Habryar Aniso Aadan Iidle iyo Seygeeda Maxamed oo wiil ugu dhashay Cusbitaalka Jorvi, Magaalada Espoo Galbeedka dalka Finland ayaa waxaa halkan hambalo ka soo go'day kal iyo laab iyo qalbi farax la ashqaraarsan u soo marinaya dadkan hoos ku qoran.
- Muusa Cabdi Muuse (Suldaan Muusa)
- Amaal Cabdi Muuse (Amaal yareey)
- Ayaan Cabdi Muuse (Ayaan iftiin)
- Aniso Cabdi Muuse (Aniso Muna)
- iyo Maxamad Deeq Cabdi Muuse (Dalnuurshe)
Mar kale Reer Cabdi Muuse oo aan yar iyo weyn u kala harin waxay Habaryartood Anisa Aadan Iidle iyo Lamaanaheed Maxamad ugu duceynayaan in wiilka u dhashay ee loo bixiyay Muniir uu noqdo kii ay mahdiyaan oo waalidkiis, wadankiisa iyo diintiisaba wax tara uu Alle ka dhigo.
Daadihiyayaasha warsidaha www.halganka.net waxay iyaguna dhankooda hambalyo aan la soo koobi karin hawada, dhulka iyo cirkaba u soo marinayaan Aniso Aadan iyo Seygeeda Maxamad oo uu Alle u hibeeyay Muniir yare, Muniir soo barbaar!!!.
FG:Haddii aad dooneysid in aad hambayo u dirto Lammaanaha waxaad magacaaada iyo erayda aad ku kordhineysa hambalyadan ku soo qori kartaa qeybta hoose ee loogu talagalay in aqristayaashu ku qoraan fikradooda ana si toos ah ugu soo dir cinwaannada hoos ku qoran.