Saraakiil horkacaya ciidamo ka tirsanaa Xisbul islaamkii ku biiray al-Shababaab ayaa sida la soo sheegayo waxay shalay gelinkii dambe soo gaareen degmada Dhuusamareeb.
Ciidamadan ka tirsan Xisbul Islaam ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay gaarayaan Sodomeeye waxaana hogaaminaya Taliyihii ciidamadii Xisbul islaam ee Xarardheere, waxayna sidoo kale wataan gaadiid dagaal oo aan ilaa iyo hadda tiradooda la shaacin.
Afhayeenka xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saxaafada u xaqiijiyay ciidamada ka tirsanaa Xisbul islaam ee isu soo dhiibay xoogagooda waxaana uu sidoo kale sheegay in ciidamo kale ay saacadaha soo socda soo gaari doonaan deegaanada ay Suufiyiintu ka taliyaan.
Ciidamadan ayaa ka tirsanaa maamulkii xisbul islaam ee ka talin jiray degmada Xaradheere ka hor intii usuan Shiikh Xasan Daahir Aweys Xisbigiisi ku biirin al-Shababaab maalmo ka hor.