Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Amiir ka tirsan Qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo...

$
0
0

Jul 20, 2017 -
Booliska Sucuudiga ayaa soo qabtay amiir ka tirsan qoyska Boqortooyada dalkaas, kadib markii uu tacaddi u gaystay tiro dad shacab ah.
Boqorka Sacuudiga Salmaan, ayaa amray in in deg-deg loo soo qabto amiir Saud bin Cabddul-Casiis, ka dib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.
Amiirka dhalinyarada ah ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xiran dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah. Waxaana uu muuqaal kale muujinayaa isaga oo tacadi u gaysanaya dhowr qof.
Dadka dhibaatada kasoo gaartay falka amiirka waxaa ka mid ah haween uu af-xumo kula kacay. Dadka qaar ayaana la arkayay iyadoo uu dhiig ka daadanayo madaxooda iyo afkooda.
Boqorka Sucuudiga ayaa amar ku bixiyay in tallaabo laga qaado amiirka, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu bulshada kaga jiro.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Koobka Qaramada Afrika oo dhici doona June iyo July

$
0
0

Tartanka kubadda cagta ee koobka Qaramada Afrika ayaa sanadka 2019 waxa uu dhici doonaa bilaha June iyo July, sida uu xaqiijiyay xiriirka kubadda cagta qaaradda ee CAF.

Natiijada Imtixaanka Qaran ee Qaybta Gobalka Benadir

$
0
0

Home WARARKA Natiijada Imtixaanka Qaran ee Qaybta Gobalka Benadir
Previous article100 Arday ee uga horeysa Imtixaanka Qaran
storvideo: 

Al-Shabaab oo soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen...

$
0
0


Kismaayo (RBC Radio) Kooxda al-Shabaab ayaa maanta soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen in uu kasoo goostay ciidamada dowlad-gobolleedka Jubbaland ee Soomaaliya,sida ay baahisay warbaahinta ururka.
Al-Shabaab ayaa sarkaalkan iyo saddex askari oo ay ku sheegeen inay ilaalo u ahaayeen,waxaa ay ku soo bandhigeen deegaanka Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Sarkaalka la sheegay inuu Jubbaland ka soo goostay,waxaa magaciisa lugu sheegay Col. Yaasiin Faarax oo Fiilo ku magac dheer.
Dowlad-gobolleedka Jubbaland wali ma aysan caddeyn sarkaalka inuu ka mid ahaa ciidamadooda,balse wuxuu ka mid noqon askar ay dhowr mar soo bandhigeen al-Shabaab.
__
RBC Radio

storvideo: 

Dagaal beeleed ka dhacay Ceel Af-weyn oo lix qof ku dhinteen

$
0
0

Dagaal laba beelood ku dhex maray degmada Ceel Af-weyn oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayey dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Murrashaxa KULMIYE oo Qaatay Kaadhkiisa Cod-bixinta

$
0
0

Hargeysa (Waaheen)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah uga qaatay kaadhkiisa codbixinta doorashooyinka xarunta hay'adda shaqaalaha dawladda maanta.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyeen masuuliyiin, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka kala tirsan tirsan xisbiga iyo xukuumadda, ayaa markii uu qaatay kaadhkiisa kadib waxa hadal uu siiyey warbaahinta uu kaga hadlay muhiimada uu leeyahay kaadhka codbixintu iyo ujeedooyinka loo sameeyey nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland.
Ugu horreyn, waxa uu farriin baaq u diray dhammaanba bulshoweynta reer Somaliland oo uu ku boorriyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxaannu yidhi, "Muddadii kaadh-qaadashada waxa ka hadhay toban casho, markaa dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay kaadhadhka qaataan, waayo waa waajibaad muwaadinka lagu leeyahay inuu kaadhka qaato oo uu doorashada ka qaybqaato oo uu ka taliyo cidda dalka maamulaysa, waana xuquuq diini ah iyo mid distoori ah, haddii uu yidhaahdo dalka taladiisa ka qaybgeli maayana waxa uu la mid yahay qof maqan oo kale, markaa labada gobol ee ay ka socoto diiwaangelinta ee Maroodi-jeex iyo Togdheer dadku waa inay ku dadaalaan inay qaataan kaadhadhkooda, halkay ku ridayaan qor bay u yihiin oo dimuqraadi weeye dadku, xisbiyada waxaynu u samaysanay in qof waliba halka uu doorbido iyo qofka uu isagu la jeclaado inuu doorto xor buu u yahay, xisbiyada waxaynu u samaysanay in aynu kaga baxno qoqobnaanta, qabiilka iyo qof jeclaysiga, markaa dadku iyagoo xor ah oo sidii markay dhasheen Ilaahay xornimada u siiyey ee Ilaahay bani'aadamka u karaameeyey ah inay qaataan kaadhkooda oo qokay doonayaan iyo xisbigay doonayaan u codeeyaan."
Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay xisbiyada Somaliland iyo ujeeddada loo sameeyey oo uu ku tilmaamay inay tahay sidii dalka iyo ummaddaba ugu horseedi lahaayeen horumar iyo barwaaqo, waxana uu bulshada ku adkeeyey inay danta guud muhiimad gaar ah siiyaan, "Waxaynu doonaynaa inaynu dalkeena nabad iyo horumar u samayno, doorashada iyo xisbiyadana ma rabno inay fadqalalo, colaad iyo fowdo naga galaan, annaguna waanu ku dardaaranynaa naftayada, dadka nagu taageersanna waanu dardaaraynaa, xisbiyada iyo dimuqraaddiyaddu waa inay horumar inoo keenaane maaha inay rabshad iyo buuq kale inoo keenaan, dadkana waxaan ka codsanayaa inay qaranimada ka hormariyaan qofnimada iyo shakhsigu waxa uu doonayo, haddii aynaan qaranka helinna qofkuna waxba heli maayo," ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ku adkeeyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii dalka loo horumarin lahaa, isla markaana loo gaadhi lahaa yoolka guud ee qarankani leeyahay, isaga oo umadda u rajeeyey guul waarta.
MUUQAALKA HADALKA GUDDOOMIYAHA
storvideo: 

Soomaaliya iyo South Sudan oo iska kaashanaya la dagaallanka tahriibka

$
0
0

Todobaadkan sii dhamaanaya waxaa magaalada Muqdisho laga dejiyey 3 qof oo la sheegay in laga soo dhoofiyey magaalada Juba ee dalka South Sudan.

Siyaasiyiin reer Hargeysa ah oo maanta ku soo biiray...

$
0
0

Siyaasiyiin reer Hargeysa ah oo maanta ku soo biiray xisbiga Waddani iyo qudbadihii laga jeediyeen madashii lagu soo dhaweeyey. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 21st, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - Hargeysa - Guddoomiyaha xisbiga Waddani isla markaana ah guddoomiyaha golaha shacabka Somaliland Mudane Abdiraxman Abdillaahi Cirro, ayaa madashii ka jeediyey, hadal qiima badan oo uu meelo badan gacan togleeyey:
[embedded content]
Musharraxa M/xigeenka Waddani mudane Mohamed Ali Aw Abdi, oo ah shakhsi qaali ku ah reer Somaliland oo ay nasiib u heshay. Kowna ka ah inta joharadda guushu saaran tahay ayaa isna si macaan oo qiimo badan uga hadlay xafladda lagu soo dhaweynayo siyaasiyiinta reer Hargeysa....
[embedded content]
Dr. Mohamed Bihi Yonis oo sidii aan xalay sheegnay u soo xadhko xidhay sidii uu dhulka ula simi lahaa xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u bili lahaa xisbiga Waddani. Waana siyaasiga hoggaaminaya siyaasiyiinta loo goglay xafladdan oo ay isku degaan ka soo wada jeedaan.
[embedded content]
Ruug caddaaga siyaasiga ah isla markaana ah guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Mudane Jirde ayaa isna hadal miisaaman ka jeediyey xafladdaasi....
[embedded content]
Siyaasiga da'da yar ee uu Ali Guray ku tilmaamay in uu fariid yahay, ee Xirsi Xaaji Ali-ye, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Waddani, ayaa isna sidii looga bartay ruxay madashii la isugu yimid....
[embedded content]
Siyaasi Ismail Yare, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta soo galay xisbiga Waddani, muxuu yidhi....bal aad iila dhagaysta
[embedded content]
Siyaasiga ku magac dheer Abiib tima-cad ayaa isna ka mid ahaa siyaasiyiinta sida kal gacalada leh loogu soo dhaweeyey xisbiga Waddani, waxanu si cad uga badheedhay sababta uu Kulmiye uga baxay....hadalkiisna waxa uu ku bilaabay Kulmiye waan ka haajiray.
[embedded content]
Siyaasiyiinta kale ee madasha ka hadashay waan idiin soo gudbin doonnaa, ee qaybaha danbe la socda.
Awdalpress
This post has been viewed 70 times.
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo “Waa in sida ugu dhaqsiyaha...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeraale ee Gobolka Gal-guduud.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddan,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.
Madaxwaynaha oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-degga ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri " Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda."
Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo "Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyaa dagaalka ka socda Xeraale " appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ninkeegii Ayeey Iga Dilleen

$
0
0

21st July 2017 admin Category :
Welli waxaa jirra dad guryahooda looga heesto magaalad Muqdisho kuwaasoo aan hellin caddaaladii ay u baahnaayeen si guryahooda dib loogu soo cesho. Hooyadan gurriga laga dhacay ayaa sheegtay in ninkeedii xittaa la dillay xilligii xasuuqa uu ka socday magaalada Muqdisho 1991dii.
[embedded content]Allsanaag.com
storvideo: 

Fox News is unusually focused on the nationality of...

$
0
0

21st July 2017 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH

The network's coverage mainstreams xenophobic narratives about immigrant crime
On July 17, developments emerged in two cases of fatal officer-involved shootings, but Fox News rushed to cover only one of them and focused disproportionately on the officer's nationality in doing so.
On the day Balch Springs, Texas, police officer Roy Oliver was indicted for the fatal shooting of Jordan Edwards, a black teenager, news broke of the July 15 shooting of an Australian woman by a Minneapolis, MN, police officer who was later identified as Mohamed Noor. Noor is Somali-American. While Fox News aired several segments about Noor, the network made not a single mention of the indictment of Oliver, who is white, continuing its disinterest in the case since Edwards was killed on April 29 in Dallas, TX.
In the first three days of coverage following the shooting of Justine Ruszczyk (who went by the surname of her fiance, Don Damond), Fox News covered the story in 11 segments, six of which mentioned that the officer was "Somali-American," an "immigrant" from Somalia, the first Somali-American to patrol that precinct, or that Minneapolis boasts a "very significant Somali population." A Fox News article online began both its headline and body with Noor's Somali background. In the same period, MSNBC and CNN both dedicated seven and 14 segments, respectively, to the story. CNN reporters did mention his Somali-American identity twice when prompted by hosts for more details about his background. MSNBC did not mention that he is Somali-American.
Fox News' Tucker Carlson went so far as to claim the mainstream media is engaged in a deliberate cover-up of the officer's nationality. On the July 18 edition of his show, Carlson said, "Mohamed Noor was an immigrant from Somalia. Is that a relevant fact? We don't know. But it's being treated as one by many news organizations. How do you know that? Because they're not reporting it."
[embedded content]
Carlson was wrong to claim news organizations didn't mention that the officer is Somali-American. His rival network CNN mentioned it that same day, and while The Washington Post -- which Carlson referenced -- did publish an early article on the story that did not mention his name or nationality (officials had not yet confirmed the identity of the officer), the paper also published a piece the next morning entirely focused on Noor and reactions in the Somali community of Minneapolis, which is bracing for backlash in the wake of the shooting. Moreover, Minnesota state officials did not publicly release the identities of the two officers involved in the shooting until Tuesday night (July 18), meaning three of Fox's reports on Noor's Somali identity were seemingly based on early reporting by the Star Tribune that had not yet been confirmed by police.
Carlson was also misguided in his implication that other outlets' omission of Noor's nationality is evidence that it's relevant. While many questions about the incident remain, and there are legitimate grievances being voiced by Minneapolis Mayor Betsy Hodges, Damond's family, and the Australian government over the police department's lack of transparency in the case, none of them are focused on Noor's identity. In fact, Damond's hometown newspaper in Australia ran a front-page headline reading "AMERICAN NIGHTMARE" in reference to what Australians quoted in the piece see as a country "infested" with guns and a "very risky place in terms of gun violence." Damond's family, which just suffered a tragic loss at the hands of police, hasn't focused on Noor's identity as particularly relevant in reports. Fox News is the exception, not the norm.
In the cases of police brutality against Jordan Edwards, Sandra Bland, Eric Garner, Philando Castile, Alton Sterling, and many others, all of whom were black, Fox News assigned no particular relevance to the nationalities of the officers involved. But the network did, in various cases, invite guests to defend the officers' actions, criticize the victims of the shooting, or use the incident to promote questionable or problematic policing tactics. The disproportionate attention Fox News paid to Noor's immigrant background and its resistance to defend him elucidates the limits of its pro-police posture.
And the network's coverage, while an outlier for mainstream reporting on the story, is essentially a more sanitized version of stories with headlines like "First Somali-Muslim police officer in Minnesota KILLS blonde yoga instructor in cold blood" and "Unarmed White Woman Murdered In Minnesota, Dems SILENT After Shooter's ID Revealed...". There are many more. Noor's religion has not been obsessed upon outside of far-right blogs and Twitter.
Minnesota's Somali immigrant community has been a strangely popular target for Fox News and other right-wing media outlets. The network has previously fearmongered about Somali immigrants, called the area "ground zero" for ISIS recruitment, and attacked the Minneapolis mayor for giving her State of the City address in a mosque. Fringe media websites and fake news purveyors recently targeted Minneapolis in response to the city's announcement that it was launching a hate crimes reporting hotline, claiming the move amounted to "fascism."
In its hyperfocus on Noor's nationality, Fox News served to validate the racism, xenophobia, and debunked associations between immigration and crime espoused by pro-Trump fake news purveyors, conspiracy theorists, white nationalists, and notorious Islamophobes alike. Noor's background is only as relevant as it is in any officer-involved shooting, and if it's being touted as more than that, we should be asking why.Source: Media Matters for Americahttps://www.mediamatters.org/blog/2017/07/20/fox-news-unusually-focused-...
storvideo: 

Afhayeenka Aqalka Cad oo iscasilay

$
0
0

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxa u ahaa.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer uu shaqada ka tegay ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump nin cusub u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad.
Anthony Scaramucci oo ah ganacsade laga yaqaano Wall Street ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub, shaqadaas oo uu si kumeelgaar ah u hayay Spicer.
Spicer ayaa todobaadyadii dambe qolka wararka ee Aqalka Cad ka mamnuucay kaamarooyinka telefishinnada.
Isku shaandheynta ayaa kusoo beegmaysa xilli mas'uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad ay wajahayaan baaritaan ku aaddan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer oo 45 jir ah uu rumaysan yahay in magacaabidda Scaramucc ay tahay "khalad weyn" oo uu sameeyay madaxweyne Trump.
Mike Dubke oo hayay shaqadaasi ayaa iska casilay bishii May ee sanadkan, waxaana xilkaasi iyo afhayeenka Aqalka Cad isku hayay Sean Spicer.
storvideo: 

Falastiiniyiin lagu dilay Bariga Qudus iyo Daanta...

$
0
0

Saddex Falastiiniyiin ah ayaa naftooda ku waayay rabshado ka dhacay Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed, sida ay sheegeen mas'uuliyiin Falastiiniyiin ah.
Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay rabshado maalmo ka socday agagaarka masjidul Aqsa.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in wiil 17 jir ah uu dhintay ka dib markii lagu toogtay deegaanka Ras al-Camud ee Bariga Qudus, halka nin kalena uu dhintay dhaawac kasoo gaaray rabshad ka dhacday deegaanka A-Tur.
Ninka saddexaad ayaa lagu dilay deegaanka Abu Dis ee Daanta Galbeed.
Dhinacyada Falastiiniyiinta ah ayaa ku baaqay in Jimcaha maanta ah uu noqdo maalin ay muujiyaan caradooda, ka dib markii ay Israa'iil tallaabooyin dhanka ammaanka ah kusoo rogtay xeyndaabka masjidka.
Xiisadda ayaa sare u kacday markii laba ka tirsan booliska Israa'iil lagu dilay meel u dhaw masjidka.
Weerarkaasi waxaa fuliyay saddex nin oo ah Carabta Israa'iil, kuwaasoo markii dambe lagu laayay gudaha deyrka masjidul Aqsa.
Kumannaan booliska Israa'iil ah ayaa saaka la geeyay agagaarka masjidka, ayagoo u diidday ragga Falastiiniyiinta ah ee da'doodu ka yartahay 50 jirka inay galaan qeybta qadiimiga ah ee Qudus oo uu masjidka ku yaal.
Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa Israa'iil ugu baaqay inay xaaladda dejiso.
storvideo: 

Dagaa ba'an oo ka dhacay Xeraale

$
0
0

Dagaalka oo duhurnimadii Khamiista billowday ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 40 qof.
Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan
Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo miliishiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.
Weli rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Deegaanka xeraale, mana jiro dadaal nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah.
storvideo: 

Muwaadiniinta Dutch-ka ah ee UK degan oo waayi kara dhalashada Holland - Waraysi

$
0
0

Ra'isal wasaaraha Holland, Mark Rutte, ayaa sheegay in muwaadiniinta dalkiisa ee qaata dhalashada dalka Ingiriiska si ay ugu suurto gasho in ay sii deganaadaan Ingiriisku marka uu si buuxda uga baxo Midowga Yurub ay waayi doonaan Baasaboorkooda Holland maadaama ay xeerarka jiraa xadidayaan lahaansha laba dhalasho.


Fursado Shaqo oo Banaan

DAAWO VIDEO YAAB :Lamaane Dagaalkii Labaad Ee...

$
0
0

Jul 21, 2017 -

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Mahad Maxamed Aadan oo Si Arxan daro ah loogu dilay...

$
0
0

Rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Kooxda la magac baxday Daacish waxa ay Deegaanka Bali-daggan, ee Gobolka Bari Puntland ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis.
Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in marxuumka lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Aadan, ay xalay Daacish si sabab la'aan ah ugu dileen Deegaanka Bali-daggan, halkaas oo ay Xarun ku leedahay shirkadda Golis.
Macada Sababta ka dambeysa dilka Ninkaas,waxana dadka deegaanka haatan soo wajahday Cabsi xooggan oo ku aadan dilka Ninkaas ka tirsan Shaqaalaha Shirkadda Golis.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay baarayaan dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka,waxa ayna sheegeen in Daacish si qarsoodi ah ay halkaasi ku tageen Ninkaasna ay u dileen.
Daacish ayaa dagaal kula jirta Puntland iyada oo ku sugan qeybo ka mid ah Buuraha Galgala ee gobolka Bari halka mararka qaar ay weeraraan fariisimaha Ciidamada Puntland ee Gobolkaasi Bari.
storvideo: 

DAAWO SAWIRRO: Diyaarad waday Militeri ka socda...

$
0
0

Jul 21, 2017 -
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah oo sitay ciidamo cusub oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo badalay ciiddamo mudo sanooyin ah ku sugnaa gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Midowga Yurub oo ku dhaqaaqay fal argagax...

$
0
0

Jul 21, 2017 -
Wakiilka Midowga Yurub ee u Qaabilsan dalka Soomaaliya oo soo gaadhay magaalada Hargeisa ayaa Waraysi ay Bixisay waxaa wax laga waydiiyey Sababta loo xidhay Xafiiskoodii ay ku lahayeen magaalada Hargeisa.
dhinaca kale waxaa wax la waydiiyey Arimaha Soomaaliya, Iyo Wahadalkii u dhexeeyay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live