Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxsweyne Shariif; "Haddaan ka hadlo cadawgeena wuxuu hadda marayaa marxalad laciif ah, waxaanna u hambalyeynayaa Ciidamada Dowladda iyo Ahlu Sunna"

$
0
0

Madaxweyne Shariif oo shalay la hadlayay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaalida ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada lagu hoobtay ee gobolada dalka qaarkood ka socda.

Shiikh Shariif wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda oo garabsanaya Ahlu Sunna ay mudan yihiin hambalyo madaama ay laciifiyeen itaalkii cadawga Dowladiisa waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweynuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee dagaalka ka wada gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo weliba Gedo isagoo dhanka kale ugu baaqay ciidamadaas in ay sii xoojiyaan dagaalada ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda dowladiisa.

Dagaalo lagu hoobtay ayaa mudooyinkan dambe ka soo cusboonaaday deegaanada Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxaana dagaaladan ilaa iyo hadda ku lug leh Dowladda iyo Suufiyiinta oo isku dhinac ka soo jeeda halka dhinaca kalena ay ka soo jeedaan xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.

halgankanet@gmail.com  

 


Mareykanka oo ka hadlay siyaasadiisa ku wajahan Somaliland, Puntland, AMISOM iyo Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca

$
0
0

Dowladda Mareykanka oo lagu eedeeyo in ay arrimaha Soomaaliya lugaha iyo gacmaha kula jirto ayaa hadda ka hadleysa siyaasadeeda ku wajahan Maamulada ka madaxa banaan dowladda ee ka jira Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa si cad u sheegay in Maamulada Somaliland, Puntland iyo wixii la hal-maala ay ka Mareykan ahaan xushmeynayaan siyaasadooda iyo dhaqaalahooda balse wax aqoonsi madaxbanaani ah aysan u heyn maamuladaas.

"Waxaan taageersannahay Ahlu Sunna waayo waxay la dagaalamaan Alshabaabka ka farcancmay Alqaacida caalamka"  Johnnie Carson, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Qaarada afrika.

Dhanka kale Mareykanku wuxuu sheegay in guud ahaan siyaasada lagu kordhinayo ciidamada AMISOM iyo weliba tirada hadda joogta ay ka taageerayaaan xag dhaqaale iyo mid siyaasadeed intaba.

Mareykanka ayaa hadalkan sii daayay xili xamxamta hoose ee xarunta QM laga soo dhegadhegeynayo ay sheegeyso in waqtiyada soo socda ciidamo Afrikaan ah oo hor leh Soomaaliya la geynayo.

halgankanet@gmai.com

Muwaadin u dhashay Mareykanka balse Muslim ah oo qirtay in uu tageeri jiray Alshabaabka Soomaaliya ka dagaala iyo

$
0
0

Adam Chesser oo u dhashay dalka Mareykanka balse heysta diinta islaamka ayaa ka hor qirtay Maxkamad ku taal cariga Mareykanka dacwad lagu soo oogay.

Ninkan oo da'diisa lagu sheegay 30 Jir ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in uu maleegayay hawlo uu kaga soo horjeeday kooxaha sawir gacmeedka sameeya ee meherada ka dhigtay af-lagaadeynta Nabigeena Suuban CSW, kooxahaas oo uu sheegay Mr. Adam in uu aad u neceb yahay.

Aadam Chesse rwaxaa laga yaabaa in lagu xukumo xabsi dheer maadaama Mareykanku uu aad ula dagaalo dadka u dhaqadhaqaaqa Diinta islaamka haba ugu sii darnaadaano kuwa lagu dhejiyo shabbada Alqaacidee.

halgankanet@gmail.com

Dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo xalay Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland ka dhacay

$
0
0

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoostagta Puntland bar kaantarool uu ku taal ayaa waxaa xalay ka dhacay iska-horimaad mudo kooban socday balse dhaliyay dhímasho iyo dhaawac.

Iska-horimaadkan oo ka dhacay Bar Kaantarool ayaa u dhexeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo dabley wadatay gaari nooca lagu tamashleeyo ah waxaynyu rasaastu bilaabatay ka dib markii ay dableydu diiday in ay joojiyaan gaarigii ay wateen markuu ku soo dhowaaday Kaantaroolka.

Dadka dhintay oo laba ah ayaa ka tirsan shacabka magaalada waxaana sidoo kale halkaas ku dhaawacmay sideed Qofood oo afar ay ka ka mid ahaayeen ciidamada Puntland.

Ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa waqtiyadan dambe aad u sii xumaanayay waxaana taas u sii dheer dagaalo ka socda qeybo ka mid deegaanada hoostaga Puntland, dagaaladaas oo u dhexeeya wadaadka lagu magacaabo Shiikh Atam iyo Ciidamada Puntland.

halgankanet@gmail.com

Weeraro fara badan oo ka dhan ah dadka soo-galootiga ah ayaa ka dhacay Galbeedka dalka Sweden

$
0
0

Dalka Sweden dhankiisa Galbeed waxaa ka dhacay weeraro silsilad ah oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay dadka ajaaniibta ama soo galootiga ah ee ku dhaqan magaalada Malmö.

Sida ay boolisku qabaan weeraradan intooda badan waxaa fuliyay qal qof qaabka ay u dhaceen iyo meelaha ay ka dhaceen marka laga eego.

Talaadadii la soo dhaafay saqdii dhexe waqtiga magaalada Malmö waxaa lagu weeraray sadex nin oo ka mid ah soo-galootiga ama muhaajiriinta halkaas ku dhaqan, waxaana weerarkaas sadex nin ka soo gaaray dhaawac halis sida ku qorneyd warbixinta Booliska.

Magaalada malmö waxaa sanadkan gudihiisa lagu toogtay oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay Afar iyo Toban qof oo u badan dadka ajaaniibta ah waxayna boolisku weeraradan u xireen nin dhalinyaro ah oo u muuqda in uu ka mid ah kooxaha naceybka soo-galootigu uu la talax-tegay ama madax maray.

halgankanet@gmail.com

Mucjiso iyo fajac ka dhacay Cusbitaal ku yaal dalka Faransiiska!!!

$
0
0

Arrin aad loola yaabay islamarkaana la oran karo xaqiiqatan waa Mucjiso ayaa ka dhacday dalka Faransiiska Cusbitaal ku yaal.

Arrintan mucjisad ah oo ka dhacday Cusbitaalka gudihiisa ayaa ah hadal heynta u badan ee dalkaas haatan ay dadku hadal hayaan waxayna intooda badan ku sifeeyay la yaab iyo mucjiso.

Dhacdadan ayaa u dhacday sidan: Haweeyey aad u xannuunsaneyd oo cusbitaalka ku jirtay ayaa waxaa hareeraha ka fadhiyay wiilal ay dhashay, baaritaan dhaqtareed oo lagu sameeyay Haweeneydan xaalad miir la'aan ah ku jirtay ka dibna waxay dhaqaatiirtu sheegeen in waqtigeedi dhamaaday naftuna ay ka baxday waxaana la amray in qalabka dadka neefta lagu siiyo laga fujiyo maadaama sida dhaqaatiirtu sheegeen ay dhimatay.

Laakiin wiilasheedi ayaa diiday in Hooyadooda laga fujiyo qalabkan waxayna ku adkeysteen in loo daayo haddii ay xitaa dhimatay ilaa laga aasayo.

Waxaase la yaab noqotay markii Haweeneydii ay soo toostay laba saacadood ka dib waqtigii dhaqaatiirtu sheegeen in ay ruux baxday oo aan nolol dambe looga fadhiyin.

Waa yaab!!!!!

War saxaafadeed: R/wasaaraha Soomaaliya oo Khubad ka jeediyay shirka golaha barlamaanka,,DHEGEYSO

$
0
0

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed
C/llaahi maxamed farmaajo ayaa maanta khudbad qiimo badan ka jeediyay
golaha Barlamaanka Soomaaliya hortooda.

R/wasaare Farmaajo ayaa baarlamaanka ka
codsaday in ay siiyaan codka kalsoonida si uu wax uga qabto xaaladda
dalka, wuxuuna sheegay in uu xukuumad wanaagsan oo tayo leh soo dhisi
doono taas oo dhowreysa axdiga dalka waxqabad buuxana la imaan doonta.

Wuxuu sidoo kale Khudbadiisa uga hadlay
R/wasaaruhu dhinacyo kale oo ay ku jirto qorshahiisa ammaanka iyo dib u
heshiisiinta. Wuxuuna sidoo kale sheegay in dhibaatda Ugu adag ee jira
ay tahay wax qabad la'aan, Wuuxuuna sheegay in Waxa ugu horreya oo uu
qabto ay noqon doonto arrimaha Amniga, Wuxuuna tusaale u so oqaatay in
hooyada Somaliyeed ee ku nool dalka Dibaddiisa haddi ay carruurteeda u
dirsato School, waxa ay ku niyad san tahay in ciyaalkeedu ay dib u soo
laaban doonaan, laakin hooyada Ku nool caasimadda Dalka Somaliya ee aan
jogno, oo xarun u ah dowladda Somaliyeed Hooyada ku nool waxa ay ka wel
wel santahay haddii ciyaalkeedu School Ama Dugsi qur'aan aadaan in aysan
dib ugu soo laaban doonin.

Wuxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in
hooyadaas iyo ciyaalkeeda ay nabad ku noolaadaan haddi ay codka
kalsoonida siiyaan, Waxa kale oo uu sheegay in uu wax ka qaban doono
Qaybaha kala duwan ee ciidamada Sida Milatariga, bolicka, iyo nabad
sugidda, Wuxuuna sheegay in xukuumaddisa ay sameyn doonto tiro koob
kadibna waxa ay siin doontaa Ciidamadas Mushaaroodka iyo xuquuqdoodaba,
Wuxuuna sheegay in uusan u dul qadan doonin In ciidamada Somaliya ay
noqdaan mushaar la'aan.

Dhanka Kooxaha dowlada Ka soo horjeeda
waxa uu sheegay in ay ku ugaarsan doonaan Xudduntooda, wuxuuna ballan
qaday in ay la wareegi doonaan Muqdisho iyo hareeraheeda, si dhibaatada
looga qaado umadda dhibaatadu ku habsatay muddada dheer.

Dhanka kale waxa u sheegay in uu wada shaqayn la yeelan doono Baarlamaanka iyo guddoonkiisa.

HALKAAN KA DHEGEYSO.

Wasaarada isgaarsiinta dowladda KMG ah oo shirkad Jarmal ka iibisay domain ka Somalia ee .SO

$
0
0

FOR IMMEDIATE RELEASE
PRLog (Press Release) – Oct 21, 2010 – In addition to .SO, three other domain extensions will become available: .COM.SO, which aims especially at commercial entities, .NET.SO for networks and .ORG.SO for non-profit organizations. The introduction process for the Somali domain extension .SO will continue until March 2010. It starts with the Sunrise for legitimate brand owners who wish to have their trademarks registered as domain names (11/01/2010 to 11/30/2010). Domains with more than one valid application will go through a Sunrise auction at Pool.com (12/01/2010 to 12/15/2010). Sunrise domain names may be registered for a minimum of three years and a maximum of ten years.

Technical operator of .SO is the Japanese company GMO Registry, for the operative tasks the Somali SO registry is responsible. The “sponsoring organization” of the TLD is the Ministry of Post and Telecommunications of Somalia. In an interview with the domain investor Rick Latona the Director of GMO registry, Hiro Tsukahara, announced to donate a portion of the operating profit to provide necessary aide for Somalia, especially for children. He said Somalia is a country, which needs support in many areas and that the GMO registry’s relief project should increase global awareness of Somalia. “It is important that the country and its people benefit from the delegation of their national domain”, welcomes Key-Systems CEO Alexander Siffrin the project. “The .SO domain extension provides the ability to associate a variety of generic terms such as ‘social' , sophisticated' or ‘solid', using an appropriate domain name and the respective marketing.”

The .SO Sunrise is followed by the so-called Landrush phase (12/16/2010 to 02/09/2011). This phase aims at all interested parties, applications will be accepted for domains that were not registered or applied for during Sunrise and not reserved by the registry. Domains with more than one valid Landruh application will be auctioned at Pool.com (02/10/2011 to 02/28/2011). During the final Open Registration starting March 1, 2011, all available domain names can be registered following the "first-come, first served" principle. The registration period for Landrush domains and domains of the Open Registration has to be at least one year and maximum ten years.

.SO domain names must be made up of a minimum of 3 characters and a maximum of 63 characters (excluding the extension). Only the Latin alphabet letters a-z, digits, and hyphens will be accepted. Domain names beginning or ending with hyphens, as well as domain names with hyphens on the third and fourth position are prohibited. The policy for the TLD .SO is liberal, there are no restrictions concerning the registrants, no local presence service is needed.

About Key-Systems
Key-Systems GmbH located in St. Ingbert, Germany, was founded by Alexander Siffrin in 1998. The company has grown from an academic sideline to a successful international ICANN accredited registrar for internet addresses. Areas such as a fully automated reseller-system and web hosting completed the success story. Today with more than 2.7 million domains under its management, the company has reached a leading market position, selling domain names, web hosting and DNS services to customers all over the world. The latest product BrandShelter.com offers companies and institutions special services related to domain administration including services to get their own top-level domain (TLD) as this opportunity unfolds in the near future. Key-Systems is operating subsidiaries in the USA and Mexico.


Wararkii ugu dambeeyay ee naga so gaaray magaalalda Beledxaawo iyo Dowladda oo mar kale dib ula wareegtay dagaal rogaali celis ah ka dib

$
0
0

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo ay shalay gelinikii dambo ka dhaceen dagaalo xoogan ayaa waxaa iminka ka soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan cidda gacanta ku heysa magaalada.

Ciidamada Alshabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa shalay gelinkii dambe gacan ku heynta magaalada kala wareegay xoogaga isbiirsaday ee Ahu Sunna iyo Dowladda waxaase mar kale xalay fiidkii dib u qarxay dagaal kale oo hor leh sida dadku sheegeenna aad u xoog badnaa.

Dowladda ciidamadeeda iyo Ahlu Sunna ayaa markii dambe waxaa u suurtagashay in ay dib u qabsadaan magaalada iyadoo saakay lagu arkayo gudaha magaalada Kismaayo ciidamo fara badan oo dowladda ka amarqaata.

Alshabaab ayaan la ogeyn dhanka ay abaareen waxaase warar aan la hubin sheegaaan in ay dhankaas iyo Garbahaareey u dhaqaajiyeen ka dib markii dagaalkii xalay looga itaal roonaaday.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaan weli la ogeyn baaxadiisu inta ay dhan tahay waxaase la saadaalinayaa qasaare weyn oo naf iyo maal isugu jira in uu sababay dagaalkani.

Wararka Beledxaawo oo faahfaahsan dib ayaan ka soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com 

Ahlu Sunna oo dadka iyo gaadiidka uga digay isticmaalida wadada isku xirta Buuloburde iyo Ceelbuur

$
0
0

Maamulka Ahlu Sunna Walajaamaca ee gobolka Hiiraan ayaa dadk iyo gaadiidka uga digay in ay maraan wadada isku xirta Ceelbuur iyo Buuloburde.

Aadan Cabdulle Cawaale oo Ahlu Sunna u qaabilsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in cidii marta wadada xiriirisa Ceelbuur iyo Buuloburde ay u aqoonsan yihiin Alqaacida sidaas darteedna wixii ku dhaca ay iyadu keensatay waa siduu hadalka u dhigaye.

Cawaale ayaa sabab uga dhigay mamnuucida ay mamnuucayaan isticmaalka wadadaas dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamadooda oo ka socda wadada isku xirta Ceelbuur iyo Buuloburde.

Dadka iyo gaadiidka u socdaalaya Ceelbuur ayuu sheegay in ay mari karaan wadada dheer ee laamiga laakiin wuxuu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta isticmaalka wadada ka soo baxda Buuloburde ee aada dhanka Ceelbuur ilaa ay amar dambe oo qoraal ah ka soo saarayaan kooxdiisu.

Waa markii ugu horeysay oo ay Ahlu Sunna si toos deegaano ku yaal bartamaha Soomaaliya si gaar ah u mamnuucaan in loo socdaalo waxaana arintan faquuq iyo dan iyo gaar ah ku tilmaamay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku hareereysan ee hoos yimaada.

halgankanet@gmail.com

Alshabaab oo xalay weerar ku qaaday Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Boondheere iyo dagaalkaas oo sababay dhimashada dad shacab ah

$
0
0

Waxaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyahay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir xoogaga Alshabaab ee dowladda Soomaalida ka soo horjeeda.

Weerarkan ayaa waxaa laga dhaxlay madaafiic aan loo meel dayin oo ay ciidamada AMISOM ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada Boondheere iyo Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Duqeyntaas ayaa la sheegay in uu ku dhintay hal Qof halka dhaawacna uu ka soo gaaray shan kale oo dhamaantood ka tirsan bulshada rayidka ah ee aan dagaalada socda lugta ku laheyn.

Xaalada guud ee degmada Boondheere gaar ahaan goobihii xalay lagu dagaalay ayaa saakay degan waloow la arkayo argagaxa ka muuqda wajiyada dadka shacabka ah ee qaatiyanka ka taagan dhinacyadan ku dul dagaalamaya ee aan u diirka naxeyn.

halgankane@gmail.com

Golaha Ammaanka ee QM oo sheegay in aan hadda la joogin waqtigii cunaqabateyn la saari lahaa garoomada iyo Dekadaha ay adeegsadaan Xisbul islaam iyo Alshabaab

$
0
0

Golaha Ammaanka oo ka dooday codsigii ka soo gaaray Midowga Afrika ee ku saabsanaa cunaqabateyn caalami ah in la dul dhigo garoomada iyo dekadaha ay maamulaan xoogaga dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ayaa waxaa ka soo baxay hadal cad.

Sida uu sheegay Xoghayaha QM Ban Ki-Moon Golaha Amaanku wuxuu isku raacay in aad looga fiirsado cunaqabateynta Garoomada iyo Dekadaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab iyo Xisbul islaam ka hor inta aan si rasmi ah loo soo saarin xeer xaaraantinimeynaya adeegsiga goobahaas.

Laakiin Ban Ki-Moon meesha kama saarin halista ay marinadani ku yihiin dowladda Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo weliba ammaanka guud ee Bariga Afrika laakiin wuxuu ku celceliyay in arintan aad looga baaraan-degi doono go'aan kama dambeys ahna laga gaari doono.

Midowga afrika ayaa mudooyinkan dambe u xusul duubayay sidii Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam Garoomada iyo dekadaha ay gacanta ku hayaan loogu soo rogi lahaa Cunaqabateyn iyadoo la doonayo in la hakiyo qulqulka dagaalyahaniinta shisheeye ee ka barbar dagaala islaamiyiinta Soomaalida.

halgankanet@gmail.com

 

Is-casilaada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland oo bilaabatay

$
0
0

Xildhibaan ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay in uu ka tegay shaqadiisi xildhibaannimo ee ku ka hayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanahan oo lagu magacaabo Maxamad Faarax Bile ayaa shalay Boosaaso kaga dhawaaqay in uu iska-casilay jagadii Xildhibaannimada ka dib markii ay guud ahaanba fashilantay dowladda Federaalku waa siduu hadalka u dhigaye.

Xildhibaankan oo aad wax looga weydiiyay sababta rasmiga ah ee ku riixday in uu shaqada ka tago ayaa ku adkeystay in uu isagu shaqsiyan go'aansaday is-casilaada maadaama ay ula muuqato isaga in Dowladu ku fashilanb fulinta hawlihii loo idmay.

Laakiin dadka qaadaa dhigay siyaasada qoloqolada ku dhisan ee Soomaalida ayaa qaba in Xildhibaanada ka soo jeeda maamulka Puntland iyo xitaa maamulka Puntland raga horbooda ay aad uga xanaaqeen hareer marka uu madaxweyne Shariif la hareer maray xilka Ra'iisal wasaaraha, waxaana laga yaabaa sida dadkani rumeysan yihiin in guud ahaan Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ay isaga baxaan Baarlamaanka.

halgankanet@gmail.com  

Madaxweyne Shariif oo xildhibaanada ka codsaday in ay Ra'iisal wasaaraha ansixiyaan si hay'adaha dowladu u shaqeeyaaan

$
0
0

Madaxweyne Shariif oo dhinaca ku haya Ra'iisal wasaarihiisa ayaa shalay markii uu ku hungoobay in Xildhibaanada uu ka ansixiyo Ra'iisal wasaarahaas wuxuu soo saaray qoraal ku wajahan Mudanayaasha Baarlamaanka.

Shariif oo shalay qeylo iyo sawaxan ka dib natiijo la'aan ka huleelay kulankii Baarlamaanka ayaa hadda Xildhibaanada ka codsaday in iyagoo hoos u eegaya marxalada uu haatan dalku ku jiro ay ansixiyaan Wasiirka koowaad si buu yiri uu u soo dhiso Xukuumad tayo leh oo horay u dhaqaajisa hawlaha Hay'adaha Dowladda.

"Maanta waa Jimco Baarlamaankuna waa fsaxan yahay laakiin waxaan fileynaa in beri oo sabti ah la gudagalo hawlaha ansixinta iyo cod u qaadista Ra'iisal wasaaraha" sidaas waxaa lga soo weriyay mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo ka hadlayay qorshahooda ku aadan Ra'iisal wasaaraha.

Ra'iisal wasaaraha aan weli heysan codka kalsoonida Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu dhowaan hortago mudanayaasha shanta boqol kor u dhaafaya, waxaana la arki doonaa dhanka uu u liico miisaanka Xildhibaanadu saari doonaan ra'iisal wasaaraha.

halgankanet@gmail.com

Ismaaciil Khaliif oo ka mid ah dhalinyaradii ay Shabaabku naafeeyéen oo Nayroobi gaaray wareysi xaasaasi ahna bixiyay

$
0
0

Ismaaciil Khaliif Cabdulle wuxuu ka mid ahaa dhalinyardii ay Alshabaabku dharaar cad min lug iyoi gacan is-dhaaf ah uga gooyeen fagaare ku yaal magaalada Muqdisho xili ay cadceedu kululeyd.

Mr. Khaliif oo wareysiyo naf huridnimo ah Muqdisho ku siiyay Tetelefishinka YLE ee dalka Finland suxufi Soomaaliyeed oo u shaqeeya oo lagu magacaabo Wali Hashi ayaa soo jiitay dhegaha iyo indha bulshada Caalamka waxaana hadda dadaal dheer ka dib u suurtagashay in uu soo gaaro meel aysan ka dhoweyn Alshabaabka naafeeyay.

Abdul Hasan oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Soomaaliya islamarkaana heysta jinsiyada Kanada ayaa juhdi weyn geliyay sidii Ismaaciil uu u heli meel nabdoon oo uu dib noloshiisi dhalinyaro uga bilaabo waxaana uu hadda Mr Ismaaciil ku sugan yahay magaalada Nayroobi, xarunta dalka Kenya, Sida rajadu tahayna Ismaaciil wuxuu naawilayaa in uu u dhoofo dhanka Kanada waa haddii ay dowladda Kanada sidaas ogolaatee.

Linkigan hoose ka daawo barnaamij gaaban oo loogu magac daray Safarkii Ismaaciil!:

http://www.thestar.com/videozone/872865--the-journey-of-ismael

 Sidoo kale waxaa linkigan hoose ka aqrisan kartaa qormo ku saabsan safarkii Ismaaciil:

http://www.thestar.com/news/world/article/872866--canadians-help-teen-tortured-by-insurgents-escape-somalia

halgankanet


HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJ LOOGU MAGAC DARAY "SAFARKII ISMAACIIL" WIILKII ALSHABAABKU LUGTA IYO GACANTA KA GOOYEEN

Ciidmada AMISOM oo xalay madaafiic u qeybiyey magaalada Muqdisho

$
0
0

Duqeyntaan oo loo adeegsaday Madaafiicda BM-ka ayaa xalay waxay ku dhacayeen Xaafado badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigleey Boondheere iyo Kaaraan waxaana ku geeriyooday dad shacabka ah.

Xarumaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho ayay ka soo dhacayeen madaafiicda BM-ka waxaana magaalada inteeda badan laga maqlayay Guuxa madaafiicdaas oo ay ridayaan Ciidamada AMIDSOM.

Dadka ku dhaqan xaafado badan oo ka tirsan Caasimada ayaa isaga kacay hurdada markii ay bilowdeen duqeynta xoogan oo loo geysanayo magaalada taas oo dadka qaar ay sheegeen in ay u qaateen in diyaarado dagaal ay magaalada duqeynayaan.

In ka badan 3 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 7 kalana waxaa ka soo gaaray dhaawac duqeynta AMISOM ay xalay kula dheelmatay magaalada Muqdisho iyadoo Isbitaalada magaalada la gaarsiiyay dhaawacyadaas.

Hirgelintii Shareecada islaamka dowladu ma ka laabatay? Madaxweyne Shariif ayaa ka jawaabaya su'aashan

$
0
0

Inkastoo sida dad badani qabaan ay dowladu fursad u weysay hirgelinta Shareecada Islaamka dagaalada aan dhammaadka laheyn ee ka dhanka ah dartood ayaa waxaa hadana mudan in wax la iska weydiiyo Hirgelintii Shareecada Islaamka ee dowladu balanta ku qaaday xagey ku dambeeysay, ma dhjinac beey isaga dhigeen mise tabar ayeey u waayeen? 

Mudo sanad ka badan ayaa  laga joogaa markii labada gole ee dowladda Soomaaliya ay si aan kala har laheyn qalinka ugu duugeen Hirgelinta Shareecada islaamka, taas oo loola jeeday in min tin ilaa cirib hay'adaha dowladda iyo adeegyada Buulshada ee caadiga lagu saleeyo Kitaabka Alle (SW) iyo Sunnada Nabigeena Suuban (CSW).

Madaxweyne Shariif oo Jameeco u badan Dowladiisa salaadi Jimcaha ee shalay ka dib kula hadlay Masjid ku yaal gudaha Madaxtooyada ayaa sheegay in Dolwadu weli ku taagan tubtii ay u mareysay Hirgelinta Shareecada Islaamka islamarkaana aysan ka laabaneyn balantaas waajibka ah waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha oo aan waqtigaas wax su'aalo ah la weydiineyn ayaa shaqsiyan ku dooday in uu u soo jeestay dhaqaajinta barnaamij ballaaran oo Shareecada  Islaamka dalka dhamaantiis looga hirgeliyo waloow uu carabka ku dhuftay in shacabka u baahan yahay baraarujin iyo ka dhaadhcin in Kitaabka Alle (SW) iyo Sunnada Nabigeen (CSW) wax aan aheyn aan lagu dhaqmeyn dhibta jirtana aan looga bixi karin.

Haa-haabasho waa hagar la'aan waxaa ku maahmaahda Soomaalidee ma la oran karaan haba yaraatee dowladu waa awoodi kartaa in ay hirgliso Shareecada Islaamka gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku heyso?

halgankanet@gmail.com

Afhayeenka Booliska, Bariise; " Dagaaladu waa sii soconayaan inta aan dalka ka saareyno Alshabaab iyo shisheeyaha la socda"

$
0
0

Cabdillaahi Bariise, afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Muqdisho kula hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheeyay in dagaalada dowladu kula jirto Alshabaab ay sii soconayaan.

"Alshabaab waxay dalka keeneen dad Shisheeye ah oo dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed sidaas darteed waa naga go'an tahay in aan kuwaas dalka dagaal uga saarno" Afhayeenka Booliska, Bariise oo ka warbixinayay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Dhanka kale dagaalada ka socda dalka ayuu sheegay in ay uga adkaanayaan Alshabaab haddii sida uu hadalka ay dadku dowladooda gacan iyo garab siiyaan, dagaalkana qaabab kal duwan uga qeybqaataan.

Hadlaka Taliska Booliska ka soo yeeray ayaa jawaab u ah hadalkii maalmo ka hor ka soo yeeray Alshabaab ee meesha ka saaraya in ay nabad ku bedelanayaan dagaalada ay dowladda kala soo horjeedaan.

halgankanet@gmail.com

Xisbul islaam oo sheegay in ay wadahgadal la gelayaan Dowladda uu hogaamiyo Sheekjh Shariif laakiin Shuruud ku xiray

$
0
0

Ururka Xisbul islaam ee dagaalka kula jira dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif ayaa daboolka ka qaaday in ay diyaar u yihiin wadahadal iyaga iyo dowladda dhexmara haddii ay dowladu hal shardi fuliso.

Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Xisbiga ayaa si cad u sheegay in Xisbigu ay wadahadal la gelayaan dowladda haddii ay dowladu dalka ka saarto Ciidamada AMISOM waa siduu hadalka u dhigaye.

Shiikhu wuxuu ku celceliyay in inta dalka ay joogaan ciidamada AMISOM aan dhankooda laga sugeyn wax nabad ah oo ay kala hadlaan dowladda, dagaaalada ka dhanka ah dowladda iyo AMISOM:na ay sii wadayaan ilaa ay cadawgani dalka ka baxayaan ama laga saarayo.

Hadalkan oo yara ka dabacsan hadalada Alshabaab ayaa ku soo aadaya xili dagaalo lagu hoobtay ay dhammaan saameyay gobolada ku yaal Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, dgaaaladaas oo u dhexeeya Alshabaab iyo Xisbul islaam oo dhinac ka soo jeeda iyo Dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhanka ka soo jeeda.

halgankanet@gmail.com

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live