Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ms Zuma oo noqotey madaxa cusub ee AU

$
0
0

Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatey dalka Koonfuur Afrika ayaa loo doortey madaxa cusub ee ururka, waxayna ka adkaatey Jean Ping oo xilkaasi haya.


Qarax khasaare geystay oo lala eegtay xaruntii Balcadlaha ee Muqdisho

$
0
0

War  goor aan sidaa u sii fogeyn  ina soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in qarax  uu ka dhacay xarunta Balcadaha ee degmada Xamarweyne oo dhawaan la dayactiray.
Goob jooge  ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay  ayaa soo sheegaysa in nin isku soo xiray walxaha qarxa oo gaari watay uu isku qarxiyey xarunta bacadlihii hore.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 5 ruux oo rayid ah oo qof kamid ah uu ahaa haweeney shah ku iibinaysay goobta.
Askari ka tirsan ciidamadda dowlada oo xarunta Bacadlaha ku sugnaa oo ugu warbixiyey Gedoonline.com qaabka uu ku dhacay qaraxaasi ayaa sheegay in gaari oo xawli ku socday uu qori ku qabtay islamarkaana uu durbaba qarxay, waxa uu kaloo xusay in gaari noociisu uu ahaa Kaarib.
Askarigaani ayaa intaasi ku daray gaari ay saarnaayeen labo nin oo kale kuwaasi oo dhaawac ay soo gaareen.
Labada qof oo dhaawacantay oo gaari saarnaa ayuu sheegay askariga in isbitaal loo qaaday.
Saraakiisha ammaanka ee dowladda KMG Soomaliya ayaa goobta soo gaartay kuwaasi oo la filayo inay saxaafadda ugu warbixiyaan qaraxaasi iyo waxa uu ahaa.
Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarka qaraxaasi.

Ganacsade lagu dilay mid ka mid ah xeryaha Dhadhaab iyo warar dheerad oo ka soo baxaya.

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan dad Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay ganacsade ka mid ahaa dadka ku nool xerada Ifo ee dalka Kenya, kaas oo ay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa bastoolado.
Sida warku sheegayo kooxaha hubaysan ee dilka geystay ayaa habeen hore saqdii dhexe dil u geystay ganacsade lagu magacaabo C/raxmaan Xasan, kaas oo la sheegay inuu dukaan ganacsi oo u ku lahaa xerada Ifo lagu dhexdilay xilli uu hurdayey ka dib markii kooxihii dilka u geystay ay ku jebiyeen dukaanka sidaasina ku dilay.   
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen, waxaana markaasi ka dib goobta  dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, kuwaas oo baaritaano halkaasi ka sambeeyay, inkastoo aan la sheegin cid ay u soo qabteen dilkaasi loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliga ah.
Si rasmi ah looma oga sababta loo dilay ninkaasi ganacsadaha ah, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay iyadu ka dambeysay dilka Mr. C/raxmaan oo mehrad ganacsi ku lahaa xerada Ifo dhexdeeda, waxaana dilkiisa uu ku soo aaday iyadoo dhowrkii todobaad ee tagay ay ka dhaceen xeryaha Dhadhaab dilal qorsheysan, afduubyo iyo falal kale oo dhinaca ammaanka ah qatar weyn ku ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Kenya.
Si kasta oo ay ahaataba ciidamada Kenya iyo dad kale oo aan la aqoon ayaa waxay dhac bareer ah u geystaan mararka qaar ganacsatada Soomaalida ah ee ku ganacsada xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, falalkaas oo aysan jirin cid wax ka qabatay illaa iyo hadda.  
Dhinaca kale kooxo bastoolado ku hubeysanaa ayaa shalay ku dilay xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa laba wiil oo dhallinyaro ah, halka ay mid kalena ku dhaawacmeen, waxaana uu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu yiri “Laba nin oo wajiga qarsaday kuna hubeysan bastoolado ayaa dilka geystay, wayna baxsadeen, ma garanayno sababta ay u dileen dhallinyaradan”.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo qarax gaarigiisa loo geliyay ku geeriyooday

$
0
0

 

Wasiirkii hore Ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday qarax gaarigiisa loo geliyay, iyadoo markii hore warar kala duwan ka soo baxayeen oo ahaa in qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo geliyay kursiga uu ku fadhiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdi Garweyne, iyadoo jirkiisa qeybo badan uu go’ go’ay sida dad goob joogayaal inoo sheegeen.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in qaraxa ahaa mid nuuciisa aanay horay u arag, isla markaana gaariga loogu xiray Wasiirkii hore ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne.

Ilaa saddex kale oo ilaaladiisa ay ahaayeen ayaa dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa ka dhashay gaarigiisa, iyadoo loo qaaday isbitaalka.

Ciidamada dowladda ayaa wada howl galo baaritaan oo ku aadan qaabka qaraxa u dhacay oo ahaa mid noociisa aan horay loo arag.

War goor dhow ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in qaraxaas ay ku dileen mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, isla markaana horay wasiir u soo noqday.

Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa horay xukuumadihii Farmaajo iyo xukuumadii Cumar C/rashiid wasiir ka soo noqday, iyadoo uu ka mid ahaa Isbaheysigii dib u xoreynta ee Asmara lagu soo dhisay, markii dambena Jabuuti garabkii Shiikh Shariif hogaaminayay dowlad midnimo qaran lagu soo dhisay.

 

CLARIFICATION Office of Somali Prime Minister

$
0
0

The Office of the Prime Minister of Somalia (OPM) condemns allegations contained in news reports appearing in some of the media on a “leaked Monitoring Group’s report” linking The Office of the Prime Minister to alleged corruption and misconduct.

The Office of The Prime Minister maintains that the allegations are absolutely and demonstrably false. This deliberate misinformation is intended to tarnish the good name and integrity of the Prime Minister and also constitutes defamation and libel intended to maliciously harm the hard earned reputation of the Prime Minister.

The following are some egregious statements made in these media reports that may constitute defamation and libel and that if not retracted and apologized for could result in defamation and libel law suit:

1. “Monitoring group report provided evidence how the Prime Minister regularly sends letters to custom authorities requesting tax exemptions for companies or individual that he claims provide service to TFG.”

As a matter of fact SEMG report does not say so. It says as follows: “30. Both the Ministry of Finance and the OAG provide poor quality reporting of TFG expenses. Not all expenses are registered, and the Monitoring Group has obtained evidence demonstrating how the Office of the President and successive Prime Ministers send letters to custom authorities requesting import tax exemptions for individual or companies that have provided services or goods to the TFG.” Prime Minister Abdiwali Gaas categorically denies ever issuing tax exemption letters on behalf of individuals or companies under false pretenses, and cannot speak for successive prime Ministers.

2. “The report further alleges that another million from the Government of South Sudan is unaccounted and the Prime Minister’s office took its cut. The report alleges that “In early 2012, South Sudan donated, through Price Waterhouse Coopers, US$1 million to support TFG reconciliation efforts in Somalia’s newly liberated areas. A senior TFG official confirmed to the Somalia-Eretria Monitoring Report (SEMG) that the TFG did indeed receive the US$1 million from South Sudan.59 According to internal TFG documents obtained by the SEMG, the PM instructed the Finance Ministry to disburse the funds directly to individual government officials, MPs and political figures, including US$121,700 to his own office.”

The Prime Minister’s office clarifies that the said US$1 million donated to support TFG reconciliation efforts in Somalia’s newly liberated areas was in fact disbursed and spent on reconciliation efforts in newly recovered areas including Gedo, Bay/Bakool, Hiiraan and Central Somalia areas and evidence of such is available. Additional moneys were spent on political outreach to the regions as mandated under the Road Map protocols. The very fact that the SEMG acknowledges that this particular fund was channeled through Price Waterhouse Coopers demonstrates that the Prime Minister conducts government transactions in a transparent manner.

The Prime Ministers’ distinguished and outstanding contribution to Anti-corruption efforts on the national, regional and international levels is well recognized by Somalis and the following lend credit to those efforts.

1. The Prime Minister has spearheaded various reports in uncovering graft including co-operating with The Monitoring Group in the compilation of its report.

2. The Prime Minister instituted an Anti-Corruption Task Force that is currently operational.

3. The SEMG reports variously refer the Joint Management Finance Board. It is worth noting that the JMFB is the brain child of the Prime Minister. He championed it during the period he was a Cabinet Minister and helped turn it into a reality during his tenure as Prime Minster.

4. The Prime Minister has opposed the release of printed moneys in Sudan pending the institution of proper sound monetary policy, a fact corroborated in the SEMG report.

The PMO takes great exception to the careless and irresponsible publication of false reports that can create wrong impressions and perceptions thereby misleading the Somali people. The PMO further notes that the media bear responsibilities of ethical journalism and as such must refrain from acts of defamation and libel that can cause harm to people’s reputation.

We urge media houses to liaise with the Office of the Prime Minister and authenticate stories relating to His office before going to print. We question the motive behind the publication of this “leaked” report before awaiting the conclusion and distribution of the final report and we call for the upholding of professionalism and objectivity in journalism.

H.E Abdiweli Ali Gaas reassures the Somali People and development partners of his personal commitment in ensuring transparent and accountable utilization of donor funds especially at this critical time in the history of Somalia.

Nabadgelyo Bush House

$
0
0

Kadib toddobaatan sano oo ay BBC dhageystayaasha kala hadli jirtay daarta caanka ah ee Bush House ee ku taalla bartamaha London, ayaa wararkii u dambeeyey oo ku baxay afka Ingiriiska waxaa maanta laga sii daayey Istuudiyaasha BBC ee Bush House.

Soomaali Libya ku xiran

$
0
0

Wareysi ku saabsan xaaladda gabdho Soomaaliyeed oo ku xiran xero ciidan oo ku taal magaalada Misrata ee waddanka LIbya.

Qaxootiga Soomaaliya oo dhaafay 1 milyan

$
0
0

In ka badan hal milyan oo qof ayaa ka qaxay dagaalka Soomaaliya oo galay dalalka deriska ah sida ay sheegtay hey'adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.


Warbixin Midowga Afrika

Warbixinta guddiga dabagalka QM

Talooyinka Kooxda Qaramada Midoobay

$
0
0

 

kooxda la socodka cunaqabateynta Somalia iyo Eriteria ayaa warbixintii dhawaan ay ka soo saartay Somalia waxa ay gunaanad uga dhigtay taloooyin ay soo jeedisay oo ku saabsan arimaha Somalia.
Waxyaabihii ay talo ahaan u soo jeedisay kooxda waxaa ka mid ah in wax laga qabto qatar la sheegay iney soo wajaheyso amaanka iyo degenaanshaha somalia iyo gobolka oo dhan.
Kooxdu waxa ay soo jeedisay, si loo xakameeyo musuq maasuq faraha ka baxay oo ka dhex jira hay'adaha federaliga ah ee dowladda Somalia, in si dhaqsiyo ah loo dhiso gudiga la qorsheeyay ee wada jirka ah ee maareynta maaliyadda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yirahdo (JFMB) isla markaana dhismaha hay'adaasi laga dhigaa shuruud aan la dhaafi karin oo lagu xiro gargaarka ama kaalmo kasta oo beesha caalamka ay mustaqbalka siineyso Somalia.
Waxaa sidoo kale kooxdu ay ku talisay in gudoonka gudiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu warqad u qoro oo uu ka dhaadhiciyo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo raacaya qaraaradii qaramada midoobay ee tirsigoodu ahaa 751 ee soo baxay 1992kii iyo qaraarkii tirsigiisu ahaa 1907 ee isna soo baxay 2009kii  ee ku saabsanaa Somalia iyo Eriteria.
Sidoo kale waa in la xusuusiyaa dalalkaasi qaraarkii isna tirsigiisu ahaa 2036 ee soo baxay 2012ka.ee ku saabsanaa in laga hortago dhoofka dhuxusha Somalia.
Sidoo kale gudigu waa inuu sii wadaa, iyadoo aan dib loo dhigeyn in talaabo lala beegsado  kooxaha ilaa iyo hadda la ogyahay ee xiriirka la leh kooxda Alshabab, sida MYC, Al Hijra iyo AMYC .
Kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin la xiriira burcad badeednimada oo ay sheegtay in iyadoo aan dib loo dhigeyn lala beegsado burcad badeedda iyo shaqsiyaadka lala xiriiriyo ee ay carabaabeen kooxda la socodka cuna qabateynada Somalia iyo eriteria talaabooyin wax looga qabanayo.
isla markaana golaha amaanka uu ka fekeraa suurtagalnimada in la sameeyo koox qubaro ah oo qaas ah oo baaris ku soo sameysa ururinta, wararka, daliilaha iyo marqaatiga la xiriira falalka burcad badeednimada. oo markaasi la magac dhabo hogaamiyeyaasha burcad badeedda, kuwa maalgeliya, kuwa wada xaajoodyada u qaabilsan, kuwa howlahooda u fududeeya, shabakadaha taageera iyo kuwa sida qarsoon uga faa'ida falalka burcad badeednimada, Isla markaana qaraarada Qaramada Midoobay ay Mustaqbalka ka soo saareyso Burcad badeedda Somalia ay tixraac uga dhigataa warbixinta kooxda Kormeerka arimaha Somalia iyo Eriteria, oo laamaha amaanka dowliga ah ee somalia, kuwa gobolka iyo beesha caalamkaba ay isweydaarsadaan xogta la xiriira hogaamiyeyaasha burcad badeeda, la cara baabaa ka dib la horgeeyaa cadaaladda. dhinaca kalena isha lagu ahayaa dhaq dhaqaaqyada shirkadaha amaanka dhinaca badda ee gaarka ah ee maraakiita difaaca ee wata hobka ee maraya biyaha Somalia, si loo adkeeyo cuna qabateynta hubka ee saaran somalia.
Waxaa kaloo ay kooxdu ku talisay in si deg deg ah talaabo looga qaado shirkadaha Sterling Corporate
Services, oo la tuhunsanyahay iney tahay Shirkadda Saricen ee heshiiyada kula jirta Maamulka Puntland oo magaca bedelatay, shirikadda  Australian African Global Investments, iyo shirkadaha xiriirka la leh, kuwa ka macaasha, kuwa iska leh iyo maamulayaasha sar sare ee shirkadahaasi.
waxaa kooxdu tiri dowladda koonfur Afric, Imaaraadka Carabta, uganda iyo Ethiopia waa iney iyaguna qaadaan talaabo kasta oo laga maarmaan ah oo looga hortago in dekedahooda iyo garoomadooda diyaaradaha loo adeegsado, howlaha lala xiriiriyo milatariga ee Somalia ee xad gudubka ku ah cuna qabateynta hubka ee saaran somalia. hadii xitaa ay noqon laheyd taageero farsamo oo ay ka geystaan, tababaro iyo mid maaliyadeedba. isla markaaba dhaq dhaqaaq kasta oo milatary oo la xiriira, sida geynta qalab Somalia, iyo ciidamo loogu tala galay iney qeyb ka noqdaan howgalka lagu xusay farqada 9aad ee qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiigu ahaa 1772,  in lagu wargeliyo ka hor inta aan talaabo ceynkaasi la qaadin qaramada midoobay, si cadna loogu gudbiyaa sababo la xiriira wargelin ku saabsan howlgalka.
waxey kooxdu tiri in Golaha amaanka uu kordhiyo mudda sharciyadda howlgalka AMISOM isla markaana lagu daro howlgalka koox la socota cuna qabateyn hubka ee saaran somalia, gaa ahaan ka howlgasha garoomada dekedaha xuduudaha gudaha Somalia.
kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin ku saabsanaa gargaarka, qiimeynta qatarta somalia iyo siyaabaha ay u wada shaqeyn karaan hay'adaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha madaniga ah ee somalia.
waxaa kaloo kooxdu ay soo jeedisay in TFGdu ay xaqiijiso dhowrista xuquuqda aadanaha, ilaalinta rayidka, dumarka iyo gabdhaha.
iyadoo gaar ahaan sameyneysa la socodka iibka dareyska ciidmada booliska iyo kan milatariga.
Waa iney ka shaqeysaa amaanka dadka barakacayaasha ah oo ay xaqiijisaa in dadka la dhibaateeyo ama tacadi loo geysto ay soo gudbin karaan dhacdooyinka ay la kulmaan isla markaana la helaa nidaam wax looga qabanayo arimahaasi.
Ugu dambeyntiina ayaa koodu ay taladeeda ku tiri DKMG ah waa iney si dhaqsa ah u saxiixdaa oo ay u ansixisaa una hirgelisaa heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda caruurta  iyo baratakoolka ka hor imaanaya u adeegsiga ciyaalka ee colaadaha iyo askareynta.
Sidoo kale talo taas la mid ah oo xuquuqda caruurta la xiriita ayaa loo soo jeediyay maamulada kale ee ka jira somalia.

kooxda la socodka cunaqabateynta Somalia iyo Eriteria ayaa warbixintii dhawaan ay ka soo saartay Somalia waxa ay gunaanad uga dhigtay taloooyin ay soo jeedisay oo ku saabsan arimaha Somalia.
Waxyaabihii ay talo ahaan u soo jeedisay kooxda waxaa ka mid ah in wax laga qabto qatar la sheegay iney soo wajaheyso amaanka iyo degenaanshaha somalia iyo gobolka oo dhan.
Kooxdu waxa ay soo jeedisay, si loo xakameeyo musuq maasuq faraha ka baxay oo ka dhex jira hay'adaha federaliga ah ee dowladda Somalia, in si dhaqsiyo ah loo dhiso gudiga la qorsheeyay ee wada jirka ah ee maareynta maaliyadda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yirahdo (JFMB) isla markaana dhismaha hay'adaasi laga dhigaa shuruud aan la dhaafi karin oo lagu xiro gargaarka ama kaalmo kasta oo beesha caalamka ay mustaqbalka siineyso Somalia.

Waxaa sidoo kale kooxdu ay ku talisay in gudoonka gudiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu warqad u qoro oo uu ka dhaadhiciyo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo raacaya qaraaradii qaramada midoobay ee tirsigoodu ahaa 751 ee soo baxay 1992kii iyo qaraarkii tirsigiisu ahaa 1907 ee isna soo baxay 2009kii  ee ku saabsanaa Somalia iyo Eriteria.Sidoo kale waa in la xusuusiyaa dalalkaasi qaraarkii isna tirsigiisu ahaa 2036 ee soo baxay 2012ka.ee ku saabsanaa in laga hortago dhoofka dhuxusha Somalia.
Sidoo kale gudigu waa inuu sii wadaa, iyadoo aan dib loo dhigeyn in talaabo lala beegsado  kooxaha ilaa iyo hadda la ogyahay ee xiriirka la leh kooxda Alshabab, sida MYC, Al Hijra iyo AMYC .
Kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin la xiriira burcad badeednimada oo ay sheegtay in iyadoo aan dib loo dhigeyn lala beegsado burcad badeedda iyo shaqsiyaadka lala xiriiriyo ee ay carabaabeen kooxda la socodka cuna qabateynada Somalia iyo eriteria talaabooyin wax looga qabanayo.

isla markaana golaha amaanka uu ka fekeraa suurtagalnimada in la sameeyo koox qubaro ah oo qaas ah oo baaris ku soo sameysa ururinta, wararka, daliilaha iyo marqaatiga la xiriira falalka burcad badeednimada. oo markaasi la magac dhabo hogaamiyeyaasha burcad badeedda, kuwa maalgeliya, kuwa wada xaajoodyada u qaabilsan, kuwa howlahooda u fududeeya, shabakadaha taageera iyo kuwa sida qarsoon uga faa'ida falalka burcad badeednimada, Isla markaana qaraarada Qaramada Midoobay ay Mustaqbalka ka soo saareyso Burcad badeedda Somalia ay tixraac uga dhigataa warbixinta kooxda Kormeerka arimaha Somalia iyo Eriteria, oo laamaha amaanka dowliga ah ee somalia, kuwa gobolka iyo beesha caalamkaba ay isweydaarsadaan xogta la xiriira hogaamiyeyaasha burcad badeeda, la cara baabaa ka dib la horgeeyaa cadaaladda. dhinaca kalena isha lagu ahayaa dhaq dhaqaaqyada shirkadaha amaanka dhinaca badda ee gaarka ah ee maraakiita difaaca ee wata hobka ee maraya biyaha Somalia, si loo adkeeyo cuna qabateynta hubka ee saaran somalia.

Waxaa kaloo ay kooxdu ku talisay in si deg deg ah talaabo looga qaado shirkadaha Sterling Corporate
Services, oo la tuhunsanyahay iney tahay Shirkadda Saricen ee heshiiyada kula jirta Maamulka Puntland oo magaca bedelatay, shirikadda  Australian African Global Investments, iyo shirkadaha xiriirka la leh, kuwa ka macaasha, kuwa iska leh iyo maamulayaasha sar sare ee shirkadahaasi.
waxaa kooxdu tiri dowladda koonfur Afric, Imaaraadka Carabta, uganda iyo Ethiopia waa iney iyaguna qaadaan talaabo kasta oo laga maarmaan ah oo looga hortago in dekedahooda iyo garoomadooda diyaaradaha loo adeegsado, howlaha lala xiriiriyo milatariga ee Somalia ee xad gudubka ku ah cuna qabateynta hubka ee saaran somalia. hadii xitaa ay noqon laheyd taageero farsamo oo ay ka geystaan, tababaro iyo mid maaliyadeedba. isla markaaba dhaq dhaqaaq kasta oo milatary oo la xiriira, sida geynta qalab Somalia, iyo ciidamo loogu tala galay iney qeyb ka noqdaan howgalka lagu xusay farqada 9aad ee qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiigu ahaa 1772,  in lagu wargeliyo ka hor inta aan talaabo ceynkaasi la qaadin qaramada midoobay, si cadna loogu gudbiyaa sababo la xiriira wargelin ku saabsan howlgalka.
waxey kooxdu tiri in Golaha amaanka uu kordhiyo mudda sharciyadda howlgalka AMISOM isla markaana lagu daro howlgalka koox la socota cuna qabateyn hubka ee saaran somalia, gaa ahaan ka howlgasha garoomada dekedaha xuduudaha gudaha Somalia.
kooxdu waxaa kaloo ay soo jeedisay talooyin ku saabsanaa gargaarka, qiimeynta qatarta somalia iyo siyaabaha ay u wada shaqeyn karaan hay'adaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha madaniga ah ee somalia.
waxaa kaloo kooxdu ay soo jeedisay in TFGdu ay xaqiijiso dhowrista xuquuqda aadanaha, ilaalinta rayidka, dumarka iyo gabdhaha.iyadoo gaar ahaan sameyneysa la socodka iibka dareyska ciidmada booliska iyo kan milatariga.
Waa iney ka shaqeysaa amaanka dadka barakacayaasha ah oo ay xaqiijisaa in dadka la dhibaateeyo ama tacadi loo geysto ay soo gudbin karaan dhacdooyinka ay la kulmaan isla markaana la helaa nidaam wax looga qabanayo arimahaasi.
Ugu dambeyntiina ayaa koodu ay taladeeda ku tiri DKMG ah waa iney si dhaqsa ah u saxiixdaa oo ay u ansixisaa una hirgelisaa heshiiska caalamiga ah ee dhowrista xuquuqda caruurta  iyo baratakoolka ka hor imaanaya u adeegsiga ciyaalka ee colaadaha iyo askareynta.

Sidoo kale talo taas la mid ah oo xuquuqda caruurta la xiriita ayaa loo soo jeediyay maamulada kale ee ka jira somalia.

Dagaalo culus oo ka dhacay deegaano hoos taga degmada Baardheere & Ciidamada dowladda oo kaabiga u fuula Baardheere

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo ay wehliyeen Ahlusuna iyo Ciidamada Kenya ay qarka u saaran yihiin inay la wareegaan degmadaas, kadib dagaalo qorsheysan ay shalay ku qaadeen.
Sida wararku ay sheegayaan dagaalada oo shalay ilaa iyo xalay ka dhacayay duleedka Baardheere ayaa aaqrikii keenay in ciidamada ay aad ugu siqaan degmada.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay isugu uruureen degmada Baardheere, markii laga soo saaray dhanka duleedka degmada.
Diyaaradaha dagaalka kenya ayaa ka qeyb qaatay dagaalada shalay ilaa iyo xalay ka socday duleedyada Baardheere, iyagoo gubay gaadiid dagaal ay lahaayeen Shabaab.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dagaalada ay guulo ka gaareen, isla markaana qorshahooda yahay in saacadaha soo socda ay qabsadaan Baardheere.
Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay wajaheysay culeysyo milateri uga imaanayay dhinacyo badan, waxaana taasi ay keentay in gacantooda ka baxdo deegaano dhowr ah.

Caaqil Maxamed Aadan: "Xuduudaha Soomaaliya Waa Lama Taabtaan"

$
0
0

Caaqil Maxamed Aadan Cali Cabdulaahi oo ka mid ah wax garadka ku shiraya magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan qodobo badan oo kuy qoran dastuurka oo wax u dhibaya dalka iyo diinta.
Wuxuu sheegay in odoyaasha dhaqanlka Soomaaliyeed qodobada ay sida aadka ah kaga soo horjeedaan ay ka mitahay  qodobka todobaad faqradiisa saddexaad oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliya.
Caaqil Maxamed Wuxuu sheegay in xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah islamarkaana ay aqoonsan yihiin xuduudihii jiray 1960.isaga oo tilmaamay in odayaasha ay isku afgarteen in si deg deg ah Dastuurka looga saaro qodobkaasi.
Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay si aad ah kaga soo horjeedaan qaar ka mid ah qodobada ku qoran dastuurka oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin Dalka iyo Diinta intaba.
12-bishaan ayaa waxaa lagu balan sanaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu ansixinayo Dastuurka cucub waxaana shirkaasi ku yimid dib u dhac ka dib markii odoyaasha qaarkood waqtigii loogu talagalay ay ku soo xuli waayeen Ergada ansixinta dastuurka.
Xukuumada Soomaaliya waxay haatan sheegtay in shirk ansixinta dastuurka uu dhici doono 21-bishaan July isla markaana odoyaasha dhaqanka maalmaha dhow ay soo dhameestiri doonaan ergada ansixinta Dastuurka.

Sidee Loo Kala Qaatay Malaayiinta Doolar Ee Soo Gashay DKMG Soomaaliya (Fadeexad)

$
0
0

Warbixin ey maalintii Axad ahayd ey soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu faahfaahiyey hanti gaareysa malaayiin doolar oo ay lahayd dawlada Soomaaliya taasoo ay xadeen masuuliyiinta ugu sareysa DKMG Soomaaliya.
Warbixinta ayaa daaha ka qaaday faahfaahino buuxa oo muujinaya tirada lacagaha la xaday, meelaha ay ka yimaadeen iyo jawaabihii ay bixyeen masuuliyiinta qaarkood markii wax laga weydiiyey lacagahan deeqaha loo siiyey dawlada ee la xaday.
1- Sheekh Shariif Sheekh Axmed (Madaxweynaha hadda ee DKMG)
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
Warbixinta ayaa cadeysay in lacag gaareysa 3 milyan oo doolar (USD $3,000,000) oo ay ku deeqday dawlada Cuman  uu qeyb ka helay madaxweyne Shariif, taasoo si shakhsi ah uu uga faa’ideystay.
Lacagta dawlada Cuman ay bixisay waxaa loogu talagalay in lagu dhiso ciidamada nabadsugida, balse Sheekh Shariif wuxuu lacagtaasi qeybtii uu ka helay u dhiibtay nin lagu magacaabo Cabbaas Sheekh Maxamed Jamaalo (ama Jimcaale) oo ka soo jeeda beesha Agoonyar/Harti Abgaal/ Abgaal oo ah beeshauu ka soo jeedo madaxweyne Shariif.  Cabaas iyo Shariif, ka sokow inay isku reer yihiin waxaa ka dhexeeya hawlo ganacsi, sida lagu cadeeyay warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan dawlada oo hadda jooga, iyo qaar hore dawlada ula shaqeyn jiray in Cabaas Sheekh Maxamed uu horey u bixin jiray raashiinka iyo tasiilaadka ciidamada amaanka ee dawlada Soomaaliya.   Cabbaas axaa uu leeyahay shirkad lagu magacaabo A.S.M.J General Trading Company taasoo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, waxayna shirkaddan ku diiwaangashan tahay shirkad Kenyan-Somali ah.
Waxaa kaloo la tilmaamay Danjire Sheekhey oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya u jooga Dubai oo saaxiib dhow la ah Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan.
Warbixintu waxay sheegtay in dhaqaale ka badan 30% lacagta guud ee dawlada Soomaaliya soo gashay (una dhiganta afar meelood meel 1/4) ay ku baxday xafiisyada saddexda masuul ee ugu sareysa dawlada KMG ee kala ah xafiiska madaxweynaha, xafiiska raysul wasaaraha iyo xafiiska afhayeenka baarlamaanka.  Sanadkii 2011, saddexdan xafiis markii la isu geeyo waxay isticmaalaan lacag kor u dhaafeysa US$12.6 million (Labo iyo Toban Milyan iyo Lix Boqol Kun Doolar), waxayna lacagtaasi u dhigantaa 23% miisaaniyada guud ee dawlada ee sanadkaasi.
Waxaa yaab noqotay in halka saddexda xafiis ay lacagta intaasi gaareysa ku takrifaleen in dhammaan wasaaradihii kale ee dawlada ee laga rabay adeegyada aas aasasiga marka la isku daro, ay isticmaaleen US$15.4 million (Shan iyo Toban Milyan iyo Afar Boqol Kun Doolar).
2- Shariif Xadan Sheekh Aadan (Afhayeenka xilka laga qaaday)
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Warbixinta ayaa sheegtay in Shariif Xasan uu mudo dheer waday xatooyada xoolaha dawlada isla markaana uu saaxiibadiisa gaarka ah u saxiixay qandaraasyo gaar ah tan iyo markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda ee DKMG ah sanadkii 2009 xilligaasi oo uu raysul wasaare ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Shariif Xasan wuxuu lacag dhan saddex milyan (USD $3,000,000) ka helay dawlada Cuman oo ah lacag ay kala qeybsadeen isaga iyo Madaxweyne Shariif, lacagtaasoo dawlada la soo gaarsiiyey bishii April 2009.   Wuxuu sidoo kale hal milyan (USD $1,000,000) ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics oo uu isaga gacantiisa ugu saxiixay garoonka iyo dekeda magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan wuxuu saami ganacsi ku leeyahay hawlo ganacsi oo ay wada leeyihiin isaga, Gen C/laahi Gaafow oo ah ninka madaxda ka ah Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo nin lagu magacaabo Shariif Axmed Bacalawi.  Saddexdooda waxay la shirkoobeen shirkad lagu magacaabo Mondial Technology Information oo la siiyey qandaraaska sameynta baasaboorka cusub (E-Passport) oo fadhigeedu yahay Dubai.
Shariif Xasan wuxuu dawlada Suudaan kula heshiiyey in loo daabaco lacag Shilin Soomaali ah oo qiimeheedu yahay 1,000 Sh.So, 2,000 Sh.So, 10,000 Sh.So, 20.000 Sh So iyo 50,000 Sh. So. Lacagtaasi ayaa daabacaadeedu ku kacaysaa $150 million oo doolar.  Lacagtaasi waxaa daabacaysa shirkadda Sudan Currency Printing Press (SCPP) oo ku taalla magaalada Khartoum.
Haweeney lagu magacaabo Khadiijo Cosoble ayaa iyaduna la sheegay inay shirkaddan weydiisatay inay lacag Shilin Soomaali ah u daabacdo.
Warbixinta guddiga waxay tilmaantay in Shariif Xasan, sanadkii 2010 uu ka hirjeestay guddi maaliyad oo uu sameeyay raysul wasaarihii xilligaasi Cumar C/rashiid.  Guddigaasi waxaa madax u ahaa C/risaaq Fartaag waxayna soo bandhigeen hal warbixin oo ka hadlaysay xaalada dhaqaale ee wadanka laakiinShariif Xasan oo ahaa wasiirka maaliyada ayaan ku farxin guddiga wuxuuna la kaashaday madaxweyne Shariif oo saaxiibkiisa ahaa in guddiga lakala ceyriyo.
E-Passport oo ganacsi laga furtay
Gen Cabdullaahi Gaafow
Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay ayaacadeysay in baasaboorka cusub ee Soomaaliga uu noqday ganacsi laga taajiray iyadoo xitaa xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab loo sameeyay baasaboorka.  Guddiga Qaramada Midoobay waxay xaqiijiyeen in nin ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab la siiyey baasaboorka nooca diblomaasiga iyadoo ay u fududeeyeen saraakiil ka tirsan DKMG ah.  Waxaa kaloo jira, sida warbixintu sheegtay inay jiraan dad ka tirsan Al Shabaab oo labo baasaboor heysta.
Mid ka mid ah ragga ugu sareeya kooxaha burcad badeeda ayaa isaguna la siiyey baasaboorka diblomaasiga oo leh sawirkiisa iyo magaciisa, waxaana gacan ka geystay saraakiil dawlada ku jira.
Warbixinta ayaa cadeysay in mudadii u dhexeysay 2007 illaa 2010 hal shilin oo kayimid baasaboorka cusub sameyntiisa uusan u xaroonin wasaaradda maaliyada ee DKMG ah, halka mudaddii u dhexeysay July 2010 illaa December 2011, lacag gaareysa US$1.5 million (Hal Milyan iyo Bar Doolar) oo ka soo xarooday bixinta baasaboorka la waayey meel ay ka baxday.
3- C/weli Maxamed Cali Gaas (Raysul wasaaha hadda ee Dawlada)
Guddiga qoray warbixinta waxay sheegeen in raysul wasaare C/weli Gaas uu maalin kasta waraaqo u diro xafiiska canshuuraha ee dekeda Muqdisho isagoo ka codsanaya in canshuurta laga dhaafo shirkado iyo shakhsiyaad uu ku sheego inay dawlada adeeg u qabanayaan.
Raysul wasaare Cabdiweli Gaas
Raysul wasaare Gaas waxaa lagu eedeeyay in xukuumadiisu ay heshay lacag gaareysa $15 milyan oo doolar (usd $15 Million dollars) oo ahayd deeq ka timid dawlada Imaaraadka Carabta UAE. Laakiin lacagtaasi markii la weydiiyey raysul wasaare Gaas wuu beeniyey wuxuuna sheegay in xukuumadii isaga ka horeysay ee Raysul wasaare Farmaajo loo dhiibay lacagtaasi oo uu cadadkeeda ku sheegay $10,000,000 (Tobam Milyan) isla markaana $3.5 milyan oo ka mid ah si khaldanu isticmaaleen, waa sida laga soo xigtay C/weli Gaas.
C/weli Gaas waxaa kaloo ku maqan hal milyan oo doolar (USD $1.000,000) oo ka timid dawlada Koonfurta Suudaan, taasoo xafiiska raysul wasaare Gaas uu qariyey halka ay martay.
Guddiga warbixinta qoray waxay sheegeen, in lacagta Koonfurta Suudaan ku deeqday horaantii sanadkan 2012 la soo marsiiyey shirkad lagu magacaabo Price Waterhouse Coopers, waxaana ujeedada lacagtaasi ayahayd in lagu teegeero dib u heshiisiinta iyo xasilinta goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab ee gacanta dawlada soo galay. Dukumintiyo ay heleen Guddiga Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin Soomaali ah ayaa xaqiijiyey in lacagtaasi ay soo gaartay dawlada waxayna warbixintu sheegtay in Raysul wasaare C/weli Gaas uu amray wasiirkiisa maaliyadda inuu lacagtaasi siiyo shakhsiyaad, xildhibaano iyo siyaasiyiin waaweyn, halka US$121,700 (Boqol iyo Kow iyo Labataan iyo Toddobo Boqol Kun Doolar) ay ku baxday xafiiska raysul wasaare Gaas oo kaliya.
Markii raysul wasaare Gaas la weydiiyey halka ay mareen lacagahan iyo in lagu bixiyey arimaha dib u heshiisiinta ma jirin wax jawaab ah oo laga helay.
4- Maxamed C/laahi Farmaajo (Raysul wasaarihii hore Dec 2010- June 2011)
Maxamed C/laahi Farmaajo
Raysul wasaaraha hadda jooga C/weli Gaas wuxuu Farmaajo ku eedeeyay inuu si xun u maamulay lacag gaareysa $3.5 (Saddex Milyan iyo Bar oo doolar) taasoo qeyb ka ahayd $10,000,000 (Toban milyan oo Doolar) oo dawlada Imaaraadka Carabta UAE ugu deeqday xukuumadii Maxamed C/laahi Farmaajo.
Guddiga Qaramada Midoobay waxay xaqiijiyeen in ka sokow tobanka milyan ee doolar ee loogu deeqay xukuumadii Farmaajo, ay jirtay shan milyan oo doolar ($5,000,000) oo loogu deeqay xukuumada C/weli Gaas.
C/weli Gaas wuxuu Guddiga Qaramada Midoobay ee warbixintan qoray u sheegay in dawlada Imaaraadka ay bixisay toban milyan oo doolar lacagtaasoo loo dhiibay xukuumadii Farmaajo, hase yeeshee kaliya $6.500,000 (Lix Milyan iyo Shan Boqol kun doolar) la geeyay Bangiga Dhexe.   C/weli Gaas wuxuu intaa ku daray in US$5,000,000 (Shan Milyan oo Doolar) oo ay bixisay Dawlada Imaaraadka loo dhiibay maamulkiisa taasoo gebi ahaanteed uu sheegay in la geeyey Bangiga Dhexe.  Laakiin Guddiga Qaramada Midoobay waxay sheegeen inaan la xaqiijin karin sheegashada ah in lacagta shanta milyan la dhigay Bangiga Dhexe.
Sidoo kale waxaan la ogeyn sababta uu wasiirka maaliyada DKMG ah u sheegay lacag ka badan inta uu raysul wasaaruhu sheegay.
Eedeymaha ka dhanka ah Farmaajo illaa hadda waxba lagama weydiin, sida guddigu ay ku sheegeen warbixintooda.
5- C/raxmaan Maxamed Faroole (Madaxweynaha Puntland)
Guddigu waxay madaxweyne Faroole ku eedeeyeen inuu ka faa’ideystay shirkado shisheeye oo uu dalka keenay isagoo ku xadgudbay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay horey u saartay Soomaaliya.
C/raxmaan Faroole
Guddigu waxay warbixintooda ku sheegeen in shirkadda African Oil oo madaxweyne Faroole heshiis horey ula galay ay keentay shirkad lagu magacaabo Pathfinder Corporation taasoo amaanka qaabilsan, waxayna shirkadan ka hawlgashaa gobolada waqooyiga Soomaaliya (Puntland)waxayna qeyb ka tahay kooxda “Puntland Exploration Security Unit” ooloogu talagalay amaanka goobaha laga baarayo shidaalka ee ku yaalla Puntland.
Kooxda “Puntland Exploration Security Unit” iyo shirkaddan Pathfinder Corporation ayaa la sheegay inay qalab militari u geeyeen Puntland iyadoo kharashka iyo mushaharkana ay bixisay shirkadda African Oil.
Guddiga waxay tilmaameen in madaxweyne Faroole uu heshiisyo la galay shirkado amaan uuna si cad ugu xadgudbay cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay Soomaaliya taasoo tirsigeedu ahaa Security Council resolution 733 (soona baxay sanadkii 1992).
Saracen iyo Puntland
Guddiga Qaramada Midoobay waxay sheegeen in Shirkadda Saracenoo ah shirkad ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal ka hawlgabay ‘Balackwater iyo CIA’ ay ka hawlgasho deegaanada Puntland iyadoo aysan jirin wax sharci ah oo ay ku joogaan.  Saracen waxay leedahay in ka badan 1,000 askari ooku qalabeysan hubka culus iyo diyaarado waxayna toos uga amar qaataan madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, sida ku qoray warbixinta Guddiga.
Faroole markii la weydiiyey arimahan, waxay guddigu sheegeen inuusan u soo jawaabin isla markaana maamulka Puntland uu u muuqdo mid diidan shaqada guddiga caalamiga ah uu hay

Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen maalintii shalay taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb  ayaa shaaca looga qaaday si faahfaahsan malaayiin doolar oo deeq ahaan u soo gashay DKMG Soomaaliya taasoo ay musuqmaasuqeen madaxda ugu sareysa dawlada, sida warbixinta lagu sheegay.
Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore [halkan ka akhri] oo Raxanreeb ay shalay daabacday waxay ka hadashay masuuliyiinta ugu sareysa dawlada oo lagu eedeeyay inay isdabamarin ku sameeyeen boqolaal milyan oo doolar, waxaana madaxda warbixinta lagu xusay ay kala yihiin Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.
Haddaba qeybtan waxaan ku soo gudbineynaa faahfaahinta sida loo kala qaatay lacagaha la sheegay in la xaday, waxaana ka soo tarjunay isla warbixinta ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group. Halkan ka eeg warbixinta Monitoting Group
“Maxaa iigu jira?” (“What’s in it for me?”)
Warbixinta waxaa lagu bilaabay in shaqadii dawlada Soomaaliya iyo xafiisyadii danta guud ay isku rogeen meel si gaar ah loogu takrifalo oo dad gaar ah kaga faa’ideystaan danahooda gaarka ah.  Masuul ka tirsan dawlada oo ka gaabsaday magaciisa ayaa hab dhaqanka ka jira xafiisyada dawlada oo ay ku jiraan kuwa ugu sareeya ku sifeeyay mid daneysi ah, isagoo yiri.
“Waxba lama sameeyo xafiisyada dawladaan, iyadoon qofka isweydiinin Maxaa iigu jira?”.
1- Deeqdii ka timid dawlada Cumaan
Bishii April 2009, waxaa taliyaha Laanta Nabadsugida DKMG ah loo magacaabay Gen Maxamed Sheekh Xasan oo xilkaasi kala wareegay ninkii ka horeeyay oo ahaa Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish”.  Markii uu xilka la wareegay Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ogaaday in hay’adda nabadsugida ay lacag dhan $3 milyan oo doolar oo kaalmo ah ka heshay dawlada Cumaan, isla markaana dawlada Cumaan ay markale diyaar u tahay inay deeq labaad siiso hay’adda nabadsugida Soomaaliya.
Gen Darwiish (waa taliyihii nabadsugida ee dawladii C/laahi Yuusuf) wuxuu guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group u sheegay in dawlada Cumaan ay horey ugu deeqday $3 milyan oo doolar (USD $3,000,000) lacagtaasina loo isticmaalay mushaharaadka ciidamada nabadsugida iyo qalab loo soo iibiyey ciidamada.   Guddiga waxay sheegeen inay ogaadeen in lacagta saddexda milyan ay isku khilaafeen Madaxweynihii xilligaasi Marxuum C/laahi Yuusuf iyo Raysul wasaarihiisa Nuur Cadde. Ugu dambeyntiina lacagtaasi lama marsiin Bangiga Dhexe ee dalka laman oga sida loo isticmaalay.
Bishii March 2010, taliyaha nabadsugida ee DKMG ah Gen Maxamed Sheekh Xasan wuxuu ballan kulan ah la qabsaday dhigiisa wadanka Cumaan.  Ballanta kulankaasi waxaa soo qabtay danjiraha dawlada Soomaaliya u jooga wadanka Cumaan Xasan Maxamed Siyaad (Wiil uu dhalay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madaxweynihii dawladii militariga) oo ku sugan xarunta Cumaan.
Sida warbixintu tilmaameyso, taliyaha nabadsugida ka hor intii uusan aadin wadanka Cumaan wuxuu arinta safarkiisa u sheegay Shariif Xasan oo ahaa wasiirka maaliyadda, isaguna wuxuu ku wargeliyey madaxweyne Shariif- waxayna labaduba ogolaadeen in Gen Maxamed Sheekh uu tago Cumaan uuna weydiisto lacag caawimaad ah oo agu caawiyo dhismaha ciidamada Nabadsugida DKMG ah. Waxana Gen Maxamed Sheekh loo dhiibay warqad rasmi ah oo uu qoray madaxweyne Shariif taasoo toos ugu socotay Suldaanka Cumaan Suldaan Qaboos Bin Saciid Aala Saciid.  Warqadaasi oo af Carabi ku qornayd wuxuu Sheekh Shariif ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mahadcelinayaan taageerada dawlada Cumaan iyo inay soo dhoweynayaan kaalmo kasta oo la siinayo dawlada KMG.
Bishii March 2010, Shan xubnood oo uu hogaaminayo Gen Maxamed Sheekh ayaa tagay Cumaan. Waxayna la kulmeen taliyaha sirdoonka Cumaan oo ay ku wareejiyeen warqadii uu soo qoray madaxweyne Shariif iyo warqad kale oo codsi ahayd oo uu qoray Gen Maxamed Sheekh (taliyihii hore ee nabadsugida DKMG) waxaana waxyaabaha uu codsaday taliyahaasi ka mid ahaa in loo iibiyo baabuur lancruisero ah ciidamada nabadsugida iyo matooroada dabka dhaliya.
Shariif Xasan
Dhowr usbuuc kadib kulanka, Gen Maxamed Sheekh waxaa telefoon ku soo wacay taliyaha sirdoonka Cumaan oo u sheegay in Suldaan Qaboos-ka Cumaan uu aqblay inuu lacag deeq ah siiyo dawlada Soomaaliya sidaa darteedna looga baahan yahay inay u soo sheegaan MAGACA qofka lagu sooo qorayo jeega lacagta (cheque) ay ku bixineyso dawlada Saldanada Cumaan.
Gen Maxamed Sheekh wuxuu markiiba toos ula xiriiray Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo markaasi ku sugnaa wadanka Ingiriiska (gaar ahaan London) wuxuuna u sheegay arinta halka ay mareyso iyo in dawlada Cumaan ay ku deeqeyso $3 milyan oo doolar.  Shariif Xasan ayaa Gen Maxamed Sheekh u tilmaamay inuu u sheego sarkaalka Cumaan in lacagta uu soo marsiiyo shirkad lagu magacaabo Price Waterhouse Coopers (PWC) oo heysa account number ku qoran magaca DKMG Soomaaliya.
Dhowr toddobaad kadib, waxaa markale Gen Maxamed Sheekh la soo xiriiray sarkaal Cumaani ah oo u sheegay inay dhibaato kala kulmeen soo wareejinta lacagta saddexda milyan iyadoo electronic ah, sidaasi darteed wuxuu ka codsaday in masuuliyiinta Soomaalida midkood uu yimaado si uu u soo qaato lacagta oo jeeg (cheque) ku qoran.   Shariif Xasan ayaa markaasi qorsheystay inuu u safro Cumaan si uu ula soo kulmo madaxda Cumaan ee lacagta uu ka soo qaadayo laakiin sababo dhanka farsamada ah darteed waxaa ballanta loo wareejiyey Dubai.
Shariif Xasan markii uu tagay Dubai wuxuu damcay inuu Account Number ka furo halkaasi, laakiin kuma uusan guuleysan sidaasi darteedna wuxuu ka codsaday Danjire C/qaadir Sheekheey (Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Dubai) in jeega uu isaga saxiixo si lacagta loo dhigo account number ay leedahay qunsuliyadda Dubai oo uu Danjire Sheekhey hayo saxiixeeda (oo ah Dubai Bank account number 020-
102208-0210).  Sida laga soo xigtay Gen Maxamed Sheekh, lacagtii saddexda milyan ee doolar waxay toddobaadyo kadib soo gaartay account numberka qunsuliyada- waana laga talabaxay shirkadda Price Waterhouse Coopers (PWC).
Gen Maxamed (Taliyihii hore ee nabadsugida)
Cumar C/rashiid
Gen Maxamed markii uu ogaaday in lacagta saddexda milyan ee doolar la marsiiyey meel kale, wuxuu la xiriiray Shariif Xasan isagoo weydiiyey ‘qeybtiisa’.  Waxaana Gen Maxamed Sheekh uu qirtay mudo kadib Shariif Xasan uu u soo diray lacag dhan $10,000 (Toban kun doolar) taasoo uu sheegay inay ahayd kharashaadkii uu ku galay safaradii Cumaan.  Lacagta tobanka kun ee loo soo diray Gen Maxamed Sheekh waxaa la sheegay inay meelo kale ka timid ee aysan ahayn lacagtii Cumaan ka timid.
Cumar C/rashiid, Shariif Xasan iyo Shariif Axmed
Monitoring Group waxay sheegeen in lacagta Cumaan ay kala qeybsadeen Madaxweynaha Shariif, Shariif Xasan (oo ahaa wasiirka maaliyada) iyo raysul wasaarihii xilligaasi Cumar C/rashiid.    Cumar C/rashiid wuxuu Monitoring Group u sheegay in isaga iyo madaxweyne Shariif ay heleen $100,000 (Boqol kun oo doolar) midkiiba uuna u maleynayo inay lacagtaasi ka timid dawlada Cumaan.
Cumar C/rashiid ma cadeyn karo sida lacagta loo isticmaalay, sida ay xaqiijiyeen Monitoring Group.
Danjire C/qaadir Sheekheey
Sheekh Shariif Sheekh Axmed (gadaal walaalkiis Daa'uud Sheekh Axmed)
Kooxda Monitoring Group waxay wareysi xaqiiqo raadin ah la yeesheen Danjire C/qaadir Sheekheey (qunsulka Soomaalida ee Dubai) wuxuuna sheegay in lacagta saddexda milyan ee ku soo dhacday Account Numberka qunsuliyada uu u kala xawilay sida soo socota:-
A) US$1.2 million (Hal Milyan iyo Labo Boqol Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading (L.L.C.) oo fadhigeedu yahay Dubai.  Shirkaddan waxaa, sida horey loo soo sheegay iska leh nin lagu magacaabo Cabbaas Sheekh Maxamed Jimcaale oo ay qaraabo dhow yihiin (Agoon yar/Abgaal) madaxweyne Shariif isla markaana ah nin aad ugu dhow Sheekh Shariif.
B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda Jubba Airways Cargo oo la sheegay inay deyn hore ugu lahayd dawlada. Shirkaddan waxaa iska leh nin lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax (oo ka soo jeeda Hawiye/Murursade), waana ninka iska leh qaar ka mid ah maraakiibta waaweyn ee badeecadaha u qaada Soomaaliya iyo Dubai.
C) US$1,650,000 (Hal Milyan iyo Lix Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa xawaalad loo dhigay Shariif Xasan ooku sugnaa Muqdishu.
Lacagahan lama helin meel ay ku bexeen,xisaabiyaha guud ee dawlada markii ay weydiiyeen Monitoring Group wuxuu u sheegay in wasiirka maaliyadda (Shariif Xasan) uusan wax dakhli ah oo ka yimid Cumaan ku soo wargelin.  “Ma arkin” ayuu yiri xisaabiyaha guud ee dawlada.
Cabbaas Sheekh Maxamed iyo Yuusuf Sheekh Maxamed
Kooxda Monitoring Group waxay sheegeen inay heleen in ganacsatada waaweyn ay laaluush iyo qaab aan toos ahayn adeegyo uga fushadaan madaxda sare ee dawlada.  Waxaana dadka la tilmaamay ka mid ah Cabaas Sheekh Maxamed Jimcaale (ama Jamaalo) oo ah mulkiilaha shirkadda A.S.M.J Trading Company taasoo fadhigeedu yahay Dubai.
Cabbaas waxay wada dhasheen Yuusuf Sheekh Maxamed oo iska leh shirkad kale oo la yiraahdo ‘Daljir Trading and General Service’ oo qandaraasyo ka qaadata wasaaradda difaaca DKMG ah isla markaana mararka qaar raashiin iyo qalab u keenta ciidamada dawlada.
Cabbaas iyo Yuusuf (Agoon Yar/ Abgaal) waa ragga gacanta ku haya lacagta madaxweyne Shariif ka helo dawlada, waxayna had iyo jeer labada nin qeybta soo gaarta Sheekh Shariif ku aruuriyaan keydkooda Dubai.  Waxay kaloo lacagaha ka soo ururiyaan wadamada Carabta iyagoo ka wakiil ah madaxweynaha, sida laga soo xigtay saraakiil dawlada ku dhex jira.
Sayid Cali Macalim Cabdulle (Maareeyaha dekeda Muqdisho)
Sayid Cali Macalin (Maareeyaha dekeda Muqdisho)
Sayid Cali Macalim Cabdulle waa maareeyaha dekeda Muqdisho, waxay guddigu sheegeen in isaga iyo walaalkiis Maxamuud Macalim Cabdulle (Agoon Yar/Abgaal) ay ka mid yihiin mulkiilayaasha shirkadda Daljir Trading and General Service.
3-dii April 2010 shirkadda Daljir Trading waxay xafiiska raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid u gudbisay warqad qaansheegad ah oo ay ku sheeganeyso in US$1,965,000 (Hal Milyan iyo Sagaal Boqol Lixdan iyo Shan Kun Doolar) ay ku leedahay dawlada KMG ah, taasoo ahayd deyn raashiin iyo qalab ay dawlada u soo iibisay, sida lagu muujiyey dukuminti ay heleen Monitoring Group.
2- Dhaqaalihii ay bixisay SKA Air & Logistics
Bishii June 28-keeda sanadkii 2010, waxay Shirkadda SKA Air & Logistics heshiis qandaraas ah la saxiixatay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa wasiirka maaliyadda iyadoo loo fasaxay maamulka garoonka iyo dekeda Muqdisho.  Dhanka shirkadda SKA waxaa heshiiska u saxiixay gudoomiyahooda Mike Douglas.
Isla bishii ku xigtay Mike Douglas (gudoomkyaha SKA Air & Logistics) wuxuu la xiriiray danjire C/qaadir Sheekhey oo ku sugan Dubai, wuxuuna u sheegay inuu rabo in lacag dhan USD $1,000,000 (Hal Milyan Doolar) uu u soo xawilo account numberkiisa, taasoo qeyb ka ahayd heshiiska dhexmaray dawlada iyo shirkadda SKA Air & Logistics. Lacagtaasi waxay ku dhacday account number-ka qunsuliyada ee uu maamulo danjire Sheekhey.
Danjire Sheekhey wuxuu Moniroring Group u xaqiijiyey in lacagta ay soo gaartay isaga, uuna u kala qeybiyey sida soo socota;-
A) 3 million Dirham oo u dhiganta US$220,000 (Labo Boqol iyo Labaan Kun Doolar) waxaa lagu wareejiyey shirkadda A.S.M.J General Trading oo uu maamulo Cabbaas Sheekh Maxamed.
B) US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) waxaa la siiyey C/risaaq Iidow (maamulaha Shirkadda Nationlink ee Muqdisho) waxaana lagu micneeyey in C/risaaq Iidow uu deyn hore ku lahaa dawlada (labada Shariif) xilligii ay joogeen Jabuuti.
C) US$30,000 (Soddon Kun Doolar) waxaa lagu bixiyey safar diyaarado ay ku kiresteen Madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare Cumar C/rashiid.
D) US$600,000 (Lix Boqol Kun Doolar) waxaa lagu soo wareejiyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Sida uu cadeeyay Danjire Sheekheey lixda boqol kun ee doolar ee la soo dhigay Bangiga Dhexe waxaa lagu qoray magaca Ganacsade Cabbaas Sheekh Maxamed, wuxuuna isaguna u kala qeybiyey saddex meelood kala ah sida soo socota:-
1) US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar) waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey nin lagu magacaabo  M. Cali Xassan Tuacow, waxaana lacagtaasi lagu wareejiyey 14 July 2010.   (Bangiga ayaa khidmad ahaan uga goostay US$10,000).
2) US$95,000 (Sagaashan iyo Shan Kun Doolar) Waxaa la dhigay Bangiga Dhexe waxaana lagu wareejiyey Ganacsade Sheikh Ahmed Jimale (mulkiilaha shirkadda Hormuud ahna madaxda Bangiga Salaama) taariikhdu markay ahayd 25 July 2010.
3) US$5,000 (Shan Kun Doolar) waxaa markale lagu wareejiyey M. Cali Xassan Tuacow, taariikhdu markay ahayd 26 July 2010.
Lacagahan la siiyey shakhsiyaadka, sida warbixinta ku cad looma hayo asbaabaha loo bixiyey, waxayna muujineysaa sida wax kasta ay u yihiin wax qarsoon oo mugdi ku jiro taasoo keeni karta isdabamarin inay dhacdo.

 

Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb  ayaa shaaca looga qaaday si faahfaahsan malaayiin doolar oo deeq ahaan u soo gashay DKMG Soomaaliya taasoo ay musuqmaasuqeen madaxda ugu sareysa dawlada, sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore [halkan ka akhri] oo Raxanreeb ay daabacday waxay ka hadashay masuuliyiinta ugu sareysa dawlada oo lagu eedeeyay inay isdabamarin ku sameeyeen boqolaal milyan oo doolar, waxaana madaxda warbixinta lagu xusay ay kala yihiin Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole. Halkan ka eeg warbixinta Monitoting Group
Qeybtii labaad ee warbixinta [Akhri qeybta 2aad] waxay si faahfaahinsan u sharaxday sida loo kala qaatay lacagaha la sheegay in la xaday, waxaana ka soo tarjunay isla warbixinta ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group.
3- Lacagtii ay ku deeqday dawlada Koonfurta Suudaan
Horraantii sanadkii 2012, dawlada Koonfurta Suudaan waxay ku deeqday lacag dhan USD $1 Million (Hal Milyan Doolar), waxaana lacagtaasi la soo marsiiyey Price Waterhouse Coopers oo ah shirkad heysa xisaabaad maaliyadeed bank account oo ay leedahay DKMG Soomaaliya.  Lacagtan waxay dawlada Koonfurta Suudaan ugu talagashay in lagu taageero dib u heshiisiinta gobolada laga saaray ururka Al-Shabaab iyo horumarintooda.  Saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxay guddiga Monitoring Group u sheegeen in dawladu lacagta halka milyan ay heshay.
Raysul wasaare C/weli Gaas
Dukumintiyo ay heshay kooxda Monitoring Group oo laga helay xafiisyada gudaha ee dawlada Soomaaliya, raysul wasaare C/weli Gaas ayaa wuxuu amray wasiirkiisa maaliyada (Dr C/naasir Candulle) in lacagta uu kala siiyo si toos ah shakhsiyaad dawlada ka tirsan, xildhibaano iyo siyaasiyiin waaweyn.  Sida kooxda Monitoring Group ay sheegtay, qeyb ka mid ah lacagta oo dhan US$121,700 (Boqol Labaatan iyo Kow iyo Toddoba Boqol Kun Doolar) waxay ku baxday xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas.
Illaa hadda cadeymo looma hayo waxa shakhsiyaadka la siiyey lacagtaasi ay ku kharashgareeyeen. Sidoo kale lama oga in arimaha dib u heshiisiinta ee loogu talagalay lacagta loo adeegsaday.
4- Musuqmaasuqa ka jira daabacaadda baasaboorka
Warbixinta waxay sheegtay in maqnaanshaha dawlad dhexe oo aan ka jirin Soomaaliya mudo dheer ay dhaawacday sharaftii muwaadinimo ee dadka Soomaaliyeed iyadoo uu meesha ka baxay sumcadii baasaboorka Soomaaliga uu lahaa, kaasoo markii dawladu ay burburtay dhamaan wadamada dunida ay diideen.
Kooxda waxay sheegtay, in dawladihii KMG ah ee soo maray Soomaaliya marar badan isku dayeen inay sameeyaan baasaboor cusub laakiin mar walba ganacsato hunguri doon ah ay rabeen inay sameynta baasaboorka ka dhigtaan shaqo faa’iido laga sameeyo oo horseed u noqota musuqmaasuq iyo wax isdabamarin.
Wasiirka Maaliyadda DKMG Dr Cabdinaasir Cabdulle
19-kii October 2006, waxay DKMG Soomaaliya (xukuumadii Cali Maxamed Geedi) heshiis qandaraas ah la gashay shirkad lagu magacaabo Just Solution Limited (JSL) taasoo lagula heshiiyey inay daabacdo baasaboor cusub oo Soomaali ah oo noociisu yahay “Biometric” oo ah noocacasriga ee hadda adduunka laga isticmaalo.  Shirkaddan JSL waa shirkad laga leeyahay wadanka Seychelles hase yeeshee waxay xafiisyo ku leedahay magaalada Sharjah (Airport Free Zone, United Arab Emirates).  JSL waxay adeegsataa website-ka rasmiga ah: www.justsolutionsltd.com .
Raysul wasaarihii xilligaasi Cali Maxamed Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in ujeedada sameynta baasaboorka cusub ay ahayd in lagu bedelo noocii hore ee baasaboorka dalka (baasaboorka cagaarka) oo aan ahayn nooca “Biometric”.   Ka hor intii ausan xukuumadu saxiixin qandaraaska shirkadda JSL waxaa heshiiska taageeray golihii wasiirada ee xukuumadii Cali Maxamed Geedi.
Dhanka DKMG wuxuu waajibaadkeeda ahaa, sida ku qoran heshiiska;-
1) In ay magacawdo guddi sare oo maamula mashruuca baasaboorka, isla markaana awood u leh inay wada shaqeyn la sameeyaan shirkadda JSL.
2) Inay sameyso kooxaha ka shaqeynaya goobaha xog ururinta (diiwaangelinta dadka baasaboorka doonaya) oo laga sameynayo gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
3) Inay u soo saarto waraaqaha codsiga dhamaan muwaadiniinta soo dalbada baasaboorka.
4) Inay xaqiijiso, hubiso codsiyada dadka kadibna u gusbiso shirkadda JSL si loogu soo daabaco dukumintiga baasasboorka iyo kaarka dhalashada.
5) In xogta baasaboorka ay keydiso
6) Inay xaqiijiso in wixii lacag ah ee laga qaadayo dadka soo codsanaya baasaboorka la dhigo bangi loo qondeeyay (account bank), isla markaana wixii lacag ah ee ay leedahay JSL loo xawilo.
Cali Maxamed Geedi
DKMG ah waxay ballanqaaday in xarun laga bixiyo baasaboorka ay ka fureyso Nairobi, waxaana masuuliyada xaruntaasi ay hoos imaaneysaa Gen C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha DKMG ah.
Raysul wasaare Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in qandaraaska daabacaada baasaboorka ay u adeegsadeen sharci ahaan dastuurkii 1960-kii, “Waayo Axdi Qarameedka DKMG ah kama uusan hadlin arinta qandaraaska noocan oo kale ah” ayuu yiri Geedi.
Dhanka shirkadda JSL wuxuu heshiisku sheegayey inay masuuliyadeedu tahay;-
1) Inay meelmariso nidaamka cusub ee baasaboorka iyo waraaqaha dhalashada lagu bixinayo. Iyo inay xarun kasta oo baasaboorka laga bixinayo ku qalabeyso shan computer (nooca PC), labo labtop, labo makiinadood oo scnanner-ka faraha ah, labo digital camera, labo makiinadaha wax daabaca [printer] iyo hal makiinadaha waraaqaha sawira [photocopy].
2) Inay qabato dukumintiyada ay soo diraan masuuliyiinta ku shaqada leh baasaboorka bixintiisa.
3) Inay hubiso in lacagaha bangiga loogu shubo ay heleyso.
4) Inay ka hubiso xogta baasaboorka ee la xareeyay.
5) Inay baasaboorka iyo kaarka dhalashada u soo saarto. Waxaana xaruntii ugu horeysay ee lagu daabaco baasaboorka laga furay Sharjah Airport Free Zone oo ay deganeyd shirkadda JSL.
6) Inay baasaboorka iyo dukumintiyada kale gaarsiiso masuulioyiinta ku shaqada leh ee dawlada.
7) Inay maalgeliso mashruuca oo ay ku jiraan qalabka xogta lagu soo ururinayo.
Gen Cabdullaahi Gaafow
Labada dhinac (DKMG iyo JSL) waxay ku heshiiyeen in halkii baasaboor oo laga soo dalbado gudaha Soomaaliya laga qaado $70, isla markaana shirkadda JSL ay ku yeelato $49 (oo ay u goosaneyso deynta maalgelinta).  Sidoo kale in laga qaado $20 oo dheeraad ah wixii baasaboor dalab deg deg ah loogu baahan yahay.
DKMG waxay baasaboorka ku bilawday $150 halkii baasaboor dibadda Soomaaliya, halka gudahana lagu dalacay $100.  Bartamihii 2009 ayaa qiimahaasi hoos loo dhigay, waxaana laga dhigay $100 halkii baasaboor ee dibadda laga bixiyo halka baasaboorka gudaha laga bixinaya laga dhigay $80.
Shirkadda JSL waxay ogolaatay in ugu horeyn mashruuca ay ku maalgeliso US$411,000 (Afar Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) taasoo ah deyn horumarin ah, laakiin waxay shuruud uga dhigtay JSL inay wada qaadaneyso dhamaan khidmada baasaboorada ka soo xaroota illaa inta ay ka soo ceshaneyso lacagtay ay deynta u bixisay.
27-kii December 2006, Mr. Mukherjee oo ah madaxa shirkadda JSL ayaa warqad u diray Gen C/laahi Gaafow (madaxda laanta socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG) iyo Xasan Axmed Jaamac (wasiir ku xigeenkii arimaha dibadda xukuumadii Cali Maxamed Geedi). Warqadaasi wuxuu Mr. Mukherjee ku sheegay in uu ogolaaday inuu soo dhiibo lacag gaareysa US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar) taasoo qeyb ka ah US$211,000 (Labo Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) oo ay horey deyn ahaan u bixisay shirkadda JSL.  Ugu dambeyna lacagtaasi waxay gaartay Gen Gaafow iyo wasiir ku xigeenka dibadda Xasan Axmed Jaamac iyaguna wax aqbaleen jiritaanka warqadaasi.
Lacagtaasi waxaa loo bixiyey sida soo socota:-
i) Bishii December 2005, shirkadda JSL waxay lacag jeeg ah (cheque) ku wareejisay Account Number uu lahaa raysul wasaare Cali Maxamed Geedi, lacagta ay dhigtayna waxay ahayd US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar).   Cali Geedi wuxuu account-ga ku lahaa Commercial Bank of Africa oo ku yaalla Nairobi (Account No. 25006038)
ii) Bishii November 2006,  shirkadda JSL waxay bixisay US$11,000.00 (Kow iyo Toban Kun Doolar) oo loo isticmaalay mushaharkii shaqaalaha xafiiska baasaboorada ee Nairobi laga furay
iii) 28-kii December 2006, JSL waxay Gen Gaafow siisay US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) oo caddaan ah.
iv) 8-dii February 2007, JSL waxay Xasan Axmed Jaamac (wasiir u xigeenkii arimaha dibadda) siisay US$40,500  (Afartan Kun iyo Shan Boqol Doolar) oo caddaan ah.
v) Lacag gaareysa US$9,500 (Sagaal Kun iyo Shan Boqol Doolar) ayaa lagu bixiyey safaro diyaaradeed oo ay galeen masuuliyiin ka tirsan DKMG ah.
Baasaboorkii ugu horeeyay waxaa uu soo baxay bishii March 2007. Hase yeeshee dhowr bilood gudahood waxaa durba soo baxay caqabado soo foodsaaray mashruuca iyadoo labada dhinac [DKMG iyo JSL] ay isku eedeeyeen inay ka soo bixi waayeen masuuliyadooda.  Masuuliyiin ka tirsan DKMG oo hawlaha baasaboorka ku guda jiray waxay JSL ku eedeeyeen inay baasaboorka marka uu soo baxo ku soo garsiin weyday xarumaha looga baahan yahay waqti ku haboon oo aan daahitaan lahayn.  Sidoo kale waxay ku eedeeyeen shirkadda inay furi weysay xarumihii lagu ballamay in gudaha dalka laga sameeyo.
Laakiin dhanka gudoomiyaha JSL Sanjiv Mukherjee, wuxuu ku eedeeyay dhanka masuuliyiinta DKMG ah inay noqdeen musuqmaasuq wuxuuna sheegtay in aan dibloo soo celin lacagtii deynta ahayd ee US$411,000.  Wuxuu kaloo sheegtay in DKMG ah aysan soo wada dirin dhamaan khidmada laga qaado baasaboorka iyo in shirkadda JSL ay dhibaato kala kulantay masuuliyiinta isbed-bedelaya ee xafiisyada dawlada kuwaasoo markasta dad cusub imaanayeen.
13-kii March 2008, Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish” (taliyihii hore ee Nabadsugida DKMG ah) ayaa warqad u diray gudoomiyaha shirkadda JSL isagoo u sheegay in Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac loo xilsaaray inay xalliyaan wixii caqabado ah ee jira isla markaana la furo illaa shan goobood oo baasaboorka laga bixiyo.  Gen Drawiish wuxuu qiray in DKMG ah aysan ka soo bixin waajibaadkii dhaqalaha ka saarnaa ee ay ka rabtay shirkadda JSL hase yeeshee xal loo baahan yahay.
Labada dhinac waxay markii dambe isku afgarteen in la furo labo bangi xisaabeed [account numbers mid ay leedahay JSL iyo mid DKMG] lagana furo Nairobi isla markaasina shirkadda JSL qeybteeda loogu shubo account-geeda, waxaana la sameeyay in safaaradda Nairobi ee DKMG ah ay maamusho labada xisaaba kuwaasoo markii dambe hirgali waayey kadib markii codsiyada baasaboorka ay yaraadeen.
Dhamaadkii bishii March 2008, iyadoo xal loo raadinayo dhibaatooyinka ka taagan baasaboorka ayaa danjire C/qaadir Sheekheey [Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dubai] ayaa wuxuu kulan la qaatay raysul wasaare Cali Geedi, Gudoomiyaha JSL Sanjivan Mukherjee iyo labo oo ganacsato Soomaali ah.  Kulankana wuxuu ka dhacay Safari Park Hotel oo ku yaalla Nairobi. Dawlada KMG ah waxa metelayey Gen C/laahi Gaafow,. Danjire Sheekheey iyo danjire Maxamed Cali Ameeriko (safiirka Soomaaliya ee Kenya).
Labada nin ee ganacsatada ah ee kulanka joogay waxay kala ahaayeen Sharif Axmed Bacalawi, oo ah maamulaha shirkad lagu magacaabo SASCO Logistic (L.L.C) oo ka diiwaangashan Dubai iyo nin ay saaxiibo/shirko yihiin oo lagu magacaabo C/laahi Cumar “Bootaan”.
Intii kulanka uu socday Danjire Sheekhey ayaa sheegay in shirkadda JSL [oo horey u waday mashruuca baasaboorka] ay ka cabaneyso dhanka maaliyadda sidaasi darteed ay u baahan tahay saamiley hawsha ay la wadaagto.  Isla kulanka ka dhacay Safari Park Hotel ayaa saraakiisha DKMG ah waxay JSL u soo jeediyeen inay heshiis la gasho shirkadda SASCO Logistic (L.L.C).
JSL waxaa lagu qanciyey in iyada ay leedahay masuuliyada mashruuca oo dhan, hase yeeshee shirkaddan cusub SASCO Logistic ay hawsheedu noqoneyso arimahan soo socda;-
A) In ay suuqgeyn u sameyso mashruuca baasaboorka kana gado dadka Soomaalida ee ku nool gudaha iyo dibadda iyadoo la kaashaneysa DKMG ah.
B) In baasaboorada iyo kaararka dhalashada ay ka qaado xarunta JSL marka ay soo saarto ayna u gudbiso goobaha looga baahan yahay ee gudaha iyo dibadda.
C) Inay fududeyso dhamaan lacagaha dhanka DKMG ah ka imaanaya ee ka soo xerooda bixinta baasaboorka.
D) SASCO waxay JSL siineysaa $24 oo horumarin ah halkii baasaboor iyo kaar aqoonsi ee ay sameyso, Isla markaana SASCO Logistics waxay ku yeelaneysaa $25 lacagtii markii hore lagu heshiiyey ee $49 halkii baasaboor inay ka qaadato JSL (sida ku xusan qandaraaskii 2007).
Heshiiska cusub waxay SASCO ogolaatay inay JSL siiso lacag dhan US$2.4 million (Labo Milyan iyo Afar Boqol Kun) laakiin marka hore ay soo horumariso SASCO US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar).
Sida uu sheegay agaasimaha JSL Sanjiv Mukherjee wuxuu heshiskan qorayey in SASCO Logistics ay noqoto tan tooska ula xiriireysa DKMG ah iyo masuuliyiinteeda, isla markaana SASCO ay qabileyso wixii “laaluush” weydiiya, taasoo JSL ay u aragtay mid ka mid ah caqabadihii waaweynaa ee horyaallay oo laga horqaaday.
4-tii April 2008, nuqulka qandaraaska cusub ee dhexmaray JSL iyo DKMG ah ayaa loo diray wasiirka maaliyada DKMG ah si uu u soo saxiixo, hase yeeshee sida uu xaqiijiyey Gen Darwiish waxaa heshiiska soo saxiixay Gen C/laahi Gaafow [wasiirka maaliyada ma saxiixin].   Gaafow waxba kamuusan ogeyn in heshiis lala galay qolo saddexaad [SASCO Logistics] sidaasi darteed labo bilood kadib markii Gen Gaafow uu ogaaday in qandaraaska ay ku soo biirtay qolo saddexaad wuu diiday inuu bedelo nuqulkii hore ee heshiiskii JSL, wuxuuna sheegay in DKMG aysan rabin inay faraha la gasho arimaha hoose ee shirkadda JSL.
Dhowr usbuuc markii ay ka soo wareegatay, Shariif Axmed Bacalawi oo ahaa maamulaha SASCO Logistics ayaa isaga baxay qandaraaska, wuxuuna dalbaday in loo soo celiyo lacagtii US $500,000 ee uu horumarinta u bisiyey iyo lacag kale oo dhan US $100,000 (Boqol Kun Doolar) oo uu siiyey Shirkadda JSL.  Shariif Bacalawi wuxuu sheegay in gelista qandaraaska ay ahayd khalad isla markaana mashruucan uusan ahayn mid shaqeyn kara.
Axmed C/laahi Yuusuf
Bartamihii 2008, Gen Darwiish [oo ahaa taliyaha Nabadsugida] ayaa u dhoofay Dubai si uu u soo indhadheeyo mashruuca shirkadda JSL iyo DKMG.  Beryihii uu ku sugnaa Dubai ayaa danjire Sheekhey wuxuu ka codsaday Gen Darwiish inuu isbaro nin ganacsade ah oo la yiraahdo Shariif Axmed Bacawali,  waxaana ballan lagu dhigtay Millennium Hotel oo ku yaalla magaalada Sharjah halkaasoo u deganaa Gen Darwiish.
Is araggii koowaad, Ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu Gen Darwiish u sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ay jecel yihiin inay bedelaan Shirkadda JSL, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qabtaan wixii shaqo ah ee JSL qabaneyso.  Wuxuu kaloo sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu arintaasi soo dhoweynayo laakiin caqabada kaliya ee hortaagan ay tahay ‘GEN DARWIISH’, laakiin Gen Darwiish wuxuu u sheegay labada nin [Sheekhey iyo Shariif Bacalawi] in dawladu ay weli qadarineyso heshiiska JSL.
Toddobaadyo kadib, Gen Darwiish waxaa soo wacay Axmed C/laahi Yuusuf (wiil uu dhalay madaxweyne marxuum C/laahi Yuusuf) oo ku sugnaa Nairobi, wuxuuna ku wargeliyey Gen Darwiish inuu deg deg ku yimaado magaalada Nairobi.  Ina C/laahi Yuusuf wuxuu Gen Darwiish u sheegay in ragga kala ah; seedigiis Sayid Cali (oo ah sayga Maryam C/laahi Yuusuf oo uu dhalay madaxweyne C/laahi Yuusuf), Gen Gaafow iyo Danjire Axmed Maxamed Cigaal (Danjiraha DKMG Soomaaliya u joogay Imaaraadka Carabta) ay rabaan inay la kulmaan madaxweyne C/laahi Yuusuf si ay madaxweynaha ugala hadlaan taageerada bedelaad lagu sameeyo qandaraaska baasaboorka E-passport.
Danjire Axmed Maxamed Cigaal, markii la weydiiyey inuu kulankaasi ka qeybgalay wuu beeniyey.  Laakiin Monitoring Group waxay heleen in Maryam C/laahi Yuusuf (gabadha madaxweyne C/laahi Yuusuf) iyo saygeeda Sayid Cali ay deganaayeen magaalada Sharjah ayna ka warqabeen mashruuca baasaboorka iyo halka uu marayey, waxaana la sheegay in mar la kulmeen maamulaha JSL Sanjivan Mukherjee ayna weydiiyeen inay kala qeybgalaan mashruuca baasaboorka.
Gen Darwiish markii uu ku soo laabtay Nairobi, wuxuu madaxweyne C/laahi Yuusuf ka dhaadhiciyey inuusan joojin qandaraska Shirkadda JSL ee baasaboorka.
Dhamaadkii November 2008, waxaa iscasilay Gen Darwiish.   Darwiish wuxuu telefoon kula hadlay Sanjivan Mukherjee isagoo u sheegay in wixii lacag ah ee ay leedahay JSL uu kala ballamay inay bixiyaan Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac (Wasiir ku xigeenkii xilligaas ee arimaha dibadda).  Waqtigaasi uu Darwiish xilka ka tagay waxay JSL lahayd US$700,000 Toddoba Boqol Kun Doolar).   Waxaana laxaqiijiyey in dawlada ay u taallay lacag dhan US$420,000 (Afar Boqol iyo Labaatan Kun Doolar) oo ku jirtay account safaaradda DKMG ay ku leedahay Addis Ababa kana soo xerootay baasaboorka, iyo US$400,000 (Afar Boqol Kun Doolar) oo ku jirtay xisaab ka furneyud Muqdisho oo baasaboorka uu lahaa.
Gen Darwiish wuxuu Gaafow ka codsaday in lacagaha ku jira xisaabaadka Addis Ababa iyo Muqdisho laga soo saaro laguna bixiyo deynta ay ku leeyihiin JSL.  Hase yeeshee mudo kadib, Gen Darwiish wuxuu ka ogaaday masuul ku sugan safaaradda Addis Ababa in lacagtii ku jirtay xisaabta Addis Ababa ay ka soo saareen Gen Gaafow iyo Shariif Xasan (oo markaasi loo soo magacaabay wasiirka maaliyada).   Waxaana Gen Darwiish uu ogaaday in lacagta aan la siinin shirkadda JSL.
19-kii March 2009, Gen Gaafow waxay Nairobi ku kulmeen Sanjivan Mukherjee, Waxaana Gaafow la socday Maxamed Aadan Edson oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxayna ka wada hadleen arimaha baasaboorka, dalabaad hore oo aan la soo gudin iyo lacagaha weli ku taagan dhanka DKMG ah.  Sanjivan Mukherjee wuxuu ka cawday dalabaadka uga yimaada safaaradda Dubai ee uu soo diro Danjire Sheekhey).  Wuxuuna sheegay in qunsulka Dubai (Sheekhey) uu si toos ah dalabka ugu soo gudbiyo shirkadda JSL halkii uu cadeyn ka soo qaadan lahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG ah ee Nairobi, wuxuuna Sanjivan Mukherjee cadeeyay in Sheekhey uu ku amro inuu baasaboorka u soo saameyo dadka uu soo weydiisto.
Isla kulankan ayaa Sanjivan Mukherjee wuxuu Gen Gaafow ka codsaday inuu bixiyo lacagaha ka maqan JSL oo dhan US$722,423 (Todoba Boqol iyo Labaatan iyo Labo Kun iyo Afar Boqol iyo Saddex iyo Labaatan Doolar).  Lacagtaasi waxay isugu jirtay US$200,000 deyn horumaris ahayd iyo US$522,423 oo ahayd lacag ka maqan JSL oo ahayd khidmadii ay ku lahayd daabacaada 17,572 E-Passports oo ay sameysay.
Gaafow wuxuu Sanjivan Mukherjee  u sheegay inuu diido dalab kasta oo ka yimaada toos safaaradaha iyo qunsuliyadaha isla markaana cida amarkasoo siin karta ay tahay kaliya ‘laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee uu isagu madaxda ka yahay’.
Horraantii 2009, ayaa danjire Sheikhey wuxuu la soo xiriiray Sanjivan Mukherjee  wuxuuna ka codsaday inuu la kulansiiyo wasiirka cusub ee maaliyada (Shariif Xasan), kulankana uu ka dhacayo Dubai.   Sida uu sheegay Sanjivan Mukherjee ka hor ballanta waxaa jiray wadahadal dhexmaray danjire Sheekhey iyo isaga [Sanjivan Mukherjee].  Sheekhey ayaa Sanjivan Mukherjee u sheegay in wiil uu dhalay Shariif Xasan uu jaamacad ka dhigto Australia isla markaana ay jiraan duruufo dhaqaale, haddii uu Sanjivan Mukherjee xoogaa kaga farxiyo WIILKA in markaasi Shariif uumarkaasi si fudud u xallin karo dhamaan caqabadaha hortaagan shaqada JSL ee baasaboorka, laakiin Sanjivan Mukherjee wuu diiday in wax lacag ‘laaluush’ uu bixiyo.
Markii la gaaray kulankii dhexmaray Sanjivan Mukherjee, Sheekhey iyo Shariif Xasan wuxuu ahaa mid caadi ah oo aan gaar ahayn, sida Montoring Group ka soo xigteen Sanjivan Mukherjee.  Laakiin danjire Sheekhey wuu beeniyey in wax ‘shaxaad iyo laaluush’ uu SHARIIF XASAN WIILKIISA u weydiiyey Sanjivan Mukherjee.
23-kii June 2009, C/laahi Maxamed Aden oo ah ku xigeenka qunsulka safaaradda Soomaalida ee Dubai ayaa warqad cabasho ah u diray shirkadda JSL, wuxuuna u sheegay inay ka walaacsan yihiin in JSL ay ku guul dareysatay inay ka soo baxdo ballanta iyo shaqada isla markaana illaa 3-dii June aysan jirin wax baasaboor ah oo la soo saaray.  Warqada waxay kaloo ka dalbatay shirkadda JSL inay soo sheegto taariikhda rasmiga ah ee ay dib u bilaabeyso sameynta baasaboorada.
24 June 2009, ayaa warqad jawaab ah ay soo dirtay shirkadda JSL, waxayna ku sheegeen in qalabkooda daabacaada iyo xogta ay ku wadeen ballaarin sidsaasi darteedna ay ku rajo weyn yihiin in usbuuca ugu horeeya ee bisha July 200 ay soo saari doonaan baasaboorada.
JSL waxay kaloo xilligaasi sheeganeysay in lacag dhan US$600,000 ay weli ku baaqi tahay dhanka DKMG ah isla markaana dhowr jeer oo ballamo loo qabtayna aan la fulin. Isla warqadaasi ayaa loo diray xafiiska raysul wasaaraha cusub [Cumar C/rashiid], wasaaradda arimaha dibadda, wasaaradda maaliyada iyo qunsuliyada Soomaalida ee Dubai.
19-kii May 2009, waxaa amar ka soo baxay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DKMG ay ku cadeysay in wixii xog “online ah” ee lagu keydinayo server-ka baasaboorka ay ka masuul tahay qunsuliyada Dubai marka la soo xaqiijiyo xogta kadib.  Isla markaa wuxuu kaloo amarkaasi sheegay in Soomaalida degan dibadaha ee aan heli karin goob ay baasaboorka ka qaataan inay la xiriiraan qunsuliyada Dubai ayna ku soo dalbadaan baasaboorka qaab email ah.
Arintaasi waxaa ka qeyliyey rag Soomaali ah oo arinta baasaboorka si fiican ula socday kuwaasoo sheegay in ku wareejinta xogta baasaboorka lagu wareejiyey qunsuliyada ay khatar ku tahay amniga xogta ayna albaab u furtay dembiilayaasha caalamiga ee raba inay helaan baasaboorka Soomaaliga.  Ilo wareedyo ayaa sheegay in arintan ay sii taagertay warqad uu Shariif Xasan u qoray danjire Sheekhey inuu kaliya wakiil uga yahay dawlada la shaqeynta shirkadda JSL.
Shariif Xasan
26-kii June 2009, Lt. Col. Cabdi Yuusuf Jibriil oo ahaa ku xigeenka Gen Gaafow ayaa warqad u qoray xafiiska raysul wasaaraha iyo madaxweynaha isagoo ka digay in baasabooradii shaqaalaha dawlada iyo kuwa diblomaasiyiinta ay ku dambeyn doonaan gacanta argagixisada caalamiga ah haddii aan wax laga qaban.  Col Cabdi Yuusuf Jibriil wuxuu kaloo cadeeyay in dhac iyo boob baahsan uu ka socdo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, hase yeeshee Col Cabdi Yuusuf [oo hadda ku sugan Mineapolis] wuxuu Monitoring Group u sheegay inaan warkiisa la dhageysan oo waxba laga soo qaadin ayna jirin cid baartay.
Ugu dambeyntii ganacsade Shariif Axmed Bacalawi (mulkiilaha SASCO Logistics) wuxuu la xiriiray Shariif Xasan wuxuuna weydiistay in la siiyo lacagtii deynta ahayd ee ka gashay mashruuca baasaboorka taasoo dhameyd US$600,000.   Shariif Xasan wuxuu Shariif Bacalawi u sheegay inuu iska cafiyo lacag dhan illaa $400,000 hase yeeshee $200,000 kale ay uga qaadayaan Shirkadda JSL ee mashruuca baasaboorka qandaraaska ku qaadatay.  JSL waxay markii dambe siisay Shariif Bacalawi  $200,000 loo ballanqaaday.
Sida Monitoring Group ay ogaatay ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu qeybtii kale ee deyntiisa ka maqneyd ku qaatay canshuur laga dhaafay badeecad uu ka soo dejiyey dekeda Muqdisho,  dhaqankaasoo sida kooxda ay sheegeen caadi ka ah dawlada KMG ah marka ay ganacsatada deyn ku yeeshaan.

Waxaa turjumay Raxanreeb

Halkan ka akhriso warbixinta oo ingiriis ah

Kooxda Soomaalida oo timid London

$
0
0

Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee London 2012 ayaa soo gaaray saaka magaalada London. Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.


Muxaadaro ku saabsan Ramadaanka qaybta 1aad - Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed

Hub laga ijaarto badda

$
0
0

Wabixin Qaramada Midoobay oo aan wali soo bixin ayaa sheegtay in maraakiiib hub laga ijaarto laga sameeyay xeebaha Geeska Afrika.

Muxaadaro Ramadanku waa Bisha TAWBADASh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

Muxaadaro ku saabsan Ramadaanka qaybta 3aad - Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed

Muxaadaro ku saabsan Ramadaanka qaybta 2aad - Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live