Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Khataraha Caafimaad Daro Ee Ka Soo Fool Leh Dadka Soo Galootiga Ah Iyo Dadwynaha Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyey

$
0
0

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa walaac weyn ka muujiyey khataro caafimaad daro oo ay sheegeen in ay ka food leedahay dadka soo galootiga ah ee muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey Magaalada Hargeysa.
 
Dadkan oo shalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay wax ka qabato dadkan oo ay tilmaameen in ay qabaan xanuuno kala duwan, iyaga oo ka digey in haddii aan waxba laga qaban in ay keeni karto in ay dadka Muwaadiniinta ah ay ku faafiyaan cudurada ay qabaan.
 
Axmed Maxamed Ibraahim oo oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Hargeysa oo ka hadlaya dhibaatada dadkaas ku hayaan Caafimada wuxuu yidhi “Maalinba Maalinta ka danbeysa waxa Magaalada Hargeysa ku soo kordhaya oo aad ku arkeysa dad qaba cuduro aan la aqoon, iyada oo dadkaas qaar yihiin Curiyaamin, qaar indho la yihiin, qaar gacmo la yihin, qaarna jidhkooda dhacaan ka dareeyo, xitaa waxa jira qaar qaba cudurada sida ugu dhakhsaha badan u faafa, marka waxaanu Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ka codsanay inay dadka raafto ama kartimayso, haddii kale waxa la arki doona in dadka reer Somaliland ah ee Muwaadinta ahi Cuduradani ku faafan”,
Khadar Cabdi Xuseen oo isna aanu wax ka weydiinay dadkan Cudurada qaba ee dalka ku soo kordhaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaynu nahay dal yar oo aan Beesha caalamka aqoonsi caalamiya ka haysan, isla markaana waxaanu nahay dad yar oo aad u kooban, waxa la doonaya in dadkeena meesha laga saaro oo dad kale oo ajanib ah lagu deegaamayo, sababta oo ah waxa jira Hay’addo iyagu dadka soo dejiya Caasimadda, iyaga oo leh waaanu dhoofinayna , dadkaasi runtii wax kale maaha ee waa dadka cudurada qaba ee Caasimadda ka dawarsada, haddii la taabto oo la yidhaahdo waa la raafaya waxa ay Hay’addhaasi odhanayaan “Maxaa la taabtay dadka magan galiyo doonka ah, marka waxaan Xukuumadda ka codsanaya in aanay cidna u joojin ee dadkeeda u naxdo, dadkaas dawarasanaya ee cudurada aan la aqoon hayo”.
Cabdifataax Cabdilaahi Siciid oo isna aanu dareenkiisa wax ka weydiinay ayaa yidhi “Anigu shakhsi ahaan wax aan aamisanaya in dadka dawarsanaya ee Caasimadda ku dhaqan inay inaga badan yihiin, sababtoo ah si xawliya ayey maalinba maalinta ka danbeysa ka sii kordhayaa, iyada oo xitaa caafimoodkooda aan la baadhin, waxaan jira xataa inay bulshada soo dhex galeen, iyada oo goobaha bulshadu iskugu timaado ka dawarsada, isku meel shaaha dadka caadiga ah kala caba, anigu imika kama xiirto Rayislaha sababtoo ah iyaga ayaa ka xiiranaya, qalabka laguugu xiirayana cid kaa nadiifinaysa ma jirto, marka intii aan bilaash u qaadi lahaa xanuun ama cudur waxaan doorbiday in aan Caf soo iibsado oo aan anigu isku xiiro”.
Sahra Yuusuf Cali ayaa iyadu tidhi mar ay ka hadlaysa arrintan “Dadka dawarsada intooda badani waa Oromo, Magaalada Hargeysa meel kasta wey kaga nool yihiin, waxaana hadda jirta in dadkaasi aad u soo kordhayaa, iyada oo cuduro iyo baalayo aan la garayn hayo, waana xanuunadii aanu ku arki jirnay Itoobiya, iyada oo xitaa xanuunada qaar lagu kala qaado tabashada, marka dadkeeni khatar ayuu ku jira, ee Xukuumadda waxaanu ka codsanaya inay dadkan naga raafto, haddii kale dihb iyo khatar caafimaad iyo amni daro ayaa dadkeena iyo dalkeena ku imanaya mustaqbalka dhaw”.
Cismaan Faraax Iid oo aanu isna arintan wax ka weydiinay ayaa yidhi “Daleenii junuud aan la aqoon ayaa qabsaday goob walba oo aad suuqa ka marto waxaad ku arkeysa dad qaba cuduro, gaar ahaan goobaha ugu mihiimsan dalka sida Xarumaha Dawladda ayaad ku arkeysa dad iyadu aad iska dhigaya inay waalan yihiin, waxaana qaba inay dadkaasi yihiin basaasin,marka waxaan Xukuumadda ka codanaya inay dadkan aan la aqoon inay inaga raafto”.

 
 HARGEYSA SOMALILAND


Bosaaso: Dibadbax ka Dhana Maamulka Puntland

$
0
0

Banaanbax ka dhacay magaalada Boosaaso oo looga soo horjeeda maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof kadib markii banaanbaxayayaasha oo ay wehliyeen dad hubaysan ay isku dhaceen ciidamada Amniga.

Masuuliyiinta Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Nin Qudha Ka Jaray Laba Caruur Ah Oo Uu Dhalay Iyo Hooyadood Oo Xaamilo Ahayd.

$
0
0

Maamulka cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa faah faahin ka bixiyey dhacdo fool xun oo  uu nin ku noolaa Hargeysa middi Qudha kaga jaray laba Caruur ah oo uu dhalay  iyo Hooyadood oo xaamilo ahayd isaguna dhaawac wayn isu geystay oo lagu dawaynayo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.
Ninkan oo lagu magacaabo  C/raxmnaan Maxamed Axmed, ayaa waxa ay maamulka dhakhtarku sheegeen inuu  habeen hore waabirigii dilay Caruurta uu dhalay iyo Xaaskiisa, iyada oo aan ilaa hadda la garanayn sababta keentay inuu ninkaasi reer kiisa kula koco falkan naxdinta leh, iyada oo sidoo kale ay Ciidsamada Booliskuna sheegeen in la baadhayo sidii uu falkaasi ku dhacay oo ay gacanta ku hayaan baadhistiisa.
Maamulaha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa Axmed Daahir oo warnaahinta kala duwan la hadlay ayaa sheegay inuu falkani yahay mid aad u fool xun oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka ka dhaca, isaga oo sheegay inuu ninkan falkan gaysatay ay ka war heleen in dhawr jeer la geeyey goobaha lagu daweeyo dadka dhimirka wax ka qaba.
Maamulaha Cisbitaalka Hargeysa oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waa dhacdo aad u fool xun oo ah tii ugu horraysay ee soo marta dalka, waxaana naloo keenay isaga iyo gabadhiisii oo uur lahayd iyo laba caruur ah oo uu dhalay oo midna yahay laba jitr midna yahay afar jir yahay, waxaana naloo sheegay inuu ninkani ahaa nin marar dhawr ah la geeyey cisbitaalada dhimirka ama dadka mixkaxda ka xanuunsanaya lagu daweeyo, marakaa isagana dhaawac halis aha ayaa ku yaalla oo middii uu ku dilay caruurta iyo xaaskiisa ayuu isku dhuftay oo meelo halis aha ayuu iskaga dhuftay”
 

Faaqidaadda: Qaadista Cunaqabateynta Hubka

$
0
0

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka ayaa waxa aan ku eegaynaa go'aankii Golaha Ammaanka ee QM uu Arbacadii kaga qaaday xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya, iyo aragtida kala duwan ee laga bixinayo go'aankaas.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Dhigay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Oo Wakhtigiisii Taaganyahay Iyo Waxyaabaha Uu Ku Sababeeyey.

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo, ayaa la sheegay inuu dib u dhigay shirweynihii Xisbiga, kaas oo aannuu madaxweynuhu sheegin wakhtiga la qaban doono, waxaanuu sidaasi ku sheegay warqad la sheegay inuu maanta u gudbiyey madaxda xisbigaasi oo u qodobka uu u kuskaday u dhignaa sidan :-
“Haddii duruufo adag oo Xisbiga ama Dalka la soo gudboonaada dartood, ay muuqato inaan shirweynihii caadiga ahaa ee xisbigu qabsoomi Karin xiligii u qorshaysnaa Golaha dhexe ee xisbiga ayaa shirkiisa caadiga ah ama caadiga ahayn ee ugu xiga taariikhda shirweynuhu qorshaysnaa ku qiimaynaya duruufaha lagaga gudbi karo, isla markaana go’aan ka qaadanay mudada shirweynaha lagu qaban karo”
 HARGEYSA SOMALILAND

Dadweynaha Reer Hargeysa Oo Si Weyn U Falanqeynaya Saamaynta Uu Yeelan Karo Cuna Qabataynta Hubka Ee Somalia Laga Qaaday

$
0
0

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa goobaha ay isugu yimaadaan iyo basaska si weyn uagag doodaya saamaynta uu dadka Somalida ah ku yeelan karo Hubka loo fasaxay Somalia, ka dib markii ay dhowaan qaramada midoobay ku dhawaaqeen in Somalia loo fasaxay Hubka inay la soo degaan.
Dadaweynaha reer Hargeysa gaar ahaan dadka inta badan ka faallooda waxyaabaha ku soo kordha siyaasadda ee isugu yimaadda Makhaayadaha Shaaha iyo goobaha kale ee ay ku kulmaan, ayaa waxa ka dhex taagan dodo adag oo ku saabsan saamaynta uu Hubka Somalia loo faxay ku yeelan karo dadka Somalida ah gaar ahaan Somaliland, waxaanay dadkaasi inta badan doodo isku dhaafsanayaan oo ay ku murmayaan inuu hubkaasi yahay mid khatar ku ah Somalida iyo inuu faa’iido keeni karo, taas oo ay ku kala aragti duwan yihiin.
Aragtiyaha kala duwan ee ay dadweynaha reer Hargeysa isku dhaafsanayaan meelaha ay isugu yimaadaan, ayaa waxa laga dareemayaan buuq iyo sawax ka dhalanaya doodaha ay ka yeelanayaan arrintaasi, iyaga oo ku kala aragti duwan arrintaasi, waxaanay dadkaasi si weyn u qaadaa dhigayaan in hubka loo faaxay Somalia uu gacanta u geli karo beelaha ama Kooxaha kala duwan ee ka jira Somalia, taas oo ay sheegayaan inuu keeni karo inay ka dhashaan dagaalo beeleed ama iska hor imaado uu sabab u noqon karo hibkaasi.
Qaar ka mid ah dadka ka faalooda Siyaasadajha ku soo kordha adduunka gaar ahaan Somalia iyo Somaliland, ayaa aamisan inay xaaladda ku soo korodha Somalia ay si fudud u saamayn karto Somaliland, waxaanay dadlkaasi hadda six eel dheer u falan qaynayaan arrinta Hubka loo faxay Somalia, iyada oo ay qaar ka mid ah aamiinsan yihiin dareenka noocan ah “Hubka loo faxay Somalia, waxa uu keeni karaa inuu gacanta u galo beelaha iyo kooxaha isku ahaya Somalia ee mabaadiida kala duwan aaminsan, waxaan dhici karta inay Beelaha Somalidu isku dhacaan marka ay hub helaan oo ay is laayaan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka ay doodaha dagi ku dhex marayaan Makhaayadaha shaaha laga cabo ee Hargeysa ku ytaalla.
Sidoo kale qaar kale oo ka mid ah dadka ka doodaya arrinta Saamaynta Hubka Somalia loo faxay, ayaa aaminsan aragti kale oo ka duwan taas hore aynu ku soo dheegnay, iyaga aaminsan aragti kale oo ah sidan “Waxa suura gal ah in hubka loo fasaxay Somalia uu keen karo inay Somaliland iyo Somalia isku dhacaan, ama ay Somalia hesho hub oo ay la soo degto hub culus oo sababi kara isku dhac Somaliland iyo Somalia, markaa waa khatar”
HARGEYSA SOMALILAND

Saraakiil Tababar Loogu Soo gaba gabeeyay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Inkabadan 100 Sarkaal oo ka tirsan Ciiidamada Xoogga dalka ayaa Maanta Tababar socday Muddo 15 Cisho ah waxaa Loogu soo Gaba Gabeeyay Xarunta Isbitaalkii  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Siminaarkaani ayaa Saraakiisha waxaa Casharro ku aadan qaabka Maamulka iyo dagaalka Ku barayay Khubarro Ku xeeldheer Tababarrada dhinaca Ciidamada kuwaasi oo ka socday Hey’adda Ban Craft oo ah Hey’ad Qaramada Midoobay U qaabilsan Dhinaca Tababarada la siinayo Ciidamada .

Gaba Gaba Gabadii Tababarkaasi Maanta Lasoo Afjaray ayaa waxaa Furay Taliyaha Gaaska Labaad ee Ciidanak Xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Cismaan Cageey kaasi oo Sharraxaad ka bixiyay qaabka uu Tababarkaasi u socday iyo waxyaabihii ay ka faa’ideysteen Saraakiishaasi.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sooamaliyeed Sareeye Gaas Cabdi qaadir Sheekh Cali Diini oo isna Munaasabaddaasi ka hadlay ayaa Saraakiisha Uu Taba Barka u soo gaba Gaboobay waxa uu kula dar daarmay in ay uga Faa’ideeyaan Saraakiisha Kale ee aan Nasiibka u yeelan in ay ka qayb Galaan Tababarkaasi.
Sikastaba Tababarkaani Maanta Loo soo Xiray Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa noqonaya tababarkii ugu ballaaraa oo la qabto tan iyo markii lagu dhawaaqay Xukuumadda Soomaaliya iyadoo tababarada ceynkaan oo kala ah  Xukuumadda Saacid ka hor lagu qaban jiray dalalka kale ee caalamka

Burcad soo daysay Markab

$
0
0

Burcadda Soomaalida ayaa sii daysay markab kadiib markii ay heleen lacag madaxfurasho.


Cawayska: Fanaanadda Faadumo Duur

$
0
0

Barnaamijka Cawayska Washington ee toddobaadkan waxaan idinku haynaa Amiirka dalka Qadar oo iibsaday Lix jasiiradoo oo ku yaalla waddanka Griigga si uu ugu nasto xilliyada kuleylaha. Waxaad kaloo kaga bogan kartaan nin darbiyo jiif ah oo lacag ku dhow 200 oo kun oo dollar ka dib markii uu dib u celiyay faraanti dheeman iyo dahab ah oo si khaldan loo siiyay. Iyo sidoo kale Fanaanadda caanka ah ee Faadumo Duur.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Sabab Uu Cali Samatar Ugu Dootay, Kuna Tilmaamay Nin Sumcad Aan La Qarin Karin Ku Leh Somalida

$
0
0

Raysal Wasaaraha Dalka Somalia Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sabaabta uu dalka maraynkan warqadda uu ku difaacaya dacwadda dalkaasi kaga socota Eddaysanaha  General Maxamed Cali Samarta oo ahaa Raysal Wasaarihii hore ee Somalia wakhtigii dawladdii Siyaad Barre ay dalka ka talinaysay, waxaanuu Raysal Wasaaraha Somalia sheegay inuu Cali Samatar yahay nin talka iyo dadka Somalida ahba ku dhex leh sumcad aan la xaqiri Karin.
Cabdi Farax shirdoon Saacid oo la hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa waxa uu sheegay inay dawladda Somalia tahay mid dadka leh is cafiya oo isku soo jiidaysa, isla markaana dadka wax u soo qabtay dalka sida uu sheegay aan dafiraynayn oo tix gelinaysa.
Wasaaraha Dalka Somalia Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Cali Samatar waxaan u arkaa nin Somali u soo shaqeeyey oo wax aad u badan u soo qabtay oo Somali ku leh sumcad aanaan dafiri Karin, Markaa Xukunkii Cali Samarat uu masuulka ka ahaa wixii gaf ah eek u yimid ma diidi karno waana masuul aan nala kala gayn Karin oo taariikhtiisa qaybteeda fiican aanaan diidi karin,  anaguna waxaanu nahay Dawlad dadka isu soo jiidaysa oo leh  ha la eego xaga hore ee yaan la eegi xagga tambe oo la is cafiyo,  marnabana uma taagnin qof somaliyeed oo sheegayan xuuq uu leeyahay oo si shakhsi ah loogu xad gudbay, maadaama ay dawladdu tahay mid dib u heshiisiin ah qof Somaliyeed oo dalkan wax u soo qabtay xuquuqdiisa lama qarin doono”
HARGEYSA SOMALILANd

Martida:Batuulo Sheekh Axmed Gaballe

$
0
0

Barnaamijka Martida waxaa todobaadkan Marti ku ah Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed

Uhuru Kenyatta oo noqday Madaxweynaha Afraad ee Kenya

$
0
0

Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad ee dalkan isagoo helay 6,173,433, halka Raila Odingana uu helay 5,340,546 oo cod.
Kenyatta ayaa sannadii 2002-dii ku guul darraystay inuu xilkaas qabto kadib markii u la tartamay madaxweynaha haatan xilka kasii dagaya ee Mwai Kipaki.
Waxaana xilligaas uu hogaaminayay xisbigii kaligiis ka talin jiray Kenya ee KANU.
Uhuru oo 51 jir ah ayaa waxaa markan uu helay in ka badan 50% codadkii la dhiibtay, taasoo uu si rasmi ah u shaaciyay Axmed Isaaq Xassan oo ah gudoomiyaha gudiga Doorashada Kenya.
Waxaa uu Uhuru kamid yahay dadka ugu dhaqaalaha badan dalka Kenya, iyadoo qoyska reer Kenyatta ay yihiin reerka ugu hantida badan dalkan, iyadoo lagu qiyaaso hantidooda in ku dhow 5 billion oo dollar.
Waxaana codadka ugu badan uu ka helay qabiilkiisa Kikuyada, Kalanjiinta iyo Soomaalida iyadoo deegaanada kalana uu inta badan ku guulaystay musharrixii la tartamayay ee Raila Odinga.
Uhuru iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa waxaa horyaalla inay soo celiyaan kalsoonida bulshada caalamku ay ku qabtay Kenya, maadaama labadoodaba ay ku socoto dacwad ay u jeedisay maxkamadada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.
Hadii ay maxkamadaas la shaqayn waayaan ayaa laga cabsi qabaa in Kenya la saaro cunaqabatayn dhaqaale, taasoo hoos u dhigi karta dhaqaalaha dalkan oo ku xiran maalagashiga reer galbeedka.
Gudoomiyaha gudiga doorashada Axmed Isaaq Xassan oo natiijadii mudada dheer la sugayay shaaciyay ayaa uga mahadceliyay Kenyaanka kalsoonidii ay siiyeen gudigiisa, isagoo sheegay inay qabteen doorashadii ugu horreysay ee si cadaalad ah uga dhacda Kenya, tan iyo markii ay xorriyada qaadatay.
Waxaana uu sheegay inay doorashadani wax wayn ka badashay soo celinta sumcadii ay Kenya ku dhex lahayd bulshada caalamka oo baaba’day markii doorashadii hore uu dhiig badani ku daatay.
Source-Hol

Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wefdi Ballaaran oo uu Horkacayo oo si diirran Loogu soo dhoweeyey Garoowe [SAWIRRO]

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Mas’uuliyiin ka socdey goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland , islamarkaana uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wefdiga Ra’iisul wasaaraha si diirran garoonka ugu soo dhoweeyey.
Wefdiga Mudane Saacid oo intaas kaddib loosoo gudbiyey dhinaca aqalka madaxtooyada ayaa halkaas qado sharaf kula qaatay madaxda ugu sareysa  Puntland oo uu kamid yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole).
Ra’iisul wasaaraha oo qadada kaddib si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa si weyn ugu mahad celiyey dadweynihii garoonka kusoo dhaweeyey iyo weliba madaxda maamulka Puntland.
Wuxuuna intaas raaciyey in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu Puntland ugala hadli lahaa arimo badan oo khuseeya danaha dalka, islamarkaana uu filayo in kulamada uu madaxda Puntland la qaadan doonaa ay noqonayaan kuwo is-afgarad kusoo idlaada.

“Waan ku kalsoonahay wadahadalada aan geli doonnaa inay noqon doonaan kuwo mira dhal ah oo dalka iyo dadkaba anfaca… waxan si gaar ah ugu hanbalyeynayaa dowrkii ballaarnaa ee ay reer Puntland kasoo qaateen dib u dhalashadii Soomaaliya..” Ra’iisul wasaare Saacid ayaa yiri.
Madaxweyne Faroole oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa isna sheegay in Puntland ay dadaal badan ku bixisya sidii loosoo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed oo aan kumeel gaar ahayn.
Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay in Puntland iyo dhinacyada kale ee Soomaalidaba uu xil ka saaran yahay in ay dhowraan qarannimada ayna ka shaqeeyaan maslaxadda guud ee dalka.
“Ku faani mayno abaalkaas aan galnay, anagaa  isu galnay Soomaaliyana waan u galnay waana nagu waajib, waajibkaasina waa nawada saaran yahay, waxan maanta halkan isugu imaaneynaa waa maslaxadda Soomaaliya, soomaalida oo dhamina way ina eeganeysaa iyo beesha caalamku,” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.
Waa markii ugu horeysey tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu booqasho kusoo gaaro Puntland. Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisu inta ay Puntland ku sugan yihiin waxay kulammo la qaadan doonaan madaxda Puntland.

 

 

Madaxweyne Silaanyo Oo U Kicitimay Dalka Turkiga Saxaafadana La Hadlay Oo Sheegay Inay Somaliland Haysato Hub Iyo Ciidamo Ku Filan

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in aan hore Somaliland xoriyadeeda bilaash lagu siin ee ay Xoog kula soo noqotay , imikana ay leedahay shacab iyo ciidan ku filan oo xoriyadooda ilaashadda.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu duhurkii ku qabtay Madaarka Hargeysa ka hor intii aanu u kicitimin socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Turkiga oo uu marti-qaad ka helay Raysal wasaaraha wadankaasi.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Aniga iyo weftiga illa socdaa waxaan u baxaynaa safar aanu ku tegayno dalka Turkiga, halkaasi oo aanu marti qaad rasmi ah ka helnay raysal wasaaraha dalka Turkiga
Wefti wasiirro ah oo dalka Turkiga joogaana way naga sii horeeyaan, dalka Turkigu waa dal wayn oo aynu taariikh badan wadaagno, waa dal wax badan ay inagaga xidhmi karaan, waxaanan doonaynaa in aynu xidhiidh fiican dhinacyo badan leh la yeelano, sidaas darteed marti qaadkaa aanu ka helnay ayaan ku tegaynaa, Waxaanan illaahay ka baryaynaa in uu nagu soo guuleeyo oo danaha aanu ka leenahay ee labada dal ka dhexeeya si wanaagsan isula meel dhigno.”
“Safarkani waxa uu ka mid yahay dhaq-dhaqaaqa badan ee ay dawladu samaynayso ee ay dunida kula xidhiidhayso si aynu qadiyadeena iyo daneheena kale uga dhaadhicino dunida inteeda kale,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko cuno-qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaliya waxa uu yidhi “Dawlada Soomaaliya waxay ahayd dawlad dunidu ictiraafsan tahay, wax cusub ma aha in dawladda Soomaaliya ee hada la icitiraafo.
cuna qabataynta hubka ee laga qaadayna waa mid aanu aad iyo aad uga xunahay dhibaatada ay noo keenayso, laakiin annagu ma hayno meel ay dawladda Soomaaliya ku tidhi xoog ayaanu ku dhacsanaynaa, xoog ayaanu ku midaynaynaa iyo dagaal ayaanu ku qaadaynaa, sida kale ayay u tidhaahdaa hawlaha wada hadal ayaanu ku dhamaysanaynaa .”
“Anaguna wada hadal dan kama lihin awalba waanu wada hadlaynay, hore ayaanu isugu nimid meel ay dunidu joogto, wadahadal wax kama qabno ee wadahadal loo siman yahay oo ay Somalilland gooni isu taageeda iyo qaranimadeeda ku muujinayso oo ay u cadaynayso cid kastaba.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay ciidan difaaca oo ku filan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Daafacaad haddii ayn noqotana Somaliland way leedahay ciidan ku filan iyo dad ku filan oo xoriyadooda ilaashadda, markii horena Somaliland xoriyadeeda bilaash laguma siine’ xoog ayay kula soo noqotay.”
Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku weheliya Marwadda koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Dib u dejinta Md. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, halka ay dalka Turkigana ku sii sugan yihiin Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Saraakiil kale oo ka socday xukuumadda iyo Xildhibaanada Golaha Wakiiladda.
Source-cadceed

Daawo: Dadka Deegaanka Xali-xaydh Oo La Soo Gaadhsiiyay Deeq Lacaga Oo Lagu Caawinaayo Horumarka Jidka Turki Ee Ku Xidhaaya Deg. Luhaya


Ethiopia oo ay kasoo yeertay war aysan jecleysaneynin dowlada Soomaaliya.

$
0
0


Heyla Maryam Diselenj oo ah raisal wasaraha wadanka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamadiisa kaga sugan dalka Soomaaliya ay xiligaan ay bilaaben in ay isaga soo baxaan.
Waxa uu hadalkisa intaa ku daray in saldhigyadii ay maamulayen lagu wareejinaayo ciidamada AMISOM.
Raisal wasaraha ayaa sheegay in awoodi Al-shabab ee xiligaan wiiqan tay ayna bilaaben in ay buurha galbeda Soomaaliya isku uruursadaan.
Dowlada Ethiopia ayaa laba jer waxa ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagalaman Xarakada Al-shabaab

Meteriga Soomaaliya oo kubiiray kooxaha ka cabanaya Sicir bararka Muqdisho

$
0
0

Cabdi Weli Cali Diiriye oo ah askari katirsan Meleteriga Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay dhibaatada xilligaan ay ku qabaan sarifka lacagaha qalaad qaar ahaan Doolarka Mareykanka iyo Shilin Soomaaliga.
Waxa uu yiri Cabdi Weli Cali Diiriye, “ Laba boqol oo doolar ayaan qaadanaa mana nagu filna maadaama labada boqol aysan goyn wixii boqol doolar noo goyn jiraty. Qiima dhaca doolarku waa nasaameeyay. Waxan codsaneynaa in qarashka naloo badiyo ama wax laga qabto qiima dhaca doolarka. Kiradii guryaha ayaan iska dhiibi la’nahay. Deyn ayaa farqaha nala heestaa”.
Waxa uu intaa raaciyay in ciidanka aysan u sahlaneyn in ay mudaaharaadaan ayna horay  ugu dhib qabeen in lacagtu mararka qaar ay ka daahdo hasa yeeshee ay isaga dul qaadan jireen.
Cabashada meleteriga Soomaaliyeed ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan gaar ahaan qolyaha ku nool Muqdisho ay cila dhaan tii ugu darneyd ka muujinayaan qiima dhaca doolaraka iyo maciishada oo qiimaheedii uusan waxba iska bedelin.
 
Qiimaha halka doolar ayaa Muqdisho xilligaan waxa uu ka marayaa 14,000 oo shilin Soomaali ah iyada oo ay jaha wareer kii ugu darnaa uu lasoo dersay qoysaska dabaqada hoose oo qaar badan oo kamid ah uu dabkoodii demay qaar kalana ay qarka u saaranyihiin in uu ka demo.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo Hambalyo udiray madaxweynaha cusub ee KENYA

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Kenya ay dooratay, wuxuuna ugu baaqay xasilnaan iyo deganaasho in loo mujiyo Natiijadda doorshadda.
Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, wuxuuna ugu baaqay in la muujiyo xasilnaan iyo deganaasho.
Madaxweynaha oo hadalkaas ka sheegay xaruntiisa Muqdisho ee Villa Soomaaliya wuxuu yiri “ Iyada oo dad aad u farabadan oo lagu qiyaasay 85%oo shacabka reer Kenya ah ay fursad u heleen in ay doortaan masuulkiii hogaamin lahaa waxaan u hambalyeeynayaa shacabka reer Kenya sida ay waajibaadkooda wadaninimo u guteen oo ay u codeeyeen, doorashada, waxaana xusid mudan sida nabadgelyada ay ku dheehan tahay oo ay doorashadu u dhacday”
“Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya ayaa u hambalyeeynayaan Mudane Uhuru Kenyatta oo loo doortay Madaweynaha cusub ee Kenya, waxaana diyaar u nahay in aan si wadno xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya labadeena dal”
Madaxweynaha oo hambalyadiisa diiran sii wada ayaa waxa uu raaciyey
“Waxaan aaminsanahay in dhammaan shacabka Kenya ay si nabad ku jirto ay uga jawaabi doonaan natiijada doorashada, Hadii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo maraa wadada sharciga, si mar kale ay u dhicin khaladaadkii horay u dhacay”
“Amniga iyo xasilnaashaha Bariga Afrika waxaa ka taagan walaac, anaga oo dhanna waa inaan si nabad ah uga wada shaqeynaa. Dhamaan walaalaheena reer Kenya, iyo madaxdooda waxaan ugu baaqeynaa inay xushmeeyaan qiimaha nafta bini’aadanka iyo hantidooda

RW Saacid oo la Kulmay Baarlamaanka Puntland

$
0
0

Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta la kulmay xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada ee Puntland, isaga oo meelo dhowr ahna booqday

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Beenisay War Ay Warbaahinta Qaar Ka Qoreen

$
0
0

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa ka jawaabtay warar ay warbaahinta dalka ka soo baxa qaarkood ka qoreen, kuwaas oo lagu dhaliilay hawlaha shaqo ee Wasaaraddaasi, waxaana aarintaasi ay wasaaraddu ku sheegtay inay yihiin qaar aan sal iyo raad toona lahayn oo xaqiiqada ka fog.
Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland, ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raadtoona lahayn war uu ku qoray wargayska Ogaal cadadyadiisii soo kala baxay shantii bishan  aynu ku jirno tobankeedii oo ku beegan shalay oo Axad ah, kuwaas oo uu sheegay inay ka beenabuureen hawlaha shaqo ee wasaaradda warfaafinta.
Sidasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda oo u dhignaa sidan:-“Wargayska Ogaal oo ka mid ah wargaysyada soo jireenka ah isla markaana aan looga baran khaladaadka saxaafadeed ayaa mudooyinkan dambe la soo baxay gefaf saxaafadeed oo ay ka mid tahay daabacaadda warar aan dheelli tirnayn oo baal marsan sugitaanka iyo xaqiijinta war tebinta looga baahan yahay.Wargayska ayaa cadadkiisii shanta bishan March ku sheegay in ay mawjadda hirarka gaaban ee idaacadda Radio Hargaysa aamustay muddo saacado ah. Iyaga oo aan wax xog ah ka raadin, xidhiidhna la samayn mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda taas oo meel ka dhac ku ah xeerka saxaafada.Sidoo kale cadadka maanta ee Wargayska Ogaal ayaa lagu qoray warar aan loo miidaan deyin oo tilmaamaya in shaqaale aan shaqo cayiman lahayn oo wasaaradda ka hawlgala iyo mid kale  kale oo uu ku sheegay inay wasaaradda ka hawl-galaan shaqaale hubaysanAfhayeenka u hadlay wasaaradda warfaafintu waxa uu sheegay in ay tahay arrin lala yaabo labada warbixinood ee wargaysku daabacay oo ah warbixino ka fog xaqiiqada taala wasaaradda Warfaafinta, iyadoo haba yaraatee wargaysku aanu waraysan cid ka tirsan mas’uuliyiinta wasaaradda.Waxaanu dadweynaha  kula talinaynaa inay ka fogaadaan wararka uu wargayskaasi baahinayo ee xaqiiqada ka fog, isla markaana wasaaradda warfaafintu waxay ka dalbanaysaa hay’adaha ammaanka ee dalka inay dabagal ku sameeyaan isbedelka ku yimid wargayskan oo aanu filayno inay gacan kale ku jirto.”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live