Yuweri Museveni, Madaxweynaha Yugaandha ayaa hadal uu ka soo saaray xafiiskiisa wuxuu ku sheegay in dowladiisu aysan waxba u arkin weerarada sida uu sheegay ay al-Shabaabka ka geysanayaan Bariga Afrika dartood iyo hanjabaadaha ka dhanka ah dowladiisa.
"Al-Shabaab ha ogaadaano in weeraradoodu aysan nagu riixi doonin in aan ka baxno Soomaaliya, taas ma dhici doonto mana na jilici doonaan weeraradii ay ka geysteen magaalooyinka Kampala iyo Nayroobi" Sidaas waxaa lagu sheegay warbixin ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Yugaandha.
Madaxweynaha Yugaandha ayaa ku celceliyay in dowladiisu aysan dowlada Soomaaliya iyo shacabkeedaba meel cidlo ah kaga dhaqaaqeyn ciidamadooda dhinaca nabada kala shaqeyana kala noqoneyn ilaa ammaanka iyo kala dambeynta Soomaaliya laga xaqiijinayo, waxaana uu arintaas ka yiri; "Joogitaanka ciidammada Yuganda ee Soomaaliya, waa mid xaqiijinaya xiriirka wannaagsan iyo midka saaxiibtinimo ee ka dhexeya labada dal,"
Yugaandha ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo dhowr kun ah oo sida la sheego Muqdisho u jooga ilaalinta ammaanka madaxda dowlada Soomaaliya iyo kan magaalada laakiin waxaa la hubaa in ciidamadaas ay qeyb weyn ka qaataan xasuuqa shacabka ku dhaqan magaalada dagaalada ka daashay ee Muqdisho.