Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland “Ilmaha Qaadka Laga Koriyo Waa Kuwa Halaaba Marka Dambe”

$
0
0

Kn: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Cameey ayaa haweenka Soomaaliyeed ee qaadka iibiya kula dardaarmay in ay iska dhaafaan mihnadaasi, kuna badashaan shaqooyin kale
“Dumarka waxaan u arkaa in aysan balwadi u geyn laakiin waa dan, gabdhaha Soomaaliyeed ee gacanta ku haya qaadka in ay joojiyaan waan jeclahay, aad iyo aad ayaan u jeclahay, una leeyahay wax kale ku badala, kheyr alle ha idin siiyo, wixii aad carruurtaada siineyso waa inaad hubtaa wax xalaal ah in uu yahay, meesha aad ka heleyso ee aad kala soo baxayso waa in ay xalaal tahay, waxan inoogu wacan dhibka iyo qaxarka iyo taleefoonbaa la’iga qaaday iyo, xabadbaa mid lagu jiidey iyo, birbaa madaxa laga jiidoo wuu dhintey iyo waxaas dhibaato ina heysataa waxaa laga yaabaa in dhawr iyo labaatankii sanadood intii dhalatay uun weeye, intaasna qaad ayuunbaa laga ganacsanayay” ayuu yiri.
Waxa uu sheegey in ubadka laga koriyo qaadka ay marka dambe noqdaan dambiiyaal sida burcad badeed, tuugo iyo wax la mid ah, wuxuuna yiri “Ubadkii la siiyey nacfiga qaadka, waxay ila tahay in aanu ubad fiican wada noqon karin, waan garanayaa qaar badan oo ay dhaleen dad qaadka iibiya oo wanaagsan, laakiin waxa a aad u badan kuwa xun, dee diiniyad waxa aad ilmahaaga siisey ayuunbuu noqonayaa”.
Puntland ayaa waxaa ka soconaya olole looga ciribtirayo isticmaalka qaadka, loona samaynayo wacyigalin iyada oo uu halkaasi ku suganyahay guddoomiyaha ururka la dagaalanka qaadka Abuukar Qaad-Diid.KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Xildhibaan Talooyin Muhiima soo Jeediyay, Qormo Khiima Badan Akhriso)

$
0
0

Bismilaah, mahad dhamaanteed waxay u sugnaatay ALLAHA Macbuudka ah ee kownkan maamula, Nanadgelyo iyo Naxariisi NABIGEENA MUX’ED ah korkiisa ha ahaato.
In kastoo kMGkii laga baxay laba Sanno iyo bar ka hor Waddooyinku way xidhan oo waxaa taagan Ciidan qoryo amoonkoodu furan yahay la qarqaraya oo marna aad ka naxayso marna u garaabayso dadka oo dhanna dhibaato aan baaxad yareyn ayaa ka soo gaadha xanibnaanta isu socodka (xitaa Mas’uuliyiinta ayaa dhibaneyaal u ah arintaa .
Mararka qaar waxay indhahaagu qabanayaan Hooyo foolanaysa oo Gaadhi-gacan lagu wado oo luuqyada la marsiinayo si loola beegsado Isbitaal taasoo weliba laga yaabo inay u baahan tahay in dhiig lagu shubo si ay u foolato inay dhexda inta lagula sii jiro Umul-raacdona waa wax la malaysan karo haddana weli qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa waa sidoodii oo way sii socdaan .
Haddaba qormadan gaaban ulama jeedo inaan ceebeeyo wiilasha iyo gabdhaha Ciidanka ah ee qorraxda taagan, in Amniga laga shaqeeyana qof duraya ma ihi balse Xaalada Amnigu uma baahna Jidadka oo la xiro oo Ciidan la soo dhoobo ama waddooyinka (Jidadka ) iyo goobaha muhiimka ah oo dhagaxaan shub ah ( concretes ) lagu gooyo.
Intaa aan kaga gudbo hordhaca ama haddaan si kale u dhigo dhaliisha aan xalka cabiro, marxadan oo kale waxaa lagu maareeyaa wardoon ama Sirdoon ( intelligence ) oo xoogga la saaro mu’aamaraadka Cadowgu maleegayo sidaana lagaga hortago oo halkiisa lagu Fashiliyo laguna burburiyo xuuraansi iyo xaqiiqo kadib.
Si loo gaaro halkaa oo ah in xogta iyo xuuraansiga lagu tiirsanaado loogana midho dhaliyo Dabadeedna looga gudbo amniga heerkiisu yahay darajada 5aad ama 6aad waxaa loo baahan talaabooyinka soo socda:
1- in si degdeg ah loogu dhaqaaqo dhismaha Ciidan isku dhafan si looga raysto maleeshiya beeleedka min Caasimada, Gobol, Degmo ilaa Heer Tuulo.
2- loo habeeyo noocyada kala duwan ee Ciidanka ( Xoogga, Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Xabsiyada )
3- in la tababaro lana qalabeeyo waa la awoodaaye.
4- in nolosha iyo daryeelka Ciidanka xil gaar ah la iska saaro.
5- in la joogteeyo Mushaarka Ciidanka waynu sameyn karnaaye.
6 – in meesha laga saaro kharajka faraha badan ee aan loo baahnayn sida dabaaldegyada, martiqaadyada, Safarada dayaaradaha oo u muuqda dalxiiska aan waxba soo kordhinin iyo abaabulka mooshinada ( motions ) fowqal caqliga ah.
7- in Mas’uuliyiinta iyo Ciidanka aad loogu wacyi geliyo lana baro inay Dowladdu tahay shacabka si loo ixtiraamo dadweynaha.
8- in shacabkana la fahamsiiyo inay Madaxda iyo Ciidankuba adeegayaashooda yihiin.
9 – in la kala garan ( sooci ) karo qofka Ciidanka ah iyo dadka kale.
10 – Ciidanku u tudho dadkiisa si isaguna taageero uga helo.
Malahayga iyo annoo kaashanaya Aqoontayda yar iyo weliba wixii aan u soo joogay haddii arimahan lagu talaabsado ALLAAH aynu talo saarano Muddo kooban ayaa horumar Xagga Amniga ah lagu sameyn karaa waa haddii Hindisaha loo beddelo Ficil.
FIIRO GAAR ah
qodobada 7aad iyo 8aad waxaan ula jeedaa in badan oo Mas’uuliyiinta Qaranka ah ayey la tahay inay Dowladdu tahay Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Baarlamaanka, Ciidanka iyo dadka tirada yar ee shaqaalaha ah.
Bilcaksi dadweynuhuna ma fahamsana inay Shaqsiyaadka Xilalka hayaa yihiin adeegayaashooda oo ay qaar eryi karaan kuwo kalena keensan karaan.
XUSUUSIN

Caalam ha inoo dhawaado ama ha dheeraadee sida IGAD, AMISOM iyo UNSOM way ina kaalmayn karaan ee Guryaheena inoo xaaqi ( Xaadhi ) maayaan.
Cid gaar ah ulama jeedo qormadan ee waa fekerkayga haddii wax gef ah lagu arko Fikirkiina ha la iigu soo sheego anna waan ka garaabi doonaa INSHAA ALLAAH.WAAD MAHADSAN TIHIIN.
WA BILLAAHI TOWFIIQ. Xildhibaan Axmed Aabi Aaden.
ahabi114@gmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Indonesia oo maxaabiis daldali doonta

$
0
0

Qatar oo looga shirayo koobka adduunka 2022

$
0
0

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay hanjabaadii Al-Shabaab

$
0
0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay hanjabaadii ka soo baxday Al-Shabaab oo ahaa inay weerarayaan suuqyada ganacasi ee dalalka reer galbeedka, isagoo ku tilmaamay hanjabadaas mid waxba kama jiraan ah. Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Jabuuti Idaacda VOA ayuu kaga hadlay safakii uu ku tagay Muqdisho iyo Hiiraan, waxaana uu xusay in casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu ka qeyb galay xuskii maalinta afka Hooyo. Mar wax laga weydiiyay hanjabaada Al-Shabaab ka soo baxday ayuu sheegay in taas aanay waxba ka jirin oo uu Ururka gabo gabo marayo, isla markaan aaan loo baahneyn in aan la buun buunin oo aan la siinin gar iyo sida ay iyagu doonayaan. “Meel ay Itaal u leeyihiin oo ay ku weerari karaan ma jirto, waxay joogaan waa gabo gabo”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo intaa ku daray in dalkiisa uu ka feejigan yahay hanjabaadaha. Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha xuduuda Jabuuti uu la wadaago dhinaca Maamulka Somaliland, waxaana uu xusay inay sare u qaadeen amniga xuduuda iyo in la sameeyo koontarool xoogan. “Arrinta Xuduuda koontarool baa jiro, lama hakin, waxa kaliya waaye in si hagaag loo baaro, sababta ay ku timidna waa digniinta iyo taxadarka weeyaan”ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Al-Shabaab ayaa muuqaal ay baahiyeen Sabtidii la soo dhaafay waxay ku hanjabeen inay weerarayaan goobaha laga dukaameyso ee dalalka Mareykanka, Canada iyo UK, iyadoo ammaanka goobaha ganacsiga ee dalkaas si aad ah loo adkeeyay.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xuska sanad-guurada 45-aad ee ciidanka Asluubta oo ka socota Muqdisho

$
0
0

Xalflad lagu maamuusayo xuska sanad guurada 45-aad ee aas’aaska ciidanka Asluubta Somaaliyeed ayaa ka socota magaalada Muqdisho. Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa la’aasaasay 22-kii February 1960-kii, munaasabadda ayaana dib u dhacday labo maalin, maadaama uu dalka booqasho ku joogay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka tirsan labada [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

The Oscar-nominated ‘pirate’ working to bring good fortune to Somalia

$
0
0

Juuq La’aan : Galeyr iyo Xasan Sheekh

$
0
0

DEG DEG Rasaas xoogan oo laga maqlaayo Koonfurta Magaalada Guriceel

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlaayo duleedka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Rasaasta xoogeeda ayaa waxa ay iminka ka dhaceysaa Koonfurta Magaaladaasi, waxaana lagu soo waramayaa in rasaastaasi ay is weydaarsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in rasaastu ay tahay mid si xooli ah loo maqlaayo, islamarkaana magaalada ay soo gaareyso xabado wiifto ah.
Xabada ka dhaceysa duleedka Magaalada Guriceel, ma’ahan dagaal weyn, balse waxaa suuragal ah in dagaalka uu cuslaado hadii aan lakala dhexgalin labada dhinac.
Dhanka kale, gaadiidka Ciidamada DF Somalia ayaa la soo warinayaa inay kusii siqayaan dhanka Magaalada Guriceel, waxaana suuragal ah in halkaasi uu ka dhaco dagaal xoogan ,maadaama halkaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Waxaan weli la ogeyn cida soo qaaday dagaalka iyo rasmi ahaan waxa uu ku biloowday.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dagaal saaka ka dhacay Magaalada Guriceel ee Galgaduud

$
0
0

Guriceel ( Sh.M.Network)Wararka aan ka heleyno degmada Guriceel ee  Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya  in dagaal mar kale uu saaka ka dhacay halkaasi.
Dagaalka oo weli Rasaastiisa qeybo Magaalada ka mid ah laga maqlayo ayaa u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Dhawaan ayey ahayd markii Xabad Joojinta la kala dhex  dhigay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: White House Nomination of United States Ambassador to Somalia

$
0
0

President Obama, today, nominated Katherine S. Dhanani to serve as the first United States Ambassador to Somalia since 1991. This historic nomination signals the deepening relationship between the United States and Somalia. It also allows us to mark the ...
Weblinks: 

Somalia: President Obama appoints first US Ambassador to Somalia

$
0
0

America’s President Barack Obama on Tuesday appointed Katherine Simonds Dhanani as the first US ambassador to Somalia since 1991. In a statement released by the US state department spokeswoman Jen Psaki said that US has officially hired a new envoy to ...
Weblinks: 

Gabay: TOOYASHO IYO TOOGOBEEL

$
0
0

Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee  ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida  ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da,  waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da  ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.Taariikhda: 11 February 2015. Cinwaanka Email: saadroodhiile@gmail.com
1. Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
2. Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye
3. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
4. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
5. Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
6. Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
7. Kolkii  gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
8. Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
9. Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye
10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey
11. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay
12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye
13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin
14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi
15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni
16. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye
17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
18. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay
19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe
20. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan
21. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda
22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
25. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima
26. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan
27. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tayoota
28. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka
29. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
30. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taaksas
31. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok
32. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago
33. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda
34. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado
35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
36. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
37. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta
38. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto
39. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway
40. Tijagistaaniyada bari xigtee, tidicii ruush goysay
41. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool
42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
43. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali
44. Badda tooxle marinka jabuuti, tacisidaa yamani
45. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa
46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase
47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday
52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
55. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay
56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
59. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixi tafaasiisha
60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri
65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde
69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
71. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
81. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan
82. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray
83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
87. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e
88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane
91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
92. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?
93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye
94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane
96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
98. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsi ma daayaane
99. Tuur iyo tarbiico isku yeel, tahar ma gooyaane
100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
101. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye
102. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?
103. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane
104. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale
105. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay
106. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay
107. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye
108. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye
109. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye
110. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay
111. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye
112. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene
113. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega?
114. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene
115. Kolba hebelkay badhi taarayaan, loo tartar  jeexye
116. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska
117. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye
118. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay
119. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?
120. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene
121. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
122. Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay
123. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene
124. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne
125. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye
126. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey
127. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo
128. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto
129. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
130. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye
131. Hore tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey
132. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya
133. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye
134. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e
135. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye
136. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine
137. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin
138. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane
139. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo?
140. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
141. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray
142. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye
143. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay
144. Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan
145. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane
146. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin
147. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye
148. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?
149. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene
150. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye
151. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey
152. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e
153. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!
154. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane
155. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene
156. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e
157. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto
158. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray
159. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe
160. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye
161. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso
162. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya
163. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?
164. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta
165. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega?
166. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero
167. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye
168. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye
169. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye
170. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?
171. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray
172. Oo taxadder foojigo war helin, talada  gaadhsiine
173. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo
174. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday
175. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!
176. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine
177. Tacabkii  dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo

  1. 178.  May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane

179. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli
180. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan
181. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!
182. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday
183. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?
184. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan
185. Tabkac  kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!
186. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye
187. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye
188. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
189. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?
190. Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene
191. Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas  ma loo joogay?
192. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye
193. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
194. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye
195. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye
196. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?
197. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya
198. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo
199. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane
200. Tafantaaca hadal riiq taraa, toobbonaan malehe
201. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane
202. Taharow tiknoolajiyadaa,  loo tartamayaaye
203. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay
204. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye
205. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane
206. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin
207. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?
208. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay
209. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin
210. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine
211. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
212. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene
213. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay
214. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe
215. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere
216. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye
217. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye
218. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye
219. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine
220. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye
221. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye
222. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye
223. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan
224. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare
225. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye
226. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe
227. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye
228. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane
229. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye
230. Marna tafantoof cayd iyo haraad, gali tahriib dheere
231. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye
232. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye
233. Talanteel  adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe
234. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye
235. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto
236. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe
237. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay
238. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama
239. Eebbow tafaafulka qabyaaladdu, tafarruqay keentay
240. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye
241. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay
242. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye
243. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta
244. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto
245. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene
246. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe
247. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane
248. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene
249. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase
250. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane
251. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye
252. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye
253. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri
254. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye
255. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican
256. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara
257. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo
258. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin
259. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye
260. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay
261. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi
262. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane
263. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene
Aamiin, aamiin
 
DHAMAAD
Macnaha  Ereyada ku jira Gabayga
 

  1. Toogobeel = Baahi-beel , kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado
  2. Tooyasho: Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.
  3. Tisayn= ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,
  4. Tigraar= Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.
  5. Tigin= Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.
  6. 6.       Toorayni= Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay
  7. Togon= Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska ah lagu taago.
  8. Moodhadh- gaadhiga ama baabuurka
  9. Tawaad= Awood ama xoog, loo tawaan waaye
  10. Tawaad 2= khadka madow ee looxa quraanka lagu qoro mulcaamadda
  11. Tallamay= Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo
  12. Tirana= Meel magaceed, caasimada dalka albania
  13. Tahan= Awood ama xoog
  14. Tahan 2 Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa
  15. Haatif= waxaanad arkayn oo kula hadla
  16. Taabud= wanaagsan, ama burji
  17. Tasayn= xaqirid, yaraysasho, fogayn
  18. Tookh= Faan iyo is amaanid
  19. Buraashad= Weyso yar oo biyaha lagu shubto
  20. Tix-maal= Abwaanka qofka suugaanta tiriya
  21. Tallahaase= Meel magaceed, caasimada golbalka florida
  22. Kansas = meel magaceed gobol maraykan
  23. Tubeeka = meel magaceed caasimadda magaaladda kansas
  24. Koloraado=Meel magaceed gobol ka mida maraykan
  25. Taawilo= Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid
  26. Tabaaloobid= dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho
  27. Tayaaq= Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo
  28. Tahanbaabid=hungoobid, waayid waxaad filaysay
  29. Toggo= Doorasho ama xulasho
  30. Tasniif = suugaan qoris, gabay unkid ama bilaabid
  31. Taamilo= Wax kugu dhacay oo  cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray.
  32. Taal = xeer hore
  33. Tamuux= Ciida dhulka, wax tammuuxda ka badan
  34. Tamani= Sawirasho ama ka fekerid arrin
  35. Tartar= Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda
  36. Teeris= Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo
  37. Doobiga=gorof weyn oo caanaha lagu shubo
  38. Toogahayn= ka warqabid siday wax yihiin
  39. Tafaqsi= Xoogsi aan loo aabbadayin
  40. Todraac= xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso
  41. Teeri= Waran yar oo meel la qabsado leh
  42. Tabiino= waxtar af ama adig ah oo aah tarto
  43. Tahna= in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin
  44. Turufoole= beenaale, qof dadka been u sheega
  45. Tunbul= reero ama dad meel wada degan
  46. Tunbuur= Dacaw yar ama dawaco yar
  47. Tacluus= xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca
  48. Tammadin= Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo
  49. Toodibo= Digniin qab, ka war qabid
  50. Taddawur= Horumar iyo wax qabad
  51. Tasarruf= wax sidaad doonto ka yeelid
  52. Tanaadin=Barwaaqo gaadhid
  53. Tahluuko= Dhimasho dad iyo xoolaba oo dhacda
  54. Tabkac= Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo
  55. Tiiftiif= Jeex jeex dubka ama diirka sare ee qof
  56. Taakh= Lugooyo ama ku hantaaq mid
  57. Taftaafeene= Xanuun ku dhacay la caatoobid
  58. Turaabida= kalma carabiya oo ciida ama carada
  59. Tamandac= Hadal meel ka dhac ah hantaatac
  60. Tafantac= Daan-daasi iyo gardaro
  61. Tobboon= Wanaag, fiicnaan
  62. Tarwadhid= Talaxgab, awood la,aan wax qabad
  63. Temmin= qiime wax lagu goosto
  64. Tahbiib= Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn
  65. Tahdiid= Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco
  66. Tooman= wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa
  67. Tarshad= biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale
  68. Tiimbaro= shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor
  69. Tacliiq= faallo ka bixin wax la sheegay sida war
  70. Tagxeel= farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal
  71. Tawlanaan= Wax isku habaysan oo isku duba ridan
  72. Togidda-= Furfurmida xadhiga ama taxa
  73. Tafniid= Kala baandhayn, kala bixbixid
  74. Tadhaq= Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn
  75. Tootiro= Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin
  76. Taab-gaabni= Adin gaabni, cag culays
  77. Tafantoof= qaq iyo qaxoonti, bayhoof
  78. Toolmoon= Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn
  79. Tagaaboda= Taageerada caawimada
  80. Tacabbir= Tahriib ama dhalandhool
  81. Taa’ib= qof danbiga ka toobad keena
  82. Tamcaaro= Duco ama alla bari dadku isku yimaado
  83. Talaf= Dhibaato ama masiibo timaada
  84. Taraqi= Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)
  85. Teeraan= Garoonka ku bada lagu ciyaaro
  86. Tulud= Neef geela
  87. Tanaladii= kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.
  88. Tooxle= Balaadhan ama balac aweyn
  89. Tammuun= Tuuryo sida warmaha
  90. Toobal-caare= Shay la kala ergisto
  91. Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida
  92. Misiisibii= meel magaceed., gobol ka mida maraykan
  93. Tu’in= sida arka loo fadhiisiyo, awrka tu,i fadhiisi
  94. Taw= xoog u ordid, u dhaqaaqid, taw dhe
  95. Taw= macne kale gabayga ugu jirto, erey xabashi ah oo macnihiisu yahay u kaadi, jooji, daa,
  96. Guhaan= qof wuxuu sheego la arko sida gabayaa
  97. Hummaag= sawir aan sifiican u muuqan sida midka abwaanku arko marka gabay tirinayo.
  98. Tarraq= kabriid ka dabka laga shito
  99. Tahar =hilib and baruur iyo jiidh mida ahayn

100.Tarbiico= iin lugo qalqalooca dadka qaar
101.Taangi=kaara dagaalka
102.Tawrad= dawlad sida tii kacaanka soomaaliya
103.Tabqas= dhaqaale khasaarin
104.Maqale= meel magaceed,maqaalad quumiyada tigreegu degto ee itoobiya
105.Hilin= dariiq, waddo
106.Tebis= neefka dhedig marka uu rimi waayo, uur qaadi waayo.
107.Tahlid= shay u awood waayid, ama haleelid waayid
108.Taraarax= siibasho hoos loo dhaco
 
Cinwaanka Xidhiidhkasaadroodhiile@gmail.com
 
Fiiro-gaara: Kelmaduhu waxay u kala horeeyaan sida gabayga beydadkiisu  u kala horeeyaan intooda badan.
 
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Waraaq Furan ku socota Madaxweynaha JSLand

$
0
0

25/02/2015Mudane Madaxweyne, magacaygu waa C/Raxman Xassan Cumar ka mid ah muwaadiniinta somaliland ee ku dhashay Hargeysa waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii Hay’adda Korontadda Somaliland halkaasi oo aan shaqada ka bilaabay taariikhdu markey ahayd 01/02/2002  anigoo ka soo qabtey xilal kala duwan oo uu ugu dambeeyey inaan ahaa Xisaabiyihii Guud ee Hay’adda Korontadda JSLand intaanan shaqada qaranka ka tagin taariikhdu markay ahayd 31/06/2011   iyaddoo aan markaasi la i siinin xuquuqdii shaqaale ee qofka shaqada ka taga la siiyo  sababo dhinaca awooda dhaqaalaha Hay’adda ah oo markaaasi masuuliyiintii joogey sheegteen awgeed waxay qoraal noogu qoreen aniga iyo qof kale oo ka mid ah shaqaalaha ka tagey shaqada Hay’aada shaqaalaha dawlada oo ay yidhahdeen iyaga ayaa xuquuqdada shaqaalaha dawlada uga masuul ah hase yeeshee, Hay’adda shaqaalaha dawladu waxay soo bixisay jawaab waafi ah oo sheegeysa in Hay’adaha madaxbanaan ee Dawladdu  sida Dekada, Biyaha,Korontadda,Baanka iwm ee dakhligooda iyo kharashkoodaba la soo baxa shaqaalahoodu ay xuquuqdooda ku leeyihiin hay’adahaasi,taasi oo aan uga marag ahay in muddadii Hay’adda aan joogey ay Hay’addu bixin jirtey xuquuda shaqaalaha  ee qof kasta oo shaqada ka tagay waxaanay noqotey in aanu sugno inta Hay’adda Korontaddu dhaqaale ka helayso  ama arrinkeeda xukuumaddu u jihaynayso.
 
Mudane Madaxweyne, waxaa dhacday in hadda xukuumadu ganacsato ka iibisay Warshaddii nalka Hargeysa ee  Hay’addii korontadda ee aan  muddada badan u soo shaqeynaayey waxaanan waraaqihii Cadaymaha ee Korontadda iyo tii Hay’adda shaqaalahaba ula tagey  masuuliyiinta Wasaarada Hawlaha Guud ee hawshan aad u xilsaartey waxaanu wasiirka iyo ku xigeenkuba si cad noogu sheegeen in shaqalaha Hadda jooga ee doonaya inay shaqada ka tagaan oo kaliya ay xaqooda siinayaan oo kuwii hore  shaqada uga tagey aanay waxba siinaynin  waxaana halkaa ka muuqata kala jeclaysi shaqaalaha la xidhiidha oo aanaan fahmin wax uu ku salaysan yahay waayo laba shaqaale oo meel ka wada shaqeynaayey in midna xaqiisa la siiyo kuwo kalena loo diidaa iyaddoo aanay jirin wax sabab ah miyaanay mudane Madaxweyne taasi oo gaf ku ah xilka aad ku karaameysay dawladnimada iyo masuuliyadda ay hayaan.
 
Mudane Madaxweyne, waxaan la yaabey sida badheedhka ah ee Wasiirka Hawlaha Guud u damcay inuu deedifeeyo xuquuqda aanu qaranka ku leenahay. haddaba Mudane Madaxweyne qarankan adigaa masuul guud ka ah oo ay shaqaale kuu yihiin kuwa dulmiga iyo xaqdarada gaysanaya oo ah wasiiraddii aad ku karaameysay iney hawlaha kula wadaan oo gacanyare yaal kuu nooqdaan waxaana muuqata inay abaal kaaga dhigeen inay karaaamadii aad saartey ay ku dulmaan muwaadiniin qarankani u soo shaqeeyey oo ay xaq iyo xuquuq wixii ay lahaayeen u diidaan iyagoo aan haysan wax sabab ah oo aan ka ahayn waan awoodaa codkiinuna Madaxweynaha gaadhi maayo cid kalena waxba iskaga tirinmayno waxase aanay ogeyn in xaq qofkii lahaa raadinayaa aanu abidkii lumin.
Mudane Madaxweyne, miyaad Raali kaga tahay masuuliyiinta aad diratey iney  xaq aadami oo aan cid kaa saamixi kartaa aanay jirin kuwii lahaa mooyaane inay qoorta kuu geliyaan  oo aad hubtid in  Illaahay ku weydiin doono maalinta xaq darradu noqoto xaqdarooyin wixii ay dhib  gaysteen  kuwii aad karaameysay ee aad hawlaha ummada u dirtey ee aanad waxba ka qaban ama aanad talaabo ka qaadin intaad ogaatey gefka ay geysteen ama aanad ka hawl galin bogsiinta  dhibtoodii.
Mudane Madaxweyne,waxaan la yaabay marka aan eegay mushaharka qaranka laga bixiyo oo markaa horeba yar waxa  kalifaya ee qaranku uga baahan yahay inuu deedifeeyo  xuquuqda muwaadiniin shaqaale ahaa oo muddo qarankan u soo shaqaynaayey, waxaanan Mudane is weydiiyey Waxa Qaranku u tarro muwaadiniintiisa mar haday taniba dhacayso halkuu jiro qarankii muwaadiniintiisa u illaalin lahaa xoolahooda, xuquuqdooda,xurmadooda  iyo amaankoodaba.
Mudane Madaxweyne, qoraalkani waxaan kuugu soo qorey uun inaan ku soo gaadhsiiyo dhacdaddan oo aan filayo inuu baraarujin kuu noqon doono anigana uu iga baajin doono inaan marka hore kaa dacweeyo  Maxkamadaha dalka oon garsoor cadaalada ka rajaynaayo  iyaddoo waliba ay ii furan tahay intaa kadib in aan kaa dacweeyo Maxkamadda Illaahay ee aan awood dawladeed ama mid madaxweyne waxba ka tari karin.
 
Cabdiraxman Xassan Cumar
4429653, Hargeisa.
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland: The Capital’s treasure Safari Hotel, Aden Deeq’s Review

$
0
0

Hoteliers are quiet many in numbers in Hargeisa, Somaliland capital where the competition is so high and tight that Safari Hotel is ranked on top due to its unequal exquisite, spacious and comfortably furnished, fully equipped rooms, swimming pool, finest gym and sauna, propelling it to the top best locally recognised hotel surpassing Maansoor and Ambassador in a short period of time vastly expanding. And that’s not all! The hotel’s restaurant serves different variety of foods with reasonable prices leaving no one excluded to enjoy it’s delicious savorous dishes in its beautiful green freshly open air environment.
It is nearly summer, just waiting for the arrivals of more than seventy thousands Somaliland diaspora’s visitors this year. And it will be no wonder that Safari Hotel will be the most frequented hotel this season, offering all comfort and delight to it’s visitors.
With its impeccable service of excellence Mr Abdi-Nasser Aden Nour the CEO & owner of Safari Hotel not only took part in Hargeisa infrastructure with his remarkable Hotel building, creating employments, offering opportunities and engaging Somaliland citizen’s.
What makes Safari Hotel wonderful apart being luxurious is The Mosque in front of the hotel that showers the blessings of Allah, overwhelms visitors of having the privileges to perform their Sala’h in masjid at a footstep.
Aden Abdi Daher (Aden-Deeq)
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Wasiirka A/Dibadda oo kulan muhiim ah la qaatay danjiraha Jabuuti

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Robleh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya .
Kulankani ayaa waxaa looga hadlay danaha wadaagga ah ee labada dowladood si gaar ah howlgalka ciidanka Djibouti “ Hiil Walaal” ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMSIOM), tababarida ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed .
“Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxa ay kaga mahad-celineysaa ciidamada Djibouti ee ka howlgala Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , kaalinta muuqata ee ay ka qaateen nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo ku howlgalaya magaca AMISOM , waxa ay si la mid ah ugu mahad-celineysaa ciidamada kala jinsiyadaha duwan ee ka qeyb ah howlgalkaasi” ayuu yiri Wasiirka.
Kulankani oo ku dhammaaday jawi is afgarad leh ayaa waxaa goob ka ahaa diblomaasiyiin ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safaaradda Djibouti ee caasimadda Muqdisho.Caasimada Online
Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Democracy exposes Kenya to terrorism – Nkaissery

$
0
0

THE democratic space has exposed Kenya to the threat of terrorism and violent extremism, Interior Cabinet Secretary Joseph Nkaissery has said. He said Kenya’s acceptance to host more than 600,000 refugees from Somalia, the base of the al Shabaab terror group, has made the country a radicalisation centre. Nkaissery said refugees in camps, especially young [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xilka la wareegay

$
0
0

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, hidaha iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow. Xaflad xil-wareejin aheyd oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ka qeybgalay Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali , xubno ka [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kenya’s security forces slam Al-Shabaab threats

$
0
0

Kenya’s military on Monday dismissed threats issued by Somali militants of more attacks in Kenya and in Western countries. However, the Kenya Defence Force (KDF) said security has been beefed up following a recent Al-Shabaab video warning of imminent terror attacks in the country. KDF spokesman David Obonyo downplayed the threats, terming them as mere [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

UAE-funded water wells to serve 250,000 people in Somalia

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live