Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

ciidamada dowladda oo dad u badan ku laayey Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

$
0
0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa rasaas isku furay Muqdisho. Ugu yaraan 8 ruux oo rayid ah ayaa halkaa ku dhintay iyadoo 7 kale oo ka wada tirsan cidamaduna halkaasi ku qurbaxeen.

Wararka ka imaanaya Isgoska banaadir ayaa intaasi ku daraya sida ey sheegeen dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa gaari dagaal oo uu saaran yahay qoriga Zuuga uu rasaas ku furay isgoska banaadir oo markaas ahaa mashquul xoogan waxaana halkaas ku geeriyoday in ka badan 11 ruux oo shacab ah halka dhaawaca uu ka badan 30 kale.




Arinta ka dhacday Isgoska banaadir ayaa timid ka dib markii halkaas lagu dilay askari ka tirsan dowlada oo aan waday dareeska Ciidamada waxaana arintaas ka carooday ciidamadii uu ka tirsanaa oo soo qaaday gaariga dagaalka.




Rasaas xoogan ayay ku fureen ciidamada isgoska waxaana halkaas ku dhamaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo loo daabulay goobaha caafimaadka gaar ahaan Isbitaal Madiina.


Ciidamo Itoobiyaan oo gayiga Somalia dib ugu soo laabtay kadib markii ey iska daayeen in muddo ah!

$
0
0

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada Yeed ee Gobolka Bakool iyadoo dadku ay dareemayaan cabsi aad u xoogan, kadib markii ciidamo fara badan oo xabashi ahi xalay soo galeen Degmada Yeed.

Dadka ku dhaqan degmada yeed ee gobolka Bakool ayaa saakay ku soo toosay xaalada cakiran ee ka jirta degmadaasi, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka soo galay degmadaasi saakay bilaabeen baaritaano ka dhan ah gaadiidka, goobaha ganacsiga iyo qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.



Sida uu u sheegay qof ku dhaqan dadka degmada yeed Warbaahinta la hadlay waxaa Ciidamada Itoobiyaanka ey Jirdil xoogan kula dhaqaaqeen qaar ka mid ah dhalinyarada deegaankaasi, iyadoo dhanka kalena haweenka ka fiiqayaan indha shareerada ama Niqaabka.



Ma jiraan war ka soo baxay sarakiisha Ciidamada dowladda KMG degmada Yeed, marka laga reebo howlgalada baaritaanada iyo dhaqdhaqaaqyada xoogan ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Sh Xasaan Ibraahiim Ciise Muxaadaro ku Saabsan Shaydaanka 1

Sh Xasaan Ibraahiim Ciise Muxaadaro ku Saabsan Shaydaanka 2

Sh Xasaan Ibraahiim Ciise Muxaadaro ku Saabsan Shaydaanka 3

Sh Xasaan Ibraahiim Ciise Muxaadaro ku Saabsan Shaydaanka 4

Sh Xasaan Ibraahiim Ciise Muxaadaro ku Saabsan Shaydaanka 5

Mudaaharaadyada Masar oo wali socda illaa iyo Malyan la filayo iney isu soo baxaan

$
0
0

owladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay duulimaadyada diyaarada ee Egypt Airline waqtiga aan la socon karin ee u dhaxaysasadexda galabnimo iyo siddeeda subaxnimo.

Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii ay dadka mudaaharaadaya ku
baaqeen in bari hal malyan oo qof inay isugu imaadaan Qaahira.

Boliiska ayaa maanta lagu amray inay ku soo
noqdaan jidadka qaar magaalada qaahira, kadib markii ay ka tageen
jidadka jimcihii, waxaana loo sheegay inay la shaqeeyaan Askarta.

Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak ayaa ku
sameeyay isbadallo dowladdiisa, iyadoo laga cabsi qabo in mudaaharaadka
ay wax u dhimaan dhaqaalaha .

Waxaa la badalay wasiirkiii maaliyada Yusuf
Butras Ghali. Talaabadan ayaa ka danbaysay ka dib markii Hayadda
qiimaysa tayada wadamada daynta la siinayo ee Moody ay hoorsu dhigtay
darajada la siiyo Masar dhaqaalaheeda.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa la
badalay, isagoo ay dadka dhaleeceeya ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyay
sida ay boliiska ula dhaqmeen dadka mudaaharaadaya.

 


Wasiirka amniga Puntland oo u digay Somaliland

$
0
0

Maamulka Puntland, Yuusuf Axmed Kheyr, ayaa war ka soo saaray dagaalladii ka dhacay degaanka Buuhodle ee dhexmaray malleeshiyo beeleed halkaas ku dhaqan iyo ciidanka Somaliland iyo rabshado shalay ka dhacay magaalada L/caanod.

 

Puntland waxay sheegtay in aysan doonayn dagaal ay la gasho
Somaliland, hase ahaatee cawaaqibka arrimahaas ka dhasha uu dusha u
ridan doono maamulka Somaliland.

Wasiirka amniga Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, oo
arrimahaas uga warrmay weriyaha BBCda Axmed Maxamed Cali ayaa
faahfaahin ka bixiyay dareenka ay dawladda Puntland ka qabto iska
hor-imaadyada degaanka Buuhoodle ka dhacay.

 

Afhayeenka Alshabaab oo cambaaraayey shacabkii lagu laayey magaalada Muqdisho

$
0
0

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa si kulul u cambaareeyay shacabkii ey laayeen ciidamo ka tirsan
dowladda KMG maalinimadii shalay gudaha
magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay inay u aargudayaan shacabka isagoo la hadlayey qaar la mid ah saxaafada.


Wuxuu baaq u jeediyay ciidamada Al-Shabaab in ay garabsiiyaan shacabka,
wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay bixin doonto xarakada Al-Shabaab
jawaab ku saabsan xasuuqii shalay ka dhacay isgoyska Banaadir ee
magaalada Muqdisho.


“Ma aha wax ay idinka baryayaan ee waa waajib idin saaran,” ayuu yiri
Sh. Cali Dheere oo isagoo baaq u jeedinayo ciidamada Al-Shabaab. “Waxaan
shacabka leeyahay ka dhiidhiya dhibaatada ay idinku hayaan,” ayuu ku
daray hadalkiis.


Shalay barqadii ayay aheyd markii si mas’uuliyad darro ah ciidamo ka
tirsan dowladda KMG ugu fureen rasaasta ka dhacda khoriga Zuuga dad
shacab ah, waxaana ka dhashay qasaaro aad u xoog badan oo dhimasho iyo
dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Tirada dadka ku dhintay musiibadii Muqdisho oo sii korodhay ,wasiirro booqday (daawo Sawiro)

$
0
0
Waxaa sii kordhayo tirada dadka naftoodii
qaaliga aheyd ku waayey dagaal iyo rasaaseyn maanta Muqdisho ka dhacday
oo u dhexeysay ciidamo kawada tirsan dowladda KMG.

Wararkii
u dambeeyey ee laga helay Isbitaalada Muqdisho ayaa sheegayo in
dhimashu mareyso 17-ruux iyo dhaawaca tiro ka badan 60 oo shacab u
badan, dadka waxaa la dhigay Isbitaalka Madiino.


Musiibadan
waxay ka dhacday isgoyska Banaadir markii laba ciidan oo ka tirsan
dowladda ay murmureen kadibna uu nin saarnaa baabuur Zuu ah rasaas la
dhacay shacab iyo askarba dadkii meesha joogay badankood way dhinteen.


Wasiirada
arrimaha gudaha, gaashaandhigga iyo caafimaadka ee DKMG ayaa booqday
galabta Isbitaalka Madiino oo dhaawacyadu yaallaan, agaasimaha guud ee
Isbitaalkaas Dr Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa siiyey warbixin ku saabsan
xaaladooda, wuxuuna sheegay in ugu yaraan laba qof ay Isbitaalka ku
geeriyoodeen, kuwaasoo markii hore dhaawac ahaan loo keenay, ''waxaa loo
baahan yahay buu yiri dawo''.


Wax
ku cusub dadweynaha Muqdisho ee dagaalada la daalaa dhacayo ma ahan in
ciidamada dowladda xasuuq geystaan, loogana daba tagin kuwa falkaas
foosha xun ku kacayo.

Daawo sawirada dhaawacyada Isbitaalada yaalla iyo booqashada mas'uuliyiinta
http://picasaweb.google.com/114585507179069388796/Dhaawacyada#

Mubaarak oo ka hadlay xilliga uu ka degayo xukunka

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Masar Hosni Mubarak ayaa sheegay in uu ka dagi doono xukunka balse taasi aysan dhacaynin ilaa laga gaaro dhamaadka xilligiisa.

Khudbad uu telefishinka qaranka ka jeediyay ayaa looga gol lahaa in
lagu dajiyo xiisadda dibadbaxayo ballaaran oo dalbanaya iscasilaadiisa.

Waxaa Mr Mubarak uu sheegay in uusan xilka degi doonin ilaa laga gaaro bisha September.

Wuxuu sheegay in uu yeeli doono wax walba ee uu
awoodo sidii loo xaqiijin lahaa in kala guur nabadgalyo ku dhaca, isagoo
balanqaaday isbadal datuurka lagu sameeyo.

Hase yeeshee wuxuu kaloo dhaleeceeyay
dibadbaxayaasha, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan khuwado siyaasadeed
ayna qatar galiyeen xasiloonida dalka Masar.

Wuxuu ku soo gabagabeeyay in uu ku dhimanayo ciidda dalka Masar.

Jawaabo kala duwan ayaa dadku ka bixiyeen khudbadiisa.

Inta badan kooxaha mucaaradka ayaa ku tilmaamay
mid lagu raadinayo hab waqtiga loogu sii dheeraysto, waxayna dalbadeen
in uu xukunka ka dego.

Sidoo kale dadwaynaha ku dibadbaxaya fagaaraha
Taxriir ayaa wali qaar badan ay halkaas ku sugan yihiin, iyagoo aan dhag
u dhigaynin bandow magaalada la saaray.

Madaxwayne Obama oo hadlay markii ugu horaysay
tan iyo markii madaxwayne Mubakar uu ku dhawaaqay in uusan mar kale isu
soo sharaxaynin xafiiska, ayaa sheegay in loo baahanyahay in isbadal uu
dhaco.

Wuxuu sheegay in aysan cidina door ku lahayn in
ay badasho hogaankta Masar, balse isbadal waa in uu bilowdaa hadda
kaasoo keena in doorashooyin xor ah oo cadaalad ku dhaca la qabto.

Wuxuu ammaanay dadwaynaha gaar ahaan
dhalinyarada Masar iyo ciidamada oo uu sheegay waxay u dhaqmeen si
shaqo-aqoon iyo wadaniyad leh, isagoo ku dhiirigaliyay in ay xaqiijiyaan
in si nabadgalyo ah looga gudbi xilligan.

 

Daah ka feydida cajal la sheegay in laga duubay ninkii Shabaabka toogteen (cod)

$
0
0

Miisaanka.com Wararkeenii hore waxaanu ku iftiiminay in Al-Shabaab sameeyeen Cajal
been abuur ah oo ay ku nabsanayeen nin muslim ah oo ay si bareer ah ugu
toogeen xerada Maslax ee dhacda duleedka Magaalada Muqdisho.
Danta ay ka lahayeen inay sameeyaan dacaayadaas raqiiska ah ayaa ahayd
in shacabka ay ka gadaan laynta dadka aan wax galabsan oo marmarsiyo uga
dhigtaan wuxuu ahaa jaajuus u shaqeeya Cadowga Alle.
Meeshii laga sugayay inay soo badhigaan Film Video ah
oo la daawan karo ayaa waxay soo daayeen cod uu diyaariyay nin ayaga u
qaabilsan saxaafada oo ka shaqeeya Idaacadooda Al-furqaan oo u qaabilsan
baahinta warar xaqiiqda ka fog, hadii uu warkaas run yahay waxaan shaki
ku jirin cadaymaha ay sheeganayaan inay hayaan ay soo bandhigi lahayeen
iyagoo arag ah ama Muqaal.
Si ay been abuurka dadka uga gadaan oo waxay damacsanyihiin loo rumaysto
waxay cajalka ku bilaabeen muqadamo dheer oo ka hadlaysa
hagardaamooyinkii gaaladii qureysh Nabigeena SCW u soo Maleegeen iyo
shirqooladii ay rabeen inay ku dilaan.
Runtii waa arin ku tusaysa in Al-Shabaab Lafcad toobin ku hayaan, ma
joogno darsi siiro lagu qaato ee waxaan ka sugaynay cadaymihii ay balan
qaadeen inay noo soo gudbiyaan.
Intaas kadibna wuxuu gudagalay ninkii barnaamijka daadihinayay inuu ka
sheegeeyo Qalabka casriga ah ee ay adeegsadaan Sirdoonka maraykanka,
markale waxaan leenahay looma baahno inaad waqtiga ku lumis wax dadka oo
dhan wada ogyahay ee cadaymihii baanu kaa sugaynaa.
hordhac dheer kadib waxaa cajalka ka hadalay nin magaciisa ku Sheegay
Axmed Cali Xuseen kuna magac dheer Axmed keyse oo ku dhashay Magaalada
hargaysa sanadku markuu ahaa 1966.
Ninkan sida uu sheegayo waa nin wadaad ahaa oo ka mid ahaa macalimiintii
ururka Al-itixaad waana macalin quraanka iyo waxbarashada maadiga ah
dadka bari jiray.
Halkan ka dhageyso asagoo ka sheegeynaya bilawgiii noolashiisa iyo qabiilka uu u dhashay.
Axmed Keyse oo ka soo jeeda Soomaaliland ayaa u muuqda nin la shirqoolay
oo u waramayay koox ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, hadalka iyo
warbixinta sida uu u dhigayo waa sidii nin u waramaya dad iska dhigay
inay la jiraan oo warka ka gurayaan.
Axmed sida uu sheegayo waa fadhi weyn oo ay lagu marti qaaday waxaana fadhiya rag sarsare oo ka mid ah xarakada Al-Shabaab.
Sidee buu ugu gacan galay Sirdoonka Maraykanka?
Dulmanaha ayaa ka sheekeeyay isagoo safar u aaday dalka Jabuuti in
gigada diyaaradaha lagu qabtay lana xiray isagoo madaxa giish loo
galiyay kadibna qol yar oo ciriir ah lagu xiray oo uu halkaas in mudda
ah ku jiray.
Waxaa la yaab noqotay ninka Al-Shabaab ee daadihinayay barnaamijkan been
abuurka ah inuu sheegay in Axmed keyse loo ogolaaday inuu galo gudaha
magaalada jabuuti isagoo baasaboorkii laga qaaday! taasi waxaa beeniyaya
hadalka Axmed keyse, war xataa magaran waayeen inay beenta qurxistaan?
Halkan ka dhegeyso Axmed Keyse oo ka waramaya xarigiisii iyo qaabkii loo qabtay.
Sida aad maqlayseen ninkan waa nin la qasbay oo la kala dooransiiyay labo arin midkood in loo dhaadhiciyo xabsiga Guantanamo Bayee caanka ku ah jirdilka iyo faraxumaynta Argagaxisada unisba sheegataa Islaamka.
Cabsi ayaa u geysay inuu sirdoonka maraykan la shaqeeyo, waaba haday
runtahay codka ninkan waayo run ahaantii lama aamini karo kooxda
Al-Shabaab ee camalka ka dhigatay been sheegida iyo masabidaada.
Diin ahaan marka la fiiriyo hadalka ninka wuxuu noqonayaa nin la qasbay
wax xukun ah oo ka dhalanayana ma jiro ee taas niyada ku haya yaysan kaa
hoos bixinee
Intaas kadib Axmed Wuxuu ka sheegeeyay wixii ay sirdoonka maraykanka ka
dalbadeen oo ahaa inuu u soo gudbiyo xogta rag ay sheegeen inay
raadinayaan oo uu ka mid ahaa Saalix nabhaan iyo abuu dalxa Daariq
Sudaani oo lagu eedeyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay
safaaradaha maraykanka ee Nayrooni iyo Daarusalaam.
Halkan ka dhageyso Axmed oo sheegaya waxay Sirdoonka ku wada hadleen.
Hadalka Axmed markii dhagahaadu ku dhacaan waxaad yaqiinsanaysaa in
Axmed uu si daacad ah oo Alle ka cabsi ku jirto ugu waramayay
maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaadna ka ogaan kartaa sida uu macluumaadka
dheeriga ah u siinayay.
Isla hadalkaas wuxuu dhaliilay Axmed Sirdoonka Maraykanka isagoo sheegay
inaysan macluumaad badan haynin, wuxuu kaloo eedeeyay ninkii maraykanka
ahaa ay xiriiri jireen asagoo ku tilmaamay nin qabweyn yacnii isla weyn
taasina waxay ku tusinaysaa in Axmed Ahaa nin la qasbay oo aan marna
raali ka ahayn howshuu ku jiray waaba haday xaqiiq tahay.
Waxaa kaloo dareen ku galinaya hadalka Axmed Keyse isma haysto, waxaana
cad in hadalkiisa qaar laga tagay oo intii danta laga lahaa un la soo
daayay, bal jumladan dhagayso.
Halkan ka dhageyso war aan bilow iyo iyo dhamaad toona lahayn.
Sida aad maqashay Axmed wuxuu leeyahay Markuu ii dhamaaday kulankii
Muqdisho waxaan ku laabtay Magaalada hargaysa , Axmed warbixintiisii
hore kuma uusan sheegin kulankii Muqdisho iyo inuu muqdisho tagayba,
waxaase la yaab ah in ninka Al-Shabaab ee hagay barnaamijka u hadlo
Axmed oo muqadamo u sameeyo isla markiina maqdacana ku xijay si uu
beenta u yara qurxiyo.
Axmed Keyso oo ka Muxaadareeyay Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiris hogaanka ugu doorteen
Sida aan horay u soo sheegnayba Axmed wuxuu ka mid ahaa ururka
Al-Ictisaam, wuxuuna ahaa nin la yaqaano saas darteed wuxuu ka jeediyay
shir gudoonkii Sh Maxamed idiris lagu doortay kalmad waano ah oo u
badnayd Alle ka cabsi iyo wadanka qatarta ku soo foodleh sidii looga
hortagi lahaa.
Halkan ka dhageyso Axmed Keyse oo goob jooge ka ahaa Shirkii Ictisaamka Sh Maxamed Idiriis ku dooteen.
Hadalka Axmed Markaad dhageysatid waxaa ku soo baxaya in la shaqeynta
maraykanka ay u gaysay cabsi iyo hunguri lakiinse uu ahaa nin jecel
diintiisa iyo dalkiisa, taasna waxaa kuu cadeynaya sidii uu walaalihiis
itixaadka u faray inay wadanka ka difacaan gaalada ku soo foodleh.
hadaan damacno inaan beenaha iyo dacaayaadka raqiiska ah ee Al-Shabaab
soo bandhino qoraalka ayaa nala tagaya, waxaanse kuu suurta galinaynaa
inaad dhageysatid wareysigii Axmed Keyse oo nadiif ah oo aan ku jirin
beenta uu ku xardhay weriyaha Al-Shabaab si aad xaqiiqda u ogaatid.
Halkan ka dhageyso Warbixintii Axmed Keyse oo dhamaystiran.
Markii ay wareysteen oo wixii ay rabeen ka duubeen ayay go’aansadeen
inay dilaan, waana caado ay uga dayanayaan sirdoonka reer Galbeedka oo
lagu yaqaan inay khaarijiyaan qofka markay dantooda ka gaaraan.
Waxaa kaloo iyana cad in ninkan la hoosaasiyay oo la iskaga dhigay in la
cafiyay oo Mujaahidiinta u waramayo oo u sheegayo qaabka ay gaaladu ku
shaqaysato iyo sida ay u dhibaan Muslimka.
Marka indhaha laga laabto been abuurka Al-Shabaab waxaa suaashu ka
taagantahay Xukunka Jaajuusku ma dilbaa? Miyaysan jirin shuruudo la
eegayo yaasa xukunka fulinaya? Sida saxda ahna waa in Al-Shabaab ahal u
ahayn qabashada howshaas.
Si kastaba ha ahaatee Al-Shabaab ayaa ku fashilmay beenaha ay markasta
soo badhigaan, waxaana dad badan sugayeen Filimii Daawashada ay
balanqaadeen.
Isha: Miisaanka.com

Yuusuf Indhacadde: "Wasiirka Gaashaandhiga Maxkamad waa in la soo taagaa"

$
0
0

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa ku eedeeyay wasiirka
gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya in amar uu bixiyey lagu laalyay
dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.


“Ciidamada dadkaasi laayay waxaa laga soo diray Xarunta taliska
ciidamada Millateriga ee magalada Muqdisho ee Villa Baydhabo oo ku
tyaala meel ku dhow Isbitaal Banaadir” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde oo
sheegay in ay ciidamadaasi hoos tagaan wasaaradda gaashaandhiga ee
dowladda KMG.
Waxa uu ku taliyey Yuusuf Indha-cadde in dowladdu ay xili ka qaadis ku
samayso wasiirka gaashaandhiga, lana soo taago Maxkamad isaga iyo
saraakiisha kale ee ku lugta lahaa casuuqii ka dhacay Isgoyska Banaadir
ee magaalada Muqdisho.

Dowladda KMG ayuu ku eedeeyay inaysan waxba u qaban dadkii ku dhaawcmay
rasaastii ay fureen ciidamada dowladda ee jiifa qaar ka mid ah
Isbitaalada magaalada Muqdisho.

muxaadaro sheikh hassan ibraahim ciise (as sabro).wma part 3.wmv


Muwaadin Somali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi iyo kuwa la dhaawacay

$
0
0

Kooxo loo maleeyey tuugo kuna hubeysnaa bastoolado ayaa xalay ku dilay xaafadda islii ee magaalada Nairobi ganacasade Soomaaliyeed, kaddib markii ay bastoolad ku fureen gaari uu watay iyadoo sidoo kale dhaawacay haweeney la saarneyd marxuumka gaariga uu watay.


Mid ka mid ah ehellada ganacsadaha la dilay, ayaa saxaafadda u xaqiijiyay dilka maxuumka, isagoo sheegay in dilkaas ay ka dambeeyeen kooxo Kenyan ah, balse si dhab ah aan loo ogeyn sababta ay dilkan u geysteen.


"Dilku, wuxuu ka dhacay xaafadda Ushita ee Islii, waxaana kooxaha dilka geystay ay gudaha u galeen baabuurkii uu watay ganacsadaha iyagoo dilay, sidoo kalena dhaawacay Shariifo Caddow Raage oo ganacsato ahayd, lana socotay gaariga," ayuu yiri Maxamuud Cabdi Shiddo oo ehel la ahaa ganacsadaha la dilay.


Falka lagu dilay ganacsadaha laguna dhaawacay haweeneyda, ayaa waxaa ka badbaaday dhaqtar gaariga la saarnaa oo lagu magacaabo C/nuur Sheekh Axmed Caraay, kaasoo sheegay in kooxaha weerarka geystay aysan baxsadeen markii ay dilka geysteen.


Haweeneyda gancasatada ah ayaa dhaawaceeda la dhigay isbitaal ku yaalla xaafadda Islii, waxaana ganacsadaha la dilay uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan lagu dilo magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Soomaalidu daggan tahay ee Islii.


Ma ahan, markii ugu horreysay oo kooxo bastoolado ku hubeysan ay Islii ku dilaan ganacsade Soomaaliyeed, waxaase sannadkii hore lagu dilay dhowr ganacsade oo Soomaali ah magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo aan moodo in Kenyaatigu ey ku dayanayaan kuwa South Africa oo dad badan oo Somali ah ku dilay halkaasi.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku booriyey shacabka Somalia kacdoon ka dhan ah kuwa dowladnimada diidan

$
0
0

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geele Oo Lahadlayay
Raadiyaha Q.M Ee IRIN Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Muhiim Ay Tahay Oo xalka
Somaliyana Uu Ku Jira In Shacabka Ay sameeyaan Kacdoon Sida Ay U
kacdoomin Oo Kale Shacabka Reer Masar.


“Doowladii Soomaaliya loo dhisaba waxaa ishor taagaya Koox kuwaasi oo ku
andacoonaya in aan loo dhameyn Doowlada iyagaoo eeganaya Danahooda
gaar ahaaneed waana arin mar walba Caqabad ku noqota Doowladaha loo
dhiso Soomaaliya”Ayuu Yiri Madaxweyne Geele.


Waxa uu intaasi Geele in Soomaaliya iminka Xalka kaliya ee uharsan uu
yahay in ay Shacabka sameeyaan Kacdoon ay isaga dul qaadayaan Dadka
dhibaatada ku haya islamarkaana ay ku dooranayaan Hogaan si daacad ah
ugu shaqeeya taasi oo uu ku tilmaamay Xalka kaliya ee iminka muuqda sida
dhacdooyinkii isbadal doonka ahaa ee ka dhacay Wadanka Tunisia.
Lama Oga Sida Shacabka Somaaliyeed Oo ay Soo daashadeen
Dagaalo,cuduro,Abaaro Iyo Qaxba Sida Ay U Qaadan doonaan Hadalka
Madaxweynaha Dalka jabuuti Uu U Muuqda In Uu Yahay Mid Rajo Leh Marka La
Eego Awooda Ay Leyihiin Shacb IS Raacay.
Maxamed Xaaji Xasan
Maxamed555@hotmail.com

Ictisaam oo inkiray in uu ka tirsanaa ninkii Alshabaab basaasnimada u toogteen

$
0
0

Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed
Salaad ayaa sheegay in nin dhowaan xarakada al Shabaab ku dishay
magaalada Muqdisho uusan ka mid ahayn Jamaacada Ictisaamka siday
sheegteen dad u hadlay Al Shabaab.

Ninkaasi ay dileen Shabaab ayaa maalin kahor waxaa war ay faafiyeen
rag ka mid ah xarakada Shabaab waxay ku sheegeen in ninka ay dileen oo
la oran jiray Axmed Cali Xuseen kuna magac dheeraa Axmed Keyse uu ka mid
ahaa Jamaacada Ictisaam.
Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo maanta arintasi ka hadlay isla markaasina
shir jaraaid u qabtay saxaafada ayaa been abuur ku tilmaamay hadalkaasi
maalin ka hor ka soo baxay al Shabab oo ahaa in Axmed Keyse oo ay
dileen uu ka tirsanaa Culimada Ictisaam.
Shiikh Bashiir Axmed Salaad waxa uu tilmaamay in ninkan uu ka tirsanaa
hogaanka Shabaab waqtiyadii ugu danbeeyay isagoona ku tilmaamay
hadalkaasi mid lagu dilayo sumcada culimada Soomaliyeed.
Sidoo kale guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaliyeed ayaa sheegay in
sababta iyaga loogu saariyay ninkan laguna dilay  ay tahay khilaaf soo
kala dhexgalay  oo iyaga u gaar ah balse aysan jirin wararka la
faafinayo.
“Khalad iyo sax waxay ahaataba koley anagu ninkaasi iyaga xagoodaan ku
ogeyn iyaguuna ks mid ahaa weliba ragooda waaweyn buu la jiray” ayuu
sheegay Shiikh Bashiir oo  intaa kudaray in xitaa aan lagu kalsoonaan
Karin codadkii uu ninkaasi la dilay ku qiranayay danbiga lagu eedeeyay
ee ahaa inuu basaas ahaa ninku maadama mudo kudhow 2 sano ay xabsi
kuhayeen.
Wuxuuna yiri Shiikhu “lama ictimaadin karo qof kuu xiran oo kaa cabsanaya warkiisa waa kasoo qaad maleh mana la cuskan karo”.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dhinaca kale sheegay in ninkan dilkiisa
uu la mid yahay dilal badan oo qaab aan la hubsan loo marey dad badana
lagu laayeey.
Ugu danbeyntii gudoomaiyaha Hay’adda Culimada Soomaliyeed Shiikh Bashiir
Axmed Salaad ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta in diinta loo
nisbeeyo waxyaabo aaney baneyn taasna ay ka iman karto masiibo ka weyn
kana culus saameynteeda wuxuuna guud ahaan ummada xusuusiyey inay Alle
SWT ka cabsadaan cidii dembi iyo dhibaato faraha kula jirtana ay ka
towbad keento waqtiga ay fursada heysato.

Dagaal ka soo cusboonaaday Guriceel xilli abaar ba'ani ka jiro gobolka Galgaduud

$
0
0

Dagaal qaraar ayaa ka socda duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kadib markii ey isku dagaaleen ciidamada ka kala tirsan Ururka Alshabaab iyo Ahlu Sunnah

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu saakay aroortii hore ka billowday deegaan lagu magacaabo Dhagaxyaale oo 45 km dhanka Bari kaga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana goobta uu dagaalku ka socdo ay u dhow dahay deegaanka Wara-Dhuumale oo horay maamulka Ahlu Sunna iyo maleeshiyada Al Shabaab ay ugu dagaallameen.

Dhowr mar ayaa dagaalo soo noqday noqday ku dhexmareen labadan urur degaanadan iyadoo haatana ey tahay xilli lagu jiro abaar ba'an oo ku baabi,isay gobolka dan iyo duunyo.

War deg deg ah: Xildhibaanda barlamanka oo isu kordhiyey waqtiga ay shaqeynayaan

$
0
0

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG oo maanta sidii la filayey shir ku yeeshay Aqalka Ummadda ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in loogu kordhiyo waqtiga saddex sano hor leh

Fadhi maanta uu ku yeeshay baarlamaanka dowladda KMG xaruntiisa golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ka qeyb galay 435 Xildhibaan.

Waxay aheyd tiradii ugu badnayd xildhibaanada baarlamaanka ee ka qeyb gala fadhiyadii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, waxaana codkooda ku taageeray in waqtiga shaqada la kordhiyo afar boqol xildhibaan ka badan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada cod gacantaag ah oo ay sameeyeen xildhibaanada, taasoo ah in saddex sano uu sii shaqeeyo baarlamaanka dowladda KMG laga bilaabo xilliga uu ku ekaa waqtigiisa.

Looma kordhinin gudoonka baarlamaanka waqtigiisa oo ku eg bisha August ee sanadkan, waxaana la soo dooran doonaa gudoon cusub marka waqtigaas markii la gaaro.
Aad ayay u yaraayeen xildhibaanada ka soo horjeestay in loo kordhiyo baarlamaanka dowladda KMG waqtiga shaqada.

Shirkii magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gabagabeeyay todobaadkan ayaa waxaa loogu ogolaaday dowladda KMG in la kordhiyo waqtiga shaqada baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live