Qeybaha
kala duwan ee Jaaliyadda Galmudug States ee dalka Malaysia ayaa waxay
xalay caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ay ku yeesheen shir
balaaran oo ay kasoo qeyb galleen qeybaha kala gedisan ee bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia.
Shirkaan ayaa waxaa
loogu talla gallay in leesku baro ardayda, aqoonyahanada iyo ganacstada
Galmudug States ee ku nool gobolada kala duwan ee dalka Malaysia,
waxanaa xiriiriye ka ahaa C/Laahi Cigaal Qeyliye oo kamid ah xubnaha sar
sare ee Jaaliyadda Galmudug States ee dalka Malaysia.
Waxaa ka
hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda Galmudug States ee dalka Malaysia Maxamed
Cabdi Axmed, wuxuuna sharaxaad guud uu ka bixiyay micnaha Galmudug,
isla-markaana wuxuu ku dheeraaday ujeedada dhabta ah ay iskugu
yimaadeen.
Gudoomiyaha oo khubadiisa ku dheeraaday ayaa sheegay
in ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda
deegaanada Galmudug in looga baahan yahay sidii taageero balaaran ay ugu
fidin lahaayeen Jaamaacadda Galkacyo oo dhawaan laga furay magaaladda
Galkacyo ee gobolka Mudug, isagoo intaasi ku daray ruux kasta oo gacan
ka geysan kara in’ay soo dhaweyn doonaan.
Waxaa kaloo ka hadlay
gudoomiyaha Midowga Aqoonyahanka Habar Gidir Iyo Duduble “MAHID” Yaasiin
Axmed Sheekh Aadan, wuxuuna ka hadlay faa’iidada ay leedahay maamul
goboleed, wuxuuna sheegay marba haddii uu dal burburay in lagama
maarmaan ay tahay, maamulo kala duwan oo wax qaban kara, si markale
loo-helli qaranimadii horey u burburtay.
Sidoo kale shirkaan oo
shir balaaran ahaa ayaa waxaa kaloo ka hadlay gudoomiyaha ardayda reer
Somaliland ee dalka Malaysia C/Risaaq Codeey, gudoomiyihii hore ee
ardayda reer Puntland ee dalka Malaysia Maxamed Cabdi Samad iyo Daahir
Naani oo ku hadlay magaca Waax iyo Waadi.
Dhanka kale xafladaan
ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayad aad u xiiso badneed oo loogu
magaca daray Galmudug Garasho, iyadoo ay soo bandhigeen dhalinyaro yar
yar oo loo-soo tababaray qaabka jilida, isla-markaana waxaa si-weyn ula
dhacay dhamaan qeybihii bulshada ee kasoo qeyb gallay.
Dhanka
fanka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Hobolada Walaalaha ee KL iyo Hobolada
Walaalaha ee Bangi, kuwaa oo qaarkood ka yimid gobolada ku dhaw dhaw
caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.
Iskusoo wada-duuboo
xafladaan oo si-weyn loo-soo agaasimay ayaa waxay kusoo idlaatay sidii
loogu talla gallay, waxayna dadka intoodu badan mahad-celin balaaran ay u
jeediyeen Gudiga Galmudug States ee dalka Malaysia, waxayna ku
ammaaneen sida quruxda leh ay iskugu soo duba-rideen.