Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qiima dhimis taleefoonada bariga Africa

$
0
0

Soomaaliya oo xirtay safaaradaheeda

$
0
0

Dalal laga gargaarayo ebola

$
0
0

Dambiyo ka dhacay DR Congo

$
0
0

EU oo ka hortageysa jihaad doonka

$
0
0

Heesaa u dhalatay Nigeria

$
0
0

Taariikhda Fanaanka Rashiid Bullo

$
0
0

Xaaladda cudurka Ebola

$
0
0

Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! Qaybta-1aad

$
0
0

Habowga iyo ka hadfidda hilinka toosani waa wax la fil ah jiritaanka aadanaha, xilliyada iyo duruufuhu waxay mar mar abuuraan aragtiyo aan sal adag ku qotomin laakiin sidii dhalanteed ay dad badani moodaan goob roob mahiigaan ahi maaruqay oo meel walba biyo ka muuqdaan, dhab ahaanse meesha waxaa ka muuqda wirwir ee wax muuq biyood ahi meesha kama dhowa.
Hummaagga casriyeynta diintu waa mid soo maray welina ka jira dunida aynu ku noolnahay, ragga horfiiqda u ahaa aragtidaan waxay ka dhex abuurmeen jab iyo haantaa wilif ku dhacay dunida Islaamka, qaarkood waxay ka ahayd niyad wanaag, waxay dhex muquurteen arrimo ka mid ah sooyaalkii ummadda muslinka ah, waxay aad u ceebeeyeen dadkii muslinka ahaa, waxay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan caqligoodu taran lahayn ee arki jire doon ah, waxay la noqotay in sooyaalka ummaddu aanu la jaan qaadi Karin casriga.
Raggaanu waxay aad u cuskadeen caqliga, waxay wax walba halbeeg uga dhigeen caqligooda, illaa ay kitaabka iyo sunnada ka hormariyeen, waxay u weel qaadeen sidii shareecada loo casriyeyn lahaa, sidii ay kuwii reer galbeedkuba yeeleen ayaga hortood, raggaas afka carbeed waxaa loogu yeeraa (Casraaniyiin) oo ah casriyeeyeyaal, haddaba bal aan qeexno eraygaan.
Casriyeyn (Alcasraaniyah): (waa dhaqdhaqaaq isu taagay dib u cusbboonaysiinta diimaha waaweyn oo dhan sida Kiristanka, Yuhuudda iyo Islaamkaba) , waana waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Modernism).
Erayga Casriyeyn looma wado in lagu abtirsado casriga ee waa eray bixin gaar ahaaneed sidaa darteed ayaa lagu qeexaa eraygaan in uu yahay sidaan soo socota.
Alcasraaniyah (Modernism): (Casriyeynta diintu waa aragti diimeed ku qotonta rumaysnaan la rumaysanyahay in horumarka cilmiga iyo dhaqanka casriga ahi ay khasbayaan in dib loo fasiro aqoonta diinta ee aan sidii hore loo dayn, ayada oo laga dab qaadanayo falsafadda cilmiga ah ee xilligaas hormuudka ah) , qoladaani waxay u suxulduubeen in diinta la ogolaysiiyo ilbaxnimada reer galbeedka iyo aragtidooda, taas oo ah mid ku barbaartay namasta dhaqankii giriigga, sidaa darteed waa in diinta loo faruuryo xiraa ilbaxnimada reer galbeedka waana in nolosha lagu jaangooyaa iyada.
Qoladaan casriyeyntu ma leh hayb diineed, waxay horay uga soo dhex samaysmeen diimaha kiristanka iyo yuhuuddaba, inksta oo labadaan diimood ay yihiin kuwo aadane ku falaaday oo laga dhalan rogay sidii Alle u soorogay haddana raggii hoggaanka ka ahaa diimahaan aad ayey uga cawdeen qoladaan.
Biyuuskii 10aad Pope Pius X ayaa yiri: (haddii qof isku dayo in uu shar oo dhan kulansado si uu iimaanka u dhaawaco marna ma gaari karo xagga xumaanta meesha ay Casraaniyiintu gaareen)
Waxaan marna is qabanayn in qofku yiraahdo waxaan ahay muslin misana waxaan diinta u sandullaynayaa garaadkayga ama garaadka rag kale, waxaan diinta u fasirayaa sida casrigu rabo ama la jaan qaadi karta dhaqanka reer galbeedka, oo waliba ku andacoodo waxaan uga dayanayaa taas sidii nimankii reer yurub ee diinlaaweyaasha ahaa uga horyimaadeen kaniisadihii ay hoggaaminayeen baabayaasha baadiyeysan!, waa yaabe soo diinta Islaamku ma aha diin xaq ah?, soo diinta Islaamku ma tirtirin xaqnimada diimaha kale?, dhanka kale miyaan diinta yuhuudda iyo tan kiristankaba aadane ku falaadin oo hadba wax ka beddelin?, miyaanay ahayn diimo la nasakhay?, haddii jawaabtu haa tahay soo qofka leh sidii diinlaawayaashii yurub kaniisadaha ula dirireen ayaan anana ula diriraynaa Culimada, Fiqhiga iyo diintaba ma aha qof habowsan oo hummaag beenihi u muuqdo!, maxaa yeelay wuxuu is feer dhigayaa xaq iyo xaq darro, wuxuu isu ekaysiinayaa Malab iyo Dacar!.
Haddii aan damacno in aan u abtirinno Casraaniyiinta cusub ee muslinka wareeriyey waxaan oran karnaa waxay bahwadaag yihiin qoladii galbatay ee la oran jiray Muctasilada,maxaa yeelay Muctasiladu waxay wax walba ka hormariyeen caqliga kitaabka iyo sunnadaba ha ahaatee, casraaniyiintuna waa tabtoodii, Muctasiladu waxay sameeyeen in ay aayaadka muxkamka ah u fasiraan sida caqligoodu hadba rabo, waana tan ay ku dhiseen aasaasyadooda shanta ah , sidoo kale Muctasiladu waxay diideen xadiisyada hal saxaabi wariyey (Al aaxaad), intaa kuma joogsan ee waxay diideen xadiisyo dad badani wariyeen (Al mutawaatir) markii uu caqligooda nus wiqiyadda ah u cuntami waayey, si taasi ugu suuq gasho waxay weerar qaawan ku qaadeen qaar ka mid ah saxaabada Allaha ka raalli noqdee.
Aragtida Muctasiladu waxay fursad siisay Casraaniyiinta cusub ee abuurmay xilli reer galbeedku ka itaal roonaaday dunida muslinka ah, Mustashriqiinta iyo hay’adaha kiristaamayntuna ay ku xoogaysteen dunida islaamka, sidaa darteed ragga casri is moodka ah waxaa mad-hab u noqday in ay daba gucleeyaan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka khayr iyo sharba.
Muctasiladu waxay ku saamoobeen falsafaddii giriiggii hore, tii hindida iyo suugaantii reer beershiya (Faaris), waxaa xusid mudan in hormuudka Muctasiladu u badnaayeen beershiyiin, sidaa darteed waxay qur’aanka u fasireen si waafaqsan falsafadahaas, waxayna beeniyeen xadiis walba oo falsafaddaas ka hor jeeda.
Muctasiladu waxay isku dhereriyeen saxaabadii A.K.R.N ayaga oo leh waa aadane oo wax baa laga sheegi karaa, dhabtuna waa in xadiisyada ay wariyeen ay ka hor imaanayaan aasaasyadooda gundhigga u ah, haddaan xoogaa kaaga tilmaamo aflagaaddadii ay gaysteen madaxdoodu waxaa ka mid ah.
Camr ina Cubayd: waa oday ka mid ah hormuudka muctasilada wuxuu yiri: ( Alle ayaan ku dhaartaye haddii Cali, Cusmaan, Dalxah & Subayr ay ka markhaati kici lahaayeen kabo yeeshood (suun dambeedkood) ma aanan aqbaleen), sidoo kale wuxuu yiri: (Maxaad maarriin madow xiga ku falaysaa (Samrah) Allaha xumeeyee) ogoow wuxuu caayayaa Samurah ina Jundub A.K.R.N.
Waa caado lagu yaqaan dadka lunsan in ay u gafaan saxaabada, culimada, diinta iyo wax alle wixii ay u arkaan in ay ka hor imaanayaan mabaadii’dooda qalloocan, waxaad u jeeddaa Muctasilgaan iyo ragga uu caayayo inta ay isu jiraan, waxaan ka duwanayn kuwa cusub ee soo biloday bilowgii qarnigii tegay oo ilaa hadda jooga, inkasta oo aan afsoomaali lagu qori jirin aragtiyohooda misana maanta waa la bilaabay in laynoo soo turjumo Casraaniyiinta iyo kuwo kale oo aan ka fogayn qabkooda sida Shiicada, Qur’aaniyiinta, Cilmaaniyiinta, Mustashriqiinta iwm, waliba waxaad arkaysaa ayadii oo laysku soo barxay kulligood ama qaarkood.
Casraaniyiintu waxba reebi maayaan, xadiiskii aan dhaqanka iyo ilbaxnimada reer galbeedka la jaanqaadi Karin waa waxba kama jiraan, Fiqhiga diintu waa waxba kama jiraan, axkaamta qaybteed waa sidoo kale, culimadu waa Rabbi iska yeel!, waxaas oo idil waa qiiq isku qarin ee ujeeddada dhabta ahi waa dumin lagu duminayo diinta Islaamka, waxaan soo xusuustay tixdii ahayd.
Haddii uu Aboorkii Maskii ka ilko weynaaday
Oo Aarkii libaax ahaa Dawaco ka ashtakoonaayo
Ari geel harraatiyeyna waa la arki doonaa
Aniga oo si mug leh uga warrami doona Casraaniyiinta guud ahaan, ayaan rabaa in aan idiin tilmaamo meesha ay ku abtirsadaan aragti ahaan, maadaama Muctasilada caqligu uga horreeyo kitaabka iyo sunnada Casraaniyiintuna waa sidoo kale, maadaama Muctasiladu ay ka cabtey togaggii wasakhaysnaa ee falsafiyiintii giriiggii hore, hindidii iyo beershiyiintii Casraaniyiintuna waxay ku daba tukadaan falaasifadii iyo diinlaawayaashii reer yurub ee kaniisadaha ka horyimid sida Kaaral Maarkis iyo kuwa la halmaala, Muctasiladu waxay diideen xadiisyo badan oo falsafadda ama caqligooda ka horyimid Casraaniyiintuna waa sidoo kale waxaaba ayaga u sii dheer aragti ka dhalatay baqdin, Muctasiladu waxay diideen axkaam badan Casraaniyiintuna waa la mid oo waxay diideen xukummada kala ah Riddada, Rajmiga iyo qaar kale.
Muctasiladu waxay caayi jireen saxaabada A.K.R.N qaar badan oo ka mid ah si ay u diidaan xadiisyada ay weriyeen, Casraaniyiintu waxay caayeen saxaabo, fuqoho iyo culimo waaweyn si ay u diidaan qodobbo asal ah oo diinta xaggeeda lama taabtaan ah, waa sidii dibjir aan waligii tacliin arag oo leh cuf isjiidadku (Garvity) waa been oo waxaa ii sheegay saaxiib hore oo koollada dhuuqi jirey!, marka waxay la ollogyihiin oo ay ka dab qaataan qoladaas inkasta oo ay wax ku kala duwanyihiin haddana waa sidii wiil iyo aabbihii.
Ninba bartii aabihii maruu budulki raacaaye
Basarkaygu waa kaa haddaad baran siciidoow e. C.Y.Keenadiid
Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuurfuadaflow@gmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somali Diaspora is the backbone to the rebuilding of Somalia

$
0
0

Washington, 09 October 2014 – H.E. Mustafa Duhulow, Minister of Information today thanked US Government and Somali Diaspora in the US for their commitment and support to Somalia.
The Minister said “My visit to Washington DC, Virginia, Minnesota and Columbus Ohio from 28 September to 08 October 2014 gives me more hope, renewed energy and commitment to advance the peace and stability in Somalia. I am honored and thankful for the commitment, dedication and support shown to me by the US Government officials and Somali Diaspora in the United States of America.”
The Minister of Information had meetings with State Department and other departments in US Government. The Minister updated the US Government officials the political, security and economy progress in Somalia for the last two years. The aim of the visit to Washington DC was to enhance the strong ties and relationship between the two countries and in particular the Media Development in Somalia.
The Minister continued to say “I am struck by the dedication of US Government, the commitment and the leadership shown to me during my meetings with officials. The US government is the lead country that has been supporting Somalia for a very long time including during the civil war and they are now ready to rebuild Somalia so that it will become a useful nations of the world. Without the help and the assistance of the US we would not have achieved much. We should honor the sacrifices made by the US to Somalia in order to bring peace and stability. The killing of Godane, the support of Somali National Army and AMISOM, the humanitarian assistance, the political support and many more are examples of how US is ready to enhance our mutual interest for the sake of Somali people.”
The Minister visited Minnesota and Columbus Ohio and had meetings with Somali Diaspora. “Somalis in the Diaspora that I met really gave me a renewed energy and I was very happy to see so many of them hugely welcoming us in Minneapolis and in Columbus Ohio. I saw a community that is vibrant with a sense of nationalism and I am very proud of them. They are not only integrating into the US society but they are also making valuable contributions to the US. I had the opportunity to celebrate with them during Eidul Adha festivals by visiting Somali Malls in Minneapolis and in Columbus Ohio, praying with them at the Convention Centre in Minneapolis and meeting with them in community events in Minneapolis and in Columbus Ohio. My message to them was that they should organize themselves to take part of the rebuilding of Somalia while integrating and making valuable contributions to US society. I also asked their support in stopping our young people joining terrorists groups such as ISIS, Al-Qaeda and Al-Shabaab. Community leaders, religious leaders and parents have a huge role to ensure that our young people are giving job opportunities and all the support they need that can give them a hope, which in turn can stop them joining terrorists groups.” The Minister said.
The Minister concluded” “Somalis in the Diaspora are already making huge contributions to Somalis in terms of economy, political and security. I am very proud of them and I want them to continue to represent the country and to become ambassadors of Somalia. I would like to finally encourage Somalis in the Diaspora to work with the Federal Government of Somalia in order to stop the looming humanitarian crisis in the country. Somalis in the Diaspora have a huge role to play in the democratization process so that in 2016 we will be able to hold fair and free elections in Somalia.”
ENDS – Ministry of Information, Somalia, media@moi.gov.so
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maraakiibta NATO oo fatashi doona doonyaha dhuxusha wada

$
0
0

Kn: Kadib markii dhawaan magaalada Baraawe laga saaray Alshabaab, halkaasi oo ahayd meeshii dhuxusha ugu badan ay ka dhoofi jirtey ayaa waxaa soo baxaya talaabooyin dheeraad ah oo la’isku hortaagayo dhoofka dhuxusha oo la rumeysanyahay in ay tahay il dhaqaale oo Alshabaab wax ka helaan.
Inkasta oo Baraawe iyo Kismaayo laga saaray Alshabaab, hadane Qaramada Midoobey waxa ay rumeysantahay in Alshabaab ay dhuxusha ku canshuuraan dhulka miyiga ah ee ay ku suganyihiin, halkaasi oo dhuxusha laga soo jaro.
Waxaa haatan miiska saaran qorshe cusub oo la doonayo in maraakiibta NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay baaraan doonyaha ka yimaada Soomaaliya si ay isu hortaagaan in dhuxusha la dhoofiyo.
Wadamada Kaliijka ayaa aad looga jecelyahay dhuxusha Soomaaliya ka timaado maadaamaa ay hurto saacado ka badan dhuxusha kale ee ka timaada wadamada kale sida Suudaan oo kale.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda Hoose ee Minneapolis oo ansixisey mataaneynta Boosaaso

$
0
0

Kn: Dowladda Hoose ee magaalada Minneapolis ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qorshe la horkeeney oo ahaa in ay magaaladani la mataanoowdo magaalada Boosaaso ee Soomaaliya.
Boosaaso ayaa haatan si rasmi ah ugu biireysa liiska magaalooyinka mataanaha la ah Minneapolis oo ay ka midyihiin magaalada Tours ee dalka Faransiiska, Najab ee dalka Ciraaq, Ibraki ee dalka Japan iyo waliba Uppsala ee dalka Sweden.
Waxa haatan bilaabanaya xiriirka dhaqan-dhaqaale ee labada magaalo.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

$
0
0

Garoowe, 10, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu maanta uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegada diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarraysa Puntland oo uu ugu horreeyo Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Golayaasha Maamulka, wax-garad, haween iyo shacab aad u tira badan.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loogu soo sameeyey Garoowe, waxana uu sheegay inay ka markhaanti kacayso sida ay dadka Puntland ugu heellan yihiin midnimada dalka iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliya, iyagoo wax badan ku biiriyey geedi-socodkii loo soo maray Dawladda Federaalka Soomaaliya.Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay muhiimad weyn siinayso gaaritaanka Dawlad Goboleedyada, maamullada iyo gobolada uu dalku ka kooban yahay si loo adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqaynta oo la doonayo inay ku dhisnaadaan is-ixtiraam, daacadnimo, daah-furnaan iyo u adeegidda danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in uu filayo in safarkan uu ku joogo Puntland uu meesha saari doono gaabis ku yimi xiriirka iyo wada-shaqaynta Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Mudane Cabdiweli ayaa tilmaamay in Puntland ay mar walba ka mid ahayd horseedka dadaalada loogu jiro nabadda iyo dawlad-dhisidda ee Soomaaliya, sidaa awgeedna loo baahan yahay in kaalintaasi ay mar kasta qaadato.
“Waxaan marka kowaad u mahadcelinayaa Madaxda iyo shacab weynaha sharafta badan ee Puntland ee maanta aniga iyo waftigayga nagu soo dhoweeyey magaalada Garoowe. Soo dhoweyntan aad noo fidiseen waxay ka markhaanti kacaysaa sida ay idiinka go’antahay midnimada Soomaaliya iyo wada jirka dadkeeda.
“Xukuumadda aan hoggaamiyo waxa ay ku shaqayneysaa aragti cad oo ah ka adkaynta midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya, waana in ay arrintani ku salaysnaataa is-ixtiraam, daacadnimo iyo in cid walba ay hesho xuquuqda ay leedahay iyadoo waajibaadka qarankana loo sinaanayo”
Dhinaciisa, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Puntland, waxana uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso in Dawladda Dhexe wax ka qabato tabashooyinka ay qabaan.
DHAMMAAD
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wakaaladaha Wararka ee SONNA iyo Xinhua oo heshiis kala saxiixday

$
0
0

Kulan galinkii dambe ee maanta magaaladda Muqdisho ku dhaxmaray mas’uulayiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo mas’uulayiin ka socday Wakaaladda Wararka dalka Shiinaha ee  Xinhua ayaa waxaa looga hadlay  sidii iskaashi dhanka Warhaabinta u dhaxmari laheyd labadda Dowladdood.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  ku-simaha Wasiirka  ahna Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Warfaafinta  iyo Hauuninta Dadwaynaha iyo ku-simaha  Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxaa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhex maraya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, waxaana heshiiska Wasaaradda Warfaafinta u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, iyadoo dhanka kale uu u saxiixay agaasimaha Wakaaladda Wararka ee Xinhua.
Warbahinta qaranka waxaa la hadlay  agaasimaha Wakaaladda Xinhua ee Africa Yuan Bingzhong, waxuuna hashiiskani  ku  tilmaamay mid taariikhi ah, ayna  dowladda Shiinaha ay u tahay fursad ay ku garab istaagayso dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta.
Agaasimaha  guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuunimta dadwaynaha ,mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa  sheegay  in uu ahaa kulanka mid is faham oo dhexmaray  mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, asagoo  intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay   hashiiskan  dhaxmaray Soomaaliya iyo Shiinaha.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la aas aasay sanadkii 1964-tii ayaa waxa ay tani u noqoneyso mid bilow u ah dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Wakaaladaha caalamka oo ay ka dhexeeyeen xagga isdhaafsi warar, waxaana Wakaaladda Wararka u faafisa Shinaha ee Xinhua la aas aasay 1931-kii
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha oo maanta tagay Degmada Cadale” Daawo Sawiradda + VIDEO”

$
0
0

Madaxweynaha Xassan Sheikh Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Arimaha gudaha iyo Taliyeyasha ciidamada nabadsugida ,xooga dalka iyo mudnaayal Barlamanka ah ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe,  halkaas oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Aragagxisada Al-shababab Waxaana Madaxweynaha ku soo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe iyo shacabka reer Cadale oo sacab iyo mashaxarad ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isusoo baxay ayaa mid mid u gacan qaaday isagoo ka xog wareystay xaaladda ay ku suganyihihin xiligian kadib heeryadii alshabaab,,cod
Nabadoon Muuse Maxamed Xasan oo ku hadlay afka odaaysha dhaqanka ayaa sharaxay baahida ka jirta deegaanka iyo isbedelka ay xiligan dareemeen.
Xildhiban Xasan Macalin oo kamid ahaa mas’uuliyintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in culeyska ugu weyn uu yahay wado la’aan heystada degmada kadib markii uu bacaad xoogan xiray wadooyinka soo gala.
Abaandulaha Ciidanka Amisom general Cusmaan Subagle ayaa tilmamay in ciidanka Amisom ay gacan ka geysanayaan sidii wadooyinka loo furi lahaa si dadka gargaar usoo gaaro.
Wasiiru dowlaha Wasarada Arimaha gudaha iyo Federalka Maxamud Macalin Yaxye ayaa sheegay in Wasarad Arimaha guduhu ay dhameystireyso waxyabaha ka dhiman in mamaul buuxa uu ka shaqeeyo degmadaasi.
Madaxweynaah Soomaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo meel fagaare ah kula hadlay dadka ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay dadaal culus u galeyso sidii looga haqab tiri lahaa dhinacayada caafimaadka waxbarahsada biyaha dib u dhiska wadooyinka soo gala deegaanadan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in goobaha laga xoreeyay kooxda Al-shabab oo ay degmada Cadale ay kamid tahay aanay ka dhici doonin in la dhibaateeyo dadka ku nool iyo dhalinayarada iskaga harta fikirkii Al-shabab.
Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa ayaa kusoo wareegay Suuqa degmadaasi isagoo weydiiyay hadii jirto dhibatoyin ay qabaan,dhinaca kale madaxweynaha ayaa booqday xeebta degmada Cadale iyo doonyaha ay ku kaluumeystaan dadka deegaanka iyo ganacstadaba.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay booqashada Ra’iisul wasaaraha uu ku tegay Puntland “War-saxaafadeed”

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu maanta booqosho ku tagayaa Puntland, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan aaminsanahay Soomaaliya oo nabad ah midaysan waxaa la heli karaa oo kaliya marka aan cod midaysan ku hadalno isla markaana fikradaheena iyo dadaalkeena aan ku midayno horumarinta danta qaranka. Puntland waxa ay hormuud ka tahay dadaalka federaalaynta dalka.
Booqashadan waxa ay qayb ka tahay sida ay nooga wada go’an tahay in aan si joogta ah isu dhagaysano isla markaana uwada tashano si Xukuumadda Federaalka noogu wada adeegto. Waxaan ku amaanayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland dadaalkooda. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu 12 Oktoobar kala qayb gali doonaa dadweynaha iyo hogaanka Puntland munaasabada dabaaldega Maalinta Calanka Soomaaliyeed.
Maanta caqabada badan ayaa na horyaala balse waxaan lee nahay dhabar adeeg aan kaga gudubno. Dadaalkeena iyo Ana oo kaalmaysanayna Ilaah waan awoodnaa Soomaaliya in aan ka dhigno wadan nabadeed 2016.
Mahadsanid
Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bandhig faneed balaaran oo lagu muujinayay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho”Sawirro + VIDEO”

$
0
0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Burci’ Maxamed Xamza ayaa ka qeybgalay xalay fiidnimadii bandhig faneed si wadajir ah markii ugu horeysay muddo 24 sano ah kadib ay uga dhigeen Caasimadda Muqdisho fanaaniinta qaranka Soomaaliya  iyo fanaanad u dhalatay dalka Talyaaniga , laguna maamuusayay xiriika iyo iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga .
Bandhig faneedkan oo sidoo kale qeyb ka ahaa qaar ka mid ah cayaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalidu leedahay , ayaa waxaa dhanka fanaaniinta qaranka ka muuqday Shimaali  Axmed Shimaali iyo Nimco Xasan, halka fanaanada caanka ah ee u dhalatay dalka Talyaaniga Monica Cerri ay ku soo bandhigtay halkaasi heeso kala duwan .
Gaba-gabadii bandhiga ayaa hadal uu ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza uu ku sheegay isku imaatinkani inuu muujinayo ifafaalaha nabadeed iyo himilooyinka guusha leh ee Caasimadda Muqdisho ay naawileyso , isagoo tilmaamay in Muqdisho ay dib u gocaneyso soo ceshashada maalmaheedii xusuusta lahaa ee nabadda iyo isdhexgalka bulshada .
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay oo munaasabadan ka hadlay ayaa isna sheegay in Muqdisho ay ku jirto maalmihii deganaanshaha , waxa  uu yiri “ muddo sanad ah oo aan  ka howlgalayo Soomaaliya , waa ii farxad inaan arko xaflad faneed ay ka muuqato fanaanada Talyaaniga Monica Cerri , waxa ay tani bilow u tahay wanaaga cusub iyo mustaqbalka deganaanshaha Soomaaliya”.
Safiirka dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Fabrizio Marcelli  oo hadal kooban ka jeediyay xafladan ayaa cadeeyay in dowladdiisu ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Soomaaliya , isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinka colaadaha sokeeye iyo falalka argagaxiso ay u geysteen hanaanka dowladnimada iyo deganaanshaha.

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Munaasabad lagu xusaayay maalinta Caafimaadka Dhimir oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

Munaasabadan oo loogu dabaal degayay  maalinta caafimadka Dhimirka  Aduunka  ayaa waxaa soo  qaban qaabiyay  Xabeeb Health Mentahl Foundation waxaana ka soo qeyb galay  xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya,Ururka  Haweenka Qaranka, kan gobolka Banaadir  qaar kamid maamulayaasha Jaamacadaha magalada Muqdisho ku yaala,Aqoonyahno,   aradayda wax ka barata   qaar kamid Jaamacadaha , Saraakiisha, Fanaaniinta  Hobolada  Waaberi,Heegan,Onkod,Horseed, odayaal dhaqameedyo iyo marti sharaf kale  oo lagu casuumay  xaflada oo lagu  qabtay  hoolka  xarunta Akadeemiyada Boliiska ee General Kaahiye  ee  magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn waxaa munasabada   ka  hadal kooban  ka jeediyay Taliyaha Akadeemiyada Boliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye C/rashiid Aadan  Xirsi isagoo  u mahad celiyay Dr Xabeeb  dedaalka dheeriga ah oo uu u sameeyay dadka Dhimirka  la’a.
Dr  C/raxman Cali Cawaale  Dr  Xabeeb  oo ka hadlay  munaasabada ayaa sharaxaad ka bixiyay maalintan weyn ee suska maalinta   caafimaadka  ee dhimirka isagoo sheegay  in  sanadaha dambey ay soo badanayaan dadka qaba  xanuunka Dhimirka loona baahan yahay in lagu buraarugo.
Gudoomiyaha  guddiga Adeega bulshada ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Xildhibaan Cisman Maxamed Maxamuud  oo loo yaqaano Dr Dufle  ayaa sheegay in maalinta  caafimadka Dhimirka  Aduunka ay tahay maalin aad ugu weyn Bulshada Soomaaliyeed wuxuuna  amaan  u soo jeediyay  Dr  xabeeb  juhdiga  uu ku bixiyay  u gar gaarida  dadka qaba  cudurka Dhimirka .
Gabagabadii  munaasabada ayaa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay Wasiirka Wasaarada  Howlaha Guud iyo Guryeynta  Eng.  Nadiifo Maxamed  Cismaan oo sheegtay in waajib saran ay tahay  bulshada Soomaaliyeed   in ay   caawiyaan walaalahooda dhimirka  la’a oo ku dacdareysan Wadooyinka Muqdisho.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta booqday Degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. (DAAWO VIDEO)

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi oo ay kamid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray degmada  Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markii ay gaareen Cadale waxaa halkaasi si weyb ugu soo dhoweeyay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Cadale.
Fagaare ku yaala degmada Cadale ayaa waxaa boqolaal dadweyne reer Cadale kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu horeyntii ka hadlay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe asagoo sheegay in deegaanada dhowaan laga saaray Al-shabaab dadka ku nool ay u baahn yihiin gargaar bani’aadnimo, waxaana sidoo kale sheegay in degmada Cadale aysan jirin ciidamo Boliis iyo Nabadsugid oo hadda ka howlgalaya loona baahan yahay in si deg deg ah loo soo gaarsiiyo.
Sidoo kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa waxaa ay ka cawdeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Cadale taas oo ka dhigtay in ay yareeto adeegyada ay bulshada reer Cadale ay u baahnaayeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u balan qaaday dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Degmada Cadale in dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiin doonto adeegyada guud oo dadweynuhu ay u baahan yihiin inta karaankeeda. asagoo ka codsaday dadka ku nool gobolka Shabeelaha Dhexe in ay ka shaqeeyaan nabadgeliyada iyo hormarka kale oo dadka ay u baahan yihiin.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeedo wax kasta oo dhibta oo soo gaara dadka Soomaaliyeed asagoo ciidamada ugu baaqay ilaalinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed.
Degmada Cadale ayaa waxaa kamid tahay deegaanadii dhowaan laga saaray looxaha Al-shabaab Al-Qaacida, taas oo mudoo 3 sano ka badan gacanta ugu jirtay kooxaha arxan laawiyaasha ee Al-shabaab.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

SOMALIA:- Prime Minister of the Federal Government of Somalia visits Puntland

$
0
0

October 10, 2014
Press Release
Mogadishu, 10 October 2014
Today, the Prime Minister of the Federal Government of Somalia is visiting Puntland which is a part of the Federal Republic of Somalia.
I believe very strongly, as does the Prime Minister, a united, strong and peaceful Somalia is possible only when our collective voices are heard and when our ideas and efforts are united and committed to our national cause. Puntland is a leading state when it comes to the federalism process.
This historic visit is part of our collective commitment to listen and consult broadly and repeatedly so that the Federal Government can work for all of us. I commend the Prime Minister and President of Puntland for their efforts. This visit coincides with the Somali National Flag Commemoration Day- 12th October.
Today, the challenges of our nation are truly pressing, but none are as strong and lasting as the resilient of our people. With commitment and with the grace of God, we can and we will have a united and peaceful Somalia by 2016.
Thank you.
Hassan Sheikh Mohammed
President of the Federal Republic of Somalia
For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Office of the Somali President
Email: shadorhaji@presidency.gov.so