Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah al-Shabaabka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
Mr. Farmaajo ayaa ku dooday in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho 80% ay taageersan yihiin dowladda sidaas halka 7% ay la jiraan al-Shabaab taasina sida uu sheegay waxay cadeyn u tahay sida shacabku uga soo horjeeda Shabaabka.
Dhaqaale lacageed oo si hagar la'aan ah loo siiyo xukuumadiisa haddii aan la helin wuxuu Ra'iisal wasaaruhu sheegay in aysan waxba qabin karin, argagixisadun waa siduu hadalka u yiriye ay ku sii badan doonto Soomaaliya.
Farmaajo oo ka hadlayay dhanka kale niyada dagaal ee ciidamada dowladda ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa "Maalmihii ugu dambeeyay, niyadda ciidanku way sarreysay waxaana rajeynayaa in sida ugu dhaqsaha badan ay u wajihi doonaan cadowgooda si dhaqso badan oo dhaqso badan".
Ugu dambeyntii ra'iisal wasaaruhu wuxuu ka mahadceliyay ilaa iyo iminka dhaqaalaha loo fidiyay dowladda laakiin wuxuu dalbadan in dhaqaalahaas la sii kordhiyo si buu yiri ay xukuumadu u hesho dhaqaale la mid ah kan ay helayaan kuwa ka soo horjaadaahi.
Farmaajo ayaa hadda ku sugan Mareykanka waxaana la filayaa in uu halkaas kula kulmo mas'uuliyiin ka tirsan Mareykanka si uu uga dhaadhiciyo qorshaha taageero raadineed ee xukuumadiisu sida xawliga ah uga wado caalamka.