Magaalada Hargeysa, xarunta maamulka Jamhuuriayda la magac baxday Somaliland Somaalida inteeda kalena ka ruqday ayaa waxaa maxkamad ku taal ka soo hor muuqdaymaanta shaqaalihii u dhashay Ruushka ee saarnaa diyaaradii agabka Milateri u siday Puntland ee lagu qabtay garoonka Hargeysa.
Ragan ayaa waxaa lagu qaadayaa dacwad la xiriirta in ay ku xadgudbeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaraneyd mudada dheer sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.
Dacwadan lixdan qofood ee u dhashay Ruushka ayaa weli ka sii socon doonto halkaas waxaana adag in la saadaalo waxa uu noqon doono xukunkoodu maxkamada oo saxaafada madaxa bannaan loo diiday darteed, waxaase su'aali ka taagan tahay qoraalkii maalmo ka hor ka soo baxay isla xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee lagu sii deynayay laba qofood oo diyaaradaas saarnaa una dhashay Koofur Afrika iyo ragan kale ee haatan la maxkamadeynayo waxa ay ku kala duwan yihiin.