Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Israel Iyo Xamaas Oo Heshiis Ku Gaaray In Isku Gudbistaan Maxaabiis Ay Kala Heestaan

$
0
0

Jerusalem (RBC):- Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ka sheegay TV-ga Israel Talaadii shaley in la siin deen doono askariga israel-ka ah ee Gilad Shalit kaa oo ku xirnaa mudo shan sano ah mariga Gaza.
Mr.Netanyahu ayaa sheegay Shalit in dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda gurigiisa kaa oo laga qabtay mariga Gaza sanadkii 2006-dii
Israel ayaa sii deen doonta boqolaalo maxaabiis ah kuwaas oo ku xiran jeelasha Israel.
ku dhawaad  5,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ku xiran israel kuwaas oo ay ku jiraan maxaabiis loo heesto dambiyo culus.
Madaxa wada xaajoodyada Xamas Khaliid Mishacal ayaa sheegay in ay tani tahay guul weeyn oo u soo hoyatay dadka Falastiin.
Meelo Badan oo Falastiin ah iyo Caalamka ayaa waxa ka dhacay munaasabado lagu soo taageeraayo heshiiskan oo ay ka dambeesay dowlada Masar.


Dagaalo xoogan oo khasaaro geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

Waxaa warar dheeraad ah laga hellaayaa dagaalo xoogan oo shalay galab ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna dagaaladu ay geysteen khasaarooyin kala duwan.
Dagaaladaan ayaa waxay shalay galab ka dhaceen duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, dagaalada oo aad u xooganaa ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Dowladda oo ay taageerayaan Ciidamadda Raaskambooni iyo kooxda Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalada oo socday muddo ku dhaw laba saacadood oo xiriir ah, ayaa waxay labada dhinac isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo shalay baqdin xoogan ku beeray shacabka ku dhaqan duleedka degmada Afmadow.
Labada dhinac ayaa waxaa la-sheegay inay ka dhinteen ilaa todobo askari, iyadoo dhaawacyaduna ay intaasi ka badan yihiin, isla-markaana waxaa jira guryo ay dad rayid ah lee-yihiin oo dagaalada ku burburay.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni, ayaa waxay dib ugu laabteen degmada Dhoobleey oo la-sheegay inay dagaalada ka soo qaadeen, isla-markaana waxay ku fashilmeen dagaalada, maadaama ay iska caabin xoog badan kala kulmeen Ciidamadda Shabaab.
Dowladda Soomaaliya iyo Jabhadda Raaskambooni, ayaa waxay ka gaabsadeen inay faah faahin badan ka bixiyaan dagaalada culus ee qorsheysan ee ay shalay galab ku qaadeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xarakada Al Shabaab oo amaawiir cusub ku soo rogtay shacabka u barakacay deegaanka Ceelasha Biyaha

$
0
0

Iyadoo Xarakada Al Shabaab ay cadaadis xoogan ku heyso shacabka ku dhaqan deegaanada loo-barakacay, ayaa waxay markale ay ku soo rogtay awaamiir, ay shacabka ka muujiyeen walaac.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inaysan shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha daawan karin TV-ga Shabelle, oo ku yaalla magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay gacanta ku heyso Dowladda Somaliya.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inaysan ahayn wax la-daawado Shabelle TV, isla-markaana waxay shacabka ay ugu baaqday inaysan daawan TV-gaasi, oo ay si weyn u daawadaan shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha.
Al Shabaab ayaa waxay sheegtay haddii dadka ay amarkaan qaadaan waayaan inay ka qaadi doonto tallaabo adag, si’aysan dadka tallaabo uga qaadin ayaa waxay Shabaab ugu baaqday inaysan daawan TV-ga Shabelle.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay amuurtaan ay ka muujiyeen walaac, iyagoo aan garaneen waxay ka yeellaan amarada aan dhamaadka laheyn ee mar walba uga imaanaaya dhinaca Shabaab.
Ugu dambeen shacabka ayaa waxay iminka bilaabeen inay dejiyaan anteenada TV-ga Shabelle, maadaama lagu amray inay dejiyeen oo weliba ay ku dejiyaan si deg deg leh.

Dowlada KMG oo Ugu Baaqday Shacabka in ay ku Soolaabtaan Guryahooda

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Muqdisho in ay ku soo laabtaan guryahooda oo ay horay kaga barakaceen.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Aminiga Qaranka dowlada KMG Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladu ugu baaqeyso in ay ku soo laataan guryahooda.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay haatan shacabka Soomaaliyeed ay ku soo laaban karaan xaafadooda isla markaana goobaha ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG ay yihiin kuwo amaan ah.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG goobaha ay la wareegeen ay sugeen amaankooda isla markaan ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed amaankiisa.
Wuxuu sidoo kale uu u mahadceliyay ciidamad dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba ciidamada AMSIOM wuxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalada ay la galeen ururka AL-Shabaab ee ka soo horjeeday dowlada KMG.
Hadalkaan ayaa Wasiirku ku dhawaaqay xili uu ku sugnaa xaafada Sos oo ka mid ah goobaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM ay ka sooreen maliishiyadka kooxda Al-Shabaab.
Degmooyinka Hilwaa iyo Yaaqshiid ayaa waxey ka mid yihiin deegaanada ugu  dan oo ay shacabka kol hore ay ka barakaceen isla markaana aysan wali ku soo laaban, waxaana jira xaafado badan oo wali haawanaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

UNHCR Oo Sheegtay In Ay Rabto Howlaheeda In Ay Ku Baahiso Soomaaliya OO Dhan

$
0
0

Geneva:- (RBC) Madaxa hey’ada Qoxootiga QM Antonio Guterres oo saxaafada kula hadlaayay magaalada Geneva ee dalka Zwesarland ayaa sheegay in ay rabaan in ay howlaha gargaarka ay wadaan ku faafiyaan Soomaaliya oo dhan, Dagaalada iyo abaaraha waxa asiibeen Malaayin qof oo ku nool Soomaaliya.
“Xaalada waa tan ugu daran waliba qaybo badan oo soomaaliya ah,” sidaas waxa sheegay Madaxa UNHCER Antonio Guterres ka dib markii kulan uu la qaatay gudiga fulinta hey’adda.
Waxa uu ku qayxay abaaraha Soomaaliya kuwa ugu daran wadamada ku yaala geeska Africa  waxa uu ku sheegay in heerkii ugu sareysay ay gaartay, iyadoo la xadiday dhaqdhaqaaq xadka dadka ka soo talaabaya.” xaaladu ma ahan in dhibaabatu ay tahay xagga bin’aadinimada ee waxa xagga siyaada ,” Guterres ayaa sheegay.
Hey’adda UNHCR ayaa caawisay qiyaastii  800,000 Somali oo qoxooti ah kuwaas oo ku nool wadamada dariska ah qiyaastii  3.7 million oo qof ayaa u baahan gargaar ku waas oo ku nool gudaha Soomaaliya.
Si kastaba,waxa jirra walaac laga muujinaayo Soomaaliya ka dib markii Qarax ismiidaamin ah talaadadii uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaa oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 80-qof halka in ka badan tira intaa kalena ay ku dhaawacmeen.

Barakacayaal Ku Nool Magaalada Gaalkacyo Oo Habeenkii Labaad Xaley Guri La’aan Baryay

$
0
0

Gaalkacyo (RBC):- Ka dib roobab labadii maalmood ka da’yay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxa ay saameen ku yeesheen qoosaska barakacayaasha ee ku nool kaamamka ku yaala magaalada.
Waxaa xaley habeenkii labaad hooy la’aan baryay qoosaska barakacayaasha oo ku nool Magaalada Gaalacyo kuwaas oo guriyihii ay dagaanaayeen oo ahaa coosashado ay qaadeen roobab iyo dhibicda ay wadato.
Qoosaskan oo qaarkood la halay radiyaha RBC ayaa sheegay in habeenkii labaad ay ku dhaceysay qabowga uu wato iyo dhibicda roobka maalintiina ay u dheertahay qoraxda.
Waxa ay ka codsadeen maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo in ay caawiyaan oo ay gurmad u fidiyaan.
Xaawo Ibraahim Madeey oo ka dhawaan ku umashay kaam ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegtay RBC in ay iyada ilmaha ay dhawaan dhashay habeenkii labaad roobab ay ku da’ayeen ka dib markii gurigoodii uu roobka qaaday.
Roobabka ka da’aya qaybo ka mid ah gobalka Mudug ayaa waxa ay gooyeen jididkii magaalada kuwaas oo dadka iyo gaadidka ku qasbay in ay xaafadaha iyo wadooyin dhaadheer ay maraan roobabka da’ay ogood.

Maraykanka oo cadaadis saaraya Iran

$
0
0

Maraykanka ayaa ku soo rogay cuna qabatayn madaxda sare ee ka tirsan ilaalada kacaanka Iran kadib eedeyn lagu dili rabay safiirka Sacuudiga

Dhaqanka iyo Hiddaha Q-76aad (Sheekadii Mataan Ciideed Q-9aad)

$
0
0

Dhaqanka iyo Hiddaha toddobaadkan waxaad ku maqlaysaan Q-9aad ee sheekadii Mataan Ciideed.


Dhaqanka iyo Hiddaha Q-77aad (Dhamaadka Sheekadii Mataan Ciideed)

$
0
0

Dhaqanka iyo Hiddaha toddobaadkan waxaad ku maqlaysaan qeybtii ugu danbeysay ee sheekadii Mataan Ciideed.

Dhaqanka iyo Hiddaha Q-78aad

$
0
0

Waa qeybtii 78-aad ee barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha oo toddobaadkan aan idiinku hayno qodobo kale duwan.

Francesco Totti Oo Aan Safan Doonin Ciyaarta Darbiga Ah Ee Lazio

$
0
0

Kabtanka kooxda Roma Francesco Totti ayaa la xaqiijiyey in uusan safan doonin ciyaarta darbiga ah ee kooxda Roma la yeelanayso toddobaadka soo socda kooxda Lazio. Totti ayaan weli ka soo kaban dhaawac soo gaaray sida lagu shaaciyey war ka soo baxay kooxda Roma. Totti ayaa ka maqnaa garoomada tan iyo markii ay kooxda Roma ay [...]

Lampard Oo Aaminsan In Weeraryahanka Kooxda Chelsea Sturridge Uu Bedeli Karo Rooney

$
0
0

Lampard Oo Aaminsan In Weeraryahanka Kooxda Chelsea Sturridge Uu Bedeli Karo Rooney. Frank Lampard ayaa waxa uu aaminsan yahay in weeraryahanka kooxda Chelsea Daniel Sturridge uu awood u leeyahay in uu bedelo weeraryahanka kooxda Man United iyo xulka Englad ee Wayne Rooney oo ganaax kaga maqnaan doono kulamada ugu horeeya tartanka Euro 2012 kadib markii [...]

Shabaab oo rasaas ku furay dad barakacayaal raashin mucaawino loogu qeybinayay Ceel-Macaan

$
0
0

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-Macaan ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Shaqaaqo ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac ay halkaas ka dhacday. Shaqaaqadan ayaa ka dambeysay markii howlo raashin mucaawino qeybin ah oo halkaas loogu sameynayay dad barakacayaal ah ay rasaas ooda uga qaadeen Shabaabka halkaas ku sugnaa. Inta la og yahay hal ruux ayaa [...]

Egypt Junta Appeals for Unity After Clashes

$
0
0

Appealing for unity among Muslims and Copts after deadly clashes, Egypt’s army denied Wednesday, October 12, opening lethal fire at Coptic protestors earlier this week

Kulan looga hadlayo ladagaalanka Burcad Badeedka oo ka dhacey Siishalis iyo wafti Puntland ah oo ka qayb galay

$
0
0

MAHE, SEYCHELLES(Puntlandi.com) Kulan soconayey laba maalmood (Oktobar 11 & 12, 2011) oo looga hadlayey arrimo la xiriira Bucad badeedda Somaliyeed oo  ay mid yihiin, Xarigooda, Maxkamadeyntooda, dib ugu soo celinta dalkooda kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ahba, iyo u sharciyenta Maraakiibtu inay shaqaaleeyaan amni rayid ah (Private Security) si ay isaga waabiyaan ama difaacaan Burcad badeedda, iyo sidii Somaliya loogu dhisi lahaa kaabayaashi sharciga, sida Booliiska, Xabsiga iyo Maxkamadaha ayaa galabta ku soo gabagaboobay Jasiiradda Mahe ee dalka Seychelles.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey WG2 oo ka tirsan Kooxda Xiriirka Burcadda ka hirgashay Xeebaha Somaliya(CGPCS – WG2), waxaana daadihinayey Safiirka Thomas Winkler, oo ah la taliyaha xagga sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Denmark. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen sharci yaqaanno iyo masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha la dagaallanka Burcad Badeedda oo ka kala socday in ka badan sideetan waddan, ayaa Somaliya waxaa uga qayb galay wafuud ka kala timid, TFG, Puntland iyo Galmudug. Somaalidii halkaa isugu timid ayaa muujisay midnimo iyo in ay si wadajir ah u xallinayaa dhibaatada Burcadda haddii Caalamku ka taageero, xag farsamo, tayo iyo dhaqaaleba.
Agaasimaha guud ee la dagaallanka Burcadbadeedda Dawladda Puntland, ayaa ka warbixiyey halka ay maraayaan mashariicda kobcinta iyo dib u soo noolaynta hay’adaha sharciga oo ay ururro caalami ay ka wadaan dalka gudihiisa.
Ducaysane, annago tixraacayna codsigii Madaxweynahayaga Dr. Faroole uu u gudbiyey hay’ada Qaramada midoobay bishi May 2010, oo ku saabsanaa DIB U SOO CELINTA SOMALIDA KU XIRAN DIBBADDD EE U XIRAN FALDAMBIYEEDKA BURCADDA, ayaanu heshiis la gallay dawladda Seychelles, bishii April ee sannadkan 2011. Heshiiskaas waxaanu ku caddeynay, in Puntland ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso soo celinta Somalida ku xiran Qurbaha ee Xukuman iyo kuwa aan xukunnayba, iyada oo aan loo eegayn qabiil iyo gobolka uu ka soo jeeddo, mar haddi ay caddahay inuu Somali yahay. Heshiiskaas ayaa dhaqan galaya markii la dhiso xabsiyada Puntland oo ay noqdaan heer caalamku u aqoonsado xabsi dhab ah.
Agaasimaha ayaa isagoo hadalkii sii wata, halkaa ku soo gudbiyey warbixin uu ka soo diyaarshey booqasho uu dhawaan soo booqday, maxaabiis Somaliyeed oo ku xiran Seychelles (63 Maxbuus), iyo Mombaasa, Kenya (150 maxbuus). Ugu dambeyntii, Mudane Ducaysane, ayaa caddeyey in Puntland ay ka dhabaynayso ballan qaadkeedii ahaa inay kala shaqaynayso dawladaha caalamka waddo a oo lagu dabar goyn karo Burcadda, diyaarna ay u yihiin inay heshiis la gasho dawladdii diyaar u ah inay soo celiso maxaabiista somaliyeed.
Wafuuddii ka kala socotay TFG, Puntland iyo martidii kale oo shirk aka qayb gashay oo sharci yaqaanno u badnaa, ayaa saaka goob joog ka ahaa, xukun lagu riday 11 dhallinyaro Somali ah oo lagu soo eedeeyey Burcad badeednimo.  Dhallinyaradaas ayaa lagu xukumay 10 sano midkiiba, waxaa ka go’I doona muddadii ay horey u xirnaayeen.
Puntlandi.com
post@puntlandi.com


Axmed Cabdi Xaabsade: Ragga Garowe ka Hadlay Waxaan Leenahay Haddaad Joojin Weysaan Tuurtuuryada Waxaanu Tageynaa Garowe

$
0
0

Ceerigaabo (RBC) Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo ayaa digniin u diray maamulka Puntland.
Xaabsade oo boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo maanta kula hadlay meel fagaare ah ayaa sheegay in Puntland aysan xaq u lahayn inay ka doodo booqashada madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo uu ku tegey gobolada Sool iyo Sanaag.
“Ragga Puntland ka hadlay ee yidhi sidee Axmed Siilaanyo u yimid Laascaanood waa iska hadleen, waxaan leeyahay Faanoole fari kama qodna. Madaxweynuhuna isagaa halkaas nagu hor fadhiya oo nagu haya ee waxanu gaadhaynaa Garowe iyo Yoocada, waxaana ninkii wax tuurtuurayow kuugu ballanqaadayaa markaad dhagax yar nagu soo tuurto inaannu adiga ku dhaafno”. ayuu yiri Xaabsade oo jawaab kulul ka bixiyey war saxaafadeed Puntland ku cambaareysay booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood.
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland taageero ka heley shacabka reer Sool aya ka muuqatay booqashadii uu ku tegey Laacaanood toddobaadkan bilawgiisii, wuxuuna intaa ku daray in Somaliland ka go’an tahay soo celinta xuduudaheeda.
“Nabaddu nin kastaba waa u dan. Shalayto Laascaanood markaynu isku qabannay saacad iskumaynu jirin halkaasaana nalaku hor fadhiistaye, ee waa idinka daba iman lahayn dalka Somaliland-na horena weligiis xad buu u lahaa imminkana waa leeyahay xadkiisii” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Cabdi Xaabsade.
Wasiir  Xaabsade wuxuu dhanka kale u mahadceliyey dadweynaha magaalada Ceerigaabo isagoo sheegay in dadka reer Sanaag ay yihiin dad nabadeed oo jecel horumarka iyo amniga.
Hadalkan maanta uu jeediyey Axmed Xaabsade ayaa ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Somaliland iyo wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo ay iminka booqasho ku marayaan gobolka Sanaag, iyagoo horana u soo booqday gobolka Sool. Waxaana booqashadan cambaareeyey maamulka Puntland oo ku tilmaamay mid daandaansi ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Raxanreeb, Hargeysa

Xoogaga Shabaab oo maanta wax-yeelo u geystay dad masaakiin ah oo raashiin loo-qeybinaayay

$
0
0

Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta rasaas ku fureen dad masaakiin ah oo raashiin loo-qeybinaayay, iyadoo aysan wax war ah ka soo saaran Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka masaakiinta ah ayaa waxaa maanta raashiinka loogu qeybinaayay deegaanka Ceel Macaan ee duleedka magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxaa rasaas ku furay Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee halkaasi gacanta ku haaya.
Sababaha ay rasaasta ugu fureen, ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaasi ay sameeyeen buuq, ayna isku dayeen boob, taasoo ka dambeysay in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay rasaas ku furaan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in rasaastaasi uu ku dhintay mid ka mid ah dadkii raashiinka loo-qeybinaayay, halka mid kalana uu soo gaaray dhaawac, iyadoo ay jiraan warar sheegaaya in khasaaraha ay intaasi ka sii badan yihiin.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, maadaama ciidamadda rasaasta furay ay ka tirsan yihiin, Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaflad Ballaadhan Oo Lagu Daah-furayay Buugga “Kobocii Islaamiyiinta Somalia” Oo Bosaso Lagu Qabtay

$
0
0

Bosaso (OWN)- Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Bosaso ee ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa lagu soo bandhigay buug cusub oo loogu magacdaray “Kobicii Islaamiyiinta Somalia” oo ka hadlaya Taariikhdii dhaqdhaqaaqyadii islaamiyiinta Somalia 50 kii Sanno ee la soo dhaafay. 
Buugan oo uu qoray C/shakuur Mire Aadan, wuxuu koobayaa Taariikh run oo nus Qarni ah laga soo bilaabo sanadii 1952-dii ilaa 2002, wuxuu ka sheekaynayaa kufaa kicii waayihii Islaamiyiinta,, xilligii Baraaruga dacwada, Xilligii horu socodnimadda, Xilligi hub qaadashada, Xilligii walaahowga dhexdooda iyo Xiligii kala Miiranka.
Xafladii Daahfurka Buuga oo ka dhacday Hoolka weyn ee shirarka Jaamacadda Bariga Afrika, Waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin, Siyaasiyin, Aqoonyahano Reer Puntland, Macalimiinta, Madaxda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Ardayda Jaamacadda iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horrayn Xafladda Waxaa ka hadlay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ah mufakar, kana mid ah Macalimiinta Kulliyada shareecadda ee Jaamacadda bariga afrika, Waxaana uu aad ugu dheeraaday Macluumaadka Buugani koobayo, oo uu sheegay in uu si xiiso badan u soo bandhigay Taariikhda dhabta ah ee  Islaamiyiinta Somalia,  wuxuuna ugu hambalyeeyay Qoraaga dadaalka xooga-weyn  ee uu isagu taxalujiyay Ururinta Xogta buugan ku qoran.
Qoraa Sare Maxamed Siciid Kaashawiito oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Buugani uu soo bandhigayo, Sawirna ka bixinayo dhaq-dhaqaaqyadii Islaamiyiinta Somalia, islamarkaana uu si run uga warbixiyay Taariikhda Islaamiyiinta Somalia
“Buugani waa mid ka mid ah Taariikhda aynu soo marynay Nusqarni, Runtii waxaan oran karaa. C/shakuur waa dadaalay, wax badan buu wax ka qoray, Wax badan oo aanay ogayn ayuu iftiimiyay.  Waa Bani’aadam waa la oran karaa waxbuu qalday. Waxyaalaha buugan ku qoran waa wax dad laga soo ururiyay oo xaqiiq ah, ma aha sheeko mala awaal ah (fiction), oo C/shakuur abuuray, oo isagu alifay oo uu qoray ma aha, Markaa waxaan qabaa haddii khalad dhaco, wuxuu ku koobnaanayaa qofkii laga soo wariyay” ayuu yiri

Qoraaga Buugan Koboca Islaamiyiinta Somalia C/shakuur mire Aadan ayaa ka hadlay waxybaabihii ku dhaliyay inuu qoro buug ka hadlaya waayihii islaamiyiinta Somalia. Waxaana uu sheegay  in buugan qoraalkiisu uu ku qaatay muddo 6 Sanadood ah, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ujeedada uu qoray ay ahayd iftiiminta Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo Xog badan laga hayn.
“ujeedooyinka Buuga waxaa weeye, si loo helo Qoraal ku qoran afka soomaaliga oo Soo bandhigaya Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo aan xog badan laga hayn. Usoo gudbinta Jiilka soo koraya taariikhda  ee dalkoodu soo maray. Iftiimin dhalinyarada Aqoonta leh loo iftiiminayo inay qalinka qaataan, oo ay iyagu noqdaan kuwa dalkooda wax ka qoraya, intii cid kale oo shisheeye wax ka qori lahayd. In la helo Tixraac ay raacaan baarayaasha iyo Aqoonyahanada doonaya inay wax ka qoraan islaamiyiinta Somalia, Xoojinta Qoraalka Afka Soomaaliga” ayuu yiri C/shakuur mire
C/shakuur Mire wuxuu sheegay in buugani uu ka kooban yahay 5 Cutub  oo  295 bogg uu yahay, oo dhammaantood isagu uu qoray “Buugan waa 50 sanno oo taariikh ah,  Buug kasta oo la qoraa wuxuu yeeshaa dhaliil iyo ammaan, Waxaan u huray naftayda in aan noqdo qofkii u horreeyay oo soo bandhiga Taariikhda Islaamiyiinta soomaalia, si  dad badan ugu dhiiradaan, Buugan waxaan u hibeeyay Wadaad caan ahaa oo la yaqaanay oo ah Shiikh nuur Cali Colow oo ka mid ahaa wadaadaduu Salka u dhigay Xarakada Cusub ee Islaamiyiinta iyo nin aanu saaxiib ahayn oo 19 june 1992-dii ku geeriyooday Magaaladda Garowe, oo la oran jiray c/rashii Guuleed Warfaa”
 
Mar uu ka hadlyay qoraagu habraaca qoraalka uu raacay, wuxuu sheegay in Ururinta Xogta Asaasiga ee Buugan ay Asaas u tahay, Baaritaano Qoto dheere iyo  Waraysiyo uu la yeeshay Wadaado caan ahaa sida C/qaadir Nuur Faarax, Sheekha Maxamed Axmed Garyare, sheekh Cali Warsame, C/laahi Diiriye Abtidoon, Maxamed Ismaaciil Yuusuf, Abukaate xuseen Cabdulle Colow, Ustaad C/raxmaan Baadiyow iyo Rag kale. Qoraagu Waxaa kaloo uu waraystay Hoggaamiyaashii xarakooyinka Islaamiga ah ee asaasay ururadii dacwada, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsanayd Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed
 
“Xogaha kale ee  la raad raacay  waxaa ka mid ah  Qoraal lagu faafiyay baraha internetka ee Somalitoday, Somalitalk, Al-shaahid, xildhibaan.  Buugaagta la kaashaday waa taariikhdii Daraawiishta, Dhacdooyinkii ma deganayaasha, Taangigii Tikreega, Hadimadii Gumaysiga, Qaranjabkii Somalia, Dagaalkii Ogaadeenya iyo Kuwa kale, Wargaysyada la qaatay waxaa ka mida Ogaal oo ka soo baxa hargaisa” ayuu yiri
Qoraa C/shakuur  wuxuu aad ugu dheeraaday asaasayashii iyo asaasmidii Xarakooyinka islaamiyiinta Somalia,  Dagaaladii ay galeen iyo kala dhanbalankii Islaamiyiinta
“ Waayihii Horusocda islaamiyiinta, dhalintii  Al-ahli  ay ku fekerayeen in Dowladda islaami ah Somalia ka curato, ayaa 1978  qaybsamay, waxay u kala qaysantay, qolo raacdo Jaamacal muslimiin (takfiirka), oo uu la go’ay guddoomiyihii Al-ahli Sheekh C/qaadir Maxamuud iyo qolo Jamacaa Islaamiya ku hartay iyo Qolo al-islaax la baxday”
“burburkii qaranka soomaaliyeed, markii ay burburay Dowladii soomaaliyeed, Islaamiyiiintu qolo walba waxay raaceen qabiilkoodii, Hadday ahaan lahaayeen Al-islaax, hadday ahaan lahaayeen Jaamacatul Musliim (takfiirka) iyo hadday ahaan lahayd Al-itixaad al Islaami.Ururka Al-itixaad Al-islaami wuxuu ahaa ururka ugu Kaadirka Badan Islaamiyiinta soomalia Xiligaas. Al-itixaad Markii ay Kismaayo Tageen ma ayan hubaysnayn, Waxaa Mucaskarkii ugu horreeyay laga sameeyay Magaaladda Kismaayo Xerada guulwade, Waxaana loo bixiyay Khaalid bini Waliid.
 
Ururkii Al-itixaad wuxuu galay Dagaalkii araare. Islaamiyiintu waxay ka barbar dagaalameen General Morgan, Taasoo ahayd Khalad, waayo 1988 –kii Ururka Al-itaxaad wuxuu go’aan ku gaaray inaan lala safan qabaa’ilka, Hase ahaatee, khaladaad ayay ku dhaceen markii ay ka difaaceen magaaladda Kismaayo  Ururkii USC ee Generaal Maxmed Faarax Caydiid.Ururkii Al-itaxaad waxay u soo wareegeen goboladda Waqooyi Bari (Puntland), ururku Markasta oo ay dagaal galaan wuxuu galay kala qaybsan.Ururka Al-itixaad wuxuu u qaybsamay Saddex Qaybood Salafiya jadiid, Al-ictisaam iyo Salafiya Jihaadiya” ayuu  yiri C/shakuur Mire Aadan.
Sheekh fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ahaa Culuma’udiinkii ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay Muhiimadda Buugani uu leeyaahay, Waxaana uu sheegay in Buugan uu ku qoran yahay Afsomalia quruxbadan, oo  Fudud oo qof kastaa fahmi karo
“ Waxaa buuga ku qoran oo ka mid ah Mucaskarkii Nasrudiin la oran jiray oo u yaalay Qow (Bender siyaada) in saraakiishii u horraysay oo Tababarka ka soo baxay uu ka mid ahaa Aadan Xaashi Cayrow, Macaluumaadkaas waa mid khaladan. Aadan waagaas wuu joogay laakiinse wuxuu ahaa Wiil yar, wuxuu ka tirsanaa Koox la oran jiray Abu-hurayra oo Ciyaalka Quraa’nka loo dhigo ayuu ka mid ahaa, Nin aad iyo aad u yar buu ahaa, markaa ma ahayn Dafcadii u horraysa, Tii Labaad, tii Saddexaad oo tababarka ciidanka ka soo baxda” ayuu yiri Sheekh Fu’aad, wuxuuna sii raaciyay
“ annigu waxaan buuga aad u akhriyay markii burburku dhacay, Markii Al-itixaad Dagaalka kismaayo galayeen, lama gelin Dagaalka qabiilkooda, Waxaa loo galay sabab gaar ah, Shuurada Xarakaduna go’aan kuma gaarin. Laakiinse waxaa la yiri Cunqaaco Meeshaad rabtid kuguma sinto. Dagaalkaas Qabiilka iyo wadaadadu isku meel kagama jirin”
Ugu dambayntii, Waxaa ka hadlay Munaasabadda Siyaasiyaga Caanka ah ee Cali Cabdi aware, oo ugu hambalyeeyay Qoraaga  soo Saarida Buugan Cusub ee ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee Islaamiyiinta. Waxaa sidoo kale Qaar ka tirsan aqoonyahanadii  iyo  ardayda Jaamacadda Bariga Afirka  ayaa su’aalo la xiriira Buuga  waydiiyay qoraaga  buuga, kuwaasoo si  qurux badan uga jawaabay.
Si kastaba ha ahaatee, Buugan oo ah  Daabacadii 1aad, Laguna daabacay Dalka gudihiisa, waa kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo afsomali ku qoran oo laga qoro Islaamiyiinta Somalia wuxuu xalinayaa xog la’aanta ka jirta Taariikhda islaamiyiinta  soomaaliya, in la barto awooda ay bulshada ku dhex leeyihiin oo aan hore looga hayn wax aqoon baahsan aan laga hayn.
Oodweynenews.com, Bosaso

M.Faroole oo Kenya Soo Gaadhay

$
0
0

Madaxwaynaha Maamulka Woqooyi Bari Somaliya ee PL C/raxmaan Faroole ayaa maanata soo Gaadhay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxana la sheegay inay safarkiisa ku weheliyaan qaar ka mid ah  Saraakiisha Aqalka Madaxtooyada walow aanan helin Magacyadooda.
Sida ay GalGalanews u shaacisay Horay Madaxwaynaha ayaa ku soo Jeedaa  dalka UK Gaar ahaan Magaalada London uu kaga qayb Galayo Shir arrimaha Budhcada Looga hadlayo halkaasi oo hadal laga siiyay Maamulka PL inuu ka Jeedo.
In kastoo ay Jiraan abaabul ay wadaan Jaaliyada PL ee Uk ee ah Soo dhawaynta iyo La kulanka Madaxwaynaha hadana Safarkiisa ayaa ah mid aad salka ugu hayo inuu iska Rogo eedaymaha badan ee ah Inay PL badhi taarto Budhcada Badeeda.
Horay waxa London dhawaan Shir ugaga qayb Galay Arrimaha Budhcada Looga hadlayo Agaasimaha Guud ee La dagaalanka Budhcad   badeeda PL u qaabilsan C/saaq Maxamed Dirir Ducaysani.
 
Source GalGalanews.com
 

Ganacsatada Magaalada Cadaado oo kasoo horjeesatay Canshuur kordhin Lagu sameeyay.

$
0
0

Cadaado:-Ganacsatada Magaalada Cadaado ayaa ayaa kasoo horjeesatay Canshuur kordhin lagu sayeeyay kadib kulan ay kuyeesheen Magaalada Cadaado.
Kulankaani ay yeesheen Ganacsatada Magaalada Cadaado ayaa waxay uga hadlayeen talaabada ay laga Qaadayo kordhinta lasaaray lacagihii laga qaadi jiray Ganacsatada Magaalada Cadaado.
Ganacsatada Magaalada Cadaado ayaa waxlaga xumaado kutilmaamtay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uu Gaaro go,aan uusan kalatashan Ganacsatada kaa oo lagu kor dhinayo Lacagaha Canshuurta ah ee laga qaado.
Bashiir Fareey oo kamid ah Ganacsatada Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku sheegay talaabada uu qaaday Maamulku Mid kaligi talisnimo ah isagoo dhinaca kale intaa ku daray inay kasoo horjeedaan Talaabadaan maamulku uu ku kordhiyay Canshuurtii laga qaadijiray Ganacsatada Magaalada Cadaado.
Afhayeen u hadlay ganacsatada oo lagu magacaabo Cabdi Xasan Cilmi (indhayare) ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in ganacsatadu ay go’aansadeen in dhamaanba ay joojiyaan lacagihii uu Maamulku kaqaadijiray inta badan Ganacsatada Magaalada Cadaado.
Dhinacakale Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Maamul Gobaleedka Ximan iyo Xeeb Daahir Xirsi ayaa shaaca kaqaaday inaysan jirin wax lacag kordhin ah oo lagu sameeyay Ganacsatada Magaalada Cadaado.
Daahir Xirsi ayaa intaa kudaray in ka Maamulaka ahaan ay arintaa dabagal ku sameeyeen kadin kadibna aya ogaadeen inaysan jirin wax lacag kordhin ah oo lagu sameeyay Ganacsatadaasi.
Waxaa isweydiin Mudan Cida saxiixday Warqadahaan lacagta loogu kordhiyay Ganacsatada Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamulka Ximan iyo Xeeb Xili uu Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Maamulka Ximan iyo Xeeb uu sheegay inaysan Baarlamaanku Saxiixin Warqad lacagta loogu kordhinayo Ganacsatada Magaalada Cadaado
Xafiiska Warqabadka
Heegantv.com
Cadaado
Jeylaani Xasen Cusmaan
Jiilaani2011@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live