Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka dagaal u dhaqaaqay

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa ururka Raaskaambooni iyo ciidamada AMISOM ayaa saakay u dhaqaaqay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab, si ay halkaasi dagaal ugu qaadaan.
 
Ciidamo aad u tiro badan isla markaasina ku qalabeysan hubka noocyadisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay iyagoo saaka ka dhaqaaqaya fariisimo ay ku lahaayeen duleedka degmada Kismaayo, waxaana la sheegay in ciidamadani ay ku wajahan yihiin deegaanada uu maro webiga Jubba ee waqooyiga gobolka jubada hoose ee loo yaqaan deegaanada gosha oo ay ku xooggan yihiin Al-shabaab.
 
Taliyaha ciidamada dowladda ee Jubooyinka Gen. Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ka dhaqaaqeen saldhigyadii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo, wuxuuna xusay in ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan gobollada jubbada hoose iyo jubada dhexe oo ay ku suganyihiin Al-shabaab.
 
Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno deegaanada gosha ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab ayaa sheegay in laga dareemayo xiisado dagaal, islab markaasina dagaalyahannada Al-shabaab ay wadaan diyaargarow ay doonayaan in ay kaga hortagaan duulaanka kusoo fool leh.
 
Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Kismaayo waxa ay saldhigyo ka sameysteen duleedyada magaalada, iyadoona dagaalyahannada al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose iyo weliba qaar ka tirsan deegaanada dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
 
Xiisadahani dagaal ee ka soo cusboonaaday gobolka jubada hoose ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in 23-ka bishan uu magaalada Kismaayo ka furmo shirweynaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka, kaasoo wufuuddi ka qeybgali lahayd ay imika intooda badan ku suganyihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.


Dowlada Itoobiya oo sameysatay diyaaradaha Drones-kaa

$
0
0

BALCAD MEDIA: Dowlada itoobiya ayaa sameeystay diyaaradaha aan duuliyaha laheeyn kuwaa oo ay kula dagaalameysa mucaaradka ku kacsan iyo sidoo kale Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta Dalka Soomaliya Sida uu sheegay masuul ka tirsan Dowladaasi.
Sarkaal u hadlay Milateriga Itoobiya ayaa sheegay in xiligaan ay ku duuleeystaan in ay helaan diyaaradaasi nuuca Drones ka ah, islamar ahaanta ay ka sii xoojinayaan dagaalka Soomaliya ay kula jiraan Kooxa Al-Qaacida ku xiran.
“Ururka Al Shabaab Dhowr jeer ayaa ay noogu hanjabeen in ay weeraro noo geeysan doonaan, iminka waxaa muuqata in ay sii dabar go,ayaan, waana sii xoojineyna Dagaalkaasi aan kula jirno” sidaasi waxaa yiri masuulkaan u hadlay dowlada Itoobiya.
Dowalada Itoobiya ayaa iyado qeeyb ka ah dowlada dagaalka xoogan kula jira AL-Shabaabka Soomaliya, waxaana ay haatan ka mid tahay dowladaha geeska afrika ugu awooda badan, waxaana taageerada meletariga  ugu badan ay ka heshaa Dowlada Mareykanka oo xiriir xoogan leh.

Putland government blames Alshabab responsible for the death of Sheikh

$
0
0

Garoowe (Sh.M.Network) the president of Putland blame Alshabab for the kill of the Sheikh in Garoowe. It is an animal act that the people have already moved out of it, it is high time to stop assassinating people and focus on how will shall compete with the rest world.
His Excellency Faroole assured the the people of putland region that they should not be tempted by such an act instead they should stand with government and support it in any way that they can by assisting them with any information that will be useful to them. Also the president said that a youth was arrested over the incident and his nouns is Abdirahman Hussein Jamaa Bile accused of the murder of sheikh and other five people are injured.
Shabelle News Desk

Xukuumada Soomaliya oo ka tacsiyeeysay Dilka Shiikh C/qaadir

$
0
0

BALCAD MEDIA: Xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadshay dil shalay loogeeystay shiikh Soomaliya Caan ka ah waxaana ay ku tilmaamtay fal naxariis  daro ah oo lagu dabar jarayo Culumada Soomaliyeed,Sheekha ladilay ee ah Shiikh C/qaadir Nuur Faarax uu ahaa shiikh ku caan baxay fidinta diinta islaamkaa.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumada Soomaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dilka loogu geeystay Magaalada garowe Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culumada Soomaliyeed kuwooda ugu caansan.
Sidoo kale wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo eheladii uu ka egeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Shiikh C/qaadir Nuur Faarax, waxaana uu ilaah ugu baryay in janatul Fardowso geeyo, waxaana uu ku tilmaamy sheekha ladilay mid ka shaqeeyn jiray nabadeeynta iyo xasilinta Soomaliya iyo faafinta Diinta Islaamka.

Deg Deg Dibad bax balaaran oo Muqdisho ka socda (Top News)

$
0
0

BALCAD MEDIA: Wadooyinka waaweeyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka soconaya dibad bax xoogan waxaana dibad baxaasi ka qeeyb qaadanaya kumanaan qof oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalkeena Soomaliya.
Dibad baxaan ayaa waxaa soo abaabulay oona ka qeeyb  qaadanaya Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, waxaana uu ku saabsan yahay isdhexgalka iyo nabada, sida masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ay sheegeen.
Banaan baxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray wadooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho gaar ahaan wadadad weeyn ee halboolaha magaalada Muqdisho Maka Al mukarama, waxaana haatan dibad baxayaashu ay intooda badan ku sugan yihiin isgooyska Ceel Gaabta ee magaalada Muqdisho.
Waqti dhaw ayaa lafilayaa in kumanaan kaas qof ay lahadlaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana dibad baxaanu uu yahay mid jawi nabad ah ku socda, amaankana waxaa uu yahay mid la adkeeyay oo lagu arkayo goobaha dadkaasi ay ku sugan yihiin.

Raisulwasaare Saacid oo yeeshay wax aan hore Usameysan Madaxdii Soomaaliya Kana yaabeyn Masuuliyiinta Dalka

$
0
0

Xafiiska ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) ayaa yeeshay la-taliye Biritish ah oo ka socda Midowga Yurub. La-taliyaha cusub waxaa la yiraahdaa Justin Marozzi. Marozzi wuxuu ahaa qoraa iyo warbaahiye u soo shaqeeyay wargeysyo sida the Economist iyo Financial Times, iyo idaacadda BBC{Halkaan ka aqriso warbixin oo siiye warbaahinta}

Justin Marozzi wuxuu ka tirsanaa Waaxda Xasilinta ee dowladda Biritayn ( Stabilisation Unit). Shaqada Waaxda waxa si wadajir ah iskaga kaashada Xafiiska Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaybta Horumarinta Caalamiga.{halkaan eeg wabsite oo leeyahay}

Intii u dhexaysay 2008-2011 Justin Marozzi wuxuu la-taliye u ahaa Ergada Midowga Afrika ku sugan Somalia. Justin Marozzi ayaa dhowaan maqaal ku qoray wargeyska Financial Times. Wuxuu ku dooday in istaraajiyadda lagu wiiqay Al Shabaab– keenista iyo taageerista ciidammo Afrikaanka ah– ay tahay mid loo adeegsan karo Maali oo xoogagga Islaamiyiinta ah ay awood ku yeesheen qaybo ka mid ah dalkaas ka hor inta uusan Faransiisku u dirin ciidammo eryay xooggagga Islaamiyiinta oo xiriir la leh Al Qaacida.{Hlkaan ka eeg bugaagta oo qoray}

Justic Marozzi wuxuu qoray buugag ku saabsan taariikhda iyo suugaanta dal-mareenka.

Cawrala Qoricuud
Galbeedka Mudug Galdogob

Xertii Xamar ka saartay Xarakada Al Shabaab oo intooda badan Hubkii iska dhigay kuna laabtay Digrigii lagu yaqaanay

$
0
0

Hadal heeynta ugu badan guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan dambe waxa ay noqotay Wadaadada loo yaqaan Suufiyiinta ama Qaadiriyada oo intooda badan Hubkii iska dhigay waliba si toos ah ugu laabtay Digrigii iyo Moowlacyadii lagu yaqaanay.
Xertaan oo Dagaal toos ah la gashay Xarakada al Shabaab oo Qabuuro caan ah ka dudumisay xiligii ay maamuli jireen inta badan magaalada Muqdisho ayaa iminka waxaa aad u yar wadaadada Jameecadaan dagaalada ay ka qeeyb qaataan waxeeyna intooda badan iskaga laabteen Ganacsigoodii hore iyo Masaajidadii looga bartay inay ku digriyaan xiliyada habeenka ah.
Wadaadada loo yaqaan Suufiyiinta ama Qaadiriyada ayaa dagaalkii Al Shabaab looga saaray meelo fara badan waxa ay magac ahaan kaga qeeyb qaateen iyaga oo xambaarsan ama ku midoobay magaca Ahlu Suna waljameeca waxeeyna Dagaalo kulul kaga yaabsadeen Maleeshiyaadka Al Shabaab oo ugu dambeeyntii faaruqiyay gobolo muhiim ah.
Culumada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa xiliyadaan dambe waxa ay aad uga sii baxayeen dhanka ciidamada Dawlada waxaana taas macnaheeda lagu sheegay iyaga oo ka waayay deegaanada ay ku nool yihiin Maleeshiyaadkii Al Shabaab ee markii hore ku qasbay inay hubka qaataan Suufiyiinta ama Qaadiriyada dalka Somalia.
Xoogaga Culumada Ahlu Sunna Waljameeca kuwooda ku sugan gobolada dhexe ayaa wali waxa ay xambaarsan yihiin hubkooda kuwaas oo dagaal kula jira Maleeshiyaadka xarakada Al Shabaab oo wali ku harsan magaalooyin fara ku tiris ah oo ku yaala gobolada dhexe ee dalka Somalia.
” Dadka dariska ah ayaa waxa ay igu xaman jireen Wadaadka maxaa waalay oo Qoriga u saaray anigana waxaan ugu jawaabi jiray niman Qawaarij ah oo Qabriyadii Awoowayaal fagtay ayaa na waalay oo nagu qasbay inaan Qoriga qaadano balse hada Qoriga waan dhigay oo xareeystay mana qaato wixii igu qasbayna waa loo jeedaa ayuu yiri Mursal Macalin Xuseen Qaasim oo ka mid ah Wadaadadii Xarakada Al Shabaab ka saaray degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir ”
Shuceeyb Sheekh Yuusuf (Shaani Yare)

Halista Weriyayaasha iyo Suuqa Kala-iibinta Weriyayaasha Idaacadaha (Warbixin xiisa badan)

$
0
0

Inkastoo Saxaafadda Soomaaliya weli gaarin horumar la xiriira inay Suxufiyiinta ku gorgortamaan Mihnadahooda, haddana waxaa hubaal ah inay Milkiilayaasha Idaaacadaha iyo Telefishinnadda inay si fudud uga faa’ideystaan Xoogga Suxufiyiinta.
Marka la soo hadaal-qaado Suuqa Kala Iibsiga Suxufiyiinta, waxaa laga yaabaa inaad u qaadato inay Suxufiyiinta gaareen heer ay Warbaahinnadda kala duwan ku baayactamaan Weriyayaasha u shaqeynayo.
Laakiin, fekerku sidaa wuu ka duwaan yahay, oo Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxay yihiin kuwa ugu dhaqaalaha liita marka loo eego Suxufiyiinta kalem taasina waxaa u sabab ah iyadoo aysan jirin Nidaam Dowladeed ama mid Gaar ahaaneed oo Suxufiyiinta li qoomeeyn kara aqoontooda iyo khibradooda.
Haddaba, iyadoo aan xog hoose ka hayno sida ay Milkiilayaasha Warbaahinnadda Madaxa-bannaan ku qiimeyaan Weriyayaasha iyo Xirfadlayaasha kale, ayaa waxaa xaqiiqo ah inay Suxufiyiinta badankooda yihiin Dulmanayaal iyo Dhibanayaal lagu tacadiyo.
Layaab ma laha tiradda Suxufiyiinta Soomaalida ee la dilay, la xiray amaba xaqooda la duudsinayo, iyadoo Milkiilayaasha Warbaahinadda mas’uul ka yihiin inay Suxufiyiinta halis gassho naftooda amaba loo hanjabo.
Milkiilayaal Idaaacadeed, siiba kuwa ku yaalla Magaalladda Muqdisho, ayaa tusaale xun loo arkaa, kuwaasi oo Suxufiyiinta ku khasba inay diyaariyaan Barnaamijyo, Warar iyo Wareysiyo Xasaasiyad ku abuurayo Dowladda ama Kooxda Alshabaab.
Weriyayaasha waxay rumeysan yihiin in Suxufiyiinta la ugaarsado, la dilo ama la xiro inay badankooda sababaan Milkiilayaasha, oo iyagu danno qarsoon ka leh dilalka iyo tacadiyadda ay Suxufiyiinta u maleegaan.
“Idaacadda Weriyayaasha ugu badan laga dilay, ayaa waxay yihiin kuwo Milkiilahooda ku amray inay qaadaan, siina daayaan Warar iyo Wareysiyo xanaf leh: sidaa waxaa yiri Weriye khibrad leh oo dhowr jeer ka badbaaday inay Kooxda Nabad-diidka dilaan.
Weiyayaasha Muqdisho waxay ku shaqeeyaan lacago kooban, iyadoo midka ugu sarreeya uu mushaar ahaan u qaato ilaa 150-Dollar, iyadoo intooda badan qaataan 30 ilaa 50-Dollar.
Waxaa kaloo jiraa kuwo iyagana lagula heshiiyo inay dhowr bilood mushaar la’aan shaqeeya iyo kuwo Sharoor=ku=noolayaal ah, kuwaasi oo mushaar la siinin, balse nolol-maalmeedkooda ka soo dhacsada Shirarka Wasiiradda, Hay’adaha iyo Madaxda Wareysiyadda Khaaska lala yeesho.
Si kastaba ha ahaatee, Weriyayaasha ka hawlgala Muqdisho, waxay yihiin kuwo aan lagu qiimeynin khibradoodaa, balse ay Milkiilayaasha si hoose u qiimeeyaan kuwaa ay isku jufaadda yihiin.
“La yaab ma laha inay Madaxda Warbaahinnadda Muqdisho mudnaanta siiyaan weriyayaasha ku haybta ah, weyna yar yihiin Milkiilayaasha Suxufiyiinta ku qiimeeya Khibradaha” ayuu yiri Weriye dhowr bilood inta lagu shaqeystay, laga ruqseeyey Idaacad uu ka hawlgeli jirey.
Si kastaba ha ahaatee, Idaacadaha Muqdisho, waxaa kala bar leh Milkiilayaal Urur-diimeedyo ka tirsan, waxaana taasi laaga dareemi karaa sida ay Siyaasiyiintii ka soo xuubsiibtay Urur-diimeedyaadda Alla-sheekh, Islaax, Damu Jadiid culayska u saarayaan inay furtaan Saldhigyo Idaacadeed oo ay ku ilaashadaan danaha Urur-diimeedkooda.
Wariye: Anwar Bakhiit
Madaxa Falanqeynta Siyaasadda


Maraakib dagaal oo kusoo wajahan xeebaha Soomaaliya maxay tahay hadafka marakibtaasi.

$
0
0

Sida ay baahiyeen jaraidyada kasoo baxa wadanka Shiinaha ayaa lagu sheegay in maraakiib dagaal oo laga leeyahay wadankaasi ay u soo socdaalen dhanka xeebaha wadanka Soomaaliya kuwaasi oo howlgalka NATO ee la dagaalanka burcad badeda Soomaalida ku biiraya.
Maraakibtaan ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen bariga wadankaasi Shiinaha iyagoona soo mari doona Gacanka Adan inta aysan soo gaarin biyaha Soomaaliya.
Xebaha Soomaaliya waxa kusugan maraakiib shisheeye oo laga leeyahay wadamada calamka oo doonaya in ay ha kiyaan dhibaatada kooxda burcad badeda Soomaalida.

Faroole iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliya oo kulmay

$
0
0

BALCAD MEDIA: Wafdi uu hogaaminyo wasiirka arimaha gudaha Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayna ka midyihiin wasiirka Maaliyadda Maxamed Xasan Suleymaan iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan culuma,udiin Soomaliyeed oo shalay ka qeeyb galay Aas magaalada Garowe loogu sameeyay allaha u naxariistee Shiikh C/qaadir, ayaa waxa ay xalay kulan gaar ah la qaateen C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole madaxweynaha maamulka Butland.
Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa xiriirka maamulkaas uu laleeyahay wasaarada arimaha gudaha sidii loo xoojin lahaa, iyo sidii loo adkeen lahaa amaanka deegaanada maamulkaasi butland loogana cirib tiri lahaa Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo ku sugan deeganaada butland meelo kamid ah.
Faroole oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay wasaarada arimaha gudaha ula shaqeeyn lahaayeen islamrkaana uga qeeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro al shabaab, waxaana uu xusay in ay gacan bir  ah ku qaban doonaan dadka dilalka ka geysta deegaanada maamulkaasi.
Wafdigaan ayaa maanta sidoo kale kulan lagu wadaa in ay magaalada Garoowe kula qaataan masuuliyiin iyo waxgaradka reer butland, waxaana amaanka Garowe uu yahay mid siweeyn loo adkeeyay.

Daawo dayactir ka socda garoorka diyaaradaha magaalada Garoowe

$
0
0

BALCAD MEDIA: Waxaan halkaan akhristayaasheena ugu soo bandhigeynaa sawiro ka turjumaya muuqaalka garoonka diyaaradaha Garoowe iyo dhismo balaaran oo ka socda.
Halkaan Ka daawo.

Byby/ Cabdi Xassan Awoowe.

Pakistan: Ilaa 80 ku dhimatay qarax

$
0
0

Ilaa 80 ayaa ku dhimatay qarax laba boqol in ka badana waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay suuq ku yaalla Quetta.

Amisom oo cabaareysay qaraxii shalay ka dhacay baar Liido

$
0
0

BALCAD MEDIA: Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa qaraxa ku tilmaamay weerar naxariir daro ah oo lagu bar-tilmaameedsaday dad rayid ah, dadka fuliyayna ay yihiin fulayaal.
Danijiraha ayaa sheegay in ay ka danbeeyay kooxo uu ku tilmaamay argagixiso waxaana uu sheegay in taasi ay muujineyso in aysan wax daryeel ah u heeyn  shacabka Soomaliyeed, waxaana uu u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday eheladooda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in AMISOM ay ka go,an tahay u gurmashada shacabka Soomaliyeed in ay ka saacidaan dhinaca sugida amaanka.
Shalay ayaa werar gaari walxaha qarxa laga soo booxiyay loo adeegsaday lagu qaaday baar ku yaala xeebta liido oo lagu magacaabo Lido Sea Food qasaarena uu ka dhashay qaraxasi.

Howl gallo laga sameeyay deegaanno dhawaan laga qabsaday Al Shabaab

$
0
0

Marka  (Sh.M.Network)  Wararka ka imaanaya deegaanno Ka tirsan Gobolka Sh/hoose islamarkaana ah Deegaanadii ugu dambeeyay ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta Howl Gallo Ballaaran ay ka sameeyeen Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM.
Howl Galladaasi oo ahaa Kuwa Ballaaran ayaa intii Ciidamadu ay Ku guda Jireen waxaa la sheegay in ay Gacanta ku soo dhigeen dad iyo Waxyaabo qaraxo oo ay ka soo qabteen Deegaanada Howl Galladu ay ka socdeen.
Deegaanada Maanta ay Ciidamada dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika ay Ka sameeyeen ayaa waxaa Ka mid ah Mubaarak,Janaale iyo Mareereey oo gabi ahaanba ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Howl Galladii Maanta Ciidamada dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ka sameeyeen Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Howl Galladii Maanta Ciidamada Dowlada ay ka sameeyeen Deegaanno Ka tirsan Gobolkaasi ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen dad uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Ururka AlShabaab iyo Waxyaabo Qarxo.
Sikastaba ha ahaatee Deegaanada Maanta Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM howl gallada ay ka sameeyeen ayaa ah Deegaanadii ugu dambeeyay oo ay gacanta ku dhigaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika ee Ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland oo tobabar usoo xirtay dhaqaatiir ka shaqeynaya daryeelka caafimaadka Xoolaha.

$
0
0

Wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ayaa maanta  tobabar usoo xirtay  27 qof oo ka kala socday goboladda Nugaal iyo Mudug kuwaasi oo loo tobabaray daryeelka caafimaadka Xoolaha labada gobol oo dhawaan lagasoo sheegayay cuduro ku dhacay xoolaha nool.
21 cisho oo tobabarka uu socday ayaa ka qeyb galayaasha tobabarkaan loo carbiyay  fahansiinta qaabka  dawada loo siiyo loona duro  xoolaha jiran.
Gudoomiyaha jaamacadda PSU ahna gudoomiyaha ururka Maxliga ah ee Kaalo Maxamuud Sheikh Xaamud oo ururkiisa uu fuliyay tobabarkaan  isagoo taageero dhaqaale ka helay Hay’adda USAID  ayaa ugu baaqey dadkii loo dhameeyay tobabarka inay si daacad ku hufan  aqoontooda  ugeeyeen deeganadii ay ka yimaadeen, Waxaana uu sheegay qof walba oo tobabark qaatay in liisanayo qalab iyo daawooyinka uu ku howl galo.
Bashiir Axmed Guuleed oo kamid ah dadkii loo qabtay tobabarkaan ayaa goobta ka balanqaaday in aqoonta loo kordhiyay ay ula laaban doonaan deegaanadii iyo dadkii ay ka yimaadeen.
Agaaismaha guud ee wasaaradda xanaanda Puntland Ibraahim  Xareed Cali “Dacar” oo soo xiray tobabarka  ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ka dhasha cudurada xoolaha ay sabab u tahay  isku gudbida xoolaha  gobolada Punland iyo meelaha ka baxsan.Wuxuu agaasimuhu uu  sheegay in  dadka la siiyay xirfada la filayo in ay isbadal ku sameeyeen daryeelka caafimaadka xoolaha.
Arintaan tobabarka ah waxay kusoo beegmaysaa xilli deegaanada miyiga ee gobolada Puntland qaarkiis  lagasoo sheegayo  cuduro ku dhacay xoolaha nool oo saameyn ku yeeshay xoolihii badnaa ee miyiga ka imaan jiray loona soo iib geyn jiray magaalooyinka.

Buraannews.com- Garowe


J. Carabta: Somalia Halaga Qaado Cunaqabateynta Hubka

$
0
0

Shir Baarlamaanka Jaamacadda Carabtu ay maanta ku yeesheen magaalada Qaahira ayaa lagu taageeray in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaraan.

Muxaadaro Dacwadii Nabigascws Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Deg deg:Kooxo Hubeysan oo 3 ruux ku dilay magaalada Gaalkacyo

$
0
0

War hada naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya In kooxo hubeysan ay cawada 3 ruux ku toogteen gudaha magaaladaas.
Dadkaan la dilay ayaan la ogayn waxa ay ahaayeen iyo sababta loo dilay.
Sida ay goob joogayaal noo xaqiijiyeen kooxihii dilka gaystay ayaa isaga baxsaday halkii ay dilka ka gasyteen
Maalmo kahor ayay ahayd markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Taliye ku xigeenka maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dilkan cawada Gaalkacya ka dhaca waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe insha ALAAH.
 

Dhacdo Naxdin Leh: “Sacdiyo Waan ka Quustay Guur Dambe….!!!

$
0
0

Magaca Sacdiyo Xasan da’deedu Waa 19 jir wax ay dhiganeysay dugsiga-sare fasalka 1aad, waxayna is-barteen wiil ay daris ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Farxaan Axmed, waxaana dhexmaray Sacdiyo iyo Farxaan xariir aad u wanaagsan xariirkaas oo ku dhisnaa Jaceyl, is-qaddarin, xushmad, wanaag iyo is-karaameyn.
Farxaan Iyo Sacdiyo markii ay wada socdeen muddo labo sano ah, ayaa waxaa la isku afgartay in la is guursado, sida dhaqanka iyo caadada u ah ummada Somaaliyeed, ayaa wiilkii Farxaan ahaa ciddiisii waxey soo doonteen gabadhii Sacdiyo aheyd wad- hadal dheer oo dhexmaray labadii reer kadib, waxaa la isku afgartay asbuuc kaddib in la isku guuriyo lammaanaha ummada inteeda kale iska doortay oo ayagoo isku qanacsan reerahooda u yimid.
Dhanka kale Sacdiyo iyo Farxaan mid waliba waxa uu dareemay farxad uusan garaneyn qaab uu u qiyaaso maaddaama ay u suurta gashay riyadii ay labada sano ku hamminayeen iney maalin uun gaaraan, balse, maxaa ka danbeeyay farxaddaas mise noqotay mid sii socota?
Markii la isku afgartay iney is-guursadaan Farxaan iyo Sacdiyo habeenkeedii ayaa waxaa soo yeertay hadal laga naxo kaas oo ahaa in Maxamed Xasan oo ahaa Sacdiyo walaalkeed ka weyn ay xabadi qalbiga kahaleeshay (wadnaha) isla goobtiina ku geeriyooday! Taasina waxey sababtay in farxaddii iyo dammaashaadkii ay Sacdiyo dhex dabbaalaneysay halkaasi ku burburto.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la gaaray maalintii lagu ballamay inuu dhaco meherkii Sacdiyo iyo qaaligeeda, Farxaan, waxaana loo dhigay xaflad si weyn loosoo abaabulay isla markii ay xafladdii dhamaatay ayaa haddana aqbaar kale oo aan asna dhagaha u rooneyn soo yeeray kaas oo ahaa in wiilkii farxaan ahaa hooyadiis ay xabad wiifto ah madaxa ka haleeshay isbitaalka intii loo wadayna ay naf baxday! Waa markale iyo musiibo hor leh farxad lagu daray murugo waa yaab iyo amakaag aan horay loo arag! Wiilkii Farxaan ahaa waxa uu aaday meydkii hooyadiis si uu aaskeeda uga qeyb qaato.
Intaa kaddib, dib baa la iskugu soo laabtay waxaana la isku raacay maalmo kadib inuu dhaco arooskii lammaanaha farxadda iyo murugada marwalba isla socda dariska u noqday, intii la sugaayay arooska ayaa waxaa qalliin dhanka caloosha ah galay oday Axmed oo ahaa Farxaan aabbihii. Farxaan ayaa aabbihii isbitaalka ku baxnaaninaayay intii laga gaarayay muddadii loo qabtay inuu dhaco arooskiisa, markii la gaaray muddadii arooska, Farxaan wuxuu soo aaday xaafaddii uu dagganaa si uu iskugu diyaariyo arooskiisa uuna usoo wato gacalisadiisa Sacdiyo, si wacan buu u dhacay arooskii wuxuuna ku dhamaday sidii loogu tala galay.
Farxad iyo dammaashad ayaana lagu galbiyay Farxaan iyo Sacdiyo; muddo gaaban markii la joogay oo dadkii arooska soo galbiyay ay kala yaraadeen, baa waxaa dhacday in wiilkii Farxaan ahaa uu ku yiraahdo gacalisadiiso, Sacdiyo, alaab ayaan laammiga ka doonayaa ee I sii sug adoo raalli ah, wakhti lagu qiyaasay 10 daqiiqo markey kasoo wareegtay maqnaashaha Farxaan ayaa Sacdiyo waxey maqashay cod qof dumar ah oo ku celcelinaaya “Alla wiilkii arooska ahaa waa dhintayey! Baabuur ayaa kala gooyay!”
Sacdiyo waxey iska dhaadhicisay waxaas waa dhagahaada iyo sheydaan ee sheydaanka iska naar wax dhici kara maahane, balse, waxaa gurigii soo galay gabar ordeysa oo leh “Alla Farxaan ma noola! Baabuur ayaa maray! away Sacdiyo?”
Ummaddii ayaa halmar dhanka laammiga u oradday laakin, waxba meysan arkin oo Farxaan isbitaalka ayaa loo qaaday saacado kaddibna halkaas ayuu ku ruux-baxay! Wiilkii arooska ahaa isagoon xataa hal habeen la seexan gabadhii Sacdiyo aheyd!
Sacdiyo umma aysan suurta galin iney booqato isbitaalka wiilka la dhigay amaandarrada ka jirtay magaalada darteed iyo isbitaalka oo ka fogaa, habeenkii oo dhanna meysan seexan oo waxey ku hadaaqeysay, “Haa waa beentiin Farxaan muusan dhimman aniga ayaa hadda gacanteyda doolshe ku siinaayay” iyo hadallo la mid ah oo murugo xambaarsan.
Subaxii markii la gaaray bey booqatay isbitaalkii ummaddii oo dhanna wey ka rumeysan weyday inuu geeriyooday lammaniheedii ay dunida ugu jecleyd si ay u quusatana waxaa la geeyay qolkii meydkiisa lagu dhaqaayay indhaheeda ayayna ku samirtay!

Maleeshiyo Beeleedyo kusii qul qulaayo Magaalada Baydhabo Iyo Xaalada Magaaladaasi oo aad u Kacsan

$
0
0

Xaalada Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Xaalada Magaalada ay aad u kacsantahay, Magaalada ayaa kusoo qul-qulaya Ciidamo qaab Qabiil u abaabulan oo gadoodsan.
Ciidamadan oo soo Faaruqiyay Furimihii ay ku sugnaayeen ayaa bilaabay markii ay soo gaareen Gudaha magaaladas falal Carqaladeyn ah iyagoo is hor taag ku sameeyay Lacagihii Cashuuraha ahaa ee laga qaadayay Goobaha Ganacsiga.
Ciidamadan gadoodsan ayaa lagu arkayaa Bartamaha magaalada kuwaasoo si Fowda ah u dhex mushaaxaya Magaalada isla markaana diidaya in la qaado wax Canshuur ah.
Xildhibaan kamid ah Barlamaankii ku meel gaarka ahaa oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka digay Dagaalo isku dhac ah oo dib uga bilowda magaalada Baydhabo isla markaana Magaaladu yeelato Khad Cagaaran.
Xubnhan ka hadlay Xaaladaha kacsanaan ee Magaalada Baydhabo ka jirta ayaa ka digay in Maamul Cusub oo la keeno halkaas uusan waxba soo kordhinayn laakiin ay haboon tahay in Maamulkii ka jiray Magaalada habkiisii hore loo dhaafo illaa Doorasho mar kale la gaaro.
Waxaa laga baqayaa in Dagaal kale dhexmaro Maamulka Cusub iyo Maamulkii hore ee Xilka laga qaaday oo isaguna weli ku sii adkaysanaya inuu yahay Maamulka xaqa ah ee halkaa ka jira.
Cabdulaahi Cabdi Xashi
Muqdisho-Somalia

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live