Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Halkee ayuu marayaa mooshinka la rabo in xilka looga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka diyaarinayaan Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wararku waxa ay sheegayaan in Mooshinka socda xoogiisa lagu diyaarinaayo magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano laga mamnuucay Baydhabo.
Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhawaan laga mamnuucay inay u socdaalan magaalada Baydhabo, waxaana la xaqiijiyay inay yihiin kuwa ugu miisaanka culus.
Ilo ku dhow dhow Mooshin wadayaasha ayaa sheegaya in Xildhibaanada is diiwaan galiyay ay gaarayaan ilaa 38 Xildhibaan, halka ay jiraan Xildhibaano kale oo aan weli gudbin liiskooda.
Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa walaac gaara ka muujinaaya inuu xal u waayo Mooshinka ku foorara, iyadoo shakiga ugu weyn uu yahay mid muujinaaya in dowlada Somalia ay qeyb ka tahay mooshinka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin sida Hogaamiyaha Maamulka uu ka yeeli doono Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Waa maxay ceebta uu leeyahay go’aankii DF ee...

$
0
0

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan maanta kaga waramayo ceebeynta loo jeedinayo go'aankii dhexdhexaadka ahaa ee ay Dowladda Federaalku ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka, Gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn oo isku dhinac iyo Qadar oo dhinaca kale ah walow ay taageero ballaaran ka heleyso dowladda Turkiga ee uu hogaamiyo geesiga weyn ee Ordagan oo haatan baroosinkiisa soo dhigtay Soomaaliya oo ah goob istiraatiiji oo laga hagi karo marinno badan oo muhiim ah.
Go'aankan dhexdhexaadka ah, Ayaa waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada sida Buntland oo kale, Kuwaasi oo ku doodayo in loo baahan yahay in lala safto xulafada Imaaraadka, Maadaama Imaaraadku uu dhaqaalo badan ku bixinayo howlo ka socda dalka sida bixin mushaaraad ciidamo oo kale iyo waliba dhisamaha dekedaha Boosaaso iyo Berbera oo lagu wareejiyey shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka. Hadaba, Waa maxay ceebta uu leeyahay go'aankaasi dhexdhexaadka ee ay Dowladdu qaadatay ?
Anigu, Waxaan qabaa runtii in go'aankaasi aanu ceyb lahayn, Bal uu yahay mid wanaagsan oo caqli iyo xikmad ku dhisan, Islamarkaana ka tarjumayo madaxbanaanida Dalka iyo waliba Dowladda Soomaalida. Waxa uu sidoo kale go'aankaasi ka tarjumayaa dareenka dadweynaha Soomaalida oo aan dooneyn in ay dhexda u galaan khilaafaadyo u dhaxeeya dalal shisheeye, Maadaama ay la ildaran yihiin khilaafaadyo daakhili ah oo sanado badan socday, Kuwaasi oo dalkan u nugleeyey faragelinta aannu maanta ka cabaneyno.
Sidan soo sheegeyba, Wax ceeb iyo dhaliil ma lahan go'aankii ay Dowladda Federaalku ka qaadatay muranka u dhaxeeya dalalkan ay saaxiibada la tahay ee ku mideysan ururka Iskaashiga Khaliijka, Maxaa yeelay waxa uu go'aankani Dowladda siinayaa inay sii waddo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada is-hayo ee ay ka wada tirsan yihiin ururada Caalamiga ah sida ururka Islaamka oo kale iyo waliba kan Jaamacadda Carabta. Waana sababtaasi sababta aan u maleynayo in ay u qaadatay go'aankaasi dhexdhexaadka ah.
Go'aankan wanaagsan, Ayaa Dowladda Soomaaliya siinayo in ay ilaashato kaalmada iyo taageerada ay ka heleyso dhammaan dhinacyada is-hayo maadaama aysan dhinacna la safan. Waxa uu sidoo kale go'aankaasi siinayaa fursad ah in ay ka badbaaddo saameynta ka dhalan karta khilaafkan ay ka gaabsadeen dalal badan oo saameyn ku leh Caalamka sida dalalka reer Yurub oo kale, Kuwaasi oo qaatay go'aan dhexdhexaadnimo sida Dowladda Soomaalida oo kale maadaama uu khilaafkani ku kooban yahay dalalkaasi Khaliijka ee wada dashay.
Qaraarkan, Ayaa Soomaaliya ka badbaadinaya in loo soo raro khilaafka u dhexeeya wadamadan Carabta ah sidii ka dhacday dalalka Liibiya iyo Yeman oo kale, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan xoogag ay kala taageerayaan dalalka Imaaraadka iyo Qadar oo waayadan kala hogaaminaya fikrado iska soo horjeeda sida Qadar oo taageereysa waxan loogu yeero kacdoonada Guga Carabta iyo Imaaraadka oo ka soo horjeeda in kacdoonadaasi ay guuleystaan si ay xukunka u sii haystaan boqorada tirada yar iyo digtaytarada liita.
Go'aankan saliimka, Ayaa waxaa soo dhaweeyey inta badan Waxgarad Soomaaliyeed iyo waliba dadweynaha caadiga maadaama uu waafaqayo shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaalida oo labaduba ay ka soo horjeedaan in dulmi iyo gardarro la isku taageero. Waxaa sidoo kale qaraarkaasi soo dhaweeyey inta badan Xildhibaanada labada Gole maadaama uu u daneynayo dalka, Islamarkaana uu ka fogeynayo saameynta ka dhalan karta muranka wajiyada badan ee burburin doona ururo badan oo ay ku jiraan dowladaha Muslimiinta.
Balse waxaa yaab leh in go'aankaasi wanaagsan ay ka soo horjeestaan qaar ka mid ah waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada sida Buntland oo kale, Kuwaasi oo soo saaray war saxaafadeedyo ay ku sheegayaan in ay ka soo horjeedaan go'aankaasi dhexdhexaadka ah ee ay Dowladdu qaadatay, Iyagoona si cad u tlmaamay in ay la safan yihiin xulafada Sacuuudiga oo ay hadda is-hayaan dalka Qadar walow laga cabsiqabo in khilaafkaasi ay ku soo biiraan dalalka Turkiga iyo Iiraan oo waayadan aad ula yaaban hab-dhaqanka duweylatu Imaaraat.
Talaabadan sharcidarada ee ay qaadeen Maamul Goboleedyada, Ayaa ka yaabisay dad badan oo Soomaali ah, Gaar ahaan Aqoonyahanada sida Prof. Cabdi Saciid Samatar oo kale, Kaasi oo shaagay in ay talaabadani tahay mid waali ah oo ka soo horjeedda shuruucda dalka iyo dhaqanka dowladnimada, Islamarkaana ceeb ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Prof. Ayaa isweydiiyey waxa ay qabaneyso Dowladda Dhexe mar haddii ay shaqadeeda la wareegeen Maamul Goboleedyo lokal ah oo intooda badan u dhisan qaab qabiil sida Buntland oo kale.
Hab-dhaqankan liita, Ayaa waxaa horboodayo Maamulka Buntland oo had iyo jeer ay madaxdiisu iyo kuwa taageera maamulkaasiiba ay ku doodaan in nidaamka federaalismka uu yahay mid ku haboon Soomaaliya, Islamarkaana awood u leh in uu dib u soo celiyo dowladnimadii burburtay, Laakin doodda ceynkaasi ayaa noqotay mid madhaleys ah aan waxba ka sii bixin, Waayo nidaamkan waxa uu albaabada u furay fowdo maamuleed oo aan horay loo arag nooceeda oo kale. Bal fiiriya waxyaabaha dhacayo iyo heerka ay gaarsiisan tahay faragelinta shisheeye.
Waxaa shaki galay midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka oo wax kasta nooga muhiimsan marka laga reebo diinteenna xaqqa ah. Waxaa la kala garan waayey cidda dalkan matasha: Ma Dowladda Federaalka mise Maamul Goboleedyada. Waxaa albaabada loo furay cid kasta oo shisheeye oo waxooga lacag sidata. Waxaa la beylihiyey dekadihii dalka ee dadka oo dhan ka wada dhaxeeyey. Waxaa badihii laga dhigay kuwa kheyraadka laga gurto iyo kuwa qashinka lagu shubo sababo la xariira fowdada maamuleed ee jirta.
Dhammaan xadgudubyadan dhacayo, Ayaa waxaa u sabab ah nidaamka federaalismka ee sida xun loo fasirtay. Tusaale ahaan, Waxaad arkeysaa maamul goboleed heshiisyo caalami ah la galayo dowladdo shisheeye sida Itoobiya oo kale, Halka ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo uu Caalamku aqoonsan yahay. Waxaad kaloo arkeysaa maamul goboleed ka hadlayo arimo quseeya siyaasadda arimaha dibadda ee Dowladda, Halka uu arinkaasi ka soo horjeedo qodobka 54-aad ee Dastuurka oo si cad u sheegayo in Dowladda Dhexe oo kaliya ay masuul ka tahay howshaasi.
Anigu, Inkasta oo aan aad ugu careysanahay Dowladda Farmaajo sababo la xariira qabkii ay u maamushay kiiskii Qalbi-dhegax iyo qadiyadda ONLF, Hadana waan ku taageersanahay Dowladda go'aankii ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya dalalka Carabta, Maadaama uu go'aankaasi yahay mid wanaagsan oo caqli iyo xikmad ku dhisan, Islamarkaana dalka ka badbaadinayo in uu noqdo goob ay isku herdiyaan dalalan is-hayo sida Liibiya oo kale iyo waliba Yeman oo ay isku hayaan xulafada Imaaraadka iyo Iiraan.
Ugu danbeyntii, Ma arko ceeb uu leeyahay go'aankaasi dhexdhexaadka ah ee ay Dowladdu qaadatay, Maadaama uu u ogolaanayo in ay sii waddo xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dhammaan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo. Waxaana ku baaqayaa in dalkan loo raadiyo nidaam dowladeed oo ka duwan midka hadda jira oo ah mid dalkii sii kala furfuray oo waliba aad u dhaawacay midnimadii iyo madaxbaanidii Wadanka, Halka uu dhinaca kale khilaaf xun u horseeday Dowladdii Dhexe iyo qaarka mid ah Maamul Goboleedyada sida Galmudug oo kale.W/Q: Maxamed (Ragow)Ragow1960@hotmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid
storvideo: 

Munaasibad kulmisay Madaxda iyo Haldoorka Somaliland...

$
0
0

"Bulshada ku dhaqan Degmadani waa Bulsho Taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno..."Suldaan Siciid Yuusuf DucaaleHargeysa(Waaheen)-Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalay Degmada cusub ee Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu qabtay Magaalada Dacarta, taasoo ay ka qayb-galeen madaxda Asxaabta Qaranka, xubno kamida Golaha Wasiirrada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka, Maayirro, Madaxdhaqameedyo iyo boqolaal Dadweyne ah.
Xafladan oo ahayd mid kulmisay badi Haldoorka Somaliland, loona sameeyey Dabaal-deg agaasiman oo ay qayb ka ahaayeen Fardo lagu soo dhaweeyey Madaxda ka qayb-gashay iyo bandhig-fanneedyo soo jiitay indhaha marti-sharafta, isla markaana intii ay socotay laysku dhaafsaday Kaftan iyo duur-xul dhaqan iyo mid Siyaasaddeed, waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Talo-same Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abusite oo ku hadlayey afka guddida horumarinta degmadan iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo kamida madaxdhaqameedka Deegaanka, kuwaasoo ku dheeraaday Taariikhda Degmadan .
Guddoomiye Xaaji Axmed iyo Suldaan Axmed-daahir, waxa kale oo ay halkaa mahad-naq uga jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa oo ay ku bogaadiyeen magacaabista Degmadan.
Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil, Suldaan Maxamed Mirre Guuleed iyo madaxdhaqameedyo oo xafladaas hadallo ka jeediyey, ayaa hambalyey Degmadan cusub, uguna duceeyey inay noqoto degmo hogaanka u qabata horumarka Gobolka Maroodi-jeex iyo guud ahaan dalka, isagoo geesta kalena ka waramay Taariikhda soo-jireenka ah ee Beesha Degmadan degta oo ay tilmaameen inay tahay Beeshii ugu horaysay ee dhinaca Dhaqanka iyo hogaaminta Saldanadaha u horaysay Beesha Dhexe ee Somaliland.
Madaxdhaqameedyada iyo xubno ku xeel-dheer dhinaca Taariikhda oo xaflada ka hadlay , waxa kale oo ay sheegeen in Beeshaasi markii u horaysay samaysay Saldanad-dhaqameed Boqortooyo oo ahayd tii ugu horaysay ee laga sameeyey dhulka Somaliland, iyagoo halkaa ku soo bandhigay Suugaan iyo Sooyaal ka waramaya Taariikhdii Faca-weynayd ee Sandaladdii Boqor Haaruun iyo ilaa todoba Sandaladood oo kala dambeeyey.
"Bulshada ku dhaqan Degmadani waa Bulsho Taariikh fac-weyn lahayd oo aan hubno inay ka soo baxayso horumarinta Degmadan.." ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kamid ahaa madaxdhaqameedka halkaa ka hadlay.
Maayirka - Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayirka Degmada Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey degmdan cusub, waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadanayaan dhismaha iyo horumarka Degmadan.
"Anigoo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa waanu Degmada Dacarta, waxaanu balanqaadaynaa inaanu bixin doono Gaadhigii Degmada, waxa kale oo aanu ka qayb-qaadan doonaa dhismaha Wadaddeeda iyo horumarinteeda kale" ayuu yidhi Maayirka Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.
Maayirka Gabiley Maxamed-aamin Cumar Cabdi, ayaa isna balanqaaday " Bulshada ku dhaqan Degmada Dacartu waxay kamid yihiin Cashuur-bixiyeyaasha Gobolka Gabiley, sidaas darteed anigoo hadlaya afka Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley, waxaanu balanqaadaynaa inaanu hiil iyo hoob-ba la garab taaganahay Degmadan" ayuu yidhi Maayir Aamin.
Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mustafe Axmed Ciise (Shiine) iyo Guddoomiyaha Degmada Faroweyne Faysal Maxamed Jaamac ayaa iyaguna soo dhaweeyey degmadan cusub ee ku soo korodhay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanay balanqaadeen inay la shaqeynayaan maamulkeeda, iskana kaashan doonaan horumarinta iyo nabad-gelyada.
Guddoomiye Mustafe-shiine, ayaa sidoo kale magacaabista degmadan uga mahad-celiyey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo tilmaamay inay noqon doonto degmo horumar iyo wax-soo-saar ku soo kordhisa Gobolka ay ka tirsan tahay.
Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo isna munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay Degmada Dacartu waxyaabo badan kaga duwantahay degmooyinka kale ee dalka, isla markaana isaga ay xusuus iyo xallad gaar ah ugu suntan tahay degmanimadeeddu. Wasiirku waxa kale oo uu kula taliyey bulshooyinka ku dhaqan degmadan isku-duubni iyo inay u midoobaan horumarkeeda.
Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas, ayaa sheegay in degmadani noqotay mid isku xidhay ama Biriij ku noqotay Bulshooyinka Somaliland ee Bariga iyo Galbeedka, taasina ka markhaati kacayso faca iyo miisaanka Taariikheed ee ay leedahay. Wasiir Garas waxa kale oo uu halkaa mahad-naq uga jeediyey Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo uu ku suntay horumarka adeegyadeeda. "Degmadani waxay iskaashi iyo dan-wadaag la leedahay Deegaamada ay ka soo jeedaan Wasiir Xaglo-toosiye iyo Ragga kale ee halkan fadhiyaan. Waxa kale oo aan halkan kaga dhawaaqayaa inay Bulshada Degmadu laba Faras ku maamustay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Caafimaadka Saleeban Xaglo-toosiye. Labadaa Faras oo ay Bulshada degmadu ii wakiillatay inaan iminka ku wareejiyo Wasiirrada la siiyey" ayuu yidhi Yusuf Cismaan Garas.
Wasiirka Wasaarrada Howlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan), Wasiirka Wasaarada Beeraha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Biyaha, Afhayeenka Wasaarada Waxbarashada, Xildhibanno ka tirsan Goleyaasha Wakiillada, Guurtida, Golaha Deegaanka Hargeysa iyo xubno ku hadlayey afka Aqoonyahanka oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey Degmadan cusub, iyagoo xusay inay durba ka muuqdaan xarunta degmada iyo deegaamada hoos-yimaada dar-dar iyo horumar la taaban karo, taasoo sida ay tilmaameen tusaale u noqonaysa higsiga iyo himilada wanaagsan ee Bulshadeeda.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, ayaa dhankooda soo dhaweeyey, dhamaantood-na caddeeyey inay tahay degmo ku munaasib ah Derejada la siiyey ee degmanimada.
""Degmada Dacartu waxay kamid ahayd laba degmo oo aan qalbiga ku hayey markii aan aasaasaynay Xisbiga UCID, markaa waxaan isleeyahay Madaxweyne Siilaanyo wuu la helay" ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Xuseen Aadan Cadde, ayaa isna sheegay "Xisbiga KULMIYE isagaa magacaabay degmadan, horumarkeeda iyo waxqabadkeedana diyaar ayuu u yahay, haddii aanu mar kale talada qabanana waxaanu balanqaadaynaa inaanu sii laba jibaari doono wixii aanu ka qabanay..."".. anigoo Tix-raacaya Taariikhda ay leedahay ee laga sheekeeyey, anigu waxaan u bixinayaa KULMIYA" ayuu yidhi Guddoomiye Xuseen.
Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isna ku hambalyeeyey Dadweynaha Degmada horumarka iyo waxqabadka ay hir-geliyeen, isagoo dhinaca kale ugu duceeyey inay noqoto degmo buuxisa kaalinta degmanimo. "degmooyinka dalka ee aan maray kumaan arag degmo sidan oo kale wax u qabsatay oo dhisme inta leegi ku yaallo" ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo Bulshada Degmadan ka raali-geliyey inuu ka habsaamay munaasibada Wanqasha oo ay xilli dambe soo gaadheen isaga iyo Weftigiisu.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay " Shalay markii la ii sheegay in Degmada Dacarta loo wanqalayo waxaan dib u dhigay safar aan dibada ugu bixi lahaa oo aan maanta (shalay) aan diyaarada ku qornaa, waxaan u baajiyey safarkaas mihiimada ay munaasibadan loogu wanqalay Degmada Dacartu leedahay. Waxa xaqiiq ah inay tahay degmo Fac-weyn" ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye oo hadal dheer halkaa ka jeediyey.
Gabagabadii munaasibada waxa khudbad dheer ka jeediyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo si qoto dheer uga waramay mustawaha degmadan Dacarta ee dhinacyada Siyaasada iyo sooyaalka Taariikheed.
Wasiir Maxamuud ayaa isagoo ka waramaya magacaabista Degmada yidhi " Degmadan aynnu maanta u wanqalayno waa degmo fac-weyn, waa degmo meesha ku munaasib ahayd, adeeg-yadeeda aas-aasiga ah iyo kaabayaasheeda dhaqaale ee jiray may badanayn, waayo tuulo ayey ahayd, waxa ka jiray xarun MCH iyo dugsi hoose dhaxe, waan ku bogaadinayaa wasaarada Waxbarashadu inay kordhiso dugisigii hoose dhaxe, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaan madashan iyo weeyeelkan uga sidaa hambalyo uu i soo faray inaan madashan soo gaadhsiiyo, waxaan uga sidaa duco, waxaan ugu sidaa mahad-naq, deegaamadani waxay ahaayeen kuwii Axmed Siilaanyo laga taageeri jiray, Soomaalidu waxay tidhaa Libaax nin galladay iyo nin ganayba waa og yahay."
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Md. Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kaalinta xukuumada ee haormarinta degmadaasi waxaanu yidhi "Qorshaha qaranka Xukuumada ahaan annaga ayaa gacanta ku hayna, miisaaniyadiina annaga ayaa gacanta ku hayna oo samaynayna, anaga oo rajaynayna in xisbiga KULMIYE uu talada dalka ku soo noqdo guushana aan isa siinaynin, halkan waxa aanu ka dhisi doonaa oo miisaaniyada aanu galinaynaa xaruntii maamulka degmada iyo xaruntii saldhiga Booliska, dhawaan ayaanu dhagax dhigi doonaa, waxaanu raadinayaa qandaraasle sii dhisa oo aanu lacagta miisaaniyada ugu darno, waxa kale oo aanu halkan ka fulin doonaa oo ay Wasaarada khayraadka biyuhu qorshasay ceel ka mida tobankii ceel ay dawladda Imaaraadku ina siisay.
Dhinaca kalena, markii ay soo gabagabowday Xafladu, waxa halkaa qado-sharaf loogu sameeyey madaxda iyo marti-sharafta ka soo qayb-gashay munaasibada. Degmada cusub ee Dacarta ayaa Madaxweyne Siilaanyo magacaabay bishii August.
storvideo: 

Daawo : Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Khudbad Qiimo...

Madaxwaynayaasha Suudaan iyo Somaliya Oo Kala...

$
0
0

Suudaan(Waaheen)Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Sudan.
Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa dhiggiisa Dalka Sudan uga mahad celiyey taageerida Sudan ay la garab istaagtay Soomaaliya inta ay burbursaneed ilaa haatan, gaar ahaan dhanka Waxbarashadda.
Heshiisyada ay isla garteen Labada Dal ayaa waxaa kamid ah :-

  • Waxay isla garteen labada Madaxweyne muhiimadda ay leedahay in la helo Iskaashi dhaqaale oo dhex mara dowladdaha geeska Africa, Mustaqbalka dhowna lagu dhawaaqo midow Ganacsi oo ay ku midaysanyihiin dowladdaha geeska africa.
  • Waxay isla garteen labada dhinac in la iska kaashado dhinacyadda Beeraha,
    Waxbarashada, Ganacsiga xoolaha, Baasaboorka, Safaradda iyo Duulimaadka shacabka.
  • In la sameeyo Guddi Siyaasadeed ee Wasaaraddaha arrimaha dibadda labada dhinac si loo dardar galiyo xariirka dhabaha cusub loo xaaray ee Somalia iyo Sudan ka dhaxeeya.

storvideo: 

Suuqii ugu weynaa dharka Huudheydhka ee dalka Kenya...

$
0
0

Suuqii ugu weyna ee lagu iibin jiray dharka celiska ah ''Huudheyda'' dalka Kenya ayaa gubtay saqdii dhexe ee xalay.
Suuqan oo lagu magacaabo Gikomba ayaa ku dhaw magaalada Nairobi waana suuqi ugu ballaadhnaa ee laga heli jiray dharka jaban ee celiska ah.
Dhar aad u badan ayaa la sheegay in suuqan ay ku basbeeleen maadaama dabku uu ahaa mid xoogan oo aan helin gurmad deg deg ah si loo damiyo.
Wasiir ka tirsan dowladda Kenya, Mwangi Kiunjuri, ayaa sheegay in la baarayo waxa sababay dabkan qabsaday suuqa oo marar badan oo horena sidan isaga soo daba noqday.
Waxaa laga shakinayaa in dabka soo noqnoqday ee suuqa Gikomba uu yahay "mid si ulakac ah loo sameeyo"
Gawaarida dab demiska ayaa ayaa illaa iyo hadda deminaya suuqa gubtay, si ay u badbaadiyaan wixii ka haray dharka huudheyda.
Mid ka mid ah suuqlayda ayaa sheegay in ay ka gubteen 250 bundadood oo u dhigma $23 kun oo dollar (PS17,600).
storvideo: 

Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti Balaadhan Oo...

Musharraxa Madaxweynaha Ayaan La Hadlaya: Q-2aad;...

$
0
0

Somaliland waa dalka ugu liita Mandaqada Bariga Afrika dhinaca dhaqaalaha. Laakiin taas macnaheedu maaha Somaliland way ka khayraad yar tahay kuwa kale. Waxa jira waddamo Somaliland dhul ahaan ka baaxad yar oo ka khayraad yar oo waliba aan bad lahayn dhaqaalahooduna aad u kobcayo, tusaale waxaynu u soo qaadan karna dalka aadka u yar ee Rwanda. Madaxweyne Paul Kagame iyo xukumaddiisu kaliya waxay si wanaagsan u maamuleen dhaqaalahooda yar ee soo gala, waxay ka ilaaliyeen in la musuqo iyo in ay meelo khaldan ku baxdo.
Bal hadda aynu barbar dhigno miisaaniyadda Somaliland oo ugu yaraan 35% lagu bixiyo meelo aan ku haboonayn iyo in la lunsado in kale oo ka badan, halka wasaaraddaha wax soo saarka loo qoondeeyo qadar faro guudkood ah ama halka ay ka qatan yihiin ciidamada iyo shaqaalaha dawladdu.Mudane Musharrax, wax kasta oo aad ku hammiyayso ama aad higsanayso kuuma hirgeli karaan ilaa marka hore aad saxdo siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo maamulka lacagaha.Madaxbannaanida hay'addaha dawladda iyo Ciidamada
Waddamada dunida oo dhan mar kasta xukuumadduhu way isbedbelaan laakiin, shaqada iyo habsami u socodka maamulku uma dhutiyo, sababta oo ah hay'addaha dawladdu(Government institutions) ayaa ah kuwo adag, kana madax bannaan siyaasadda iyo faro gelinta siyaasiyiinta.
Bal u fiirso tusaalahan, laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii Dunida ee labaad 1945 dalka Talyaaniga waxa soo maray 56 xukuumaddood laakiin, muddadaa Baanka Dhexe ee Talyaaniga waxa soo maray 6 guddoomiye oo qudha, sidaa awgeed siyaasadda Talyaaniga ee baaxa degaysay wax saamayn ah kumay yeelan dhaqaalaha dalka; haddiise ciidamada qaar ka mid ah madaxtooyada laga dallacsiiyo iyada oo la iska baal marayo nidaamka ciidamada iyo shuruudaha darajada lagu bixiyo ama wasaaraddaha iyo Maxkamadaha oo Madaxtooyada laga xukumo hay'addahaasi sidii laga rabay uma tamariyaan, waxaana ku muraadsada hadba madaxda talada haysa.
Haddaba mudane musharrax si qaranimada Somaliland u taabo gasho waxaa lagaaga fadhiya qorshihii aad ku xoojin lahayd hay'addaha dawladda iyo in aan isbedbedelka xukuumaddaha lala bedelin dadka professionals-ka ah ee khibradda badan u leh maamulka iyo maaraynta hay'addaha dawladda ee muhiimka ah, isla marka waa in laga waantooba in madaxda hay'addaha dawladda iyo shaqaalaha lagu dhiiri geliyo in ay ku milmaan siyaasadda ama ay xubno ka noqdaan xisbiyada siyaasadda.Dib U Dhaca Doorashooyinka
Distoorka Somaliland qodobka 88-aad wuxuu dhigaya muddada xilka Madaxweynaha iyo Kuxigeenka oo shan sannadood ah, waxa kale oo uu dhigaya in muddada loo kordhin karo haddii nabadgalyo darro ama masiibooyin kale dalka la soo darsaan, hase ahaatee waxa caado noqotay in sabab la'aan muddada loo kordhiyo oo ay kuba sii talo galaan in ay wakhti dheeraad ah xukunka sii haystaan waana distoor jabin loo badheedhay.
Sidaas oo kale Golaha Wakiilladu waxay korodhsiimo ku fadhiyaan 13 sannadood, guurtida iyaga warkoodaba lama hayo. Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay ku fashilantay in distoorka la dhawro iyo in doorashooyinka lagu qabto wakhtiyadii loogu talo galay. Mudane musharrax shicibku waxay doonayaan in ay ogaadaan mawqifkaaga iyo waxa aad ka qaban doonto dib u dhaca doorashooyinka oo caqabad ku noqday hannaankii iyo geedi socodkii dimuqraadiyada Somaliland oo ay markii hore beesha caalamku u arkaysay in ay tusaale u noqon karto dalalka kale ee Geeska Afrika.La Soco Qaybta 3-aadCabdiraxmaan CadamiAbdirahmanadami22@gmail.com
storvideo: 


Musharraxa Madaxweynaha Ayaan La Hadlaya: Q-1aad;...

$
0
0

Waxa dhawaan si rasmi ah u bilaabmaya ololihii doorashada Madaxtooyada inkasta oo uu markii horeba iska socday, markii xisbiyadu ka dhego adaygeen sharciga iyo amarkii guddida doorashooyinka. Haddaba inkasta oo ay jiraan dad musharraxiinta ku kala taageera caadifad iyo gurdan raac, shicib weynuhu wuxuu isha ku haya ama dhawraya xisbiga ama musharraxa ololihiisa mudnaanta siinayo in uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka xannuunka badan ee bulshada la daala dhacayso iyo qodobo kale oo khuseeya dhismaha qaranka.
Xafladdaha dhoolotuska ah ee xisbiyada iyo khudbadaha madaxdu inta badan kama turjumayaan tabashada iyo dareenka dadweynaha. Hebel/heblaayo ayaa xisbi hebel ka soo baxay ama xisbi hebel ku soo biiray, weedho naxli leh oo midnimada saydhaynaya iyo aflagaadooyin fool xun oo shakhsi lagu weerarrayo wax macno ah u samayn mayso shicibkan yaaban, quluubtoodana sidaa laguma kasban karo.
Saddexda musharrax ayaan la hadlaya waxaan u soo jeedinaya in ay istiraatijiyada ololaha wax ka bedelaan oo ay ku abaaran ama ka jawaaban tabashada iyo waxa ka guuxaya codbixiyaha, waxaana ka mid ah:
Distoorka: 20 sannadood ka hor waxa la qoray distoor qabyo ah oo bedelay Axdi Qarameedkii hase ahaatee xukumaddihii kala dambeeyay iyo goleyaasha sharci dejintu iskumay taxluujin, xilna iskamay saarin dhammaystirka distoorka. Xil gudasho la'aanta saddexda gole waxay sababtay in Somaliland markasta sharciga la isku khilaafo iyo muran joogto ah sidaa awgeed shicibku waxay codkooda siinayaan musharraxa mudnaanta siinaya qabyo tirka distoorka.
Musuqmaasuqa: Barnaamijyada xisbiyada dhammaantood waxa ku xusan in ay si dhab ah ula dagaalami doonan musuqmaasuqa laakiin, hadda ogow Madaxweyne Axmed Siilaanyo-ba markii uu mucaaradka ahaa wuxuu hal hays u lahaa in maamulkiisu noqon doono mid ka fayow musuqa iyo in uu ilaalin doono hantida umadda, maxaase ka dambeeyay? In xukuumaddiisii noqotay hooyadii musuqmaasuqa. Sidaa daraadeed shicibku ku qanci maayo ballan qaadyo afka baarkiisa ah iyo erayo qurux badan oo buug lagu xardhay; waxay rumaysanayaan marka musharraxu u soo bandhigo qorshe cad iyo nidaam habaysan oo lagu cidhib tirayo musuqmaasuqa.
Mudane Musharrax horumarka iyo barwaaqada aad ku baaqayso waxba kama jiraan, haddii aan marka hore xididdada loo siibin musuqa, waxaanad ogaata waddanka musuqmaasuqu dishoodo sida Somaliland oo kale dhaqaalihiisu ma kobco, deeqaha
beesha caalamka ma helo ama waa laga yareeya, lama maalgashado oo waan la aamminayn.
Dib u soo celinta hantidii umadda laga dhacay: Mudane musharrax haddii aad ku dhiirran waydo ama aad u habrato raggii iyo dumarkii hantidii umadda boobay waxa laguu arki doona in ay ujeedadaadu ahayd 'kursiga ha layga kaco waa markaygiiye anna aan cunee(it is our turn to eat). Musharrax Madaxweyne haddii ay kaa dhab tahay in aad tahay hoggaamiye dadkiisa daacad u ah ama ay kaa go'an tahay horumarinta dalku, markaa way kuu fududaan karta in aad soo celiso xoolihii agoonta laga dhacay, islamarka waxay cashar u noqon doonta madaxda iman doonta.
La Soco Qaybta 2-aad
Cabdiraxmaan CadamiAbdirahmanadami22@gmail.com
storvideo: 

Dhimashadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan W/Q: Cali...

$
0
0

U Qixiddii Iimey
Sayidka iyo koox Daraawiish ah oo la socotay waxa ay u qaxeen dhinacaa iyo dhulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan Iimey. Waxa ay gaadheen webiga Shabeelle meel waqooyi kaga beegan. Ka dib Sayidka ayaa la kulmay saddex nin oo deegaankaasi ah, waxaanu ku yidhi": nin wuxuu ka doonay walaashii, nin wuxuu siiyey gabadh, halka nin kalena uu gabadh ka doonay. Wakhtigaasi waxa qiimo weyn lahayd xididnimada, ka dib wuxuu ku yidhi gaalaa na wadda oo magan baanu idiin nahay. Dhawr doonyood ayey u keeneen, waxa ay yidhaaheen dhinaca kale u soo tallaaba, markaasay u gudbeen dhinicii kale. Iimey waa buur aan weynayn oo giraangirsan oo webiga dhinaca ku haysa, dhinaca kalena waa dhagax aan la fuuli karin. Aroortii dambe ayey Sayidkii iyo afar nin fuuleen Buurtii, Sayidka miisaankiisa oo cuslaa awgeed buurtii ayaa ku adkaatay fuulistii, waxaana badhi taageeray Abshir Dhoorre iyo Cisamaan Boos. Sidaasi ayey Iimey ku degeen, waxa aanay ka dhisteen laba daarood, waana meeshii ugu dambaysay ee ay qalcad ka dhistaan.
Geeridii Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yidhi Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeedhay laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaadhay ayuu u yeedhay
Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yidhi" Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, gaar ahaan adiga".
Markii la gaadhay makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yidhi iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaah ahaa ku yidhi yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeedhay dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku. Waxa la bilaabay xabaashii, waxaana laga qoday qalcad markii hore la dhisaayey oo markaa qorisaar joogta dhexdeeda ayey qabri ka jeexeen, in kastoo meeshu dhagax lahayd.
Markii nin jooggii ay arooriyeen ayay hoos qabrigii ka soo dhiseen, halkaasina ayey ku aaseen, ka dib waxa ay ka dul-dhiseen kuus hal dhudhin le'eeg. Markaasay daartii ka baxeen oo dusha ka malaaseen, balse Sir Geofery Archer oo ahaa nin jebiyey Daraawiishta wuxuu sheegay inuu Sayidku geeriyooday 23/11/1921, isaga oo lix cisho xannuunsaayey, wixii Daraawiish raacdayna uu laayey daacuun iyo xannuuno durey loo maleeyey. Ummadii iyo Daraawiishtii joogtay goobtii Sayidku ku dhintay waxa ay u qaybsameen laba qaybood. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hadhi karini waxa ay tageen gurigii reer Daadhi oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.
Xabaashii Oo Sayidka Laga Saaray
Laba jeer ayuu Ingiriisku isku dayey inuu lafihii Sayidka qaato:
* Iyadoo afar sanno laga joogo burburkii Daraawiisht, ayuu ninkii la odhan Archer ee Sayidka Jebiyey Hargaysa ka diray safar ujeeddadiisu qarsoonayd, si meydkii Sayidka looga saaro qabriga lagu aasay, laakiin Itoobiya oo qabriga Sayidku ku yaalay waa laga qariyey in meydka la soo saarayo. Safarkii Hargaysa ka baxay, waxa ay u jeesteen dhinacaa iyo iimey, habeenkii waxa ay u dhaxeen meel Dhagax-buur u dhow oo la yidhaa Higlaaley. Iyagoo safarkii halkaasi degan ayey la kulmeen arrintan. Nin reer Dhagax-buur ahaa ayaa nin kale ku diley goobtan safarku ku dhaxay, ka dib ciidan Xabashi ahaa ayaa habeenkii guureeyey, iyaga oo doonaayey inay ninkii dilka geystay soo qabtaan, ka dib
wuxuu ciidankii Xabashidu ku soo baxay safarkii oo meesha degan, markaasaa xabbad ay isku rideen. Halkaasina waxa ku fashilmay hawshii soo qaadista lafihii Sayidka.
* Xaaji Isaaq Daadhi oo ahaa Boqorkii Caruusa oo Sayidku magangalay ayaa sheegay in Ingiriisku mar kale isku dayey inuu soo faqo xabaashii Sayidka, waxaanu Ingiriisku weydiistay Xayle-salaase ogolaasho hawshaasi lagu fuliyo. Ka dib waxa la diray sarkaal Ingiriis ah, waxaanu u tegay Xayle-salaase, ka dibna wuxuu weydiistay in loo darbo daabbad, loona fududeeyo siday Iimey ku tegi lahaayeen, dabadeedna markii Awr iyo Buquul iyo Askari loo darbay, laba meelood bay iska dhigeen, mid welibana nin Ingiriis ah ayaa watay. Adari ayey ka dhaqaaqeen, siday u sii socdeen ayey habeenkii meel degeen, xoolana ku qasheen, ka dib Waraabe ayaa soo raacay raqdii, markaasuu nin Askari ahi sasay oo xabbad riday, isaga oo mooday in la soo weeraray. Halkii ayey hawshii ku joogsatay, isagoo Ingiriisku u qaatay in Xayle-salaase shiqool u dhigay. Xaaji Isaaq Daadhi wuxuu sheegay inay maqleen warka ah in Ingiriisku doonayo inuu la soo baxo lafihii Sayidka, markaasuu u diray Xaaji Axmed Cabdille Xasan iyo Sh. Xasan Sh. Cabdille, waxaanay kaxaysteen rag iyo Awr markaasay lafihii ka saareen qabrigii oo meel kale ku aaseen.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com
Tixraac:
Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka..... Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005
storvideo: 

Muxay tahay sababta ka danbeysa in Mareykanka uu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in la ansixiyay in dowlada Sacuudiga laga iibiyo Gantaalada ridada dheer.
Wasaarada ayaa sheegtay in Xukuumadda Washington ay go'aansatay in dowlada Sacuudiga ay ka iibiso Gantaalka loo yaqaan "Thaad".
Wasaaradu waxa ay tilmaantay in heshiiskan uu ku kacaya 15 bilyan oo dollar uuna yahay mid ay ku jirto danaha Maraykanka ee dhanka ammanka.
Dowlada Washington waxa ay sheegtay in Heshiiska Gantaalka looga iibinaayo Sacuudiga ay qeyb ka tahay xoojinta siyaasada arrimaha dibadda.
Gantaalka ayaa la sheegay in lagu xoojinaayo amaanka dalka Sacuudiga, oo ay colaad kala dhexeyso Kooxaha Shiicada iyo Daacish.
Sidoo kale, waaxda arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta ka imaanaysa Iiraan.
Qorshaha muuqda ee dowlada Mareykanka ayaa ah in colaado dadban loo abuuraayo dalka Sacuudiga, oo ay xiisad kala dhexeyso Qadar, Iiran iyo dowlado kale.
Mareykanka ayaa dowlada Sacuudiga siinaaya awood ka fac weyn, waxaana suuragal ah in Gantaalkaasi loogu hanjabo dowladaha kasoo horjeeda danaha Sacuudiga.
Geesta kale, Wakaalada iskaashiga ammaanka u qaabilsan Pentagon-ka ayaa sheegtay in hubkani ay ka iibinayso Sacuudiga uusan wax ka badali doonin isu dheelitirnaanta Militari ee gobolka.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Marwada Mugabe oo saadaalisay afganbi ku soo fool...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Marwada koowaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa digniin kasoo saartay suuragalnimada in afganbi uu ka dhaco dalka Zimbabwe.
Grace Mugabe, ayaa sheegtay inay sii kordheyso rajooyinka ay mucaaradka ka qabaan inay xukumaan Zimbabwe.
Marwada koowaad ayaa tibaaxday inuu jiro saansaan muujineysa in kooxaha kasoo horjeeda dowlada ay wadaan abaabul ka dhan ah dowlada Mugabe.
Grace Mugabe, waxa ay sheegtay in Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi Emmerson Mnangagwa uu u hanjabayo dadka aan teegeerin in uu isagu badalo madaxwayne Robert Mugabe oo 93 jir ah.
Grace ayaa intaa raacisay in Madaxweyne ku-xigeenka Mr Emmerson Mnangagwa uu u muuqdo mid afganbi la damacsan Robert Mugabe oo sanado badan hayay xilka.
Marwada koowaad Mrs Grace Mugabe ayaa shaqsi ahaanteeda ka mid ah dadka u xusulduubaya in ay badalaan Mugabe.
Loollanka loogu jiro cidda badalaysa madaxwayne Robert Mugabe ayaa waxa ku kala qaybsamay xubnaha xisbiga talada dalkaasi haya ee Zanu-PF.
Sidoo kale, murankan cusub ayaa imaanaya ka dib markii Mr Mnangagwa uu ku andacooday bishii August in la sumeeyay.
Dhinaca kale, muran siyaasadeedkan ayaa muujinaaya in dalka Zimbabwe uu marti galinaayo colaado Siyaasadeed aan aakhirkii loo heli doonin dawo.- OnlineXafiiska Nairoibi -@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Faarax Macallin oo rajo cusub helay, doorashadii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Nairobi (- Online) - Maxkamadda sare ee Dalka Kenya ayaa ka oggolaatay Faarax Macallin in dib u eegis lagu sameeyo natiijada doorashadii isaga looga adkaada ee la dhacday Gaarisa, taas oo uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.
Doorashadii dhacday 8ddii August ayuu Faarax Macallin ka mid aha dadkii ugu horreeyay ee dacwad gudbiya waxaana ay Maxkamadda go'aamisay in aan doorashada dib loogu laabaneyn laakiin Faarax loo fasaxayo in guddiga doorashada u baaraan sanaadiiqda Codadka,natiijada iyo hanaankii kale ee doorashada la marsiiyay.
James Orengo iyo Daniel Maanzo oo ka mid ah Xeer beegtida Maxkamadda uga wakiilka ah doorashada Gaarisa ayaa sheegay in Qareennada u doodayay Faarax Macallin isku afgarteen in iyada oo goobjoog ay wadayihiin la baaro hanaankii ay u dhacday tirinta Codadka.
Waxaa ay sheegeen in Qareennada Faarax iyo Xeer beegtida Maxkamadda isla garteen in aan dib loogu laaban doorashada maaddaama kiiska doorashada xasaasi yahay sidaas darteena ay tahay in la ilaaliyo amniga degaanka iyada oo baaritaanka natiijadana waxii ka soo baxa loo gacan gelinayo guddiga doorashada kaddibna ay dhan u ridayaan arrintaas.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Waa maxay qorshaha shirka Kismaayo ee xulufada...

$
0
0

Madaxda Maamul-gobaleedyadda ee taageersan Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la filayaa inuu maanta uga furmo magaalladda Kismaayo oo ah Xarunta KMG ee Maamul-gobaleedka Jubbaland.
Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed ayaana safka hore kaga jira Maamuladda la sheego inay Dowladda Imaaraadka Carabta ka soo heleen Kharaj Siyaasadeed si ay uga soo hor jeestaan Go'aankii DFS ee ay Dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka u dhexeeya Isbahaysiga Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe" oo aan ka mid ahayn Madaxda taageertay Isbahaysiga Sacuudiga ama Dowladda Qatar ayaana gogosha u dhigay Madaxda Puntland, Galmudug iyo K/Galbeed
Axmed Madoobe oo Masraxa Siyaasadda ku soo biiray markii uu ka soo xargo goostay Kooxdii Xisbul-islaam ayaa u muuqda Hoggaamiye Dantiisa Yaqaan ah, isla markaana la jaan-qaada Hoggaamiyayaasha uu u arko inay isku Aragti iyo Isku Dan yihiin, marmarka qaarkooda hayin raaca u noqda Awr-ku-kacsiga Beeleed iyo midka Deegaameed.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Kulanka Kismaayo yahay mid laga dheehan karo sida ay u kala didsan yihiin Madaxda DFS iyo Madaxda Maamul-gobaleedyada ku shirayo Kismaayo, wuxuuna Kulanka Kismaayo u muuqda mid dhabar-jab ku noqon kara Mowqifka DFS ee ay dhexdhexaadka uga noqotay Khilaafka Khaliijka.
Madaxweyneyaasha Puntland, Galmduug iyo K/Galbeed ayaana u muuqda inay ku rafiiqeen Taageerida Isbahaysiga Sacuudiga, waxaana carcartooda laga dareemi karaa sida ay daacadda ugu yihiin Isbahaysigaasi.
Laakiinse, DFS oo weli ku dhegan Go'aankii Dhexdhexaadka, waxaa saameeyey Cuf-is-jiidadka ka dhashay Khilaafka Siyaasadda ee Khaliijka iyo Duufaan Siyaasadeed Madaxda Maamul-gobaleedyada ee ay ku kala irdhoobeen Aragti ahaan.
Waxaana hubaal ah Natiijo kasta oo lagu gaaro Shirka Kismaayo inuu mar kale saamayn ku yeelanayo Xiisadda iyo Khilaafka u dhexeeya DFS iyo Maamul-gobaleedyada.
Xubno ka tirsan DFS ayaa xusul-duub u galay inay hakiyaan Shirka Kismaayo iyo inay kala furfuraan Madaxda Maamul-gobaleedyadda, balse, ma muuqato wax horumar oo laga gaaray Isku-daygooda.
Madaxweyne Xaaf waxa uu dhowr jeer ku eedeeyey DFS inay qeyb ka tahay Deganaansha La'aanta Siyaasadda iyo Kacdoonka ka dhex bilowday Maamulka Galmudug oo u muuqda mid ku kala qeybsan Go'aankii uu Madaxweyne Xaaf ku taageeray Isbahaysiga Sacuudiga.
Marka doc kasta laga eego Isbahaysiga Maamul-gobaleedyadda waxaa loo arkaa Mashaqo Cusub oo saamayn Qaran leh, waaba haddii laga badbaado Mu'aamarada Shirka Kismaayo.
storvideo: 

Dowlada Imaaraadka oo caddeysatay burburinta...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Abu Dhabi (- Online) - Waxaa dhawaalahan danbe ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta qaar ka mid ah Siyaasiyiintii hore. Qabanqaabada shirkan oo aay lahaayeen Shariif Hassan Sheekh Aadan, Cabdiwali Gaas, Cumar Cabdirashid iyo Cabdiraxman Cabdishakur ayaa looga hadlayay sidii loo afganbi lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Kulankan oo ay isugu yimaadeen sadax Siyaasi oo kala ah; Hassan Shiikh Maxamuud; Sharif Xassan Shiikh Adan oo uu wakiil ka yahay walaalkiis Madeer, iyo Cumar Cabdirashiid oo wato saaxiibkiis Cabdirahman Cabdisahkuur. Madaama Shariif Xassan ku maqan yahay Kismaayo.
Siyaasiyiintaan ayaa degan Hotal ku yaalo bartamaha Magaalada Abu Dhabi. Kulankaan oo ah mid kulmiyay dhamaan musharaxiintii ku guul daraysaty doorashidii sanadkaan horaantiisa ka dhacday Soomaaliya. Siyaasiyiintaan ayaa ka shiraayo qaabkii ay kurisaga uga tuuran lahaayeen Madaxweyne Farmaajo.
Siyaasiintaan ayaa waxaa ay dowladda Imaaraadka ku xujaysay in ay marka hore ayagu ku heshiiyaan in ay yeeshaan hogaan midaysan isla markaana soo badhigaan musharaxiintooda. Dad badan ayaa rumaysan in Dowladda Imaaradka ay u muuqato mid ay go'an tahay in ay dhibka Soomaaliya ku sii hayato. Afar shaqsi oo shacabka Soomaliyeed dareen xun ka qabaan in shir u qabato waxaa ay u mujinaysaa in ayan wali wax ka baran taariikhdooda madoow ee Soomaaliya. Afartaan shaqsi ayaa ayaga oo awood dalka gacanta ku haysta awoodi waayay in la doorto, maxaay qaban karaan iyada oo ay Soomaali dhan ka soo horjeedo.
Madaama siyaasiyiintaan yihiin kuwo horay lagu eedayay qayaano Qaran ha noqo iibintii badda Soomaaliya iyo ku takrifalka hanti qaran ayaa horay u waayay kuraastooda. Mana ah kuwa looga fadhiyo in Soomaali dib u soo dooratao. Waxaase iswaydiin leh maxaa ka khaldan siyaasadda dowladda Imaaradka ee ku aadan Soomaaliya? Markastaaba waxaa ay ku dhacaan qalad siyaasisadeed oo karaamooda dilo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Shirkii Kismaayo oo Baaqday

$
0
0

Shirkii lagu waday in maanta uu magaalada Kismaayo uga furmo madaxda maamul-gobolleedyada ayaa baaqday oo dib u dhacay kadib markii ay soo dhameystirmi waayeen madaxdii maamullada ee shirka ka qeyb gali lahaa.

Video: Wasiir Morooko  ah oo Lagu Qaabilay Dhagax...

$
0
0

Baabuur uu saarnaa Wasiirka Waxbarashada Morocco Maxamed Hassad ayaa waxa isku hareereeyey dhagax-tuur na ku sameeyey Macalimiin mar uu booqasho ku tegey Magaalada Safi.
Baabuurta wasiirka ayaa la go`doomiyey kadibna la weeraray markii ay isu soo bax ay sameeyeen macallimiinta dugsiga Safi School ee Magaalada Safi .
Ka dib markii ay ciidamada ammaanku awoodeen inay sugaan bixitaanka baabuurtii wasiirka ee dugsiga hadana waxa uu dhacdadii oo kale kala kulmay dugsi kale oo uu booqday dugsiga sare ee Candi ee magaalada halkaas oo sidii oo kale ugu soo dhaweeyeen koox labaad oo macallimiin ah dhagaxtuur iyaga oo dalbanaya inuu Tago..
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Shirka Dib-u-eegista Dastuurka oo Baaqday

$
0
0

Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay qaadaceen.

Shirkii Kismaayo oo Baaqday

$
0
0

Shirkii lagu waday in maanta uu Magaalada Kismaayo uga furmo madaxda maamul-gobolleedyada ayaa baaqday oo dib u dhacay.
Baaqashada shirka ayaa lagu sheegay kadib markii aysan soo dhameystirmin madaxdii maamullada ee shirka ka qeyb gali lahaa.
Magaalada Kismaayo waxaa hadda ku suggan Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo sidoo kale xubno hordhac u ah wafuud Maamullada kale uga qeyb gali doona shirka.
Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa VOA u sheegay in shirka uu dib u dhacay islamarkaana uu furmi doona maalmaha soo socda, inkastoo uusan sheegin maalinta rasmiga ah ee shirka uu furmi doono. Seeraar ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu bixiyo faah faahin intaas dheer oo shirka ku saabsan.
Ilaa iyo hadda ma cadda mowqifka rasmiga ah ee Dowladda dhexe ee ku aadan shirka wadatashiga ah ee masuulyiinta Maamul Gobbolleedyada ay ku yeelanayaan magaalada Kismaayo.
storvideo: 

Shirka Dib-u-eegista Dastuurka oo Baaqday

$
0
0

Dowladda Somalia ayaa dib u dhigtay shirweynaha dib u eegista dastuurka oo maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kadib markii guddiga madaxa bannaan iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee baarlamaanku ay si wadajir ah u qaadaceen ka qeybgalka shirweynaha.
Wasaarrada dastuurka ayaa dib u eegista ku macnaysay sababo farsamo darteed.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, madaxa guddiga dib-u-eegista baarlamaanka Somalia oo akhriyay war-murtiyeedka labada guddi ayaa ku eedeeyay wasaaradda dastuurka inay faramaroosatay awoodda iyo geeddi-socodka dib u eegista dastuurka.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live