Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Carlos Tevez: Waxaan Diyaar U Ahaa Inaan Ciyaaraha Ka Fariisto Ka Hor Inta Aan Ku Biirin Juventus.

$
0
0

Weeraryahanka kooxda Juventus Carlos Tevez ayaa qirtay inuu ku fekeray inuu ciyaaraha ka fariisto xagaagan.
29 jirkaan ayaa kooxda heysata horyaalka Serie A kaga soo biiray Manchester City bishii June, laakiin waxa uu sheegay in isku dhicii isaga iyo tababarihii hore ee City Roberto Mancini inay ku dhaweysay inuu ciyaaraha ka fariisto.
“Waxaan mar walba dhahayay waxaan doonayaa inaan ciyaaraha ka fariisto marka aan jiro da’da 28 sanno, waxaana taas ku dhawaaday ka dib markii aan isku dhacnay Roberto Mancini.” ayuu Tevez u sheegay ESPN.
“Aad ayaan u daalay xaqiiqdii. Waxaan ku soo guuleystay Champions League iyo Premier League oo aan la qaaday Manchester United iyo FA Cup oo aan Manchester City la qaaday.
“Waxaan ku guuleystay wax walba oo aan awooday, waxaana i soo martay waqti aan ku fekeray inaan ciyaaraha ka farsiito. Ka dib waxaa timid Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub, iyaga ayaana bedelay fekerkeyga.”
Tevez ayaa sidoo kale ka hadlay in mustaqbalkiisa ciyaareed ee xulka Argentina inuu soo dhamaaday, madaama uusan Argentina u ciyaarin tan iyo 2011.
 “Mustaqbalkeyga ciyaareed ee Albiceleste waa soo dhamaaday.” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Hore ayaan idin kugu sheegay, wax kale oo aan ku darro ma jiraan. Waa wax soo dhamaaday, waana wax la soo dhaafay.”

Buraannews.com-Muqdisho


Iker Casillas: Haddii Aan Arko Jose Mourinho Caawa, Waan Salaami Doonaa Dhibaato La’aan.

$
0
0

Iker Casillas ayaa shaaca ka qaaday inuu noqon doono mid ixtiraam muujiya hadii caawa ay iska horyimaadaan Jose Mourinho.
Real Madrid ayaa wajaheysa Chelsea finalka koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup ee ka socda Mareykanka, kaasoo caawa 5ta habeenimo Saacada Geeska Afrika ka dhici doona Miami dalka Mareykanka.
Waxaana goolhayaha uu sheegtay inuusan ixtiraamdarro u muujin doonin macalinkiisii hore.
“Haddii aan la kulmo, waxaan noqon doonaa mid ixtiraamo muujiya” ayuu Casillas u sheegay ESPN. “Laakiin waxaan kaliya u baahanahay inaan ka fekero waxa soo socda, islamarkaana iska ilaawo wixii la soo dhaafay.
“Ma jiraan wax dhibaato ah oo aan qabo.
“Waan faraxsanahay, waana sugi la’ahay inuu bilowdo xilli ciyaareedka cusub.
“Waxaa jiray waxyaabo fiican oo dhacay waayihii Mourinho, waana in la xusuusto.”
Casillas ayaa waxa ay isku dhaceen Mourinho xilli ciyaareedkii hore taasoo u diiday inuu line-upka kooxda ku soo laabto qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore oo uu kursiga keydka ku dhameystay.
 
 
Buraannews.com-Muqdisho

Cadaadis la saarayo bangiga Barclays

$
0
0

Codsi ay saxiixeen in ka badan 25 kun oo qof ayaa maanta loo gudbiyay xafiiska Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron, taasi oo loo codsanayo inuu bedbaadiyo shirkadaha xawaaladaha Barclays ka xiray akoonada.

Dhageyso: Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay inay maalinta berito ciid tahay.

$
0
0


Madaxweyna dowladda Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa gor dhow si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta berito ay tahay maalin ciid ah .
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay  hadal kooban oo uu  idacaadaha ku siiyay qadka taleefonka isagoo ku sugan madxtooyada
Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in bisha Soonfur laga arkay meelo kamid ah gobolada Nugaal. Mudug iyo Bari. Waxaana uu sheegay xaqiijinteeda inay iska kaashadeen madaxtooyada, wasaaradda cadaalada iyo culuma áwdiinka Puntland.
Dadka reer Puntland ayuu ugu hambalyeeyay munaasabada ciida meel walba oo ay joogaan.
halkaan ka dhageyso codka madaxweyynaha .
faroole ciid sax ah
Buraannews.com- Garowe.

R.Wasaaraha Soomaliya oo hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

$
0
0


Kulu Caam Wa-antum Bikhayr

Muqdisho,  07, Augst, 2013.. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi  Faarax Shirdoon (Saacid)  ayaa halkaan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan halkaan Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban. Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad soonteen bisha barakaysan ee  Ramadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo dhanka kalana sheegay in. Ciidul fidiriga iyo Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,
“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka”
“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habayn iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag,  Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee loo adegsanayo dhibaataynta shacabka iyo bur-burinta dalka inay ka waantoobaan falalka argagixiso ayna ku soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed ee nabada jecel”
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha  ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo muuqato rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada  bulshada, iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku garab istaagaan dowladooda si wadanka loo gaarsiiyo horumar.
Buraannews.com- Muqdisho

Eid Mubarak… Its a Wonderful Day

Daawo Sawirada madaxda Dowlada Somalia iyo salaada Iida Al-fitri

$
0
0


 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Buraannews.com-Muqdisho

Degmada Buraan oo maanta siwanaagsan looga ciidey(Daawo Sawirada)

$
0
0

Buraan;-Degmada Buraan ee G/Sanaag ayaa siwayn looga Ciidey Maanta iyadoo Ciida Maanta ay ahayd Mid ay simadaysan isugu Raceen Guud ahaan qaybaha kala duwan ee Culumaa,udiinka Degmadaasi Waxaana Lugu tukadey Saladii Ciida Maanta  Garoonka kubada cagta ee Degmada Buraan halkaasi oo ay isgu soo boxeen Dadwayne farabadan oo Haween iyo Ragba ah iyadoo ay goobaha gudaha Magaalada siwayn uga muuqanayeen Caruurta yaryar oo ku Ciyaaraya Waxyaabaha faraxada geliya xiliyada ciida ee Maanto kale ah ,idil ahaan waxaa dadku isku salamayeen Sanadka sanadkiisa cafimaad ku gaar Ciid Mubaarak Ciidmubaarak(Kulucaam Wa,antumbikhayr)
Magaalada Buraan ayaa Habeenkii xalay ilamaa 2dii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa kus oo qulqulayey Dadwayne Farabadan oo ah Ganacsato iyo weliba kuwo kale oo ka kala socdey Gobolada Bari iyo Galbeed kuwaasi oo farxada iyo ciida la wadaagayey dadka ehelkooda ah,Waxaana maanta khudbado ka soo kala jeediyey Madashii Salaada ciida Culumada qaybeheeda kala duwan sida shiikh Axmed Cali Madoobe iyo Shiikh Cali Faarax oo ah Waddaado siwayn ugu dheraya Dhanac wacdinta Umada kuna caanbaxay Farida wanaaga Umada Aduun iyo aakhiroba.
Munaasibadii waxay culumadu ugu duceyeen Walaahooda islaamka ah ee daafaha dunida jooga iyo Dhamaan Muslimiinta maanta ciidaya meelkastoo ay ka Jogaan Caalamka iyadoo ay ka hadleen Wanaaga Bishii Barakaysnayd Allah Subaxaane watacalaa uu inoogu soo dhamayey,Waxayna u ducayeen dadka walaalohooda meelwalbo ay jogaan in ilaahay u Naxariisto Aduun iyo Aakhiroba.
Mahamed Ahmed Isse/Buraan

 


Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Saylici oo Saaka Salaadii Ciida Kulatukaday Reer Hargeysa Masjid jaamaca Hambalyona u Diray Dhamaan Muslimiinta Gaar ahaan Ciidanka Iyo Shacabka

$
0
0

Idhanka Hargeysa
xigasho hadhwanaag

Waxyaabaha Runta ah aad ogaanayso marka ugu horeya aad riyooto.

$
0
0

Ma ogtahay qofka bini aadamka inuu hilmaamayo waxa uu ku riyooday 90%.
Kadib 5-daqiiqo hurdada markaad kasoo toosto waxa aad iloweysa qeyb riyaadsi kamid ah.
Kadib 10-daqiiqana waxaad hilmamaysa 90% riyadada.
Riyada waxa soo hara waa waxaan ognahay kaliya.

Buraannews.com-Muqdisho

Ciidda oo si Weyn looga Xusay Somalia

$
0
0

Dadweynaha Soomaalida ayaa sida dunida muslinka inteeda kale u dareeray salaadda Ciidda, waxaana munaasabadda ciidda laga xusay dhammaanba dhulka ay Soomaalidu degto.

Muqdisho oo si Weyn looga Ciiday iyo Madaxweynaha Somalia oo ka Jeediyay Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Munaasibada Ciidal Fidriga Masjidka Wayn ee Isbahaysiga+Daawo SAWIRRO

$
0
0

Mogadishu (Idhanka) — Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu jeediyay hadal dhinacyo badan taabanaya, shacabkana ugu baaqay inay is-cafiyaan kana shaqeeyaan nabadda dalka.
Madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa masaajidka isbahaysiga islaamka lala qaybgalay salaaddii ciidda shacab fara badan oo isaga qaybaha kala duwan ee [...]

Ra’iisul Wasaaraha oo caawa kulan Amniga looga hadlayo la yeeshay Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo

$
0
0

(War-saxaafadeed)
Muqdisho July 27, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa kulan ballaaran oo afur ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, taliye xigeenada, guddoomiye-yaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan
Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey.
Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in looga fadhiyo isbedel deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka.
Kulanka ayaa sidoo kale, diirada lagu saaray qaabka dariseynta iyo iskaashiga dhanka amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi loogu bandhigay qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu, kaasoo qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga iyo xasilinta dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle uga baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba socda, kulamo horay uu ula qaatay Ra’iisul Wasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumada ee xasilinta iyo dalka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Barnaamijyo Gaar ah iyo Farxadda Ciidda

$
0
0

Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa dhegaystayaasha ugu talagashay munaasabadda ciidda awgeed laba barnaamij oo xiisa badan oo ay marti ku yihiin Fannaaniin badan.

Tufaaxii badalay nolosha wiil dhalin yar ah.

$
0
0

Wiil aad u wanaagsan ayaa waxa uu ka sheekenaya baahi qabatay waxa uu soo maray beer ay ka baxayso tufaax,baahidi haysay darted ayuu u cunay tufaaxii,kadib waxa uu kusoo laabtay gurigiisa,balse nafsadisa ayaa bilowday in ay eedeyn u jedinayso oo ku aadan inuusan ka amar qaadanin ninki iska lahaa beerta tufaaxda ah.
Waxa uu wiilki u yimid ninki berta lahaa galinki dambe waxa uu u sheegay in baahi xogan oo qabatay uu ku qasbanaday inuu amar la aan cuno tufaaxisa waxana ninkii uu ka dalbaday in la cafiyo.
Balse milkilihi beerta ayaa diiday dalabka wiilka oo ku aadana cafiska,waxana uu magaca eebe uu ku maray inusan cafinayn waxana uu u sheegay in maalinta qiyaamaha u qabsan doono.
Wiilka ninkii ayuu bar yay,xaaladu waxa ay noqotay baryo iyo ninkii oo dhagaha is tiraya,ninkii waxa uu galay gurigiisa,wiilka aya ku haray afafka hore guriga milkiilaha tufaaxa waxa uu sugayay inta uu ninkasi kasoo boganayo salaada casir uu xiligasi tukunayay.
Markii uu soo baxay ayaa milkilihi aad u yabay weli wilki oo guriga taagan dhahayana,”Adeer waxan donaya inaan ku shaqeeyo lacag la’aan weliba ee iska kee cafi”.
Milkiilihi ayaa yiri:”waan ku saamaxaya laakin shardi inaad gursataaa gabadheyda oo indhool ah,dhagoola ah,aana hadli Karin iyo sido kale inay jiis tahay aysan socon Karin haadi ad ogolaato wan ku saamaxayaa”.
Wiilki ayaa aqbalay soo joodinta milkilaha tufaaxa waxana loo sheegay inuu sugo waqtiga gurka.
Wilkii ayaa malinti kale yimid waxa loo sheegay inuu galo qol ay ku jirtay gabadha,qolkiba waxa ku jirta gabar aad u qurxon oo ka qurxoon weliba dayaxa,way soo dhaqaqday wa ayna salantay iyadoo fahansan waxa maankisa ka guxaya.
Waxa ay tiri:”aniga indhoola ayaan ahay waxana ka ahey waxyabaha xaraamka ah,mana hadli karo wayo kuma hadlo waxyaabo xaraam ah,waxna ma arko mana arko waxyabaha xaraamka ah mana socon karo lugahyega uma qado talaabo mel xaram ah.”.
Waxa ay u sheegtay sida aabaheda u baadi goobayay wiil ilaah ka baqaya oo ay nafsadisa xitaa cabsi gashay markii wuxusan lahayn cunay.
Sanad kadib guurkooda waxa ay u dhashay wiil,,hadaba ma taqaan wilkaasi magaciisa.?
Waa Al-imam Abu Xaniifa
Buraannews.com-Muqdisho


Diyaarad Hub Sidday oo Muqdisho ku Burburtay

$
0
0

Saraakiil ka tirsan nabadsugida Somalia ayaa sheegay in diyaarad sidday Hub oo ay leedahay Ethiopia ay ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ku dhintay 4 qof.

Muha Daahir Faarax Jire Oo Ka Warantay Dareenkeeda Ku Aadan Sida Ay Arako Xilka Safiir-Nimo Ee Loo Magacaabay

$
0
0

 
 
Dr Muha Daahir Faarax Jire Oo xalay Wargeyska Haatuf khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay iyada oo Ku Sugan Magaaladda Accra ee Caasimadda Dalka Ghana ayaa ka warantey sida ay u aragto xilkaas loo magaacabay, taas oo soo dhawaysay, sheegteyna inay u hagar bixi doonto wax u qabashada dadka tabaalaysan.
Munaasabada loo qabtey Suxufiyadaas ayaa waxa ka soo qayb galley madaxda hay’adda u qaabilsan dalka Ghana arrimaha bini’aadminimada gudaha iyo dibadda ee CAT loo yaqaano, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka dibadda u fadhiya magaalada Accra iyo masuuliyiin kale ayaa warsaxafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ghana soo saartay waxay ku tilmaantay Drs Muha Daahir Faarax Jire Xidig geeska Afrika u dhalatay, kana soo dhex iftay arrimaha warbaahinta iyo gudbinta wararka ee qaaradda Afrika.
Sidoo kale Afhayeen u hadlaysay waaxda gargaarka bini’aadminimada dalka Ghana ee CAT ayaa sheegtay in xilkani ay dawladda Ghana usoo bandhigtay xidigtani yar ee qaaradda Afrika ka soo dhex baxday, iyadoo muujisay karti, iyo hawlkarnimo isla markaana markii shanaad hadda ku soo noqotay dalk
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Wadanka Ghana  Miss Hanna Tetteh oo ka wakiil ah Madaxweynaha dalkaas Mr. John Mahamma ayaa Shalay u magacawday safiirka dalka Ghana ee arrimaha bini’aadminimada Drs Muha Daahir Faarax Jire oo ah Suxufiyad reer Somaliland ah
 
Hargeysa Somaliland

Socdaalkii Madaxweynaha Killilka shanaad ee Itoobiya ee uu ula Baxay Ilays oo Galay Maalintiisii 3aad iyo Deegaamada uu maray iyo kuwa uu ku sii Jeedo

$
0
0

 
Madaxweynah DDSI iyo waftigii wehelinayay ayaa Socdaalkoodii Ilays iyo Iftiin ee Ugu horayn xadhiga kaga jareen Mashruuca Quwada Korontada 24ka Saac ee magaalada Fiiq u sii ambaqaaday Degmooyin badan oo ay ka mid ahaayeen Xamaro,Dhuxun iyo barmiil halkaasoo ay Guud ahaanba Qaybaha Shacabku ay si diiran ugu soo dhawaynayeen Caleemo qoyana ay kaga hor imanayeen masaafo ka baxsan ilaa 5km waftiga.
madaxweynaha DDSI ayaa u kuurgalayay baahida Nololeed ee ka jirta Deegaanadaas uu booqday isagoo ugu horayn waydiinayay ka sakow daraasaadka ay ku samaynayeen Meelaha Baahiyuhu ka jiraan Qaybaha Shacabka waydiinayay meelaha muhiimka ah ee ay shacabku baahida u qabaan Sida Biyaha,caafimaadka,Waxbarashada,wadooyinka iyo Buundooyinka oo Dhibaato ka jirtay Deegaanada oo ay xukuumada DDSI sanadkii tegay ka higalisay Dhismayaasha Buundooyinka Geel-doox,Salaxaad,Mayu iyo lagahida kuwaasoo waxwayn ka tari doona isugooshida Shacabka la cadilnaan jiray wareega dheer ee ay magaalada Fiiq oo xarun u ah Gobolka Nogob u soo mari jireen,iyadoona madaxweynuhu u balanqaadyo u sameeyay Shacabka ku saabsan baahidooda in ay Xukuumadu wax ka qaban doonto kuna darsanayso Qorshayaasheeda.
Waftiga madaxweynaha ayaa laga yaabaa in uu Socdaalkiisa ku xiga ku tagi doono Degmada Raaso ee Gobolka Afdheer iyo qaybo kale oo ka mida Deegaanadaas Sida meelaha wabig, Sidaasna waxa lagu baahiyey shabakadda dawlad deegaanka somaliada itoobiya ee Cakaaranews oo ku hadasha afka Killilka shanaad ee itoobiya.
 
HARGEYSA   SOMALILAND

Daawo: Diyaaradii Itoobiya lahayd ee maanta ku burburtay Garoonka magaalada Muqdisho sidii ay wax u dheceen.

Diyaarad hub sidday oo ku gubatay Muqdisho (Sawirro)

$
0
0

Waxaa Saakay gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho ku bas beeay Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo sida la sheegay  ka baxday wadadii loogu tala galay in Diyaaraduhu ku socdaan.
Diyaaraddaas oo la sheegay in ay waday Hub  ayaa Saraakiil ka howlgasha Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde waxa ay sheegeen in bur burka diyaaraddu ay ka dambesay kadib markiii Duuliyihii Diyaaradauu si qaldan u soo dajiyay diyaaradda taasoo sababtay indiyaaraddu ka baxdo waddadii loogu tala galay.
Shilkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa afar qof oo ka mid ahaa Shaqaalihii diyaaradda halka uu dhaawcyo halis ah soo gaaray labo kale waxaana la sheegay in diyaaraddu aysan wadin wax rakaab ah kalinaya ay saarnaayeen lixdaas qof iyo saanad milateri.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka C/Shakuur Cali Mire oo warbaahinta  kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in maanta la hakiyay howlihii garoonka oo aysan jirin wax diyaarad ah oo ka duulaya kana soo degaya garoonka inta laga nadiifinayo waxyeelada uu sababay shilkaasi diyaaradeed.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live