Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Masar oo lagu dhaliilay Muslimiinta Shiinaha ah ee ay xidhxidhay

$
0
0

Dalka Masar waxa ku nool jaaliyad abaabulan oo ka tirsan qawmiyadda Uighur-ka ee ah Muslimiinta laga tirada badanyahay ee dalka Shiinaha. Badankoodu waxay Masar markii hore u tageen in ay wax ka bartaan Jaamacadda Al-Azhar oo ah xarunta ugu magaca dheer ee culuumta diiniga ah ee mad-habka Sunniga.


Awaamiir cusub oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya...

$
0
0

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabtay isaga iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go'aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo kooxda Al-shabaab. Wasiir Ducaale ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya. Dhageyso codka wasiirka. 120331_001 Taliyaha hey'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urruada argagaxisada sida Al-shabaab soo galaan kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan; sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagahaas laga qaado cid kasta oo ay dhaqaale ku tuhmaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka war hayaan in dadka Soomaaliyeed si joogto ah caga jugleyn ugu hayaan Al-shabaab. "Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku qanacsan fekirka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u [...]
storvideo: 

Daawo:Qaabka muqdisho looga soo dajiyay maxaabiista...

$
0
0

Jul 22, 2017 -
Gabal dhicii caawa waxa magaalada muqdisho soo gaartay diyaarad waday maxaabiis soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Itoobiya.
Diyaaradii waday maxaabiistaas soomaalida ah ayaa kasoo dajisay garoonka muqdisho xili dowlada soomaaliya shaacisay in imaan doonaan saacadaha soo socda.
Sii deysmada maxaabiistaan soomaalida ah ayaa timid xili ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre heshiis kula galay dowlada itoobiya waxaana la isku afgartay in lasii daayo maxaabiis soomaali oo dhan 120 inkastoo tiro kabadan ku xiranyihiin xabsiyada dalka itoobiya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Trump oo la sheegay in uu damacsanyahay in uu cafis madaxweyne isku fidiyo

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu leehay "awood buuxda" oo madaxweyne oo uu saamaxaad ugu fidin karo dadka.

Halkan ka daawo sawirada sida loo soo dhaweeyey...

$
0
0

Home WARARKA Halkan ka daawo sawirada sida loo soo dhaweeyey maxaabiistii laga keeney Itoobiya
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQunsuliyadda Guud Ee Cadan Oo Faahfaahisay Tirada Qaxootiga Soomaalida Ee Dib Loo Soo Celiyay

storvideo: 

Wafti heer Qaran ah oo Garowe u tagay shir Aayaha...

$
0
0

Waxaa maanta soo gaarey magaalada Garowe wafti ay hogaaminayso Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, Waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo Xubno ka tirsan Xukuumada iyo goloyaasha xiriirka kubadda cagta Puntland, Ururada dhalinyarada gobolada Puntland iyo Xubno ka tirsan Ururudada haweenka waxgarad iyo kooxaha kubada cagta ee ka dhisan magalada Garowe.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiirada Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Wafuud kale oo la filayo maalinta beri ah inay uga qeybgalaan magaalada Garowe shir looga arrinsanayo Aayaha iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Wasaiirka Shaqada iyo Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa ku tilmaamay socdaalka waftiga heerka qaran iyo maamul goboleed ee maanta soo gaarey magaalada Garowe inuu la xiriiro ka qeybgalka Shirkaas looga arrinsanayo arrimaha dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa isdhexgalkooda.Dhinaca kale Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay dadkii kusoo dhaweeyay magaalada Garowe, waxayna sheegtay inay ku faraxsan tahay ka qeybgalka shirka looga arrinsanayo arrimaha dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Waa socdaalkeedii ugu horeeyay oo ay ku timaado GAROWE Wasiir Khadiijo tan iyo markii loo magacaabay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, wallow safaro kan ka horeeyay horey ay ugu tagtay deegaanada maamulada dalka ka jira,waxaana lagu wadaa inay maalinta beri ah magaalada Garowe ku daahfurto shirkan looga arrinsanayo dhalinyarada .Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wafti heer Qaran ah oo Garowe u tagay shir Aayaha dhalinyarada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Trump oo la sheegay in uu damacsanyahay in uu cafis...

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku nuuxnuuxsaday inuu leehay "awood buuxda" oo madaxweyne oo uu saamaxaad ugu fidin karo dadka.
Hadalkan madaxweynuhu wuxu ku soo beegmay iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in uu damacsanyahay inuu cafis madaxweyne u fidiyo xubnaha qoyskiisa, kaaliyeyaasha iyo qudhiisaba hadii baadhitaanka gaarka ah ee socdaa ku helo dambi ah inuu gacan saar qarsoodi ah la lahaa Ruushka intii lagu jiray ololihii doorashada.
Af-hayeen u hadlay xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa ku tilmaamay wararkaa soo baxay kuwo "walaac qoto dheer" abuuraya.
Maamulka Maraykanka ayaa baadhaya suurtogalnimada ah in kooxdii ololaha Trump iyo Ruushku lahaayeen gacan saar qarsoodi ah, laamaha sirdoonkuna waxay qabaan in Ruushku isku dayey inuu ka caawiyo Trump sidii uu talada dalka u qaban lahaa.
Ruushku wuu beeniyey arintan, madaxweyne Trump na wuxu sheegay in aanay jirin wax gacan saar ah oo qarsoodi ahi.
Wargeyska Washington Post ayaa Khamiistii ku waramay in Trump iyo kooxdiisu ay ka arinsanayeen sidii uu madaxweynuhu cafis ugu fidin lahaa dadka isaga ku dhow dhow.
Madaxweynuhu wuxu awood u leeyahay inuu cafis u fidiyo dadka la tuhunsanyahay inta aan dambi lagu helin ka hor, ee aan dambigaa weli maxkamad lagu hor geynin.
Senator Mark Warner oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kana mid ah gudida sirdoonka ee Senate-ka ayaa ku tilmaamay wararkan soo baxay kuwo "walaac qoto dheer" abuuraya waxaanu yidhi "in la cafiyo qof kasta oo laga yaabo inuu arintan la baadhayo ku lug lahaa waxay noqon doonaa in laga tallaabay meel ma dhaafaan ah".
Sabtidii ayaa Trump wuxuu boggiisa Twitter-ka ku qoray "mar hadii la isku waafaqsanyahay in madaxweynaha Maraykanu awood u leeyahay in uu cafis fidiyo, maxaa keenay in marka dambiga la sheegayaa ilaa haatan yahay war aan si rasmi ah u soo bixin in la yidhaa madaxweynahaa cafis fidinaya. War beena dheh!".
storvideo: 

Erdogan oo Israel ku eedeeyey inay awood xad dhaafa u adeegsatay Falastiiniyiinta

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.


Erdogan oo Israel ku eedeeyey inay awood xad dhaafa...

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.
Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da'doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.
Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.
Falastiiniyiinta ayaa se aad u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaa ku soo rogtay.
storvideo: 

Arin hadal heyn xoogan caawa kadhalisay goobaha...

$
0
0

Jul 22, 2017 -
Hotelada iyo goobaha lagu shaaxeeyo ee - dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa caawa siweyn looga hadal hayaa arin oo maanta sameeyay wasiirka warfaafinta iyo dalxiista.
Wasiir Eng Yariisow ayaa maanta bogiisa twitter kusoo qoray arin keyntay hadal weyn gaar ahaan dadyowga sida gaar ah ula socda siyaasada dalka soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta ayaa twitter ugu hambalyeeyay boga facebook oo leeyahay wariye Catoosh oo katirsan laanta afka soomaaliya ee BBC.
Saxiibada iyo waliba dadyowga falan qeeya siyaasada aya sheegay in wasiirka arintaas looga baahneyn loogana fadhiyo in xaalada dalka soomaaliya oo baahiyo shacabka ka dhaadhiciyo in la shaqeyaan dowlada si loo gaaro guulo iyo hormar xoogan.
Isku soo wada duub xukumada oo hogaamiyo Xasan Cali KHeyre ayaa siweyn u isticmaasho adeyga bulshada kuwada xariirto ee Facebook iyo twitter waxaana mar waliba ku baahiyaan waxyaabo shacabka siweyn hadal heyn oga keynaan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

In ka badan 100 maxaabiis oo ku xirnaa Itoobiya oo...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa maqribnimadii Caawa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho soo cago dhigatay Diyaarad mabaaxiis Soomaali ah ka soo qaaday Dalka Itoobiya.
Maxaabiistan oo tiradoodu gaareyso 114 qof, ayaa laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Somaliya, Jamaludiin Mustafa Cumar.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Magaalada Muqdisho, Jamaludiin Mustafa Cumar ayaa waxuu sheegay in 114 maxaabiis haatan lagu wareejiyay Dowladda Somaliya.
Waxaa Danjiraha uu sheegay in talaabadan ay ka dambeysay kadib heshiis Magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ugu dambeyn, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya, Maxamed Cali Nuur, ayaa waxaa uu soo dhaweeyay maxaabiista ay Itoobiya soo wareejisay Soomaaliya, waxaana uu Itoobiya kaga mahadceliyay sida ay uga dhabeysay heshiiskii labada dhinac u dhaxeeyay.

storvideo: 

Labo Muwaadin oo Falastiini oo ku geeriyooday West...

$
0
0

Labo Muwaadiin oo Falastiniyiin ah ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray labo dhacdo oo kala duwan oo ay ugu geesteen Ciidamada Amaanka ee Dalka Israaiil sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Falastiin. Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay Oday Nawajaa oo ah 17 jir in shalay oo sabdi ahayd uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu ku furay Askari Israaiili ah. Sida ay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Falastiin shaacisay Muwaadin kale oo Falastiini ah oo ay da'diisa ahayd 18 jir ayaa ku geeriyooday West Bank ka dib markii uu ku qarxay Waxyaabaha qarxo oo uu qorsheynayey in uu ku tuuro Ciidamada Israaiil. Israaiil ayaa ciidamo dheeri ah u dirtay West Bank ayagoo wareeray Guriga Muwaadiin Falastiin ah oo tooraay Ku dilay Seddex Qof oo israaiiliyiin ah.
storvideo: 

Qarax Ay Qasaare Geeystay oo ka dhacay Degmada Buulo...

$
0
0

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu beegsaday Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.
Qaraxan waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago,waxa uu qaraxa sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte.
Goob-joogayaal ku sugan Degmada Buulo-burde ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili Ciidamada Jabuuti gaar ahaan kuwa Miino baarista ay howlo shaqo ay ka wadeen hareeraha garoonka diyaaradaha degmadaas.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Saddex askari oo Jabuutiyaan miino baarayaal ah tiro kale oo askar ahne weey ku dhaawacmeen.
Dhanka kala dagaalyahnada Al-shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada qaraxa miino, waxayna sheegeen in qaraxaan lagu dilay 3-sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidamada jabuuti ee ku sugan degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Qarax Ay Qasaare Geeystay oo ka dhacay Degmada Buulo-Barde appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Erdogan oo Eedeeyn Kulul u jeediyay Yahuuda

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Yahuuda inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca dhex maray ciidamada nabadgelyada iyo Falastiiniyta u mudaharaadayey Xaramka barakaysan ee Qudus.
Saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay shaqaaqadaa oo ka dhalatay amar ay Israel kaga horjoogsatay ragga da'doodu ka yartahay konton jirka in ay ku tukadaan salaaddii Jimcaha barxadda masaajidka ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram Al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.
Israel waxay sheegtay in talaabadaa xaga nabadgelyada ah ee ay qaaday lagama maarmaan noqotay ka dib markii laba askari oo booliska Israel ka tirsan lagu dilay goobtaa.
Falastiiniyiinta ayaa se aad u diiday awaamiirtan cusub ee ay Israel goobtaa ku soo rogtay.PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Erdogan oo Eedeeyn Kulul u jeediyay Yahuuda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hay’addaha Amniga oo Ganacsatadda dul dhigay Amar adag

$
0
0

Go'aamada ka soo baxay waxa ka mid ah:-

  1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
  2. Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
  3. Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
  4. Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo aya laga qaadaya.
  5. Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
  6. Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
  7. Cid walbo oo go'aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii qodobadaasi jabisa.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Uhuru Kenyatta oo Mudo kadib ku dhiiraday in uu...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay inay qorsheynayaan in dhowaan furaan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Uhuru Kenyatta oo boqolaal shacab ah kula hadlayay magaalada Mandhera ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo sheegaan Al-Shabaabka amni darada geysanaya, si loo helo nabad iyo xasilooni.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in furitaanka xadka Mandhera uu muhiim u yahay ganacsiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
"Xadka oo inta badan xiran haddii si caadi ah loo furo waxa uu sare u qaadi doonaan dhaqaalaha Labada dal, shacabkiina waa inaad soo sheegtaa in cid walbo oo Al-shabaab ah misane kasoo gudbeysa halkaasi" ayuu yiri Kenyatta.
Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay iney xirtay xadka aan rasmiga ahayn ee ay la leedahay Soomaaliya, kaddib markii dalkaas ay gudaha u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab, amnigoodiina faraha uu ka baxay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dowladda oo la wareegaysa Hantidda qofkii Shabaab...

$
0
0

Dowladda oo la wareegaysa Hantidda qofkii Shabaab lacag siiya
Jul 23, 2017 -

Taliyaha Ciidamada Nabad suggida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Saxaafadda xalay kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto ganacsatadda taageera lacageed Siisa Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ay hayaan liis ay ku qoran yihiin Ganacsatada taageerada Siisa Al-Shabaab , islamarkaana ay baaritaano kala duwan ay ku sameyn doonaan.
Ciidii dambe oo Al-Shabaab Lacag ugu geysa degaanka tooratoorow ayuu xusay Sanbaloolshe in dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Hantida uu heysto.
Shirkaddaha Isgaarsiinta , Xawaaladaha iyo Bangiyadda ayaa lagu Amray in aysan macaamil la sameynin Al-Shabaab.
Ugu dameyntii waxaa uu xusay in ciidii Al-Shabaab lacag siinaysa in laga doonaayo in ay ka guuraan Muqdisho ,islamarkaana ay aadaan degaanada ay jooggaan Al-Shabaab. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Qarax Ka Dhacay Degmada Buulo burte ee Gobalka...

$
0
0

Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa lagu beegsaday Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.
Qaraxan waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago,waxa uu qaraxa sigaar ah kaga dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte.
Goob-joogayaal ku sugan Degmada Buulo-burde ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xili Ciidamada Jabuuti gaar ahaan kuwa Miino baarista ay howlo shaqo ay ka wadeen hareeraha garoonka diyaaradaha degmadaas.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay Saddex askari oo Jabuutiyaan miino baarayaal ah tiro kale oo askar ahne weey ku dhaawacmeen.
Dhanka kala dagaalyahnada Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada qaraxa miino, waxayna sheegeen in qaraxaan lagu dilay 3-sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidamada jabuuti ee ku sugan degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan.
storvideo: 

DHAGEYSO: DF Somalia oo la wareegaysa Hantidda...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Taliyaha Ciidamada Nabad suggida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto ganacsatadda taageera lacageed Siisa Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ay hayaan liis ay ku qoran yihiin Ganacsatada taageerada Siisa Al-Shabaab , islamarkaana ay baaritaano kala duwan ay ku sameyn doonaan.
Ciidii dambe oo Al-Shabaab Lacag ugu geysa degaanka tooratoorow ayuu xusay Sanbaloolshe in dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Hantida uu heysto.
Shirkaddaha Isgaarsiinta , Xawaaladaha iyo Bangiyadda ayaa lagu Amray in aysan macaamil la sameynin Al-Shabaab.
Ugu dameyntii waxaa uu xusay in ciidii Al-Shabaab lacag siinaysa in laga doonaayo in ay ka guuraan Muqdisho ,islamarkaana ay aadaan degaanada ay jooggaan Al-Shabaab.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Warsaxafadeed ay...

$
0
0

Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa xalay waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga. Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka ee Ethiopia iyo Dowlad Degaanka ismaamulka Soomaalidu saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ugu ballanqaadeen Madaxdeenna. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Arrintani waxay ka dambeysay ballanqaadkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay ka shaqeyso in Maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran dalal dhowr ah ay u howlgasho sidii loo sii deyn lahaa ama ay xabsigooda ugu dhammaysan lahaayeen dalka gudihiisa. Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday JigJiga ayaa markii ay Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey'adaha Booliiska iyo Garsoorka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live