Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Guddoomiyaha odayaasha beelaha Muqdisho oo ku baaqay in dagaalka la joojiyo bisha Ramadan

$
0
0

Guddoomioyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha hawiye Maxamed
Xasan Xaad ayaa xalay qalabka war baahinta kala hadlay Kooxaha ku
dagaalamaya gudaha Magaalada Muqdisho.
Xaad ayaa sheegey in la soo gaaray bishii barakaysneed ee Ramadan iyadoo
shacabka Soomaaliyeedna ay yihiin boqolniiba Boqol dad Islaan ah una
baahan in ay cibaadeystaan bishaa Barakada iyo Xurmada leh.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in bishaasi aanay habooneyn in dhiigga
Islaamka la daaadiyo iyadoo bataatanba dhiigga Islaamka uu mar walba
yahay mid xaaaraan ah in la daadiyo haddana inaysan ku sii jirinba bisha
Barakaysan oo ka mid ah Bilaha uu Ilaaheey ugu tala galay naxariista
iyo fadaa’isha dheeraadka.
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa
raaciyay in sidii caadada u ahayd odayaashooda dhaqanka inaysna marna ka
daaleyn sidii iyo baaqoodii nabadeed iyo in la joojiyo dagaalada laguna
bedelo wada hadalo nabadeed.


Xasan Xaad ayaa intaa ku daray in marar badan ay ugu baaqeen kooxha is
dilaya inay u dhigaan googol nabadeed balse ay waayeen cid ka hoos
qaadda hadaladaa isagoona intaa ku sii daray inaysan marna ka quusaneyn
dadaalka ay ugu jiraan sidii mar uun loo gaari lahaa nabad iyo
xaislooni.


Maxamed xasanxaad oo ka jawaabayay su’aal ay weeydiiyeen war fidiyeenka
oo ku aadaneed inay dhinac la jiraan ayaa iska fogeeyey arrintaa
isagoona sheegey inaysan suurta gal ahayn inay dhinac la jiraan isla
marakaan ay kooxaha oo dhan u siman yihiin oo aysan cid si gooni ah u
taagerryn.


Guddoomiyaha  Odyasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa dhinaca kale farta ku
fiiqay in iagu ay yihiin qareenada Shacabka Soomaaliya isla markaana ay
u doodayaan shacabka dhibaateysan oo mar walba lagu dul dagaalamayo
isagoona intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed xilligan ay yihiin kuwo
daalan isla markaana u baahan in la siiyo fursad ay kaga faa’ideystaan
bisha  barakaysan sidii ay u cibaadeysan lahaayeen.
Maxamed Xasan Xaad ayaa mar kale baaq nabadeed u direy dhamaanba kooxaha
isku haya siyaasadda Soomaaliya oo uu sheegey in loo baahan yahay in
wixii khilaafaad ah ee jira sidii ay hreba u codsan jireen haatana u
codsanayaan in la joojiyo dhib aatooyinka wixii intaa ka badana wada
hadal nabadeed la isugu yimaado.
Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyntii kooxaha dagaalamaya u sheegey in mar
walb ay diyaar u yihiin in ay u fidiyaan gogal nabadeed soona dhaweeyaan
wixii lagu gaarayo xal nabadeed.
Ma aha markii u horreeyey ee Odyaasha dhaqanka beelaha hawiye ay baaq u
soo jeediyaan koxoaha ku dagaalamaya siyaasadda Soomaaliya, waxayse ka
quusan la’yihiin dheg u raaricinta aan marnaba loo dheg raaricineyn
baaqyada aan dhamaadka lahayn ee ay iska soo daba saarayaan.
Si kasta ha ahaatee hadalada ka soo yeerey guddoomiyaha Odayasha
Dhaqanka Beelaha hawiye ayaa imaanaya xilli dhinacyada isaga soo hor
jeeda Dagaalada Muqdisho ay ku baaqeen inay sii laba jibbaarayaan
dagaaladooda inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee ramadaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles