Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Isagoo Goobjoog ah loo...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la siiyay canaantii ugu xooganeyd isagoo fadhiya munaasabad ka dhacday Muqdisho.
Diini Maxamed Diini oo kamid ah bulshadda rayidka ah ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu talada kaligiis isku koobay maadaama ay jirto halis xoogan oo dalka kusoo wajahan.
Madaxweynaha oo umuuqday mid si feejigan ula socda eedeynta Mr Diini ayaa loo sheegay in dalka uu galayo xaalad halis ah hadii uusan si dheer uga fiirsan qorshaha Carabta loogu wareejinayo kheyraadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka.
Arimaha layaabka leh ee uu soo qaatay Mr Diini ayaa ah in madaxweynaha dalka Mudane Farmaajo kaliya uu maqlo amaanta loo jedinayo iyo taageerada, laakiin ay aheyd inuu talada dalka wax ka siiyo umadda Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland

$
0
0

Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.

Diyaarado Duqeyn ka Geystay Somaliland

$
0
0

Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland.

SOMALIA: Puntland police in crackdown against people...

$
0
0

BOSASSO (RBC Radio) Police in Bosasso town on Wednesday carried its largest operation targeting adults not observing fast in the port town since the Holy Month of Ramadan started.
The police operation saw 24 adults arrested started early on Wednesday.
According to Bosasso Police Commissioner Yusuf Ahmed Osman, the operation targeted food kiosks and restaurants selling meals during daytime to the adults, which is against the Ramadan.
"It is illegal to sell meals to adults who have not any reason to abstain fasting. We have been targeting food kiosks and disobedient adults who break the laws of Ramadan." the police chief said.
The Bosasso police commissioner warned that his officers will deal harshly Ramadan disobedient individuals until the end of Ramadan month.
Earlier th police together with the local clerics warned owners of restaurants who opted to defy Ramadan during daytime and selling ready meals to the adults.

SAWIRO: Wasiiro ka tirsan Xukuumada RW kheyre oo...

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaarka shaqaalaha ee bisha May, oo Ra'iisul Wasaare kheyr amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida.
Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dadajinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha ka socda Bankiga dhexe.
Kulan kaddib ayaa Wasiirada iyo xisaabiyaha guud la hadleen saxaafadda iyagoo ku aamanay howlwadeenada bankiga sida ya uga go'an tahay mudnaan siinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan.
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii Madaxweynaha, dowladana ilaa hada ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka,
"Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in si joogta ah loo helayo mushaaraadka hadana maanta la bilaabayo in Bangi Xisaabeedka uga furan shaqaalaha Bangiyada gaaarka loo leeyahay mushaarkooda bisha May, waxaana ku xigaya bacdul ciid in la diyaariyo mushaarka bisha June, hadii Eebe idmo" ayuu yiri Wasiir Yarisow.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni. Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa socdaalka uu ku tegay dalka Uganda waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.

SAWIRO: RW kheyre oo kulan Xasaasi ah maanta la...

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Ra'iisul wasaaraha Dowlada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka maamulka Gobolka Benaadir oo looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Nadaafada iyo sida uu maamulka Gobolka Benaadir ugu diyaar garoobay Munaasabada Ciidul Fidriga waxaana ra'isul wasaaraha kulanka ku wehlinayay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed.
HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qodobadii ka soo baxay shirkaas.

Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DAAWO: Xildhibaan Sir Culus kashifay”A.Madoobe Hub...

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubaland oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ee - Soomaaliya ayaa kashifay sir badan oo u qarsooneyd Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu Axmed Madoobe ku tuntay isla markaana uu si cad u jabiyey Dastuurka iyo Hanaanka sharciga isla markaana uusan wax tixgalin ah siin sareynta sharciga,
Sidoo kale Xildhibaankaan oo Sir Culus qarxiyay ayaa shaaca ka qaaday in M/weynaha Jubba-land uu hub badan ku wareejiyay kooxda Al shabaab sidoo kalana jubba-land uu faraha u galiyay beeshiisa.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


SAWIRO: Magaalo Afrika ku taalla oo noqotay...

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ee ay dad ajnabi ah ku noolaadaan, waxayna kaalintaasi kala wareegtay magaalada Hong Kong oo hadda kaalinta labaad gashay.
Waxay xogtaasi ka soo baxday qiimayntii 23aad ee lagu sameeyo qiimaha nolosha oo ay samaysay shirkadda Mercer.
Labadaas magaalo waxaa shanta kaalmood ee hore ku weheliya Tokyo, Zurich iyo Singapore.
Magaalada London ayaa dib ugu dhacday kaalinta 30aad, waxaana arrintaas qayb ka ah qiimaha lacagta giniga ah oo hoos u dhacday, iyadoo magaalooyinka waawayn ee UK ay sidoo kale hoos u dhaceen.
Qiimayntan sannad laha ah waxaa lagu eegaa waxyaabo ka baxsan kirada guryaha ee ay ajaaniibtu kiraystaan.
Magaalo kaste waxaa laga qiimeeyaa 200 oo shay oo ay ka mid yihiin, qiimaha guryaha, dharka, cuntada iyo waxyaabaha maaweelo ahaan loo adeegsado.
Tusaale ahaan qiimaha kirada caalamiga ah ee saddexda qol ee aan qalabaysnayn ee ku yaalla meel wanaagsan intooda badan waa 13,000 oo doolar.
Guud ahaan magaalooyinka Aasiya iyo kuwa Yurub ayaa u qaalisan, Kaalimaha lixaad ilaa tobnaadna waxaa kala galay Seoul, Geneva, Shanghai, New York iyo Bern.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Diyaarado Dagaal oo Weerar Duqeyn ah ka fuliyay...

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Salal Axmed Maxamed Xaashi.
Diyaaradahan ayaa rasaas ku riday dad ku dhaqan miyiga deegaannada ku dhaw magaalo-xeebbeedda Saylac.
Walow aanay jirin dad wax ku noqday, haddana waxa uu sheegay Gudoomiyuhu inay sababeen dhimashada xoolo nool iyo argagax-gelinta dadka deegaanka.
Soomaaliland Madaxdeda ayaanan weli ka hadlin duqeynta laga geestay deegaanadeeda,balse waxaa lafilaaya in maalmaha soo socda ay ka hadlaan.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

MD Farmaajo Iyo Wafdigii La Socday Oo Gaaray Uganda…

$
0
0

Jun 21, 2017 -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa socdaalka uu ku tegay dalka Uganda waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Maxaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada...

$
0
0

MUQDISHO (RBC Radio) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa galabta (waqtiga Soomaaliya) yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre.
Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa arrimaha diirada lagu saaray waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.
Weerarkii is-qarxinta ee maanta Al-Shabaab ka geysatay Saldhiga Booliska Waaberi iyo khatarta sii badaneysa ee weerarada - gudaheeda ka dhacaya ayaa looga dooday inyii uu socday shirka.
Ra'iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.
War saxaafadeed laga soo saaray shirka, ayay Golaha Wasiirada ugu horeyn si kulul u cambaareeyeen qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda.
Golaha Wasiirada ayaa Dowlada Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa'iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.
Wasaarada Garsoorka ayaa golaha wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada.
Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.
Ugu danbeyntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada.
Ra'iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Akhriso:-Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay Sharciyo...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii Al-shabaab ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa'iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.
Wasaarada Garsoorka ayaa golaha wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.
Ugu danbeyntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra'iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.
---DHAMMAAD---

Wasiir Juxa oo goob joog ka ahaa heshiis ay kala...

$
0
0

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug, isla markaana labada dhinac ay shirar lahayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa halkaasi ku kala saxiixday heshiis ka kooban todobdo qodob Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo soo gaaray Galkacyo ayaa maantay goob joog ka ahaa saxiixa todobo qodob oo ay ku heshiiyeen labada Maamul lana filayo inay horseedaan Nabada Gobolka Mudug. Cabdi Faarax Juxa Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Sooamaliya oo la hadlayay masuuliyiinta labada dhinac iyo Waxgaradka ayaa cadeeyay hadafka dowladda Federaalka ee heshiiska cusub iyo halka ay ka go'do Nabada Gaalkacyo Masuuliyiinta Gobolka ee Puntland iyo Galmudug ayaa mar kale sheegay inay ka go'antahay ka mira dhalinta Nabadda Gobolka. Ugu dambayn Waxgaradka iyo Nabadoonada guud ahaan Gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay heshiiska iyo wafdiga Wasiirka arrimaha Gudaha ee Gaalkacyo gaaray. Dhageyso Dardaarankii uu Wasiir Juxa shirka ka jeediyay http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/06/CODKII-WASIIRKA-...

DAAWO: Wasiirka Amniga oo shaaciyay hadal caawa...

$
0
0

Jun 22, 2017 -
Wasiirka Amniga DFS Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa si adag uga hadlay Weerarkii ay kooxda Shabaab ku qaadeen saldhiga degmada Waaberi halkaas oo ay ku dhinteen shacab iyo askar.
Waxaa uu sheegay in Kooxda Shabaab bartilmaameedkoodu ahaa iney laayaan shacabka, laakiin dowladu ay fashilineyso qaraxyo kale oo badan.
Wasiirka ayaa tilmaamay ineysan seexan doonin inta magaaladda Muqdisho amaankeeda lasoo celinayo.
Sidoo kale, waxaa meesha ka hadlay afhayeenka wasaarada Amniga, kaas oo faah faahin ka bixiyay waxyeelada qaraxii maanta dhacay.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Trump oo beeniyey inuu duubay cod

$
0
0

Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey inuu duubay wadahadaladii dhexmaray isaga iyo agaasimihii hore ee FBI-da ee uu shaqada ka eryey inkastoo uu hore u muujiyey Trump inuu duubay wadahadalada.

Puntland oo cuduro 10 sano ka hor la ciribtirey ka...

$
0
0

Puntland ayaa ka daaweysay cuduro 10 sano ka hor la dabar gooyay xoolaha ay wataan qoysas kazoo hayaamay deegaano hoosyimaada maamulka Galmudug, ka dib markey tiimam ka socda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland kula kulmeen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaas oo qeyb ka ahaa dhakhaatiir todobaadkii hore Wasaaraddu u dirtay dhamaan Gobolada Puntland.
Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa sheegay inay ka daaweeyeen Xoola dhaqatada kazoo jeeda Galmudug cuduro ay ka mid yihiin cudurka Sanbabka,Cabeebka,Cadhada, Dhamiijada iyo Cuduro kale oo 10 sano ka hor laga ciribtirey dhamaan deegaanada Puntland.
Dr Cabdi Kheyr Maxamed Faarax oo ka mid ah Ururka Dhakhaatiirta Puntland ayaa u sheegay PUNTLAND POST inay yihiin xoolo dhaqatada ku nool Gobolada dhexe inaysan heli jirin daryeel caafimaad sababo amaan awgood Islamarkaana laga helay xoolahooda cuduro horey looga ciribtirey deegaanada Puntland.
Cabdi Kheyr ayaa ugu baaqay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland in looga baahan yahay dadaal dheeriya si looga hortago cudurada laga helay xoolaha ay wataan dadka kasoo hayaamay abaarta ka jirta deegaano hoosyimaada maamulka Galmudug.
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markey kusoo hayaameen waqooyiga,bariga iyo galbeedka Gobolka Mudug oo hoostaga maamulka Puntland xoolo dhaqato fara badan oo ka yimid Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.Dhagayso Wareysiga Dr Cabdikheyr Maxamed
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland oo cuduro 10 sano ka hor la ciribtirey ka daaweysay Galmudug. appeared first on Puntland Post.

Trump oo beeniyey inuu duubay cod

$
0
0

Madaxweyne Donald Trump ayaa beeniyey inuu duubay wadahadaladii dhexmaray isaga iyo agaasimihii hore ee FBI-da ee uu shaqada ka eryey inkastoo uu hore u muujiyey Trump inuu duubay wadahadalada.
Bilooyin kadib caqabado iyo cadaadis ku aadan in cajaladaha lasoo gudbiyo ayaa Trump fariin u baraha bulshada ee twitterka uu ku baahiyay wuxuu ku sheegay inuusan ogeyn in duubitaan caynkaasi ah uu jiro,Laakinse aanu isagu waxba duubin.
Qoraalkii ugu horeeyay ee u Madaxweynaha ku baahiyey baraha bulshada ay ku xiriiraan ee Twitter-ka ayaa noqotay mid muran badan dhalisay kadib markii shaqada u ka eryey hogaamiyihii hore ee FBI-da. Arrimahaas oo lala xiriinayo eedaha ku aadan faragelinta Ruushka ee doorashada Maraykanka

Dhismooyinka England oo laga dayrinayo

$
0
0

Dawladda Britain ayaa ka digtay in ilaa 600 oo ka mid ah saraha dhaadheer ee la deggan yahay ee England ku yaala lagu dhisay qalab iyo alaab la mid ah daartii gubatay ee Grenfell ee London oo ay ku dhinteen ama wali la'yahay dad gaaraya 80 qof.

Dhismooyinka England oo laga dayrinayo

$
0
0

Dawladda Britain ayaa ka digtay in ilaa 600 oo ka mid ah saraha dhaadheer ee la deggan yahay ee England ku yaala lagu dhisay qalab iyo alaab la mid ah daartii gubatay ee Grenfell ee London oo ay ku dhinteen ama wali la'yahay dad gaaraya 80 qof.
Afhayeen u hadlay Theresa May ayaa sheegay in tijaabooyiinka la sameeyay ilaa hadda lagu ogaaday in waxyaabaha ku dahaaran sadax dhismo uu si sahlan dab ku qabsan karo.
Mrs May ayaa u sheegtay baarlamaanka dalkaaasi in tijaabooyin degdeg ah la fuliyay islamarkaana dadka degan dhismooyiika ay arintan saamaysay mar hore lagu wargaliyay .

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live