Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax Lala Eegtay Kolonyada M: Somalia

$
0
0

Qarax Miino ayaa lala eegtay maanta Kolonyo uu la socday madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.


Dab Qasaare Lixaaadleh Geystay Oo Illaa Iminka Ka Soconaya Goob Shidaalka Lagu Keydiyo Oo Kutaal Xaafada Seybiyaano Ee Dagmada Hodan

$
0
0

Dab aad u xoogan oo daqiiqado kahor ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku yaalla meel u dhaw agagaarka daarta Seey biyaano, ee degmada Hodan, kaasi oo ku sii faafaya meelo kale oo ka baxsan goobta uu dabka ka kacay.
Goob jooge kusugan goobta uu dabka kacay oo la soo xiriiray Wariyaha Idhanka.com ee Muqdishu [...]

Warbaahinta Reer Galbeedka Oo Marnaba Diiday Inay Kajeesato Baratakool Xumona Ku Tilmaantay Baadariga Ugu Sareeya Kiristaanka Oo Amiirad Muslim Ah Madaxa Hoos Ugeeyay U Foorariyay

$
0
0

Addis Ababa-(Idhanka)-Wargeyska Daily Mail ee dalka Britain ka soo baxda, ayaa si wayn u dhaliilay madax foorarin uu Baadariga ugu sareeya diinta Kiristanka Pope Francis u sameeyay, gabadha ama xaaska boqorka dalka Urdun, Amiira Rania, taas oo markii uu salaamayay baadarigu madaxa hoos u dhigay.
 

 

Jariirada ayaa soo qaadatay meel ka dhac uu baadarigu ku sameeyay [...]

Haayada IAS EE Taakulaynta Naafada Ayaa Siminaar 3 Maalmood Soconaya Ku Qabtay Magaalada Borama Iyo Masuuliyiinta Waxbarasho Ee Heer Gobol Oo Kasoo Qaybgalay Kulan Waxbarasho Oo Kaa Barbarsocdayna Kaqayb Ahaa+ Daawo Sawiro

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Hay’ada Taakulaynta Naafada ee marka la so gaabiyo loo magaceeda looyaqaan IAS ayaa ku qabtay siminaar magalada Borama, tasi oo lagu dar dar galinaayo waalidiinta dhalay caruurta naafada ah inay geeyeaan caruurta dugsiyada waxbarshada si ay ula sinaadaan caruurta laxaadka qabta. Masuul ku hadlaayey magaca hay’ada ayaa sheegay in u socon doono 3 maalmood siminaarku.waxaa [...]

Sawirro+Dhageyso: Wasaaradda caafimaadka Puntland oo dhagax dhigtay isbitaal lagu dhalinayo dumarka.

$
0
0

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa manata Garowe ka dhagax dhigtay isbitaal loogu talo galay dhalmada haweenka iyo daryeelkooda.
Isbitaalkaan oo laga dhisayo Xaruntaan qeybta dambe ee  isbitaalka guud ee Garowe ayaa lagu sheegay inay ku kacayso qarash dhan $128 oo dollarka maraykanka, Iyadoo lacataasna 88 kamid ahi ku tabarucayso  hay’adda UNFPA halka qarashka kalena  ay ku deeqeen qeybaha bulshada.
Ujeedadda loo dhisayo dhismahaan waxaa lagu sheegay inay tahay baahi weyn oo loo qabay helitaanka sibitaal u gaar ah dhalmada iyo daryeelka hooyada uurka leh.
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay xaruntaan, Wuxuuna sheegay wasaradda caafimaadka Puntland inay xooga saarayso horumarinta adeegyada Iyadoo loo gar garaacayo albaab kasta oo wax looga heli karo .
Waa dhismihii  ugu horeeyay  oo loogu talo galay  in lagu dhalinayo dumarka oo laga hirgalinayo  Garowe. Waxaana ay kusoo beegmayaa xilli isbitaalka guud ee Garowe uusan lahayn goob lagu dhalin kar wax kabadan karo hal dumar ah oo isku waqti ah.

 
Dhageyso warbixinta warkaan C/Weli Maxamed Sheikh.
Qodob wareed12
Buraannews.com- Garowe

Ethiopia: PM Hailemariam Meets Puntland’s President

$
0
0

The President of the Puntland State of Somalia, Abdirahman Mohamed Mohamud “Farole” commended Ethiopia’s role in facilitating last week’s agreement between the Federal Government of Somalia and the Juba Interim Administration.
He met with Prime Minister Hailemariam in Addis Ababa on Tuesday to discuss ways to advance security and governance in Somalia.
The talks also covered issues relating to the Somali Federal Constitution as well as the economic and security cooperation between Ethiopia and Puntland.
President Farole stressed the need to strengthen security and economic cooperation to develop the sub-region.
Prime Minister Hailemariam underlined the need to abide by the Federal Constitution.
Ethiopia and IGAD Member States agreed that this was the basis for reconstruction and reconciliation in Somalia, and for the creation of other federated states, he noted.
 
Source: Allafrica

France firmly condemns attack on Somalia’s president

$
0
0

PARIS, Sept 4  – France on Wednesday condemned an earlier attack on the Somali President Hassan Sheikh Mohammed in what appears as a clear attempt by rebels to assassinate the Somali leader.
The French Foreign Ministry said in a statement that it “condemned in the firmest way” the attack which targeted the president’s convoy as it was travelling near the town of Merca.
Rebels linked with the Islamist radical group “Al-Shebab” are being blamed on the attack.
France has been a long-time backer of the authorities in Somalia and nurtured the fledgling interim government for several years and also helped train Somali security forces in both bilateral and European Union military programmes.
Noting the international conference on Somalia that will be held on September 16 in Brussels, the Foreign Ministry here “reaffirmed its full support” to the Somali leader and the institutions in that country.
Source: Kuna

France Oo cambaaraysay Weerarkii lagu qaaday Madaxweynah Soomaaliya

$
0
0

Paris (Sh M Network)—Dowlada France ayaa si xoogan un canbaaraysay Weerarkii ay Xarakada AL-Shabab ay maalintii shalay ahayd ku qaaday Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmud.
Wasaarada Arimaha Dibada France ayaa war Saxafaded ay soo saartay ku sheegtay in dowlada France ay si kulul u canbaaraynayso Weerarkii foosha Xumaa ee Dhaq dhaqaaqa AL-Shabab ku qaadeen Wafdigii madaxweynaha ee ku sii jeeday Magaalada Marko ee gobalka Shabellaha Hoose.
Hadalka dowlada France ayaa waxa uu imaanayaa xili Maalintii shalay ahayd Werar lagu qaaday Madaxweynah iyo wafdigiisa oo safar xaga dhulka ah ku marayay gobalka Shabelaha Hoose, kaas oo ay dowlada Soomaaliya beenisay
 
 


Raysul Wasaraha Ethiopia Oo kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka gobaleedka Puntland.

$
0
0

Adis-ababa (Sh M Network)—Raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa waxa la kulmay Madaxweynaha Maanul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamad Maxamuud Faroole, waxa uuna Madaxweyne Faroole ku amaanay Ethiopia dadaaladii ay ka gaysatay Hishiiskii ay Magaalada Addis Ababa ku gareen Xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmad Islaam Axmad Madoobe .

Waxa ayna labada Masuul kawada hadleen qaabkii loo wanaajin lahaa Amaanka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Wadahadalada laba Masuul ay wada qaateen ayaa waxa sidoo kale laga laga hadlay Arimo la xariira Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dhaqaalaha iyo qaabkii ay labada dowladood iskaga kaashan la haayeen Amaanka labada wadan.

Dhanka kale Raysul Wasaaraha Ethiopia ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in loo hogaansamo Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Somalia: UN envoy urges political solution to Somalia’s governance problems

$
0
0

Among many challenges facing Somalia today in the development, economic, security, governance and human rights sectors, the over-riding challenge is a political problem that needs a political solution, Nicholas Kay, Special Representative of UN Secretary General (SRSG) in the Horn of Africa country, has told the ongoing Vision 2016 National Conference in Mogadishu.
“The task now is to agree among yourselves exactly how Federalism will work in practice. How will you share power, revenue, resources and responsibilities in a way that benefits all Somalia?” Kay told the conference that is set to outline a path towards genuine democracy after the country fell apart 22 years ago.
Somalia is struggling to rise from the ashes and embark on a political process that is expected to be broad and inclusive to review the constitution, hold a referendum and then elections by 2016.
“These are difficult issues which need political solutions,” said Kay, assuring the conference participants of full support from the international community and the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).
“I see this conference as an important initiative to take us down a critical but essential path,” he said, noting that many years of conflict have left power and control of resources and revenue fragmented.
“The strong centralist state has ceased to exist. Different regions and different people now hold different bits of power. That’s why you have decided a federal model is the only system that will work in this new reality,” Kay pointed out.
Organised by the Federal Government of Somalia, the National Conference has brought together all Members of Parliament, ministers and former ministers and Somalia’s diplomatic corps, among other political stakeholders.
“As the Federal Government, through this process, moves Somalia towards a genuine transition to democracy, the United Nations stands ready to support it in all aspects.
“In particular we will see how we can support the priority areas as the discussions broaden and national consensus is built around them. We will, in any case, spare no effort in supporting the Government and the Federal institutions in realising the broad objectives of this conference,” he said.
 
 
 
 

Ugaaska Guud ee Sacad Muuse Jilba-Dhige Oo Ka Hadlay Shirka Agabar, Beeniyeyna Inay Jiraan Kala Qaybsanaan Shirkaasi Ahi

$
0
0

 
Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), ayaa ka hadlay halka uu marayo shirkii Hodaale ee Beeshaasi oo loo qoondeeyey in lagu qabto deegaanka Agabar ee Waqooyiga Hargeysa, waxaanuu sheegay inuu shirkaasi dhowaan si toos ah u bilaami doono oo isagu ku dhawaaqi doono todobaadka soo socda.
Ugaas Jilba-dhige oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay jir wax kala qaybsanaan  ah oo shirkaasi ka dhex jirta, isla markaana ay qoladii hadashay ahaayeen qayb yar oo beesha ka mid ah oo aan loo baahnayn inay hadlaan, waxaanuu ugu baaqay Dadweynaha beesha Sacad Muuse inaanay maqlin dadka warxumo tashiil ka ah ee sheegaya wararka aan waxba ka jirin.
Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), waxa kale oo uu sheegay inay qaban qaabada shirkaasi si wanaagsan u socoto oo aanay jirin wax caqabad ah oo hortagan iyo kala qayb sanaan toona, waxaanuu ugu baaqay in la taageero dadka shirkaasi sida wanaagsan u wada ee mideeyey beeshaasi.
Ugaas Jilba-dhige oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Shirkaas arrintaas aad maqasheen waxba kama jiraan wax  khilaaf ah oo shirka beesha sacad Muuse ka jiraa ma jirto,  shirkuna wuu soconayaa oo wuu dhacayaa waanuu dhow yahay,  hawshii ayaa la  wadaa muddo dhowna aniga ayaa ku dhawaaqi doona, wax ka xumina ma jiro oo waa meel qudha oo dadku heshiis ku yahay, nimanka hadlay ee la idiin sheegay waa niman qayb ah oo gaar ah,  markaa kuwaas ayuunbaa hadlay manay ahayn inay hadlaane meel ayey ka dheceen, waxaanan leeyahay ka waaqsada wixii aan dadka qaban,  ninka diidan in shirka Sacad Muuse uu mid qudha noqdo oo mid qudha la tago,  ninka diidanaw meel aad ku noolaan doonto mooyi,  haddii aad labadii aan u soconay ee  baaba’ay doonayso mid qudha ayaa la helay oo lagu midaysan yahay, Umadda soo raac midaysan  adaanay kuu taallaa oo anagu caytamina mayno,  aniga oo Ugaaskii reerka ah oo shirka hogaamin jiray oo xogogaallna ah  ninka hadlayaw sida aan wax u ogahay wax u sheegi maayo,  shirkuna wuu qabsoomayaa oo waa loo ducaynayaa cidda  dhex dhexaad ka noqoray ee shirkaas dhalisay ee dhex dhexaad ka noqotay ee aduunkeedii ku bixisay aad ayaanu ugu ducaynaynaa shirkana waa looga dhex ducaynayaa,  waxaanan leeyahay Sacad muuse ka gudaha jooga iyo ka dibedda joogaaba ha ku soo talo galo shirka wanaagsan ee midaysan ee dhowaanta dhici doona, kaas oo todobaadka inagu soo socda lagu dhawaaqi doono, aniga ayaana ku dhawaaqi doona oo shirkii waa la fasaxay odhan doona sidaas ogaada oo cidda waxaas wadda dhag ha u dhigina soona duceeya oo ka soo qayb gala ayaan leeyahay arrin iyo aduunba, sidaas ayaan idinka codsanayaa, waxaas khilaaf ah ee la sheegayaana wax jira ma aha oo cidda ila joogtaa waa cidii guddida ahayd, aniga oo Ugaaskii beesha ah oo shirkana ku baaqi doona, waxa shaydaanku sheegayo dhago looma dhego waxa runta ah ayaa la aqbalaa, docka yeedhka lama maqlee sidaas ogaada oo shirkii wuu dhacayaa dhowaan”
hargeysa somaliland

Nuxurka Qodobbo Muhiim Ah Oo ay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Suldaanka Guud ee Bariga Sanaag kaga wada hadleen kulankii ay yeesheen Habeen Hore

$
0
0

 
 
Kulan dhex-maray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo toddobaadyadii u dambeeyay-ba ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa lagaga wadahadlay qodobbo kala duwan oo muhiim ah
Kulanka dhex-maray Weftiga Suldaanka iyo Madaxwaynaha Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay doorka Xukuumadda ee gobolka Badhan iyo Bariga Sanaag oo deegaan ahaan ay ka soo socdaaleen Suldaanka iyo Weftigiisu, waxaana la sheegay in Madaxwaynaha Somalilad u ballan-qaaday xubnaha Weftiga Suldaanka in Xukuumaddu wixii awooddeeda ah ka qaban doonto deegaannada ay ka yimaaddeen, isla markaana tixgelin gaar ah siin doonaan duruufaha ka jira dhanka arrimaha Bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Inkasta oo aanay Madaxtooyadu wax war ah ka soo saarin kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo iyo Weftiga Suldaan Siciid, haddana sida ay xubno kulankaa goob-joog ka ahaa u sheegeen Wargeyska Somalilandtoday, waxa uu kulankaasi habeen-hore ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha ka sokow Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo  Weftiga Suldaanka oo ahaa ku dhawaad 20 xubnood oo isugu jira Madax-dhaqameed, Wax-garad, Siyaasiyiin iyo Qurba-joog u dhashay deegaanka Bariga Sanaag iyo Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiin  Axmed Maxamuud (Wahaabi).
Hase-yeeshee, si aannu wax badan uga ogaanno kulankaas iyo qodobbada lagaga wadahadlay, waxa uu Weriye ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday khadka Taleefanka xalay ku waraystay Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiin  Axmed Maxamuud (Wahaabi) oo ugu horreyn Weriyuhu weydiiyey kulankaas iyo waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Weftiga Suldaanku kaga wadahadleen, ayaa sheegay in kulanka ay Weftiga Suldaanka iyo Madaxwaynuhu habeen-hore ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Somaliland uu ahaa mid si wanaagsan u qabsoomay, isla markaana waxyaabo badan la iskula qaatay,  “Kulanka uu xalay (habeen-hore) Madaxwayhana Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku qaabbilay Weftiga uu hoggaaminayay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan wuxuu u dhacay si wanaagsan, waxyaabo badanna waa lagaga wadahadlay. Inta badan waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee lagaga wadahadlay waxaa ka mid ahaa in dadka reer Somaliland la mideeyo oo ay Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedku iska kaashadaan mar kasta isku soo dhawaynta dadka iyo ka hor-tagga in dadka isku deegaanka ahi wada-noolaan kari waayo ama cid balaayo-doon ahi ka dhex shaqaysato. Waxa kale oo laga wadahadlay sidii loo horumarin lahaa deegaannada Sanaag-Bari iyo gobolka Badhan oo  dalka intiisa kale waxoogaa ka dambeeya marka laga hadloyo kaabayaasha adeegyada Bulshada.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Badhan Cabdixakiin  Axmed Maxamuud (Wahaabi) oo ka jawaabayey su’aasha Weriyuhu weydiiyey.
Guddoomiyaha Badhan Cabdixakiin-Wahaabi oo sharraxaya waxyaabaha uu Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo kulankaas ku ballan-qaaday, waxa uu yidhi; “Madaxwaynuhu wuxuu ballan-qaaday inuu wax ka qabanyo Xukuumad ahaan intii awooddooda ah baahiyaha jira gaar ahaan, Caafimaadka oo loo shaqaalayn doono dad aqoon u leh, isla markaana ka hawlgala gobolka Badhan oo ay ka mid yihiin shaqaalaha immika ka hawlgala oo Tabaruc ku shaqeeya intooda badani. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ballan-qaaday dhismayaasha Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada ee guud ahaan gobolka Badhan,Waxa kale oo uu amar ku bixiyay Madaxwaynuhu in ay dhammaystirto Wasaaradda Macdantu laba Rig-biyood oo midna laga hir-gelinayay magaalada Badhan, ka kalena laga qodayo deegaanka Damalle-xagarre, labadaa Rig oo ay bixisay Kuwayt Fan. Waxaa wax lagu farxo ahaa in Madaxwaynuhu ballan-qaaday dhamaystirka Jaamacadda Badhan oo immika dhismaheedu geba-gabo yahay, isla markaana lagu dari doono Miisaaniyadda Jaamacadaha Qaranka.” ayuu yidhi Cabdixakiin-Wahaabi.
Badhasaabka gobolka Badhan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey qodobbada dhinaca Weftiga Suldaanka ku xidhan ee Madaxweynuhu dalbaday ama kala hadlay, waxa uu yidhi; “Suldaanka iyo Weftigiisu ugu horrayn waxay uga mahad-celiyeen Madaxwaynaha iyo Wasiirrada kulanka ku wehelinaayay qaabka ay u qaabbileen iyo sidii Hargeysa loogu soo dhaweeyey, waxaanu Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ballan-qaaday inuu Xukuumadda kala shaqayn doono sida ugu wanaagsan ee deegaannada gobolka Badhan lagu wada gaadhsiin lahaa Maamulka dawliga ah iyo in dalka Somaliland la wada-ilaashado, waxaanay Madaxwaynaha ka codsadeen inuu wax ka qabto baahiyaha jira ee deegaanka gobolka Badhan iyo Sanaag-Bariba immika ka taagan, kuwaasoo uu Madaxwayne-Siilaanyana ballan-qaaday in aanay waxba kala hadhi doonin intii awooddooda ah Xukuumad ahaan.”
 
HARGEYSA SOMALILAND
 
 
 
 

Qaramada Midoobay Oo Hoosta Ka Xariiqday In DF Soomaaliya Aysan Cago Badnayn Ku Taagnayn Loona Baahanyahay In Si Degdega Loogu Gurmado Oo Diyaaradaha Dagaalka Loo Dirro

$
0
0

New York-(Idhanka)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin Muun ayaa caalamka ka codsaday in Diyaaradaha Dagaalka loo adeegsado Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Gudaha Soomaaliya, si awooda Kooxdaasi loo wiiqo.
Mr Ban Kin Muun oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay fashil wajihi karto hadii aan lasiin taageero Dhinaca Cirka [...]

Dhaqanka iyo Hiddaha # 178

$
0
0

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha waxa aad ku maqli doontaan sheekooyinka iyo maasooyinka ay Soomaalidii hore ka sameysey duur-joogta, gaar ahaan howraarta loo saariyo Raha ee dabeed maahmaahaha reebay.

Puntland oo codsatay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka.

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland C/Raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sharuud uag dhigay wadahadalka iyaga iyo dowladda federalka Soomaaliya dib ugu noqoshada dastuurkii kmg ahaa oo  uu sheegay in laga saaray qodobo ku jiray.
Madaxweynaha oo hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay Tvga Somali Channel ayuu codsaday in  la magacaabo guddi labo dhinac ah oo kawada hadlaya qilaafka dastuurka ka jira.
Mudane Faroole ayaa sheegay in 31 sadar oo kamid ah dastuurka  lagu sameeyay .tirtirid, waxkabadal iyo qaribaad. Wuxuuna ku sheegay  wada shaqeynta labada dhinac inay ku xiran tahay oo kaliya ku dhaqanka dasruurka.
Muran dastuurka ayaa kamid ah qodobada inta badan dhaliya qilaafka Puntland iyo dowladda federalka, Waxaana madaxweynaha Puntland uu ku celceliyay inay waafaq sanyihiin dastuurkii hishiisyadiisu ka dhaceen . Garowe. Gaalkacyo iyo Nayrobi , Iyadoo  ugu dambeyna 20kii bishii August lagu ansiixay magaalada Muqdisho.
Buraannews.com- Garowe.


HAY’ADDA DBG OO DEEQ KALA DUWAN GAARSIISAY BARAKACAYAAL

$
0
0

Muqdisho ( Sh M Network )Hay’adda DBG ayaa maanta u qeybisay qalab kala duwan 500 oo qoys oo ka mid ah barakayaasha ku nool duleedka magaalada Muqdisho. Qalabkaas oo ku kala jira shan boqol oo bundadood oo kiiba ay ku jiraan alaabta ay ka mid yihiin
3 Saxan, 4 Baaquli, 1 Mindi, 1 Qaado weyn, 1 Bac, 1 Caag 20 liiter qaad ah, 1 Beeshin, 2 Digsi 1 maro kaneeco, 2 Busto, 6 Kastuumo, 3 Shaash, 3 Gorgoro, 3 Garba saar, 3 Dirac, 3 baako omo 3 Saabuun maris, 3 Sali
Isugeyn bundadiiba waxaa ku jira 53 shey oo qoyskiiba la siinayo, Mashruuca oo ay maalgelisay Wasaarada dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumada federelka German-ka waxaa loogu tala galay iney ka faaiideystaan 1,778 qoys oo 500 oo ka mid ah maanta qalabkaasi la siiyay, waxaa kaloo mashruuca ka mid ah 350 musqulood oo dhismahoodi qaar dhamaaday inyarna ay weli ka socoto kaamamka ku yaala duleedka magaalada Muqdisho iyo afgooye u dhexeysa.
Waxaa deeqdaas ku wareejiyay 500 ee qoys agaasimaha Hay’adda DBG Mr. Cumar Colad Axmed, iyo Maxamed Cabadullahi oo ka mid ah gudiga sare ee maamulka Hay’adda iyo saraakiil kale ee ka tirsan Hay’adda.
Ma aha markii ugu horeysay ee hay’adda Daryeel Bulsho Guud marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano DBG ee bixiso deeq ceyn kaan oo kale ah.
 

Wasiirka gudaha Masar oo badbaaday

$
0
0

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa isku day dil ka badbaaday kaddib markii weerar lagu qaaday meel u dhaw gurigiisa.

Sh. Axmed Madoobe Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Kismaayo Ee Uu Kataliyo Isagoo Kahadlay Shirka Muqdisho Ka Socda+Heshiiskii Addis Ababa Ayku Wada Galeen Dawlada Federaalka Soomaliya+Video

$
0
0

Kismayo-(Idhanka)-Daawo Madaxwaynaha Jubaland Sh. Axmed Madoobe Oo Shir jaraaid Ku Qabtay Magaalada Kismaayo Ee Uu Maamulkeeda Gacanta Kuhayo Oo Ka Hadlay Shirka Muqdisho Ka Socda Iyo Heshiiskii Addis Ababa Ayku Wada Galeen Dawlada Federaalka Soomaliya Halkan Kadaawo

Idhanka.com

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Hanjabaadii Ugu Adkayd Abid Hawada U Mariyay Maraykanka Sheegayna Inaanu Maraykanka Oo Kaliya Aduunkan Go’aan Kagaadhi Karin

$
0
0

Moscow-(Idhanka)-Madaxweynaha Ruushka ayaa si kulul u weeraray dedaalka dalka Maraykanku ugu jiro, in uu weerar ku qaado dalka Suuriya, waxaanu golaha wakiilada (Congress)-ka Maraykanka uga digay in ay ogolaadaan duulaan lagu qaado dalka Suuriya.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wasiirka arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ku tilmaamay inuu ka been sheegay xaqiiqada Suuriya markii Congress-ku waydiiyay Argagixisada [...]

Wadamada Afrikaa oo 1-meel ugu soo wada jeestay la Dagaalanka Argagaxisada

$
0
0

Orane ( Sh M NetworkWadamada Africa ayaa waxa ay isugu imaanayaan kulan aad u balaadhan oo ka dhici doona Magaalada Oran ee wadanka Algeria Todobaadka Soo socda.
kulanka ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo September 10 keeda waxa uuna socondoonaa labo Maalmood
Kulankan ay isugu imaanayaan Taliyaasha Boliiska wadamada Africa kaasoo diirada lagu saari doono la dagaalanka Argagaxisada iyo sidii Boliiska wadamada Africa ay wada shaqayn buuxda u dhaxmari lahayd.
Hogaamiyaasha Xarunta dhexe ee Qaranka,ee loo yaqaano INterpol ama boliiska Caalamiga ah, iyo waliba sidoo kale wafdi heer sara ah oo ka socda Midowga Africa ayaa lagu wadaa in ay kasoo qayb galaan Madasha kulanku uu ka dhacayo ee Orana ee dalka Algeria.
Shir gobaleedka Wadamada Africa ayaa waxa la qabtaa labadii sanaba hal mar si loo qiimeeyo loona xoojiyo Wadashaqaynta iyo la dagaalanka Falalka Argagaxiso ee ka dhaca Wadamada

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live