marka dambana isla deeqdii ama shay iyaga ay keenaan
dadka kaga iibiya lacag dheeraad ah iyo Dollar adag
5. Wadaaddada hubaysan iyo inta aragti, af iyo addinba ku taageertay, horaa naloo dagee, haatan yaan mar kale nala dagin.
6. Aqoon yahannada qabiilku madaxmaray, waxna ku soo bartay canshuurtii
dawladda, maantase ka door biday inay dalka kala googooyaan, ama inay
beel u xamlanaadaan.
7. Mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii burburka
lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdii Manifesto” ee Cali Mahdi madaxa
ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariif madaxa ka
yahay.
Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul
wasaare, Wasiir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon,
waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.
Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag
inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay,
xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil
ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.
Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka,
balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga
yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen,
maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta
la heli karo ha laga karorsado wax ay hayaan, inta kalase hareeraha ha
laga maro.
8. qofkii xil sare qabanaya, inuusan mushaar iyo biil lahayn, ee
ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari,
Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa
middan, aan bal daliil u doono qodobkane, Allaha u naxariistee, Abwaan
C/qaadir Xersi “Yamyam” baa wuxuu shirkii Addis Ababa ee dhacay sanaddii
1993-dii ku maansooday sidan:

Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!

Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiski soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo mel wacan
Wax jiraa muraayada
Halkaaseey maraysaa.

Isu gaynta qodobbadan yaa isugu soo ururaya cinwaanka qormada, ee ah:
“Foolal cusub iyo Faro Caddaana” illeen foolalka cusubi waxay daaqadda
ka saarayaan kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayee, faro
Caddiduna, waxay meesha ka saarayaan dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo
xinjirro daadiyayaasha.
Qormada waxaan ku soo af meerayaa miraha heesta: “Noogu dara Dastuurka”
oo dhawaan ay soo saari doonaan kooxda “Qaylodhaan” heestiina waana
sidan:

Noogu dara Dastuurka

Qabqablihii dagaalkiyo
Dirirtiyo shaqaaqada
Shacabkeena dilayee
Darxumada na haysiyo
Dulligana nasoo baday

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Dadka kuwii qalaayee
Ka been sheegay diintee
Damiir laawayaashiyo
Dadqalkiyo Dhurwaagii
Ina dagay markii hore

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Xaaraan mid daaqoo
Danyarta iyo Agoonta
Ku dibbiray xaqoodii
Deeqdooda leexsada
Ganacsiga danleeyda

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Doorkii horreetiyo
Kuwa Dowladihii hore
Dalka maamulkiisa
Darajiyo xil soo maray
Ee dumiyey daaraha

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Xil ninkii u duubane
Dibitaatinimo raba
Iyo duqa magaalada
Doonayaa jagadoow
Duunyo kuuma haynee

Deeq inuusan naga rabin
Noogu darra Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.

Duulkaan shisheeyee
Dabbaabaadka haystee
Dalka gebi ahaantiis
Degmo iyo ilaa gobol
Dacallada ka dhooban

Waqti kama dambaysoo
Dalka ay ka baxayaan
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.

Dhammaad.
16/04/2012

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Hay'ado Horumarineed oo Booqday Baydhabo

$
0
0

Hay'adahan oo ay k u jirto Hay'adda Maraykanka ah ee TIIS ayaa booqday magaalada Baydhabo si looga hadlo qorsheyaasha dib-u-dhiska ee magaalada.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Warsaxaafadeed:DKMG Soomaaliya Oo ka Soo Saartay Shirkii Istanbuul.

$
0
0

 
(Muqdisho, June 2, 2012)(sonna)- Dowladda waxay soo dhaweyneysaa natiijadii kasoo baxday Shirkii 2-aad ee Istanbul oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, kaas oo shalay kusoo gunaanadmay dalka Turkey.
Dowladda waxay u aragtaa baaqii soo-celinta dhaqaalaha in uu yahay mid muhiim ah oo hadda ka hor aan ahmiyad gaar ah la siin. Markii la xaliyo dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo saboolnimada, shacabka Soomaaliyeed waxay heli karaan fursaddo shaqooyin, gaar ahaan dhalinyaradda, taas oo ka-hortageysa dagaalka iyo fowdada.
Beesha caalamka waxaa u furan in ay door muhiim ah ka ciyaarto arimaha Soomaaliya, gaar ahaan in la taageero dhismaha ciidan iyo boolis tayo leh, kuwaas oo masuul ka noqda amniga dalka oo idil.
Arintan waa muhiim sababtoo ah amniga dalka waxaa lagu sugi karaa oo kaliyah ciidan xoogan oo uu dalku lee yahay sida lagu xusay shirka.
Dhanka siyaasadda, dowladdu waxa ka go’an in ay raacdo jadwalka lagu so af-jarayo dhameystirka mudada ku-meel-gaarka oo ku eg bisha August, taas oo ay saxiixayaasha heshiiska Roadmap-ka ay hoosta kaga xariiqeen shirkii Addis Ababa ee May 23, 2012.
Waxaa xusid mudan in dowladdu ay dadaal fara badan sameysay si loo yareeyo caqabadaha siyaasadda, taas oo muujineysa in ay ka go’an tahay dhameystirka qariirada nabadda.
Dhanka amniga, ciidanka Xooga Dalka oo taageera ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa is badal fara badan ka sameeyay dhanka amniga oo qeyb ka ahaa qorshaha xasilinta dalka oo lagu xoreeyay meelo badan oo ka tirsan koofurta, kuwaas oo fariisimo u ahaan jiray kooxda ku abtirsata argagixisada Al-qaacido.
Shacabka Soomaaliyeed waxay marqaati ka yihiin horumarkii lagu talaabsaday 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, oo ay ka mid tahay nabadda ka jirtay caasimada oo wax weyn ka badashay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dubi-dhiska dalka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladdu waxay wadi doontaa dadaalkeeda ku aadan sidii ciribtir loogu sameyn lahaa argagixisada, isla markaana looga saari lahaa meelaha yaryar oo ay kaga sugan yihiin koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
DHAMMAAD

AMISOM oo dhinaca Zaadka ka cabanaya

$
0
0

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inay jiraan caqabado wali hortaagan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Ammaanka Ururka Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee howlgalka Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ay heysato caqabado dhan ka Saadka ah marka laga soo tago howlgalkooda qaabka guusha leh ku socda. 

Ramtane Lamamra waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada AMISOM ay guulo is daba joog ah ka gaarayaan, islamarkaana ay isku fidinayaan guud ahaan dalka oo dhan, hese ahaatee ay muuqato dhibaato aan indhaha laga daboolan Karrin oo ah qacabada dhanka Saadka.

“Hadda howlgalka AMISOM waa uu balaaranayaa, hadda waxaana rabanaa in aan daboolno guud ahaan dalka oo dhan, waxaana wajaheynaa caqabado badan” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Ammaanka Ururka Midowga Afrika Ramtane Lamamra. 

Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika waxa uu ka codsaday Qaramada Midoobay iyo saxiibada kale inay bixiyaan wax yaabaha looga baahan yahay howlka AMISOM ee ka socnaya hadda dalka Soomaaliya. 

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo ka soconaya waddamada Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti kuwaasi oo hadda ku sugan qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live