Taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa
ayaa ku booriyay wadamada Uganda iyo Burundi in ay Soomaaliya ku soo
daad gureeyaan 8,000 oo nabad ilaalin ah.
Taliyaha Africom G. William Ward oo
hoggaaminaya wafdi saraakiil ah oo ka scoda dalka Mareykanka ayaa
wadahadal la qaatay saraakiil dowladda Uganda ka tirsan. waxa ayna ka
wada hadleen howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda dalkan Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska
afhayeenka ciidamada difaaca ee dadka Uganda ayaa lagu sheegay in Mr
Ward uu dowladaha Uganda iyo Burundi ku booriyay in ay soo daad
gureeyaan 8,000 oo askeri oo la keenayo Soomaaliya
“Taliyaha taliska Mareykanka ee Qaaradda
Africa ayaa ku amaanay dowladaha Uganda iyo Burundi meleterigooda ay
sida geesinimada leh ugu deeqeen nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo
dhamaan Africa oo dhan” ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.
Taliska Africom ayaa waxa uu ka tirsan
yahay waxaada difaaca ee Mareykanka qeybta Africa oo masuul ka ah
howlgallada military ee xariirka la leh Africa.
Warka laguma sheegin wax faah faahin
intaa dheer oo ku saabsan dooda ay ka yeesheen labada dhinac howlaha
nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa taageero farsamo siiso nabad ilaaliyayaasha Midowga Africa ee Soomaaliya ku sugan.