Ciidmao ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ka amarqaata al-Shabaab ayaa maanta barqadii si rasmi ah ula wareegay maamulka degmada Xarardheere ka dib markii Xisbul islaamku ku biireen al-Shabaab maalmo ka hor.
Saraakiil ka tirsanaa maamulkii Xisbul islaam ee degmada Xarardheere oo al-Shabaab ku soo dhoweeyay deegaanka ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay in ay is qaboojiyaan islamarkaana la shaqeeyaan maamulka cusub ee al-Shabaab, waxaana deegaankaas guud ahaan hadda gacanta ku haya maleeshiyaadka al-Shabaab.
Dhanka kale maamulka Galmudug ayaa al-Shabaab ugu hanjabay dagaal haddii ay soo galaan degmada Xarardheere waloow hanjabaadaas aysan kooxdaasi waxba ka soo qaadin.
Marka laga soo tago maamulkii Xisbul islaam ee degmada Xarardheere saraakiishii ciidanka iyo ciidamadii Xisbiga ee degmadaas ayaa waxay u kala qeybsameen laba qeybood, qeybahaas oo u kala dhaqaajiyay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.
Qabsashada ay al-Shabaabku qabsadeen degmada Xarardheere ayaa sida muuqata ka dambeysay ku biiristii ay madaxdii iyo maamuladii Xisbul islaamku ku bireen ururka al-Shabaab.