Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay shirka Copenhagen

$
0
0

AMISOM Oo Soo Dhaweysay Dhismaha Maamulka Koonfur-galbeed

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho) 19, Nov. 14– Madaxa Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman Sidikou ayaa soo dhoweeyay dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka cusub.
Maamulka cusub ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa isku keenaya gobollada saddexda ah ee Baay,Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Danjire Maman ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dadka ku nool gobollada Koonfur-galbeed ay gacmaha is qabsadeen, ayna doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
AMISOM ayaa ku rajo weyn in maamulka cusub uu qeyb ka qaato dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Danjiraha ayaa ku ammaanay ciidanka AMISOM ee ku sugan Baydhabo sida ay u sugeen ammaanka goobta ay doorashada ka dhacday.
RBK
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

The UN gave millions to Somalia. Where did it go?

$
0
0

EXCLUSIVE: The United Nations for years handed out tens of millions of dollars to non-government organizations involved in humanitarian work in strife-battered Somalia with “no assurance” that the money was used for the intended purposes,” according ...
Weblinks: 

Jeffrey Feltman : Somalia better off than it was previously

$
0
0

Copenhagen ( DIPLOMAT.SO) – Somalia’s positive strides do not mean “plain sailing”, the United Nations political chief stressed today, telling a high-level forum in Copenhagen that the international community must continue to support the Horn of ...
Weblinks: 

Somalia: High Level Partnership Forum endorses a Communiqué

$
0
0

Copenhagen, 19 November 2014 –The first annual Ministerial High Level Partnership Forum was held in Copenhagen 19-20 November, co-chaired by HE Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Government of Somalia, and the United Nations, and hosted ...
Weblinks: 

Somalia: Somali President’s keynote speech in Copenhagen

$
0
0

If you search for books on Somalia, you’ll come across a slew of titles featuring phrases like ‘the world’s most dangerous place’, ‘outlaw state’, and ‘failed’ and ‘fragile’. For decades, Somalia was synonymous with pirates, terrorists ...
Weblinks: 

Foreign Secretary in Copenhagen to press for progress in Somalia

$
0
0

LONDON, United-Kingdom, November 19, 2014/African Press Organization (APO)/ — Foreign Secretary urges Somalia’s leadership to resolve political differences and focus on security and stability. Foreign Secretary Philip Hammond spoke at an international ...
Weblinks: 

Somalia American Killed

$
0
0

This photo taken Sunday, Sept. 29, 2013 and provided by the family of Abdullahi Ali Anshur, 60, shows the Somali-American from Minnesota at his office in Mogadishu, Somalia. Gunmen shot and killed Abdullahi Ali Anshur, an engineer from Minnesota who had ...
Weblinks: 


Daawo: Jaamacada Camuud Oo Kulan U Qabatay Ardayda Cusub Ee Sanadkan Soo Galaysa Jaamacada Oo Ah Ardaydii Ugu Tirada Badneyd

$
0
0

SOMALIA: Opening Remarks by USG for Political Affairs at the Ministeria l High Level Partnershi p Forum on Somalia in Copenhagen

$
0
0

Your Excellency, Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Government of Somalia, Your Excellency, Helle Thorning-Schmidt, Prime Minister of Denmark, Excellencies, Ladies and Gentlemen, I am honored to be with you today. I thank our generous hosts ...
Weblinks: 

Somalia: The Communique of the high level partnership forum in Copenhagen

$
0
0

1. The first annual Ministerial High Level Partnership Forum was held in Copenhagen 19-20 November, co-chaired by HE Hassan Sheikh Mohamud, the President of the Federal Government of Somalia, and the United Nations, and hosted by the Government of Denmark.
Weblinks: 

Somalia’s President keynote speech in HLPF Copenhagen,Denmark

$
0
0

Copenhagen ( DIPLOMAT.SO) Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud keynote speech in HLPF Copenhagen 19 November 2014. If you search for books on Somalia, you’ll come across a slew of titles featuring phrases like ‘the world’s most dangerous place ...
Weblinks: 

SOMALIA: Parliament Speaker says the House of the People has the capacity to resolve internal rift between President, PM

$
0
0

Mogadishu (RBC) Somalia’s Parliament Speaker Mohamed Osman Jawari has strongly reiterated that there is no need for foreign intervention to resolve the standing political rift between Somalia President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Abdiweli ...
Weblinks: 

International ministers 'press for progress' in Somalia

$
0
0

Fifty-six international delegations comprised of more than 300 people have gathered in Copenhagen to review progress on the New Deal Somali Compact aimed at building reconciliation in the beleaguered North African state. The High Level Partnership Forum ...
Weblinks: 

UK takes up Somalia’s case to Copenhagen: urges political stability

$
0
0

The United Kingdom has taken up Somalia’s case to an international meeting underway in the Danish capital, Copenhagen; where London is urging the leadership of the African nation to resolve their political differences and focus on security and stability ...
Weblinks: 


Nonprofit group gathers supplies to send to Somalia

$
0
0

A Bridgeport nonprofit group is gearing up today to send thousands of medical supplies to Africa. Connecticut Quest for Peace, located on Main Street, gathered thousands of medical supplies to send to Somalia. They say the donated materials are desperately ...
Weblinks: 

Dhageyso: Gudoomiye Jawaari oo Ku Baaqay In Lasoo Kala Dhex Galo Baarlamaanka

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidkaa ayaa sheegay in Xaalada Baarlamaanka ka dhextaagan  ay gaartay meeshii ugu xumeyd oo Labo garab ay u kala Jabeen islamarkaana uusan jirin Fadhiyadii Baarlamaanka.
Gudoomiye Jawaari ayaa Ururada Bulshada rayidkaa ka dalbaday in ay soo dhex galaan Arrinta Baarlamaanka oo ay la kulmaan Gudiyada Labada  Dhinac.
“Mooshin ma keeni karo waayo Mooshin waxaan keeni karaa markii uu jiro Baarlamaan wax iska maqlaya oo istixgalinaya,Xildhibaano ayaa isoo wacay oo igu yiri Fadhiga Baarlamanka markii uu Furmo Digri ayaan Qaadeeynaa”ayuu yiri Jawaari.
Hadalka Gudoomiye Jawari ayaa imaanaya,iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kala Jabay Labo Dhinac oo kala Taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Qaramada Midoobay Iyo IGAD oo Taageeray Doorashada Shariif Xasan

$
0
0

Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay dhismaha maamulka Seddaxda Gobol iyo doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan ay u soo jeedinayaan in maamulka uu gaarsiiyo dhammaan qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay maamulka, si heshiis looga gaaro wax ka qabashada caqabadaha mustaqbalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dhismaha maamulka Seddaxda Gobol uu waddada u furayo sidii beesha caalamka ay adeeg u gaarsiin lahayd dadka iyo sidii loo dhisi lahaa maamul shaqeeya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gobolka Bakool Iyo Macnaha Magaciisa. By: Maxamed Sheekh

$
0
0

Gobolka Bakool waa mid ka mid ahaa 18kii Gobol ee jamhuuriyaddii Soomaaliyeed, isla markaasna waqtigaan la joogo ee federaalka la noqday ka sii mid ah 3da Gobol ee uu maamulka (Koonfur-galbeeg) ka kooban yahay, kuna yaalla goob aad istiraatiiji u ah, hodanna ku ah xoolaha nool iyo beerahaba, isla markaana safka hore kaga jira meelaha uu ku dhaqmo Geela oogu badan ee ay Soomaalidu dhaqato, waliba nooca ugu dhaadheer ee aydimaha loo yaqaan, waxaana degmooyinkiisa ka mid ah:
1 – Xuddur oo magaala-madaxdii gobolka ah,
2 – Waajid,
3 – Ceel-barde,
4 – Yeed.
Gobolka Bakool wuxuu xuduudo kala leeyahay;
1 – Soomaali-galbeedda itoobiya ka taliso,
2 – Gobolka Baay,
3 – Gobolka Gedo,
4 – iyo waliba Gobolka Hiiraan.
Haddii aan marka hore magaca baay fasiro, Baay waa Buuro safan oo dushana ka siman oo aan kala sarsarreynin. sidaas darteed Baay macnaheedu waa dhulkii sare oo dhanka gedo markaad ka imaanayso ee aad luuq, beerdhuubo iyo baardheere ka soo dhaqaaqaysid waa inaad buurahaas safan kor u soo kortaa, markii aad xagga jubbada dhexe ka imaanaysid ee aad Diinsoor ka soo dhacaysidna waa inaad buuraha Gawraarta loo yaqaan ee dhagaxaantoodu ilka-ilkaha leeyihiin aad ka soo gudubtaa, markii aad xagga xamar ka imaanaysidna waa inaad buuraha safan ee maanyafuulku ka midka yahay ka soo kortaa.
Haddaba sida magaca baay uu u yahay mid ka turjumaya qaabka uu dhulka gobolku u sameysan yahay ayaa magaca Bakoolna uu yahay mid ciidda ama carrada Gobolka ka turjumaya oo waa noocyada ciidda mid ka mid ah oo gogolka aad oogu badan.
Ciidda Bakoolku waa ciid qalfiif ama aad daqiiq u ah oo caddaan-xigeen ah, markuu roob ku da’o oo ay qallashana labeen qolof oo kale ah ay dusheeda kore noqota oo dusha kore ka adkaata ayadoo hoosna budul nugul ka ah oo markii lagu dul soconayo shanqar dig-dig ah sameysa, ardaasheeda ku dul-ciyaarayana ay dhawaaq-dheerida jaantooda u bogaan.
Waa ciid roobkii hadda ku da’ay, dhadhankii xareedda horay ka baddasha oo biyii ka dhigta kuwo dadku ayna dhadhankooda jeclayn, haddii saabuun la is-mariyana dufankii saabuuntu ka sameysnayd kala jar-jarta oo ka dhigta mid jirka ku dhagdhagaysa, shaambadana aan wax u dhimaynin oo dadka Xuddur iyo waajid ku dhaqanba waxay caan ku jihiin isticmaalka shaambada iyo iska ilaalinta saabuunta, Hase yeeshee biyaha bakoolku xoolaha iyo duurjoogtuba aad bay u jecel yihiin oo markii neefku daaq ku filan iyo biyaha Bakoolka isla helo aad iyo aad buu u dhogor-quruxsanaadaa.
Waxaa ay biyaha Bakoolku xagga dhadhanka isu dhaw yihiin, kuwa waajeer’ta loo yaqaan ee magaalada wajeer ay magaca ka qaadatay. Haddaba ciiddaas nooceeda Bakoolka loo yaqaan ee aan kor ku soo sheegay, gobollada Baay – Gedo – iyo Hiiraanba meela-meelo kooban oo tan oogu baaxad weyn aan ku qiyaasayo dhawr iyo toban km kaliya ayey leeyihiin, mana aha kuwo sida midda Gobolka Bakool dhul weyn ku fadhiya, waana taas sababtuu Gobolku ku mutaystay in astaan Bakoolnimada lagu asteeyo. Ayadoo ay sidaas tahay, magaalooyinka Xuddur iyo waajid un baa goobo bakool ah ku yaala ee dhulka Gobolku wuxuu u badan yahay carra-gaduud, hadduusan nambar koowba ahayn wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ugu dhirta iyo xayawaanaadka badan.
Dadka reer-Bakool waa kuwo bay’addooda aad u fahamay, dhulkooda oo aan beernayn markaad daawatona waxaad moodaysaa meel aan beerashada ku habboonayn oo waxaad arkaysaa dhagaxaan beerahooda si teel-teel ah u dhex taal-taal oo waxaa la moodayaa inay dhagaxaantu iskood meesha isaga yaal-yaallaan, hase yeeshee xaqiiqadu taas way ka badalan tahay oo dadkii beeraha lahaa ayaa meesha si ugu talo-gal ah u dhig-dhigay oo maadaama ciidda bakoolka ah iyo tan gaduudanba ay dhooboyda ka qafiifsan yihiin, ayaa dhagaxaantu waxay ka difaacayaan dabaylaha iyo daadadka oo inay ciiddi kore nafaqaysnayd ay meesha ka qaadaan ayey u diidayaan, isla markaasna biyihii beerta qulqulidda ku dhaafi lahaa ayey dhagxaantu u hakinayaan.
Taasi waa xeelad Gobolka bakool u khaas ah oo caddeynaysa inay bay’addooda dadka kale ka yaqaannaan.
(Dhamaad).
W/Q: Maxamed Sheekh Cali.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Akhriso: War Murtiyeedka Ka Soo Baxay Shirka Hiigsiga Cusub ee Copenhagen

$
0
0

Shirka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Copenhagen ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa 24 qodob, iyadoo looga hadlay dhinacyo badan oo ku aadan hiigsiga sanadka 2016 sidii doorasho uga dhici laheyd
Hadaba Halkan Ka Akhriso War Murtiyeedka Shirka Laga Soo Saaray:
1. Shir sannadeedkii ugu horeeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ayaa lagu qabtay magaalada Copenhagen inta u dhexeysay 19 iyo 20 November, waxaana wada-shirguddoomiyay Mudane Xasan Sheekh Maxmuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay, waxaana martigelisay Dowladda Denmark.
2. Waxaa madasha shirka ku kulmay 56 wefdi (oo isugu jira dowlado iyo ururraba) si ay dib u eegid ugu sameeyaan wixii horumar ah ee la gaaray intii ka dambeysay Shirkii Brussels ee la qabtay bishii September 2013, halkaasoo lagu ansaxiyay Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kuna garwaaqsadaan caqabadaha lala kulmay sannadka 2014, isku lana gartaan arrimaha mudnaanta leh ee loo baahanyahay in la qabto sannadka 2015.
3. Ansaxinta Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ayaa astaan u ahaa marxaladda cusub ee xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Heshiiska Hiigsiga Cusub wuxuu asaas u yahay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku gaartay sidii lagu heli lahaa xasillooni iyo midnimo siyaasadeed oo ka hirgala Soomaaliya, iyadoo bulshada caalamkuna ay ka go’antahay inay ku taageeto Dowladda Soomaaliya go’aankaas.
4. Waxaynu soo dhoweynaynaa warbixinta ku saabsan horumarka laga gaaray Heshiiska Hiigsiga Cusub, oo ay ka midtahay warbixinta sannadlaha ah ee Hanaanka Gaarka ah ee Somaliland, taasoo noqoneysa raadraacii ugu horeeyay ee hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Waxaa sii wadi doonaa adeegsiga mabaadi’da Heshiiska Hiigsiga Cusub ee khuseeya dalalka jilacsan, oo ku saleysan isla xisaabtan hay’adaha Dowladda Soomaaliya iyo bulshada caalamka. Taasina waxay asaas u ah in qorsha horumarinta uu ahaado mid ay Soomaalidu leedahay, garwadeena ka tahay. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii waddo dadaalka ay ugu jirto sidii waxqabad loogu bedeli lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub, oo ay si dhab ah uga qaybqaataan maamullada heer degmo iyo heer gobol.
5. Waxaynu ku nuuxnuuxsanaynaa in dadka Soomaaliyeed ay u baahay yihiin inay arkaan natiijooyin la taaban karo ee ka soo baxa qorsha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ee heerka degmo. Si arrintan loo taageero waxaa naga go’an inaan horumarino waxqabadka guddihoosaadyada Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga, sidoo kalena aan u qoondeyno lacag u qaar ah mid kasta ee Yoolalka Nabadda iyo Dowlad-Dhisidda ee Hiigsiga. Arrintan waxay sii xoojinaysaa xiriirka ka dhexeeya Dpwladda Dhexe iyo maamullad degaanada, si ay qayb uga qaadato horumar dheeraad ah. Waxaan garwaaqsanay in horumar laga gaaray Hanaanka Maalgelinta Hiigsiga Cusub oo ay ka midtahay sameynta Sanaadiiq Maaliyadeed oo wada maamulayaan qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, taasoo keentay in gargaarka soo xarooda oo kordhay. Waxaynu ka dhursugaynaa in la si dhaqsi ah loo sameeyo sanaadiqda maaliyadeed ee harsan oo ay maamuli doonaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka.
6. Waxaan garwaaqsanahay horumarka ballaaran ee la gaaray labadii sanno ee la soo dhaafay, oo ku aaddan sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo aad u xasilloon, nabad ah, barwaaqna ah. Waa inaan la luminin guulahan la gaaray iyo waddada wanaagsan ee ay Soomaaliya hadda ku taagantahay. Waxaan dareen ka muujinaynaa xasaradda siyaasadeed ee hadda jirta. Waxaan garowsanahay baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed iyo in mar kale la hanto lana dardar geliyo waxqabad degdeg ah. Waxaa hadda la joogaa waqtigii dowladda dhexdeeda laga heli lahaa siyaasad loo wada dhanyahay iyo ujeeddo lagu midaysanyahay. Si horey loogu socdo waxaan ugu baaqaynaa hogaanka siyaasadeed ee Soomaaliya inay midoobaan, ayna xaqiijiyaan sidii xasillooni lagu heli lahaa, taasoo aad muhim ugu ah hirgelinta Aragtida 2016.
7. Waxaan garwaaqsanaya horumarka laga gaaray geeddi-socodka dhisidda maamulgoboleedyada. Qaabdhismeedka dowlad-goboleedyada oo la shammeystiro sannadka 2015 wuxuu muhim u yahay dadaalka wadajirka ah ee an ugu jirno si ay nabad iyo xasilloni ugu soo noqdaan Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay u hawlgalaan dadaallada aan soo sheegnay iyo arrimaha kale ee dibuheshiisiinta ah ee taageeraya sidii lagu hirgelin lahaa Aragtida 2016. Maamullada hadda jira, sida Puntland, Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Jubba, Galmudug iyo maamullada kale ee sameysmaya ayaa si dhow loo la shaqeyn doonaa si loo hirgeliyo Aragtida 2016. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray maamul ku-meelgar u sameynta Koonfur Galbeed iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya. Waxaan bogaadinaynaa dadaalka uu Urur-Goboleedka IGAD ku taageerayo maamul sameynta.
8. Waxaan garwaaqsanahay baahida loo qabo inuusan dhicin dib u dhac dambe ee ku saabsan hirgelinta qorshaha Aragtida 2016, waxaana mar kale ballanqaadaynaa sidii lagu gaari lahaa yoolka ah in sannadka 2016 la qabto doorashooyin dimuqraadi ah, loo wada dhanyahay, sharcina ah. Si loo gaaro arrintaasi, dowladdu waxay sameynaysaa Gole Wadatashi ee ka Dhexeeya Gobollada iyo hanaanka dib u eegidda dastuurkana waa in la dhammeystiraa. Saaxiibada beesha caalamka ee la hawlga waxay taageerayaan arrimaha maaliyadda, waxayna qiimeyn ku sameynayaan hanaanka doorashada. Waxaan soo dhoweyneynaa dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Dibueegidda iyo Implementation Dastuurka. Waxaa kaloo aan ku hanweynahay in la magacaabo xibnaha Guddiga Kormeerka. Waxaan ku baaqaynaa in si dhaqsi ah loo magacaabo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Guddiga Xudduudaha iyo Federaalaynta. Waxaan soo dhoweynaynaa in dowladdu ay ka go’antahay inay raacdo jadwalka sharcidejinta ee hore loogu heshiiyay. Waxaana sidoo kale ku baaqaynaa in sharciga muhimka ah lagu ansaxiyo kalfadhigan.
9. Waxaan bogaadinaynaa guusha laga gaaray hawlgallada ay qaadeen Ciidama Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM ee ka dhanka ah al-Shabaab, laguna kala magacaabay Gorgorka iyo Badweynta Hindiya. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’antahay taageerada aan siino Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamuladda hoos yimaada si loo jebiyo Al-Shabaab, waxaana mar kale ku celinaynaa cambaareynta ee aan u jeedinayno nooc kasta oo ka mid ah argagaxisanimada iyo xagjirnimadaba.
10. Waxaa naga go’an hirgelinta ballanqaadyadii lagu galay shirkii armniga ee London, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen isku dhafidda ciidamada deegaanada ee hubaysan iyo diyaarinta Heshiiska Horumarinta Hawlwadaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliya, oo ku saleysan ballanqaadyada islaxisaabtanka, taasoo loo baahanyahay inay dhacaan ugu dambeyn bisha Janaayo 2015. Dowladda Federaalka waxay horumar ka sameyn doontaa u hogaansanaanta Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2182 (2014).
11. Waxaan garowsanay tallaabooyinka loo qaaday sidii loo xoojin lahaa xirfadeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka midyiin dibudhiska lagu sameynayo, taageerada la siinayo sida tababarka iyo horumarinta darajooyinka habraaca anshaxmarinta. Waxaa soo dhoweynayaa saraakiisha boliiska oo la geeyay degaanada dhowaan la xoreeyay, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka inay arrintan u sii waddo si nadaamsan una hawlgasho sidii ay ku heli lahayd dhaqaale ay siiso shaqaalaheeda.
12. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray yareynta falalka burcadbadeednimada, inkastoo ay khatartu weli taagantahay. Waxaan Dowladda Federaalka ugu baaqaynaa inay soo saarto istaraatijiyada ku aaddan amniga badaha.
13. Waxaan soo dhoweynaynaa horumarka laga gaaray ku dhaqabka sharciga taasoo ku timid dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Waaxda Wadajirka ee Hirgelinta. Waxaan aad u amaanaynaa kaalinya ay dadka Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso ka qaateen barnaamijyada mudnaanta leh eek u dhaqanka sharciga iyo hirgelinta qorshahaas, arrintaasoo waddada u xaaraysa sidii wax looga qaban lahaa dhaqaale yaraanta qaybtan.
14. Waxaan bogaadinaynaa horumarka ay Dowladdu ka gaartay maareynta maaliyadda guud ee Soomaaliya, waxaana ka mid ah horumarka laga gaaray ururinta dakhliga, xoojinta siyaasadda miisaaniyadda, iyo xakameynta bixinta mushaaraadka, iyadoo dowladdu adeegsaneyso habka cusub ee Nidaamka Maareynta Xogta Maaliyadda. Waxaa kaloon garwaaqsanahay kaalinya uu leeyahay Guddiga Maamulka Arrimaha Maaliyadda, waxaana guddigan ugu baaqaynaa inuu horumariyo awooddiisa uu ku kormeerayo nidaamka qandaraasyada dowladda, heshiisyada iyo dib u soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed muddo laba sanno gudahooda ah, isagoo Dowladda Federaalka ku boorinaya inay fuliso talooyinka uu soo jeediyo. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa baahida loo qabo in si degdeg ah sharci loogu ansaxiyo arrintan muhimka ah, sidoo kalena la xoojiyo awoodda Xafiiska Madaxabanaan ee Hanti-Dhowrka Guud iyo hawlaha kormeerka ee Xisaabiyaha Guud.
15. Waxaan soo dhoweynaynaa rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed ee ay ku doonayso inay ku xoojiso isla xisaabtanka, isku dubbaridka iyo iswaafajinta gargaarka caalamiga ah, iyadoo la kordhinayo saamiga dhaqaalaha dibadda iyadoo la adeegsanayo hanaanka miisaaniyadda qaranka. Waxaan soo dhoweynaynaa “Qorshaha Ku-Meelgaarka ah ee Adeegsiga Nidaamyada Dalka ee Maareynta Maaliyadda Guud”, waxaana garowsanahay in hadda la sameeyay Sanduuqa Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya.
16. Waxaan dhiirigelinaynaa mar kale hawlgelinta hay’adaha maaliyadda Soomaaliya oo waddada u xaaraya habka bixinta iyo fududeynta deymaha, iyadoo la raacayo hanaanka HIPC. Waxaan ka dhursugeynaa barnaamijka kormeeraan hawlwadeenada Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee sannadka 2015.
17. Tallaabooyin wax ku ool ah oo laga qaado la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka ayaa fure u ah xoojinta sharcinimada dowladda. Waxaan ammaanaynaa go’aanka Dowladda Federaalka ee lagu dedejinayo sameynayta Guddiga Madaxabanaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo habsami u hawlgalinta nidaamka garsoorka.
18. Waxaan garowsanahay muhimadda ay leedahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo asaas u noqon doona dib u soo unkidda dhaqaalaha iyo shaqa abuuridda. Waxaan ognahay inay shaqo ka socoto habkii lagu dhammeystiri lahaa qiimeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Sidaa darteed, waxaan ku baaqaynaa shir caalami ah oo lagu soo bandhigo baahida iyo baahida mudnaanta leh oo la qabto horaanta sannadka 2015.
19. Waxaa aad noo cabsi geliyay xaaladda khatarta ah ee arrimaha baniaadanimo ee jirta Soomaaliya iyo intii yareyd ee la gaarey ka did macluushii sannadkii 2011 oo sii dhammaaneysa. Waxaan ognahay in abaar joogta ah iyo daadad xilliyada qaarkood dhaca iyo dagaal joogta ah iyo barakacaba ay sabab u yihiin cunto yaraan weyn ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay kor u qaadayaan heerka nafaqa darrada dalka ka jirta. Waxaan garowsanahay baaxida degdegga ah ee loo qabo in gargaarka baniaadanimo uu si nabad ah ku gaaro dhammaan dalka qaybihiisa iyadoo aan la horistaagin, gaar ahaan degaanada dhowaan la xoreeyay. Sidoo kalena si buuxda loo dhowro sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo mabaadi’da uu ku qotomo. Waxaan ognahay muhimadda ay leedahay dhisidda adkeysiga dadka Soomaaliyeed, iyadoo si fiican la isugu xirayobarnaamijyada baniaadanimo iyo kuwa horumarineedba, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo xalka waara.
20. In la ilaaliyo lana dhowro xuquuqul insaanka oo ay ka midtahay in la qaado tallaabooyin looga hortago xadgudubyada loo geysto haweenka waxay fure u yihiin sumcadda Dowladda Federaalka iyo dhisidda iyo hanashada kalsoonida dadweynaha. Waxaan soo dhoweynaynaa dejinta hanaanka sharci iyo kan siyaasadeed ee lagu horumarinayo xuquuqda aadanaha laguna badbaadinayo haweenka iyo carruurta ku nool goobaha colaadda laguna xaqiijinayo xuquuqda haweenka iyo carruurta. Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa dejinta iyo hirgelinta qorshe hawleedyada iyo in si dhaqsi ah loo sameeyo Guddiga Madaxabanaan ee Xuquuqul Insaanka. Waxaan soo dhoweynaynaa ballanqaadka ay Dowladda Federaal ay sameysay sannadkii 2011 ee ku aaddanaa Dibueegidda Caalamiga ee Xilliyaysan ee Xuquuqul Insaanka ee lagu sameeyay Golaha Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka hortiisa.
21. Waxaan garwaaqsanahay qaybta mugta leh ee xasaasiga ah ee ay haweenku ku leeyihiin arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo nolosha siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhoweyneynaa tallaabooyinkii lagu heshiiyay markii laga dooday ka qaybgalka haweenka ee geeddi-socodka siyaasadda si loo horumariyo kaalinta ay haweenku ku leeyiihiin nabadaynta iyo isbedelka siyaasadeed ee dalka.
22. Waxaan garowsanahay muhimadda ay leedahay wax ka qabashada baahida dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana soo dhoweynaynaa in si dhaqsi ah loo soo dhammeystiro Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.
23. Waxaan go’aansanay inaan dib u eegid ku sameyno wixii horumar ah ee laga gaara arrimaha siyaasadda iyo amniga muddo lix bilood gudahooda ah.
24. Gabagabadii, waxaan dhammaan ka qaybgalayaasha ugu mahadcelinaynaa sida waxtarka leh ee ay uga soo qaybgaleen shirka; waxaan dhidibdada u aasnay Soomaaliya oo leh gobanimadeeda, amaan ah, dimuqraadi ah, midaysan, federaalna ah, oo dhexdeeda nabad ah, adduunkana nabad kula nool, tasoo ay ku jirto danta dadkeeda. Waa inaan hadda asaaskan ku qotomonaa tiirarka xasilloonida, amniga, sinnaanta iyo barwaaqada
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live