Maamulka Al-Shabaab Ayaa maanta si buuxda u shaacisay in aysan u ogolaan doonin hay'adaha gargaarka caalamiga ah iney nafaqo gaarsiiyaan gobolada ey iyagu ka taliyaan kadib markii sidaas ey ka dalbadeen odayaal waxgarad iyo dowladda KMG ah.
Madaxa Alshabaab u qaabilsan gurmadka abaaraha oo lagu mgacaabo Sheekh Suldaan Maxamed (Aala Maxamed) oo maanta shir jraa,id Muqdisho waxaa uu ku sheegay ineysan marnaba aqbaleyn in hay'adaha gargaaarka si ula tacaalaan macluusha ka jira meelo kamid ah gobolada dalka Somalia
Sheekh Suldaan ayaa sheegay in hay’addaha gargaarka ay doonayaan inay ku soo hoos gabadaan gargaarka abaaraha sidaas darteedna aysan u ogolaan doonin goobaha ay gacanta ku hayaan anaga ayaa ku filan goobaha aan joongo baahina loogama qabo hey,add gargaar ayuu Hadalkiisa ku soo gaabiyay Aala sheekh dhinaca kale Maalmihii la soo dhaafay ayay kooxda al-shabaab dhowr meelood biyo dhaamin ka bilaabeen
Balse dadka la socda xaalada abaaraha ayaa sheegaya in aanay baaxada abaarta ku filneyn Shabaab iyo xataa hadii ay isbaheystaan Maamulada koonfurta oo TFG ku jirto hadii Sadaxda bilood ee soo socota ay sii socoto Mamnuucida gargaarka mar kale ay soomaaliya ka soo muuqan doonaan Muuqaalo Murugo leh