Alshabaab ayaa markii ay si rasmi ah ula wareegeen talada magaalada Afgooye ka dib waxay kulan degdeg ah u qabteen gacansatada degmada iyagoo ka dalbaday taageero dhaqaale si ay u sii kordhiyaan dagaalada ay ka wadaa magaalada Muqdisho.
Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ahaa xisbul islaamka al-Shabaab ku biiray iyo Shiikh Muqtaar Roobowga al-Shabaab ayaa magaalada Afgooye markii ay kula kulmeen ganacsatada deegaanka waxay ka dalbadeen dhaqaale lacageed oo ay ku sii wadaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee ka dhanka ah dowladda iyo AMISOM.
Dhanka kale ganacsatadan ayeey Saraakiishani ugu baaqeen in ay naftooda iyo maalkoodaba ku bixiyaan jihaadka ka socda magaalada Muqdisho ee lagaga soo horjeedo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada dhinaca ammaankeeda ka taageera ee AMISOM.
Kulankan ayaa imaanaya mudo gaaban ka dib markii al-Shabaabku xoog iyo xeelad intaba ay kaga dhaadhiciyeen Xisbul islaam in ay ku soo biiraan.