Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Injineero Kenyan ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Injineere Kenyan ah ayaa Qarax lagula eegtay Xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Qaraxaan oo ka dhacay Ceelwaaq Kenya ayaa waxaa ku dhintay 2 Injineer oo Kenyan ah halka 2 Injineer kale oo Soomaali ah ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Waxaana Qaraxaasi xigay weerar toos ah oo Dabley hubeysan oo loo maleynayo Al Shabaab ay ku qaadeen Gaariga ay la socdeen Injineeradaasi.
Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo Khasaaro xoogan geysta.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter


Xil ka qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxa isi soo taraya soo dhaweynta ku aadan Xil ka qaadistii Golaha Adeega Garsoorka ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka.
Ex Xildhibaan Cali Baashi ayaa sheegay in Golaha Adeega Garsoorka hooshooda ay tahay in ay xilka ka qaadaan haddiii Wajibaadkooda gudan waayaan Masuuliyiinta Garsoorka.
Dr Mukhtaar Nuur Faarax oo mar soo qabtay Xilka Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare in uu Musuqmaasuqay 25,000 dollar oo ahaa Gunnooyinka Shaqaalaha Garsoorka islamarkaana Xafiiska uu ka dhigtay meel uu malkiyad ahaan leeyahay islamarkaana uu ka sameysto Hanti gaar ah.
Garsoorka dalka ayaa wajahayay muddooyinkii dambe Cabasho xoogan oo kaga imaaneysay qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo soo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa soo dhaweeyay Dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto ka hortagga Musuqmaasuqa.
Waxa uu sheegay Xildhibaanku In Musuqmaasuqu uu ka jiro Dalal horumaray laakiin haddii Soomaaliya dadaalada haatan ay wado sii labo jibaarto uu ka dhammaan doono Musuqmaasuqa.
Waxaana uu ku bogaadiyay Tallaabada Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu kaga hortagayo Musuqmaasuq in ay ku kacaan Hay'adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo tallaabo wax ku ool ah ku tilmaamay dabagalka ilaha dhaqaalaha Dalka sida Dekedda iyo a Air-Portka Aadan Cadde.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii 2aad shalay booqday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho halka Wasiiro Xukuumaddiisa ka tirsana ay booqdeen Air-Portka Aadan Cade.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Dowlada Kuwait oo qabatay Dhuxul u Rarneyd Al-Shabaab

$
0
0

Sida ay qortay Wakaalada wararka Dalka Kuwait ee la yiraahdo Kuwait News Agency (KUNA) Ciidamada Badda ee dalka Kuwait ayaa qabtay shixnad dhuxul ah oo u rarneyd Al-Shabaab.
Wakaalada oo soo tabineeyso war ka soo baxay dowlada Kuwait ayaa lagu sheegay 51-kiish oo saarnaa dooman yar yar ay qabateen Ciidamada Wadanka Kuwait.
Dowlada Kuwait ayaa sheegay in Dhuxushaasi loo waday in loo iibgeeyo gudaha dalkeeda si Al-Shabaab macaash lacageed oo aad u farabadan ay uga helaan.
Dowlada Kuwait ayaa sheegtay in Dhuxushaasi ay iibin doonto islamarkaasina qarashaadka ay ku iibiso ay u soo diri doonto dowlada Soomaaliya.
Dowladaha Kuwait iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo waana markii ugu horeeysay oo ay qabato Shixnad Dhuxul ah oo Al-Shabaab u rarnaa.
Al-Shabaab oo Gacanta ku haya Jaziiradaha Gobolka Jubbada Dhexe ayaa halkaasi ka iib geeya Dhuxul aad u farabadan.
Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegtay in Al-Shabaab ay qaraashaad aad u farabadan uu uga soo xarooda Dhuxusha SoomaaliyaHalkan ka Aqriso Warbixinta Wakaalada KuwaitXasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Dowlada Kuwait oo qabatay Dhuxul u Rarneyd Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.

Xaalada Nololeed ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku...

$
0
0

NEW DELHI(RBC RADIO)Waxaa laga dayrinayaa Xaalada nololeed ee Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsi kuyaalla dalka India kuwaasoo ku eedeysan Burcad Badeednimo.
Dhalinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 118 ruux ayaa waxaa laga qabtay Xeebaha SoomaaliyaDowladda India ayaa sheegtay iney kamid yihiin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida,Xabsiyada ay ku jiraan ayaa waxaa ku haysta dhalintan Soomaaliyeed duruufo kala duwan.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxaa Xabsiga ku haysta dhibaatooyin ay kamid yihiin Xanuuno,Gaajo iyo Daryeel la'aan,waxayna ka codsanayaan Dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iney soo faragaliso arintooda.
25ka Bishan May ayaa la filayaa in Maxkmad kutaalla dalka India ay xukun kama danbays ah ku rido dhalinyaradan Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalkaasi India,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oomaaliya ayaa hore ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iney xiriir la samayso Dowladda India si dhalinyaradan dib dalkooda loogu soo celiyo.
Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayaa ku dhibaataysan Xabsiyo kuyaalla wadamo badan oo Caalamka ah mana jirto cid u istaagta sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed looga soo saari lahaa Jeelasha Wadamada Shisheeye ee ay ku dhibaataysan yihiin.
RBC RADIO

Ciidamo ka cabanaya Mushaaraad ay ka gacan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya Gacan bidexeyn ay Mushaaraadkoodii ku sameeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed.
Askari diiday in Magaciisa loo adeegsado Qalabka Warbaahinta una warramayay Idaacadda Shabelle ee Magalada ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u soo dhiibay Xuquuqdoodii Mushaaraadka ayna ka dhageysteen Warbaahinta balse aan la soo gaarsiin.
Sidoo kale Askarigaan ayaa sheegay in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay saxiixeen Mushaaraadkii ka maqnaa muddo 6 Bilood ah balse Afar Bilood ka mid ah ay gacan bidixeeyeen Saraakiisha ay hoostagaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay bixineysay Mushaaraadka Shaqaalaha iyo Ciidamadeeda walow maanta qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda ay soo bandhigeen in Saraakiil Xoogga dalka ka tirsan ay Musuqmaasuqeen xuquuqahoodii xilli Dowladda Cusub ee uu Majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo sheegtay in si weyn ula dagaalameyso Musuqmaasuqa.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Madaxweynaha Somaliland oo maanta Qudbadii Xuska...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta si Toos ah uga jeediyey Qasriga Madaxtooyadda Qudbadii Xuska sanad guuradda 26aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland ee 2017-ka.
Qudbadda Madaxweynaha Somaliland oo taabanaysay dhinacyo badan waxa uu kaga hadlay qorshaha qaran ee sanadkan loogu talogalay in wax lagaga qabto dhibaatada Abaaraha ku soo noq noqday shacabka Reer Somaliland, waxaanu ku dhawaaqay in si rasmi ah Somaliland isugu tashanayso isla markaana ay wax ka qabanayso Beeraha, Biyaha, Dibu-xoolaynta Xoola dhaqatada iyo Dhir beerida.
Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu kaga hadlay wax ka qabashada sicir bararka isagoo sheegay inay Xukuumaddiisu si dhakhso ah wax uga qaban doonto, isaoo sheegay inay xukuumad ahaan bilaabeen talaabooyinkii ay wax kaga qaban lahaayeen.
Madaxweyne Siilaanyo si adag uga hadlay qorshaha beesha caalamku ku doonayso inay cunaqabatayntii Hubka kaga qaado Somaliya, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka hor iman doonta.
Qudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran:Taariikhda: 18 May 2017
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,
Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu...
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u jeedinaya, dhammaan shacbi weynaha Somaliland meel ay joogaanba, Xuska 26 guurada munaasibadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May 2017.
Si gaar ah, waxaan u boggaadinaya halyey-yada ciidammada qaranka kala duwan ee hadh iyo habeen heegankan ugu jira adkaynta amniga gudaha iyo difaaca qaranka.
Maanta waa maalin weyn, waa maalintii aynu la soo noqonney madax- bannaanideenii murkacatay 1-dii July 1960. Waa maalintii hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee ummaddani, ay go'aamiyeen in ay dib u saxaan taladii ay il-duufeen soddon sanno ka hor, 18-kii May 1991.
Waxaan caad, iyo ciiro toona saarnayn, muddadaa 26-ka sannadood ah ee aynu ahayn dal iyo dawlad gaar ah, in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina illowsiiyey xanaftii iyo xanuunkii inaga soo gaadhay 371-kii bilood, ee aynu ka mid ahayn dal weynihii la odhan jiray Soomaaliya.
Guushaa ballaadhan ee inoo soo hooyatay, waxaa galladeeda iska leh ALLAHEENA weyn ee awoodda badan.
Mar labaad, waxaa mudan in aan u mahadnaqo ama u duceeyo, dhammaan hoggaamiyeyaashii qarankan taladiisa iiga horreeyey. Sidoo kale, waxaa mudan in aan bogaadiyo dhammaan haldoorkii, iyo halyeyadii ka soo kala jeeday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, culimada, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo siyaasiyiinta ee doorka weyn ka soo qaatay horumarka iyo dib u dhiska uu qarankani maanta dugsanayo.
Waxaan leeyahay waynu guulaysannay. Guusha dawladnimadeenna waxaa saldhig u ah, oo ay ku timi caqli, cuud iyo cudud aynu leenahay, oo aan carri shisheeye laga soo waaridin.
In kasta oo aan si rasmi ah dunidu u aqoonsan qarannimadeenna. Haddana, waxaa dhab ah in badan oo adduun weynaha ka mid ahi, inay inoola macaamilaan sidii dal madax-bannaan.
Taasi ma'aha arrin ku timi sahalo, balse waa mid ku timi isku-tashi, tacab, tawfiiq, talo wadaag iyo ALLE taban-taabadii.
Somaliland waa xaqiiqa jirta oo aan cidina indhaha ka qarsan karin. Somaliland nin neceb iyo nin jecelba, waa cadceed soo baxday, oo aan cidina sacab ku qarin karin.
Waxaan beesha caalamka leeyahay, Somaliland waa qaran tashaday oo wax taransaday. Waxaannu nahay ummad aan dhito xun dhigan, dhibteedana dunida ka dhawrtay.
Sidaa darteed, ma geyno in lanagu gafo, ama nalagu gabood falo. Ma geyno in lanoo garba duubo, raggii aanu kala guurray, geelii isugu kaaya jirayna, aanu kala soocannay.
Ma geyno in na loogu abaal gudo in na la dhayalsado. Dhinaca kalena, la dhiso dhigayaga, oo maalin kasta maqdarad loo dhigo, maalna loogu ururiyo.
Ka garowsan mayno bulshada caalamka, in ay ku xad-gudbaan xurmada iyo xuquuqda aanu ummad ahaan leenahay, ee EEBE na siiyey.
Ka garowsan mayno caalamka caddaalad darro gaadha, in ay noo kala hiiliyaan ama nooga eexdaan walaalahayo.
Waxaan dunida uga digayaa, in la gaadhsiiyo Dawladda iyo Dadka aan Odayga u ahay, in uu ku dhaco gadood xun, oo lumiya gobonnimadii lagu bartay.
Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa'iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.
Soomaalidu waxay ku maahmaada: "Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto"
Sidaa darteed, maanta ummadii soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.
Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban.
Dhinaca kale, waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga.
Waxaan ugu baaqayaa dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna tashada, oo iskiin u tashada.
Haddii soomaali wada noolaan kari wayday, wuxu caqliga fayobi ina farayaa, in ay iskeed u kala noolaato.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sannadkan ina soo wajahay duruufo adag oo kala duwan. EEBE Mahaddii, waxa hubaal ah, in aynu in badan oo ka mid ah kaga soo dabaalannay dedaalkeenna iyo doobirteenna, oo aynu kaashannay ducada ALLE.
Waxaa ka mid ah sicir-bararka ama sarrif-bararka, ka dhashay arrimahan soo socda:
1. Dhoofka Xoolaha Nool oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaheena, isla markaana ahaa waxa ugu weyn ee aynu dhoofinno, oo la joojiyey. Taasi waxay keentay in aynu ku weyno lacagtii adkayd ee aynu ka heli jirnay, oo aan ka yarayn Saddex Boqol oo Milyan oo Dollar sannadkii.
2. Lacagtii inooga iman jirtay xoogeenna dhoofsan (Qurba-jooga), oo sababo kala duwan darteed u yaraatay.
3. Sannad walba, waxaynu lacag adag oo aan ka yarayn dhawr boqol oo milyan ku soo iibsannaa Qaadka, oo aan wax qiimo ah inoogu fadhiyin.
Lacagtaa joogtada ah, oo ummad ahaan inagu ah dhiig bax, ma jirto haba-yaraatee, wax aynu ku beddelanaa.
4. Ganacsigeennii iyo wax kala iibsigeennii, waxaynu ku salaynay lacag aynaan lahayn, mid kaash ah iyo mid lagu isticmaalo adeegga tilifoonnada ee casriga ah (ZAAD iyo E-dahab), taas oo meesha ka saartay isticmaalkii cumladdeenii sharciga ahayd.
5. Waxa intaa dheer, innaga oo aan wax soo saar iyo tacab kale u feydan, iska daa waxaynu dunida u dhoofinnee, ab iyo isir khudraddii aynu beeran jirnay, ee dhulkeenna kala soo bixi jirnay, waxaynu maanta ka soo iibsannaa dalalka aynu deriska nahay.
Arrimahaa aan soo sheegay, waxay keeneen baahi dollar, oo xad dhaaf ah, iyo in cumladdeennii qiimo dhacdo, markii la isticmaali waayey.
Haddaba, waxaan Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in ay naga go'an tahay la-dagaalanka sicir bararka iyo hirgelinta go'aamaddii ka soo baxay Golaha Wasiirrada, ee looga gol lahaa qiimo u yeelidda Shillinka Jamhuuriyadda Somaliland.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan, waxa dalka ka dhacay abaaro ba'an, oo waxyeelo u geystay duunyadii, daaqii iyo dadkiiba.
Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen, guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakhtigan xaadirka ah, waxa qiyaas ahaan la xaqiijiyey in boqolkiiba toddobaatan xoolihii noolaa ay dhammaadeen, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalkeenna.
Taasi waxay keentay, in dad badani ku soo hoydaan Tuulooyinka, iyagoo caydh ah.
Abaartaasi markii ay dhacday, waxaan magacaabay guddi qaran oo ka kooban culimo, ganacsato iyo mas'uuliyiin xukuumaddayda ka mid ah, si ay gurmad iyo gargaar ula gaadhaan dadka tabaaloobay, kuwaas oo illaa hadda shaqaynaya.
Waxaan shaki ku jirin in guddidaasi dedaal weyn ay samaysay, ILAAHAYNA sabab uga dhigay in ay badbaadiyaan nafo badan, oo baad iyo biyo la'aan u dhiman lahaa.
Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo Guddidii aan u xil-saaray taakulaynta abaaraha. Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadaatay gargaarkii iyo gurmadkii loo fidiyey dadkeenna xilligii abaarta.
Mar labaad, waxaan ummadayda ku hambalyeynayaa caadooyinka wanaagsan ee ay dhaqanka u leeyihiin, in ay iskaashadaan ama is caawiyaan wakhtiyada adag.
Waxaan caddaynayaa in Xukuumaddaydu ay gacan weyn ka geysatay gurmadkii abaaraha, isla markaan gundhig u ahayd hawlaha gargaarka. Hore ayaa loo yidhi: "Nin adhigiisii bahal galay, ayaan darane mooyee, orod darane lama yidhaahdo".
Sidaa darteed, waxba lamaanu hadhin haba yaraatee, kuna faani mayno, oo waxay ahayd xil iyo waajibaad na saaran.
EEBE, waxaan ka baryayaa, inuu ajar iyo xasanaad, dhammaanteen inaga siiyo, qaadhaankii iyo sadaqaddii aynu isu hurray.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
EEBE mahaddii, roobkii waa inoo da'ay, abaartiina wey jabtay. Hase yeeshee, waxay ummad ahaan ina dhaxalsiisay, dhibaato weyn oo u baahan gurmad deg deg ah, iyo qorshe aynu kaga gaashaamanno, ama kaga hor-tagno abaaraha ina aafeeyey, ee inagu soo noqnoqnaya.
Duco-qabayaal,
Qoysaskii aynu xilliga abaarta caawinaynay, waxay soo doogeen iyagoo badi caydh ah, xeradii xooluhu uga buuxi jireen ay madhan tahay, oo cuud iyo calaf kalena aan haysan.
Haddaba, markii aan arkay duruufta dalku ku jiro, waxaan garwaaqsaday in loo baahan-yahay in mar labaad aynu samayno gurmad qaran.
Sidaa darteed, waxaan u beddelay debaaldegii iyo damaashaadkii 18-ka May, oo ahayd munaasibaddii qaranka, qaadhaan ururin ballaadhan oo aynu ku taageerno dadkeenna tabaalaysan.
Si looga midho dhaliyo mashruucan qiimaha badan, waxaan magacaabay, Guddi Qaran oo ka kooban noocyada kala duwan ee Bulshada, culimo aw diin, ganacsato, ururada bulshada rayidka ah, Xisbiyada mucaaridka ah iyo xubno ka tirsan Xukuumadda.
Guddidan, waxaan u xilsaaray, qaadhaan ururin ballaadhan oo ka bilaabanta dalka oo dhan maanta oo ay bishu tahay 18-ka May illaa 26-ka June 2017.
Qaadhaan ururintan oo socon doonta muddada 45-ka cisho, waxa lagu fulin doonaa mashaariic lagaga soo kabto abaaraha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. In lagu celiyo dadkii ka barakacay deegaankoodii.
2. In loo iibiyo xoolo nool dadka caydhoobay, gaar ahaan kuwa ugu jilicsan.
3. In la qodo ceelal biyood, iyo balliyo biyaha socda lagu qabto.
4. In la xidho seerayaal badan oo lagu baxsado xilliga jiilaalka.
5. In dadka aan awoodi karin laga caawiyo qodaalka beeraha xilli roobaadkan.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa shacbi weynaha Somaliland ee milgaha iyo maamuuska mudan, in ay fadhiga ka kacaan oo ka qayb qaataan qaadhaan ururinta ballaadhan ee ka bilaabantay guud ahaan Gobollada Dalka oo dhan.
Waxaan leeyahay dadkaygoow, wax isu hura, oo wax isu quudha, waxna isa siiya. Waxaan leeyahay aynu isku tashanno, ALLAHEENNA talo saaranno. Waxaan idin leeyahay, isu naxariista, si EEBE inoogu naxariisto.
Duco-qabayaal,
Waxay ummaddi asaageed ku gaadhi kartaa, aqoon, iskaashi, iyo isku duubni. Sidaa darteed, waxaa inala gudboon:
1. In aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna.
2. In aynu kor u qaadno wada jirkeenna, iyo waddan jacaylkeenna, isla markaana aynu ubadkeenna ku ababino arrimahaa.
3. In aynu wax weyn ka beddello qaabkii aynu xoolaha u dhaqan jirnay, ee aynu ka dhaxalnay awoowayaasheen.
4. In aynu xoog saarno wax soo saarka beeraha iyo kalluunka.
5. In aynu qabanno doorasho xor iyo xalaal ah, xilligii loogu talo galay ee 13-ka November, 2017-ka, isla markaana muujinno bulsho ahaan, hab-dhaqan ku dhisan baraarug iyo bisayl badan, sidii caadada inoo ahayd.
6. In aynu joojinno ama yarayno cunista Qaadka, kaas oo adhax jab ku ah nolosheenna dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka iyo Caafimaadka.
7. In aynu la nimaadno qorshayaal aynu ku qabanno biyaha badan ee badda ku shubma.
8. In aynu dhaqan gelinno wareegtooyinkii aanu soo saarnay ee lagu daryeelayey daaqa, duur-joogta iyo deegaanka.
9. In ay joojiyaan hudheellada waaweyn ee cuntada lagu kariyo adeegsiga dhirta iyo dhuxusha, si looga hor-tago xaalufka dhirta, waxa lagama maarmaan ah in ay ku beddelaan gaasta, oo ah mid haataan qiimo ahaan aan ka qaalisanayn.
10. In aynu abuurro mashaariic salka ku haysa isku tashi iyo iskaa wax-u-qabso, taas oo waajib ka dhigaysa in arday kasta oo ka soo baxa Dugsi Sare, ama Jaamacadda Heerka Koowaad ka qalin jabiya, in uu qarankiisa u shaqeeyo wakhti xaddidan oo xeer jideeyey.
11. In aynu ba'abiinno xidhmooyinka dhulka sharci darrada ah, isla markaana aynu soo celinno nidaamkii seerayaasha.
12. In aynu dhiiri-gelinno, isticmaalka Cumladdeena, isla markaana ummad ahaan isugu naxariisanno sicirka badeecadaha suuqa.
ALLAHEEN BAA GALAD LEH,
GOBONNIMANA SHACBIGA SOMALILAND BAA LEH,

Jilaa caan ahayd oo ka tirsanayd Bollywood oo...

$
0
0

Reema Lagoo oo ahayd jilaa caan ah oo ka tirsanayd shirkadda aflaanta Hindiga ah jisha ee Bollywood ayaa geeriyootay iyadoo 59 jir ah.
Waxay ku caanbaxday "hooyo ubadkeeda jecel".
Waxay ku geeriyootay Isbitaal ku yaala magaalada Mumbai ka dib markii uu wadnuhu istaagay habeenkii Arbacada.
Haweenaydan jilaaga ah ayaa ku caan baxday doorka hooyanimada oo ay ku jili jirtay aflaanta.
Waxay jishay filimaaan badan oo aad u caan baxay oo ay ka mid ahaayeen Hum Aapke Hain Koun, Kuch Kuch Hota Hai, iyo Maine Pyar Kiya.
Reema ayaa xirfadan jilaanimada ku soo biirtay dhamaadkii 1970yadii, waxayna ku caanbaxday in ay jisho doorka hooyanimada.
Waaxaa kaloo lagu yaqaannaa in ay marar badan hooyo u noqotay filimo ay wada jileen atooraha caanka ah ee Salmaan Khan.
Salmaan ayay hooyo u ahayd filimkii u horeeyay ee uu jilo 28 sano ka hor iyadoo markaas 31 jir ahayd.
Dad badan ayaa Twitterka ugu tacsiyeeyay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan


Maqaaxida Inanta: Madaxweyne Siilaanyo oo Dhagax...

$
0
0

Maqaaxida Inanta(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta dhagax dhigay Ceelkii ugu horeeyey ee hormoodka u ahaa Mashaariicda Xukuumadda Somaliland ugu talogashay Xuska 18 May.
Ceelkan oo ku yaala Maqaaxida Inanta (God-Gal), waxa uu madaxweyne Siilaanyo munaasibaddii dhagax dhiga ka sheegay in uu bar bilow u yahay Qorshaha isku tashiga ee mashaariicda Horumarineed ee Qaranka Somaliland go'aansaday in loogu bedelo munaasibada 18 ka May.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku Duceeyey Ceelkaas oo uu ilaahay ka baryey in uu noqdo mid dadka deegaanku ka faa'iidaystaan, isagoo ku hambalyeeyey dhalinyaro Mutadawiciin ah oo ku deeqay $12,000 oo ku baxaya Ceelkaasi.
Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Hambalyeeyey Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Soltelco oo ku deeqay Qalabka Ceelkaas lagu qodayo, oo uu keenay goobta dhagaxa la dhigay, isla maantana bilaabay dhismihiisa.
Wasiirka Madaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maayar C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, oo iyana ka hadlay goobta ceelka laga qodayo ayaa umadda ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan kana dhabeeyaan qorshaha Qaran ee bulshadu isla qaadatay inay kaga baxdo baahida Abaaraha eek u habsatay Somaliland..
Dhalinyarada Mutadawiciinta ah ayaa iyana dhinacooda uga mahad naqay masuuliyiinta Qaranka qorshahan ay shacabka hormoodka ugu yihiin.

Somali troops stage short mutiny over unpaid salaries

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Hundreds of Mutinous Somali forces have on Thursday blocked the main streets around the headquarters of the defense Ministry in Mogadishu, to protest over unpaid salaries.
One of the Military soldiers staging the mutiny, told Radio Shabelle over the phone that their commanders have corrupted 4-months salaries paid by the Federal government of Somalia.
The situation has returned to normal, after the soldiers were convinced to arrive back to their barracks by the top commander of Somali National Army (SNA), he added.
President Mohamed Abdullahi Farmaajo who was elected in February 8, has promised to pay the regular salaries of the country's army soldiers, to restore the law and order in Somalia.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Maxaa keenay in jadeecada ka dillaacday Minnesota ay si gaar ah u saameyso Soomaalida?

$
0
0

Soomaali badan ayuu soo ritay cudurka jadeecada oo ka dillaacay gobolka Minessota ee dalka Mareykanka. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Soomaalidu ay ka caga jiidaan talaalka carruurtooda. Halkan ka daawo faahfaahinta.

MADASHA XILDHIBAANADA NAIROBI IYO BOQOL-JIRKA DAWLADDA

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Maanta waxey ku buuxdaa 100 maalmood doorashadii M. Farmaajo. 3 maalin ka hor ayaa Nairobi looga dhawaaqay Madal la baxday " Horu-socod" oo baraha bulshada iyo warbaahinta Somalida aad looga dooday loona kala qeybsamay ilaa 3 aragti;

  1. In ay khalad tahay dhalashada Madashan, lagana hor-tago, lana joojiyo, kuna tilmaameen; khiyaano qaran, Saadicuun bil-xukuuma, Xildhibaano xil ama dhaqaale doon ah, fara-shisheeye, Qabyo iyo Xasilooni oo magacii u bedeshay Horu-socod, Dal-jir oo gashatay shaati kale, Xildhibaan Xasan Sheikh iyo Xildhibaan Cumar C/rashid oo gadaal ka taagan, markii looga adkaaday doorashadii oo ay heleen fursad aysan helin 20 kii musharax ee kale oo ah; xubin-nimo Xildhibaan, galaan-gal Xildhibaano iyo abaal dhaqaale iyo awood-siin Xildhibaano...iwm.
  2. In ay sax tahay dhalashada Madashu, loona baahanyahay la xisaabtanka iyo toosinta Xukuumada, ayna tahay xaq sharci ah oo ay leeyhiin Xildhibaanadu, wakiilna ay ka yihiin Shacabka, talaaba kasta ee Xukuumadu qaadana lala xisaabinayo goor kasta iyo meel kasta, cidna aan looga hey'baysaneyn, waana shaqadii caadiga aheed ee Xildhibaanada, waxna kuma jabna.
  3. In loo baahanyaha la xisaabtan iyo kutlooyin, lkn waqtiga iyo goobta lagu soo bandhigay ayaa qaldan iyo hogaanka Madasha, iyaga oo ku sababeeyey in la xisaabtanka Xukuumadu uu yahay 6 bill ilaa sanad kadib iyo in dalka xurriyad ka jirto oo aan loo baahneyn in dal kale la tago iyo in la filayey in hogaanka kutlooyinka Xildhibaanada ay qaban-doonaan dhalinyarada Isbedel-doon ee cusub, gadaalna ay mari-doonaan Xildhibaanadii lagu bartay Mooshinka iyo Sancada, lkn ay weli soo taagan-yihiin.

Hadaba doodaas iyo daliilkeeda kadib aan fiirino wax-qabadkii Xukuumada 100 maalmood:

  1. Magacaabis; gole Wasiiro, Taliyaal Ciidan, Gobal Benadir, Dekeda, Airport, Maamuleyaal-dakhli, Xafiisyada Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo wasiirada qaar iyo Shaqaale kale oo cusub.
  2. Waqtigii shirarka, Shaqada iyo shaqaalaha oo la xadiday 8:00 am - 4:00 pm. Shaqaale la socon waayey waqtiga ama lagu maqlay musuq oo la eryey.
  3. Madaxda gobalada oo dib loo shiriyey, laguna daray golaha amniga, laga lana tashaday qorshaha Ciidan, loona waday London.
  4. Safaradii Madaxweynaha; From dhulka barakeysan ee Xarameyn ilaa Xarunta caalamka ee London oo gaaraya ilaa 7 plus R/wasaaraha iyo xaruntii deeqsiga ee Doxa. Sidoo kale safarkii gobalada ee Baydhaba iyo inta kale oo qabya ah.
  5. Dib-u heshiisiintii oo laga bilaabay Galmudug, welina socota, loona dhisay Madaxweyne.
  6. Amnigii oo wax laga bilaabay, lana wado sixida qaladaadkii hore.
  7. La dagaalanka Musuqa oo la bilaabay, layskuna dhaarsaday, qofkii ka baxana seeftu qaadi-doonto.
  8. Mushaarkii oo la bixiyey bilihii ugu danbeeyey, wacadna lagu maray in uusan mar danbe dib-u dhaceynin.

Hadaba maxaa qaldan oo ay qoonsadeen Xildhibaanadeyna barakeysan??? Hawshu weli waa Qabyo.
Hadii aan qiimeyn kooban ku fiiriyo, aragti ii gaar ah oo aan laheyn Mucaarad iyo Muxaafid, waxaan ku soo ururin lahaa;.

  1. In uu jiro is maan-dhaaf ama kala-maan, la xiriira Madaxweynaha iyo Xildhibaanada labada Aqal sida;

Madaxweynu wuxuu arkaa in uu yahay Madaxweyne Shacbi oo shacbigu xushay, kuna qasbay Xidhibaanada in ay doortaan, loona dhaxeyn isaga iyo Shacbiga sida ku cad khubadiisii xuskii SYL " Dawlada waxaa leh Shacbiga, mana rabo in naloo dhaxeeyo".
Halka Xildhibaanadu u arkaan in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha iyagu keeneen, la xisaabtamayaan, ridayaan, u dhaxeeyaan isaga iyo Shacabka, codkoodana shacabku ka iibsaday xorna u yihiin cidii ay rabaan in ay keenaan.

  1. Qabyo oo u aragta in ay R/Wasaaraha leeyihiin kana tirsanaa iyo in gabadhaan reer farmaajo guursadeen ay soo koriyeen kuna leeyihiin Yarad iyo reer Farmaajo oo u arka in reer Qabyo iska nastaan afartaan sano, RW huna qof iyaga kusoo biiray yahay.

Waxaa intaas sii dheer in ay dalka joogaan 1000 ilaa 1500 Siyaasi, from M. C/qasim ilaa M. Xasan oo qaar badan wax xil ama shaqo ah aysan hayn, mid kale oo ka baxsan dawladana aysan qaba karin marxaladaan, iyaga oo raba; in la qaabilo, la dhageysto, shaqo ama shaxaad la siiyo, hoteelada laga dhiibo, xanta dawlada loo sheego si ay dadka ugu sii fasiraan. Hadii aan xal loo helin waa fadhi-kudirir, xan marka danbe run-noqota, dagaal-joogta ah iyo buundo u dhaxeysa Shacabka iyo Dawlada.
Xigasho: Dr. Mohamed Gacal
Related

Somalia drought worsens more rapidly than projected

$
0
0

The humanitarian crisis in Somalia is worsening, a senior United Nations official told the Security Council, calling for more than $800 million in aid to offset the impact of a severe drought in a country that is already battling insecurity and poverty.
"The humanitarian crisis has deteriorated more rapidly than was originally projected," the Deputy Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Raisedon Zenenga, told the Council in New York.
He said that people are dying and need protection, particularly women and children, as drought conditions force them to migrate from rural areas to town, and as sexual violence increases in displacement camps.
"The scaled up response by humanitarian agencies has averted a famine in the country thus far, but the crisis is unlikely to abate any time soon. The needs for humanitarian assistance are increasing faster than the pace of response," said Mr. Zenenga, who is also the deputy of the UN Assistance Mission in Somalia or UNSOM.
At least $669 million has been received or pledged for the effort, leaving a gap of $831 million in the revised 2017 Humanitarian Response Plan.
More than six million people are affected, of whom only about three million have been reached with food rations.
In the longer-term, the country's structural problems must be addressed and resilience built, so the country can withstand extreme climatic conditions, the senior UN official said.
Related

Kenya arrests KDF recruit tried to join Al-Shabaab

$
0
0

A man was arrested on Tuesday for threatening to join Al-Shabaab after failing a medical test during the second day of Kenya Defence Forces (KDF) recruitment at Mweiga Stadium in Nyeri.
At the same site, a second recruit was nabbed by military police after he altered the grades on his KCSE result slip.
Though Hosea Ng'ang'a had met all preliminary qualifications, he failed the medical test and was dismissed.
Disgruntled, the 22-year-old told KDF officers that he would join the Somalia-based terror group, complaining that he had been denied a spot in the military.
Some officers were seen talking to him in an attempt to calm him down, but he insisted he would join the terror group.
Lt-Col Paul Aruasa, the officer in charge at the centre, said the recruit had to be taken into custody after he was heard asking around for Al-Shabaab recruitment points.
"He was found asking for recruitment centres for Al-Shabaab so we took him in. Maybe he is just disgruntled but we would rather not take any chances because he could have actual intent to join the group," said Lt-Col Aruasa.
The military boss said the young man would be questioned by the military and regular police over the threats before further action is taken against him.
In the forgery case, Dennis Kimotho, 23, well aware that his academic qualifications were below the minimum required, opted to alter his KCSE grades using a pen.
In a clearly unwise move, the young man tried to pass off the paper as a legitimate academic document, but the keen officers would not be fooled.
Lt-Col Aruasa said the man would not have made the cut anyway as the recruiters were only accepting original KCSE certificates.
"Actually, we are not accepting result slips, but this young man went ahead to forge it, which amounts to fraud," he said.
When questioned about the document, Mr Kimotho disclosed that he had just arrived from Mombasa in the morning and decided to pop into the grounds and try his luck with the military. He was still carrying his luggage when he was arrested.
The two suspects were handed over to the police and were taken to the Mweiga Police Station for questioning.
Lt-Col Aruasa noted that the recruitment attracted a large turnout and only a few people were dismissed for lacking the required academic qualifications.
No women were recruited from the centre, with officials saying gender balance requirements compelled them to recruit only men.
Related

Maxaa keenay in jadeecada ka dillaacday Minnesota ay...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Soomaali badan ayuu soo ritay cudurka jadeecada oo ka dillaacay gobolka Minessota ee dalka Mareykanka. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Soomaalidu ay ka caga jiidaan talaalka carruurtooda. Halkan ka daawo faahfaahinta.


Daawo Video: Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/llaahi "Farmaajo" ayaa xafiiskiisa suray sawirka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan "Aadan Cadde"sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sababta uu u doortay arrintaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, oo ku yimid hab Dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay xilli dalalka Afrikaanka aysan fahamsaneyn hannaanka Dimuquraadiyadda.

Ciidamada AMISOM oo madaafiic ku garaacay Degaanka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Leego (Sh M Network)--Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku garaaceen Xaafado ka tirsan Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.
Madaafiicdan qaarkood ayaa ku hoobtay Xaafada ay ku sugan yihiin Dad Shacab ah waxaana la sheegayaa in uu geystay khasaaro u badan dhaawac.
Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegaya in 12 Ruux ay ku dhaawacmeen Duqeynta ay geysteen Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM.
Dhaawacyada qaarkood ayaa sida la tilmaamayo waxaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan Duqeyntaasi ay fuliyeen Ciidamadooda.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

R/wasaare Kheyrre oo ka qeybgalay kulan lagu...

$
0
0

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa la qeybgalay xaflad lagu taageerayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed taasoo lagu qabtay Muqdisho, Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wixii cabasho ah iyo xuquuqda gobolka Banaadir ay diyaar u yihiin in la helo, hase ahaatee ay waajib tahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha, loona soo maro isaga si nidaamka waafaqsan. Mudane Kheyrre ayaa sheegay in dadka Muqdisho ay yihiin udub dhexaadka qarannimada Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdana ay diyaar u tahay in ay dib u eegto cabashada shacabka Banaadir ee mansabka iyo xuquuqda gobolka uu lahaa.

Maamulka Koonfur Galbeed: Waan la dagaalameynaa Al...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst -- and most neglected -- in Africa. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)
Baydhabo (Sh M Network)--Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgallo ka dhan ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab laga fulin doono Degaanada hoostaga Maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxuu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo badan, islamarkaana ay u diri doonaan Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose.
Wasiirka ayaa soo hadal qaaday Dagaal xoogan oo dhawaan ka dhacay Degaanka Goofgaduud oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Xasan wuxuu xusay in Al Shabaab laga saari doono Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sikastaba, Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro ka geysta Degaano iyo Degmooyin dhaca Gobolada Baay, Bakool iyo Sh.Hoose oo uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

RW Kheyre: Xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir waxaa...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)--Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxuu sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo Xuquuqda ka maqan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Mudane Kheyre ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxuu ka sheegay in xuquuqda ka maqan Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir lagu heli karo midnimo.
"Hadii la helo midnimo waxaa xaqiiq ah in la helayo wax waliba oo xuquuq ah oo ka maqan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir", sidaasi waxaa yiri RW Xasan Cali Kheyre.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka in ay u midoobaan sidii ay u heli la haayeen Xuquuqda ka maqan Shacabka Gobolka Banaadir.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live