Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hay'adda Samafalka Rahmah oo gurmad degdeg ah gaarsiisay naafada Isbitaal Martiini(daawo sawirada)

$
0
0



Hay’adda
Samafalka aan dowliga ahayn ee Rahmah Lelief Foundation (RRF) oo ah NGO
ay ku mideysan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada
London ee Ingiriiska ayaa maanta gaarsiisay gurmad gargaar oo degdeg ah
naafada Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada
Muqdisho. 
Gurmadkaan oo ka koobnaa raashin isugu jira Bariis iyo Bur
ayaa waxay hay’addu ugu talagashay in lagu gargaaro naafada
Soomaaliyeed ee xilligan ku dhibaateysan dalka gudihiisa, gaar ahaanna
isbitaalka Martiini, waana gurmadkii ugu horeeyay oo ay gaarsiiso
naafada Soomaaliyeed.
Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee loo
qeybiyay raashinka gurmadka ah ayaa waxay gaarayaan ilaa 96-qoys oo
naafo ah, iyadoo gurmadkaanna ay hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief u
wakiilatay inuu gaarsiiyo Md. Maxamuud Xasan Cumar oo ka mid ah
Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho,iyadoo guddiga naafada
Isbitaalka Martiini iyo qoysaskooda ay goob joog ka ahaayeen. 
Afhayeenka
Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo lagu
magacaabo Cabdi Mahad Cali ayaa ugu horeyn wuxuu mahad ballaaran u
jeediyay isagoo ku hadlaayay dhammaan qoysaska ku jira isbitaalkaas
maamulka hay’adda samafalka Rahmah gurmadka ay ka heleen, bacdamaa uu
tilmaamay inay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn u qabeen. 
“Hay’adda
Samafalka Rahmah iyo maamulkeeda waxaan uga mahad celineynaa raashinka
gurmadka ah oo ay noo soo dhiibeen maanta, anagoo ah dad naafo ah oo
intooda badan lixaadkoodu maqan yahay, waxaana Alle uga baryeynaa bedel
kheyr qaba inuu siiyo” ayuu yiri Afhayeenka naafada Isbitaalka Martiini
oo sheegay inaysan jirin cid daryeesha xilligan, wuxuuna ka codsaday
hay’adaha kale ee samafalka iyo jaaliyadaha Soomaalida qurbajoogta ah
inay ku daydaan hay’adda samafalka Rahmah. 
Naafada ku jirta
isbitaalka Martiini ayaa ah qoysas xilligan u baahan in la gargaaro,
kuwaasoo in muddo ahba ay duruufo adag ku heystaan halkaas. 
Hay’adda
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waa Hay’ad Samafal oo aan
Dowli Ahayn “NGO”, taasi oo ay Muwaadiniin Soomaali ah oo Qurbo-joog ah
ka fureen Caasimada dalka Britain ee London sanadkii 2000. 
Iyadoo
laga dareen qaadanayo Dhibaatooyinka iyo Masiibooyinka Colaaded ee ku
habsatay Ummadda Soomaaliyed 20-kii sanadood ee la soo dhaafay, ayey
waxay Xubno ka tirsan Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caasimadda dalka
Britain ee London ka danqadeen Aafooyinkaasi.
Danqaashadaasi ma ahayn
mid ku timid Laab-la-kac, laakiin, waxay ahayd mid dhaqaajisay
Damiirkeena, kadib, markii aynu Warbaahinadda Caalamka, kuwa Maxaliga ka
daawanay ama ka akhrisanay dhibaatooyinka ku habsaday Ummada
Soomaalida. 
Aasaaska Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation
RRF” waxay si xooggan u soo shaac-baxday, kadib, markii ay Maamulka Sare
ee Hay’aadda qabanqaabiyeen Barnaamijyo Wacyi-gelin ah, taasi oo
Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka UK loogu soo bandhigay dhacdooyinka
dhabta ah ee ka taagan dalkenna Hooyo, gaar ahaan dhibaatooyinka Dadka
Rayidka ka soo gaarayo Colaadaha ay hurinayaan Kooxaha Hubeysan ee ka
soo horjeeda Jiritaanka DFKMGS iyo Joogitaanka Ciidamada AMISOM.
Hawlaha
lagu wacyi-gelinayo Jaalliyada Soomaalida ku nool dalka UK, gaar ahaan
Caasimadda London, waxay tahy mid xirir ah, taasi oo Madaxda iyo
Hawlwadeenada Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” isku
mashquliyaan sidii ay Soomaalida Qurbo-joogto ah ugu soo bandhigi
lahaayeen Filimo iyo Qoraallo lagu soo bandhigayo Dhibaatooyinka haysta
Barakacayaasha ku nool Deegaanada Celasha Biyaha, Siimanka Dheer, KM13,
Gubadley iyo Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle. 
Warbixinnada Muqaalladda
aynu Jaalliyadda Soomaalida ku baraarujino, waxaynu inta badan ka helnaa
Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku sugan gudaha dalka Somalida, kuwaasi oo ay
ka mid yihiin Suxufiyiin, Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyo Ururadda
Xuquqda Aadanaha iyo kuwa Bulshada Rayidka, kuwaasi oo si hagar la’aan
ah ula shaqeeya Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”. 
Muddadii
ay Hay’adan Samafal hawlgalladdan bilowday, waxaa u surto-gashay inay
Kaalmooyin Samafal oo isugu jiray Lacago, Daawooyin, Cunto iyo Dhar
gaarsiiyaan Kumanaan Qoys oo ka mid ah Barakacayaasha ku dacdaraysan
gudaha iyo daafaha Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho. 
Kaalmooyinka
Samafalka ee ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” u
dirto Barakacayaasha Dhibaataysan, waxay la kaashataa Shirkadaha
Xawaaladaha iyo xubno ka tirsan Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada iyo
0dayaasha Dhaqanka, kuwaasi oo si toos ah Kaalmooyinka lagu aaminay u
gaarsiiyaa Dadka dhibaataysan ee loogu talagalay in Kaalmooyinkaasi la
gaarsiiyo.
Sidoo kale, waxaan Kaalmooyin Lacageed, Cunto iyo Daawo
gaarsiinay Bukaannadda ku dhaawacmay Colaadaha ee haatan lagu
baxnaaninayo Isbitaalladda Madiina, Kaysaney iyo Banaadir. 
Hay’adan
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay kaloo gacan ka qaadataa
sidii Kaalmooyin loo gaarsiin lahaa Geesiyayaasha Ciidamaddii X.D.S. ee
ku naafoowday Dagalladii Somalia iyo Ethiopia dhex maray Sanadkii
1977-kii ilaa 1978-kii, kuwaasi oo haatan ku dac-daraysan Isbitaalka
Martiini ee Degmada Xamar Weyne ee magaalladda Muqdisho.
Kharaj-Lacageedka
ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ilaa iyo haatan
ay Kaalmo ahaan u gaarsiisay Barakacayaasha iyo Dadka ku dhibaataysan
gudaha dalka Somalia, waxay gaaraysaa In ka badan Konton Kun oo Dollar,
iyadoo Nidaamka Kharajkaasi loo soo ururiyey iyo qaabkii loo qeybiyey ay
Maamulka Hay’addan Samafalka u diiwaan gashan tahay. 
Mas’uliyiinta
ka tirsan Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ee lagu
ammaani karo Waxqabadkooda waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Hay’adan, Md.
Cali Maxamed Jimcaale iyo Xubnaha ay ka midka yihiin C/qaadir Koronto,
Axmed Galbeyte iyo C/llaahi Yabarow iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku
dhaqan dalka UK, siiba magaallooyinka London, Streethom iyo Tothnham. 
Sidoo
kale, Mas’uliyiinta ka tirsan Golaha Ahlu-suna Wal-Jameca ee aan la
kaashanay qeybinta Kaalmooyinkaasi, waxaan ka xusi karnaa Afhayeenka
Golaahaasi, Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow iyo Sheekh Muse
Macallim Caga-weyne, kuwaasi oo aan uga mahad celinayno Daacaadnimada ay
Kaalmooyinka lagu aamino u gaarsiiyaan dadkii loogu tala galay.
Bishii
Ramadaan ee la soo dhaafay, waxay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief
Foundation RRF” mas’ul uga dhigtay Mashaa’iqdaasi lacag loo qeybinayey
Barakacayaasha ku nool Deegaanada Gubadley iyo Sheekh Cali Cabdulle ee
duleedka Waqooyiga magaallada Muqdisho. 
Xaqiiq ahaan, Hay’adan
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxaa heerka Wanaagsan e lagu
ammaanayo gaarsiiyey Isla-shaqaynta joogtada ee Madaxda Hay’adda iyo
Jaalliyada Soomaalida Qurbo-joogto ah, kuwaasi oo Dareen Waddanimo iyo
Daacadnimo ka muujiya Hawlaha loogu gargaarayo Ummada Soomaalida ee
Barakacayaasha ee ku dacdaraysan gudaha iyo daafaha magaalladda
Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Hal-ku-dhegga ay ku hawlgalaan
Aasaasayaasha Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay
tahay “Kaalmeey Walaalahaaga Soomaali iyo Ka-qeyb qaado Hawlaha lagu
horumarinayo Nolosha Nabadda Bulshada iyo Dadaalka lagu taageerayo
Jiritaanka DFKMGS ee uu Hoggaanka u hayo Madaxweyne Sheekh Shariif Shekh
Axmed.  
HORUMAR, NABAD IYO TAAGEERADA HAWLAHA DFKMGS.
Md. Cali Maxamed Jimcaale “Cali 0yaaye”
= Guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”
 

US Woman Faces Execution - Manila Bulleting Online

$
0
0

INDIANAPOLIS (AP) – A Somali woman charged in the deaths of two of
her children allegedly locked them and three siblings inside a small
closet and left to visit a friend, returning about 10 hours later to
find the boy and girl dead inside.

 An Indianapolis police report released Tuesday said Edyan Farah, 28,
told officers she “was not in her right mind” when she allegedly put
her five children in an upstairs closet about 6 a.m. Sunday and placed a
large bed in front of the door so they couldn’t get out.

 Farah found her 5-year-old daughter, Zuhur, and 3-year-old son,
Zakariya, “stiff and unresponsive” when she returned home about 10 1/2
hours later and opened the closet, the report said.

She told officers she then carried them downstairs, but did not call
the emergency dispatcher or try to revive them, according to the report.

Qarax ka Dhacay Boosaaso

$
0
0

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay.
Miinadan dhalisay qaraxan ayaa lagu aasay meel u dhow masjidka al Rashid ee magaalada Boosaaso
Guddoomiyaha gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa VOAda u
sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino ay isku dayeen ciidamadu in ay
saaraan ka dib markii ay ka war heleen.
Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo mas'uuliyadda
miinadaasi la aasay, sidoo kale ma sheegin cid loo qabtay qaraxan.

Ciidamo Xabashi ah oo dalka dib ugu soo laabtay

$
0
0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Xabashi ah oo ey weheliyaan kuwo somali ahi  ay soo gaareen halkaasi iyagoo baaritaano ku bilaabay baabuurta isticmaasha jidkaasi

Sida ay ku sheegeen dadka ku dhaqan Kalabeyr, ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa la socda kuwo somali ah oo ey ku jiraan qaar horey looga eryey magaalada B/weyne

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa la arkay iyagoo wata gaadiidka dagaalka gudahana u soo galay deegaanka Kalabeyr ee gobalka Hiiraan.

Hasa ahaatee, nin sheegtay taliyaha ciidamada dowladda KMG ee gobalka Hiiraan ayaa beeniyay in wax ciidan Itoobiyaan ah ay soo galeen gobalkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Inji ayaa wuxuu sheegay Kalabeyr inay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG, ayna jirin wax ciidan Itoobiyaan ah oo halkaasi yimid.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamo xabashi ahi yimaadaan gudaha dalka Somalia iyagoo meelo dhowr ah oo ka tirsan dalka somalia horey ugu soo xadgudbay.

Askari ka tirsan Xarakada Al-shabaab ah oo ka yaabiyey AMISOM

$
0
0

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa
ka yaabiyey askari ka tirsan xooggaga Al-shabaab oo ciidamada AMISOM ay
ku qabteen dagaalladii ugu dambeeyay ee shalat ka dhacay degmada Hodan
ee magaalada Muqdisho.
Askarigaas oo ah wiil aad u da’yar oo ka tirsan ciidamada u dagaalama
Xarakada Al-shabaab ayay ciidamada AMISDOM geeyeen xaruntooda ugu weyn
ee Muqdisho oo ku taala xerada Xalane ee duleedka Garoonka diyaaradaha
Muqdisho.
Saraakiisha AMISOM oo askarigaas u bandhigay Saxaafadda ayaa waxyaabaha
layaabka leh ee uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inuu diiday inuu salaamo
saraakiisha iyo askarta AMISOM oo uu sheegay inay yihiin Gaalo jirkooda
iyo jirkiisana ay xaaraan kala yihiin.
Su’aal kasta oo ay weydiiyaan wuxuu kaga jawaabayay aamusnaan, wuxuuna
si aad ah ugu gubayay indhaha, isagoo u muujinayay nacayb xooggan uu u
qabo.
Waxa uu u sheegay inuu  yahay mujaahid doonaya inuu dagaal la galo, uuna
jeclaa intii uu ku jiri lahaa gacanta Gaalada in uu shahiido.
Afhayeenka AMISOM Captain Barigiye Bahoku oo saxaafadda la hadlay ayaa
sheegay in wiilkan dhalinyarada ee ka tirsan askarta Al-shabaab u
dagalaanta ay ka soo qabteen dagaal ka dhacay degmada Hodan ee magaalada
Muqdisho, isagoo sheegay in la soo qalday wiilkaas isla markaana ay
heynayaan tan iyo inta ay ka fahamsiinayaan wanaaga nabadda, isla
markaana aysan waxba gaarsiin doonin.
“Wiilkan magaciisa waxaa la yiraahdaa Maxamed Macalin Aadan, waa wiil
yar, hadda waa uu na diidayaa, ciidankeena ayuu iska diidayaa oo ma
ogola inay taabtaan, waana la soo qalday” ayuu yiri Barigiye Bahoku oo
intaas ku daray inay dhaqan celin ku sameyn doonaan oo ay xanaanaynayaan
inta ay ka barayaan nabadda iyo wanaageeda, sida uu yiri.
Wiilkan dhalinyarada oo saxaafadda ay wax ka weydiisay halka uu ka yimid
ayaa waxa uu sheegay inuu ka yimid degmada Diinsoor, waxaana wejigiisa
ka muuqatay caro aad u weyn oo uu u qabay ciidamada AMISOM, isagoo la
arkayay isagoo u faruuryo qaniinaya Ciidamada AMISOM.
Maxamed Macalin Aadan oo aan wax cabsi ah wajigiisa ka muuqan ayaa
sheegay inuu waxyaabaha uu ku jiray ay ahaayeen mid sax ah, dagaalkana
uu ahaa mid jihaad ah oo uu la dagaalamayay Gaalo sida uu hadalka u
yiri.
Waxa uu fariin u diray xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inuu nool yahay
oo uusan weli shahiidin, wuxuuna ka dalbaday inay u soo duceeyaan.
                                                                 W/D:  Caaqil  Dalmar

Aaran News

Dagaal culus oo aroortii hore ee saaka mar kale dib uga qarxay degmooyinka ´Hodon, Hawlwadaag, Shibish iyo Boondheer

$
0
0

Degmooyinka Hodon, Hawlwadaag, Shibis iyo Boondheer oo dhammaantood ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka aroortii hore ka qarxay dagaal culus.

Dagaalkan oo ay duqeymo barbar socdaan ayaa u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo is-kaashanaya iyo xoogaga Alshabaab oo dhanka kale ka soo jeeda.

Dadka deegaanka oo lala xiriiray ayaa sheegay in ay beerka dhulka ku hayaan rasaasta labada dhinac is-dhaafsanayaana ay dhinac walba u dhaceyso, madaafiicda goobtuna ay sidoo kale iska dabadhacayso.

Waxaa adag in la ogaado qasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo duqeynta dhinac socota xaalada oo kacsan iyo dagaalada oo weli si xawli ah u socda dartood.

Wixii war ah ee soo kordha halkan ayaan idiinkugu soo gubin doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com

Haweenka Soomaaliyeed qaarkood oo isku dayaya bal in ay Alshabaab miiska wadahadalka soo fariisiyaan

$
0
0

Haween Soomaaliyeed oo magac ku leh bulshada dhexdeeda ayaa haatan u guntay sidii ay Alshabaab uga dhaadhcin lahaayeen ka qeybqaadashada nabadda dalka.

Xildhibaanada Dumarka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dib markii ay shalay Muqdisho ku kulmeen dhammaadki kulankooda ka soo saaray baaq ku wajahan xoogagga dagaalka kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo dadka Alle wax siiyay.

Caasha Axmed Cabdalla oo saxaafada la hadashay kulankaas ka dib ayaa ugu horeyntii baaq nabadeed u soo jeedisay Alshabaab waxayna ugu baaqday in ay dabka dhigaan, dagaalka joojiyaan dabadeed nabadana ka shaqeeyaan.

Xildhibaanad Caasha waxaa kale oo ay sheegtay in Ragga horboodaya dagaalada ay carruurtoodi dibadaha geysteen, carruur kalena ay dabka saarayaan iyagoo kursi doon ah waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadu waxay ku baaqeysaa iyadoo ku hadleysa codka Xildhibaanada haweenka ah ee shalay kulmay in la kaalmeeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Alshabaab ayaan dhega u raaricin baaqyo ciidaas ka badan oo ka soo kala yeeray qeybaha Bulshadu ka kooban waxaana hadda la doorbiday bal in la tijaabiyo kaalinta haweenku ku yeelan karaan wax u sheegida Alshabaabka.

halgankanet@gmail.com

 

Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya oo wadamada islaamka furka ku tuurtay. Maxey ku qoonsatay?

$
0
0

Dowladda Soomaaliya oo itaal iyo waxqabad waa halkoodee heysata aqoonsi Caalami ah ayaa wadamada la isku yiraahdo Dunida islaamka eed dusha uga tuurtay.

Prof. Ibbi, wasiirka malaay-dabashada ahna ku xigeenka wasiirka koobaad ayaa isagoo ka qeybgalaya Shir wadamada islaamka uga furmay magaalada New York ka jeediyay hadal ay caro badani ka muuqatay.

Mr. Ibbi wuxuu wadamada islaamka ku eedeeyay in ay faraha ka laabteen mashaaalkila rubuc qarniga ku sii dhow ee ka taagan dalka Soomaaliya oo dadkiisu ay yihiin 100% Muslim barax tiran.

Ibbi ugu dambeyntii wuxuu wadamada islaamka ku booriyay in ay iminka wax la qabtaan Dowladda Soomaaliya dhaqaale badan siiyaan islamarkaana kula xisaabtamaan dhaqaalahaas, bal in meelihii loogu talagalay ay gaarsiisaan iyo in kale.

Wadamada islaamka ayaa aad u raariciyay Soomaalida, kuwooda ugu qanisan ee Alle batroolka ku maneystayna waxaaba lagu eedeeyaa in ay dabka Soomaaliya ka holcaya dhinacooda baasiin uga shubayaan sababo istaraatijiyeed iyo kuwa dhaqaale dartood.´

halgankanet@gmail.com


Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo New York gaaray.

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay
waaberigii gaaray magaalada New York ee dalka mareykanka.

Wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama
ayaa sheegay in xalay markay saacadda Muqdisho ku beegneyd 02:00am, uu
madaxweynuhu soo gaaray Mareykanka, ayadoo ay soo dhaweeyeen wasiiro iyo
diblomaasiyiinta Soomaalida u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo 
Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa 25ka bishaan khudbad
xasaasi ah ka jeedin shirka Qaramada Midoobay ee New York, taas oo
xambaarsan warbixinno iyo xog guud oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda
ee Soomaaliya Yuusuf Dheeg oo xalay u warramay radio Muqdisho ayaa
sheegay in shir loga hadlay arrimaha Soomaaliya ay isugu yimaadeen
dalalka ku mideysan ururka Islaamka.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkaasi
looga hadlay sisii loo taageeri lahaa xallinta mashaakilka dhinaca
ammaanka iyo bani’aadamnimada ah ee ka taagan Soomaaliya.

Madaxda shirkaasi ka qeyb gashay ayaa
soo bandhigtay qorshayaal cad oo wax looga qabanayo xaaladda dalka
Soomaaliya laguna taageerayo dowladda KMG Soomaaliya.

R/was are ku xigeen ahaana wasiirka
kalluumyesiga iyo Kheyraadka badda Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa Radio
Muqdisho u sheegay in madaxda dalalka Islaamku ay   Jimciyadda Qumumaha
ka dhaxeysa hor geyn doonaan hindise dhaqale lagu siinayo Soomaaliya si
deg deg ah iyo taageeridda hanaanka nabadda ee dalka.

Ciidamadii Xabashida oo dalka dib uga laabtay kadib markii ey muddo joogeen dalka gudahiisa

$
0
0

Ciidamadii Xabashida oo shalay soo galay meelo kamid ah dalka ayaa xalay halkaasi dib uga laabtay kadib markii ey halkaasi ku sugnaayeen in muddo ah.


Ciidamadan oo sida la sheegey watay illaa toban gaari oo nooca dagalka ah ayaa markii ay halkaa yimaadeen waxaa ay bilaabeen inay isku ballaariyaan wadada Laamiga illaa dhulka Buuraha ah ee ku xeeran degaanadaas.


Ciidamadan Xabashida oo ay la joogeen Maleeshiyaad somali ah ayaa baaritaano ku sameeyey gaadiidka halkaa maraya iyagoona si aad ah u baarayay gaadiidka isaga gooshaya Gobolka Hiiraan iyo gobolada dhexe.


Ciidamadan Xabashida ayaa intii ay halkaa joogeen dhaq dhaqaaqooda ku sii fidiyay degaanada ku xeeran degaanka kal bayr in kastoo wax dhibaata ah aysan u gaysan dadkii xoolaleyda ahaa ee degaanadaas ku dhaqnaa.


Nin sheegtay inuu dowladda ka tirsan yahay ayaa hore u beeney inaysan jirin wax ciidamo Xabashi ah oo soo galay gobolka Hiiraan iyagoona ku andacooday in askarta halkaa ku sugan ay yihiin oo keliya askar Soomaaliyeed.


In kastoo maleeshiyadu ay beeniyeen hadaladaas ayaa haddana dadka degaanka oo aanu la xiriirnay waxaa ay noo xaqiijiyeen in ciidamadasi ay jiraan muddo ay ku sugnaayeen degaankaas iyo degaanada ku xeeran.


Dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamadii Xabashida ee shalay soo gaaray degaankaas ay dib uga laabteen isla markaana ay gaareen Degaanka Feer Feer ee kilinka shanaad.


Si kasta ha ahaatee ciidamada Xabashika ayaa mar walba soo gala gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobolada Bakool ama Hiiraan kuwaasoo markii ay halkaa muddo ku sugnaadaan dib isaga laabta.

Xildhibaan Hilowle Iiman oo saakay ku geeriyooday magaalda Muqdisho

$
0
0

Allaha u naxariistee waxaa goor dhoweyd oo saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho Xildhibaan Hilowle Iimaan Cumar oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu mudooyinkan xanuunsanaa.

Marxuumka ayaa dhowaan waxaa uu ka soo laabtay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ku soo cimreystay.

Xildhibaanka ayaa ku qudh baxay Hotelka Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan eheladiisa.

Marxuum Hilowle Iimaan Cumar ayaa waxaa uu qeyb ka soo noqday maamuladii dalka soo maray, iyo siyaasadii dalka, waxaana uu ahaa nabadoon qeyb ka soo qaatay kaalinta nabada iyo dib u heshiisiinta.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM; "Alshabaab waxaan la galnay dagaal fool-ka-fool ah waxaana ka dilnay 25 Dagaalyahan hubkiina waa ka furanay"

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bahuko oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho uu ahaa mid culus maadaama uu ahaa fool-ka-fool aan waxba la isu reeban.

"Alshabaab 25 Dagaalyahan ayaan ka dilnay hubkii ay wateenna waan ka furanay meydadkii kuwa aan dilnayna waxaan u soo bandhignay saxaafada gudaha iyo dibadda qaarkood" Sidaas waxaa idaacada afka dheer ee Shabelle Radio u sheegay Bahuko, Afhayeenka ciidamada AMISOM.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale ka waramay qasaaro dhankooda soo gaaray, qasaarahaas oo uu kaga gaabsaday dhimashada hal askeri oo Yugaandha u dhashay.

Dagaalkii shalay ayaa ahaa mid aad u culus ka sokoow dhinacyada dagaalayna waxaa shacabka soo gaaray qasaaro aan la qiyaasi karin oo isugu jira Dhimasho badan iyo dhaawac tira beelay.

halgankanet@gmail.com 

Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho, dagaal lagu hoobtay oo shalay ilaa galab-dhicii ka socday ka dib? Warbixin kooban

$
0
0

Magaalada Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaalo ilaa galab-gaabki socday ayaa waxaa saaka laga dareemayaa waxoogaa deganaan ah.

Deganaantan aan salka adkeyn ayaa ah mid sida muuqata ka dhalatay dhinacyada dagaalamaya oo aan wax guul ah kala gaarin marka laga soo tago waxa ay iyagu guul u yaqaan balse la oran karo waa "xasuuq iyo barakicin shacab oo aan geed loogu soo gamban".

Degmooyinkii shalay lagu dagaalay oo dhanka Waqooyi ee ku yaal Waqooyiga iyo bartamaha magaalada Muqdisho ayaan saaka laga maqleyn wax rasaas ah dadka deegaankuna waxay si miir la'aan ah oo aan jiheysaneyn uga barakacaaan deegaanadoodi shalay lagu dagaalay dadkoodiina lagu laayay.

Dagaaladii shalay  ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayay 25 Qofood halka dhaawucuna uu boqol ku sii dhow yahay.

halgankanet@gmail.com   

Alshabaab -"Ciidamada AMISOM waa halaajinay"

$
0
0

Af hayeenka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka war bixiyay dagaaladii shalay iyo illaa xalay ka dhacayey degmooyinka Hodan iyo Hawl wadaag ee magaalda Muqdisho.


Af hayeenka ayaa sheegey in dagaalkaas lagu soo qaaday fariisimo ciidamada xarakada shabaabul Mujaahiddiin ay ku lahaayeen degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee magaalda Muqdisho.


Abuu Muscab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalaaasi ciidamada AMISOM ay kaga dileen Sagaal Askeri.


Af hayeenka oo ka war bixinayay qaabka uu dagalkaas u dhacay ayaa sheegey in ay goob ay ku jireen Ciidamada dawladda ay kala wareegeen hase yeeshee ciidamada AMISOM oo goobtaa ku ogaa Ciidamadii dawladda in ay si lama filaan ah u soo galeen dabadeedna ciidamadii xarakada shabaabul Mujaahidiin ee halkaa ku sugnaa ay dhirbaaxo ku dfhufteen Ciidamadii habowga ahaa ee AMISOM halkaasna ay kaga dileen illaa Sagaal Askeri oo ka tirsan ciidamada AMISOM waa siduu hadalka u yiriye.


Abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Ciidamadii AMISOM ay kari waayeen in Meeydadkooda halkaa ay ka qaataan iyagoona adegsanayay Taangiyada oo iska daba laabanaya si ay u qaataan Meeydkooda.


Af hayeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalkii manta ay soo qaadeen ciidamda AMISOM ay jab weyn u geysteen isla markaana ay dib isaga caabiyeen.


Abuu Muscab ayaan dhankooda soo qaadin khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii manta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Hodan isagoona intaa raaciyay in ciidamadooda haatan ay ku sugan yihiin wadada Maka al mukarama oo uu sheegey in ay tahay goobtii lagu soo weeraray.


Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan ciidamada ay kala dileen ayaan waxaan jirin warar madax banaan oo sheegaya khasaarha dhab ahaantii kala gaaray labada dhinac.


Si kastaba Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa dagaalkii shalay waxa ay ku sheegeen inuu ahaa mid ay si weyn uga guuleysteen Ciidamadii dawladda iyo kuwii kaabayay ee Ciidamada AMISOM.

Ciiamada Alshabaab ee maamulka gobolka Hiiraan oo dagaal ku qaaday duleedka B/weyne

$
0
0

Ciidamada Alshabaab ee maamulka Hiiraan ayaa saakay waabirigii weerar ku qaaday maleeshiyaad ku sugnaa halka lagu  magacaabo Baar-dhuyac oo 40-km
dhinaca W/qooyi galbeed kaga beegan Beledweyne .


Sidoo kale mas’uuliyiin u hadashay maamulka Xarrakada Mujaahidiinta
Al-shabaab ee magaalada Beledweyne oo xaqiijiyay wararka saakay dhacay,
ayaa waxaa ay intaa ku darreen in weerarka saakay ay qaadeen uu ahaa mid
looga ujeetadiisu aheyd in lagu fashiliyo qorshe dagaal oo ay wadeen
ciidamada dowladda, waxaana ay intaa ku darreen in ay dileen qaar ka mid
ah ciidamadii halkaa ku sugnaa,


Dadka deegaannka oo sidoo kale warbaahintu xiriir la sameysay ayaa waxaa
ay sheegeen in weerarka saakay ay ku dhinteen 2 ruux halka ilaa 5
kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana ay intaa ku darreen in saacado kooban
oo ay halkaa ku sugnaayeen Xoogagga Xarrakada Al-shabaab oo markii danbe
dib ugu soo laabtay dhinaca magaalada Beledweyne.


Ilaa hadda ma jirro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha
dowladda oo ku aadan weerarka saakay dhacay, waxaana xusid mudan in
maalmihii aynu soo dhaafnayba uu jiray abaabul dagaal oo ay wadeen
saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan qeybo ka mid ah goballka
Hiiraan, laakiin waxaa dhinaca kale iyana jirta foojignaan dheeraad ah
oo ay Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ka qabaan qorshayaasha
Militari ee ka dhanka ah.


Maxamed Colaad Xasan"Saxafiyiinta Soomaaliyed ma kaafi karto in magacooda buugaag lagu qorto iyo boorar la horgeeyo Hey'addaha si hanti loogu helo"

$
0
0

Wariye Maxamed Colaad Xassan oo ah Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta la hadasha Dibada oo shalay ururkiisa soo qaban qaabiyay Kulan saldhig u ahaa dallad mideysan oo ay yeesheen Saxafiyiinta Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimada ku aadan in la helo Dallad isku xireysa Saxafiyiinta Soomaaliyed ee ku dhaqan dal iyo Dibad.

Colaad Istiila ayaa sheegay in Saxafiyiinta ay noqdeen kuwo dhib u joog ah, xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka, isagoo cadeeyay in waxa looga bixi karo dhibaatadaas ay tahay in la helo Isku-duubni.

"Saxafiyiinta Soomaaliyed waa dad ku shaqeeya karti iyo hufnaan waana kuwa dhimanaya ,dhawacmaya ,waxayna qeyb ka yihiin kuwa dhibaatadu ka soo garto dagaalada iyo colaaaha ka jira dalka Somaliya"ayuu yiri Colaad oo sheegay in dhayida boogta wariyeyaasha aanu aheyn in buugaag lagu qorto iyo boorar lala hor tago Hey'adaha caalamiga.

Maxamed Xasan Colaad ayaa sheegay ayaa ka sheegay shalay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen saxafiyiin fara badan in nasiib wanaag u tahay inay sameystaan Dallad ay ku mideysan yihiin oo kulmisa dhamaan wariyeyaasha, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay noqon doonaan kuwo iska war qaba.

"Saxafiyiinta Soomaaliyed ma kaafi karto in magacooda buugaag lagu qorto iyo boorar la horgeeyo Hey'addaha si hanti loogu helo"ayuu si kulul u yiri Colaad oo intaa ku daray in dalladan ay meesha ka saari doonto kooxo magac beeneed wata oo Hey'adaha wax uga cuna, iyagoo ku qaraabanaya magaca saxafiyiinta soomaaliyed.

Dallada Xiriirka Saxafiyiinta Soomaaliyed ayaa dib u soo celinta doonta xuquuqda wariyeyaasha soomaaliyed ee lagu tuntay, isla markaana Dallada ay wax badan ka qabaneyso iska war qabka saxafiyiinta ku nool dal iyo dibad.

Si kastaba ha ahaatee waxay tani meesha ka saareysa Kooxo magacyo beenaad wata oo waraaqadooyin la wareega Safaaradaha iyo Hey'adaha caalamiga, kuwaasoo haatan gabalkooda sii dhacayo, godkoodana uu biyo ugu soo galay.

Madaxweyne Sh. Shaariif oo Khudbad dheer ka jeediyay kulan looga hadlayay Soomaaliya (War saxaafadeed)

$
0
0

Kulankii ay magaalada New york ee dalka
Mareyklanka ku yeesheren Madax kala duwan oo ka tirsan Kuwa caalamka
islamarkaasna diiradda lagu saarayay arrimha Soomaaliya ayaa habeenkii
xalay la soo gebagebeeyay, iyadoo mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay ay
isku afgarteen in si dhab ah loo taageero Dowladda Soomaaliya.

Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad  dheer oo dhibnacyo badan taabaneysa
ka hor jeediyay Madaxdii ka soo qeyb gashay Kulankaasi ayaa waxa uu ugu
horreyntii caddeeyay in uu dhammaaday Khilaafkii Siyaasadeed ee ka dhex
jiray Madaxda Qaranka islamarkaasna uu markii dambe ku soo gebageboobay
in uu is casilo R/wasaarihii Soomaaliya Dr. Cuimar C/rashiid cali,
isagoo dhinaca kale tilmaamay in loo baahnayahy in Soomaaliya laga
taageero dhinaca Dhaqaalaha si wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira
gudaha dalka.

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa
soo hadal qaaday in ay muhiim tahay in ay wadamada Caalamka gacan ka
geystaan sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada qalabka sida si ay ugu
guuleystaan wax ka qabashada Xaaladda aammaan darri ee ka jirta
Soomaaliy.

Sidoo kale Madaxdii ka soo qeyb gashay
kulanka ayaa iyaguna ku baaqay in loo baahnaayhay in gacan loo fidiyo
Dowladad Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya Mwi Kibajki oo ka mid ah
Madaxdii ka hadashay Shirka aya asheegay in xaalada Soomaaliya ka jirta
ay qatar ku tahay arrimaha Nabad gelyada iyo xasilloonida wadamada
deriska la ah Soomaaliya, isagoo ku baaqay in gacan laga geysto sidii
loo dardar gelijn lahaa Howlaha wax looga qabanayo dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Sh. Shariif Sh,
Axmed ayaa Kulamo garagaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Caalamka
oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin
Madaxweyneyaasha wadamada Uganada iyo Senegal, waxaana kulamadaasi Radio
Muqdisho uga warbixiyay R/wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirkla
kaluumeysiga iyo Kheyr badda C/Raxmaan Ibbi.

Kualnkii lagu soo gebabeyayya magaalada
Newyorka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Siyaasadda iyo
Ammaankla Soomaaliya iyadoo kulankaasi uu horay u iclaamiyayya Xoghayaha
Guud ee Q.Midoobay Bankiin Moon waxa uuna kulankaasi u muuqdaa Kulan ay
Beesha Caalamka ku muujinayso dadaallada ay dooneyso in wax looga qabto
dalka Soomaaliya.

Shirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

$
0
0

Shir gaar ah oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya oo uu guddoominayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayna ka qaybgaleen wakiilo ka socda gobolka iyo bulshada caalamka, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa warbixin siiyay ku aadan xaaladda siyaasadda iyo amniga ee dalka,
iyadoo sidoo kalena guddoomiyaha midowga Africa Jean Ping uu faahfaahin
kabixiyay howlgalada ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

Hadaba, gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray war saxaafadeed.

Waa kan Axmed Cabdinuur oo noo soo koobaya.

Hadalada kulul ee shir madaxeedka kooba ee
arrimaha Soomaalida looga hadlayay ee magaalada New York, ayaa
waxyaabaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in warbixinno lagu
kalsoonaan karo, oo sheegaya xatooyada hantida dadwaynaha ay caqabad ku
noqotay howlaha dowladda ku meelgaarka ah.

Musuqmaasuqu wuxuu dowladda Soomaaliya ka
luminayaa hanti muhiim u ah, shacabka Soomaaliyeedna waa la khiyaamayaa,
deeq bixiyayaashana waxaa uu musuqmaasuqu ka hor istaagayaa in ay ku
dhiiradaan in ay ku yaboohaan lacag kale.

Villa Somalia oo madaafiic lagu garaacay jawaab shacab ku dhintay laga bixiyey

$
0
0

Madaafiic xoogan  ayaa maanta lagu garaacay Villa Somalia iyadoo
jawaab ka soo baxday Villa Somalia ay ku dhamaadeen dad shacab ah oo aan
waxba galabsan.

Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa maanta madaafiic xoog badan ku garaacay
Madaxtooyada Soomaaliya ka dib iska hor’imaad kooban oo ka dhacay
wadada Frolence ee Degmada Wardhiigley Muqdisho.

Dagaal la isku adeegsaday rasaasta fudud oo ka dhacay xaafadaha ku
dhow Villa Somalia kama mida Degmada Wardhiigley ayaa waxaa ka dib
bilowday Hoobiyayaal aan dhawaanahan nuucaada adfeegsan xoogaga
Mucaaradka.

Dhowr iyo Labaatan Madfac ayay islaamiyiinta ku garaaceen
Madaxtooyada waxaana xiligaasi ka dib bilowday rasaas culus oo  ay
ridayeen Ciidanka Amisom iyadoo jawaab ka sii daran ay baxday muddo
daqiiqada ah markii islaamiyiinta hakiyeen Hoobiyayaasha.

Ciidanka Amisom ayaa ooda ka qaaday Taangiyadooda iyo PM-ka oo ay
barbar socdeen Madaafiicda Hoobiyaha oo inta badan ay ku garaaceen
dhulka aagaga ah ee Degmada Wardhiigley iyo xaafado ka mida Degmada
Boondheere.

Madaafiicda lagu garaacay aagaga ayaa waxaa jiray qaar ka gudbayay oo
ku dhacay deegaano ay dad shacab ah daganyihiin sida xaafada Siinaay
iyo qeybo ka mida xaafada Geed Jacayl oo ah goob ay mucaaradka Madaafiic
ka rideen maanta.

Madaafiicda ayaa waxa ay sababeen dhimashada 5-ruux iyo dhaawaca lagu
qaaday gaadiidka gurmadka oo gaaraya 8-ruux oo dhammaan ku waxyeeloobay
Degmada Yaaqshiid iyo Wardhiigley oo la garaacay markii Hoobiyayaasha
laga joojiyay Villa Somalia.

Inta badan Mucaaradka ciidakooda ayaa lagu eedeeyaa in ay masuul ka
yihiin qasaaraha shacabka markamarkii ay garaacaan xarumaha Amisom
iyagoo ka tuura Hoobiyayaasha goobaha shacabka u badanyihin.

Dab ka kacay degaanka ka tirsan buurhakabo oo dad soomaaliyeed ku waxyeeloobeen

$
0
0

Hal qof ayaa ku dhintay 6 kalana way ku dhaawac meen kadib markii uu dab
ka kacay habeenimadii xalay  deegaan 20 KM ku jirta degamada Buurhakabo ee gololka Bay kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.
Dabkaasi ayaa yimid kadib markii shaqaalihii ka shaqeynayey god la la
qodo dhuxusha oo degaankaasi ku yaala uu mid ka mid ah shaqaalaha god ka
dhuxusha laga qodayey uu si kama ah dab ugu laagay kadibna uu halkaasi
dabka qasaaraha geystay ka dhashay.


Dabkaas ayaa dhacday wakhti habeen ah oo inta badan shaqaalaha godka
dhuxusha ka shaqaynayey ay jiifeen waana mida keentay qasaaraha halkaasi
k dhashay iyadoo wakhtigaas ay deegaankaasi ka socodeen dabayl xoogan
oo sii faafiyey dabka halkaasi ka dhashay


Dadkii ku dhawacmay dabkaa ka kacay deegaankaasi ayaa waxaa loola
cararay Isbitaalada kuyaala gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo haatan
lagu daaweynayo isbitaaladka magaaladaasi.


Dabkaasi oo ah kii ugu horeeyay ee kakaca deegaanada hoodka ah ee
dhuxusha lag gooyo oo ee hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobalka Bay
ayaa dadka dagan gobolkaasi si cabsi weyn ka muujiyeen

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>