Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

UN Renews Peacekeeping Mandate in Somalia

$
0
0

The United Nations has renewed its mandate for its peacekeeping mission in Somalia as heavy fighting broke out near Somalia’s border with Kenya, The U.N. Security Council Friday also called on the African Union to increase the number of troops in Somalia to the maximum of 12,000, up from the 9,000 now deployed. However, the [...]


Fighting Erupts on Somalia’s Border With Kenya

$
0
0

NAIROBI, Kenya — Intense fighting erupted along the Kenya-Somalia border on Friday as the Shabab militant group tried to take back a slice of strategic territory from militias allied with the Somali government. At the same time, Shabab fighters are breaking up camps for victims of Somalia’s famine, sending tens of thousands of starving people [...]

Golaha Ammaanka oo u cusbooneysiisay Mandate-ka Ciidamada AMISOM

$
0
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u cusbooneysay Mandate-ka ay Ciidamada AMISOM ku joogaan Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la gaarsiiyo tirada Ciidamada 12-kun askari. Kulanka Golaha ammaanka oo lagu soo qaaday xaalada Soomaaliya ayaa lagu sheegay suurta gelnimada in loo baahan yahay Ciidamo dheeri ah oo xoojiya ciidamada haatan Muqdisho ku sugan. Golaha Ammaanka [...]

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Kormeeray Ciidamada Godod.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Taliyaha ciidanka Daraawiishta Dawlada Puntland Gen.Siciid Dheere iyo Mamulka Gobolka Mudug ayaa booqday xarunta ciidamada ee Godod.
Guutooyin ciidana ayuu salaan kaqaatay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlada Puntland waxaana uu u jeediyay khudbad uu ku dhiirigalinayo.
Waxaa uu kormeeray halka ay ciidamada kadaganyihiin Godod waxaana uu ku amaanay shaqada ay hayaan iyo sida ay u digtoonyihiin.
Kormeerkan ayaa ahaa qorshaysan waxaana taliyaha wehliyay saraakiil kale iyo Gudomiyaha Gobolka Mudug waxaana saraakiisha ciidamada Godod ugu mahadceliyeen soo dhawaynta loo sameeyay.
Qaar kamida saraakiisha ciidamada Godod ayaa sheegay in ay had iyo jeer utaaganyihiin difaaca deegaanka iyo dadka Puntland kagana daalidoonin.
Waxaa ay sheegeen in ay heegan kujirayaan inta uu noolyahay Cadawga Puntland indhahana aysan ka saabandoonin ee ay cagta marinayaan wixii soo hujuuma qaranka Puntland.
Maxamed Dahir Puntlandi.com Galkacyo.

Afghanistan Oo Sheegtay In Kor Uqaadi Doonto Wada hadalada Ay La Sameyneeyso Kooxda Taliban.

$
0
0

Kabul (RBC):- Isagoo saxaafada kula hadlaayay magaalada Kapul ayaa Madaxweynaha Afghanistan Hamid Karzai uu Sheegay in kor loo qaadi doono wadahadalada ay la sameenayaan Kooxda Taliban.
Madaxweyne Hamid Karzai ayaa sheegay dowladiisa in wada hadal la yeelan doonto kooxda Taliban.
Waxa uu sheegay dilka Burhanuddin Rabbani aysan ka dhigi doonin in la joojiyo wada hadalka ay la sameenayaan Talibaan
Madaxweynihii Hore Afghan Rabbani ayaa la dilay isagoo wada hadalo la galaya kooxda Taliban ka dib markii uu isku soo qariyay nin camaada ku soo qarsaday Bomb gurigiisa Kapul.
Waxa u dowlada Afghanistan uu ahaa nin dhinac wada hadalada u qaabilsan kooxda Taliban.
Mr Karzai,oo la hadlaayay hogaamiyaal diimeed ayaa waxa tilmaamay in ilaa hadda aan gacanta lagu dhigin hogaamiyaha Taliban, Mullah Omar.
Todobaadkii hore ayaa militaryga Maraykanka waxa ay sheegeen in Dowladda Pakistan ay xiriir weyn la lee dahay kooxda Argagixisada ee Haqqani kuwaas oo weeraro xoogan ka geestay Kabul.
Dowladda Pakistan ayaa iska fogeysay in ay wax xiriir ah uu ka dhaxeeyo Hey’adda ISI ee dalka Pakistan iyo Kooxda Mitidka ee Haqqani.

Xaalada degmada Dhoobley oo saaka degan

$
0
0

Xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegayaa degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, kadib dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay halkaas.
Sida Wararku sheegayaan ciidamo fara badan oo ka tirsan Raaskambooni iyo kuwa ciidamada dowladda ayaa soo buuxiyay degmada, kuwaasoo gurmad ahaan u yimid.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay wadaan guluf dagaal oo ay ku doonayaan inay duulaano kaga qaadaan deegaanada Jubooyinka.
Inkastoo ay wali adag tahay wararka ku aadan xaalada ciidan ee ku jirto Dhoobley ayaa hadana waxaa xuduuda Kenya la soo dhoobay ciidamo fara badan, iyadoo ay wehliyaan diyaarado dul heehaabaya.
Qasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay aagaas ayaa ahaa mid aad u ballaarnaa, waxaana ku dhintay dagaalka ku dhowaad 15-ruux, halka afartan kale ku dhaawacmeen.
Saraakiil u hadashay Ururka Raaskambooni ayaa sheegtay in qasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen Shabaab, kana dileen tiro askar, hase ahaatee waxaa ay sheegteen in ilaa shan askari oo uu ku jiro sarkaalkii hogaaminayay dagaalka kaga dhimatay.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay qax, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalo kale ka dhacaan, waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.
 

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Ciidamada Amisom

$
0
0

Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin waxaa uu u sameeyay Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho, kadib shir xalay ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in tirada ciidamada Amisom la gaarsiiyo 12-kun, halka markii hore ay ka ahaayeen 9-kun askari.
Inkastoo Golaha aanay isku raacin qorshaha la doonayo in ciidamada lagu gaarsiiyo 20-kun, hadana waxaa ay muujiyeen baahida loo qabo ciidamo dheeraad ah.
Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay horumaradii dhinaca ammaanka laga gaaray, iyagoo tilmaamay in wax weyn ay iska badaleen xaalada muqdisho labadii bilood.
Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in ilaa 3-kun askari dheeraad ah lagu soo biirin doono, waxaana dalalka hada ay ka joogaan Ciidamada ee Brundi iyo Uganda ay soo diri doonaan ciidamo labo kun ah, halka ciidamo hal batalyan gaaraya ka imaan doonaan dalka Seira Lione.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Paddy Ankunda ayaa dhowaan ku baaqay in la soo dedejiyo ciidamada saddexda kun si ay ugu filnaadaan magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-Shabaab oo dhowaan faarujiyay magaalada Muqdisho ayaa waxay wadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo xeeladooyin cusub oo ay u dageen ciidamada Amisom.
 

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada degmada Ceelbuur, kadib duqeyntii shalay

$
0
0

Iyadoo wali ay adag tahay wararka laga heli karo duqeyn shalay diyaarado dagaal u geysteen degmada Ceelbuur iyo deegaanka kale ee Ceelgaras gobolka Galgaduud ayaa wararka saaka soo baxaya ay sheegayaan in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan Shabaab.
Duqeymihii shalay loo geystay degmada Ceelbuur ayaa cabsi iyo argagax ku reebay dadka deegaanka, iyadoo halka la bartilmaameedsaday ay aheyd goob saldhig u aheyd Shabaab.
Isgaarsiinta degmada Ceelbuur iyo qeybo ka mid ah Galgaduud ayaa dib u soo laabatay xalay fiidkii, inkastoo Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay yareeyaan dhaq dhaqaaqooda.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaad fara badan iyo gaadiid ay saaka ka baxeen Ceelbuur, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay qabteen.
Diyaaradaha shalay duqeeyay degmada Ceelbuur ayaa ahaa kuwo saacado ka hor inta aanay wax duqeyn dul heehaabayay, isla markaana jihooyin badan dul wareegay.


Kooxda ICG Oo Warsaxaafadee Ka Soo Saaray Shirka Copenhagen Iyo Cambaareen Ay Ujeediyeen Al-Shabaab

$
0
0

Copenhagen (RBC)- War saxaafadeed Kooxda ICG ka soo saartay shir labo maalmood ay ku yeesheen magaalada Kobanheegan ayaa waxa ay ku cambaareeyeen dagaalo Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalooyinka Dhoobleey iyo Garbahaareey.
Kooxda Xiriirka Caalamiga Arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ururka Shabab iyo Kooxaha dagaalada wada in ay joojiyaan dagaalada kuna biiraan ciidamada dowlada ” Waaan ka naxnay in nafaf lagu waayo dagaalka ayaa lagu yiri war saxaafadeedka”
Sidoo kale shirkii ICG oo ay ka qayb galeen 28-wadan ayaa waxa lagu amaanay heshiiskii loo bixiyay Kampala Accord  madaxda dowladda 9-kii  June ay ku yeesheen dalka Uganda.,waxa kaloo ay ICG ay soo dhaweeyeen shirkii wada tashiga ee lagu qabtay dhawaantan magaalada muqdisho kaa oo ay ka qayb galeen Dowladda KMG ah, Punland, Galmudug iyo Ahlu Suna Waljmaca.
ICG ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray xagga amaaka dalka Soomaaliya ka dib markii bishii Agust magaalada muqdisho ay ka baxeen ururka Al-Shabaab oo dagaalo xoogan ku hayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Shirka Waxa dhinaca dowladda uga qayb galay Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxa kaloo fadhiyay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM Agusyine Mahiga iyo diplomaasiyiin kale
Ugu dambeentii war saxaafadeedka ay soo saareen Kooxda Xiriirka Caalimiga ICG waxa loogu mahad celiyay dowladda Denmark oo marti galisay shirka 20-aad ee koxda, iyadoo lagu soo dhaweeyay dowladda  Djibouti’ oo sheegtay in ay qaban doonto shirka kale ee soo socda kaa oo dhacaya January 2012.
RBC: Copenhagen

Saraakiil ka socota xooga dalka iyo AMISOM oo gaaray Garowe

$
0
0

Wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka socda Xooga dalka iyo AMISOM ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, iyadoo socdaalka wafdigan uu la xiriiro arrimo Milateri. Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan oo gaaraya ilaa toban xubnood ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, iyadoo xubno ka yihiin Saraakiil ka [...]

Madaxweyne Silaanyo oo uu qawlka iyo qalinku la taraaray

$
0
0

asc wr wb  marka hore waxa mahad iska leh ILLAAHAY (SWT) marka xigta waxan u mahad celinayaa mareegaha ama websiteska somalida gaar ahaan kuwa galbeedka somaliland sida gabilay awdal iyo selel intaa dabadeed waxan qalinka u qaatay inaan is yara dul taago ama aan ka hadlo wixii fikirkayga ah hadalada kasoo baxay  madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland.
Waxa  muhiima marka ugu horaysa inaan horta bal aan isla yara eegno waxay masuuliyadu tahay iyo micnaha aw leeyahay  hogaamiyaha ama madaxwaynaha umad idil u haya hogaanka ee ay taladii dalka oo dhan u wakiisheen ee ay isaga u daba fadhiisanayaan aniga waxay ila tahay qofku markuu xil hayo nooca uu doono xilkaasi  ha ahaadee  ugu yaraan  maamule iskuulna ha ahaadee hadalada dayl qaafka ah ama umada dhagahooga u ficnayn inuu iska ilaaliyo ayaa u haboon.
Markaa akhristayaal bal  ila yara eega hadaladii madaxwaynaha
1.Umadu sanka ayay idinka qabsatay oo uf ayay idin tidhi
2.waadigii faysaloow la ogaa sidaa UFO u basaaasi jirtay
3.cali waran cade iyo ina sulub waxan ka cafinay xoolihii umada ee ay boobeen
4.  hadaladaasi cidkaaga baqaysaa ama kaa aqbalaysaa ma jrto faysalaw
5.faysalow markii doorashadii aan kaa badinay ee aad ku dhacday ee aad tidhi  hargaysa aniga ayaa leh waatii cidi ku dooran wayday
Hadaba akhristayaal  aan is yara dul taagno qodobadaa mid walba wuxuu daaranyahay iyo sida aragtidayda ay  iila muuqato
1. umadu sanka ayay( idinka qabsatay oo uf ayay idin tidhi) yaab! waligay ma arag inta aan  soo noolahay  hogaamiye ama  nin masuul  oo ku hadaaqay hadalka noocaasa  ma,aha hadal nin masuula  kasoo baxa  hadalada noocaas oo kale dhalin yartu  marka ay yar yar yihiin ee ay qaan gaadhaanyihiin  ayay adeegsadaan ma aha hadal  nin masuul milgihiisa siyaasadeed ah waa hadal laga yax yaxo ama laga yaayaqsoodo qofkii garasho dheer lihi waa dareemi karaa hadalkaasi sida uu u  dhacay laakiin  fahmi maayo dareemina maayo ninkii aan wax dareemayn iyo ninka ay hayso caadifad  qabiil
2.waadigii faysalow la ogaa sidaad UFO  u basaasi jirtay horta aan usoo noqono  basaaasnimadee siiraanyo marka  uu leeyahay waxbaad basaasi jirtay isaga dadkii uu layn jiray ee uu gacantiisa ku dili jiray maanta ma cid ayaa waydisa saw ma,aha kuwaa uu u taliyo ee uu maamulo madax wayne waad ogayd oo lagaaga sheekayn maayo gobolada galbeedka somaliland  adiga dhagarqabayaashii aad hogaaminaysay inaad munsheekhda iyo dumarka ku layseen wali hadalkaas cid kaala hadashay ama ku waydiisay ma jirto adiga oo sidaa sameeyay ayaad waliba hadda ku hawlantahay sidii dhagarqabayaashaa taariikhdoodii madoobayd ee ay umada ka galeen  aad ugu dari lahayd manhajka somalilandta taasina wax dhici kara  ama lagaa dhagaysanayo ma aha markaa tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara ama  midgaanta   gudeheeda nuurta ayaa ku kalena nuurta markaa waxbuu basaasi   jiray iyo hadalo aan bulshadan qancinayn ha la iman intii aad  been soo sheegi karaysay waad soo sheegtay siilaanyo maantana umadu ma aha xoolo ama wax ma garato marba awrka lagu kicsado way iskakaa ogtahay waxad gasho iyo waxad gudo 5 sano iska dhamayso dabadeed iskaga dhaqaaq meesha .
3.cali waran cade iyo ina sulub waxan ka cafinay xoolihii umada ee ay boobeen  horta marka ay maxkabada dhex ah  ee xaqa iyo baadilka kala saaraysi ka jirto ayaa lagu dhawaaqaa hadalka madaxwayne  waran kugu soo noqonaya lama tuuro waan ognahay garsoorihii qaranka inaad badashay oo aad ku badashay mid danaha xukuumadaada u adeegaya nagama qarsoono oo waan la soconaa marka aad leedahay wax ayaa la boobay waxa laga hadli karaa marka ay jirto maxkamad dhex ah oo umada u  dhaxaysa laakin nasiib daro taasi ma ay dhicin mida kale dee umada waxa maxkamada badiyaa lasoo taagaa oo aan aduunka ka  aragnaa marka dalka inqilaab ama kacdoon  shacab lagu qabsado sida imika ka socota wadamada  carabta  marka kuma aad qabsan adigu inqilaab   oo rijiim meeha kama aad kaxayn ee si karaamo iyo sharaf leh ayaa xilka laguugu dhiibay markaa inaad xishooto  weeyi  inaad  tidhaahdaba ma ,aha wax baan maxkamad soo taagayaa  oo sharci la tiigsanaya haddii sharci iyo maxkamad dhaba laga hadlo ilaa adiga ayay ku qabanaysaa madaxwayne markaa iska dhaaf hadaladan looma baahnee la joojiyaana  banaan la jiifiyaana banaanta naga   daa siciid sulub iyo cali waran cadena waa la ogaa halkii ay kaga suntanayaan xukuumadii sal balaadh
4.hadaladaa cid kaaga baqaysaa ama kaa aqbalaysaa ma jirto faysalaw  bal u fiirsada akhristayaal lama arag madax wayne si dimuquraadiyad kursi ku helay ama ku hantay oo ku hadlaya hadalada noocaas ah hadaladaasi waa hadaladii (Dictators) ama kaligii taliyayaasha cid kaaga   baqaysaa ma jirto waa xoog sheegasho cad ayaan odhan karaa anigu ama kursi ku faan umada loogu awood sheeganayo waa la ogaa markii madax waynihii karaamada lahaa ee DAAHIR RAYAALE KAAHIN  dalkan maamulayay ee madax wayne siilaanyo mucaaradka ahaa hadaladuu ku hadli jiray xataa waakii odhan jiray hantidii umada ayuu  dhacay oo uu awdal o u raray wax loo dul qaato maaha waa madaxwayne lagu tilmaamay inuu tuug yahay  walibana hadalkaasi waa hadalka ugu fican ee siilaanyo afkisa kasoo bixi jiray intaa iyo in kasii daran ayuu odhan jiray maantana hadal ay mucaaridku yidhaahdeen  oo waliba runta  u dhaw sida ay aniga ila tahay ayuu ka xumaanayaa ama ka xanaqaya madax waynuhu horta mucaaridku hadduu dhaliishaada sheegi waayo dee demuquradiyada aan ku faanayno ayayna waxba ka jirin  markaa madaxwayne lagaga aamusi maayo ee waa  la sheegi xaqiqida jirta ama halka aw ka qaloocanyahay maamulkan aad gadh wadeenka ka tahay .
5.faysalaw waatii doorashadii lagaga adkaaday ee markii aad tidhi hargaysa aniga ayaa leh cidi ku dooran wayday   fadlan akhristayal bal xasuustiina dib u yara celiya markii uu wariye cawke rayaale silanyo iyo faysal ka qaaday waraysiga hadaladoodii  inii sii iftiimin maayo oo waad xasuusan kartaan laakinn waxa mudan in la xuso siilaanyo ninkii kali ahaa ee yidhi ayuu ahaa way jirtaa qabyaaladu oo waliba madax wayne ku xigaanka ayaa barbara soo maroo waxa uu lahaaa yaa cisse muuse aay hadalkaa u firsada xataa hadal kale oo u dheh is lahaa waa qoslay oo waa iska qabtay markaa madaxwayne inaad maantana faysal qabyaalad ayuu ka hadlay aad tidhaahdo adna marka aad doonto ku hadasho wax laga xumaado weeyi oo aan  loo dul qaadan karin mise bahashu waxa ay sharaf iyo karaamo leedahay marka aad adigu ka hadlayso umada kale marka  ay ka hadlaysana way xuntahay miyaa?midda kale madax wayne hadalka aad tidhi doorashadii ayaad ku dhacday  oo anaga ayaa guulasanay waligeed ayaa la arki jiray mucaarad iyo muxaafid is badala adig laftaada ayuu daahir rayaale kaa guulaystay maalin qudha afkisa  kama soo bixin waan gulaystay iyo hadalo nooc ka mida faanka adna adiga oo uu sanad imika uun kuu dhamaaday ayaad durba sidaa u hadlaysaa madax wayne madxu nafsida iska dhaaf  faanku iyo is wanaajintu waxa ay yara haboontahay marka aad mucaaridka tahay ee ku faanayso marnaaminyada aad soo bandhigayso iyo marka ay dawladaadu wax  fican qabato laakiin ma haboono inaad tidhaahdo waan kaa guulaystay iyo adiga ayaa dhacay iyo wax la mida waliba kaliya inaad hambalayayso weeyi .
TALLO SOO JEEDIN
madaxwayne siilaanyo waxan kugula talin lahaa marka ugu horaysa inaad  (spokeman) ama afhayeenkaaga adeegsato ma haboono inaad wax walba ka hadasho adigu madax tooyada afhayeenkeegu inuu ka hadlo hadalada noocaas ah ayaa haboon oo uu ku hadlo waliba hadalo u  fican dhagaha dadka  bulshadana soo jidan kara adiga laftaada  ka firso hadalada waran kugu soo noqonaya lama turo madaxwayne mida kale fadlan waxad hadashaa xilli saxaafadu soo jeedo imika shirkaagan jaraaid waxa kasoo qayb galay oo kaliya tv qaranka iyo somaliland.org taana ma ficno xataa saxafiga xoriyatul qawlkisa waxa ka mida in xuquuqdiisa la ilaaliyo wakhti munaasiba in loo yeedho inaad talooyinkaa qaadan doonto ayaan filayaa.
GABAGABADII IYO GUNAANADKII
Waxan kusoo gunaanadayaa maqaalkaygan dalka ha  la isku wado mucaaradkana hadalkooda ha loo daayo sal fudaydkana ha la yareeyo dayl qaafkana ha la iska dhaafo dadkana ha la  simo hana lagu dadaalo cadaalada dhalinta jaamacadaha kasoo baxaysana camal ha  loo sameeyo xukuumadu dib ha isugu noqoto way jiraan daldaloolo badaniye ha la qariyo xukuumaduna sidii tii daahir rayaale dadka ha isku wado .
qoraalkayga cidii qalad u fahantaa  raali galin ayaan ka siinayaa waayo nin qalin   qaaday bulshada oo dhan inuu qanciyaa way yartahay .
Nooli kulantee
Wabillaahi tawfiiq.
Mohamed  Mahamud Shirdon
Email:awdal04@hotmail.com
Country:Switzerland

Meydad gowracan oo lagu arkay magalada Kismaayo

$
0
0

Wararka laga helay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayaan xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa lagu arkay meydad labo nin la gowracay.
 
Meydadkaas oo laga helay meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn cidda gowracday, waxaana la sheegay in mid ka mid ah labada nin ee la gowracay uu ka mid ahaa maamulkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee horey uga talin jiray magaalada Kismaayo.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo dad gowracan lagu arkay goobaha ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab, waxaana mararka qaar dadka lagu gowraco la sheegayaa inay jaajuusiyiin yihiin ama u shaqeynayeen dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Shariif oo Booqday Khaar ka mid ah Xeryaha ay Daganyihiin dadka Barakayaasha ah

$
0
0

War-Saxaafaddeed:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa booqday goobahan ay barakacayaashu ku suganyihiin si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku jiraan isagoo war’bixin ka dhageystay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah.
Madaxweyne Shariif ayaa horaantii booqday baqaar ku yaala degmada xamar jajab oo cunto loogu qay’binayay dad badan oo barakacayaal ah. Madaxweynaha ayaa war’bixin ka helay shaqaalihii ka howl galayay goobta iyo qaar ka mid ah barakacayaasha si uu u xaqiijiyo in gar’gaarka bino’aadnimo uu gaaro dadka loogu talagalay.
Madaxweyanaha ayaa booqashadiisa ku soo gaba’gabeeyay xerada weyn ee Rajo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ka tirsan barakacayaasha xerada Rajo. Sidoo kale waxaa goobta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay war’bixina siiyay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed M. Tarzan, Gudoomiyaha Degmada Madiina Axmed Daaci iyo wakiilka ha’yada Turkish Red Crescent Kamal.
Kadib war’bixin uu ka helay madaxda xerada iyo ha’yadaha ka howl gala ayuu Madaxweynuhu dhex lugeeyay barakacayaasha si uu u ogaado habka gar’gaarka bino’aadnimo uu u socdo iyo baahida jirta wali. Ha’yada Turkish Red Crescent ee ka howl gasha xerada Rajo ayaa u soo bandhigtay Madaxweynaha mashruucyo ay ka mid tahay dhisme loogu talagalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan iyo tababaro loo fidiyay shaqaale oo dhisay wado dheer oo uu Madaxweynahu ku lu geeyay.

Dhageyso Barnaamijka Nasashada Todobaadka


Muqdisho Oo Maati Lagu Laayey.

$
0
0

Muqdisho(GMN)-Inta la Ogyahay 15-ruux ayaa  ku geeriyootay oo  u badan dad rayid ah halka 20-kale ay dhaawacmeen  ka dib markii dagaal xoogan uu ka dhacay Degmaa dharkenley ee Gobolka Banadir.
Dhamaan dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiyey Isbitaalka  Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaana ku jira kuwa xaaladooda culus tahay.
Dagaalka ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Dowlada oo kuwada sugnaa qeybo ka mid ah Degmada dharkenley.
Iska hor imaadka labada dhinac ayaa waxa uu ka danbey ka dib markii uu soo dhexgalay muran xaga gacan ku heynta goob lacago looga qaado gadiidka Bl-ka ah ee isticmaala Degmada dharkenley.
Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyey inuu jiro Taliye  ciidan oo goobta u soo gaaray inuu dhexgalo ciiidamada dagaalamayey.
Dowlada KMG Soomaaliya ayaa u muuqata mid indhaha ka dawanaysa Dagaalada soo laablaabtay ee ciidamadeeda ku dhexmaro Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo dil u geystay nin darawal ah.

$
0
0

Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayuu maanta Askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya dil ugu geystay nin daral ah ku toogtay gudaha
 
Sida wararku sheegayaan askariga  ayaa ninkaas darawalka ah ku dilay lacag uu weydiistay, darawalkuna uu bixiteeda ka madax adaygay.
 
Lacagta askarigu ku dilay darawalka ayaa gaaraysa 20-kun shillin Soomaali taasoo ah lacago lagu sheegay canshuur oo askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG si gaar ah uga qaataan gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala degmada Xamarweyne.
 
Muran daqiiqado socday oo dhex maray askariga iyo darawalka kadib ayuu askarigu rasaas ku furay darawalkii taasoo sababtay in ninkii darawalka ahaa uu goobta ku naf baxo, iyadoo uu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo askari ka tirsan dowladda KMG uu lacag yar u dilo darawal, mana jirto arrintaas oo marar badan soo noqnoqotay wax ay ka qabtaan saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Kormeeray Dekedda Muqdisho iyo Xerada Barakacayaasha Rajo(Dhageyso)

$
0
0

Madaxweynaha oo fiirihaayo Mucaawinada qaar kamid ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Dekedda Caalamiga Muqdisho iyo xerada Barakacayaasha Rajo oo ay Dowladdu dib u dejin ugu samaysay dadka kasoo barakacay Abaaraha ka jira Dalka.
Kahor inta uusan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed tegin  Dekedda ayaa waxa uu ugu horeyn sii maray xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab gaar ahaan goob raashiin loogu qeybinayey dad Barakacayaal ah ayadoo Madaxweynuhu dadkaasi Barakacayaasha ah mid mid u weydiiyey Xaaladooda iyo waxa ay ku noolyihiin.
Riix Halkaan Si Aad Udhageysato Madaxweynaha Oo Barakacayaasha xamarjajab xaaladooda ka wareysanaya
Kadib markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed wareystay dadkaasi Barakacayaasha ah ee Xamar Jajab ku sugnaa waxa uu ugudbay Dekedda magaalada Muqdisho halkaasi oo uu socod kusoo maray qaybaha ay ka koobantahay Dekedda waxaana uu markaa kadib Madaxweynuhu qaabka ay howlaha Dekedda u socdaan wax ka weydiiyey Maamulka Dekedda Muqdisho.
Markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed soo dhameystay Kormeerka howleed ee uu ku tegay Dekedda ayaa hadana waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay Xerada Rajo oo ay Dowladda Soomaaliya dib u dejin ugu sameysay dad Barakacayaal ah oo kasoo Barakacay Abaaraha ka jira dalka.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa intii uu ku sugnaa xerada Rajo waxa uu mid mid u weydiiyey dadka Barakacayaasha xaaladooda iyo inay helaan gargaarka loogu talagalay amaba qaabka loosoo gaarsiiyo waxaana uu si gaar ah ugu kuurgalay xaaladda Caafimaad ee Carruurta Barakacayaasha.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Codka Madaxweynaha Oo Qaar Ka Mid ah Barakacayaasha Rajo Xaaladooda weydiinaya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Xaaladooda ka wareysanaya Barakacayaasha qaarkood....SAWIRKA MAANTA
Kormeerkan Howleed oo uu maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku tagay Dekedda Muqdisho iyo Xerada Barakacayaasha Rajo ayaa ahaa mid uu Madaxweynuhu ugu kuurgalyey sida ay u socdaan howlaha Dekedda iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin dadka Abaaraha gobollada Dalka uga soo Barakacay taasi oo uu Madaxweynuhu doorbiday in uu indhihiisa kusoo arko si aan looga sheekeyn.
 

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweynaha jamhuuriyadda Oo maanta kormeeray Degadda Muqdisho Iyo Xerada barakacayaasha Rajo

$
0
0

Madaxweynaha oo wadada laamiga lugeynaayo
Madaxweynaha oo wareysahaayo Ninki mucaawina Dadka masaakiinta uqeybihaaye

 
Madaxweynaha Oo wareysahaayo Nin Kamid ah Dadki mucaawinada Lasiihaaye

 
Madaxweynaha oo fiirihaayo Mucaawinada qaar kamid ah
Madaxweynaa oo dhageysahaayo wixi cabasho ah oo kajira meesha mucaawinada lagu qeybiyo
Madaxweynaha oo Duq waayee ah Oo banaanka fadhisay soo istaajinaayo kadibna ku amray dadki mucaawinada qeybihaaye in loo fududeeyo

 
Madaxweynaha oo garabka kahaayo una sii wado meesha lagu siin lahaa mucaawinada
Madaxweynaha oo lugeyhaayo wadad degada hor marto

 

Madaxweynaha oo utilmaamayo meesha ay ku haboontahay
Madaxweunaha oo kormeerayo ciidamo kujira Xerada Haamadhoor
Madaxweynaha oo tusinaayo sida saxda ah ee gaardiga
Madaxweynaha oo Gudoomiye Tarsan Usheegayo in ay Caruurtaan ay helaal daryeel caafimaad oo ku filan
Madaxweynaha oo Cayaarsiihaayo cunuk yar oo kamid ah kuwa ku jira xerada Rajo
Photo By : Cadaawe
LASOCO QEEYBTA LABAAD

Daawo sawirada Xafladii soo dhaweynta Waftigii Puntland uga qayb galey shirkii ICG oo ka dhacdey Copenhagen

$
0
0

Copenhagen(Puntlandi.com) Jaaliyada Puntland ee Copenhagen-Denmark ayaa Xaflad soo dhaweyn ah u sameysey Waftigii ka socdey Dowlada Puntland iyo Safiirka Qaramada Midoobey Xafiiskooda Geneva u fadhiya Soomaaliya ee ka qayb galey Shirkii looga hadlayey Arimaha Soomaaliya kasoo jamcadii kusoo gabagboy magaalada Copenahgen, Xaflada ayaa dhacdey shalay oo jimce ah 30.09.2011.
Hoos ka daawos sawirada oo Album ahaan ahHalka aad ka daawaneyso waa Puntlandi.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live