Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dagaal iyo duqeymo daba socday oo saakay dad shacab ku waxyeeleeyey magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan laba qof, ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo culus oo saakay magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidammada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo dagaalyahannada Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.


Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa shacab, ay madaafiicdu kula dhacay qaybo ka tirsan suuqa weyn ee Bakaaraha iyo xaafado ka tirsan degmada Hodan oo uu dagaalku ka dhacay.


Xarrakatul Shabaab iyo dowladda Soomaaliya, ayaan dagaalka ka hadlin, waxaana uu qayb ka noqonayaa dagaallada ka dhaca caasimadda Soomaaliya ee khasaaraha uu kasoo gaaro dadka shacabka ah ee dagaallada lugta ku lahayn.


Goobjoogayaal, ayaa u sheegay HOL in madaafiic ku dhacday suuqa Bakaaraha ay geysteen dhimashada qof iyo dhaawac afar qof oo kale, isagoo xusay in inta badan madaafiicda ku dhacday suuqa aysan khasaare geysan.


Lama oga, khasaaraha soo gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo xaafado ka tirsan degmada Hodan uu qof ku dhintay, qof kale ku dhaawacmay, waxaana madaafiicdaas laga ganay saldhigyada AMISOM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>